Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda Puntland, Maxamuud Xasan Soocadde, oo wareysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi ayaa duulaan ku qabiil ku tilmaamay qabsashadii degmada Tukaraq ee gobolka Sool oo ay qabsadeen ciidamo maamulka Hargeysa ka amar qaata. Ex-Wasiir Soocadde ayaa sheegay maanta in la joogo waqtigii loo diyaar garoobi lahaa difaaca iyo xoraynta gobolka Sool iyo meel kasta oo maamulka Hargeysa kaga sugan yahay xuduudaha Puntland. Wuxuu sheegay dowladda Puntland iyo shacabkeedu inuu kasoo dhammaaday dulqaadkii iyo tixgalintii ay ugu jirtay inaanu daadan dhiig Soomaaliyeed, balse haatan wuxuu cadeeyay inay sheekadaas soo dhammaatay oo Puntland waajib ku tahay inay dhulkeeda ka difaacato duulaanka qaawan ee Hargeysa lagasoo abaabulay. Dhinaca kale, wasiirkii hore ee warfaafinta Puntand, Soocadde, ayaa soo dhoweeyay kaalinta Puntland iyo shacabkeedu ka ciyaareen soo dhoweynta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, taasoo uu tilmaamay inay muujinayso sida Puntland ugu taagan tahay midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu soo dhoweeyay hirgalinta garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Garowe iyo doorki Isimadu ka qaateen joojinta colaadii ka taagnayd konfurta gobolka Sool. Halkaan ka dhegayso codka Soocadde. Puntlandi.com
  2. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa sheegay in maalmaha soo socda lagu qaban-doono Dhuusa-mareeb shirweyne dib u heshiisiin oo dhex mari-doona maamulkii Galmudug iyo Ahlu-sunna Sheekh Axmed Shaakir oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri” Kulankan aad iyo aad u qiimaha badan ee ka dhacaya caasimaddan gobolada dhexe ee Galmudug ee aan rajeyneyno labadii maamul ee gobollada dhexe ka jiri jiray maalmaha soo socda hal miis ay kuligood wada fariisan-doonaan, midoobi-doonaan, gacmahana is-qabsan-doonaan, ayadoo ay ka soo qeyb-galayaan beesha caalamka, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaan rajeynayaa in aad u diyaar-garowdeen sidii aad u soo dhoweyn laheydeen, u marti-gelin laheydeen shir-weynaha soo socda oo ay ka soo qeyb ka galaan madaxda maamullada’. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan Galkacyo isaga oo halkaasi ka wado dib u heshiisiin Galmudug iyo Puntland ah, waxaa lagu wadaa in Dhuusa-mareeb uu ku soo gabagabeeyo dib u heshiisiin kale oo dhex-marta Galmudug iyo Ahlu-sunna, laguna mideeyo labada maamul si kama dambeys ah. Goobjoog News Source
  3. Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo badan ay ku daabuleen deegaanno ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. Wararka ay helayso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in xilli walbo la filan karo dagaal dhex mara Labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi. Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo. Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in waxgaradkii ku howlanaa xallinta colaaddan ay ku guul dareysteen iney Labada dhinac ay nabadda ka dhaadhiciyaan. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/Warka-Tukaraq-By-Jaamac-Goobjoog-FM.mp3Goobjoog News Source
  4. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Goor dhow Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug wafdi Isugu jiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Xildhibaanada gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah Senator Jawaahir Axmed, Ahmed Macalin Fiqi, Abdixakiin Macalin. Waxaa sidoo kale Wafdiga Dhuusamareeb ka tagay ka mid ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Wehliye. Sidoo kale wefdiga ayaa waxa ka mid ah dadka soo jeeda deegaanada Galmudug isla markaana caanka ah sida Generaal Xaashi Cali Baraale, General Galaal iyo General Suubxaanyo iyo Maxamuud Afgooye. Waxaa wefdiga haatan la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada dhuusa Mareeb oo ay ku Shaqeeyaan Masuuliyiinta Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca. Dhuusa Mareeb ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in Maalinta Berito ah uu gaaro Magaalada Dhuusa Mareeb si uu uga qeybgalo Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna. The post Sawirro:-Wafdi isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb iyo mucaaradka oo … appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweyne Farmaajo oo uu wehliyo madaxweyne Gaas ayaa tagay xaafada Baraxley ee koonfurta Mudug, isagoo booqday xarumo waxbarsho iyo isbitaalka koonfurta Gaalkacyo. Waxaa halkaas kusoo dhoweeyay madaxweyne Xaaf iyo maamulkiisa. Ammaanka xaafada Baraxley ayaa si xoogan loo adkeeyay, iyadoo guud ahaan la xiray wadooyinka iyo meelaha madaxweynuhu kormeerka ku sameynayay. Ciidamada nabad sugida Puntland ayaa guud ahaan la wareegay amamanka wafuuda madaxweynaha, waxaana la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha inta wafuudu halkaas joogto. Madaxweyne Farnaajo ayaa kadib kormeerkiisa Baraxley aadidoona Qado sharaf uu u sameeyay Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo kamid ah Isimada Puntland Puntlandi.com Gaalkacyo.
  6. Turkey’s swift response to Somalia’s deadliest truck bombing drew praise from survivors and officials who called Ankara their “only genuine” international partner. It is an implicit challenge to Western backers that spend billions on security but have not, in the view of many Somalis; jumped to help. “Whenever there is a problem, Turkey helps us. Where are the other countries?” runs a popular cartoon circulating on Somali social media. Within 48 hours of the huge twin explosions that hit Mogadishu on Oct. 14, a Turkish air ambulance had landed in the battle-scarred capital and picked up dozens of wounded Somalis to transport them to Turkey for free medical treatment. Turkey’s Health Minister Ahmet Demircan also pitched up with surgeons who set to work at once in hospitals alongside Somali doctors and nurses. Ankara has invested heavily in Somalia over the past five years. “Turkey is the best friend to Somalia and they were the first supporter to us after the blast,” said Abdiasis Ahmed, a jobless university graduate who said four friends had been airlifted out, one with a broken back. At least 300 people were killed in the blasts and more than 400 injured. Although extremist al-Shabaab militants were pushed out of Mogadishu in 2011, the attack – which al-Shabaab has not claimed – shows the dangers still facing the capital. Many Somalis contrasted Ankara’s response with that of the European Union, which has a naval force including combat ships equipped with emergency medical systems off Mogadishu’s shore to deter piracy, but which did not take in casualties. “I’ve heard a lot of complaints from Somalis saying ‘There’s a huge Western navy on our shores – why can’t those people come to help us?’,” said Rashid Abdi, a Nairobi-based Somalia analyst at International Crisis Group, a think-tank. A spokesman from the naval force said the force had diverted its nearest vessel, a Spanish ship, that delivered equipment and medical supplies once it reached the Somali coastline. He said the maritime area the force covers is “vast” but the ship arrived Mogadishu “as quickly as possible.” A tweet from the naval force earlier on Oct. 18 said it was providing “vital medical aid” for the victims. Senior officials also compared the speed and scale of Turkey’s assistance with that of Somalia’s foreign partners, including neighbours Kenya and Djibouti and the United States and the United Nations. Mogadishu Mayor Thabit Mohamed tweeted on Oct. 16 that he was grateful for Turkey’s “immediate response” and “relief for victims”, compared with a “Thanks for standing with #Mogadishu” tweet 24 hours later aimed at the U.S. Embassy. “Turkey is always first to help us. They are our only genuine brother,” Information Minister Abdirahman Omar Osman told Reuters, recalling a personal visit by President Recep Tayyip Erdoğan in 2011, when Somalia was in the grip of famine. “Their support is visible to everyone. They build hospitals, they build schools, and that’s why they are different than others,” he said. “Others might give more money but Turkey is perceived by the people to be the ones really helping Somalia.” Reuters
  7. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa xoogga dalka lagu eegtay nawaaxiga Haanta Dheer, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka ku aasneyd, waxaana lala eegtay sida naloo sheegay gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka. Inta la xaqiijiyey Saddex kamid ah askartii gaarigaasi saarneyd ayaa dhaawac soo gaaray, iyadoo dhowaqa qaraxan laga maqlay meello badan oo magaalada Muqdisho ah. Maamulka degmada Dayniile weli kama aanu hadal qaraxan, sidoo kalena saraakiisha ciidamada ammaanka ee Muqdisho wax war ah kama aanay soo saarin qaraxan. Qaraxyada sidan oo kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo badana qeybo kamid ah gobollada dalka. Goobjoog News Source
  8. Mogadishu (HOL) - Somali Government has unequivocally distanced itself from the report of International Federation Journalist (IFJ) through a open letter on Friday, accusing it of attacks against Somali journalists. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah magaalada Gaalkacyo kula qaadandoono shacabka Puntland qeybihiisa kala duwan, isagoo ka dhegaysandoona aragtiyadooda iyo talooyinkooda Waxaa madaxweyne Farmaajo uu saakay kulamo gaar gaar ah la qaatay Isimada iyo waxgaradka gobolka Mudug, isagoo ka dhegaystay talooyin kala duwan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya ee haatan, waxaana madaxweynuhu maanta casuumad qado ku leeyahay degaanka Heemo ee gobolka Mudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa marka uu kasoo laabto Heemo inuu booqdo xaafada Baraxley ee koonfurta Mudug, iyadoo halkaas ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay islamarkaasna ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland. Puntlandi.com
  10. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in shirkii baaqday ee arrimaha nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir la qaban-doono 28ka Bishan Janaayo 2018. Hadalkan waxaa uu Guddoomiye Thaabit ka sheegay goob xariga looga jarayey sabtidii dhismaha wadada General Kaahiye Ee Muqdisho. Shirkan nabadeynta iyo horumarinta Banaadir ayaa loo madal-sanaa inuu qabsoomo 7dii Janaayo 2018, laakin waxaa uu u baaqday sababo lagu sheegay khilaaf dowladda dhexdeeda ah. Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo December 26keeda Degmada kaxda ka furayey Barnaamijka Deresenta iyo Amniga ayaa ku dhaqaaqay in shirkan qabsoomayo, laakin waxaa uu soo ifbaxay khilaaf aan rasmi loo shaacin taas oo keentay in la dib dhigo. Todobaadkii hore, Xubno ka tirsan ururka jilayaasha aan dowliga aheyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya(SOSCENSA) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dowladda u diray baaq ku aadan sidii u qabsoomi lahaa shirka wadatashiga gobolka Banaadir. Ururka ayaa ka hadlay in shirkaasi u dan u yahay bulshada ku nool gobolka Banaaidr iyo Soomaali oo dhan, iyagana u taagan yihiin isu soo dhoweynta dowladda dhexe iyo heer gobol iyo mid maamul goboleed iyaga oo ku baaqay in la qabto ugu dambeyn 20-25-ka bisha. Goobjoog News Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaki kama taagnaa inuu jiro isbedel dhanka cimilada oo wayn, iyadoo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay dareemayaan isbedelkaan ku yimid dhanka Cimilada Somaliya. Isbedelka wayn ee dhanka Cimilada ee la dareemay ayaa ah habeenkii oo dadka reer Muqdisho ay dareemaan qabow badan oo qar qaryo wata, horay uma aysan arki jirin dadka reer Muqdisho qabowga noocaan oo kale ah. Sidoo kale maalintii waxaa ka jira Magaalada dabeyl badan oo carada kicinaysa, waana mida keentay dhaqdhaqaaqa socodka dadka maalintii inuu gaabis noqdo, qof walibana uu ku ekaado goobtiisa, shaqada gurigiisa iyo meesha uu ku sugan yahay. Inta ugu badan dadka oo ah kuwa ka shaqeeya goobo kala duwan oo Magaalada ah ayaa qabowga aroortii jira wuxuu saameeyay jadwalkooda shaqada, maadaama ay ku adkaatay inay kacaan subaxdii xilli hore. Qaybaha Bulshada oo isugu jira kuwa shaqaale ah iyo kuwa aanan shaqaale aheyn oo xarumaha shaqada milki u leeyihiin, ayaa dadka milkiyada leh goobaha shaqada waxa ay sheegayaan hurdada inay ku gaaraan illaa 9-ka Subaxdii iyaga oo ka kici waaya hurdada, sababo ku aadan qabowga subaxdii ka jira magaalada. Shaki kama taagna qofka ku nool Muqdisho haddii aad tahay inaad dareentay qabow badan oo kugu kalifay inaad aroortii hore aad hurdada ka kici waydo ama aad qubeysan waydo, laakiin sababta ay tahay isbedelka dhanka Cimilada ee Muqdisho lagu arkay. Marka laga hadlaayo dhulka Somalida Muqdisho waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu wanaagsan dhanka Cimilada ee aan qabow iyo kuleyl midna aheyn, maadaama cimiladadeeda dhexdhexaad ay tahay. Deeganada Somalida waxaa aad ugu qabow dhulka ku xayndaaban Buuraha, sida Magaalooyinka Ceerigaabo, Sheekh, Wajaale, Boorama, Hargaysa iyo deegano kale oo intooda badan dhaca Waqooyiga dalka, dadkana ay la qabsadeen qabowga xoogan ee ka jira deeganadaasi. Dadka ku taqasuusay arrimaha isbedbedelka Cimilada, illaa hadda sabab rasmi ah kuma sheegin isbedelkaan dhanka Cimilada ah ee laga dareemay Magaalada Muqdisho. Heerkulka Muqdisho ayaa maraya 23, markii hore wuxuu ahaan jiray 34 illaa 30 inta u dhaxeysa, balse hadda farqi wayn ayaa u dhaxeeya. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Maxaa kala socotaa Isbedelka dhanka Cimilada ah ee laga dareemay magaalada Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  12. Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa sheegay inay kaalin xoogan ka qaateen sugida Amniga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Booqashadiisa uu Puntland ku marayo, taasoo haatan gabagabo ku dhow. Qoraal kooban oo kasoo baxay PSF, ayaa lagu sheegay in madaweyne Farmaajo iyo wafdigiisa intii ay ku sugnaayeen gudaha Puntland iyo haatanba aanay la kulmin wax dhibaato amni ah, iyagoo taas badelkeed dareemayay neecowda amni ee ka jirta Puntland iyo soo dhowayn aan kala joogsi lahayn oo illaa iyo haatan socoto. Saraakiisha ciidanka PSF, waxay xaqiiyeen in ciidan aan ahayn ciidanka Puntland uusan sugayn ammaanka wafuuda madaxweynaha iyo meelaha uu booqanayay, marka laga reebo ilaalo kooban oo madaxweynaha uu watay. Saraakiisha ciidanka PSF waxaa kale oo ay beeniyeen in habo yaraatee wax khatar amni ay ka jirto gobolka Bari gaar ahaan buuraha Galgala, halkaas oo ay sheegeen inay ciidamada difaaca Puntand ku baacsanayaan kooxaha argigxisada oo iyagu laftooda baxsad ah.
  13. Puntland iyo Soomaaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa kusoo daabulay gobalka Sool gaar’ahaan duleedka tuulada Tukaraq oo ay xiisad dagaal ka qaraxday 08-Janaayo-2018 markii ay halkaas iska hor-imaad kooban kula wareegeen ciidamada Soomaaliland. Tukaraq oo horay u ahayd saldhiga u weyn ee Puntland ku leedahay gobalka Sool ayaa tan iyo markii ay la wareegtay Soomaaliland waxaa ka aloosnaa xiisadii ugu cuslayd, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa ku dhaawaqay dagaal ay Puntland isaga difaacayso wuxuu ugu yeeray duulaanka Hargeysa, sidoo kale maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay gaarayaan xaduudkooda oo ay u arkaan inay tahay meel aan sidaa uga fogeyn caasimada Puntland ee Garowe, waxayna tan iyo xiligaas labada dhanba boqolaal ciidana oo si aada u hubaysan ku daabulaayeen degaanadaas. Wararka aan ka helayno jiidaha ay isku hor fadhiyaan labada dhan ayaa sheegaya inay ciidamadu isku muuqdaan xili walbana la filan karo dagaal ka qarxa degaanadaas. Ma jirto haba hayaraate wax waan-waan nabadeeda oo laga dhex wado labada dhan, waxayna wararka ay helayso PUNTLAND POST sheegayaan inay guuldaraysteen xal nabadeed oo ay wadeen xubno kasocda qaramada midoobay iyo Dawladaha deriska markii ay Soomaaliland ka dhega adaygtay inay ciidamadooda kala noqdaan degaanka Tukaraq oo ay maalmo kahor la wareegeen. Sidoo kale odayaasha iyo Isimada Gobalka Sool ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan degaanadaas inay iska diifaacaan duulaanka Soomaaliland. Marka la eego inaysan jirin xal nabadeed oo laga dhex wado dhinacyada isku hor fadhiya Tukaraq, Ciidamada lagu soo daabulaayo iyo hanjabaadaha culus ee hawada la isku marinaayo waxay u muuqataa inaan laga fursan doonin collaad ka qaraxda gobalka Sool. PUNTLAND POST The post Xiisada Tukaraq iyo diyaar garowga dagaal ee labada dhinac oo maraysa meeshii u danbaysay appeared first on Puntland Post.
  14. Governor of the Blue Nile State Hussein Yassen Hamad said 13,000 out of 55,000 Sudanese refugees have returned to their home areas from Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  15. Ururka Al-shabaab ayaa xukun Karbaash ah ku riday mid kamid ah shacabka degmada Kurtunwaarrey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu eedeeyay kufsi. Maxkmadda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose,ayaa xukuntay in boqol jeedal lagu karbaasho ,islamarkaana degmada laga musaafuriyo,Cabdi Axmed Abuukar oo ku eedaysan in uu kufsi u geystay gabar ku dhaqan degmadaasi Fagaaraha xukunka laga fuliyay ayaa waxaa daawanayey boqollaal shacab ah oo isaga yimid xaafadaha degmada Kunturwaarrey,kuwaasoo ay ku jiraan carruur aad u da’yar. Al-shabaab ayaa sidoo kale eedaysanaha ku ganaaxday in uu bixiyo”qaalin geel oo xaal ah”,taasoo ku cusub xukunnada ay Al-shabaab riddo. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xukunno ku ridday qof shacab ah. appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga Helayo hanta dheer ee Degmada deyniile ayaa sheegaya in gaari ay Saarnayaeen ciidamo ka tirsan Militiriga Dowlada Soomaaliya Qarax miino lala beegsaday. Qaraxa Miinada ayaa Waxaa la sheegay in la dhigay Wadada dhinaceeda,islamarkaana uu haleelay gaariga Cabdi Bile oo ay saarnaayen askarta ka tirsan militiriga Dowlada Soomaaliya. Inta la Xaqiijiyay Sedex Askari ayaa ku dhaawacantay Qarax miino,inkastoo aan la ogeyn Tirada rasmiga ah ee ku geeryootay qaraxaasi. Goobjoogayaal ku sugan Haanta Dheer oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in ay maqleen jug culus,islamarkaana ay arkeen Qiiq iyo uuro ka baxaysa goobta,halkaasina uu yaalay gaari ciidan. Maamulka Degmada Deyniile iyo Saraakiisha laamaha Amaanka ayaan weli faahfaahin ka bixinin Qaraxa Miino ee lala beegsaday Askarta ka tirsan Militiriga Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan Waxaa ka dhaca Qaraxyo miino oo lala eegta ciidamada ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. There is no question that Kenya and Somalia are two countries that are deeply linked economically, socially and culturally. Source: Hiiraan Online
  18. U.S. President Donald Trump's White House physician declared him in "excellent health" after the president received his first medical checkup at Walter Reed military hospital on Friday, undergoing a physical examination amid suggestions in a recent book and by his detractors that he's mentally unfit. Source: Hiiraan Online
  19. The African group of ambassadors to the United Nations has demanded an apology from Donald Trump, after the US president reportedly aimed a racist remark at some Caribbean nations and Africa. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu halkaasi ka furo shir dib u heshiisiin ah. Shirkaasi oo ah mid muhiim ah ayaa looga hadli doonaa sidii nabad waarta loo kala dhax dhigi lahaa Dadka ku dhaqan Gobolka Mudug oo dagaalo soo laa laabtay uu ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo. Shirkaasi waxaa goobjoog ka noqon doono Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug Odoyaasha iyo waxgaradka Gobolka Mudug iyo Maamulada Magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa qudbad dheer ka jeedin doono Shirkaasi isaga oo ka hadli doono Doorka Dowlada Soomaaliya ay ka qaadaneeyso Nabadeeynta Gobolka Mudug. ugu dambeeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doono qeeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Gaal-kacyo isaga oo maalinta bari ahna ku wajahan Magaalada Cadaado. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaalkacyo ka furaya Kulamo Dib u heshiisiin ah appeared first on Puntland Post.
  21. The US has been talking tough about South Sudan President Salva Kiir, threatening to cut aid to the country. Does Washington plan any other action beyond sanctions? Source: Hiiraan Online
  22. Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ka dhacay Qarax Qasaare geeystay oo la la eegtay Ciidamo katirsan kuwa Dowlada Soomaaliya. Qaraxaan oo ahaa nooca Dhulka lagu aaso ayaa la la eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada Dowlada oo marayay Nawaaxiga Haanta Dheer degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal halkaasi ku sugan ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST in qaraxaasi uu geeystay qasaare isugu jiro dhimasho dhaawac. 3 Askari oo katirsan Ciidamada dowlada ayaa qaraxaasi ku geeriyootay halka ku Dhowaad 5 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi. Qaraxaasi kadib waxaa xirmay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee wadadaasi waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowlada. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo isugu jir kuwa ismiidaamin ah iyo kuwa dhulka lagu aaso oo la la eegto Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Qasaare Geeystay oo Ciidamada Dowlada lagula eegtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Khawlah Noman was walking to her Toronto school when a man suddenly appeared behind her and cut her hijab, police said. Source: Hiiraan Online
  24. To leave one's home, to abandon one's family for a new start in a new land is never an easy choice. To get up and walk away, not knowing if one will ever return is not an easy decision. Source: Hiiraan Online
  25. Cadaado (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan AMISOM la geynaayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Ciidamadan dheeraadka ah ayaa kaabi doona ciidamo kale oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana lasoo sheegayaa in saacadaha fooda nagu soo haya ay gaarayaan magaalada. Ciidamadan ayaa magaalada kala degi doona Hubkooda, waxa ayna si rasmi ah ula wareegi doonaan amniga iyo gacan ku heynta goobaha muhiimka ah. Ciidamadan ayaa ka qeybqaadan doona xaqiijinta amniga magaalada Dhuusamareeb, oo uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdigiisa. Magaalada Dhuusamareeb waxaa hadda ku sugan wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo hordhac u ah Madaxweynaha Somalia iyo madaxda maamulka Galmudug. Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaaya kulan lagu dhameystiraayo Heshiiskii maamulka Galmudug iyo Ahlusunna oo lagu dhameyn doono magaalada Dhuusamareeb. Geesta kale, waxaa amniga magaalada Dhuusamareeb iminka gacanta ku haya Ciidamo ka socda dowladda Jabuuti , kuwaasoo la sheegay in ay wax ka xaqiijinayaan Ammaanka Magaalada. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Ciidamo ajaaniib ah oo la wareegayo amniga magaalada Dhuusamareeb & Diyaarad la filaayo inay… appeared first on Caasimada Online.