Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,074
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ethiopia and Zanzibar have been kicked out of the ongoing CECAFA U17 Challenge Cup after the two countries were found to have registered/fielded ineligible players at the tournament. Source: Hiiraan Online
  2. The global race to own 5G technology is on — and China is winning.That's according to a report released Monday by CTIA, a trade association for the US wireless industry. Source: Hiiraan Online
  3. For the past seven years the Turkish state has been mobilizing all governmental and nongovernmental organizations to lend a helping hand to Somalia, a country that has been reeling under the weight of a decades-long civil war, drought and poverty Source: Hiiraan Online
  4. ADDIS ABABA — Internet users in Ethiopia said on Monday the government appeared to have ended a three-month online blackout, raising hopes of a relaxation of restrictions after the arrival of a new prime minister who promised reforms. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray wargeyska the star Edmonton waxaa go’ay xiriirka Macaamil ee Bankiga ‘’The Royal Bank of Canada’’ ee dalka Canada uu la lahaa dhammaan Xawaaladaha lacagta ee Soomaalida. Maamulka ‘’The Royal Bank of Canada’’ayaa sheegay inuu joogsaday xiriirka Bankiga kala dhexeeyay Xawaaladaha Soomaalida, isla markaana ay soo afmeeri doonaan xisaab xirkooda. Maamulka Bankiga ayaa laga soo xigtay in talaabadaasi ay ku dhaqan galin doonaan saacado kooban gudahooda, waxa uuna maamulka tilmaamay inay ku howlan yihiin Xisaab-lacageedka Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee macaamilka la ah Bankiga. Maamulka ayaa sheegay in xisaabaadka la xiri doono ay yeelan doonaan shirkadaha Xawaaladaha ee Amal Express iyo Iftin Money Transfer ku lahaayeen Bangigaasi. Go’aanka lagu xiraayo Bankiga ‘’The Royal Bank of Canada’’, ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeelan doonaa Soomaalida ku dhaqan dalka Canada. Sidoo kale, go’aankaan aya saameyn ku yeelan doona Soomaalida laga soo biilo dalka Canada oo aan iyagu heli doonin dhaqaalihii uga imaan jiray Canada. Geesta kale, waxaan talaabadaani ka hadal maamulada shirkadaha Soomaalida uu saameynta xoogan ku yeelan doono go’aanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta maamulka HirShabelle ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada Hogaamiyaha maamulka Maxamed C/waare. Xildhibaanada Mooshinka kawada Waare oo iminka tirro ahaan kordhay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay wadaan diiwaan galinta Xildhibaano dheeri ah oo kusoo biiray Mooshin wadayaasha. Xildhibaanada ilaa iyo hadda is diiwaan galiyay ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan Afartan iyo Shan Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka Hogaamiye Waare. Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa qaarkood sheegay inuu u yeeray Hogaamiye Waare si ay u wadahadlaan, hase ahaatee ay diideen. Waxa ay sheegen inaanu xiligaan dooneynin wadahadal ay la galaan Waare, waxa ayna ku goodiyeen inay marin doonaan halka ay mariyeen Cosoble. Sidoo kale, Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada maamulka ayaa ku lug leh Mooshinka laga keenay Waare, kuwaa oo u hanqal taagaaya Kursiga. Ma cadda sida uu xaalku noqon doona waxaana socda dadaalo uu wado Hogaamiye Waare, si uu kaga badbaado Mooshinka heerka gabagabo maraaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho marka la joogo, cid kasta oo ka baqaysa in la beegsado, waxa ay samaysataa ciidan waardiyeeya. Haddii ay meel gaar ah deggan yihiinna, waxa ay samaystaan xad ay dhigaan dhagaxaan shub ah ama jawaanno ciid laga buuxiyey, waxa ayna meel gaar ah ugu sameeyaan waardiye gaariyaasha iyo dadka meelaha maraya u diga, wixii soo dhaafa xadkaasina rasaas huwiya. Waad og tahay, oo waddanka shaqo la’aan iyo faqri ba’an ayaa ka jirta, sidaas darteed, dadku iyaga oo iska lugaynaya ayaad arkaysaa, iyaga oo iska maqan, oo maanka is kala sheekeysanaya. Markaas baa waxaa laga yaabaa, in qofka maqalkisii caadi yahay laakiin is ka maahsan, uu ku yimaado meel inta qolo xirtay ay ciidan waardiyeynayaan. Marka hore, qofka iyaga oo aan la la hadlin ayaa qoriga lagu soo jeediyaa, markaas baa haddii la arko, in uu iska soo socdo, qaylo iyo xabbad kor loo rido la isugu daraa. Qofkii inta argagaxo, oo maahsanaantii ka baxdo, ayuu arkaa isaga oo meel jinni maraya, kolkaas buu inta ka leexo, dhabbe islaan qaadaa. Ka warran, ninkaas nolosha Soomaaliya ka jirta la maahsan, haddii uu ahaan lahaa dhagoole?! Qofka dhagoolaha ah, isaga oo iska socda oo maahsan, haddii uu ku yimaado meelahaas, oo dhowr jeer ‘joog’ lagu yiraahdo, oo uu maqli waayo, waxaa dhacda, in xabbad lagu furo, oo uu halkaas ku dhinto. Waayadan qof la dilay wax ba la iskama weydiiyo, haddii uu sii yahay qof laangaab ahna, kaba sii daran. Shabaab wax dilay ama Shabaab la dilay ayey dadka oo dhan wada noqdaan. Inta aan maqlay, saddexdii sano ee ugu dambeysay, afar dhagoole ayaa sidaas ku dhimatay, oo qaar ka mid ah ku baxay gacanta ciidamada shisheeye ee waddanka jooga, oo dhagoole iska lugayna inta ku soo baxay, ay inta u maleeyeen wadkoodii, ay markaas xabbad raacsiiyeen. Inta aanan maqal ee dad kale maqleen waa ka sii badan karaan tiradaas. Fadlan, haddii ay farrintani ku damaqday, la wadaag asxaabtaada iyo ciddii mas’uul ah oo aad garanayso, adiga oo aan minguurin. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus E-mail: nayruus@gmail.com
  8. Qaybtan waxaan ku soo qaadanayaa arrin aniga ila soo gudboonaatay laakiin aan khuseyn dhacdooyinkii woqooyiga. Waa ninkeed-guba’ aniga i saameysay, sawrika guud ee nolosheydii berigaasna in yar ka tilmaameysa. 1988 ayaan filayaa in ay ahayd aniga oo gaari wata oo ka imid dhinaca Jaamacadda Ummadda, ayaa ka dib markii uu gaarigeyga meel fog ka aqoonsaday waxaa astaan baaq ah i siiyay oo i joojiyay nin saaxiibkeey ah oo mooto wata oo jihada aan u socdo cagsigeeda u socda. Axmed waa xisaabiye ka tirsan wasaaradda Sportiga laakiin markaas arday ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ii sheegay in lacagtii Wasiirku uu ii soo qoray ay diyaar tahay oo aan maanta qaadan karo. Anigu Wasaarad Sport uma shaqeyn weligeey. Lacagna kuma lihi. Waan ku wareeray waxa uu ii sheegay saaxiibkeey. Markii aan ka xaqiijiyay cadadka lacagta, in magaceyga ay ku qoran tahay iyo in Wasiirku uu amarka bixiyay, laakiin aanuu aqoon sababta ayaan toos u abbaaray Wasaaradda Cayaaraha. Xisaabiye kale, Siciid, oo isagana aan is naqaan oo Wasaaradda ka tirsan ayaan u tegey. Waraaqo ayuu baarbaaray wuxuuna ii sheegay in Yusuf-Garaad uu saaka qaatay lacagtiisa. Dabcan qofka lacagta bixiyay ma ahayn qof aniga wejigeyga yaqaan wuxuuse u haystay in weriyaha Radio Muqdisho uu yahay qofka uu lacagta siinayo. Madax Wasaaradda ah ayaan wargeliyay in qofka lacagta magaceyga ku qaatay aanuu aniga ahayn. Aniga oo arrintaas la yaabban ayaa maalin waxaan Wasaaradda Warfaafinta isku aragnay AUN Cali Siyaad oo ka tirsan kooxda Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada. Wuxuu ii sheegay in uu Xafiiska Wasiirka Waxbarashada ka ceyriyay nin Wasiirka sugayay oo magaceyga ku socday. Waxaa xigay dhowr dhacdo oo yaryar oo mid kastaa ay iskeed iigu muujisay in uu jiro qof inta aan fahmay magaalooyinka Muqdisho, Wanla Weyn iyo Baydhaba dad kula kulmay oo magaceyga iyo mehereddeydaba u sheegtay kuna daneystay. Dadka la khalday waxaa ka mid ahaa Saalax oo gurigeyga iga soo wacay oo aan xusuusan waayay safarka baska ee aan wada raacnay ee uu ka sheekeynayo. Oo ay ka darnayd in uu isna la yaabay in xataa aan xusuusan waayo martiqaadkii uu saaxiibbadiis isugu yeeray oo aniga madaxeyga uu noogu sameeyay Wanla Weyn. Nambarka telefoonka sida uu ku helay markii aan weydiiyay wuxuu ii sheegay saaxiibkiis ay Wanla Weyn ku wada nool yihiin uu ka ogaaday in aan qaraabo nahay ka dib markii ay iga wada dhegeysteen Idaacadda. Markaasna uu sidaa uga soo qaatay nambarka. Ninkii waan ka cudur daartay. Waxaan u sheegay in aanan weligeey bas u raacin Wanla Weyn, martiqaadna aan la iigu sameyn. Sidoo kale waxaan u sheegay in aanan aqoon xataa hal qof oo u shaqeeya sharikadda uu ii sheegay in uu isagu wakiil uga yahay Wanla Weyn magaceeduna uu isaga naaneys u yahay. Isaga oo jahawareeray, codkiisana aan ka tuhmay in uu u qaatay in aan ka abaal dhacay ayaan telefoonka dhammeynay. Waxaa i galay welwel ku saabsan in qofka magacayga adeegsanayaa uu magaceyga dembi ku geysan karo ama ugu yaraan uu fadeexad sameeyn karo. Si aan taas uga hor tago, waxaan afeef geeyay oo aan arrinka la socodsiiyay Laanta Dembi-Baariista Booliiska, CID iyo Hoggaanka Baarista ee Nabadsugidda, NSS. Sidoo kale waxaan wargeliyay dhammaan Xafiisyada aan ka shaqeeyo – Radio Muqdisho, ICRC iyo Xarunta Dhaqanka Faransiiska. Saaxiibbadeey iyagana waan la socodsiiyay arrinta. Meher Maalintii iigu darnayd, gabar dhallinyar oo will yari uu la socdo ayaa timid Radio Muqdisho. Waa gabar aniga i goobeysa. Markii la ii keenayna waxay aniga, weriyayaal aan wada taagnayn Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa hortiisa iyo ninkii oo keenayba ay cod hoose nagu weydiisay – Yusuf-Garaad kale ma jiraa oo Radio Muqdisho ka shaqeeya? Waxaan ku niri maya. Iyada oo xishooneysa, isla markaana jahawareersan ayay igu tiri abbow iska raalli ahow, wayna naga dhaqqday. Anigu sidaa Gabadha ugama harin. Markaan qalada ka saaray ee ay oggolaatay bal in aan is yara wareysanno ayaan meel la fariistay iyada iyo wiilkii keenay Wasaaradda Warfaafinta. Sheeko dheer oo aan eray kasta oo macluumaad xambaarsan aan dirqi iyo dulqaad uga soo saaray ka dib waxaan fahmay in ninka ay raadineysaa uu yahay nin Radio Muqdisho yaqaan. Sababta oo ah wuxuu u tilmaamay oo ay si sax ah iigu sheegtay qaabka uu u dhisan yahay studio-ga warka laga tebiyo. Waxay tilmaan fiican iga siisay sida uu ninku u eg yahay. Waa tan ugu darane waxay ii sheegtay in ninku uu yahay ninkeeda. Waxay kula mehersan tahay magaceyga. Qalbiga ayaa la igu dhuftay oo dhulka ayaa ila wareegay. Meher oo dhami adduun ii dhimman ayuu ahaa. Iskaba daa maareynta meher been abuur ah, magaceygana ah! Ma aqoon si aan wax yeelo. Gaari markaa ma wadan, laakiin haddana waan helay mid aan Gabadha ku geeyo guri ay ku soo degtay oo ku yaalla Howl Wadaag meel aan ka fogeyn Dugsiga Sare. Muhiim ayay ii ahayd meesha ay deggan tahay in aan soo arko si haddii aan u baahdo aan dib ugu laaban karo. Weliba waan la ballamay. Waxaan markiiba la tashaday culimmada Radio Muqdisho oo aan aad isugu fiinceyn iyo qaar kaleba. Waxaan la tashaday saaxiibbo dhowr ah oo iga khibrad badan. Arrintu waxay igu khasabtay in aan dhab uga shaqeeyo si aan u joojiyo ninkaan magaceyga iyo shakhsiyaddeyda weerarka ku ah. Dhowr nin oo dadka weriyayaasha aad u jecel ah, qaar ay yihiin weriyayaal-iska-yeel, kuwo aanan shaqsiyaddooda ku kalsooneyn oo ka shaqeeya saxaafadda laakiin aan magac weyn ku lahayn ayaan qaar ka shakiyay. Aniga oo gabadha kaashanaya oo ay dusha iga eegeyso ayaan nimankii midba meel kula kulmay – Radio Muqdisho, Tiyaatarka, Xarunta Ururka Dhallinyarada iyo goobo kale. Midkoodna wuu noqon waayay ninkii aan goobayay ee “sammigey” ahaa. Gabadhii si aan qarsoodi lahayn ayaan isugu warrannay. Waxay iga qancisay in aan dhankeeda culeys iiga imaan doonin. Waxayna ka qanacday in aan meesha meher jirin. Ayaan ka dib waan amba bixiyay. Waxay ku laabatay reerkooda iyo gobolkii ay ka timid. Wiil Jalaqsan Sannad iyo ku dhowaad laba markii aan baadi-goob ku jiray, ayaa maalin aniga oo jooga Berbera waxaa ii soo dhacday farriin iigu timid teleprinter oo ah aalad isgaarsiineed oo ka horreysay Fakis, kana duwan Telekis. Wuxuu ahaa qalab ka duwan messenger, SMS iyo email oo iyagu farriinta marka aad wada qorto aad mar keliya direyso. Teleprinter, marka aad fartaada xaraf dhag ku siiso xarafkaasi sida uu uga muuqanayo shaashaddaada uguna qormayo xaashi suran mashiinkaaga ayuu isla markaas uga muuqanayaa shaashadda qofka kale ee aad la xiriireyso wuxuuna ku qormayaa waraaqda u suran mishiinkiisa. Xarafkii aad dhag-siiso isku mar ayuu ku qormayaa labada dhinacba oo markaan ah Muqdisho iyo Berbera. Farriinta ii soo dhacday waxay leedahay: Yusuf, waa la qabtay Yusuf-kii kale. Dhakhso u soo gal Muqdisho. Farriintu waxay ka soo billaabatay saaxiibkeey weriye Cabdulqaadir Cali Iidle. Subaxaas ayuu goor hore shaqo weriyennio u tegey wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo ku taallay nambar Afar. Gabar shaqaalaha ka mid ah ayaa salaantay oo ku tiri saaka maxay weriyayaashu noogu soo wada kallaheen? Markii uu weydiiyay weriyaha kale ee ay aragtay saaka ayay u sheegtay in Yusuf-Garaad uu fadhiyo Xafiiska Maareeyaha. Cabdulqaaddir maaddaama uu dacwaddeyda la socday, in aan Berbera ku maqan ahayna uu ogaa, laamiga ayuu ka tallaabay. CID ayuu tegey oo ka soo kaxeystay laba askari. Ninkiina waxaa lagu jeebbeeyay isaga oo fadhiya xafiiska Maareeyaha. Cabdulqaadir wuxuu wargeliyay Xafiiska ICRC oo ii soo diray farriinta. Subixii xigay ayaa aniga oo ay i wehliyaan Cabdulqaadir Cali Iidle, Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane iyo weriyayaal kale oo aan u maleynayo in uu midkood ahaa Cabdullaahi Khaddiib waxaan tagnay Xarunta CID. Waxaa na qaabbilay mas’uul ay xusuusteydu ii sheegeyso in uu ahaa Cusmaan-Gasgas. Ninkii markii la soo saaray wuxuu noqday nin aan dhowr jeer ku arkay Radio Muqdisho oo salaan wanaagsan iyo xushmad reer magaalnimo ay naga dhaxeyso. Waxay saaxiib yihiin weriye caan ah oo ragga i tababbaray ka mid ah. Waa nin dheer, jalaqsan, igana lebbis qurxoon. Nin adeer u ah oo hanti haysta ayuu keligii kula noolaa guri weyn. Wuu isku keey duubay. Wuxuu muujiyay in uu ka xun yahay falalka uu sameeyay. Cafis ayuu i weydiistay. Booliisku markii ay horteenna ku wareysteen wuu qirtay waxyaabo dhowr ah. Qaarna wuu dafiray. Anigu waxaan isaga iyo booliiskaba u sheegay in aan cafinayo haddii uu ii ballanqaadayo in uu magaceyga ii nabadgeliyo. Su’aalo ay booliisku weydiiyeen iyo waraaqo ay ka saxiixeen ka dib, waa la sii daayay. Maaddaama aan ahaa nin aad u mashquulsan, shaqadeydana ay ka mid ahayd howl samafal oo xasaasi ah khatarna wadata, ma sii dabakicin ee waxaan ku laabtay Berbera. Nasiib wanaag, TV iyo internet dartood, maanta suurta gal ma ahan in qof caan ah magaciisa lagu caana maalo maaddaama qof walba oo caan ah sawirkiisa la arki karo marka loo baahdo. W/Q: Yuusuf Garaad
  9. The 24-year-old Somali-British poet Momtaza Mehri, who has been chosen as the new young people’s laureate for London, is hoping to spend her year in the role convincing young people “to see poetry as part of their every day, rather than in some dusty tome, or academic niche interest”. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU - The Somali government has said it will utilise millions of dollars from United Arab Emirates seized last week at the Aden Adde International Airport for their intended purpose. Source: Hiiraan Online
  11. China is yet again helping its neighboring country Pakistan by providing them with a new submarine cable system in order to provide faster internet. Source: Hiiraan Online
  12. Magaalada Baqdaad ee Caasimada Dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax balaaran oo looga soo hor jeeday Weerarkii dhawaan Syria ay ku qaadeen Xuluufada uu hogaaminayo Maraykanka. Wadooyinka waawayn ee dalkaasi Ciraaq ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad ufarabadan kuwaas oo wadooyinka ku gubay Calanka Mareykanka . Shacabka dalkaasi Ciraaq ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ay ka mid ahaayeen ” jooji duqaynta Syria aad ku hayso, taas oo ah midii aad ku bur burisay wadankeena kuna riday dowladdii noo dhisneed . Mareykanka,France iyo UK ayaa Syria ku eedeeyay in ay ka dambaysay weerarkii sunta loo adeegsaday ee ka dhacay Magaalada Duuma ,waxayna taasi ay keentay in Xuluufadan ay Weeraraan Xarumaha hubka kiimikada ay uyaalaan dowladda uu hogaamiyo Bashaar All-Asad.
  13. Maxkamad ku taala dalka Israa’iil ayaa maanta dib xoriyadooda ugu celisay Maxaabiis gaaraysa ilaa iyo 207 qof oo dhamaantood ka soo jeeday Qaaradda Afrika, kuwaas oo ukala dhashay wadamada Eritrea, Somalia iyo sudan. Dadkan ayaa ahaa Muhaajiriin si sharci daro ah ugu xirnaa dalkaasi Israa’iil ,kuwaas oo diiday in ay dib ugu laabtaan wadamadii ay ka yimaadeen. Israa’iil ayaa shaacisay in Todobaadyada soo socda dalka Suudaan ay u mastaafurin doonto Muhaajiriin gaaraysa ilaa iyo 500 oo qof kuwaas oo ka yimid Qaaradda Afrika . Dowladda Israa’iil ayaa Muhaajiriinta u balan qaaday hadii ay dalkooda ay ka baxaan in ay siin doonto lacag gaaraysa 3,500 oo Dollar ,si ay nolo shooda ugu maareeyaan .
  14. Degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag ayaa isku diyaarinaysa sidii ay u yeelan lahayd Golle deegaanka ee Degmadaasi , waxaana socda Dadaalo ay wadaan Odayaasha dhanka ee Degmada kuwaa oo sheegeen in ay soo dhisi doonaan Gollihii Deegaanka . Degmada Ceel-bu ayaan horay ulaheen Golle deegaan ,waxaana xiligan sababtay baahi ay u qabto Degmada in ay hesho Golle Deegan, taas oo ku qasabtay Odayaasha in ay baaq udiraan Wasaarada Arimaha Gudha iyo dowladdaha hoose . Wasaarada Arimaha Gudha iyo dowladdaha hoose ee Puntland oo qaabilsan soo dhisida Golle yaasha Deegaanka ayaan jirin ilaa iyo hada wax war ah oo ay arintan ka soo saartay . Xubnaha ka mid noqon doona Golaha Deegaanka ayay sheegeen Odayaashu in ay ka koobnaan doonaa ilaa 17 xubnood . Horay Degmada ugama jirin wax Maamul ah oo ku magacaaban. Halkan ka dhagayso Odayaasha Deegaanka oo ariuntan ka hadlay . odayaasha
  15. Addis Ababa (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay isbedel ku sameyso sharciyada la sheegay inay ka dhanka yihiin Xuquuqda Aadanaha, kuwaasoo sababay in lagu tunto xuquuqda siyaasiyiinta iyo suxuufiyiinta dalkaas. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo la hadlayay dadweyne dibadbax ku dhigayay magaalada Addis Ababa maalintii shalay ahayd, ayaa shacabka ka dalbaday inay dulqaad muujiyaan, isla markaana ay ogaadaan in xilligan ay wadaan dadaallo lagu soo af-jarayo waxyaabihii sababay bannaanbaxyo dalkaas ka socday saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Sidoo kale, Abiy Ahmed ayaa ka hadlay doorashooyinka dalkaas ka dhacaya, isagoo sheegay in sannadka 2020-ka ay dalkaas ka dhicayso doorasho xor ah; wuxuuna xusay in mucaaradku ay si furan uga qayb-qaadan karaan doorashooyinkaas. Abiy Ahmed ayaa booqashooyin ku kala bixinayay gobollada ay Itoobiya ka kooban tahay, isla markaana ay dadaal ugu jiraan sidii xalaadda dalkaas ay kusoo celin lahaayeen, wuxuuna xusay in dadaalkan uu qayb weyn ka yahay sidii loo bedeli lahaa ra’yiga guud ee Itoobiya laga qabo. “Isbedellada aan doonayno waa kuwo lagu dhayayo dhaawacyadii dalka soo gaaray kaddib saddex sano oo ay ka socdeen bannaanbaxyo dowladda looga soo hor-jeedo kuwaasoo horseeday dhimashada boqolaal qof,” ayuu Ahmed ku yiri hadal uu u jeediyay dibadbxayaasha isugu soo baxay Addsi Ababa. Mar uu ka hadlayay doorashooyinka Itoobiya ka dhici doona, ayaa wuxuu yiri. “Waxaan ballan-qaadaynaa inaan isbedel ku sameyno sharciyadii hor-seeday ku tumashada xuquuqda aadnaha Itoobiya, waxaana naga go’an in aan suuro-gelinno in mucaaradku ay door ka ciyaaraan doorashooyinka soo socda.” Dhanka kale, Rai’sul wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa billaabay dadaallo tan iyo intii xilka loo dhaariyay bishii hore. Waxaa xabsiyada Itoobiya laga siidaayay tira saxafiyiin ah, dad u xirxirnaa siyaasadda, waxaana albabaada la isugu dhuftay xabsiyo islamarkana waxaa dib loo soo celiyay khadadka internetka ee taleefoonada gacanta oo muddo bilooyiin ah laga jaray qayba ak mid ah dalkaasi. Ugu dambeyn, Waxaa wali dalka Itoobiya ka jirta xaaladdii deg-dega ahayd ee lagu soo rogay taasi oo dadka dhaliilsan ay ku baaqayaan in la qaado, si ay xaaladdu caadi ugu soo laabato. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo isbedel ku sameynaysa Xeerarka ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha appeared first on Puntland Post.
  16. Nairobi (PP) ─ Gudiga doorashooyinka Kenya ayaa waxa soo gaadhay weji gabax weyn ka dib markii ay is casileen saddex ka mid ah xubnaha gudigu, kuwaas oo kala ah Consolata Nkatha, Margaret Mwanchanya iyo Paul Kurgat. Is-casilaadda xubnahani waxay ku soo beegantay iyada oo agaasimaha fulinta ee gudida, Ezra Chiloba, shaqada looga joojiyey eedaymo lagu sheegay musuq dhinaca wax soo iibsashada ah. Roselyn Akombe oo sanadkii hore markii doorashada madaxtooyada lagu celiyey dalka ka baxsatay, ayaa sheegtay in gudidu aanay awood u lahayn in ay qabato doorashooyin xor iyo xalaal ah. Dhacdani waxay ka dhigaysaa in xubnaha hadhay ee gudiga doorashooyinku aanay qaban karin fadhiyo shaqo maadaama aanu kooramku dhamaystirnayn. Maadaama oo Kenya ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed, way adkaan doontaa in si sahal ah loo buuxiyo jagooyinkaa ay iska casileen xubnahaasi. Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa doorashadii madaxtooyada ee sannadkii hore burisay iyada oo sheegtay in ay jireen khaladaad sharciga baal marsani. Isbahaysiga mucaaradka ah ayaa isaguna qaaddacay doorashadii ku celiska ahayd isaga oo dalbanayey in marka hore la kala diro guddiga doorashada. Hase yeeshee taasi may dhicin, waxaana doorashadii guul weyn ka soo hooyey madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyada oo mucaarid la sheegi karaa aanu la tartamayn. Doorashadii ka dib, mucaaradku wuxu ku baaqayey in dib loo habeeyo xeerarka doorashada, arintaas oo dawladdu aad uga soo horjeedsatay. Baaqyadaa mucaaradka waxa shiiqiyey Madaxweyne Uhurru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, is gacan qaadkoodii bishii hore ee astaanta u dib u heshiisiin dhacda. Ugu dmabeyn, Laakiin iscasilaadda xubnahan gudida doorashadu waxa suurto gal ah in ay sii kululayso xiisadda siyaasadeed oo ay dardar hor leh geliso dooddi ahayd in dib u habayn dhanka doorashooyinka ah dalka laga hirgeliyo inta aan la gaadhin doorashooyinka soo socda ee 2022-ka. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Xubno ka tisanaa Guddiga Doorashooyinka Waddanka Kenya oo iska-casilay xilalkoodii appeared first on Puntland Post.
  17. Gudoomiyaha Gobolka Garda Fuu Maxamuud Axmed Caynab oo Waraysi Gaar ah siiyay Puntlandi.com ayaa si qoto dheer waxa uu uga hadlay xaalada guud ee ka jirta Gobolka Garda Fuu iyo Tuulooyinka hoos yimaada . Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Gobolka ay ka jirto Abaar saameen ku yeelatay dadka iyo duunyada iyo biyo laan xoogan . Waxa uu Gudoomiye Caynab uu sheegay sidookale in Magaalada Caluula ay ku soo fatahmeen biyaha bada ayna ku bara kaceen Qoysas farabadan . Maamulka Puntland Hay,adaha Caalamiga ah ,iyo Dowladda Fadaraalka Soomaaliya. ayuu baaq udiray . Halkan ka dhagayso. Waraysiga Maxamuud Axmed caynab Puntlandi.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad qas ah iyo boob uu ka dhacay xero ay Imaaraadka Carabta ku tababarri jireen ciidamada Soomaaliya, magaalada Muqdisho. Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay Boobeen agabkii looga tegay Xarunta, kadib markii ay ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka ee halkaasi ku sugnaa, sida ay soo werisay mid ka mida Idaacaddaha Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadani ay qaateen Agab, qalabka lagu tababarto iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Imaaraadka, waxaana dadka degaanka u dhow xeradaasi ay sheegeen in ciidamada ay isku qabsadeen agabkaasi. Saraakiishii ciidamada Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo qalab ay u baahnaayeen, waxaana la sheegay inay ciidamada u sheegeen inay kala tagaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dhacyo uu dhaxmaray Ciidamadii xarunta ku sugnaa kuwaas oo ku dagaalamay agabkii ay qaateen. Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo agabyo kale kadib markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya. Tallaabada ay uga baxeyn Saraakiisha Imaaradka eek u sugnaa Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xili sidoo kale dhawan ka baxeyn Xero ay ku tababarayeen Ciidamada Badda Puntland oo ku taalla Boosaaso wallow Madaxweyne Cabduweli Gaas uu Maanta beeniyey. Dowladda Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ay manta soo saartay waxa ay ku beenisay in uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadk,iyada oo sheegtay in uu bilaawday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Bosaso-[Puntland Post]-Akhristayaal waxa warbaahinta Puntland Post ay idin soo gudbinaysaa shirkii Jaraa’id ee uu Magaalada Bosaso uu ku qabtay Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kaas oo uu uga hadlay Xiriirka Imaaraadka iyo Puntland ka dhexeeya iyo Arimo kale. Hoos ka Daawo Shirka Jaraa,id ee Madaxweyne Gaas Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Madaxweyne Gaas Oo Difaacay Imaaraadka Carabta Xilli Uu Jiro Khilaaf Ka Dhaxeeyo DFS Iyo Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  20. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadahadal la waddo dawladda Imaaraadka Carabta ku saabsan dhacdadii dhowaan ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee lagula wareegay lacag dhan 9 milyan iyo 600 kun oo ay dalkakeentay diyaarad u kiraysnayd imaaraadka Carabta. Read More
  21. Senator C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) , oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka dibada ee barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay mowqifka madaxweyne Gaas ee ahaa inayan jirin cid dowladda Puntland uga muhiimsan Dowladda Imaaraatka iyo taageeradeeda. Senator Jurille ayaa sheegay dowladda Imaaraatku inay tahay saaxiibka dhabta ah ee dowladda Puntland iyo shacabkeeda, Waxaa kaloo uu sheegay inay muhiim tahay in la kala ogaado cida mar walba ku garab taagan iyo kuwa gacan beena kuu haatinaya. “Intii Puntland ay soo jirtay iyo intii ka horeysay ee dowladdihii Soomaaliya ka jireen, taageerada Imaaraatka Carabta cid udhigaantaa ma jirto mana jiridoonto, waxaana fiican dadka reer Puntland inay dareenkaas ka mahad celiyaan,” ayuu yidhi Senator Jurille. Puntlandi.com
  22. Muqdisho-(Caasimadda Online)-intabadan wadooyinka magaaladda muqdisho waxaa fariista biyo xiliyada uu da o roobka kuwaas oo saamayn kuyeesha isku socodka gaadiidka iyo dadwynaha isaga galagoosha magaalada dhexdeeda. biyahaan fariista wadooyinka iyo laamiyada magaaladda muqdisho ayaa intabadan waxa ay sababaan cudurro mana jirto cid isku xilsaarto in ay wax kaqabtaan biyo fariisamahaan. Sidoo kale waxa ay sababaan burbur soo gaara waddooyin muhiim u ahaa dadweynaha magaalada Muqdisho iyadoo meelaha qaar ay ka qodmeen bohollo aanay sahlanayn in ay isticmaalaan gawaarida dadweynaha . intabada shacabka ayaa magaaladda ayaa ku doodaya in markii wadooyinka ladhisayay aan loosameyn biyo mareenno. Muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaan weli helin adeegyadii bulshada ee loo baahnaa in kastoo dib usoo kabasho ay jirto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Qardho-[Puntland Post]-Haya’’adda Kaalo ayaa tababar u qabatay Saraakiil ka socotay Booliska iyo Asluubta Qardho, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadda Gobolka Karkaar, Furitaankii tobabarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Hay’adda UNHCR, kuwaas oo u mahadceliyey ka qaybgalayaasha, waxayna uu kula dardaarmatay in ay ka faa’iidaystaan casharada lagu bixinayo tababarkan. Tababarkan oo laba maalmood socon doona ayay saraakiisha Booliska iyo Maxkamadduhu ku baranayaan sida loo ilaaliyo Xuquuqda Bani’aadamka gaar ahaan xuquuqda ay leeyihiin Maxaabiista xiran iyo waliba sida uga haboon oo danbi loo baari karo. Fulinta tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Haya’ada Kaalo, waxaana tababarkan oo kale lagu qaban doonaa Magaalooyinka kale ee Puntland wuxuuna qayb ka yahay mashaariic balaaran oo ay Kaalo ka fulinayso deegaanada Puntland. Mahan markii ugu horaysay oo tababar loo qabto Booliska iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadda Gobolka Mudug, si loo ilaaliyo xuquuqda Bini,aadamka, Maxaabiista iyo hanaanka baarista dambiyada. Cabdiqani Boos Puntland Post The post HAYA’ADDA KAALO OO QARDHO KU QABATAY TABABAR KU SAABSAN XUQUUQDA AADANAHA appeared first on Puntland Post.
  24. Garowe (HOL) - The President of the semi-autonomous regional state, Abdiweli Ali Gaas on Monday called on United Arab Emirates (UAE) to continue to help Somalia in training and military support barely a day Abu Dhabi disbanded its mission in Somalia. Source: Hiiraan Online