Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,513
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qoraal uu ugu goodinaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia. Qoraalka taliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay jawaab waafiya ka bixin doonaan weerarka dhiiga ku daatay oo Al-Shabaab ay ku qaaden xarunta Otto Otto oo saldhig u ah Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga. Waxaa lagu sheegay in AMISOM ay qaadi doonto weerar loogu aar gudi doono shaqaalaha iyo shacabka ku naf waayay weerarka Otto Otto. AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay kordhiyeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse waxay tilmaamtay in shacabka aysan marnaba ku niyad jabi doonin dhacdooyinka kala duwan. Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto inuu muujinayo in Shabaab aysan wax dan ah ka lahayn xasiloonida Somalia iyo horumarka dalalka Geeska Afrika. Nuqul kamid ah qoraalka AMISOM ayaa ahaa “AMISOM waxay ka xun tahay falalka naxariis darada ah ee Shabaab ay geystaan, oo uu ugu dambeeyay weerarkii Otto Otto, waxaanu qaadeynaa talaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca sida midkii Otto Otto, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xagjirka.” Geesta kale, Taliska ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Britain's colourful foreign secretary Boris Johnson resigned on Monday, apparently in protest at the government's Brexit plans, ditching an international summit to walk out after months of publicly challenging the prime minister. Source: Hiiraan Online
  3. Istanbuul (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalooyinka Ankara iyo istanbuul Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wasiirka maaliyadda dowladiisan cusub u magacaabay wiilka uu soddoga u yahay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladiisa cusub ku dhawaaqay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagada Madaxweyninimo. Erdogan, ayaa magacaabida wiilka uu soddoga u yahay u arka mid ka saareysa dhaqaalaha dalkiisa oo hoos uga dhacay halkii uu horay u taagnaa. Recep Tayyip Erdogan, ayaa xilkaasi dib ugu guuleystay bishii aynu soo dhaafnay. waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba. Docda kale, dhinacyada mucaaradka ee isaga ka soo hor jeeda ayaa ka cabsi qaba in habkaan cusub uu bur-burin doono dimuqraadiyadda Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Istanbuul Caasimada@live.com
  4. Turkish President Recep Tayyip Erdogan has named his son-in-law as the country's finance minister after being sworn in to another five-year term. Source: Hiiraan Online
  5. An MP has petitioned National Assembly to order the immediate withdrawal of Kenya Defence Forces from war-torn Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. It’s a first 100 days in office that might have made Franklin D. Roosevelt’s head spin. Source: Hiiraan Online
  7. The government does not know the capacity of the Mandera Town Military airstrip, Transport secretary James Macharia has said, calling to question the safety of aircraft using the runway. Source: Hiiraan Online
  8. Egypt welcomed on Monday the signing of an agreement between Eritrea and Ethiopia to end their two decades of dispute. Source: Hiiraan Online
  9. The commander and the senior enlisted officer of a U.S. Navy SEAL team have been relieved of their duties after investigations into alleged sexual assault and sexual harassment while their unit was deployed to East Africa, officials said. Source: Hiiraan Online
  10. More than 50 immigrant children under age 5 will be reunited with their parents by Tuesday's court-ordered deadline for action by Trump administration, and the families will then be released into the U.S., a government attorney said Monday. Source: Hiiraan Online
  11. China on Monday promised assistance amounting to some 22,600 U.S. dollars to the Somali News Agency (SONNA) to modernize operations at its Mogadishu office. Source: Hiiraan Online
  12. Corruption drains $148 billion annually from Africa, according to the African Union. At an estimated 25 percent of the continent's average gross domestic product, the AU calls it a huge drain on Africa's productivity. Source: Hiiraan Online
  13. Two Somali brothers have applied the carpentry skills they learnt during more than a decade living as refugees in Yemen to establish a thriving business that is now creating employment in Baidoa. Source: Hiiraan Online
  14. Soomaaliya kama mid aha dalalka Africa ee isku tashtay kuwaa oo sameeyay isbadal xoog leh iyagoo u midooway ilaalinta Qaranimadooda gaar ahaan waxaa Soomaaliya ay ku guul dareysatay in ay wax kabarato dalalka deriska la ah sida Kenya, Itoobiya iyo dalka koofurta Suudaan. Waxaa Soomaaliya ay u kala qeybsantahay maamul maamul, waxeyna lakala safanyihiin dowlado shisheeye oo dano gaar ah leh iyagoo ka ilaalinaya Soomaalida iney Midowdo. Tan iyo markii Abyi Ahmed uu noqday Ra’isul wasaaraha Itoobiya waxa uu cafsi u fidiyay maxaabiistii mucaaradka ee xabsiga ku jirtay sidoo kale waxa uu la heshiiyay qowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi isagoo ka hortagaya kala qeybsanaan iyo burbur. Howlo dar dar leh ayuu la soo baxay Ra’isul wasaare Abyi wuxuu heshiiso dalkiisa anfacaya la saxiixday dalal dhowr sida Soomaaliya, Jabuuti iyo Eriteriya oo uu soo afjaray colaadii ka dhaxeysay labada dal, waxaana dhamaantood ay ku saabsan yihiin heshiisyadaasi in dakadahooda Itoobiya maalgashato si ay u isticmaasho. Soomaalida kuma baraarugsana dowladaha Imaaradka Iyo Sacuudiga oo Ra’isul wasaaraha Itoobiya la abaabulaya in dhulka, badda , dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu daro wadanka Itoobiya. Booqashadii koowaad ee Ra’isul wasaaraha Itoobiya ku yimaado Soomaaliya waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya ka saxiixday heshiiska Afar Dekadood markii uu dalkiisa ku laabtayna waxa uu sheegay in labada dal la mideynayo. Sidaas darted waa in ay kuu muuqataa in Booqashada labaad ee Ra’iusl wasaaraha Itoobiya ku iman doono Soomaaliya iney ahaato mid madaxda dalka uu kaga dhaadhaicinayo in Soomaaliya Iyo Itoobiya Midowdo, maxaa yeelay Abyi Ahmed herar aan caadi aheyn ayaa la socda sida dalalka quwadaha leh ,iyadoo la ogyahay in si xoog ah oo sharci darro ah iney shidaal kaga soo saaratay Itoobiya dhulka aan ku muransanahay ee Ogaadeeniya oo labada dal ay ku dagaalameen. Waa in laga hortagaa oo ay tashadaan dadka soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga iyo Koonfurta soomaaliya inta aan dhulkooda bada iyo bariga la hoos keenin Abysinia-yada cusub ee Qarniga 21-aad. W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Qudus (Caasimada Online) – Israel ayaa ka fakareysa inay qaado tallaabo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada hay’adaha Turkish-ka ee gargaarka ka wada magaalada Qudus, si looga hortago saameynta madaxweyne Erdogan, sida uu qoray wargeyska Times of Israel. Arrintan ayaa timid kadib codsi ay Sacuudiga, Jordan iyo kooxda Mahmoud Abbas u jeediyeen maamulka Yahuudda, ayaga oo uga digay in Erdogan uu doonayo inuu qabsado Qudus. Golaha amniga qaranka Israel ayaa diyaarinaya qaraar ka dhan ah hay’adda gargaarka Turkiga ee TIKA ee ka howlgasha Bariga Qudus, Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Warbixinta ayaa sheegtay in sirdoonka Israel ay rumeysan yihiin in hay’adda TIKA ay xafiisyadeeda ku marti-gelisay xubno ka tirsan dhaqaaqa Islaamiyiinta, ayna lacag iyo akhbaaraad u gudbisay kooxda Xamas, inkasta oo tani ay u muuqato mid cudurdaar loogu sameynayo tallabada Israel. Tallaabooyinka ka dhanka ah TIKA ee la qorsheynayo ayaa waxaa ka mid ah in la xaddido dhammaan dhaqdhaqaaqyada hay’addan, laguna qasbo inay fasax u qaataan mashruuc kasta oo ay fulinayaan. Bishii tagtay, Sacuudiga, Jordan iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa uga digay Israel in saameynta Turkiga ee Bariga Qudus ay sii ballaaraneyso, sida uu shaaciyey waregyska Haaretz ee Israel. Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil sare oo carbeed ay Israel u sheegeen in saameynta Turkiga ay kusii fideyo xaafadaha Qudus, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay qorshe madaxweyne Erdogan uu ku doonayo inuu ku sheegto lahaanshaha Qudus. Jordan ayaa ka walaacsan in saameynta Turkiga ay meesha ka saari karto booska Jordan oo isku haysata inay ilaalo ka tahay dhulka saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka. Dhinaca Sacuudigana, waxay ka walaacsan yihiin in damaca Erdogan ee Qudus uu sare u qaadi karo magaca uu ku dhex leeyahay carabta iyo islaamka, taasi oo ka dhigi karta in loo aqoonsado hoggaamiyaha kaliya ee Islaamiga ah ee u babac dhigi kara Mareykanka iyo Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  16. Jigjiga (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed uu wado qorsho lagu xiraayo Xabsiyada ku yaalla dhulka DDSI. Ra’isul wasaare Abiy ayaa Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) u gudbiyay warqad lagu qeexay in dhaqan galinta talaabada lagu doonayo in lagu xiro Xabsiyada waaweyn sida Jeelka loo yaqaan “Jeel Ogadenia”. Jeel Ogadenia ayaa inta badan waxaa lagu xiraa maxaabiista ONLF, gaar ahaan kuwa lagu qabto howdka dagaalka iyo kuwa laga soo dhiibo dowladaha jaarka la ah Ethiopia. Ra’isul wasaare Abiy Axmed, ayaa la xaqiijiyay in Cabdi Iley uu ku wargaliyay in dhammaan maxaabiista loo heysto kiisaska waaweyn dib loo furo gal dacwadeedkood si ay u helaan cadaalad, halka kuwa kale loo wareejinaayo Xabsiyada kale ee ku yaala magaalada Addis Ababa. Abiy Axmed waxa uu ka digay in Xabsiyada ku yaala magaalada Jigjiga ay sii furnaadan, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in furnaanshiyaha loo ogolyahay keliya Xabsiyada yaryar iyo Saldhigyada oo lagu sii heyn doono maxaabiista inta lagu hayo baaritaanka. Madaxweynaha DDSI Cabdi Iley ayaa muddo kooban loo siiyay inuu ku faarujiyo Xabsiyada waaweyn oo ay ku jiraan kuwo ku yaalo buuraha, halka qaarna ay ku yaalan dhulka hoostii. Sidoo kale, Abiy ayaa qorshaha xirista Xabsiyada Jigjiga ula gol leh kasbashada dhammaan maamulada hoostaga dowlada Ethiopia. Dhinaca kale, Abiy ayaa rumeysan in dadka ugu badan ee xiran ay yihiin kuwo loo heysto tuhun isla markaana lamarin baaritaan dhab ah. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  17. Brussels (Caasimada Online) – Dowladda hadda jirtaa ee Soomaaliya oo ee hogaaminayo Madaxwyene Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu eedeeyay arimo kala duwan oo Midowga Yurub uu sheegay iney ku tumatay iskabadaa in lagu xadgudbee. Arimo dhowr ah ayaa lagu heystaa Dowladda Soomaaliya hadii ay wax ka qaban weysanaya waxaa suuragal ah in cunaqabateyn la saaro . Waxyaabaha Dowladda Soomaaliya lagu heysto waxaa kamid ah inay ku tumato Xuquuqda Aadanaha, waxay kaloo xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre lagu eedeeyay inay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanada ay maamusho. Qodobada ugu waa weyn ee Midowga Yurub Dowladda Soomaaliya ku heysto waxaa kamid ah. · Al Shabaab oo wali maamulaya qeybo kamid ah Soomaaliya xili in kabadan 22,000 oo ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwo Dowladda Fedralka Soomaaliya ka howlgalayaan dalka. · 2.6 Million oo qof oo dalka ku barakacsan kadib abaarihii sanadadihii ugu dambeeyay ku dhuftay Soomaaliya oo aan heysan waxyaabaha aas-aaska u ah Nolosha, xili hay’ado caalami ah ay dowladda dhaqaale badan ku siiyaan arimaha Bini’adanimada. · Maleeshiya beeleedyada hubeysan iyo Al Shabaab oo si arxan-darro ah dilal uga geysanaya meelaha dowladda gacanta ku heyso waxaana sidoo kale ay geystaan kufsi, dilal aan baaritaan ku sameyn dowladda iyo ciqaab ay u geysanayaan cidda walbo oo ay is qabtaan iyagoo sidoo kale askareeya caruurta da’da yar. · Howlgallada Military ee ciidamada Dowladda oo ay dhibaato ka soo gaarto dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda oo xabsiga dhiga sabab la’aan dad aan waxba galabsan waxaana loo geysto jirdil iyo handadaad. · Al shabaab oo gudaha Soomaaliya ku diyaariya qaraxyada iyo weerarada ay ku qaadaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida dalka Kenya, iyadoo ay jirto in 14-kii October ay shabaabku ku dileen Muqdisho oo ah Magaalo madaxda Soomaaliya in kabadan 500 qof. · Ciidamada AMISOM oo ku xad gudbaya xuquuqda bini’aadanimada dadka Soomaaliyeed, waxna kama qabato Dowladda dalka hogaamisa sidoo kale waxeey dilaan dad shacab ah iyagoo kufsi badan ku haya dumarka ku nool goobaha magaalada kabaxsan oo ay ka howlgalaan. · Cadaalad darro ka jirta maxkamadaha Soomaaliya, waxaana maqan xuquuda aas aasiga ah ee uu isku difaaci karo qofka shacabka ah, iyadoo Maxkamadaha Militry-ga la soo taago dad shacab ah. · Ciidamada nabad sugidda iyo qaranka Soomaaliyeed (NISA) oo heysta awood balaaran oo ay ku sameeyaan baaritaanada iyo howlgaladda la amro iyadoo aysan jirin sharci haga taa oo sababi karta rabshado, kana dhasha ku xad-gudbka dadka ay Ciidamada NISA qabtaan. · Xakeemyo xuriyatul qolka, iyadoo loo hanjabayo weriyayaasha, waxaana xabsiga la dhigaa hubsiino la’aan, qaarkood waxaa lagu khaarijiyaa si qorsheysan, si lamid ah maamul goboleedyada dalka ayaa xira xarumaha warbaahineed ee maamulkooda hoos yimaada hadii ay ka hadlaan arimo jira. · Soomaaliya oo aan u diyaarsaneyn iney martigeliso qaxootigeeda soo laabanaya oo albaabada ka soo xiratay dowladda Kenya kuwoo oo ku noolaa xeryaha qaxootiga sida Dadaab Iyo Ifo. · Colaada dagaal ee ka taagan Gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo dowladda Federalka aysan qaadin wax talaab ah oo lagu joojinayo. · Dad aan aqoon durugsan u laheyn oo ka howlgala xarunta dambi baaritsa CID-da oo laga rabay iney dabagal iyo baaritaan ku sameeyaan Kiiska kala duwan ee dhaca sida dilalka, qaraxyada iyo dhaawacyada ee ciidanka dowladda geystaan ama shacabka ay la kulmaan, waxaa meeshaas ka maqan qabiir yahao aqoon u leh howlaha dambi baartista. · Midowga Yurub oo Soomaaliya meel u saaray 286 million (€) Euro ka soo bilaabato sanadii (2014-2020) si wax looga qabto dib u dhiska Soomaaliya, nabadeynta dalka, helida cunada, waxbarashada iyo adeegyada muhiimka u ah dowladnimada, ayaa u muuqda kuwo shaqsiyaad u gacan galay kadib boorsoyinka ku shubta, sidoo kale EU-da waxeey soomaaliya u qoondeysay 120 Million oo Euro oo u gaar ah arimaha bini’aadanimada iyo 1000,000 oo Euro oo si deg deg ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya markii dad badan oo shacab ah ku dhamaadeen weerarkii 14-kii October ee ka dhacay Muqdisho, sidoo kale Midowga Yurub waxa uu sheegay iney taageeraan Howlgalka AMISOM. Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soo saaray Baarlamaanka Midowga Yurub oo madaxda hay’ado caalami ah kaa shanaya, waxaana ay dalbadeen in si deg deg ah wax looga qabto arimaha ay soo gudbiyeen, waxaana suuragal ah in go’aan lama filaan ah laga qaato Soomaaliya oo ka imanaya Midowga Yurub, sida in la joojiyo dhaqaalaha faraha badan ee Miwdoga yurub oo kalsoonida lagala noqdo iyo in cunaqabaten la saaro Soomaaliya. Wali dowladda Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka kama aysan jawaabin eedeynta loo soo jeediyay, oo ah midii ugu cuslayd oo Ururka Midowga Yurub uga timaada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Waxaa in badan oo dadka Soomaaliyeed ah la yaab ku noqotey in Prof. Axmed Ismaaciil Samantar uu booqasho ku tegey jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland halkaas oo dagaallo culus ay ka dhaceen bishii May 2018, ilaa haddana u socdo diyaar garow dagaal. Prof. Axmed ayaa khudbad kooban u jeediyey ciidanka Somaliland waxaana uu ku boriyey in y difaacaan xuduudka, waxaana uu ku yaboohay 50 neef oo adhi ah in uu ugu deeqay dhiirigelinta ciidanka. Dhulka Soomaalidu degto waxay u kala qaybsan yihiin beelo, haddaba dhulka uu booqday ee dagaaladu ka socdaan waxaa deggan Beesha Sool clan oo ciidamo badan ay ka joogaan jiida dhanka Puntland kuwaas oo dagaal ugu jira in ay xoreeyaan gobolka Sool, Adduunku waxa u ugu yeeraa gobaladaas meel muran ku jiro sababta ayaa ah koox kamid ah beesha oo xilal ka haya labada maamul. Haddaba waxaa la is weydiinayaa sababta ku xanbaartey aqoonyahankanka tirsan Xisbu xaakimka Somailaland in uu ka qayb-qaato dagaalada tukaraq ka socda? ma fikir isaga ka yimid ayaa mise waxa uu donayaa in uu beddelo wacyi siyaasadeed ee jira. Prof. Axmed Ismaaciil Samantar oo shaqadiisi hore ka bilaabey Weriye laanta afsoomaaliga ee BBC ayaa muddo dheer ahaa macalin ka tirsanaa Macalester College ee dalka Maraykanka, sanadkii 2011 waxa uu ku dhawaaqey Xisbi siyaasadeed oo la magacbaxay Hiil Qaran. Prof. Samatar si lamid ah walaalkiis waxa u kamid ahaa codadka ugu dhaadheer ee ka so horjeeda Somaliland iyo qaddiyadeeda gooni isu taaga. Sanadkii 2012 waxa u kamid noqdey Baarlamaankii Soomaaliya, waxaana uu u tartamey xilka Madaxweynaha waxaana uu helay 8 cod oo keliya, muddo kadib waxa uu ka baxay Baarlamaanka kadib markii uu kamid noqon waayey golihii wasiirada oo aad u daneynaayey in uu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibada, oo markaas oo la magacaabey Fawsiya Yusuf. Sanadkii 2015 Prof. Axmed Ismaaciil waxa uu u diga rogtey maamulka Somaliland, muddo kadibna waxa uu ku biirey xisbiga Kulmiye, laakiin nasiib darro waxa uu aad u doonaayey in uu noqdo Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka taas oo iyaduna noqotey mid uu ku fashilmey. Tan iyo markii uu u wareegay Somaliland wax xil ah kama qaban aan ka ahayn in uu kamid yahay Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Haddaba sababta ku xanbaartey Prof. Samatar in uu qayb ka noqdo dagaalka Tukaraq ayaa la aaminsan yahay in ay laba arrimood ay keentay mid isaga ka timid iyo mid laga codsadey. Dagaalka Tukaraq ka socda iyo duulaanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi soo qaadey 8 Janaayo ayaa lagu shaabadeeyey in ay yihiin mid ay wadaan laba beelood oo kamid ah Somaliland kuwaas oo samaystey dalada Jeegaan, haddaba si wax looga beddelo fikirkaas caalamkana loo tuso in dagaalka loo dhan yahay ayaa Madaxtoyada Hargeysa ku qal-qaalisey Prof. Samatar in u ciyaaro kaarkiisi u danbeeyey. Arrimnta labaad ; waxaa jira tuhun weyn oo hoggaamiyaasha Somaliland ka qabaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo 70 sano ku gaarey ka soo horjeedka qaddiyadda Somaliland, waxaana uu qoraalo badan iyo dacwadoba ka sameeyey xasuuqii jamhadda SNM ay ka geystaey gobolka Awdal, haddaba maadaama muddo saddex sano ah uu uu ku sugnaa Somaliland wax xil weyn ah aanu qaban ayuu u arkaa fursaddii u danbeysey ee lagu aamini karo in qaddiyadu ka dhab tahay uuna ka qayb-qaatey dagaalkii ka socdey jiida Tukaraq. Waxaa is weydiin mudan, maadaama beesha Sool clan ay u arkaan cidanka Somaliland iyo wakiilnimada Beesha Hargeysa sheeganayso xuduudka mid ka dhan ah jiritaankooda, dadnimadooda iyo kala lahaanshaha dhulka waxaana la is weydiinayaa farrinta Axmed Ismaaciil u dirayo beeshaas, dhaxalka ay ku reebi donto ka qayb-qaadashada dagaalka Tukaraq ee uu deeqda geeyey. Prof. Samanter oo noqdey Bare Jaamacaedeed, ahaa nin furfuran oo ka qaybqaata doodaha Soomaalida, mararka qaarkood kabanka ciyaara oo leh cod debecsan, noqdey Xildhibaan Soomaaliyeed, noqdey Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, kadibna dib ugu noqdey fikirki uu diidanaa muddada dheer ee kala goynta dalka Soomaaliya, waxay maanta ka mareysaa in xayn adhi ah uga qayb-qaato dagaalka Tukaraq. W/Q: Maxamed Cismaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maamulka shirkada DP World ay xil ka qaadis ku sameeyen Xisaabiyaha guud ee shirkada u fadhiyay Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland. Xisaabiyaha Dekadda Iimaan Yuusuf Iimaan ayaa xilkaasi laga qaaday kadib markii uu isfahan’waa dhexmaray isaga iyo maamulka Dekadda waxaana xigay xil ka qaadistiisa. Maamulka DP World ayaa si KMG ah xilka laga qaaday Iimaan Yuusuf Iimaan ugu magacaabay nin kasoo jeeda dalka Senegal oo kamid ahaa shaqaalaha shirkada. Warar hoose ayaa sheegaya in Iimaan Yuusuf Iimaan uu ka hor imaaday ku tagrifal awoodeed oo uu kala kulmay maamulka shirkada taasina ay dhalisay in lagu sameeyo xil ka qaadis degdeg ah. Shirkada DP World ayaa lagu eedeeyay inay ku amar taagleyso shaqaalaha Soomaalida ee ka howlgala Dekadda, taa oo kala fogaanshu ka dhex abuurta maamulka iyo shaqaalaha. Sidoo kale, shirkada DP World ayaan jirin cid kala hadli karta ku tagrifalka shaqaalaha, waxaana xusid mudan in madaxda Somaliland aysan awood u laheyn faragalinta howsha shirkada. Docda kale, Shirkada DP World ayaan dhag jalaq usiin amarada kasoo baxay madaxda dowlada kaa oo lagu mamnuucay hanaanka khaldan ee shirkadaas ay uga howlgaleyso Dekadda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. HALIFAX—The federal minister of immigration is objecting to language being used by Ontario’s new Tory government to describe people claiming refugee status. Source: Hiiraan Online
  21. The drowning deaths of two newcomers to Canada last week has an immigrant from Somalia worried about his own family's safety around the water. Source: Hiiraan Online
  22. Two Somali Bantu farm cooperatives will open a farm stand in Lewiston that will be the home base for what they say is the nation’s first Somali Bantu farm-to-fork food truck. Source: Hiiraan Online
  23. SEATTLE (AP) — Pamela Raghebi said she feels like the government has divorced her. Source: Hiiraan Online
  24. ROCHESTER, Minn. (KTTC) -Rochester Muslims are thanking the community for its support after hundreds gathered for a solidarity vigil in June when bacon was found at a downtown mosque. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay xil ka qaadis ku sameysay Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan). Afhayeenka oo goordhow la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyey in dowladda Somalia ay soo gaarsiisay warqad xilka looga qaadayo. Afhayeenka ayaa sheegay in warqadaasi ay uga imaaday Wasiirka Amniga balse isagu mudo Shan Cisho ah kahor uu xilkii Afhayeenimo iska casilay wallow aysan jirin in uu Warbaahinta la wadaagay is casilaadaas. Waxa uu sheegay inuusan jecleen inuu lasii shaqeeyo Dowlada, sidaa aawgeed uu xilka mar hore isaga casilay iminkana ay soo baxday warqad xilka looga qaaday. Sidoo kale, Afhayeenka xilkiisa waayay ayaa laba cisho ka hor warar aflagaado ah hawada u mariyay Madaxda ugu sareysa dalka taa oo la aaminsan yahay inay soo dadajisay xil ka qaadistiisa. Dhinaca kale, sababta ugu weyn ee xil ka qaadista Afhayeenka ayaa lagu sheegay inay tahay inuu ka been sheegay dowlada isla markaana carab ***** in 11 bil uusan qaadan Mushaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com