Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada Kumaandooska Somalia ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degaanka baar sanguuri oo qiyaastii magaalada kismaayo u jirta 45 km ee gobolka Jubbada hoose. Ciidamada Kumaandooska ayaa garab ka helaayay CXD qeybtooda 43aad iyo ciidamada daraawiishta jubbaland oo ku hubeysnaa Gaadiid dagaal nooca casriga ah. Howlgalka Al-shabaab looga xureeyay deegaanka baar-sanguuri, ayaa qaatay dhowr saac, kadib markii la sheegay in Shabaab ay halkaa ka dhisteen Saldhigyo laga qaado duulaanka ciidamada dowlada. General Cismaaciil Saxardiid, oo ah Taliyaha ciidanka xoogga qeybta 43aad ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Somalia iyo kuwa Kumaandooska danab ay Al-shabaab ka saareen degaanka sanguuni ee gobolka jubbada hoose. General Cismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabaab dagaalkaas looga dilay ilaa 7 maleyshiyaad ah iyo 4 horjooge uu ka mid yahay horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka. Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gadiidka dagaalka oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab kuwaasi oo taliye saxardiid uu ku sheegay labo gadiid oo ah kuwa dagaalka. The post Sawirro: Kumaandooska Somalia oo al-Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  2. The Galmudug administration and Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ) are today expected to sign a historic agreement in Dhusamareb, an event to be presided over by President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo’, some of the regional state leaders and representatives from the international community. President Farmaajo, who is on the final leg of his ‘peace and reconciliation’ tour, arrived in Dhusamareb on Tuesday evening to witness the official merger of Galmudug and ASWJ. Some of the regional state leaders are also in Dhusamarreeb including Hirshabelle’s president Mohamed Abdi Waare, while others are supposed to be arriving there today. However, Jubbaland President Ahmed Madobe, in a statement, said that he canceled his trip to Dhusamareb due to important tasks he will be undertaking in Kismayo and expected visits to some of the towns in Jubbaland. Galmudug and ASWJ officials held several talks in Dhusamarreb ahead of the key event. Meanwhile, President Farmaajo yesterday held talks with Galmudug and ASWJ officials, encouraging both sides to respect and implement the deal. Leaders of Galmudug State and the moderate Sufi paramilitary group, Ahlu-Sunna Waljama’a penned a political power-sharing deal in early December aimed at uniting the factions in central Somali regions following years of friction. The post Galmudug and ASWJ to sign historic merger in Dhusamareb today appeared first on Caasimada Online.
  3. Beledweyne (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Waare ayaa waxaa xilka looga qaday Guddoomiyihii Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Aadan Axmed Xefow. Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Cabdi (Qalaafoow). Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay kiisas xad gudub ah, waxa uuna sidaa ku waayay xilkiisa, kadib markii kiiskaasi uu gaaray Hogaamiyaha maamulka. Guudoomiyaha Cusub ee degmada Baladweyne ayaa horay u soo noqday Guudoomiyaha degmada Baladweyne, waxa uuna xilkaani qabanayaa markii labaad. Maamulka Hirshabeelle ayaa dhowr mar isbedel ku sameyay Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne. The post Hogaamiye Waare oo wareegto ku magacaabay Guddoomiye cusub (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  4. Intii uusan bilaaban socdaalkiisa horaantii bishaan, dad badan ayaa aaminsanaa inuusan fiicneyn cilaaqaadka madaxweyne Farmaajo iyo beesha dhexe taas oo 50% xubnaha Dowladda dhexe ku matala ay mucaarad dheereya noqdeen, bilihii lasoo dhaafay waxaa dhacay qaladaad u muuqday kuwa aan laggu tallo galin iyo kuwo lasii qorsheeyay oo ay wax ku noqdeen dad beeshaa u dhashay. Farmaajo ka hor, ma jirin xili ay beesha dhexe dhib la’aan aheyd, Dowladd kasta oo timid Villa Somalia qaladaad ayaa ka dhacay kaa oo ay shacab iyo saraakiil wax ku noqdeen, Soomaalidda oo dhan ayuu dhibkaa gaari jiray oo ay beesha dhexe ka mid tahay. Waxaa ugub aheyd in mucaaradku ay faa’iido ka raadiyeen kicin dadweyne iyagoo dariiq beeleed u maraya, Farmaajo wuxuu la kulmayay cadaadis warbaahineed oo siyaasiyiinta beesha dhexe kaga imaanayay , waxaa loo arkayay inuu duulaan beeleed waddo laakiin marnaba isaggu taa kama hadal. Safarkiisa oo dhowr nuuc loo dhigi karo ayaa u muuqday inuu jawaab u ahaa inuusan cidna duulaan ku aheyn, in Dowladdu ay qaldami karto laakiin aaney isku raaci karin in qollo gaara albaabadda laga xirto, in ahmiyadiisu ay tahay inuu dadkoo dhan hantiyo, iney siyaasiyiin is hayaan balse ay shacabku rabaan isagga, inuu u muujiyay siyaasiyiinta beesha dhexe in matalaadoodu ay halis ku jirto hadii aysan is badal la imaanin iyo inuu soo ogaaddo waxa ay rabitaankii loo qabay u dhibtay mucaaradadii ku socotay bilihii lasoo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo wuxuu helay jawaab, beesha dhexe waxey heshay jawaab ,siyaasiyiinta beesha dhexe ku mataladda dowladda federaalka ah iyaguna waxey heleen jawaab. Farmaajo wuxuu ogaaday in beesha dhexe ay shacab ahaan xagiisa jirto, iney beeshu fahamsan tahay in qaladaadka dhacay aannu bartilmaameed aheyn, iney dowladinimadda u heelan yihiin iyo iney been ahaayeen wararkii laggu harqin jiray ee ahaa “beeshoo dhan waa kugu mucaarad”. Shacabka beesha dhexe waxaa ay ogaadeen inuu madaxweyne Farmaajo raadinaayo midnimadooda, in aan la helin xili wax badan lagu qiimeyn karo iyo iney jiraan dad raadinaya iney beesha suurad xumeeyaan ayna muhiim tahay iney taa beeniyaan. Siyaasiyiinta beesha dhexe waxey ogaadeen iney u baahan yihiin in mucaaradnimadooda ay xeelad u badalaan , iney ka tagaan kicinta beesha iyo ineysan gacanta ku heynin shacab ay ku gor gortamaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda socdaalkiisa ku joogo Dhuusamareeb waxaana sidoo kale la filaya inuu booqdo Caabudwaaq. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Safarkii jawaabta (madaxweyne Farmaajo iyo beesha dhexe) appeared first on Caasimada Online.
  5. Kulamo kala duwan oo soconayey muddo hal 7aad ah loogana hadlayey hagidda ama jihaynta (Strategic Plans) hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland ee afarta sano ee soo socota ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda qorshaynta ee Dawladda Puntland iyo xaruumaha Hay’adaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda. Nuxurka kulamadan ayaa ahaa sidii ay hay’ad waliba u samaynsan lahayd qorshe hagaya ama jihaynaya sannadaha soo socoda (Strategic Plan) iyadoo laga duulayo qorshaha guud ee u degsan Dawladda Puntland ( Puntland Development Plan- PDP) iyo kan guud ee qaranka ( National Development Plan-NDP) ee isugu jira qorshe sannadeed iyo midka shanta sanno ee ay hore u ansixiyeen Golaha fulinta ee Dawladda. Kulamadaan oo maanta lasoo afmeeray ayaa waxaa maanta loo qabtay Madaxtooyada, Bangiga Dawladda iyo Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda iyadoona si qoto dheer loo dersey habkii loo samayn lahaa ama loo dejin lahaa Hay’ad walba qorshe iyada u gaar ah oo gun-dhiggeedu yahay qorshaha guud ee Dawladda. Khuburo caalami ah ayaa kulamaada daadihinayey, kuwaas oo shaqaalaha dawladda ku tababareyey dejinta iyo jihaynta qorsheyaasha si looga maarmo mar dambe in aan bannaanka laga soo kaxaysan tababareyaal ee ay dawladdu u noqoto mid iyadu dhinac walba isaga filan. The post Kulamo looga hadlayey jihaynta qorsheyaasha Puntland oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweyne Gaas iyo Wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuuso mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo maalinta berrito ah lagu qabanayo xaflad loo qabanayo dhameystirka heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca. Waxaa si lamid ah halkaas gaaray madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan. Madaxweynaha dowladda Puntland oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in uusan Dhuusmaareeb marti ku aheyn balse ay tahay magaaladii uu ku dhashey, wax kubartey, kuna barbaarey. xw
  7. AMSTERDAM, Netherlands – War shattered 14-year-old Manaal’s dreams for the future. Now safe in the Netherlands, with new friends, her spirits are soaring once more. Source: Hiiraan Online
  8. The UN agencies working in Somalia on Wednesday launched humanitarian appeal for 2018, seeking 1.6 billion U.S. dollars to reach 5.4 million people with urgent life-saving assistance. Source: Hiiraan Online
  9. The newly president of Somaliland, Musa Bihi Abdi has arrived in Addis Ababa on his first state visit since being elected leader of the self-declared state. Ethiopia’s Foreign Affairs Minister, Workneh Gebeyehu has received him at the airport. The two officials have pledged to work towards bringing lasting peace to the Horn of Africa region
  10. Puntland’s Minister of Information Abdi Ali Qarjab. The semi-autonomous regional state of Puntland has accused the breakaway Somaliland of supporting Al-Shabaab militants barely a week after the two groups engaged in deadly battle in Sool region. Abdi Ali Qarjab, Puntland Information minister said Puntland is running out patience and would take up arms to defend its territories. “Somaliland supports Al-Shabaab and Daaesh groups, and that is not something pleasant,” said Qarjab. Al-Shabaab which is Al-Qaeda affiliate operates both Northern and Southern Somalia where it killed hundreds of innocent people. Despite several leaders of Al-Shabaab – including the group’s late founder, Ahmed Godane – being from Somaliland, it is unclear what the basis of the minister’s accusation is. Somaliland and Puntland have been trading accusations over the recurrent clashes in Sool region. Suleiman Ali Koore, the Minister of Water of Somaliland on Tuesday said that Somaliland is ready to defend anyone that is a threat to its sovereignty but reiterated the importance of peace. On January 9th, forces of Somaliland seized Tukaraq town of Sool region which was under the control of Puntland following a fierce fighting between soldiers loyal to both states. Both Somaliland and Puntland have fought for years over Sool and Sanaag region. HOL
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirk ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrimaha bini-aadanimadda sanadka 2018. Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka. Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan. “Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya. Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye. Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar. Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya —DHAMMAAD— The post Sawirro: Maxaa diirada lagu saaray shirka ka furmay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. Astana. January 17. KazTAG – Kazakhstan will allocate $215 000 of humanitarian aid to Somalia, reports the Foreign Ministry of Kazakhstan. “On January 15, 2018 Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary of the Republic of Kazakhstan to the Federal Democratic Republic of Ethiopia – Permanent Representative to the African Union H.E. Mr. Yerlik Ali and African Union Commissioner for Peace and Security H.E. Mr. Smail Chergui signed the agreement on humanitarian assistance provision to Somalia,” reads the message. Within the context of the agreement, Kazakhstan allocated 215 thousand US dollars to the Commission of the African Union for providing humanitarian assistance to Somalia. The objectives of the agreement relate to allocating finances for the implementation of two clean water projects in the Southwest of the country – in regions controlled by the African Union AMISOM peacekeepers. The Kazakh side will pay an inspection visit to Somalia during the second half of 2018 – in order to verify implementation of the mentioned projects. The decision to provide humanitarian assistance to Somalia through the relevant African Union structures is based on the social and economic situation in the country which is extremely difficult due to the civil war and the destructive activity of the Al-Shabab terrorist group. The agreement was signed within the framework of policy on providing voluntary contributions by Kazakhstan to international organizations. In addition, the decision to provide humanitarian assistance to Somalia corresponds with the Kazakhstani priorities as a non-permanent member of the UN Security Council, which were formulated in the Address of the President of Kazakhstan N.A. Nazarbayev, and submitted on January 10, 2017 by the Minister of Foreign Affairs K.Abdrakhmanov at the debate The UN Security Council (to promote the peaceful and stable development of Africa).
  13. A photography project has given 14-year-old Manaal the confidence to set her hopes high for the future. Manaal from Somalia dreams of becoming an air stewardess. © UNHCR/Fetching_Tigerrs/UNHCR/ popcatter/Shutterstockcom AMSTERDAM, Netherlands – War shattered 14-year-old Manaal’s dreams for the future. Now safe in the Netherlands, with new friends, her spirits are soaring once more. “I have only been in an airplane once and that is when we arrived here from Somalia,” says Manaal, who fled the country with her family. “In the airplane, I felt butterflies in my stomach the whole time. I saw a movie about a stewardess and she looked so pretty and smart that I decided I want to become a stewardess as well.” Twenty-eight long years of conflict have left Somalia reeling. The peaceful canals and cafes of Amsterdam, where Manaal found safety in 2014 , have offered the youngster a refuge she could barely have imagined. Manaal is one of 12 refugee and asylum-seeking children living in Europe who star in a new project that lets their imagination run free. Titled The Dream Diaries, the project sees the young refugees and asylum-seekers reveal their hopes and dreams from the safety of their new homes in Austria, Belgium, Germany, the Netherlands and Switzerland. “In the airplane, I felt butterflies in my stomach the whole time.” The series was produced by Humans of Amsterdam photographer Debra Barraud, her colleague Benjamin Heertje, Dutch graphic designer Annegien Schilling, filmmaker Kris Pouw and UNHCR, the UN Refugee Agency. In it, Manaal dreams of becoming an air stewardess. A portrait shows her sitting on the wing of an airplane, soaring through a picturesque evening sky. After 5 long years of separation from her father, who was the first to flee to Europe in a desperate bid to find a better life for his family, air travel means more to Manaal than most. “When we arrived at the airport, I finally saw my dad again,” she tells The Dream Diaries team. “So I ran up to him and hugged him really tight.” “I want to be able to travel, see Paris and have butterflies in my stomach.” © UNHCR/Humans of Amsterdam “When children flee their home countries, they leave everything behind, except their hopes and dreams,” says co-creator Debra Barraud, whose Humans of Amsterdam photography project has over 400,000 Facebook followers. “Through the project we saw the strength of these children and how with the right support they can achieve anything.” Audiences are being encouraged to stand #WithRefugees by signing UNHCR’s global petition, which asks decision makers to grant refugees safety, education and opportunities – turning their dreams into reality. You can follow The Dream Diaries series via Humans of Amsterdam, Fetching Tigerss and UNHCR’s social accounts. “My dream is to be a flight attendant,” says Manaal, who will never forget the elation of her first flight – to safety. “I want to be able to travel, see Paris and have butterflies in my stomach. I want to see the entire world.” UNCHR
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirk ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda sanadka 2018. Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka. Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan. “Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya. Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye. Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar. Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya PUNTLAND POST The post R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  15. Dhusamareb (HOL) - The Galmudug administration and Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) are today expected to sign a historic agreement in Dhusamareb, an event to be presided over by President Mohamed Abdullahi Mohamed "Farmaajo', some of the regional state leaders and representatives from the international community. Source: Hiiraan Online
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirk ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda sanadka 2018. Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka. Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan. “Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya. Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye. Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar. Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
  17. Mogadishu (HOL) - The semi-autonomous regional state of Puntland has accused the breakaway Somaliland of supporting Al-Shabaab militants barely a week after the two groups engaged in deadly battle in Sool region. Source: Hiiraan Online
  18. Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ka degay wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayo C/weli Gaas. Wafdiga Hogaamiye Gaas ayaa isugu jira Wasiiro, Xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee maamulka, waxaana lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay uga qeybgalaan shirka dhameystirka Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna. Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kale duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wafdiga Hogaamiye Gaas. Hogaamiye Gaas oo saacadihii ugu danbeeyay ay wada xiriireen dhigiisa maamulka Galmudug Xaaf, ayaa ka jawaabay baaq ahaa inuu kasoo qeybgalo shirka, maadaama la saadaalinaayay inuu ka baaqsan doono. Gaas oo doonaayay inuu ka joogo shirka ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb, isagoo ka jawaabaya baaqa marti galineed ee uga imaaday dhigiisa Galmudug oo ay wada hadleen. Sidoo kale, waxaa magaalada Dhuusamareeb horay usii gaaray Madaxweynaha, Hogaamiyaha HirShabelle, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal ciidan iyo Saraakiil wehlineysay Madaxweynaha Somalia. Dhinaca kale, maalinta beri ah ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka oo iminka dib u dhacay sababo la xiriira Wufuuda oo aan weli soo wada xaadirin. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post C/weli Gaas oo ugu danbeyntii ka jawaabay baaqa dhigiisa Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si weeyn loogu Soo Dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gal-Mudug. Madaxweyne Gaas ayaa Waxaa Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay si wadajir ah Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumada Gal-Mudug Sh Shaakir. Dadweyne farabadan ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga Madaxweyne Gaas gudaha magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanu Marti ka aheyn magaalada Dhuusamareeb isaga oo sheegay in ay tahay magaaladii uu ku dhashay kuna bar baaray uu wax ku bartay. Madaxweyne Gaas ayaa ka qeeybgali doono munaasabada Dhameeytirka heshiiska Gal-Mudug iyo Ahlusunno. Dhanka kale waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo si aad ah loogu soo Dhoweeyay. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Gaas oo Si Balaaran loogu Soo Dhoweeyay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  20. Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goordhow ka degay Caasimadda Maamulka Galmudug ee Dhuusamreeb. Hogaamiyaha ayaa waxaa wehlinaayay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee maamulkiisa, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay dhigiisa maamulka Galmudug Iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horay u gaaray Madaxda Hirshabelle iyo Puntland oo dib uga biirtay shirka. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan madax kala duwan, waxaana lagu wadaa inuu ka furmo shirka lagu mideynaayo Galmudug iyo Ahlusunna. The post Sawirro: Xaaf iyo Sheikh Shaakir oo si aan horay loo arag usoo dhaweeyay Shariif Xasan appeared first on Caasimada Online.
  21. The Brazilian World Cup winner Ronaldinho has retired from football, his brother and agent Roberto Assis has confirmed. Source: Hiiraan Online
  22. Addis Ababa (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa maanta xabsiga kasii daysay hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas, Merera Gudina oo muddo ka badan hal sano ku jiray xabsi ku yaalla Addis Ababa. Saraakiisha xabsiga uu ku xirnaa hoggaamiyahan ayaa sheegay in Gudina la sii dayay maanta oo Arbaco ah, isla markaana loo ogolaaday inuu hoygiisii dib ugu laabto. Isagoo ahaa hoggaamiyihii kooxda mucaaradka ah ee qowmiyadda Oromada oo muddo dalbanayay in xabsiga laga sii daayo. Merera Gudina, ayaa arrimo siyaasadeed u xirnaa illaa bishii December 2016-kii, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin in uu xiriir la lahaa kooxo argagaxiso ah. Dowladda Itoobiya ayaa Isniintii lasoo dhaafay sheegtay inay xabsiyada kasii daynayso in ka badan 500 oo ruux oo intooda badan ay u xirnaayeen arrimo siyaasadeed. Sidoo kale, Horraantii bishan ayay xukuumadda Addis Ababa sheegtay inay ka saarayso daaqadda dacwadaha loo haysto siyaasiyiinta xabsiga ku jira, taasoo ay ku macnaysay mid ay ku doonayso inay ku hagaajiso siyaasadeed ee dalkeeda. Tallaabada lagu sii daayay hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Itoobiya ayaa imaanaysa xilli muddo laba sano ka badan ay dalkaas ka soconayeen mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhan ah xukuumadda talada haysa. Ugu dambeyn, Dowladda Itoobiya ayaa waxay inkiri jirtay inaysan jirin wax siyaasiyiin ah oo u xir-xiran; iyadoo hay’adaha xuquuqda aadanaha Dunida wararkooda ku tilmaami jirtay kuwo aan jirin oo la been abuuray. PUNTLAND POST The post Hoggaamiye ka tirsan Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo laga sii daayay Xabsi appeared first on Puntland Post.
  23. Shirkii dhameystirka heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ee lagu qaban lahaa magaalada Dhuuso mareeb, ayaa maanta baaqday, xilli uu halkaasi ku sugan yahay madaxweyne Farmaajo. Sababta uu shirkaan u baaqday ayaa lagu sheegay iyadoo aanay soo dhameystirmin wafuudii shirkaas kasoo qeyb gali lahayd iyo wakiilada beesha caalamka oo baajiyay safar ay halkaas ku tagi lahaayeen. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagana maanta kusii jeeda magaalada Dhuuso mareeb, kadib markii uu shalay ka baaqday safarkiisa. Dhinaca kale, magaalada Dhuuso mareeb waxaa ka dhacay fal dil ah oo loo geystay qof shacab ah, waxaana dilkaas geystay askari katirsan ciidanka Ahlsusuna, kaasoo markii dambe la xiray. Puntlandi.com
  24. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud. Madaxweyne Gaas ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug. Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumada Gal-Mudug Ayaa ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb. Madaxweyne Gaas ayaa ka qeeyb gali doono kulanka lagu dhameeystirayo heshiiska Ahlusunno iyo Gal-Mudug. Sidoo kale waxaa magaaladaasi gaaray Madaxweynaha Hir Shabelle Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Waxaa Xusid mudan in Shirkaasi uu ka baaqday madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe. Faah faahin Dhameeystiran Dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Gaas oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Qatar ayaa wada qorsho ay ku iibsaneyso Hubka meelaha fogfog wax ka gumaada, kadib markii ay sii xoogeysteen Hanjabaadaha ay kala kulmeyso Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca Qatar ayaa sheegay in Hubkaasi ay uga gaashaman doonaan cabsi galinta ay kala kulmayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Waxa uu sheegay Afhayeenkan inuu socdo wadahadal suuragalinkara in Qatar ay si rasmi ah ula soo wareegto Hubkaas oo uu sheegay inuu isaga gudbi karo dal ka dal, hase yeeshee uu aad u yaraan doono iibsashada tirade Hubkaas. Wuxuu tilmaamay in dowladiisa Qatar aysan ka waaban doonin dowladaha doonaaya inay faragalin ku sameeyan madaxbanaanida Qatar. Nuqul kamid ah hadalka Afhayeenka u hadlay Wasaarada Difaaca ayaa ahaa ‘’ Qatar wey ka go’an tahay inay ka hortagto cabsi galinta kaga imaaneysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka cidna ugama ganban-doono inaan difaacno madaxbanaanideena’’ Dhinaca kale, Qatar ayaa dowladaha Caalamka ugu baaqday inay isha ku hayan daandaansiga Siyaasadeed oo ay wadaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qatar oo iibsaneysa Hub cusub oo ay u adeegsaneyso gumaadka laba dal oo khatar ah appeared first on Caasimada Online.