-
Content Count
206,075 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga uu maanta Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya u magacaabay dooorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban 15 xubnood ayaa Galabta iska dhex doortay guddoomiye cusub. Guddigan ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiyahooda cusub ee hoggaamin doona muddada ay hayaan shaqada loo xil saaray,waxayna doorteen xil. Nuur Iidow Beyle. Shaqada guddigaan ayaa ah in ay ka shaqeeyaan doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo haatan ay u taagan yihiin dhowr musharrax,kadib markii uu xilkaasi banneeyay Maxammed Sheekh Cismaan(jawaari). PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashada Golaha Shacabka oo guddoomiye iska dhex doortay. appeared first on Puntland Post.
-
The battle for Wajir governor’s seat could be headed to the Supreme Court despite the Court of Appeal verdict that could have paved way for a by-election. In their judgment on Friday, appeal judges Philip Waki, Milton Makhandia and Patrick Kiage ruled that Governor Mohamed Abdi should not have been cleared to contest for the seat for lack of a valid degree certificate. The Independent Electoral and Boundaries Commission cleared him upon presenting a masters degree certificate from Kampala University but in the statutory self-declaration indicated his highest educational qualification as a bachelor’s degree. The appeals court judges observed that Mr Abdi failed to appear before High Court judge Mabeya during the hearing of the petition to dispel claims that he did not have a valid undergraduate degree. “The cavalier attitude by the appellant in the face of serious questions about his eligibility to vie for the seat of governor was compounded and rendered tragic by his choice to stay away from the proceedings and therefore not only fail to present his side of the story but also keep himself from being cross-examined on his replying affidavit, thereby robbing it of any probative value,” said the judges. They ruled that Justice Mabaye committed no error in nullifying the election based on the questionable degree certificate from Kampala University. Source: – Daily Nation
-
Scientists on Friday urged governments in the east African region to promote large scale growing of Gum Arabic tree as a means to reduce forest degradation. Speaking in Nairobi during a workshop on the development of a regional policy and strategy, the scientists said that governments should promote growing of this tree species by supporting communities to produce and sell the products as they protect the forests. “The growing and protection of trees with value like Gum Arabic that is a key ingredient in food and pharmaceutical industry globally is capable of making regional countries meet the United Nations Sustainable Development Goals (SDGs) and improve national forest cover as well,” Edward Kilawe, UN Food and Agricultural Organization (FAO) Forestry Officer for Eastern and Southern Africa sub-region, said in Nairobi. Kilawe observed that with the adoption of such trees that have the potential of growing mainly in the Horn of Africa, communities will be shielding forests from illegal loggers as they harvest the gum. He said that the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) member countries have the potential of growing the tree and benefit from it. A young Somali man tastes a piece of Gum Arabic to control the quality Gum arabic, also known as acacia gum – gettyimages Kilawe however called on governments to ensure that communities are not exploited by middlemen by ensuring that value addition is done at the harvesting stage as opposed to selling raw products. He said that gum Arabic is a sap from the branches of Acacia Senegal trees. He noted that gum and resins are used for medication, food, additive to soft drinks, confectionery, pharmaceutical, adhesive, for making paint and printing color and is also a natural emulsifier, which means that it can keep together substances which normally would not mix well. “Forests provide huge opportunity for fighting food insecurity and creating job opportunities for populations,” Patrick Kormawa, FAO Representative to the African Union (AU) and the UN Economic Commission for Africa (UNECA) said. Kormawa noted that alongside agriculture, forestry is capable of generating revenue as well as improving the Gross Domestic Product (GDP) for the countries in the sub-region. He noted that the sub-region is known to suffer from adverse impacts of climate change but with the massive introduction of gum Arabic tree, the effects could be managed. Mohamud Ismail, the Technical Adviser to the Somali Directorate of Environment, said that gum Arabic does not require a lot of water to thrive. He said that before the Somali government collapsed in early 1990s, gum Arabic was the second to livestock in generating GDP for the Horn of Africa State. “Our farmers sell the products to buyers from Dubai, Yemen and Oman who prefer Frankincense, Myrr and Opoponax that are harvested from Acacia,” said Ismail. According to Abdelhai Shariff, Head of Planning and Policy at the Sudanese Forest National Corporation, Gum Arabic, also known as acacia gum, is a natural gum consisting of the hardened sap of various species of the acacia tree. He said that Sudan produces over 80 percent of the product from the central region of the country due to the government’s involvement in the whole value chain. “We have organized producers into associations (GAMAS) and to date we have some 3,000 associations where members, including women play equal role,” Shariff noted. Shariff revealed that through the GAMAS, they are capable of accessing loaning facilities that have helped improve their livelihoods. He revealed that all producers have land title deeds that they use to acquire loans as collateral and are also trained on the importance of belonging to an association. “This approach has helped the country earn lots of revenue from the products as well as keep the forest cover growing,” he added. “The region has a high potential of producing Gum Arabic. Emphasis should be put in all IGAD member countries to adopt the tree due to its potential,” he added. Source: – Xinhua
-
The partnership with the Swedish International Development Cooperation Agency (Sida) will empower citizens through entrepreneurship. The programme was launched on April 18 and includes Dahabshiil Bank International, Premier Bank and International Bank of Somalia. On its website, Sida says the purpose of the project is to “expand the provision of low collateral loans to small and medium size enterprises (SMEs) throughout the Somali region”. Speaking during the launch, Swedish Ambassador to Somalia Andreas von Uexküll said the undertaking will provide the institutions with the relevant instruments to enlarge “their lending procedures and open up new and viable markets”. REMITTANCE Further, the programme will increase access to finance for merit-worthy SMEs that lack sufficient collateral or possess other non-financial credit challenges. Somalis in Sweden continue to play an important role in the recovery of the country that was torn apart by civil war. The diasporans’ remittances facilitate access to health, education and investment. Many send funds through money transfer firm Dahabshiil. “The strong ties between our countries, not least through emerging private business initiatives, call for a deeper engagement by Sida in the development of financial services with a view to reducing poverty and rebuilding the country,” Ambassador Von Uexkull said. JOBS The ambassador emphasised that SMEs are fundamental because they help create job opportunities. Equally, Dahabshiil’s chief executive officer Abdirashid Duale embraced the initiative, saying it will benefit many Somalis. More importantly, Mr Duale said such a programme will encourage youth to remain in the country and rebuild it rather than seek opportunities elsewhere. “This kind of partnership between Somali banks and international actors like Sida will increase job creation and development across the Somali-speaking regions,” he said. Source: – Daily Nation
-
Shirweynaha Madasha bandhigga tayada Maamul ee Hay’adaha dawladda Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe waxaan shirkaasi furay Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji cumar Camey. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socdey goleyaasha dawladda Puntland, Xubno meteleyey dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, masuuliyiin iyo shaqaale ka hawl-gala hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland iyo guddiga xiriirka Mashruuca CIP ee tayaynta shaqaalaha ee PCU, Hay’ahadaha caalamiga ah ee Puntland ka howlgala iyo marti sharaf kale. Muddii uu shirku socdey ayaa waxa lagu soo bandhigay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay dhismaha iyo tayaynta hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland laga soo bilaabo 1998 oo ah xilligii la dhidibada loo taagey Puntland ilaa hadda iyo weliba marxaladihii ay soo maraysey. Sidoo kale markii ay dhammaadeen khudbadihii madaxdu ayaa waxaa bilowday dood ku saabsan hannaanka maaraynta shaqaalaha dawladda Puntland taas oo ay bulshadu su’aalo kuweydiinayeen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland. Doodda ayaa waxaa qaybteeda ugu badan lagu lafo guray habka loo qaato shaqaalaha dawladda, caqabadaha lagala kulmo hannaankaasi iyo siyaabaha loo xalliyo, sidoo kale doorka musuq maasuq iyo sida ay dawladdu ula dagaallanto iyo hannaanka hufnaanta maamul wanaagga ayaa looga hadlay dooddaasi. Shirka ayaa socon doona muddo labo maamlmood ah iyadoona la doonayo geba gebada in qodobbo muhim ahi kasoo baxaan isla markaana la qorshaynayo inay noqo madal joogto ah oo hadba dalka meel lagu qabto si ay u noqoto madal looga faa’iideyso bandhigga tayada maamul ee Qaranka. The post Shirweynaha Madasha bandhigga tayada maamul ee hay’adaha Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku sheegnay wararkeeni hore Wasaarada Gaashandhiga ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay Xerada iyo ciidamadii uu tababaray Imaaraadka. Ciidamadan oo markii hore xuquuqda ka qaadan jiray dowlada Imaaraadka carabta ayaa iminka si toosa xuquuq uga qaadan doona Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya. Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood oo maanta booqday xerada, ayaa sheegay in sidoo kale ay la wareegeen Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay gacanta ku hayeen. Generaal C/laahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegen gaadiidka dagaalka ee Imaaraadka ay ciidamada ku tababareen, Ambalaasyo iyo qalab kale oo ciidan. Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya dhamaan qalabkaan iyo ciidamadii isticmaalayay. Sidoo kale, Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-83/042018 ku magacaabay masuuliyiintan hoos ku xusan: Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne: Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad: Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey, In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 1-Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe 2-Axmed Xasan Cabdi Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe 3-Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka 4-Cabdirashiid Cabdillaahi Hande Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal 5-Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa soo bandhigay Magacyada xubnaha guddiga qaban-qaabada doorashada ee guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka doodaya xubnahaan la magacaabay oo ka kooban 15-xubnood, Waxaana dood ka dib la filayaa in xildhibaannada golaha shacabka ay meelmariyaan. Kursigan oo hadda ay sheegeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya inay u taagan yihiin qabashadiisa ayaa waxaa iska-casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo is-casilaadiisa ay ka dambeysay khilaaf in muddo ah soo jiitamayay. Sidoo kale, xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Smalia ayaa waxaa isku soo taagay dhawr musharrax oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Difaaca DF, Maxamed Mursale Sh. C/raxmaan, Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow, Xil. Sheekh Aadan Madoobe, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Somalia Sharif Sheekhunaa Maye iyo xubno kale. Ugu dambeyn, Haddii xubnahan la meel-mariyo waxaa lagu wadaa in lagu soo doorto guddoomiyaha cusub muddo 15 casho gudaheed ah oo iyadoo laga soo billaabayo muddadaas markii uu is-casilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka. Haddaba, AKHRISO: Magacyada Guddiga Doorashada Guddoomiyaha BFS; PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia oo la Magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta rasmi ahaan ula wareegtay dhammaan ciidamadii ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay gacanta ku haysay kaddib tababarkii ay siisay. Munaasabad ay Dowladda Somalia kula Wareegaysay ciidamadaas ayaa ka dhacday Xerada Janaraal Gordan oo hadda loo bixiyay xerada Daljir, taasoo ay ka qaybgaleen saraakiisha ugu sarreysa ciidamada xoogga dalka. Sidoo kale, saraakiil ka socday dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee wareejinayay ciidamadaas ayaa xerada ku sugnaa, waxaana kaloo goobjoog abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia. Wasiirka Gaashaandhiga Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa horay u ballan-qaaday in Dowladda Somalia ay la wareegi doonto ciidamada ay gacanta ku hayso Dowladda Imaaraadka. Taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga dalka Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay la wareegtay ciidamadii ay tababartay dowladda Imaaraadka, ayna hadda kaddib iyagu gacan ku hayn doonaan. “Waxaa maanta nagula wareejiyay dhammaan ciidamadii ay tababartay Dowladda aanu walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta, saanad iyo gaadiid dagaal,” ayuu goobta ka yiri Jen. Caanood. Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia oo sii hadlay ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad-celiyay dadaalkii ay ku bixisay tababaridda ciidamada Soomaaliyeed ee maanta lagu wareejiay. “Ciidamadan wixii maanta ka dambeya innagaa bixinayna mushaarkooda iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, waxaana u bixinay ciidammadaan Daljir, waxaana rajeynaynaa inay hawlo badan qaban doonaan,” ayuu mar kale yiri Jen. Caanood. Ugu dambeyn, Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay gabi ahaan tababaridda ciidanka Somalia, kaddib markii uu muran soo dhex-galay iyada dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Maanta la Wareegay Ciidankii ay Tababartay Dowlada Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamanaka Somalia ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dastuurka hadda lagu dhaqo dalka uusan aheyn kii saxda ahaa ee ay Ansixiyeen ergada Soomaalida Sannadkii 2012-kii. Mudane C/weli Muudey ayaa sheegay in dastuurkii saxda ahaa la xaday oo aan la ogeyn meel lagu sheego sida uu hadalka u dhigay. Isagoo intaas ku daray in dastuurka qabyada ee Somalia uu yahay mid laga soo turjumay afaf qalaad, isagoo ku baaqay in la xafido dastuurka howshiisa socoto. “Dasturuka hala ilaaliyo, sida kii hore loo xaday oo kale yaa la waayin, dastuurka aan hada ku shaqeyno ma ahan kii saxda ahaa ee ergada Soomaaliyeed ay ansixiyeen, anaga indhoole ma nihin, caqli la’aan ma nihin waa ognahay, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambeeyay,” ayuu yiri Muudeey. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa hadalkan ka sheegay kulankii uu maanta yeeshay baarlamaanka Somalia, kaasoo lagu magacaabay xubnaha qaban-qaabinaya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka DF oo dhawaan dhici doonta. Ugu dambeyn, Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada ku shaqada leh dib u eegista Dastuurka ayaa wada kulamo wadatashi ah oo looga gol leeyahay in dastuur aan qabyo aheyn oo loo dhan yahay la qoro. PUNTLAND POST The post C/WELI MUUDEEY: Dastuurkii Saxda ahaa ee ergadu ay horay u ansixiyeen waa la xaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa wasaaradda gaashaandhigga, kaga guddoomay Warqadaha Danjiranimo Safiirka Qatar ee loosoo Magacabay Soomaaliya, Xasan Xamsa Asad. Danjire Xamsa ayaa madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, Wuxuuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey Amiirka Qatar iyo Dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Somalia, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal. Ugu dambeyn, Tallaabadan uu madaxweynuhu waqadaha aqoosniga uga guddoomay danjiraha cusub ee Qatar ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Imaaraadka Carabta iyo Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa maanta magacaabay guddiga Hagaajinta Bilicda iyo Soo-celinta Hantida dowladda ee degmada Boosaaso. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas oo ku taariikhaysan 21 bishaan April ee sannadka 2018 ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban sagaal xubnood,waxaana lagu amray in ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgalaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday. Halkaan ka akhriso Wareegtada magacaabidda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 April 2018 waxaa uu wareegto klu magacaabay Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sumadiisu tahay MW/DPS/267/2018, Boosaaso. ku: Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee Gobolka Bari Og: Guddoomiyaha Gobolka Barri Og: Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso Og Taliyaha Qaybta Booliiska Bari Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Hagaajinta Bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso. Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha ay warqadaani sida tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in la magacaabay guddiga hoos ku qoran, kaasoo ka shaqeyn doona hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida maguurtada ah ee Dowladda Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso, taasoo ay si sharci dara ah ku degan yihiin dad shacab ah. Gudigaas oo ah sida hoos ku qoran. 1: Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda- Guddoomiye 2: Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin 3: Maxamed Faarax Beeldaaje Wasiirudowlaha Maaliyadda- Xubin 4: Cabdirsaaq Nuur Cumar Wasiir Kuxigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin 5: Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Degmada Boosaaso- Xubin 6: Yuusuf Maxamed Wacays {Dhado} Guddoomiyaha Gobolka Barri- Xubin 7: Gen Asad Cismaan Cabdulaahi Agaasimaha Guud ee PSF- Xubin 8: Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax Taliyaha Ciidanka Bada- Xubin 9: G/sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Barri- Xubin Sidaas Daraadeed Waxaa guddiga hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso la farayaa in ay sida ugu dhaqsha badan uga hawlgalaam waajibaadka shaqo ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo magacaabay guddiga hagaajinta bilicda iyo soo-celinta hantida dowladda ee degmada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay shirkada laga leeyahay Dubai ee Dp World inay dib uga fekerto heshiiska ay la gashay maamulka la magacbaxay Somaliland ayna la shaqeyso dowlada Federalka si aysan ugu xadgudbin madax banaanida dalka Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad oo Wareysi Khaas ah siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in loo baahan yahay Shirkadda DP World oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka inay dib uga fekeraan Qandaraaska ay la galeen Maamulka Somaliland. “Waxaan ka codsanaynaa DP World inay dib uga fekeraan Heshiisyadaasi” ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Heshiiska DP World ku horumarinayso Dekedda Berbera xadgudub ku tahay Sharci ahaanta Dowladda Somaalia. Wasiirka ayaa ku tilmaamay heshiiska DP World ee dekeda Berbera uu yahay mid hareer marsan sharciyada saxda ah waxana uu sheegay in uu abuuray heshiiskaas is-faham waa iyo khilaaf weli aan xal laga gaarin. Hase yeeshee afhayeen u hadlay shirkadda DP World ayaa sheegay in dhismaha dekedaha Berbera iyo Boosaaso in howlahooda ay deg-deg u bilaaban doonaan. “Dowlada Federalka waxa ay dooneysaa in Shirkada DP World ay la macaamisho xukuumada Muqdisho halkii ay heshiis kala geli lahayd maamulka Somaliland.”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya. “Haddii intaa lagu dhaqaaqo Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa maalgelin lagu sameeyo meel walba oo ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay Berbera ku jirto.”ayuu sii raaciyay wasiirka. dhawaan ayay ahayd markii uu sheegay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Qarqash in ay heshiis ay dowladiisu hore u la gashay dowladii uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh hase yeeshee wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad ayaa beeniyay sheegashada dowlada Imaaraadka Carabta ee ah in heshiiska Berbera ay hore ula gashay xukuumadii hore ee Soomaaliya waxana uu xusay in sheegashadaasi aysan lahayn wax cadeyn ah. Warkan ka soo yeeray dowlada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo laga leeyahay shirkadda DP World oo heshiis la saxiixatay maamulka Somaliland iyadoo heshiiskaasna uu qeyb ka siinayo faa’idada laga helo dekeda dowlada Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(casimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya. Munaasibadda warqadaha Aqoonsiga danjiraha cusub ee Qadar ayaa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia. Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Safiirka dalka Qadar ee Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Xasan Xamsa Asad,waxaana laga filayaa in howlaha diblomaasiyadeed ee dalka Qadar uu ka sii wado Muqdisho. Xasan Xamsa ayaa ah Safiir awoodiisa dhameystiran tahay oo uu dhowaan soo magacaabay Amiirka Qatar, waxaa uu horay u ahaa Sii Haye Safiir. Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ku tago dalka Qatar. Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalal khilaafkaas dhex dhexaad ka noqday waxaana hadda jira khilaaf u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ay Qadar isku dhacsanyihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
WHO concluded a special one-day seminar on enhancing universal health coverage for Somali people, with commitment from all parties to develop a roadmap in the coming months. Universal health coverage means ensuring that everyone, everywhere can access essential, quality health services, without facing financial hardship. Source: Hiiraan Online
-
WICHITA, Kan. ― Three anti-Muslim domestic terrorists who plotted to blow up a Garden City apartment complex where many Somali Muslim immigrants lived were convicted on Wednesday on federal charges that could send them to prison for life. Five weeks into the trial, jurors deliberated for less than a full day before finding Kansas militiamen Patrick Stein, Curtis Allen and Gavin Wright guilty on all charges. Source: Hiiraan Online
-
At the New York City convenience store where he works the overnight shift, Radad Alborati takes a sip of coffee and surveys his life. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia has distanced itself from remarks made by the UAE this week after the UAE insinuated that they had reached an agreement with the previous government of Somalia over the Berbera port. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia has distanced itself from remarks made by the UAE this week. The UAE insinuated that they had reached an agreement with the previous government of Somalia over the Berbera port pact. Source: Hiiraan Online