-
Content Count
206,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka Somalia uu sii xumaanayay mudooyinkii u dambeeyay ayaa markii ugu horreeyey ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Somalia. Wasiir-u-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka, Anwar Maxamed Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada guud ee Somalia, balse aysan jirin cid ay gaar u aqoonsan yihiin. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska Dekedda Berbera oo la filayo inuu muranka dhaliyay ay kala hadleen Dowladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Somalia ee uu hoggaaminayo Farmaajo. “Arrinta heshiiska dekedda Berbera waxay ku dhacday is-fahan cad oo aan la yeelannay Xukuumaddii hore ee Somalia, waxayna ahaayeen kuwo cad-cad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin, xiriir gaar ahna lama lihin Somaliland. Waxaan kaalin fududeyn ah ku lahayn inaan kulammo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Abu Dhabi iyo Dubai. Kaalinteennu waxay ahayd fududayn. Is-fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsan-nahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan naga reebayn dhinacyada horumarinta, gargaarka aadaminimo iyo kaalmada in aan Somaliland ka sameyno,”. ayuu yiri Anwar. Wasiir u dowlaha u hadlay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban qol xiran. “Haddii ruux ku caawinayay 20 illaa 25 sano ay wax idin dhex-maraan waa inaad kala hadashaa. Ma ahan in aad qabsato 47-askari oo Imaaraadka u dhashay oo ciidamadaada tababaraya oo ku dhawaad 10-malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayay ciidan badan oo Somai ah siday oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran. Maya… Maya.. Sidaas hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, Xiriirka labada Waddan ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Todobaadkii hore ay Dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ku dhaw 10-milyan oo Doollar oo la sheegay in lagu qabatay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho. Ugu dambeyn, Hadal ay soo saartay Dowladda Imaaraadka Carabta ayay ku sheegtay inay joojisay gabi ahaan hawlihii ay ka wadday Somalia, Waxaana billowday dhaqdhaqaaqyo uu alaabbadiisa kaga qaadanayo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Imaaraadka oo ka hadashay cidda ay la gashay Heshiiskii Dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.
-
An asylum seeker from Norway, who was stripped of citizenship in that country, will be deported from Iceland. Source: Hiiraan Online
-
Egypt's President Abdel-Fattah El-Sisi received a phone call from his Somali counterpart President Mohamed Abdullahi in which he praised Cairo's support for Mogadishu's efforts to restore order and stability in the country, El-Sisi's office said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
Growing up in Portland, Maine, junior Mohamed Nur said he’d regularly volunteer at his mosque or spend time tutoring kids at the local after-school center, “doing things that would make someone’s day a little easier and happier.” Now thanks to a Truman Scholarship, Nur will have the chance to deepen his interest in public service after graduating from Bowdoin. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, April 18 (Xinhua) -- Somali forces on Wednesday took control of five villages in Middle Shabelle regions in southern Somalia which had been under al-Shabab rule, military officials have said. Source: Hiiraan Online
-
Garowe-[Puntland Post]-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliye kuxigeenka ciidamada Daraawiishata ama Difaaca ee Puntland, booskaas oo uu horey iskaga casilay kuxigeenkii hore ee taliska ciidamada Daraawiishta. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Sareeye Guuto Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe) taliye kuxigeenka ciidamada Difaaca ee Puntland, wuxuuna horey uga mid ahaa Saraakiisha Difaaca ee Soomaaliya. Hoos ka eeg wareegtada Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka darawiishta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu: The Ambassador of Qatar to Somalia Hassan Hamza Asad Hashim handed over the aid from Qatar to the Somali Government. The donation included 30 transport buses and two large cranes and was within the efforts to consolidate joint cooperative relations. Source: Hiiraan Online
-
Bosaso-[Puntland Post]-Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo soo noqday Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadii Kacaanka Soomaaliya, ahna Jeneraal Milateri ayaa kaga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka. Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuusi gaar ah uga hadlaya Amaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay. Musharaxu waxa sida oo kale uu ka hadlaya shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyndoono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo laan baahsan. Morgan wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo kunool mandiqada Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah. Hoos ka Daawo Muuqalka Jeneraalkan oo aysan inta badan jecleyn deriska Puntland ee Somaliland ayaa musharaxnimadiisa ku soo beegay waqti ay is horfadhiyaan ciidamo ka kala socda labada maamul, oo cabsi laga qabo in ay ku dagaalamaan gacan kuheynta gobalka Sool. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Jen Morgan ‘’Waxan u Taaganahay Xilka Madaxweynaha Puntland 2019 ‘’ appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiru dowlaha dalka Imaaraadka Carabta ayaa kashifay in heshiiska Imaaradka ee Dekadda Berbera ay ogaaleen, waxna ka ogaayeen heshiiska ay la galeen Somaliland iyo Dekadda Berbera. Wasiiru dowlaha Areimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan Somaliland ku lahayn Qunsuliyad, ujeedkooduna ahaa inay taageeraan horumarka dhaqaale, iyadoo uu caddeyay in heshiiska Dekadda Berbera ay ogaayeen dowladihii hore ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay diyaarad ay lahayd Imaaraadka iyo lacag loo waday ciidamada Soomaaliya oo lagu qabtay, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay sharci darro ahayd oo aan loo baahneyn in qol mugdi ah xal looga qaado. “Wax kasta waa inay noqdaan wax cad oo aan mugdi lahayn, ma aqbali karno in lacag iyo ciidamo wada la xayiro, kadibna lala wareego lacagtii oo la yiraahdo qol ayaan ku xalineynaa..” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash oo wareysi siiyay BBCArabic. Sidoo kale Anwar Maxamed Qar-qaash Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa dhaliilay qaabkii loola dhaqmay Diyaaradii dhawaan lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho taas oo laga lahaa Dalka isu tagga Imaaraadka. “Dal muddo 15 sano ilaa 20 sano Saaxiib kula ahaa ku caawinayay maahan in khilaaf yar oo yimid kula dhaqanto sida Cadowgaaga oo kale , in la qal qal geliyo Saraakiil tababaray Ciidamo Soomaali ah iyo in lala wareego lacag ugu talagalnay in dadkaaga aan ku caawaino”ayuu mar kale yiri Anwar Maxamed. Dhinaca kale Anwar Maxamed Qar-qaasha Wasiiru Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaalin ay ka qaateen dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Soomaaliland dhowr jeerna ay shirar ugu qabteen Magaalooyinka waa weyn dalkaasi waxa ay raadinayaan ay tahay Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya. Sida ay Dowladda Soomaaliya u wado wadahadalka hada Socda ayuu dhaliilay Wasiirka. “In qol mugdi ah lagu xaliyo wixii dhacay oo aan ka fiirsasho lahayn waxaan u arkaa in aysan waxbo ku hagaagayn” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta. Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mudooyinkaan waxaa ka taagnaa khilaaf Culus kaas oo saameeyay gaar gaar badan oo ay Imaaraadka ka wadeen Soomaaliya, sidoo kale Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay faragelin toos ah ku sameeyay Dowladda soo koreysa ee Soomaaliya. Xaaladda siyaasadeed ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa meel xun mareyso, waxayna xogta sheegeysaa inay imaaraadka ku dhawaaqi rabto go’aan ay ku joojineyso sharciyada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliya, waxayna sidoo kale qorsheeneysaa inaysan sharciyada u cusbooneysiin haddii ay muwaadiininta Soomaaliya ka dhacdo inta laga xalinayo xiriirka labada dal ee xumaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, April 18 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Tuesday lauded Ugandan soldiers for ensuring a safer and stable Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Abu Dubai (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan xogta la helayo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqi rabto tallaabo dhibaato weyn ku noqon doonto Kumanaan qof oo Soomaali ah. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheeneyso inay ku dhawaaqdo xayiraad la saari doono dadka u dhashay Soomaaliya ee ku nool dalkaas. Dowladda ayaa joojin rabto inay dadka soomaalida siiso Sharciga Iqaamada u ogolaaneyso inay ku noolaadaan dalkaas isla markaasna ay ka shaqeystaan. Dowladda ayaa joojin rabto soo saarista Iqaamada la siinayo dadka Soomaalida ah, sidoo kale waxay joojin rabtaa inay cusbooneysiiso kuwa hadda heysto iqaamada marka la gaaro waqtiga dhicista. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa arrintaan sabab uga dhigtay xiriirka labada dal oo sii xumaanayo, waxayna tallaabadaan saameyn xoog leh ku yeelan doontaa Kumanaan qof oo Soomaali ah oo ka shaqeysto dalkaas. Dowladda Imaaraadka ayaa tallaabadaan ka noqon doonto haddii uu soo fiicnaado xiriirka ka dhaxeeyo labada dal sida uu qorshu yahay, waxaana muuqato inay Imaaraadka dooneyso inay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saarto inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo celiso xiriirkii ka dhaxeeyey labada dal. Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir aad u weyn iyadoo inta badan Soomaalida ay ganacsigooda ku xirnaa dalkaas, wuxuuna xiriirkaan xumaaday sababi doonaa dhibaato hor leh oo soo wajahdo Soomaalida. Tallaabada sii xumeysay xiriirka labada dal ayaa aheyd kadib markii ay dowladda Soomaaliya qabatay lacag ay Imaaraadka sheegtay inay ugu talagashay ciidamada ay u tababartay Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hore ugu dhawaaqday inay joojisay howlihii tababara ciidamada ay ka waday Soomaaliya, sidoo kalana waxay xirtay Ibsitaal ay ku laheyd Magaalada Muqdisho. Haddii ay si rasmi ah Imaaraadka ugu dhawaaqdo go’aankaan waxaa hubaal ah inay noqon doonto saameyn aan muddo ku imaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Biyaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ahna mudane ka tirsan Golaha Shacbiga ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed (10-aad) ayaa manta 18ka April 2018 isu soo taagay qabashada xilka Gudoonka Baarlamaanka, wuxuuna kaga dhawaaqay xaflad uu ku qabtay Hoteel Golobal ee magaaladda Muqdisho. Xildhbaan Saalim Caliyow Ibrow oo in mudo ah ku soo jiray Siyaasada dalka ku dhawaad 45 sano, ayaa sheegay inuu quud dareynayo hanashada xilka Gudoonka Baarlamanka “Xaqiiqdii waxaa jirta kala qaybsanaan ku soo dhex jirtay hogaanka baralamaanka iyo xildhibaanada qaran mudadii 18 sano ahayd ee la soo dhaafay, mar kastana waxaa jiray is maan dhaaf ku salaysan dhanka sharciga iyo habsami u socodka hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo ragaadisay howlo badan oo horyaalay Baarlamaanka iyo guud ahaan shaqada loo igmaday dowladihii soo maray dalka.” Prof Saalim ayaa sheegay in xiligaan la joogo dalka ay horyaalaan caqabado badan oo dhanka amniga iyo siyaasada, isla markaasna la rabo in la dhamaystiro dastuurka loona gudbo in dalka la gaarisiiyo afti u qaadid Dastuur. “Waxyaala muhiimka ah ee laga gabiyey waxaa ka mid ah samaynta Maxkamadii Dastuuriga ahayd, taas oo hormuud u noqon karta dhex dhexaadinta muranada soo kala dhex gala hay’adaha dowladda. Waxaana ii qorshaysan inaan ka dhigto ajandayaashayda ugu horeeya dhisida Adeega Garsooka, waxaa kale oo dadajin doonaa shuruucda is dul saaran ee horyaala Baarlamaanka si Xukuumada howlaha horyaalo loo dar dar galiyo” ayuu yiri Salim Ibrow Prof Salim Caliyow Ibrow ayaa waxbarashadiisa hoose dhexe ku soo qaatay dalka sanadii lixdameeyadii, wuxuuna waxbarashiida jaamaceed u aaday 1968 dalka Talyaaniga isagoona soo bartay Culuunta Xanaanada iyo Caafimaadka Xoolaaha, wuxuu ka shaqo bilaabay markuu dalka ku soo noqday Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa 1976 uu noqday Bare kaaliye Jaamacdii Ummadda, isagoo 1978 u dalacay Bare Jaamacadeed. Sidoo kale Prof Salim ayaa ka mid noqday Gudiga Sulaxa ee la asaasay dhamaadkii 1990-kii kaas oo qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare laga dhigo Cumar Carte Qaalib, Prof. Salim ayaa qayb weyn ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Jabouti 1991, waxaana u noqday Wasiir Ddowladi Cali Mahdi. Laga soo bilaabo sanadkii 2000 dowladii Carte lagau soo dhisay ilaa hada wuxuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxuuna soo noqday Wasiir ku xigeen, Wasiirka Xanaanada xoolaha, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, sii haye xilka Ra’iisul Wasaaraha xiligii uu is casilay Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Maaliyadda, dowladihii aan KMG ahayn wuxuu soo noqday Wasiirka Xanaada Xoolaha iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo uu hada yahay. Prof. Salim Caliyow ayaa ah aqoon yahan mudo badan ku soo jiray siyaasada lehna aqoon durugsan, wuxuuna ku hadlaa luuqadaha, English, Talyaani, Carabi. Waa nin aan jeclayn khilaafadka siyaasadeed mar walbna jecel inuu danta guud ka shaqeeyo, mudadii uu hayey xilalka kala duwanaan wuxuu ahaa nin ay u siman yihiin Umaada Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka akhriso taariikhda Musharaxa MACLUUMAADKA SHAQSIYADEED Magaca Saalim Caliyow Ibrow Cinwaan Golaha Shacabka Soomaaliya Muqdisho, Soomaaliya Tel +252615502533; +252695502533 Email: salim_ibraw@hotmail.com adanow1944@gmail.com Dhalashada Soomaali / Australia Taariikhda dhalashada 18 ogoosto, 1944, Qoryooleey, Soomaaliya Jinsi Lab Xaaladda guurka Xaasle ilmo leh Xirfad Siyaasi Sare Dhaqar xoolaha nool iyo la-taliyaha Xoolaha Maaraynta Deegaanka Aqoonyahan horumarinta waxbarashada Diblomaasi siyaasadeed iyo mid dhaqameed AQOONTA WAXBARASHO IYO TABABARO Magaca Jaamacadda: Magaca Jaamacadda: 1998 – 2000: Cilmi-baaris iyo aqoon sare Jaamacadda: La Trobe University of Melbourne, Australia Kuliyadda: Faculty of Science Technology & Engineering, Waaxda: Cilmiga Beeraha (Agricultural Department). Shahaadada sare ee Cudurada Faafa, Daawada Xoolaha nool (Post graduate studies in Infectious Diseases, Veterinary Medicine) Shahaadada waxaa lagu bartay qeybaha soo socda: q Infectious and Parasitic diseases q Basic concepts of Applied Epidemiology q Research methodology q Lecturing activities q Planning and coordination of veterinary activities q Zoonotic diseases by infectious and parasitic agents 1993 – 1995 1993 – 1995 Cilmi-baaris iyo aqoon sare Kuliyadda: Faculty of Animal Husbandry and Veterinary Medicine Jaamacadda: University of Turin, Italy. 21st Maarsho – Maanta Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha MASUULIYADAHA SHAQO IYO KUWA SIYAASADEED 2014 – 2015 (Febraayo) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xubin Golihii Wasiirada ee RW C/Weli Sh. Axmed Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Dowladda Federaalka Soomaaliya 27th Disember 2016 – Maanta Xildhibaan Golada Shacabka Federaalka Janaayo – Disember 2008 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Kusimaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin Golihii Wasiirada ee RW NUur Xasan Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Dowladda Federaalka Soomaaliya Nofember 2007 Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Masuuliyad uu ii magacaabay Madaxweyne C/laahi Yuuusf Febraayo – Oktoobar 2007 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Tacliinta Sare Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Dowladda Federaalka Soomaaliya Ogoosto 2006 – Janaayo 2007 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Dowladda Federaalka Soomaaliya Disember 2004 – Luulyo 2006 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Dowladda Federaalka Soomaaliya Ogoosto 2004 Xildhibaan Golada Ku-meelgaarka Shacabka Federaalka ee Soomaaliya Oktoobar 2002 – Ogoosto 2004 Ergay Shirka Nabadda Soomaaliya Eldoret – Mbagathi, Kenya Febraayo 2002 – Oktoobar 2002 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Xasan Abshir Dowladdii Maxadweyne C/qaasim Salaad Xasan Dowladda Ku-meelgaarka ee Soomaaliya Oktoobar 2000 – Janaayo 2002 Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Khaliif Galeyr Dowladdii Maxadweyne C/qaasim Salaad Xasan Dowladda Ku-meelgaarka ee Soomaaliya June 2000 Ergay Shirka Dib-u-heshiisiinta iyo Nabadda Soomaaliya Arta, Djibout Oct 1991 – March1993 Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cumar Carte Khaalib Dowladdii Maxadweyne Cali Mahdi Jamhuuriyadda Soomaaliya Janaayo 1991 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cumar Carte Khaalib Dowladdii Maxadweyne Maxamed Siyaad Barre Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya Disember 1990 Ergay Guddigii Qaran ee Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya 1975 – 1990 Ku-xigeenka Hormuudka iyo Macallin Jaamacadeed Kuliyadda Xanaanada Xoolaha iyo Daawada Xoolaha nool Jaamacadda Ummada SOomaaliyeed, Muqdisho, Soomaaliya URURADA XIRFADLEYDA IYO SHAQAALAHA 1987 – Maanta Xubin Ururka Caalamiga ee Barayaasha Cimliga Xanaanada Xoolaha – World Association of Veterinary Educators Universite De Montreal, Faculte’de Medicine Veterinaire C.P. 500 St-Hyacinth, Quebec- Canada Xubin Machadka Caalamiga ee Cilmi-baarista Xanaanada Xoolaha ILRI (International Livestock Research institute) P. O. BOX 5689. Addis Ababa, Ethiopia. P. O. Box 30709 Nairobi, Kenya 1999 – Maanta Xubin wax ka aasaasay Ururka Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha. Somali Livestock Professionals Forum (SLPF) XIRFADDA IYO KARTIDA BULSHADA Karti sare u leh la dhaqanka dadka iyo la shaqeyntooda XIRFADDA IYO KARTIDA KA SHAQEYNTA HEY’ADAHA · Guddoomiye wacan iyo aqoonsan kara xirfadaha dadka · Awood u leh in uu arko fursadaha jira oo dhan · Karti u leh maamulka mashruucyada gaarka ah isla markaana alifi kara mashruucyo · Isku-duwe fiican oo kooxda dhexdeeda ah iyo abaabule waxtar leh · Karti iyo geesinimo u leh in uu ka gudbo carqaladooyinka · Ku shaqeyn kara degaannada dhib badan iyo xaaladaha amaan ahaan qatarta ah le · Karti u leh in uu ku shaqeeyo xaalad aanan kormeer laheyn XIRFADAHA FARSAMO IYO AQOONTA KOMBIYUUTARKA Adeegsan kara aaladda kombiyuutarka iyo barnaamijyada ku jira sida – Microsoft Window (MS Word, Excel, PowerPoint and Access, statistical packages) XIRFADAHA IYO AQOONTA KALE Xirfadaha maamulka iyo maareynta oo ay ka mid yihiin: Qorista mashruucyada Maamulka shaqaalaha Horumarinta xiriirada dibedda ee ururada caalamiga ah iyo hey’adaha dowliga Qorista warbixinnada Maamulka guud ee xafiisyada Diyaarinta qorshayaasha shaqo iyo miisaaniyadaha LUQADAHA Aqrinta Qoraalka Hadalka Soomaali English Italian Arabic Aad u sareysa Aad u sareysa Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Aad u sareysa Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Dhexdhexaadr
-
Asad Hussein is a 22-year-old refugee. Last August, he got onto the back of a truck in Dabaab, Kenya. He sat down with other passengers among food supplies being driven to Mogadishu, Somalia’s capital. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Army officials in Somalia on Wednesday have said that they have killed several suspected Al-Shabaab militants and injured others after Somali National Army (SNA) troops attacked Al-Shabaab positions in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Al-Qaeda raids in Somalia scuttle Africa's plan to withdraw
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
African troops battling an al-Qaeda affiliate in Somalia for the past decade stand little chance of withdrawing by their deadline in two years as the government remains fragile and a spike in militant violence has drawn in U.S. forces. Source: Hiiraan Online -
Mogadishu (HOL) - The government of Sierra Leone on Tuesday sent 145 police officers to Somalia to mentor Somali officer on Policing Programmes. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, ayaa digniin kasoo saartay bandhig faneed lagu qabanayo Muqdisho, iyadoo ku baaqday in la joojiyo bandhiggaas. Shir jaraa’id oo Culummadu ay Maanta ay ku qabteen Magaalada Muqdisho ayay sheegeen in yahay Bandhig faneedkaas uu fasaad iyo halis ku socota Diinta Islaamka. Guddoomiyaha Hay’adda Culummada, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka hor-tagto bandhig faneedkaas. “Hay’adda Culummada, waxay caddeynaysaa in kuwa waxaas abaabulaya ay yihiin kuwa halis ku ah Diinta iyo Dalka, isla markaana fidinaya fuxshi iyo fisqi, Ummaddana u horseedaya halaag adduun iyo cadaab aakhiro,” ayaa lagu yiri bayaan ay culummadu soo saareen. Sidoo kale, Hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa mas’uuliyiinta Dalka uga digtay arrimaha marin habaabinaya bulshada Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqday in arrintaan si degdeg ah wax looga qabto. Ugu dambeyn, Waxaa Muqdisho yimid fannaaniin qurbe-joog ah, kuwaasoo wada abaabul bandhig faneed lacag ah oo lagu qabanayo qaar ka mid ah hoteellada Muqdisho. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/DHAGEYSO-Culummada_Soomaaliyeed.mp3 PUNTLAND POST The post Culummada Soomaaliyeed oo Dingiin kasoo Saaray Bandhig lagu Qabanayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa maanta ku dhawaaqay in u musharrax u yahay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya. Shirka Jaraa’id ee uu kaga dhawaaqayay Musharraxnimadiisa ayuu ka sheegay in uu sii wadayo howsha Guddoonka golaha shacabka haddii uu ku guuleysto. Waxaa uu amaanay Guddoomihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu sheegay in uu meel wanaagsan gaarsiiyay Golaha shacabka isaguna uu halkaas ka sii wadayo. Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah. Baarlamaanka Federaalka ayuu ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa asna shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Maxamed Mursal waxaa lagu tuhmayaa in uu yahay Musharrax ay Xukuumadda wadato islamarkaana dooneyso in uu isagu beddelo guddoomiyihii xilkan iska casilay ee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com