Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhameystir la’aanta howlaha magaacibadda hoggaanka maamulkiisa. Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in muddo 5 cisho gudahood lagu soo dhisi doono maamulada degmooyinka waxa uuna garwaaqsaday inay jirto qabyo dhanka maamulka ah. Mustafe Muxumed Cumar, waxa uu sheegay inuu dib u dhac ku yimid dhamaystirka howlaha magaacibadda hoggaanka maamulkiisa balse ay ku dhameystiri doonaan muddo kooban. Madaxweynaha waxa uu amar ku siiyay Taliska Booliska maamulka inaysan u dul qaadan cid kasta oo carqaladeynayso ammaanka isla markaasna sharciga lala tiigsado dadka doonaya inay amni darrada abuuraan. “Waxan Taliska iyo Saraakiisha Booliska ku amrayaa inay dhaqan galiyaan sharciga, waa in cid waliba oo qalqal amni ku heysa deegaanka la dhigaa halka sharciga xarunta u ah” “Yeeli ma doono in la qalqal galiyo amniga waxa aan qirayaa inaan mas’uuliyada amniga kula xisaabtami doono Booliska” Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sidoo kale sheegay inay iska ilaalinayaan inay xadgudub sameeyaan balse tallaabo laga qaadani doono cid kasta oo wadata calanka urur aysan horey uga tirsanaan jirin, sida uu hadalka u dhigay. “Cidii isku daydaa in calan aysan ururkeed ka tirsaneyn ku ololeysa waxaa la marin doonaa sharciga, waa in qof walba uu ka adkaada naftiisa” Si kastaba ha ahaatee, haddalkaMustafe Muxumed Cumar ayaa imaanaya xilli saacadihii la soo dhaafay uu iska hor imaad aan waynayn uu ka dhacay xarunta qeybo kamid ah magaalada Jigjiga kaa oo u dhexeeyay dhalinyaro sitay calanka ONLF iyo kuwo kasoo horjeedo. Caasimada Online Xafiiska Jigjig Caasimada@live.com
  2. Shirkadda dhismaha Turkiga ee Albayrak, ee maamusha dekadda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay bishii ay dekadda ka soo sooraan $10 Mliyan. Axmed Sami Isler, oo ka tirsan maamulka shirkadda ayaa TRT World u sheegay dhibka ay ka soo mareen isaga oo ku bilaabay hadalkiisa “Dekadda shaqo fiican kama socon markii aan nimid, howllo la taaban karo kama jirin sababtana qalab la’aan iyo maamul xumo”. Axmed Sami Isler oo sii hadlayey waxa uu yiri “sida aan ula wareegnay, waxaan soo saarnaa afar jibaar tii ay dowladda Soomaaliya ka soo saari jirtay, waxaa ay soo saari jireen $2.5 Milyan bishii, hadda waxaa uu wax soo saarka bishii gaaray $10 Milyan” September 21, 2014: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa rasmi ah shaaca uga qaaday in maamulka Dekadda Muqdisho ay ku wareejisay shirkad Turkish ah oo la yiraahdo Albayrak. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. MOGADISHU (HOL) - International Federation of Journalists (IFJ) has urged authorities in Puntland State to investigate a brutal assault of journalist Mohamed Ali Siad in Somalia by police officers in Galkayo town. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo wareysi siinayay HCTV ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo garsoorka. Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay xooga saarto sida looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka, waxa uuna qiray inay jiraan khaladaad badan. Waxa uu tilmaamay inay jiran waxyaabo badan oo lagu dhaliilo dowlada Somalia kuwaa oo laga gaabiyay wax ka qabashadooda. Ra’isul wasaare ku-xigeenka waxa uu tusaale usoo qaatay Garsoor xumi ka dhex jirta dalka waxa uuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed cabsi darteed ay garsoor ugu doontaan Al Shabaab. Wuxuu sheegay mas’uuliyadda muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dowladda inay tahay in ammaankiisa ay sugto, muwaadinka isagana laga doonayo inuu naftiisa mas’uul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Shabaab u yeeran. Waxa uu qiray Al Shabaab in aysan ka shaqeyn cadaalad, balse shacabka ay u tagaan cabsi ay ka qabaan darteed, marka laga soo waco telefoonada ay wataan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu Mahdi Maxamed Guuleed carab ***** in arrintaasi ay mas’uuliyad ka saran tahay BFS, mucaaradka DF iyo shacabka Soomaaliyeed keliya aanan xukuumadda lagu dhaliil karin, wuxuuna ku baaqay in hawshan si wadajir ah looga wada shaqeeyo. Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Waa inaan is weydiinaa marka ugu horeysa yaa leh dhaliisha ah Al Shabaab garsoor yaan loo tagin ama haloo tago, Al Shabaab marka ay ku soo wacaan mas’uuliyadda dowladda ka saarsan waxa weeye inay ammaankaada ilaaliso, qofkana waxaa laga doonayaa inuu iska diido” “Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay mas’uuliyad ka saaran tahay arrintan sidii wax looga qaban lahaa balse anigu maqabo in cabsi aawgeed loogu tago Al-Shabaab.” Sidoo kale, Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu qiray inay badan yihiin isla markaana la socdaan inay sii kordhayaan dadka u garsoortaga Al-Shabaab ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka. Haddalka Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaano badan ay dowlada ku dhaliishay inay sabab u tahay in shacabka ay garsoor u doontaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Xuseen Iidoow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha BFS ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in Xildhibaano uu isaga ka mid yahay ay ka shaqeynayaan sidii lagu sii deyn lahaa qoyska marxuumkii la dilay kadibna la gubay. Xildhibaan Xuseen Iidoow, ayaa beeniyay in uu ka shaqeynaayo deysmada qoyskaasi waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay inay muhiim tahay in sharciga loo daayo arrintaasi. Waxa uu arrin been abuur ah ku sheegay inuu damacsanyahay in uu damiin ku sii daayo qoyska gubay marxuumka, hase yeeshee waxa uu dhaliisha ceynkaasi ah ku sheegay mid aan caafimad qabin. Eeda ka qeylsiisay Xildhibaan Xuseen Iidoow waxa ay ka danbeysay kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow uu sheegay in ay jiraan Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka shaqeynaya in dadkaasi dameen lagu siidaayo. Intaa kadib waxaa suuq galay in Xildhibaanadaasi uu kmaid yahay Xildhibaan Xuseen Iidoow, hase yeeshee waxaa ka jawaab bixiyay Xildhibaanka. Xildhibaanka ayaa Boggiisa Facebook-gga ku soo qoray qoraalkan oo uu isaga fogeynaayo eedeymaha dhex baahay baraha bulshada; DACAAYAD RAKHIIS AH!! Tacdiga iyo dhibaatada loo geystay walaalkeen marxuum Axmed Dowlo aad ayaan uga xumahay, waxaana qabaa in sharciga deg deg lagu horkeeno ruuxi geystay tacdiga nuucaas ah. Waxaan sameyn doonaa sharci looga hortegayo arimaha heyb sooca si tacdiyada nuucaan ah looga hortago. Cida u xusula duubaneysa deysmada qofka ka danbeeyay dilka marxuumka ayey dhibeysaa waxaana ku talinayaa in sharciga lagu abaalmariyo dadkaas. Xildhibaan Xuseen Iidoow, waxa uu muujiyay in dowlada Somalia laga doonayo in xushmad shaqsiyadeed aysan kusii deyn qoyskaasi, balse ay muhiim tahay in sharciga la horgeeyo. Qoraaka uu Xildhibaan Xuseen Iidoow isaga fogeynaayo eeda ku aadan inuu kaalin ka qaadanayo deysmada qoyska ayaa timid kaddib Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadalka xildhibaanka kaddib hadlay oo beeniyay in uu isaga ula jeeday Xildhibaanka Baraha bulshada lagu eedeeyay,waxa uuna yiri sida aan qoraaladeena hore ku sheegnay: Ma haboona in la siyaasadeeyo warkii ahaa in caddaalad la soo saaro danbiilayaashii ka danbeeyey falkii waxuushnimada ee loo geystay marxuum Axmed Dowlo oo Xildhiban Xuseen Iidow wax lug ah kuma laha damaanad raadinta falgaboodkan waana la siyaasadeeyey. Guddiga arrimaha bulshada iyo Golaha shacabka Soomaaliya ayaa shalay guddi u saaray in baaritaan lagu sameeyo arrinta dilka iyo gubidda ah natiijadana lagu soo celiyo golaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa wada dadaal Maxkamad lagu soo taagayo qoyskii ka danbeeyay dilka iyo gubista Marxuumka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose isugu fureen wadada xeebta ah ee Muqdisho iyo Marka. Sarreeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo ah abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa isaga oo la hadlay raadiyaha ku hadlay Afka ciidanka qalabka sida wuxuu sheegay in ciidamadu ay sameeyeen howlgallo ay shacabka Soomaaliyeed uga dulqaadayeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uu tilmaamay Abaanduulaha in sidoo kale ay dhammaatay dhibaato uu sheegay in Al-shabaab ku hayn jireen dadka ku safra wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka. Sidoo kale abaanduule Odowaa ayaa sheegay in qorshaha ciidanka xoogga dalka uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa dhammaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobollada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Maamulka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo saaray ammar cusub oo ku aadan dhulalka sida sharci darrada ah loo kala wareegsado. Duqa B/weyne, Cali C/qaadir Sandheere iyo agaasinka waaxda dhul bixinta ee dowladda Hoose Xuseen Maxamed Fiidow ayaa bulshada ugu baaqay in shacabka u hoggaasamaan ammaradaan, ayna qaataan cadeynta dhul bixinta ee dowladda hoose. Waxa ay sheegeen in dhulka oo dhan ay dowladda mas’uul ka tahay, islamarkaana aan la aqbali doonin dhulalka sharci darrada lagu kala iibsado, maadaama ay soo bateen is qabqabsiga dhulalka. “Magaalada B/weyne waxaa batey is qabqabsiga dhulka, dacwadiisa ayaa nagu badatay, qofka waxaa looga baahan yahay in dhulka markii uu gadanaa uu sharci u haysto, haddii aanu u haysan ma gadan karo mana laga gadan karo” ayuu yiri duqa B/weyne. Waxaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan kusoo badanayey maalmahan is qab-qabsiga dhanka dhulalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Jailed rights defenders awarded for their 'courageous efforts' to reform 'totalitarian system in Saudi Arabia'. Source: Hiiraan Online
  9. Luka Modric broke a decade of award dominance by Cristiano Ronaldo and Lionel Messi after being crowned world footballer of the year by FIFA. Source: Hiiraan Online
  10. Xildhibaan Cabdi Shire (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto dilalka ku saleysan quursiga. Waxa uu sheegay xildhibaanka in wax laga xumaado ay tahay qaabkii naxdinta lahaa ee loo diley marxuum Axmed Mukhtaar Saalax, isaga oo sheegay in dowladda guud ahaan waajib ka saaran yahay in aanay indhaha iska tirin. “Falka lagu diley, lagu baangadeeyey, batroolka lagu gubay waxay gil-gishey quluubteenna, Afar cisho ma hurdin, waa in qoyskii dhibku gaaray u muujinnaa dareenkeenna, dilka ku saleysan quursiga ma ahan wax diintu qabto, waxaan soo jeedinayaa in qoyskii marxuumka uu ka baxay u tagno oo aan la wadaagno murugada” ayuu yiri xildhibaanka. Sidoo kale, xildhibaan Ciyaar Jecel ayaa sheegay in loo baahan yahay wacyigelin loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed si aanay usoo noqon falalka sidan oo kale ah. Dhowaan ayeey ahayd markii la diley Axmed Mukhtaar Saalax, kadibna la gubay, iyadoo arrintaasi ay ka dambeeyeen qoyska gabar uu guursaday wiil uu adeer u ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. South Sudan’s government forces and largest rebel group clashed in the north of the country, with each side accusing the other on Monday of instigating the fighting, which comes just two weeks after they signed a peace deal. Source: Hiiraan Online
  12. Iran's Supreme Leader Ayatollah Seyyed Ali Khamenei on Monday accused Saudi Arabia and the United Arab Emirates of financing the perpetrators of Saturday's deadly attack on a military parade in Ahvaz and threatened to "harshly punish" the masterminds. Source: Hiiraan Online
  13. Jose Filomeno dos Santos, the former head of Angola's sovereign fund, is accused of misappropriating millions of public funds. His detention is part of an anti-corruption campaign by Angola's new leader. Source: Hiiraan Online
  14. The Italian government on Monday adopted a heavily-criticised security decree which will make it easier to expel migrants and strip them of Italian citizenship. Source: Hiiraan Online
  15. Four MPs have been summoned by the National Assembly’s Powers and Privileges Committee over the shooting down of the contraband sugar report. Source: Hiiraan Online
  16. The Ethiopian government has arrested thousands of people around the capital, Addis Ababa, over the last week and sent many of them to military camps for “rehabilitation,” the authorities said on Monday, as the government sought to respond to mounting criticism from Ethiopians who say it has done little as ethnic violence has flared. Source: Hiiraan Online
  17. New Zealand's prime minister, who shot to international fame for giving birth while in office, turned heads Monday by bringing her three-month-old daughter into the UN assembly hall. Source: Hiiraan Online
  18. The State Department says the death of an American diplomat in Madagascar is being investigated by U.S. and local authorities. Source: Hiiraan Online
  19. A hunt for suspected Al-Shabaab militants who fled with gunshot wounds has been intensified in Taksile and Pandanguo, Lamu County, shortly after 10 other militants were killed during an ambush on their hideout by Kenya Defence Forces (KDF) soldiers on Monday morning. Source: Hiiraan Online
  20. Fourteen-year-old Paballo (Pabi) Leqhotsa jumps out of the pilot seat of a four-seater Cessna monoplane giddy with delight. Source: Hiiraan Online
  21. An NGO has partnered with government agencies to help Garissa residents obtain birth certificates and identity cards. Source: Hiiraan Online
  22. The Wajir County Senator, Dr. Ali Abdullahi Kabreta now wants his constituents to forgive him for his inactivity since his election. Source: Hiiraan Online
  23. African diplomats will talk business Friday with Minnesota business-and-trade officials at a private luncheon at the University Club of Saint Paul in connection with the 30th anniversary of St. Paul-based Books for Africa. Source: Hiiraan Online
  24. The former Northern Blues coach has revealed joining the Mogadishu-based club to prove his worth Source: Hiiraan Online
  25. The Port of Mogadishu was a major transit route for European traders since the 1960s, but was shut down after war broke out in 1991. Source: Hiiraan Online