Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan AL-bashiir ayaa fariin ka helay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn taasi oo ku saabsan arrimaha gobolka. Fariintan ayaa timid ka dib markii Al-bashiir uu ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu magaalada Khartuumo ee caasimadda Suudaan. Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Ibrahim Ghandour ayaa la kulmay dhigiisa Itoobiya waxayna ka wadahadleen wadatashi u socon doono Itoobiya iyo Suudaan kaasi oo ku saabsan xariirkooda laba geesoodka ah. Ibrahim waxaa uu sidoo kale ka hadlay in ay jiraan fallaago ku fir-fircoon bariga dalkaasi isla markaana ay isu diyaarinayaan i ay ka hortagaan cadawyga dhinac walbo oo ay ka yimaadaan. Wasiirka ayaa sheegay in uu waraaq ka wado ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayna ku saabsantahay arrimaha ku saabsan gobolka iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Arrintaani ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Suudaan ay xirtay dhammaan xaduudaha ay laleedahay Eritrea waxayna qeybta bari ay geysay ciidamo badan oo milatari ah. Sudaan waxaa ay todobaadkii hore sheegtay in Egypt iyo Eritrea ay tagaeeraan fallaagada ku kascan Khartoum, xiriirka Masar iyo Suudaan waxaa uu marayaa meeshii ugu xumeed. Goobjoog News Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dadka degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa saaka kusoo tuusay Ido gowracan oo min labo loo dhigay waddooyinka. Idahaan oo labo labo isku garabyaal ayaa la sheegay in la dhigay inta badan waddooyinka Degmada, gaar ahaan eeryada Xarunta Degmada, waxa ayna arrintaan qalqal iyo dareen gaara ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Degmada. Neefafkan gowracay oo labo labo leysku garab dhigay ayaa midna loo dhigay sida neef fadhiya, halka kan kale lagarab jiifiyay sida neef jiifa. Dhacdadaan oo ah mid ku cusub dadka deegaanka ayaa waxa ay ka dhacday Waaxda Sayidka oo ah waaxda ugu amniga badan marka la’eego Degmada inteeda kale. The post Arrin cajiib ah: Ido la gowracay oo lagu daadiyay eeryada Xarunta Degmada Howlwadaag + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Garoowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul dagaal hor leh oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland. Wararku waxa ay tibaaxayaan in maamulada Puntland iyo Somaliland ay saaka ciidamo badan ku daabulayaan deegaano ka tirsan gobolka Sool. Labada dhinac ayaa ciidamada ku daabulaaya duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, halkaa oo laga sameeyay Saldhigyo lagu uruuriyo ciidamada iska soo horjeeda ee gurmadka ah. Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya inuu jiro dhaqdhaqaaq labada dhinac ah, isla markaana xili walba la filan karo dagaal dhex mara labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi. Sidoo kale, Maamulada iyo Saraakiisha labada dhinac ayaa warbaahinta isku marinaaya hadalo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xiliyada qaar dhacaaya rasaas u muuqda in labada dhinac ay isku maqashiinayaan joogitaankooda iyo inay ku jiraan heegan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Gaadiid dagaal iyo Ciidamo farabadan oo ku qulqulaaya Nawaaxiga Tukaraq & Xaalada oo cakiran appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Amiir kasoo jeeda qoyska xukuma dalka Qatar ayaa sheegay inuu ku xiran yahay dalka Imaaraatka Carabta oo khilaaf Siyaasadeed uu kala dhexeeyo Qatar. Amiirkan oo lagu magacaabo Cabdallah Bin Cali Al-Thaani ayaa hadalkan ku sheegay fariin muuqaal ah oo uu ku baahiyey barta YouTube-ka. Waxa uu sheegay Cabdallah Bin Cali Al-Thaani inuu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan yahay mid xiran. Cabdallah Bin Cali Al-Thaani, wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaara uu mas’uul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaraadka, isagoo intaa raaciyay inay jiraan xadgudubyo loo geystay. Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa caqabado dhanka Siyaasada ah ku heysa muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qatar, iyadoo ujeedka uu yahay si dowlada Qatar loo dareensiiyo heerka uu gaarsiisan yahay xiriir xumida colaadeed ee kala dhexeeya. Geesta kale, dowladaha Sucuudiga, Imaaratka, Baxrayn iyo Masar ay dhamaantood xidhiidhka u jareen Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada iyo in ay Iran aad ugu dhawdahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub: Imaaraadka oo xiray Amiir kasoo jeeda qoyska xukuma dalka Qatar appeared first on Caasimada Online.
  5. Kismaayo (Caasimada Online)-Diyaarado dagaal ayaa saqdii dhexe ee xalay duqeymo culus ka geystay Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Deegaanka Ceelcadde oo 60km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, ayaa waxaa ku yaala Saldhigyo waaweyn oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaal iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab. Diyaaradaha duqeynta geystay oo la sheegay inay yihiin laba Diyaaradood ayaan si rasmi ahi loo ogeyn halka laga leeyahay, waxa ayna duqeyntu dhacday laba sano ka dib markii ciidamo ka tirsan Kenya lagu laayay Saldhiga Ceel-Cadde. Dadka deegaanka oo ka hadlaayay dareenkooda ayaa sheegay inay ka warheleen Jug culus oo is xigxigta, iyadoo wixii intaa ka danbeysay uu isbedelay jawiga. Waxaan la ogeyn ujeedka laga lahaa duqeynta aan khasaaraha geysan, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha Kenya. Si dhaba looma oga haddii ay jiraan khasaarooyin la qarinaayo oo ka dhashay duqeynta iyo inaanu jirin waxyeelo oo idil. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Diyaarado aan la garaneynin oo duqeyn dukun-daakun uga dhigay deegan lagu xasuuqay ciidamo Kenyan ah appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo ka kala tirsan Militeriga dowlada iyo kuwa AMISOM, ay buux dhaafiyeen wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho. Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal ayaa wada qorsho leysugu furaayo wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho, waxa ayna sidoo kale howlgal kawadaan degaano iyo degmooyin dhinacyada ka saran wadadaasi. Ciidamada is garabsanaaya ayaa Saldhigtay degaanka jameeco oo 30 KM u jirta Degmada Buurhakabada ee gobalka bay. C/risaaq Cabdi Aadan oo ah Wasiir ku-xigeynka amniga maamulka Koofur Galbeed, ayaa sheegay in ay wadaan qorsho la isugu furayo wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho oo uu sheegay inay ka dhacaan dhibaatooyin badan. Wasiir ku-xigeenka waxa uu tilmaamay in dhawaan ay Ciidamada ay gaari doonaan Degaanka Leego ee gobalka Shabeelaha hoose, waxaa uuna xusay in Shabaab ay ka Saari doonaan guud ahaan degaanada koofur galbeed Soomaaliya. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili inta badan deegaanada Koonfur Galbeed ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Militeriga dowlada & kuwa AMISOM oo bilaabay qorsho cusub oo Shabaab looga eryinaayo.. appeared first on Caasimada Online.
  7. Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceelka Geelow ee Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan ka dhasheen. Dagaalyahannada Al=-shabaab ayaa shalay weerar gaadmo ah ku qaaday deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deeganakan ayaa sheegaya in xaaladda ay deggan tahay, islamarkaana ciidamada xoogga dalka ay dib ugu laabteen deegaankaasi, kadib saacado kooban oo Al-shabaab la wareegeen. Waxay ciidamada wadaan howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo la sheegay in ciidamada ay deegaankaasi ka degeen gudaha iyo duleedyada. Inta la xaqiijiyey dagaalladii shalay dhacay waxaa ku dhimatay Saddex qof, iyadoo dhaawacna uu jiro. Shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Ceelka Geelow ayaa sidooda halkaasi ujooga, balse waxay ka baqanayaan in mar kale lagu dul dagaallamo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  8. Nairobi (Caasimada Online)-Dalka Kenya ayaa waxaa maanta laga xusayaa ciidamadii dhawaan Kenya looga xasuuqay weerarkii Saldhiga Ceel Cadde. Ciidamadan lagu laayay Ceel Cadde ayaa waxaa la weeraray xili ay ku howlanaayen nasiino waxa ayna ku beegneyd 15-kii January 2016. Ciidamadan ayey dowlada Kenya xustaa sanadkiiba mar waxa uuna weerarkaasi noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ku dhaca Kenya. Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo kor u dhaafaya Kontan ayaa weerarka ku qaaday Saldhiga Ceel-Cadde, waxa ayna maleeshiyada Shabaab xaqiijiyeen in weerarkaasi ay ku dileen ku dhawaad 200, halka dowlada Kenya ay dafirtay in weerarka lagu dilay tirro intaa dhan. Kenya ayaa bixisa mushaarka Askartii lagu laayay Ceel Cadde, taasi oo la siiyo qoysaskoodii sida in askartii nool yihiin, hayeeshee waalidiinta Askartaas waxa ay doonayaan in wax u kala cadaadaan. Sidoo kale, al-shabaab ayaa weerarkii Ceel Cadde ku qabsaday Askar nool oo Kenyan ah, qaarkood ayay muuqaalo ka soo duubeen oo ay soo geliyeen baraha Internet-ka, halka qaarka kalena ay weli heystaan. Dhinaca kale, Sanad walba xilligan oo kale Ciidamada Kenya waxaa ay galaan heegan iyo feejignaan dheeraad ah, oo ku aadan in Shabaab weeraro la mid ah kuwii horey ay fuliyaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Kenya oo laga xusaayo xasuuqii Ceel-Cadde & Dowlada oo weli aan ogeysiin qoysaska Askarta la xasuuqay appeared first on Caasimada Online.
  9. Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen askari ka tirsan Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya. Askarigan ayaa lagu dilay xaafadda Xaawo Taako ee B/weyne, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan natiijadiisa la shaacin. Sidoo kale, saakay oo Isniin ah waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda Federaalka ay howlgallo ka wadaan xaafado ka tirsan magaalada B/weyne. Magaalada B/weyne waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan, iyadoo habeen kahor sidan oo kale magaaladaasi loogu diley askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source
  10. Palestine's Minister of Awqaf and Religious Affairs said Sunday that Israel had committed more than 1,000 violations against mosques and churches in 2017. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu Xariga Ka Jaro Dekada Hobyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa safar dhanka dhulka ah ku tagi doono Magaalada Hobyo si uu dekada Hobyo Xariga uga Jaro islamarkaasina si rasmi ah u shaqo biloowdo. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf ayaa sheegay in uu mar uun uu ku haminayay in Madaxweynaha uu Xariga ka jiro Dekada Hobto isaga oo sheegay in Madaxweynaha uu geeyn doono Hobyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sii wadan doono socdaalkiisa uu ugu magac daray socdaalkii Nabada uu ku marayo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Maanta oo isniin ah ayaana lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu Safar ugu Amba baxo Magaalada Cadaado. La soco Puntland Post oo hel Wararka Safarka Madaxweynaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka Jaraya Dekada Hobyo appeared first on Puntland Post.
  12. The Islamist armed group Al-Shabab has threatened and abducted civilians in Somalia’s Bay region to force communities to hand over their children for indoctrination and military training in recent months. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo isaga oo shacabkii soo dhaweeyay u sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’antahay nabadeynta Galkacyo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay higsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka soo noq-noqday ee ragaadiyey nolashooda. “Nabad la’aanta waxaa idin kaga maqan horumar. Annaga dowlad ahaan wixii mashaariic horumarineed ah ee aad u baahantihiin waa idin keeneynaa, balse reer Gaalkacayo maanta waa in ay kala doortaan in ay ku tartamaan Colaadda ama horumarka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso midnimada iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug, isagoona faray dhammaan dhinacyada kale ee heer Gobol iyo heer Degmo in ay u istaagaan Dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku cool Galkacyo.. “Dib u heshiisiinta aan wadno waxa ay tahay in qofkasta oo gobolkan ku sugan uu kaalintiisa ka qaato sidii aan u ilaashan lahayn midnimadeenna iyo wada jirkeenna. Gaalkacayo oo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah.” Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi la qaatay Madaxda heer Dowlad Goboleed, duubabka dhaqanka, culumada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo dar dar geliyo dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka. DHAMMAAD Source
  14. Fairfax Africa Fund, a US-based investment firm, in collaboration with multiple partners from Asian countries is planning to build an oil refinery in Ethiopia with a total investment cost of four billion US dollars. Source: Hiiraan Online
  15. Islam was mentioned a total of 21 times in the Austrian coalition's new governmental programme, titled "Together. For our Austria". Source: Hiiraan Online
  16. Liberia’s ruling Unity Party has expelled the country’s outgoing president, Ellen Johnson Sirleaf, who is accused by party leaders of meddling in last year’s presidential elections in which its candidate suffered a bruising defeat. Source: Hiiraan Online
  17. US President Donald Trump insisted Sunday that he is "not a racist," after his reported denunciation of immigration from "shithole" countries triggered a global firestorm of criticism. Source: Hiiraan Online
  18. US President Donald Trump loves signing executive orders. During his first year in office, he has signed dozens of controversial orders on a wide variety of subjects, ranging from national security to trade. Source: Hiiraan Online
  19. US President Donald Trump loves signing executive orders. During his first year in office, he has signed dozens of controversial orders on a wide variety of subjects, ranging from national security to trade. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in Israel ay ku tumatay heshiiskii Oslo oo ay la gashay Falastiin,waxaa uu ku tilmaamay qorshaha madaxweyne Trump ee nabad-galyada bariga dhexe inay tahay dharbaaxo waqtiyeed. Madaxweyne Cabas ayaa ku celiyey in madaxda Mareykanka ay diidanyihiin inay dhexdhexaad ka noqdaan geedi socodka bariga dhexe. Madaxweyne Cabas ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan in loo soo jeediyey inay qaataan magaalada Abu Diis ayna u noqoto caasimadda Falastiin badalka Qudus. Cabas ayaa tilmaamay in madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu u sheegay inaysan aqbaleynin mashruuciisa Qudusna ay tahay caasimadda Falastiin. Ugu dambeyn madaxweyne Cabaas ayaa diiday in Mareykanka uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Falastiin iyo Israel. Goobjoog News Source
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland. Shirka oo ay ka qeybgalidoonaan hogaamiyaal ka kala socoda wadamada Caalamka ayaa lafilayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,wuxuuna furmaya bishan Janaayo gudeheeda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa ,waxaana lafilayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha. Shir ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama ay kujiro wadamo yer oo Africa ka tirsan,kuwaasi oo si gaar ah loogu casuumay. Dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay masuuliyiinteeda waxa ay uga qeeybgalayeen Shirar muhiim ah oo Dowlada ay ku raadineeyso Dhaqaalo. PUNTLAND POST The post Raisulwasaare Kheyre oo Ka Qeyb Galaya Shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Switzerland. appeared first on Puntland Post.
  22. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Thaabid Cabdi Maxamed Ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud. Qaban Qaabo lagu soo Dhoweeynayo Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Gal-Mudug. Gudoomiye Thaabid ayaa ka qeeybgalaya Soo Dhoweeynta Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb iyo shirka Mideeynta Maamulka Gal-Mudug iyo Ahlusunno. Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku qul qulaya wafuud Xildhibaano iyo Siyaasiin isugu jirta oo ka qeeybgalaya munaasabadaha ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb. Waa Markii ugu horeeysay uu gudoomiye Thaabid gaarayo Magaalada Dhuusamareeb tan iyo Markii xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho loo magacaabay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku Wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (Caasimada Onlie) – Sida ay qortay warbaahinta Kenya, dalka Kenya si cad weli ugama hadlin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya. Ugu yaraan 1,000 oo Kenyaan ah ayaa la sheegayaa in ay ka dhinteen Kenya tan iyo 2011-dii kadib afduubkii labo dalxiise oo Faransiis ahaa. Qoysas badan ayaa dhibaato ka soo gaartay kadib markii Soomaaliya lagu dilay qofkii biili jiray, dowladda Kenya weli dadkaasi ma siin wax mag-dhaw ah. Khubaro xagga Militariga waxaa ay sheegayaan in dowladda Kenya ay Sh7,000 maalin walba ugu baxeyso si hal askari u sii joogo Soomaaliya, waxaa ku jira cunto, gaari-raac, caafimaad, xiriirka iyo biyaha, bishii Sh210,000 halka sanadka uu noqonayo Sh2.52 million. Hadda gudaha Soomaaliya waxaa ku sugan illaa 4,000 oo ciidamo Kenyan ah, lacagta sanadkii ku baxeyso waa Sh10.08 billion. Dhowr xog uruurin oo laga sameeyay gudaha Kenya, 68-70% dadka waxaa ay taageersan yihiin in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, 40% waxaa ay qabaan in Al-shabaab ay weeraro uga geysato gudaha Kenya sababta oo ah ciidamada Kenya oo jooga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Khasaaraha naf iyo maal ee ciidamada Kenya ka jooga Somalia oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka Wasaarada Cadaalada xukuumada Somalia Avv Xasan Xuseen Xaaji ayaa daboolka ka qaaday in Maxkamadaha ka jira dalka ay dhibaato badan ku hayaan muwaadiniinta. Wasiirka ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhibaatooyinka Maxkamadaha ee loo soo gudbinaayo Wasaarada, waxa uuna cadeeyay inay jiraan kiisas dhowr ah oo muujinaaya dhibaatooyinka ay Maxkamadaha ku hayaan Muwaadiniinta. Waxa uu tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan awoodin qarashaadka ku baxaya maxkamadaha maadaama qareenada u doodaya muwaadiniinta ay u baahan yihiin in ay helaan qarashaad. Wuxuu sheegay in dadka loo kala sharci qaadayo ay yihiin kuwo kala dhaqaale badan, isla markaana ay dhacdo in dadka qaarkii aysan heysan dhaqaale lasiiyo qareenada. Kiisaska qaar ayuu sheegay in dadka dacwadaha qaba lagu rogo sababo dhaqaale, waxa uuna Wasiirku dhaliilay hanaanka shaqo ee Maxkamadaha ka jira dalka. ‘’Wey sii kordhayaan dacwadaha waayo haddii muwaadinka aan waxba heysan la yiraahdo dacwad kula tartan kan dhaqaalaha heystaa dabcan wey iska muuqataa in dacwada noocaasi ah ay noqoneyso mid dhinac u janjeerta, waxaan ku baaqeynaa in la dhimo dhaqaalaha qareenada waa haddii la doonaayo in kiisaska horyaal Maxkamadaha ay kusoo dhamaadan qaab cadaalad ah’’ ‘’Qareenku waa inuu la shaqeeyo wadciga ka jira dalka balse haddii ay jirto dhaqaale fiirsi oo kaliya anigu ma qabo in dacwadaha horyaal Maxkamada ay kusoo dhamaanayaan si ay cadaalad ku jirto waayo ninka dhaqaalaha heystaa ayaa mar waliba loo janjeeri karaa’’ Wasiirka waxa uu hadalkiisa intaa kusii daray in dadka qaar ay yihiin sabool isla markaana aysan awoodin qarashaadka lasiiyo qareenada,isla markaana qareen la’aan ay maxkamadaha dacwad qaadi Karin. Hadalka Wasiirka Cadaalada xukuumada ayaa ku soo aadaya xilli dadka Soomaliyeed ay ka cawdaan maxkamdaha ka jira dalka halka qaarkood ay sheegan in aysan awoodin qarashaadka ku baxa qareenada ay qabsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiir shaaca ka qaaday dhibaatooyinka ay maxkamadaha dalka ku hayaan muwaadiniinta appeared first on Caasimada Online.
  25. LAMU, Kenya, Jan. 14 (Xinhua) -- About 100 Somali Al-Shabaab militants on Sunday stormed a village in Kenya's coastal Lamu region where they "lectured" frightened villagers. Source: Hiiraan Online