Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,158
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga taakulaynta ciidanka difaaca Puntland ayaa shaaciyay inay dowladda Puntland diyaar garow xoogan ugu jirto xoraynta gobolka Sool, sidaasi waxaa Puntlandi u sheegay mid kamid ah 15 xubnood oo loo magacaabay taakulaynta ciidana difaaca. Guddigaan ayaa sheegay inay dowladda Puntland diyaarisay dhammaan qorshihii looga jawaabi lahaa duullaanka maamulka Hargeysa uu kusoo qaaday dhulka Puntland, Waxaa kale oo ay guddigu shacabka Puntland qeybihiisa kala duwan inay diyaar u yihiin difaaca Puntland. Aadan Gaadaalle oo xubin guddigaan ayaa sheegay dowladda Puntland inaysan colaad iyo dagaal horseed u ahaanayn, balse ay difaacandoonto dullaanka qaawan ee lagusoo qaaday dhulkeeda. Gaadaalle wuxuu ugu baaqeen shacabka inay u diyaar garoobaan xoraynta dhulka duullaanka lagusoo qaaday. Puntlandi.com
  2. Cadaado-(caasimadda online)-Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha ay kuqasbeen xubnaha ugu jira dowladda Federaalka ah in aysan ka qeyb gelin Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug ee kafurmay magaaladda Dhuusamareeb. Wararka ayaa sheegaya in Odayaashu ay ku andacoonayaan in aan wax talo ah lagu darsan iyaga inta uu socday Heshiiskan, sidoo kalena waxay dhaliilsanyihiin Sababta aan shirkaas Cadaado loogu Qaban. waxa ayna Odayaasha dhaqanka ee Cadaado sheegeen in ay kasoo horjeedaan Shirka maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee lagu dhammeystirayo Heshiiskii ka dhacay Muqdisho ee Ahlu-sunna iyo Galmudug. Waxgaradka Beesha Cadaado ayaa si gaar ah u xanibay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, Xildhibaan Maxamed Abtidoon Yare oo intaba ka soo jeeda Beesha Cadaado. Xubnahan ayaa ka mid ahaa Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin shalay laga diray Dhuusamareeb, si ay u soo dhageystaan una soo qanciyaan tabashada Beesha. kulan saacado badan qaatay oo la isku mari waayay ayay Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Cadaado ku adkeysteen in aanay ka qeyb gelin Munaasabadda maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb. Beesha reer xaaji ayaa ka soo horjeeda heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo ay u aragto mid dhib ku ah jiritaanka magaalada Cadaado oo maqaamkeeda aan wali la cadeyn, iyadoo heshiiskaas uu u gogol xaarayo in loo guuro Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Muxuu ahaa Amarkii ay Waxgaradka Beesha Cadaado dul dhigeen Abshir Bukhaari, Qoor Qoor iyo Abtidoon Yare appeared first on Caasimada Online.
  3. Baarlamanka dowladda Puntland oo Maanta kulanka ku yeeshay Xaruntooda magaalada Garoowe ayaa si buuxda u taageeeray go’aankii Xumuudda Puntland ay ka qaadatay duullaankii Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Sidoo kale Baarlamanka ayaa guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool,waxaana dhammaan shacab weynaha Puntland lagu wargeliyay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagu soo celinayo degaannada ay Somaliland kaga sugantahay Xuduudaha Puntland. Baarlamanka ayaa Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ogaysiiyay in Somaliland ay mas’uul ka tahay wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ka dhalata,haddii dagaal ka dhaco gobolka Sool. Halkaan hoose ka akhriso PUNTLAND The post Baarlamanka Puntland oo guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool. appeared first on Puntland Post.
  4. Barlamaanka dowladda Puntland ayaa yeeshay Kullan wadatashi iyo xogwareysi oo looga tashanayay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay duullaankii uu soo qaaday maamulka Somaliland todobaadkii lasoo dhaafay. Dood dheer iyo falanqayn kadib, waxaa laysla qaatay qodobadaan hoos ku xusan:- 1: In la taageero qorshaha xukuumada Puntland ku difaacayso dhulkeeda. 2: In barlamanka Puntland uu si dhow ula socdo xaaladda difaaca dalka, waxaana loo magacaabay guddi gaar ah. 3: Waxaa muwaadiniinta Puntland lagu wargaliyay in ka qeyb qaadashada difaaca Puntland uu yahay waajib dastuuri ah, sidaas darteed waxaa loogu baaqay qof kasta oo reer Puntland ah inuu ka qeyb qaato difaaca Puntland. 4: Waxaa ummadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta dananeysa amniga nabadda Soomaaliya ky wargelinaynaa in aaney Puntland diyaar u ahayn duullaan iyo colaad abuur, kana shaqeynayso nabadda iyo dariswanaaga ummada Soomaaliyeed, hase yeeshee ay waajib dastuuri ah ku tahay difaaca ilaalinta dhulkeeda iyo muwaadininteeda. 5: Dowladda Puntland waxay sheegtay wuxuu dhibaato iyo cawaaqib xumo ah oo ka dhasha Duullaankaas inay masuuliyaddeeda qaadayso maamulka Somaliland. Warsaxaafadeedkii. Puntlandi.com
  5. Dhuusamareeb-(caasimadda online)-wararka ka imaanaya magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in uu furmay shirka daah-furka dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu-sunna. shirkaan waxaa goobjoog ka ah madaxda ugusaraysa dalka uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ergeyga Qaramada midoobey uqaalbilsan Soomaaliya Michael Keating, madaxda maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Axmed Madoobe . Ahlu-sunna waxa ay horay qeyb ka aheyd heshiiska maamul u sameyntii Galmudug, iyada oo ka mid aheyd saxiixayaashii heshiiskii July 30, 2014 ee qalinka ku duugeen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid : oo matalayay Galmudug, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo Ahlu Sunna Wal Jamaaca matalayay , Cabdullaahi Maxamed Cali Baarleex oo kawakiil ahaa maamulkii cadaado ka ariminayay ee Ximan iyo Xeeb iyo xubno kasocday dowladda federaalka ah sida Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow, Ducaale Aadan Maxamed, Axmed Cali Salaad Taako iyo Mahad Axmed Salaad. In kasta oo natiijada maamul goboleedkii heshiiskaasi ka dhashay Ahlu-sunna wax laga siiyay hadana kuma qancin oo garabyo badan ayey yeelatay kooxda, waxaa ay qabsatay magaalooyin ay ku jiraan caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb. Sanadkii hore, dadaallo badan oo dowladda federaalka ah, Djibouti iyo hey’ado kale bixiyeen waxaa la gaaray heshiis hor-u-dhac ah. December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah, ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed. Heshiiskan kadib waxaa lagu wadaa in Sheekh Shaakir uu si rasmi u noqdo madaxa xukuumadda Galmudug, sidoo kale in la isku daro Xildhibaannada labada maamul, lana qeysado jagooyinka ugu waaweyn. The post deg-deg Daahfurka Shirkii Dhamaystirka Heshiiska Galmugug Iyo Ahlu-sunna Oo Furmay appeared first on Caasimada Online.
  6. The end-of-2017 U.S. decision to suspend military aid to the Somali national army until the federal government can demonstrate better accountability and performance of its forces is appropriate. Source: Hiiraan Online
  7. Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri oo qiyaastii Magaalada kismaayo u jirta 45 km ee gobolka jubbada hoose,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka SONNA. Hawlgalka Al-shabaab looga saaray degaanka Baar Sanguuri ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo afar kamid ah saraakiil yihiin,waxaana lagu soo qabtay gaadiid dagaal,sida ay qortay Wakaaladda SONNA. Dhinaca kale taliyaha ciidanka xoogga qeybta 43aad General Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Maraykanka ay ka qeyb qaateen hawlgalkaan . Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Kumaandooska Soomaaliya iyo Kuwa Maraykanka oo Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira safar uu ku marayo qeybo ka mid ah dalka, wuxuuna la kulmayaa soo dhoweyn ballaaran. Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro Safarada dhulka iska fogeeyay ciidamada AMISOM ee qeybo kamid ah la geeyay magaalooyinka uu ku maraayo booqashooyinka. Madaxweynaha ayaa waxaa la socda Madax kale oo aad u badan kuwaa oo inta badan aanu la socon ilaalo gaara, marka laga tago kuwa loo sii diyaariyay ee madaxda la socta inta ay marayaan waddooyinka isku xira Gobolada. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa laga barankaraa casharo badan oo muujinaaya in Somalia ay kasoo boganeyso dhibta, waxaana xusid mudan in Madaxweynuhu yahay kii ugu horeeyay oo wakhti ceynkaani ah ku bixiya nabadeynta Somalia iyo in Bulsho waliba lagu booqdo deegaankooda. Haddaba socdaalka nabadeed ee Madaxweyne Farmaajo waxaan ka baranay: 1-In Somalia ay ka maarmi karto ciidamo shisheeye maadaama Socdaalka nabadeed ee Madaxweynuhu ahaa mid amniga looga danbeeyay ciidamada Soomaalida. 2-In Soomaalidu tahay kuwo aan kala maarmin balse u baahan Madax u kacda isku xirkooda oo booqasho ceynkaan ah dhowrkii bilba sameeya. 3-In Bulshada ku nool Gobolada dalka ay yihiin kuwo ku wanaagsan marti soorka, soo dhaweynta iyo dulqaadka. 4-In Soomaalidu bislaatay isla markaana u bisilyihiin inay dhistaan dowlad. 5-In khilaafka Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyadu ahaa mid ku xeeran keliya afka balse aanu jirin meelo fog. 6-In AMISOM qudheeda ay aamintay in Soomaalidu xiligaan ka maarantay marba haddii shaqooyinkooda lagu soo koobay ilaalinta goobaha ay degan yihiin. 7-In ciidamada Soomaalida ay daacad yihiin haddii ay helaan xuquuq iyo daryeel gaara, marba haddii ay muujiyeen dulqaad ku aadan inay dhex gam’aan howdadka iyo waddooyinka cidlada ah ee uu socdaalka kusii maraayay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Wuxuu madaxweyne Farmaajo ku safray dhulka laga billaabo Garowe illaa Boosaaso iyadoo ay ilaalinayeen ciidammo Soomaali ah. Meelaha qaar ee uu ku safray waxaa ku yaalla buuro waxaana mararka qaar ku dhuunto mintidiinta Al-Shabaab. Waxaana goobaha qaar ku sugnaa ciidammo Soomaali ah oo aad u hubeysan oo saaran buuraha dushooda kuwaas oo sugaya amniga muddadii uu madaxweynaha ku jiray safarka dhanka dhulka ah. Madaxweynuhu intaa kadib wuxuu u gudbay dhanka Gaalkacyo illaa cadaado oo uu dhulka ku safray, wuxuuna u sii tallaabay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aanu ilaalineynin ciidamada AMISOM. Waxaa xusid mudan in Goboladda dhexe qeybo ka mid ah waxaa ku sugan Alshabaab, iyaga oo xitaa awood u leh in ay weeraro ka geystaan meelaha aysan joogin. Sidoo kale, Intii madaxweynaha uu ku jiray safarkiisa dhulka lama arag ciidammo shisheeye, inkastoo dadka dhalleeceeya ay ku doodayaan in ay ajaaniibta si qarsoon u ilaalinayaan madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Madaxweynaha waxa uu ifafaalo u noqonayaa in Somalia ay ka kaaftoonto ciidamo shisheeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaan ka baranay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Dalka (Akhriso 7 arrimood) appeared first on Caasimada Online.
  9. Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud. Micheal Keating iyo Xubno ka tirsan Beesha caalamka uu horkacayo ayaa waxaa magaalada ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaalada Dhuusamareeb. U qaabilsanaha Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr. Keating ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya shirka lagu dhaqan gelinayo heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna ay wada gaareen oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud. Sidoo kale Waxaa jira wafdi kale uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada dhuuso mareeb. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Puntland,Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Odayaal iyo waxgarad ayaa kusugan magaalada Dhuusamareeb halkaasi oo lagu wado inuu ka dhaco shirka dhaqan gelinta Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wafuud ka socda Q.M iyo Midowga Afrika oo Maanta gaaray Magaalada Dhuuso-mareeb. appeared first on Caasimada Online.
  10. Security agencies are hunting for five al Shabaab abductees who escaped from cells in Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa marti galineysa falal amni darro oo isugu jira dhac iyo boob oo ay geysanayaan dhalinyaro ku labisan dareeska ciidamada dowlada. Falalkaan ayaa inta badan waxaa lagu geystaa Gaadiid iyo Mootooyin oo ay la socdaan dhalinyaro ku hubeysan Hubka noocyada yaryar sida AK47 iyo Bastoolado. Dhalinyarada dib usoo nooleyneysa falkaani ee wata dareeska ayaa qaarkood la xaqiijiyay inay ka tirsan yihiin Hay’adaha amniga, halka qaarna ay yihiin kuwo ay dantu biday. Falalka dhaca iyo boobka ee kusoo cusboonaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale dareen gaara ka muujiyay dadka shacabka ah oo aan iyagu waxba ka faa’iidin ciidamadii loogu tallo galay howlahaasi. Falalkaan dhaca ayaa waxaa inta badan lagu fuliyaa dadka wata Mobilada, Laptobyada, halka tuugada qaarna ay dhac ka geystaan guryaha. Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ee ku shaqada lahaa ka hortaga falalkaan ayaa u muuqda kuwo aan dano gaara ka laheyn cabsi galinta lagu hayo shacabka. Dhinaca kale, Degmooyinka ugu badan ee falalkaan ay ka dhacaan ayaa waxaa kamid ah Hodan, Howlwadaan, Waabari iyo Dharkiinle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muqdisho oo marti galineysa falal foolxun oo qalqal amni dhaliyay (Maxay yihiin) appeared first on Caasimada Online.
  12. BOSASO[Puntland Post]-Munasabad lagu daah- furayey barnaamij cusub oo loogu magac daray Suuq ilamarkaan aad qab online ah wax ugu iibsan karto ayaa lagu qabtay magaaladda Bosaso ee xarunta gobalka Bari,. Barnaamijka Suuq ayaa waxa soo bandhigaya shirkada SOMALI Developres waana mid ku cusub Deegnada Puntland. Daah-furka adeega Suuq ayaa waxa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka wasaradda Amniga ee DFS wasiir u dawlaha wasaradda warfaafinta Puntland masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Cabdixakiin Yuusuf Muuse oo ugu horan ka hadlaya goobta ayaa sheegay in soo wadan barnaamijyo cusub oo kale islamarkan bulshad u faa,idaynaya. Wasiir-ku xigeenka wasaradda Amniga ee Soomaliya ayaa shirkada ku dhiirigaliyey in ay dadaalka ay sii wadan. Wasiir u-dawlaha wasarada warfaafinta Puntland Cabdifatax Nuur Ashkar ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkad SOMALI Developres iyo adeega cusub ee Suuq. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST-BOSASO The post BARNAAMIJ LOOGU MAGAC DARY SUUQ OO LAGU SOO BANDHIGAYA BOSASO appeared first on Puntland Post.
  13. Ugandan President Yoweri Museveni accused the United Nations on Wednesday of “preserving terrorism” in neighbouring Democratic Republic of Congo where U.N. peacekeepers have been unable to curb deadly attacks by Islamist rebels. Museveni levelled the criticism in a statement after meeting U.N. officials investigating an ambush of peacekeepers in eastern Congo last month that left 15 dead and 53 wounded. The Allied Democratic Forces (ADF), a Ugandan Islamist rebel group that has been operating in the chaotic eastern Congo jungles for years, was widely blamed for the attack. “The United Nations is responsible for preserving terrorism in the Democratic Republic of Congo,” Museveni told U.N. investigators, according to the statement from his office. It did not elaborate and Museveni’s spokeswoman did not respond to calls seeking an explanation. There was no immediate comment from the United Nations. The attack was described by U.N. Secretary General Antonio Guterres as the worst on the world body in recent history. Set up in 2010, the U.N. peacekeeping mission in Congo called MONUSCO is the global body’s largest but has struggled to neutralise a patchwork of rebel and militia factions in eastern Congo and has previously drawn criticism from Museveni. A few days after the ADF attack, Uganda carried out air and artillery strikes on the group’s camps. Kampala said it had intelligence the rebels were planning hostile acts against it. The East African country, which has a history of meddling in lawless eastern Congo, is eager to prevent the ADF from re-entering Uganda’s oil-rich western region as the resulting insecurity could force out investors. Uganda is aiming to start pumping crude in its west in 2020. Source: – Reuters The post Uganda’s Museveni accuses U.N. of “preserving terrorism” in eastern Congo appeared first on Caasimada Online.
  14. A Somali national is wanted by police over allegations he defrauded some traders in Eastleigh, Nairobi. Abdiwahab Dahir reportedly conned Abdirazack Ali out of Sh1million last year, claiming he (Ali) would be enrolled in the US’ Medicaid programme. The complaint is registered at the Pangani police station under OB 13/19/12/17. Some of the victims of Dahir’s actions said he claimed to be a North American Representative and Ambassador for The Jubaland Region of Somalia. A police officer privy to the case told The Star they have information that the suspect had been executing the con game in Nairobi and Mogadishu. His targets are businessmen and government officials, especially those of Kenyan Somali communities and those from Jubaland, the officer said on Wednesday. “They are trying to evoke clan kinship and ask for contracts and tenders, and take off with as much loot as they can from those unsuspecting leaders.” It is said the suspect owes various Minnesota Banks more than $2 million and that he is wanted by state and federal authorities which are trying to recoup monies paid to his companies. The money was reportedly paid for services that were never provided. Police records show the suspect also claims to work with the USAID in Somalia. Source: – Aljazeera The post Somali man wanted for allegedly conning Eastleigh traders appeared first on Caasimada Online.
  15. Opposition leader Raila Odinga addressing a press conference at the Okoa Kenya Secretariat in Nairobi, on October 31, 2017. He has said that his swearing-in as people’s president will go on. PHOTO | DENNIS ONSONGO | NATION MEDIA GROUP Opposition leader Raila Odinga has vowed to form a rival government when he is sworn in on January 30 even if it is based outside the country. He spoke as 13 opposition MPs said they will have all the National Super Alliance (NASA) affiliated lawmakers to support the oath by swearing affidavits declaring they will only recognise Mr Odinga as president. In an interview with Voice of America, the opposition leader said his oath of office will be based on the results of the August 8, 2017 election, which he claims he won. He said he will form a cabinet and run a government even if it will be from exile. “This is no joke. An illegitimate government is in office, and the one that the people actually wanted to be there is outside. On January 30, we will end this. We will be sworn in with the August 8 results that shows we won,” he said. President Kenyatta has warned that the law will take its course if Mr Odinga acts against the Constitution while Attorney-General Githu Muigai has said the oath will attract a charge of treason, which attracts the death penalty. SHAM ELECTION On Wednesday, the AG said he has to listen to the interview before responding. “I will listen to it and come back to you,” he said on the telephone. In the August 8 election, the Independent Electoral and Boundaries Commission (IEBC) declared President Kenyatta the winner with 8,203,290 votes (54 per cent) followed by Mr Odinga’s 6,762,224 (43 per cent). Nasa declared the election a sham and went to court to have it nullified. At that time, the opposition believed that the entire election was tainted by “non-compliance, irregularities and improprieties” and did not ask the Supreme Court to order a manual recount of the votes which would have established if there was an error — or manipulation of computers — in declaring Mr Kenyatta the winner. Instead, Nasa asked the court to quash Mr Kenyatta’s win and order a fresh election. The Supreme Court found in favour of the opposition and ordered a repeat poll, which Mr Odinga boycotted, citing lack of electoral reforms. The Nasa leader says his January 30 oath is a protest against what he terms lack of electoral reforms and the failure by Jubilee to initiate dialogue over it. Asked what he will do after the oath, Mr Odinga said he will form a government. EXILE “We can even be a government in exile, one that works from outside. It has happened in other countries. What we are saying is that Kenyans can no longer allow an illegitimate government not elected by the people to rule them. We will work like a government, we will form a Cabinet and we will work as a government,” Mr Odinga said in the Swahili interview recorded at his Capitol Hill office, Nairobi, on Tuesday. Mr Odinga dismissed as far-fetched claims of differences between him and his co-principals Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi and Moses Wetang’ula. Nasa insiders say the three principals have called for a stop of the swearing-in ceremony, preferring dialogue to avoid the confrontation that would come with taking the presidential oath when President Kenyatta has already been sworn in. But Mr Odinga said the Nasa team is fully behind him. “There is no rift in Nasa at all. No problems whatsoever. My brothers are fully behind the course,” he said. On disagreements over the sharing of parliamentary committee leadership positions in the coalition, Mr Odinga said the differences were normal. RETREAT “In a large family like Nasa, these things are bound to occur. There will be cases where one family is demanding a fish and vice-versa. That is normal,” he said. Yesterday, it emerged that two meetings by the Nasa principals had not yielded fruits over the swearing-in ceremony and that they had scheduled a retreat on Friday at Maanzoni Hotel in Machakos. At Parliament Buildings on Wednesday, 13 lawmakers led by Kakamega Senator Cleophas Malala and National Assembly Minority whip Junet Mohammed started a campaign that they said would see all the coalition’s MPs, governors and MCAs sign a legal instrument binding them to a resolution to swear in Mr Odinga and Mr Musyoka as “people’s president” and deputy. Nasa has 154 law makers — 127 MPs and 27 senators. The MPs said they do not recognise Mr Kenyatta as President. “We are bound by a solemn belief in the sanctity of the vote and respect for the democratic will of the people. And we stand here before you to say enough is enough. Enough with “accept and move on”. Enough with Jubilee’s electoral theft. Enough with the diplomats and their dialogue. Kenyans want nothing short of electoral justice,” said Mr Malala. ELECTED LEADERS “It is in this spirit that we as elected leaders representing the people have resolved to come together to further demonstrate that we do not recognise Uhuru Kenyatta as President,” he said. However, none of Wiper and Ford-Kenya MPs attended the press conference that came just a day after the coalition’s four principals failed to agree on the modalities of the oath after two days of secret meetings. The leaders first met on Monday at Karen Country Club and at a private residence in Lavington on Tuesday. In the affidavits, the leaders recognise Mr Odinga as the people’s president, having been elected as the president during the August 8 presidential election. They affirm that the poll, won by Mr Kenyatta, was not free, fair, transparent or verifiable. The affidavit further trashes the October 26 repeat presidential election as a nullity because it was conducted by an electoral commission that was in contempt of the Supreme Court orders and that it was not conducted in strict compliance of the constitutional provisions and all other applicable laws. ACCESS SERVERS “Had the IEBC complied with the Supreme Court orders and provided access to its servers, the results would have shown that the winner of the first presidential election was Mr Odinga,” the affidavit reads. However, during yesterday’s press conference both Mr Malala and Mr Mohammed rejected claims of disquiet in the coalition over the oath and the manner in which the committee leadership positions reserved for the opposition parties had been shared out. “There is no fallout in the coalition and nobody has been forced to sign the affidavit. It is one of our programmes to ensure the swearing-in ceremony takes place,” said Mr Mohammed. Mr Odinga, on the other hand, told VOA that while foreign diplomats were welcome to help Kenya as friends, the current stalemate could only be addressed by Kenyans themselves. “This is a fire that is for us Kenyans to put out. We have stated our agenda for dialogue.” he said. WARNED ENVOYS “If they do not, sisi hatubembelezi mtu (We will not plead with anybody). We will do our things, let them do theirs and then we will see where we will meet,” he said and warned the envoys to keep off the push for dialogue, accusing them of siding with Jubilee. Mr Odinga is particularly upset by US ambassador Robert Godec who recently asked Nasa to drop the “unconstitutional” swearing-in for a structured dialogue. “They are our friends but they cannot force us. Kenya is not a colony of America. We are a free country. We will do as we want. It is not us Nasa that have breached the Constitution because they have created an illegitimate government,” he said. Source: Daily Nation The post I will form my government even from exile, says Raila appeared first on Caasimada Online.
  16. Kismaayo (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo dhowr ah oo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose lagula eegtay Gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada AMISOM qeybta Kenya iyo kuwa ay wateen Saraakiil Mareykan ah. Qaraxyadan oo la sheegay inay gaarayaan ilaa Seddex Qarax ayaa lagu aasay waddooyin ay marayeen Gaadiidka dagaal oo ay kala wateen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Mareykanka oo halkaa kawaday howlgal ka dhan ahaa al-Shabaab. Ciidamada is garabsanaayay ayaa waxaa wehlinaayay kuwa maamulka Jubbaland ayaa gabi ahaantooda ka anbabaxay magaalada Kismaayo waxa ayna xiligaa kusii jeeden degaanka Buula-guduud, waxaana ay sahay Millitari u sideen Ciidamo kale. Ciidamadan Qaraxyada loogu aasay waddooyinka ayaa la kulmay iska hor imaad Qaraxyada kadib, waxaana halkaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Khasaaraha ugu badan ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaaray ciidamada maamulka Jubbaland oo iyagu la socday gaadiid dagaal oo dulbanaan ah, halka kuwa shisheeye ay la socdeen gaadiid dagaal oo aanu xabadu Karin isla markaana qafilan. Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada maamulka ayaa sheegay in khasaaraha uu gaaray ilaa lix Askari oo dhaawac ah, halka dhimashaduna lagu sheegay afar Askari, waxaana dhanka ciidamada Kenya ka dhaawacmay askar aan la sheegin tiradooda marka laga soo tago kuwa Soomaalida. Sidoo kale, Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa Qaraxyada iyo iska hor imaadka kadib dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, maadaama ay la kulmeen weerar jidgal ah oo aysan fileyn. Geesta kale, Maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab ayaan weli ka hadal weerarka iyo Khasaaraha ka dhashay, inkastoo qoraal ay baahiyeen websedyada Shabaab lagu sheegay in khasaaro xoogan uu jiro. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay Qaraxyada lala eegtay ciidamada Mareykanka & kuwa Kenya ee duleedka… appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi kula qaadanaya magaalada Dhuusamareeb qeybaha bulshada ayaa ku ammaanay culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalka ay ku bixinayaan nabadda iyo dib u heshiisiinta. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin qorsheyaasha hormarineed ee dowladda, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta, loogana baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan kaalintooda maadama ay in ka badan 70% ka yihiin shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aaddan wacyigelinta bulshada deegaankan isaga oo ku ammaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaannadan kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab. “Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Galmudug. Halkaan ka daawo PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kaalinta culumada iyo dhallinyarada ee hawlaha dib u heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
  18. Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira socdaalkiisa nabadeed ee deegaanada maamulka Galmudug, gaar ahaan magaalada dhuusamareeb. Madaxweynaha ayaa horay socdaal nabadeed oo dhulka ah ugu soo maray laga billaabo Garowe ilaa Boosaaso waxa uuna dhageysanaayay soo jeedinta qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxa uu Madaxweynuhu socdaal kaa lamid ah kusoo maray magaalad Gaalkacyo ilaa Cadaado oo uu dhulka ku safray, wuxuuna u sii tallaabay magaalada Dhuusamareeb oo hadda uu kula shiraayo Madaxda maamulka Galmudug, Odayaasha, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo wada tashi ah magaalada Dhuusamareeb kula qaadanaya Maamulada, waxaana wehliya Culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud. Madaxweynaha oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada Ahlusuna ee Dhuusamareeb ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aadan wacyigelinta bulshada deegaankan isaga oo ku amaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaanadan kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab. Madaxweynaha ayaa yiri “Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan.” Madaxweynuhu waxa uu culimada deegaanka ku sheegay inay yihiin kuwo mudan in la abaalmariyo dadaalka maadaama ay si wada jira ula dagaalamaan Shabaabka Dhuusamareeb iyo guud ahaanba kuwa haminaaya amni darada Gobolka. Wuxuu sheegay in culimada Ahlusuna ay ka firfircoon yihiin kuwa kale marka loo eego dhanka dagaalka, waxa uuna taa sabab uga dhigay inay leeyihiin ad adeeg uu alle u dhaliyay. Sidoo kale, waxa uu Maamulka Galmudug, Dhalinyarada iyo Waxgaradka ugu baaqay inay isgarabtaagan culimada Ahlusun, maadaama xiligaan uu dalka yahay mid ku jira dagaal ka dhan ah Shabaab. Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu ku booriyay Ahlusuna inay siiwadaan dagaalka iyagoo heysta dhalinyaradooda hiilka u ah. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Farmaajo ‘’Ahlusuna cashar ayey u dhigtay Shabaabka waana lasii wadi doonaa dhaqaajintooda” appeared first on Caasimada Online.
  19. Ugandan President Yoweri Museveni accused the United Nations on Wednesday of “preserving terrorism” in neighbouring Democratic Republic of Congo where U.N. peacekeepers have been unable to curb deadly attacks by Islamist rebels. Source: Hiiraan Online
  20. When Ethiopia’s prime minister Hailemariam Desalegn visits Egypt this week to discuss bilateral cooperation in sectors like health, education, and agriculture one contentious issue will stand out: the completion of Africa’s largest dam. Source: Hiiraan Online
  21. Jailed Ethiopian opposition leader Merera Gudina has been freed after more than a year in detention. Source: Hiiraan Online
  22. Donald Trump unveiled the winners of his much-touted "Fake News Awards" late Wednesday, escalating his already persistent attacks on a number of major US media outlets. Source: Hiiraan Online
  23. Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta uu qorshuhu yahay inuu dhaco shirka dhameystirka Mideynta maamulka Galmudu iyo Ahlusuna. Shirkaan ayaa lagu dhameystirayaa heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo horay ugu kala duwanaa Siyaasada. Shirka ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Hogaamiyayaal maamul Goboleedyo, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan. Farmaajo oo ku guda jira xalinta khilaafyada ka jira Gobolada dalka ayaa xalay kulamo la qaatay dhinacyada Galmudug iyo Ahlusuna, Odayaasha dhaqanka, wuxuuna u sheegay inay muhiim tahay in heshiiskan la dhameystiro si horey loogu sii socdo. Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusamareeb, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda, kuwa Galmudug iyo kuwa Ciidanka Hiil walaal ee dalka aan walaalaha nahay Jabuuti. Dhinaca kale, Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Shirka Mideynta Galmudug iyo Ahlusuna oo lagu wado inuu manta furmo (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  24. Opposition leader Raila Odinga has vowed to form a rival government when he is sworn in on January 30 even if it is based outside the country. Source: Hiiraan Online
  25. A Somali national is wanted by police over allegations he defrauded some traders in Eastleigh, Nairobi. Source: Hiiraan Online