-
Content Count
213,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
At least 17 people died in South Sudan on Sunday when a small aircraft carrying passengers from Juba International Airport to the city of Yirol crashed, State information Minister Taban Abel told Reuters. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Caaasimada Online) – At least three people, including a local government soldier have been sustained injuries in bomb explosion in Somali capital Mogadishu. The blast left 3 people injured on Sunday at Sinai market in the capital, after bomb explosives fitted under handcart exploded, a witness said. The victims were at the market at the time the bomb blast, he said. He says the victims had been taken into hospital for medical treatment. There was no immediate claim of responsibility for the Friday’s explosion, but such attacks are often carried out by Al Shabaab. The group has been waging insurgency more than 10 years in Somalia. However, Al-Shabaab, which once controlled Mogadishu capital in 2011, wants to tople the weak-western backed government of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) -The recent amnesty has seen leaders of many terrorist groups defect to the government and help in nation building A few days ago, Eritrea and Djibouti agreed to normalise their ties, opening a new chapter in their previously frosty relations. This followed yet another milestone: a summit in Asmara that brought together the leaders of Somalia, Ethiopia and Eritrea in an effort to broker peace. The meeting shows the resolve of Somalia to put regional peace and stability as the cornerstone of our diplomacy. Leaders have agreed to break from a conflict-riddled past. Since President Mohamed Abdullahi Farmajo and I took office, the government has made tremendous progress at home and abroad. Our government, through Foreign Minister Ahmed Isse Awad, is spearheading talks to end a border row between Eritrea and Djibouti. The Asmara talks were meant to solidify the gains made in separate talks between the leaders of the three countries. PEACE DEAL Djibouti Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf and his Eritrean counterpart Osman Saleh have saluted Somalia’s efforts. For decades, the two nations have had a dispute over the region of Doumeira. Several initiatives to end the hostilities have been futile. In 2010, Qatar made laudable efforts to broker a peace deal. The latest development is just among the diplomatic engagements Somalia has undertaken. Two months ago, President Farmajo reached out to Ethiopian PM Abiy Ahmed. They confounded political allies and naysayers, but have solidified the cordial relations between our nations. The Asmara talks herald a new diplomacy dawn. Somalia is increasingly aiming to reclaim its place in the community of prosperous nations. We endeavour to play a crucial role in global peace and security. SECURITY Next year, Somalia will assume the chairmanship of the Arab Foreign Ministers Council, allowing us to host the council session in 2019 in Mogadishu and informing the world that we are ready for business. Our government aims to seize the wind of change blowing across the Horn of Africa to advance its security interests and help find solutions to African problems. In Asmara, we signalled the direction we are steering our diplomacy as a peaceful nation in a stable region. Our quest for success abroad is informed by gains at home, especially on the security front. Terrorists that turned our country into a haven are on the back foot. Somalia owes a huge debt to our neighbours, including Kenya, for helping fight terrorism. TERRORISM Our government has declared amnesty, which has seen leaders of terrorist organisations join us to rebuild the nation. The diaspora has moved in with significant investments. Ours is a functioning government. We have paid civil servants and our security forces are motivated to work hard. We have also restored good relations with the global community. The International Monetary Fund has hailed reforms in our revenue generation. In the first quarter of 2018, the government raised $42.5 million domestically, the highest ever in a single quarter. We are firmly on the path to debt relief. The government’s watchword is accountability, with unrelenting fight against corruption. Somalia is in a position to tap into its resources for the benefit of its people. Mr Khaire is Prime Minister, Federal Republic of Somalia
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhaqdhaqaaqa Magaalada Muqdisho ayaa saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii la sheegay inuu booqasho ku tagay ْXarunta Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya. Ciidamo aad u badan ayaa lagu soo daadiyey jidka Makka Al-Mukarama, waxaana gabi ahaanba la xiray jidkaas oo loo diiday inay isticmaalaan Gawaarida. Dadweynaha Muqdisho qeybahooda kala duwan ayaa ku xayirmay xaafadaha iyo meelaha Ganacsiga kadib markii loo diiday inay jidka Makka AL-Mukarama isticmaalaan. Gawaarida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ayaa gebi ahaanba loo diiday jidkaas waxaana la arkayey dadweyne badan oo ku lugeenayo jidakaas. Jidka ayaa waxaa loo xiray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna mid kamid ah dadkii jidka loo diiday inay isticmaalaan Caasimadda Online u sheegay sidaan: ” Jidka Makka Al-Mukarama wuxuu saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la yaab leh inuu watay 20 gawaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa aan xabadda karin sidaas oo ay tahayna waxaa loo xiray jidka” ayuu yiri ” Habeenkii lix saac marka uu jidka firaaqo noqday dadkana ay wada jiiftaan ayuu Kheyre dhuulatus ku sameeyaa Jidadka Muqdisho, haddana waa kaas jidadka naga xiray, aaway amnigii uu ku faanayey inay dowladiisa Muqdisho u keentay” ayuu sii raaciyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa maqaal uu ku qoray Wargayska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray siyaasadda geeska Afrika ku daabacay, kaas oo uu cinwaan ugu dhigay “ Dabaysha is beddealaysa ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabbo ganacsi u furtay Soomaaliya”. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dedaalladii ay xukuumaddu samaysay ay ka mid yihiin inay isa soo dhiibaan qaar ka mid ah horjoogayaashii Kooxda Al-Shabaab , kuwaas oo ka qayb qaadayanaya dhismaha Qaranka. “Maalmo ka hor heshiis gaareen Jabuuti iyo Eretrea, taas oo horseedeysa in ay dib u wanaajiyaan xiriirkoodii horay u xumaa, isagoo xusay in ay taasi daba socotay guulihii laga gaaray kulamadii ay Magaalada Asmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea” ayuu yiri mudane Khayre R/wasaaraha ayaa sheegay in kulankii halkaasi ka dhacay uu astaan u yahay sida xalka ka gaarista arrimaha Soomaaliya ay muhiim ugu tahay nabad iyo xasillooni ka dhalata Gobolka, wuxuuna intaa raaciyay inay madaxdu ku heshiiyeen in laga gudbo waxyaabihii horay u dhacay. Mudane, Kheyre ayaa sheegay tan iyo markii ay isaga iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo xilka qabteen in ay dowladda Soomaaliya gaadhay horumar wayn oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ah. Dhammaystirka wada xaajoodka Jabuuti iyo Eretrea ayuu sheegay R/wasaaruhu in ay u xilsaareen inuu dhammeeyo Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si loo soo afjaro muranka dhanka xudduudaha ah ee Labadaasi dal. Wadahadalada ka dhacay Asmara ayuu sheegay mudane Khayre in loogu tala galay in lagu xoojiyo guulaha laga gaaray wadahadalada kala duwan ee u dhexeeya hoggaamiyayaasha Saddexda dal. Dhanka kale ra’isalwasaare Khayre Mar uu ka hadlayay howlaha nabadeed ee ka socda geeska Afrika wuxuu sheegay in dowladaha Jabuuti iyo Eretariyaba ay si diirran u soo dhaweeyaan dadaalada lagu heshiisiinayo labada dal ee dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay. Tobannaan sano labadaas dal waxaa ka dhaxeeyay muran la xiriira gobolka Doumeira. Waxaana jiray dadaallo aan lagu guulaysan oo la doonayay in colaadaas lagu xaliyo, waxaana ka mid ahaa kii ay dowladda Qatar ee sanadkii 2010kii. Isbadaladii dhawaan dhacay waxaa ay qayb ka yihiin Tilaabooyin Dublamaasiyadeed oo Soomaaliya ay qaaday, ayuu yiri Ra’iisalwasaare Xasan Cali khayre laba bilood ka hor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waxayna ka wadahadleen adkaynta iskaashiga siyaadeed iyo sidii dhidibadda loogu taagi lahaa xiriirka labada dal. Wada hadaladii Asmara waxay dhigeen aasaas cusub oo dublamaasiyadeed. Soomaaliyana waxay si soo kordheysa u qadaneeysaa doorkeedii. Waxaan dadaal muhim ah galinaynaa in aan door muhiim ah ka ciyaarno Nabadda iyo Amaanka dunidda, ayuu sidoo kale yiri Ra’iisal wasaare khayre. Ammaanka:- Ra’iisalwasaare Khayre wuxuu xusay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay qabashada guddoonka golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta taasi oo noo ogolaaneeysa ayuu yiri in aan kulanka golaha ku marti galinno Muqdisho horaanta 2019, si aan Aduunka u ogeeysiino in aan ganacsi diyaar u nahay.”dowladeednu waxay dooneeysaa in ay la qabsato dabeeysha isbadalka ee Geeska Africa si ay u horumarinno Amaanka gacanna uga gaysanno in xal loo helo dhibaatooyinka iyo khilaafaadka ka jira Africa,intii aan Asmaro joognay waxaan muujinay jihadda aan u jeedineeyno Dublamaasiyadeena inagoo ah wadan nabdoon oo gobal xasiloon ku yaala”.ayuu yiri Ra’iialwasaare Khayre. Agagixisadda Mudane Xasan Cali Khayre mar uu ka hadlayay sida dowlada Soomaaliya dadaalka xoogga leh ugu bixinayso in dalka laga ciribtiro argagixisaa waxaa uu yiri “dowladdeenu waxay ku dhawaaqday Cafis, kaasi oo horseeday in hogaamiyayaal horay uga tirsanaa argagixisadda ay ka soo baxeen si aan u dhisno Qaranka. Qurbo joogta ayaa maalgalin muhiim ah sameeyay. Dowlad shaqayneeysa ayaan maanta leenahay Waxaan mushaarka siinaa Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidankeena Amaanka, si aan ugu dhiiri galinno in ay aad u shaqeeyaan. Waxaan sidoo kale soo celinay xiriirkii Wanaagsanaa ee Dunida aan la lahayn, waxaana tusaale wanaagsan u ah sida yididiilada leh ee hayadda Lacagta duida IMF-ta u soo dhawaysay isbadaladda kobcinta dhaqaalaha ee aan wadno. Rubacii hore ee 2018 Dowladdu waxay soo aruurisay dhakhli dhan $42.5 million, oo ah tii ugu badnayd. Waxaan ku joognaa wadadii daynta nalooga cafin lahaa. Hal hayska Dowladda Soomaaliya waa isla xisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa,Soomaaliya waxay joogtaa meel ay khayradkeeda uga faa’iideeyneyso Dadkeeda. Waxaa maqaalkan soo daabacay Wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa, kadib waraysi uu la yeeshay Ra’iisul wasaare khayre kaasi uu kaga hadlayay Xaladda Soomaaliya iyo Dabaysha Isbadaladda wadata ee ka socota Geeska Afrika.
-
Mas’uul ka tirsan Xukuumadda Afghanistan ayaa Maanta oo Axad ah sheegay in ugu yaraan 9 ka tirsan Ciidamada Ammaanka la dilay, halka 6 kalena ay soo gaartay waxyeello kadib weerar hubeysan oo lala beegsaday bar Koontarool oo ku taalla gobolka Heart ee galbeedka waddanka. Afhayeen u hadlay gobana tooraha gobolka oo lagu Magacaabo Jeylaani Farhadi ayaa sheegay in koox hubeysan ay soo weerartay gelinkii dambe Sabtida bar kontarool,taasi oo keenat in uu dhaco iska horimaad kadibna ay dhinteen 9 ka mid ah ciidamada ammaanka halka ay waxyeello soo gaartay 6 kale, waxaa uu intaas ku daray in 10 ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday la dilay halka sidoo kale laga dhaawacay 5 ka mid ah. Jeylaani waxaa uu caddeeyay in weerarkan ay fuliyeen dhaqdhaqaaqa Taliban oo awood ku leh gobolka sida caadada ahna waxaa ay qaadaan weeraro ka dhan ah ciidamada amniga iyo Mas’uuliyiinta dowladda. Bishii Agoosto ee tagtay Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Gani ayaa ku dhawaaqay xabad joojin lala galo Taliban inta lagu guda jiro Munaasibadda Ciidul Adxa mudadeedana ay aheyd 3 bilood. Beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta gaar ahaan Sacuudiga ayaa waxaa ay wadaan dadaallo ay iskugu keenayaan dowladda iyo dhaqdhaqaaqa Tilaban Miiska wadahadalka , si looga wada xaajoodo khilaafka siyaasadeed kaasi oo socday muddo sanado ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dadweyne aad u badan ayaa maanta waxa ay dibadbax ballaaran ka dhigeen degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxaana ay kasoo horjeedeen shirkii shalay magaalada Kismaayo ugu soo dhammaaday madaxda dowlad goboleedyada. Dibadbaxani waxaa soo qaban qaabiyey xubno ka kala socday ururada dhallinyarada iyo haweenka degmadaasi, iyadoo ay ka qeybgaleen Boqolaal ruux. Aaden Cabdille Aaden oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka degmada Garbahaarey oo la hadlayey Goobjoog News ayaa sheegay dibad baxani ujeedadiisu ahayd sida shacabka ku dhaqan degmada Garbahaarey ay uga xun yahiin go’aannadii shalay kasoo baxay madaxda maamul goboleedyada. “Ma dooneyno Dowlad diid,ma dooneyno Qaran dumis,haddii xariirka dowlada aan jarno xageen aadeynaa ma kenyaa,mise Ethopia,Dowlada Soomaaliya Xariirka looma jari karo,Cidii u jartana anaga waan ka Goosaneynaa” ayuu sheegay Aadan Cabdille in dadku sidaasi ku hadaaqayeen. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shalay ku dhowaaqay iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Dibad-Bax-looga-soo-hojeedo-Goaankii-Madaxda-Maamul-Goboleedyada-oo-ka-dhacay-Garbahaarey.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha NISA iyo kuxigeenkiisa u gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, isagoo eedeymo kala duwan dusha uga tuuray. Warqadan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa soo baxday saacado kaddib, markii Madaxweyne Farmaajo uu dhammaan darajooyinkii Ciidanimo ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla. Warqadan ayaa ku taariikheysneyd 2-dii bishan September, waxaana ka muuqata sumadda qabashada Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida. Cabdalla Cabdalla ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay Agaasimaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa Fahad Yaasiin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Xaafadda Siinaay ee Magaalada Muqdisho kaasi oo geestay khasaaro kala duwan. Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banadir ayaa waxaa loo adeegsaday gaari gacan. Qaraxa loo adeegsaday gaari gacanka ayaa la xaqiijiyay in la dhigay goob aad u mashquul badneyd waxa uuna geystay dhaawac iyo burbur goobo ganacsi. Qaraxan oo ka dhacay qaybta Khudaarta ee Suuqa Siinaay ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay hal qof, waxaana socda baaritaano ay wadan ciidamadii goobta ka ag dhawaa. Goob joogayaal ayaa sheegay in markii hore ay garan waayen waxa dhacay balse markii ay goobta gaareen ciidamada la xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhashay gaari gacanka. Sidoo kale, Qaraxan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo noociisa loo adeegsado gaari gacan waxaana aad ula yaabay dadkii ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay. Hay’adaha amaanka dowlada ayaan wali ka hadal Qaraxa noocaasi ah ee loo adeegsaday gaariga waxaana aad u hadal haya dadka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Admiral Khaliif Idiris Cismaan oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa isaga oo ku sugan gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in dowlad goboleedyada xaq u leeyihiin iney xiriirka ka jartaan dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ay ka gaabisay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin gacan siinta maamullada, xoreynta deegaanada gacantooda ka maqan iyo arrimo kale. Sidoo kale, waxa uu sheegay admiral Khaliif in maamul goboleedyada ay marar badan isku dayeen iney helaan xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda federaalka balse ay ka waayeen. “Dowlad goboleedyada xaq ayeey u leeyihiin iney xiriirka u jaraan dowladda federaalka sababtoo ah wey ku daaleen, waxaana ay ka heleen farogelin gudaha ah iyo sidoo inaan la helin wadasahqeyntii loo baahnaa” ayuu yiri Amdiralka. Sabtidii shalay, war-murtiyeed laga soo saaray shirkii u dhaxeeyey madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in hakad lagu geliyey xiriirkii u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dhammeystirka heshiiskii Gaalkacyo ee ay horey u gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulkan, C/xuseen Maxamed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in ka maamul ahaan sugayaan waqtiga la dhammeystiri doono heshiiskan. Waxa uu tilmaamay in heshiiskan oo la dhammeytiro ay ka dhiggan tahay in shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan kuwa gobolka Mudug is fahmaan oo nabad ku wada noolaadaan. Waxyaabaha ugu weyn ee heshiiskaasi laga sugayo ayuu ku sheegay iney ka mid tahay arrimaha ku aadan garsoorka, dhulalka la kala qabsaday iyo arrimo kale. Dowladda dhexe ayaa Todobaakii tagey sheegtay in la dhammeystiri doono heshiiskii Gaalkacyo. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Cabdi-Xuseen-Maxamed-Guddoomiye-ku-xigeenka-amniga-iyo-siyaasadda-gobolka-Mudug-ee-Galmudug.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubbad (Daqare) oo ku taqsusay maamulka iyo maareynta hay’adaha dowliga ah ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in dambi qaran ay tahay go’aankii ay ku dhowaaqeen madaxda dowlad goboleedyada oo ah iney hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Sharci ahaan ayuu sheegay in madaxdan ay muteysan karaan in laga gudbiyo dacwo islamarkaana xabsiga la dhigo waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uu sidoo kale sheegay Daqare in dowlad goboleedyada tabashadooda qaar ay saxan tahay, balse ay waddo qaldan u mareen xallinta wixii ay ka cabanayeen. Dowladda dhexe ayuu dhankeeda sheegay in waajib ka saaran yahay sixidda waxyaabaha ay tabanayaan maamullada. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Craxmaan-DaqareSSSS.mp3-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ka dhexwado falal ka dhan ah gaadiidleyda. Maleeshiyada oo dagaal kula jira dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM, ayaa maalmihii ugu danbeysay bilaabay in gaadiidka raaxada ay ka furtan taarikada. Maleeshiyada ayaa si gaara u daneysa gaadiidka shaqaalaha dowlada kuwooda lagu galo xarumaha waaweyn, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay inay ku xirtaan gaadiid kale isla markana ay u adeegsadan falal amni darro. Al-Shabaab ayaa taarikooyinka ay ka furan gaadiidka u isticmaala ismiidaaminta iyo gaadiidka kale oo ay ku geystan weerarada tooska ah. Taarikooyinka ugu badan oo hadda ay isticmaalan ayaa u badan nooca ugu danbeeya, waxa ayna arrintaani walaac gaara ku abuurtay dhalinyarada u shaqeysa dowlada ee gaadiidkooda uu dayacan yahay. Hay’adaha amniga dowlada Somalia ayaan inta badan la socon gaadiidka ay ku dhuuntaan Al-Shabaab iyo taarikooyinka ku xiran oo si joogta ah loo bedelo. Lama oga waxa ay noqon doonto fal celinta dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka, waxaana xusid mudan in weeraro dhowra oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu geystay gaadiid lagu soo xiray taarikooyin laga isticmaala gobolada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu halkaasi ka dhacay qarax khasaare geystay. Gaari gacan la sheegay in lagu soo xirey Miino ayaa la dhigay goob ay canshuur ku qaadayeen ciidamada dowladda hoose ee Xamar. Goob jooge ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo ka mid ah ciidamadan, iyo ruux shacab ah oo halkaasi marayey. Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka kuwaasi oo howlgallo wada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar [Cag-jar], ayaa ciidanka Liyu Police-ka ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda shacabka marka fulinayaan hawlaha loo igmaday. Mudane Cag-jar, ayaa ciidamada Liyu booliska iyo Booliska caadiga ah kula dardaarmay inay dhawraan sharciga dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan danaha guud ahaan shacabka. ”Waa inaad fulisaan dar-daarankeennii ahaa in xuquuqda insaanka la dhawro oo shaqooyinkiinna aad shacabka ka farxisaan, haddii aad shacabka oo dhan dhawrtaan waxaad heli doontaan darajooyin iyo abaal-gudyo kale oo aad ku faraxdaan,” ayuu yiri madaxweyne Cag-jar. Sidoo kale, Wuxuu ugu baaqay ciidamadan inay iska ilaaliyaan tallaabo kasta oo xad-gudub u horseedi karto shacabka, ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan-wanaagga marka ay hawshooda gudanayaan. Madaxweynaha DDSI, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda, wuxuuna yiri. “Hadday noqoto qaabka amar qaadashada, wada-shaqeynta iyo hawlaha kaleba waa inaan u raacno sida sharcigu qorayo.” Dhanka kale, Madaxweyne Caj-jar ayaa sheegay in Tabbabarkii ay qaateen Ciidamada Booliska iyo Liyu Booliska ay wax ka beddeli doonto noloshooda iyo qaabka ay u howlgalaan. Hadalkan ayuu madaxweynuhu sheegay xilli uu ka qayb-galayay xaflad lagu dallacsiinayay Qaar ka mid ah taliyeyaasha cusub ee ugu sarreysa ciidanka Liyu booliska Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya. Ugu dambeyn, Tabbabarada loosoo gaba-gabeeyay Ciidanka Liyuu Booliska DDSI ayay mas’uuliyiintu sheegeen in looga gol-leeyahay in ciidamada ay la jaan-qaadaan is-beddellada ka socda Itoobiya oo dhan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Mustafe Cag-jar oo si adag ula Dar-daarmay ciidamada Liyuu Booliiska DDSI appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa. “Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,” ayaa lagu sheegay wareegtada. Ugu dambeyn, Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia. PUNTLAND POST The post Taliye Ku-xigeenkii hore ee Nabad-sugidda DF oo laga qaaday darajoojinkii ciidan, iyadoo… appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa fuliyey qorshaha dib-u-soo-celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Nambar Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Jardiinka loo soo celiyo. Guddoomiyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey dhiirigelinta iyo soo dhoweynta siyaasada soo celinta goobaha danta guud ee caasimada, isla markaasna sheegay in la sii wadi doona qorshahan oo waxtar weyn u leh bilicda, dalxiiska iyo isu socodka bulshada Caasimadda. “Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu.” Guddoomye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay caasimadda qorshaha dib u soo celinta Jardiinooyinka bulshada iyo sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in dib loo soo celiyo dhulka sida gaarka ah loo isticmaalayo, si loogu adeego shacabka iyo Danta guud. Qorshaha dib u soo celinta dhulka Danta Guud ayaa caawa ka bilowday Jardiinka nambar Afar oo mudadii la soo dhaafay ay ka dhisnaayeen dhismeyaal ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo laga banneeyey goobta, si loogu hirgeliyo bulshada Caasimadda goob ay ku nastaan. Ugu dambeyn, Guddoomiye Yariisoow oo kormeeray goobta la banneeyey ayaa ku ammaanay shaqaalaha Dawladda Hoose, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Degmada Waaberi habsami u-socodka ay u fuliyeen shaqooyinka dib-u-soo celinta Jardiinada Lanbar Afar ee bartamaha caasimada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay in uu burburiyo jardiinooyin horay loo dhistay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Camey, ayaa ka hadlay shir uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaa oo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Cabdixakiin Cabdullaahi Camey, waxa uu sheegay in maamulka Puntland ay soo dhaweyneyso shirka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo. Camey, waxa uu tilmaamay in Puntland ay maamul ahaan hoostagto dowlada Somalia, sidaa aawgeedna ay ka jawaab celin doonto shirka uu Madaxweynaha Somalia ku dhawaaqay isla markaana ka qabsoomi doona Muqdisho. Camey, oo u waramaayay Idaacada risaala ee magaalada Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland aysan ku sifoobi doonin maamul Qaran dumis. Cabdixakiin Camey oo waayadn uu Khilaaf kala dhaxeeyay Hogaamiyaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweynayso Shirkaasi, waxa uuna carab ***** inaysan ka raali noqon doonin in masiirka maamulada dalka loo haleeyo laba hogaamiye oo galaaya doorasho. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ka qeyb gali doonaan shirka ka qabsoomi doona muqdisho isla markaana ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta maamulka Puntland kala dhexeysa dowladda dhexe,sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, camey waxa uu cod dheer ku sheegay in Puntland aysan qaadan doonin go’aanka uu qaatay Cabdiweli Gaas ee ahaa in la hakiyo xiriirkii dowladda dhexe ee Somalia iyo maamul goboleedyadda. Goa’aanka kasoo baxay shirka maamul Goboleedyada ayaa Khilaaf ka dhex abuuray Hogaamiyayaasha maamulada iyo ku xigeenadooda oo markii horaba uu khilaaf u dhexeeyay. Si kastaba ha ahaatee, talaabada Madaxda Maamul goboleedyadda ayaa kusoo beegmeysa xili maalinimadii shalay ay ku dhawaaqen in guud ahaan hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in Saraakiisha ciidamada xoogga ee darajooyinka leh la marin doono Imtixaan. Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), ayaa ku dhawaaqay in Imtixaankasi uu yahay mid lagu saxayo aqoonta Saraakiisha si ay u maraan tijaabo. Taliyaha Ciidanka xoogga Indhaqarshe waxa uu sheegay in Saraakiisha ciidamada laga qaadi doono Imtixaan guud, iyadoo Imtixaanka kadib lagu kala xulan doono aqoontooda, sida uu hadalka u dhigay. S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), ayaa ujeedka imtixaanka ku sheegay inuu yahay mid lagu ogan doono heerka aqooneed iyo qibradaha ay leeyihiin saraakiisha. Taliyaha ciidamada waxa uu intaa raaciyay in Saraakiisha qaar ay yihiin kuwo aan u qalmin darajooyinka, halka qaarna ay yihiin kuwo aan la heyn dibishiliin ciidan. Waxaa uu sheegay taliye indha qarshe qaadista imtixaanka lagu kala saarayo saraakiisha leh Aqoonta iyo kuwa ay qibradooda ay yar tahay Saraakiisha imtixaanka ku dhacdo ayuu sheegay in loo furi doono koorso waxbarasho oo lag dhisayo heerka Aqoontooda. Indhaqarshe, ayaa horay darajooyinka uga xayuubiyay Saraakiil badan oo dhalinyaro ahaa, halka qaarna uu ku eedeeyay inay ahaayen dad da’ ah. Talaabada uu ku dhawaaqay Indhaqarshe ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta Saraakiil badan oo darajooyinka ku qaatay aqoon la’aan, waxaana aad loo hadal hayaa in ku dhawaaqistiisa ay tahay mid loola gol leeyahay saraakiil ay darajooyinka ku taxeen Taliyayaashii hore. Si kastaba ha ahaatee,Taliska Ciidamada xoogga ayaa Bilihii lasoo dhaafay waday dib u habeyn lagu sameynaayay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyihii hore ee maamulka Hir-Shabelle Cali Cabdullahi Cosoble, ayaa si caro leh uga hadlay go’aanka kasoo baxay shirka magaalada Kismaayo ugu soo xirmay madaxda maamulada. Cosoble, oo la hadlayey Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay shirka uu yahya mid lagu duminayo Qaranka. Cosoble, waxa uu tilmaamay inuusan kala garankarin in ujeedka madaxda maamulada uu yahay ka qeybqaadashada dhismaha dalka iyo inay kasoo horjeedan Qaranimada. Cosoble, ayaa waxa uu qaran dumis ku tilmaamay go’aanada ay Kismaayo kasoo saaren Madaxda Maamul gobaleedyada,waxa uuna xusay in wax lala yaabo ay tahay in mas’uuliyiin falkan isku raacaan. Waxaa uu sheegay in sida ajnabi oo kale ay u hadlan madaxda maamul gobaleedyada ay tahay mid lala yaabo,isagoona shaaca ka qaaday in dowlad gobaleedyada ay doonayan in ay dumiyan Dowlada dhexe ee Soomaaliya. “Waxan kala garan waayay inay yihiin mas’uuliyiin iyo inay cayaarayan waayo qof mas’uul ah sidaa uma dhaqmo waa in mas’uulka uu yahay mid midaya dalkiisa” “Dhaliil wey imaankarta balse maaha in loo dhaqmo si dalka ay ka dhisan yihiin dowlado badan, anigu wax wanaagsan uma arko dhaqanka ay Qaranka ku duminayaan maamulada” Dhinaca kale, Cosoble ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonayo in wixii sharci ah ay dhaqan galiso maadaama go’aanada iyo shirarka ceynkaasi ay maamul Goboleedyada uu u noqday mid ay ugu awood sheegtan Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
António Guterres, xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo dhoweeyey kulankii Khamiistii ka dhacay Djibouti kaas oo dhex-maray wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Ethiopia, Somalia iyo Djibouti. Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada-shaqeyn oo dhex mara dalalka Eritrea, Ethiopia, Somalia iyo Djibouti, arrintaas oo ay weyn u soo dhoweysay Qaramada Midoobey. Afhayeenka António Guterres ayaa sheegay in heshiiska dhex maray 4ta wasiir, oo ah iskaashi iyo soo-celinta amniga iyo xasiloonida gobolka uu tallaabo fiican u yahay geeska Afrika iyo meelo ka fog. Waxaa sidoo kale uu afhayeenka sheegay” Xogheyaha guud waxaa uu adkeeyey sida Qaramada midoobey diyaar ugu tahay inay dalakaasi geeska Afrika ku taageerto in laga miro-dhaliyo natiijada heshiiska”. Hadalka Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo 6-dii ay bishan heshiis magaalada Djibouti ku gaareen dalalka Eritrea, Ethiopia, Somalia iyo Djibouti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qoraal ku aadan in xisaab celin soo sameeyaan maamul goboleedyada ugu soo qortay baraha bulshada, iyaguna si taa la mid ah ay xisaab celinta ku sameyn doonaan isla barahaasi. Waxa uu sheegay in dowladda aanay wax badan ka helin maamullada, isaga oo tusaale usoo qaatay lacag 50 Milyan ah oo dowladda Sacuudiga ka timid in maamul goboleedyada dhammaan laga siiyey min Hal milyan, taasi oo ka dhigan in 45 Milyan ku hartay gacanta dowladda. “Xisaab celinta dowladda waxaan ka siineynaa Social Media…dowladda hasoo beeniso 50 milyan oo sacuudiga laga keenay Milyan Milyan baa maamullada laga siiyey, shirkii Baydhabana waxaa naloogu soo dhiibay 500 kun, wasiirka maaliyadda Jubbaland waxaan ka rabaa in wasiirka Maaliyadda uu Social Media ugu diro qarashka aan ka helnay” ayuu yiri Axmed Madoobe. Ugu dambeyn, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay maamulkiisa isla xisaabtanka, balse loo baahan yahay in loo soo maro wadada saxda ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay burburin ku sameeyey dhisme horey looga sameystay jardiinkii KM-4 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo muddo badan aan la isticmaalin. Jardiinkan ayaa horey waxaa u dhistey ganacsato oo Maqaayad yar u ahayd, hase ahaatee muddo ka badan Sanad lama isticmaalin oo waa ay xirneyd. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyey dhismahan qeyb ka yahay qorshaha dib loogu baneynayo shacabka goobaha jardiimada ah. “Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu” Duqa Muqdisho ayaa dhanka kale sheegay in ammaanka howlgallada sidan oo kale ah ay socon doonaan, waxaana taasi ay qeyb ka tahay qorshe uu horey maamulka gobolka Banaadir ugu dhowaaqay oo ah in la burburin doono dhammaan dhismeyaasha laga sameeyey jardiimadii ku yaallay isgoysyada Muqdisho. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa. “Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada. Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Police in Mombasa County have arrested 163 Pakistanis living in the country illegally in week-long operation. Source: Hiiraan Online