-
Content Count
210,513 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Odayaal wax garada oo kasoo kicitimay Soomaaliland ayaa soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland, waxayna warar soo baxaaya sheegayaan inay odayaashaasi Garowe u yimaadeen sidii wada hadal nabadeed looga geli lahaa xiisada colaadeed ee ka aloosan Gobalka Sool. Wax garadkan oo isugu jira odayaal dhaqameedyo, ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa durbaba Garowe ka bilaabay kulamo ay la qaadanayaan wax garadka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan isimadu. Sida ay xaqiijinayaan warar ay helayso PUNTLAND POST waxay odayaashani magaalada Garowe kula kulmeen qaar kamida isimada Puntland oo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Saciid Maxamed Garaase. Inkastoo ay horay u guul daraysteen isku dayo kala duwan oo ay wadeen beeshaa caalamka, wadamada deriska iyo qaar kamida culimada labada degaan oo lagu baajinaayey dhiig mar kale ku daata gobalka Sool hadana lama oga waxa isku-dayga odayaashani kaga bedelaan doono kuwii hore, wuxuuse imaanshahoodu Puntland kusoo adayaa xili si aada looga cabsi qabo inuu mar kale dagaal ka qarxo degaanada la isku hor fadhiyo. PUNTLAND POST The post Odayaal kasoo kicitimay Soomaaliland oo soo gaaray magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Qatar Charity (QC) has implemented a number of health projects in Somalia during the first half of 2018. Source: Hiiraan Online
-
One-hundred and twelve Djiboutian soldiers joined the ranks of the Djiboutian Army’s Rapid Intervention Battalion (RIB) following a graduation ceremony on 28 June. Source: Hiiraan Online
-
President Uhuru Kenyatta sees mistrust among leaders in South Sudan and Somalia as the biggest hurdle to a lasting peace in warring Somalia and South Sudan. Source: Hiiraan Online
-
President Trump on Wednesday announced his ambassador picks for Somalia and Nicaragua, aiming to reduce the number of vacant ambassador positions. Source: Hiiraan Online
-
Cabdikariin Sheekh Musse oo magac dheer Qalbi-dhagax maahan mid maqalkisu nagu cusub yahay. Tobanki bilood ee lasoo dhaafay xaaladdiisu waxay ahayd mid haraysay sheeko maalmeedka ummada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba. 27ki Agoosto 2017 ayay ahayd maalinti iigu horraysay ee aan maqlo magaciisa iyo jiritaankiisaba. Waa maalinti loo gacan galiyay cadowga Soomaaliyeed, waana maalin dhaawacday karaamadi ummadda soomaaliyeed daqarna ku dhufatay sharafta madaxda xilka hayso. Soo dayntiisi ka dib wuxuu jeediyay qudbad isagoo joogo magaalada Nayroobi ee Kiinya. Qudbadaan ayaa ahayd mid aad loo sugayay maadaama la filayay inuu faahfaahin doono sideey wax u dhaceen iyo cidda sida rasmiga loogu eedayn karo dhiibistiisi. Waxaa si gooni ah loo naawilayay inuu bidhaamin doono kaalimihii ay madaxweynaha iyo raysul waraasruhu ka cayaareen dhiibistiisi iyo soo dayntiisi. Xalay ayaan dhagaystay qudbadi oo duuban. Waxaa ka hormaray dad badan oo masuuliyiin ah kuwaas oo waddada usii xaaray hadalka masuulka loo hammuun qabay. Waxaa mikrafoonka kusoo dhaweeyay Yuusuf Xasan oo ah xildhibaan soomaaliyeed oo matalo xaafadda Kamaguuji ee Nayroobi. Qalbi-dhagax oo hadalkiisi ku furay xamdi Eebbe salliga Suubbahana ayaa jeediyaya qudbad qiiro iyo xamaasad leh. Wuxuu ku hadalay cod fasiix ah, afsoomaali saafi ah iyo erayo loo meel dayay sifiicanna looga fiirsaday sida loo yiri. Dhowr qodob ayaan rabaa inaan ka iraahdo waxaan ka fahmay hadalkiisi. Diblomaasi Qalbi-dhagax hadalkiisu wuxuu ahaa mahad-celin uu u jeedinayay soomaalidi taageertay meel walba oo ay joogeen. Wuxuu isku dayay inuu ka fogaado inuu wax ka taabto arrimihi aadka loo sugayay ee ahaa cidda ka masuulka ahayd dhiibistiisi. Marki uu yara galay sidi lasoo qabtay iyo ihaanadi lagu sameeyay ayuu dhexda iska qabtay isagoo yiri “waxaan xamaasadaysanahay marka inuu hadal iga dhacdhaco ayaa laga yaabaa. Aan usoo noqodo mahad-naqaygi. Arrimahaas mar kale ayaan si faahfaahsan ooga hadli doona”. Waxaa fiiro dheer mudan sida uu isu ilaalayay iyo sida uu isu qabtay isagoo dhiiggiisu aad ku kacsanyahay. Arrintaan maahan mid aan ku barannay soomaalida. Caadiyan waxaan naqaannay in qofka soomaaliga ah markuu dhib gaaro uu afka ku ciil baxo kuna hadlo erayo baabi’iyo taageeradi loo muujiyay. Xasuuso qudbadii Cabdiraxmaan CabdiShakuur uu jeediyay marki xabisga Xamar laga sii daayay. Aragtidayda waxaa isoo baxday inay dhowr arrimood ay ka qayb qaateen habka uu u hadlay halyeey Qalbi-dhafax. kow, inuu helay lataliyayaal waxgarad ah kuwaas oo tusaaleeyay siduu u hadli lahaa. Labo, inuu yahay ruux daggan oo miisaan culus taasoo sahashay inuu qaato waanadi ciddi lasoo talisay, waayo hadduu yahay qof fudud wixii loo sheegayba inta illaawo ayuu bad gali lahaa. Saddex inuu yahay nin yaqaan meesha laga hadlo, cidda lala hadlo iyo goorta la hadlo. Tusaale, inuu fahamsanaa inay ceeb tahay inuu hadallo dumarka iyo caruurta ka oohiyo uu jeediyo waqti lala faraxsanaa imaanshihiisa; iyo inuu dareensanaa in hadalkiisu qiimo beelayo haddii uu isagoo qiiraysan oo ilmaynayo uu shaqsiyaad magacaabo, taasoo ay u badnaan lahayd in laga soo qaado hadal uu yri nin ciil qabo oo xanaaqsan. Afar, wuxuu sheegay in dhawaan la qori doono buug ku saabsan noloshiisa kasoo dabooli doono dhamaan su’aalihii loo baahnaa. Marka laga yabaabo inuu doonayay inuusan buugga ka hor dhicin waxa uu qabana isago dagan oo kaligiis iyo cidda ka qorayso kaliya ah uu yiraahdo waxa uu rabo taasoo u sahli karto in laga ilaaliyo gaf iyo khalad isaga ka dhaco. Iyo ugu danbayn inuu rabo inuu siyaasadda galo sidaas darteedna uusan ka dhicin hadal hadhow caqabad ku noqon doono. Han siyaasadeed Waxaa muuqatay inuu leeyahay han siyaasadeed oo sare. Wuxuu sheegay inuu sii wadi doono shaqadi caamka ahayd ee dadka soomaaliyeed u hahay, halganki iyo middaynta soomaalida. Taasoo ka dhigan kama bixin arrimihii siyaasadda. Laakiin waxaa muuqato inuu baddalay qaabki halganku ahaa oo wuxuu yiri waxaan aaminsanahay in xalka lagu raadiyo wadahadal, lagana fogaado dagaal aan dhammaad laahyn oo aan waxba keenayn. Hadalkaan ayaa muuqaday inuu ku tilmaamayo inuu ka tanaasulay halganki hubaysnaa ee uu muddada kusoo jiray taasoo u oggolaan karto inuu qayb ka noqdo xisbiyada siyaasadeed ee ka jiro dhulalka soomaaliyeed. Waxaanse kala caddayn inuu rabo inuu usoo istaago hanashada kursiga madaxweyne ee Soomaaliya iyo inuu rabo inuu u tafa xayto sidii uu Soomaaligalbeed xornimo u gaarsiin lahaa isagoo marayo hab ka duwan kii hore. Mahadnaqi iyo ammaanti uu u jeediyay raysulwasaaraha Itoobiya, sheegidiisa inuu sii wadayo halgankii xornimo doonka Soomaaligalbeed iyo bidhaamintiisa inuu ka tanaasulay halgankii hubaysnaa waxay tusayaan inuu rabo inuu kasoo dhex muuqdo siyaasadda Soomaaligalbeed. Dhinaca kale, hadalkiisi uu ku caddeeyay inuu yahay muwaaddin soomaaliyeed, doonayo horumarinta iyo samata-bixinteeda iyo isu keenidda soomaalida; ammaanta uu jeediayay Soomaalilaan (Soomaalilaand waa meeshi ay ka billaabatay dhiibisti mujaahidiinta ONF, tirada ugu badanna laga dhiibay) iyo ugu yeeriddisi soomaalida kale inay horumarka kaga daydaan Soomaalilaan waxay tilmaamaysaa inuu leeyahay hammi ka sarreeyo mid gobal uuna doonayo inuu kasoo muuqdo loollanka kurisga madaxweynaha Soomaaliya. Kuu yahay waqtigaa sheegi. Saamaynta Daljir Ilaa maalintuu yimid Nayroobi waxaa hoosta ooga jiray xisbiga ku kacsan dowladda ee Daljir. Waxaa muuqato inaysan wali ku guulaysan waxay ka rabeen oo ahayd helidda xog ay ku dagaal galaan. Hasa ahaatee waxaa jiray erayo tilmaamayay inay si un u saameeyeen. Tusaale, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu dalka oo dhan safar dhulka ah ku mari doono. Wuxuu sheegay inuu safarkaas ka billaabi doono Dhuusomareeb, Boosaaso sii mari doono ilaa Dumayra uuu tagi doono. Ma uusan soo qaadin inuu Xamar tagi doono. Haddii uu Soomaaliya wada marayo Xamar ayay ahayd meesha mudan bilowga. Sababta keentay inuu Dhuusomareeb oo xarun u ah meeshi laga soo qabtay dhibka ugu badanna ONF loogu gaystay ka billaabo safarkisaa waxaan tuhmayaa inay tahay talo ka timid Daljir isaguna uu aqbalay si uu iyaga u qanciyo. Meel Su’aal mudan Guud ahaan hadalka Qalbi-dhagax waa hufnaa, wuxuuna ahaa hadal ku habboon saacaddi uu hadlay. Hasa ahaatee waxaa jirtay meel aan is iri maxaa wacay inuu sidaas yeelo. Mar uu ka hadlayay halganka gobonima doonka soomaalida wuxuu sheegay inuu soo bilowday qarnigii lix iyo tobnaad ila maantana uu socdo. Kacdoonnadi kala duwanaa ee waqtiyadaas dhacay mid walba wuxuu ku cabbiray hoggamiyihii dagaalkaas marki laga reebo kii 77. Tusaale, wuxuu yiri halgankii Axmed Gurey, Halgankii Sayid Maxamed laakiin markii usoo gaaray halgaankii 77 wuxuu yiri dagaalkii ay qaadeen ciidamada iyo shacabka soomaaliyeed, afkiisana waa uu ka ilaaliyay inuu sheego Maxamed Siyaad oo dagaalkaas hoggaaminayay. Dhibaatooyin badanba ha laga tirsadee inuu Maxamed Siyaad dagaalkaas qaaday cidna dood kama qabto intaan ogahay, marka ammaan iyo dhaliilba isagaa iska lahaa hoggaanka dagaalkaas. Iima cadda sababta. Laga yaabo inuu raali galinayay qaarka mid ah dadka dhagaysanayay ama dhagaysan doono oo Maxamed Siyaad dhib ka tabanayay. Haddana waxaan is iri ma sayid Maxamed ayaa ammaan loo wada hayaa. Waxaa dhici karto inuu qaatay dhaqanka soomaaliyeed ee ah in qofkii uu khalad ka dhaco la xaqiro wanaaggiisi oo khaladka kaliya la sheego. Haddana waxaan is iri ma Sayid Maxamed ayaa khalad yaraa mise Axmed Gureey ayaa macsuum ahaa. Ujeedkaygu maahan inaan isbarbardhigo hoggaamiyayashaas noolaa waqtiyo kala duwan kuna noolaa duruufo kala duwan ee waxaan isku dayayaa inaan fahmo sababta keentay inuu doorto qaabka usoo gudbiyay dhacdooyinkaan maadaama uu iila muuqdo nin hubo waxa uu ku hadlayo. Ugu danbayn, soo daynta Qalbi-dhagax waa faraj Ilaahay furay. Inkastoo dhiibistii ay tahay nabar ku dhacay Soomaalida oo aan waligiis bogsan doonin, haddana waxaa kasii darnaan lahayd isagoo xabsi ku dhinto. Sida uu isaguba sheegay waxaan rajayanayaa inay noqoto musiibadii ugu danbaysay ee nagu dhacdo. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab oo la ogyahay in sanadihii ugu dambeeyay ay sii liicayeen maamul ahaan iyo urur ahaan ayaa hadda waxaa isa soo taraya tuhunka ku saabsan in uu geeriyooday Amiirkii kooxda Al Shabaab ee Abuu Cubeyda, kaa oo u dhintay cudurka Kansarka Caloosha. Militry-ga Dowladda Federeralka Soomaaliya, iyo hay’ado la dagaalama kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ka howlgala ayaa bishii hore shaaciyay in Abuu Cubeyda uu dhintay islamarkaana Mahad Karataay uu noqday Amiirka Al Shabaab, balse kooxda ayaa wararkaasi u beenisay siyaasad ahaan, sida ay ogaatay Caasimadda Online. Shakiga laga qabay Geerida Abuu Cubeyda waxaa sii xoojinaya markii dhowr jeer warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ay baahisay wararka Mahad Warsame Abu-C/raxmaan (Mahad Karate) oo hadalkiisa badanaa aa la maqli jirin intii Abu Cubeyda uu amiirka Shabaab ahaa. Mahad Karataay ayaa markey soo ifbaxday geerida Amiirkii Shabaab ee Abu Cubeyda, waxa uu xaqiijiyay in uu noolyahay, laakiin hadalkiisa intaas kuma see ekeen oo arimo kala duwan ayuu ka hadlay waxaana ugu dambeysay shalay oo uu sheegay in Shabaab ahaan ay ka hortagayaan heshiiskii dekadaha ee Soomaaliya Iyo Itoobiya. Karataa waa ku xigeenka Amiirka kooxda Al Shabaab waxaana hadda shaki ka taagan yahay in Amiirka Kooxda uu noqday kadib muran dheer o oo kala dhaxeeyay golaha shuurada kooxda oo qabaa’ilo u kala qeybsan. Al Shabaab inta badan horay kama sheegeen isbadalka ku yimaada kooxdooda ama hadii ladilo amiirka amaba uu dhinto, waxaan cadeyn kuu ah markii diyaaraha Mareykanka ay duqeyn ku dileen Amiirkii Shabaab Abuu Zubeyr in ay qarinayeen muddo bilooyin ah, waloow markii dambe ay shaaciyeen. Ku badnaanshaha warbaahinta ee Mahad Karataay iyo aamusnaanta Abu Cubeydah, waxay sii xoojineysaa un shaki ku saabsan in Abu Cubeydah geeriyooday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda hadda jirto ee uu hogaaminayo Ra’isul wasaare Xasam Cali kheyre ayaa dhistay Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Muqdisho ka howlgala sanadkii 2017-kii kuwoo oo u badan ciidan cusub oo dowladda siisay tababar gaaban oo ku saabsan sida qoriga loo qabsado loona rido, aqoon kale uma laha sharciyada iyo waajibaadka saaran ciidanka, sida ay ogaatay Caasimadda Online. Ujeedka loo dhisay ciidanka Xasilinta ayaa xukuumadda Soomaaliya waxa ay ku sheegtay iney yihiin ciidamadii xaqiijin lahaa nabad galyada Magaalada Muqdisho, balse hadafkaasi ayaa noqday hal bacaad lagu lisay, markii la ogaaday in dilalka qorsheysan ay ku soobateen Magaalada , sidoo kale weeraro iyo qaraxyo ayaa lagu qaaday goobo aan horay loo weerari jirin. Dhamaan Isgoysyada Muqdisho iyo xarumaha dowladda ayaa laga howlgeliyay ciidankan hubeysan oo shaki badan laga muujiyay, waxaana qaar badan oo kamid ah lagu tuhmayaa iney qeyb ka yihiin xasilooni darrada ka jirta Muqdisho. Waxaa ciidanka xasilinta hogaankooda lagu wareejiyay Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa Macalin Jaamaceed, oo dalka dibadiisa wax ku soobartay,mana ahan shaqsi howlaha nabad galyo shaqo ku leh, waxa ayna isku beel yihiin Ra’isul wasaare Kheyre, waxaana muuqata in ciidankan dano gaar ah loo dhisay. Ciidanka ayaa boqolaal qof oo shicib ah si micno darro ah ugu dilay gudaha Muqdisho, gaar ahaan darawalada ka xaysa gawaarida loo yaqaano Mooto Bajaajta, majiro sharci qabanaya mana la hayo ilaa imika askari katirsan xaslinta oo tiirka cadaaladda lasoo taagay. Kama hortagaan mana dabagaal kooxaha hubeysan ee dilalka ka fuliyay Muqdisho, waloow la ogaaday in dilalka ayba ka dhacaan goobaha ay u dhaw yihiin ciidanka xasilinta. Intooda badan ayaa la aaminsanyahay iney xeriir la leeyihiin ururka Al Shabaab, taasna waxaa cadeyn u ah markii ay yaraadeen Shabaabkii faraha badnaa ee lagu dhex qaban jiray howlgallada Magaalada Muqdisho iyo kuwo lagu dili jiray howlgallo qorsheysan, ciidanka Xasilinta ayaa sidoo kale la aaminsanyahay iney u howlgalaan sidii shabaabka oo kale. C/risaaq Cumar Maxamed oo ahaa wasiirkii Amniga dowladii Xasan Sheekh hadana ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka ayaa talo ahaan u soo jeediyay in la baabi’iyo maadama sharci ahaan ay si cad uga soo horjeedaan qodobka 126-aad ee dastuurka dalka. Muran soo ifabaxay markii ugu horeysay ee Muqdisho laga howlgeliyay ciidanka xasilinta oo Qaraxyadu bateen ayaa laga saaray Magaalada, balse dib ayaa loo soo celiyay taa oo keentay in ay sii socdaan falalka amni darrada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho. Ciidamda dharcasta ah ee Muqdisho waxaa u badan kuwa xasilinta waxeyna fuliyaan dilal qorsheysan ,dhowr jeer ayaana arintaasi la ogaaday, waxaana cadeyn u ah xili laga hortagay iyagoo raba iney dilaan wariye ka howlgala mid kamid ah TV-yada Muqdisho, waxaana soo hadlay taliyahoodii oo yiri waa ciidankeena xasilinta Magaalada. Siyaasiyiin iyo shacab farabadan ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya sida weyn ee ciidankan Muqdisho dhibka ugu hayaan. Magaalada ayaa kala xiran, jid walbana gawaarida iyo dadka shacabka ah wey ka mamnuuceen iney isticmaalaan, amni xumida magaaladana waa sideedii, Shacabka ayaa ciidanka u bixiyay magayo kala duwan sida (ciidamada xayiradda, ciidamada gumeysiga iyo ciidamada xasuuqa shacabka). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalgashiga oo ah mid ay faa’ido ku raadiyaan maalgashtaha iyo la maalgeliyaha waxaa uu dhexmaraa dowlado, hay’ado iyo shaqsiyaad wax maalgashta si ay ugu faa’idaan. Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka leh Kheyraadka nuuc walba berri iyo bad, laakiin dadkii ehelka u ahaa kama faa’ideystaan mana u diyaarsana midaas. Dowlado badan oo kamid ah kuwo horumaray ayaa aad u daneeya Soomaaliya gaar ahaan iney maalgashi ku sameeystaan dhulkeeda iyo badeeda balse waxaa u diidaya caqabadaha jira oo Amniga ugu horeeyo. Burburkii dalka kadib Soomaaliya nasiib uma yeelan in aduunka maalgashto marka laga reebo shirkado laga leeyahay dalal horumaray oo ka howlgala goobo cayiman. Soomaaliya waxey heshiis maalgashi la gashay dowladda Itoobiya sanadkan 2018 kaa oo ku saabsan in Itoobiya ay maalgelishato afar dakadood oo Soomaaliya dhaca, mana ahan micnaheedu in ay la wareegayaan, kaliya waxey ku sameynayaan maalgashi waxaana bilaabanaya wax soo saar kadibna labada dal aay ka macaashaya. Mucaaradka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabku ku wargeliyay in dowladda ay dakadihii dalka ku wareejisay dowladda Itoobiya. Dhawaan waxaa heshiisay dowladaha Eriteriya iyo Itoobiya oo dagaal xun uu ka dhaxeeyay, waana laba dal oo deris ah, labada hogaamiye ayaa isku afgartay heshiisyo kala duwan waxaana ugu weynaa in Itoobiya ay maalgashato dekadaha dalka Eriteriya kadib markii la soo afjaray colaad dagaal oo u dhaxeysay muddo sanado ah labada dowladood. Heshiiska Dowladaha Eriteriya iyo Itoobiya ee dekadaha kama duwana kan ay Itoobiya la gashay Soomaaliya, waana heshiis caadi ah oo dhibaato laheyn. Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan u arkay heshiiska, qaar soo dhaweeyay iyo kuwo ka hor yimid, laakiin u baahan fahan guud in laga siiyo maalgashiga Itoobiya ee dekadaha Soomaaliya. Waxa Soomaalida dhibaya ayaa ah in Xabashida oo naceyb badan ay u qabaan iney hadane dalkii maalgashtaan, maadama labada dal uu dagaal xun oo ilaa imaika laga sheekeeyo dhexmaray sanadkii 1977-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga dibna ugu soo laabtay dalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay xooga saari doonto kordhinta wada shaqeynta kala dhexeysa dowlada Turkiga. Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay qeyb weyn ku leedahay taariikhda dalka, waxa uuna arrin lama hiraana ku sheegay laba jibaarka xiriirka iminka kala dhexeeya dalkaas. Farmaajo waxa uu cadeeyay in dowlada Turkiga ay uga dhow dahay dowlado badan oo dhaca qaaradaha adduunka, waxa uuna taasi ku micneeyay garabka ay ka heleen sanadihii abaarta iyo xiligaanba. Isaga oo ka hadlaayay arrintaasi ayuu yiri “Somalia Turkiga kama fileyso dhib waxaanu ka fili karno waa keliya inay garab nagu siiso waxyaabaha qabyada naga ah” “Dowladeydu wey ka shaqeyn doontaa sida looga faa’iideysan lahaa fursadaha ay nasiineyso dowlada turkiga si aan uga gudubno dhibaatooyinka na heysta” Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay tababarada iyo dhismooyinka isdabajooga ah oo Turkidu ay kawado Somalia, waxa uuna cadeeyay in dowladiisu aysan gudi Karin abaalka Turkiga. Geesta kale, waxa uu ballanqaaday inay kor u qaadi doonaan xiriirka kala dhexeeya Turkiga iyadoo mar waliba laga faa’iideysan doono khibrada uu dalkaasi u leeyahay dunida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu wado qorsho xil ka qaadis loogu sameynaayo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka. Wasiir Ducaale ayaa la sheegay in Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida uu usoo jeediyay inay xilalka ka xayuubiyaan ilaa Shan Saraakiil oo xilal waaweyn u haya Hay’adaha amaanka. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Wasiir Ducaale uu gudbiyay soo jeedintiisa isla markaana jawaabta soo jeedinta laga sugaayo Taliyayaasha Nabadsugida iyo Booliska. Saraakiisha lasoo jeediyay in meesha laga laalo ayaa waxaa kamid ah Maxamed Dahir oo mar soo noqday Taliyahii Saldhigga Degmadda Hodan, hadana qeyb ka ah Saraakiisha xasilinta ee loo heysto kiiska weerarkii Otto Otto. Wasiir Ducaale, ayaa doonaaya in Hay’adaha amaanka laga dhex sifeeyo dhammaan Saraakiisha lagu tuhunsan yahay weerarka Otto Otto oo dhammaantooda horay uga soo goostay Al-Shabaab. Sidoo kale, Saraakiisan ayaa lagu bedeli doonaa Saraakiil cusub oo ka howl duwan kuwa laga qaadayo xilka maadaama ay dowlada dhexdeeda uu ka jiro kala shaki. Ma cada Saraakiisha weyn doonto xilkooda waxaana xusid mudan inay ku jiraan kuwo Saldhigyo u qaabilsan Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa arrin muhiima ku sheegay in dib usoo nooleynta xiriirka Somalia kala dhexeeya dalka Shiinaha. Wasiir Cawad waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ay xiligaan ahmiyad gaara u aragto inuu soo laabto xiriirkii soo jireenka ahaa ee kala dhexeeyay dalka Shiinaha, waxa uuna carab ***** in xitaa Geeska Africa ay muhiim u tahay iskaashiga Shiinah. Cawad waxa uu sheegay in Somalia ay garaneyso waxa u dan ah, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin cid ay Somalia kala tashaneyso hormarkeeda, maadaama ay tahay dowlad madax-banaan oo xor ah. Axmed Ciise Cawad oo tilmaamayay ahmiyada iskaashiga ayaa sheegay in Somalia ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in xiriir taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhex maray. Waxa uu carab ***** in iskaashiga ay dowlada Somalia la sameyneyso Shiinaha uu leeyahay faa’iidooyin gaar ah waxa uuna ku sheegay 3 oo kala ah:- 1-Dowlada Somalia oo aan heysan mid lamida Shiinaha maadaama dhismooyinka kaabayaasha dhaqaale iyo waddooyinka ay gacanta ku heyn jirtay dowlada shiinaha. 2-Xiriirka Somalia iyo Shiinaha oo sanado badan jirsaday, iyadoo hanaanha iskaashi ee shiinaha uu yahay mid ay ka bixikarto Somalia oo aan heysan dhaqaale ku filan. 3-Shiinaha oo ahmiyad gaara u arka Somalia oo ku taal goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, waxa ay hoos u dhigeysaa dhaqaalaha ay Somalia ku bixin laheyd dib usoo nooleynta kaabayaasha maadama ay Somalia gorgortan ku galeyso kheyraadkeeda. Sidoo kale, Wasiir Cawad waxa uu cadeeyay in mar waliba mowqifka dowlada uu yahay inay ka faa’ido dowladaha ka quwada badan, si ay uga soo kabato dhibta burbur ee wali ka jira dalka. Haddalka Wasiir Cawad ayaa muujinaaya in dowlada Somalia ay ahmiyad gaara u aragto inay soo ceshato xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeyay dalka Shiinaha oo taariikh ku leh Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Source: Hiiraan Online
-
No one can deny that Somaliland is a democracy. A democracy that is operational in highly sensitive and war thorn region generally characterized as unstable. Source: Hiiraan Online
-
There is a similarity between Ethiopia and Somalia. Let us look at the historical facts that happened in the past for the two nations. Ethiopia was a combination of two countries which were Ethiopia and Eritrea. The combinations were created 1952 but ended in 1991. Ethiopia was never colonized, even though Italian fascist invaded and ruled seven years in Second World War. Ethiopia has many diversity community and ethnic background. Ethiopia has different culture, language, religion and creeds. Source: Hiiraan Online
-
After the unprecedented ouster of former parliament Speaker by President Mohamed Abdullahi Farmajo and Prime Minister Hassan Kheire in last April, the Federal Parliament of Somalia (FPS=House of the People and Upper House), the lead-institution for domestic accountability, ceased to exercise its mandated oversight over the executive branch of the Federal Government of Somalia (FGS). Under the double-edge slogan of political stability, leaders of both houses of the FPS have frozen the parliamentary activities to free the executive branch from domestic accountability and transparency. Pro-executive Parliamentarians are receiving special treatments and emoluments for parliament’s paralysis. Lack of domestic accountability and transparency is deepening state failure. Source: Hiiraan Online
-
At a recent East African Business Forum in a ballroom in south Minneapolis, a man named Jibril Afyare stood to say the city must do something to protect Somali-American businesswomen from landlords who treat them unfairly. Source: Hiiraan Online
-
Xulka Kurawaatiya Xulka kubbada cagta Kurawaatiya ayaa markii ugu horeysay taariikh gaaray kama dambeynta (Final) dhacdada ugu weyn kubadda cagta adduunka. Xulka Kurawaatiya ayaa soo afjaray rajadii Ingiriisku ka lahaa ku guuleysiga koobka adduunka ee sanadkan 2018, kadib markii uu 2-1 uga adkaaday ciyaar laysku daalay oo qaadatay 120 daqiiqo. Ingiriiska ayaa gool uu dhaliyay Kieran Trippier bilowgii ciyaarta hogaanka ku hayay tan iyo daqiidaqii 68-aad markaas oo goolka barbaraha uu Kurawaatiya u keenay Ivan Perisic. Wixii intaas ka dambeeyay ayaa labada xul mid walba uu raadinayay goolka guusha, balse ciyaarta ayaa wakhtigeedii 90-ka daqiiqo ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaana lagu daray 30-kii qadiiqo oo dheeriga ahaa. Mario Mandzukic ayaa xulkiisa Kurawaatiya gaarsiiyay kama dambeynta koobka adduunka oo aysan wiligood gaarin, kadib markii uu goolka guusha u dhaliyay qadiiq 109-aad, waxaana halkaas waagu ugu baryay xulka Ingiriiska oo rajo weyn kala haa tartankan. Xulka Kurawaariya oo la yaab ka sameeyay koobka adduunka ee sanadkan 2018 ayaa hadda ciyaarta kama dambeynta (Final) la ciyaari doona xulka Faransiiska. Ciyaarta lagu soo xiri doono koobka adduunka 2018-ka ee Ruuskhu marti galiyay ayaa dhici doonta 15-ka bishan July, waxayna ka dhici doontaa garoonka Luzhniki ee magaalada Moscow. PUNTLAND POST The post Kurawaatiya oo markii ugu horeysay gaartay kama dambeynta koobka adduunka appeared first on Puntland Post.
-
GARISSA, Kenya, July 11 (Xinhua) -- Kenyan security officers have launched a manhunt for al-Shabab militants who attacked a police camp in northeast Garissa county near the Somalia border on Tuesday, injuring three police officers. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (HOL) - The European Union has released €89 million (nearly $105 million) in humanitarian aid to Somalia just days ahead of the Somali Partnership Forum co-hosted by the EU. Source: Hiiraan Online