-
Content Count
206,075 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ayaa saaka gaaray Dalka Kuwait isagoo ay la socdaan Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha. Wasiirka waxaa madaarka ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Kuwait, waxaana la geeyey Hotel Sheraton Kuwait halkaas oo ay labada dhinac ku yeesheen saacado badan qaatay . Wasiir Maareeye oo beryahaanba ku mashquulsanaa suuq geynta wax soosaarka Soomaaliya, wuxuuna halkaas kusoo bandhigay waxyaabo badan oo ka turjumayo wanaafga dhaqanka iyo Waxs oosaarka Soomaaliya sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo uu ugu talo galay in uu Soomaaliya ugu soo jiido maalqabeenada dalalka carabta oo uu doonayo in ay Soomaaliya maalgashadaan si dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo u helaan. Sida aad ka arki kartaan sawirada Wasiir Maareeye oo Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Kuwait Mr. Khaled Al Rodan gudoonsiinayo Moos, liin, Cambe iyo Alaab dhaqan. Halkaan hoose ka daawo sawirada
-
Oraah caan baxday ayaa tiraahda ‘History repeats itself’, -Taariikhda iyada ayaa isaga soo celisa. Macnaha waxa weeye, ma aha wax ugub ah in la arko dhacdo waa hore dhacday in ay markale iyada oo dhaceysa ay marqaati ka noqdaan jiil ay taas hore buugaagta ama sheeko ku soo gaadhay. Dowladnimada Soomaaliya waa mid jirta wax ka yar 60 sano, marka laga soo tiriyo xorriyaddii kaddib; sagaal sano oo ay is bedeleen dowladdo rayyid ahaa, 21 sano oo ay dowladnimadu ahayd “Kali Talisnimo” iyo kuwo ka dhashay bur bur dalku galay oo soo gur guur guuranayey ilaa iyo maanta. Ma jirin nidaam dalka oo dhan ku baahsan ‘Central authority’, wixii ka dambeeyey markii talada laga tuuray dowladdii kalayi taliska ahayd, hase yeeshe, wax la’aanna lama ahayn! Ujeedka aan ka leeyahay maqaalkan waxa weeye in aan is bar bar dhig ku sameeyo dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), Wasiirka kowaadna ka yahay Xassan Cali Kheyre iyo dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Raisul Wasaaraha na ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahn Cigaal –Eebe Ha’uwada naxariisto. Bishii Febraayo markii ay 8-da ahayd 2017, waxaa xilka madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ay bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogeen u soo dhaweeyeen si aan abid loo arkin iyada oo iska daa dadka Soomaaliyeed ay ruxday ruuxiyaddii bulshada gudaha dadyooga dariska ah iyo madaxdooda – fantasiyo, heeso, gabayo iyo dabaaldagyo ayaa meel walba is qabsaday, taas waxa ay maalintaa iyada ay ka turjumeysay in waa cusub u dhashay Soomaaliya iyo shacabkeeda ay diloodeen Xabad, gaajo iyo hogaan xumo. Maalmo yar kaddib, waxa uu Raisul Wasaare u doortay Xassan Cali Kheyre oo aysan dad badan fileyn maadama uu ahaa nin aan aad uga dhex muuqan jilaayaasha siyaasadda ‘Political Actors’. Kheyre isna waa la soo dhaweeyey. Muddo yar kaddib, waxaa soo shaac baxay hal ku dhigga dowladda ee NABAD IYO NOLOL oo hadda noqotay sumadda qof walba oo taageersan dowladda. Hadaba weydiinta qof walba ka dhex guuxaysa waxa weeye, NABAD IYO NOLO dalka ma u horseedeen dowlad wanaag? Maadama dowladdan lagu tilmaamo mid ka timi rabitaanka shacabka ma ku taagan tahay dhabbihii ay filyeen in ay qaaddo kumanaankii jidadka caleemaha qoyan la taagaan markii la doortay Farmaajo? Marka hore waa maxay Dowlad wanaag? Dowlad wanaagu waa nidaam ay dowladdu ku xaqiijineyso dhisidda ha’ado tiirarkoodu adag yahay sida ha’yadda garsoorka, sidoo kale waa in xuquuqda qofka la ilaaliyo, dowlad dhisidda laga wada qeyb qaato, sharcigu sarreeyo, daah furnaan jirto, isla xisaabsan jiro iyo sinnaan. Haddii intaa qeyb ka mid ah maqan yihiin waxaa dhaawacan dowlad wanaagga la rabo in dal ku horumaro kaba sii darane dal sida Soomaaliya aad u nugul. Dad badan ayaa qabay aragtida ah in hal ku dhigga NABAD IYO NOLOL la mid yahay ama ugu yaraan ka ag dhawyahay hal ku dhiggii caanka ahaa ee KARTI IYO HUFNAAN oo ay lahayd mid ka mida xukumadihii ugu wanaagsanaa ee soo mara Soomaaliya ee uu Raisul Wasaaraha ka ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AHN). Hase ahaatee, kaddib mawjado siyaasadeed oo Qatar galiyey dowladnimada Soomaaliya oo la so gudboonaday Xukumadda hadda jirta ee uu madaxda ka yahay Xassan Cali Kheyre iyo sidii ay u maareysay waxaa meesha ka baxay malahaas. Yeelkeede, waxa ay dhaqamada ay la soo baxday uga ekaatay tii ka dambeeysay Xukumaddii KARTI IYO HUFNAAN ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahm Cigaal. XAGEE AYEY ISAGA EGYIHIIN? Sharciga oo la sarreeyo Sida hadda qof walba ka dharagsan yahay Dowladda hadda jirta ee ay madaxda ka yihiin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre waxa ay ka sarreeyaan sharciga. Ma jirto cid su’aal galineysa in hay’addii garsoorka ay jeebka ugu jirto xukumadda, taas oo ay jirto ayaa waxaa hadda socda dadaal ay ku bixinayaan in ay gacanta ku dhiggaan hay’addii sharci dajinta. Waxaa su’aalo badan la’iska weydiiyey sababta iyo sidii uu ku baxay gudoomiyihii baarlamanka Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari! Ma jirto cid bulshada faafaahin ka siisay, kaliya waxaa la ogyahay in ay is qabteen Xukumadda! Soo Dimuqraadiyaddu ma ahayn in la’is dheeli tiro oo la’is xisaabiyo (Check and balance).? Xukumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo sidii ay sharciga uga sarreeysay Xukumaddii uu Cigaal ka ahaa Ra’isul Wasaaraha waxaa lagu xaman jiray in ay ka sarreeysay sharciga oo ay iyadu hay’adaha gacanta ugu wada jireen. Sharci dajinta markii horeba iyada oo ay aqlabiyadda haysteen SYL ayey hadana xilkii ka qaadeen garsoorihii maxkamaddii sare oo ahaa nin Talyaani ah balse aad u ilaalin jiray sharciga. Waxaa la oran jiray Pernagio. Pernagio oo ahaa Talyaani waxaa maxakamadda u dhiibay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) ee uu Raisul Wasaaraha n aka ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen )Aun) labaduba waxa ay ahaayeen kuwo sharciga aad u ilaaliya kala saarana awoodaha hay’adaha kala madaxa banana. Markii ay keenen Pernagio waxa ay shaqada ka eryeen Babaale oo ahaa isla Talyaani balse musuq badnaa. Garsoore Pernagio waxaa lagu xusuustaa, maalin garoonka Koonis ay madaxda dowladdu barnaamij ku qabanayeen, waxa uu diiday in uu fariisto gadaasha Raisul Wasaare Cabdirisaaq iyo waliba shaqaalihiisa kale ee Maxkamadda, waxa uu dhinac fariistay Cabdrisaaqi isaga oo ku dooday in ay isku awood yihiin. Markii ay yimaadeen Cabdirishiid iyo Cigaal waxa ay shaqada ka eryeen Pernagio si ay ugu suurtagasho in awoodda oo dhan ay fulinta gacanta u gasho iyaga oo ku bedelay nin dhallinyaro ah oo ay iyaga ka amar qaata. Pernagio waxaa ay Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq magacaabeen 1964 halka shaqada laga eryry 1968. Gunaanad, Iyada oo ay jirto wali dareen ah in Madaxweyne Farmajo yahay nin ilaa iyo xad jecel in uusan faragalin hawlaha Xukumadda, sida uu xafiiiska u surtay Madaxweynihii kowaad ee dalka Aadan Cadde, oo aad ugu caan baxay aragti ah in aan la faragalin Xukumadda, haddii ay ka dhab tahay, waxaa habboon in uu xukumadda kula taliyo in aysan iyadana faragalin awoodaha hay’adaha kale ee ka madaxa banaan – waa haddii ay jirto rabitaan ah in uu ka tago dowlad wanaag iyo raad qurxuun. Haddii ay taasi dhic weyso, waxa ay dhaxal ahaan ka tegi doontaa in dalku dib uga dhaco hiigsigiisii soo kabashada laamaha ha’ayadaha dowliga ah taas oo sii horseedi karta in xassllooni daradda siyaasadeed siyaaddo oo ay nagu hoggaamineyso cawaaqib xumo hore, maanta iyo berri laga baaqsan karo. W/Q: Maxamed Muuse Maxamed Aadan EMail: Muhamedkaafi@gmail.com Facebook: https://www.facebook.com/unique.lawyer Waxaan sheekadda Garsoore Pernagio iyo hab dhaqankii Xumukaddii Cigaal (AUN), ka soo xigtay barahayga sooyaalka siyaasadda Soomaaliya Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib.
-
Muqdisho (PP) ─ Xerada Jen. Gordan ee Muqdisho oo shalay ciidammo ka ka tirsan Dowladda Somalia ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidammo kumaandoos ah xeradaas ku sugan. Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka lagu wareejiyay Xerada Jen. Gordan ee Dowladda Imaaraadka ay ku tababbari jireen Ciidamada Somalia. “Ciidamada Danab oo laga keenay gobolka Shabeellada Hoose ayaa xerada lagu wareejiyay, wixii hadda ka dambeeyanaiyaga ayaa maamuli doona,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Warbaahinta Muqdisho. Sidoo kale, Arrintan ayaa waxay ka dambeysay markii shalay iska-hor-imaad uu ka dhacay Xeradaas, iyadoo Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in iska hor-imaadkaasi ay ka dambeeyeen askar rabtay inay qaataan saanad ciidan. Fiidnimadii xalay ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab Xeradaas, Waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka Gaashaaman ee ciidankan ay wataan, taas oo cabsi gelisay shacabka ku nool hareeraha xeradaas. Dhanka kale, Ciidamadii uu tababaray Imaaraadka ee xeradan joogay, ayaa noqday kuwo la xiray iyo kuwa kala cararay, kaddib dagaalkii shalay xeradaa ku dhexmaray iyaga iyo ciidammo ka tirsan kuwa millateriga Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa sheegay in lasoo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad millateri kala baxaan xeradaas. Ugu dmabeyn, Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si weyn uga carooday falkii shalay ka dhacay xerada Jen. Gordan oo maalmo ka hor saraakiisha dowlada imaaraadka carabta ay ku wareejiyeen taliska Ciidamada Xoogga Somalia. PUNTLAND POST The post Ciidammo la Wareegay Xeradii Imaaraadku uu ciidamada ku tababari jiray ee Jen. Gordan appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa maanta joojisay xaflad lagu soo dhaweyn lahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowladda Somalia, joojinta xafladda kaddib ayuu isagana ka hadlay. Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta loo joojiyay xafladdan ay ahayd inaanay ogoleyn in Dowladda Somalia laga mucaarado gudaha dalka Kenya. “Innagu ma doonayno in Dowladda Somalia laga mucaarado gudaha dalkan; mana jiro codsi nooga yimid dowladda Somalia ee sharcigeenna ayaan taas ogoleyn,” ayuu yiri Aadan Barre oo ah ninka Soomaaliga ah ee ugu awoodda badan dalka Kenya. Intaas kaddib, ayaa isagana hadlay C/raxmaan C/shakuur Warsame, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay hab-dhaqanka Dowladda Farmaajo ee ah in ay bartimaameedsato siyaasiyiinta ka aragtida duwan, wuxuuna rally-gelin u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee xafladda kasoo qayb-geli lahaa. “Waxaan ka raalli-gelinayaa shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool iyo taageerayashayda baaqashada kulankii soo dhowaynta ahaa ee Nairobi ka dhici lahaa maanta. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bar-tilmaameedsiga siyaasiyiinta ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir,” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Dhanka kale, wuxuu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay sannad ka hor xaflad ay ku mucaaradayaan Dowladdii Xasan Sheekh ay ku qabteen Nairobi oo loo diiday maanta inuu xaflad taageero ah ku qabsado. “Waxaa xusuus mudan in aniga iyo madaxweyne Farmaajo sanad ka hor aan magaalada Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu si kooban u yiri Warsame. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan laga qaaday siyaasigan xayiraad dhanka duullimaadka ah oo lagu soo rogay, taas oo ka dhalatay weerarkii lagu qaaday gurigiisa. PUNTLAND POST The post Kenya oo Joojisay Xaflad lagu Taageerayay C/raxmaan C/shakuur iyo isagoo ka Hadlay appeared first on Puntland Post.
-
The recent statement from the United States Africa Command (AFRICOM) that American forces had carried out an airstrike destroying an al-Shabaab truck bomb near Jana Cadalle in southern Somalia on April 11 was the third time this month that the US military is reported to have hit the terrorist group in the East African country. While AFRICOM stressed that the action—and the eight other airstrikes that it has acknowledged since the beginning of this year alone—was taken “in coordination with the Federal Government of Somalia” (FGS), the truth is that this heightened operational tempo in response to the ongoing threat from the al-Qaeda-linked al-Shabaab as well as a smaller ISIS-affiliated group only underscores the ongoing weakness of the internationally-recognized Somali regime. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay xubin la sheegay in uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab haddana uu ka mid yahay Kooxda Daacish. Ciidamada Booliska ay waxa ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Jaamac Xuseen Xasan oo lagu eedeynayo in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab. Waxa ay sidoo kale sheegeen in gacanta lagu soo dhigay xilli uu ku howlanaa aaska Miino dhulka la galiyo. Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Jaamac Xuseen Xasan ayaa booliska Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse markii dambe uu ku biiray Kooxda Daaciish oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya kana dagaalanta Wadamada Siiriya iyo Ciraaq. Jaamac Xuseen Xasan oo ah Ninka lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa Daacish ayaa Warbaahinta waxa uu u faah faahiyey halka laga soo qabtay iyo waqtigii uu ku biiray kooxda Daacish,waxa uuna sheegay in uu ka yimid Buuraha Galgala ee Gobolka Bari. Eedeysanaha oo Warbaahinta la hadlay sheegay in uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish horayna uu uga tirsanaa Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's recently-appointed Defense Minister, Mohamed Mursal Abdirahman, has announced that he will resign to contest for the post of Lower House Speaker vacated by Mohamed Osman Jawari. The latest resignation brings the total number of cabinet ministers quitting for their shot at Speaker to four. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) -Prime Minister, Hassan Ali Khaire said that international partners have agreed that Somalia had made visible changes in public finance management, good governance and economic recovery. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay kulankii soo dhoweynta ahaa ee laga joojiyay taageerayaashiisa magaalada Nariobi ee dalka Kenya. Wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay hab dhaqanka dowladda Farmaajo ee ah inay bartimaameedsato dadka ka aragtida duwan, wuxuuna tacsi u diray jaaliyadda Soomaaliyeed dalka Kenya iyo taageerayaashiisa is hortaaggii lagu sameeyay kulankii soo dhoweyntiisa. “Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo farriin soo dhigay baraha bulshada. Wuxuu Farmaajo xusuusiyey arrintan: “Waxaa xusuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad ka hor aan Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh…” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Ciidamada amaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xabsiga dhigay 30 qof oo ka soo kala jeeda 12 dal kuwaa oo lala xeriirinayo falal argagaxisnimo oo bishii April ka dhacay dalkaasi, sida boolisku sheegeen. Dadkan la tuhmay ayaa xabsiga loo taxaabay waxaana lagu hayaa baaritaano ku saabsan ineey xeriir la leeyihiin kooxaha Argagixsada loogu yeero, dadka la xir xiray ayaa ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Sudan, Yeman, Masar, Turkey, Kenya, Iran, Syria, Baxreyn iyo Kyrgyzstan. Tirada dadka Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Sacuudi carabiya ayaa ah Afar Qof waxaana loo heystaa iney wada shaqeyn kala dhaxeyso kooxaha jihaadiyiinta ee weerarada ka geesta dalalka Yurub, Bariga Dhexe iyo Africa. Dad tiradoodu ay dhan tahay 5,348 qof ayaa xabsiyada dalka Sacuudi Carabiya ugu jira dambiyo ah ineey weeraro geesteen iyo in ay ka tirsan yihiiin kooxaha argagisiada, qaar ayaa racfaan doonaya ineey qaataan halka kuwa kalena baaritaano lagu hayo. Sacuudiga ayaa feejignaan dheeri ah kaga jiro kooxaha loogu yeero argagixsada iyadoona dhawaan xoghaya guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres uu ku amaanay xukuumada Riyad sida ay kaga go’antahay in kooxahaasi laga feejignaado. W/ Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: albawaba.com
-
The so-called war on terror has deformed the Ethiopian state and society. The social fabric as a result has been badly frayed with widespread extrajudicial killings and torture. Can anything be done to improve this? Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa goor-dhaw ku dhawaqay inuu iska casilay xilkii wasiirka gaashaandhigga Somalia, kaddib markii uu isku sharrxay xilka guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo shalay laba xubnood oo golaha wasiirrada Somalia ka tirsan ay xilalkoodii iska-casileen, kaddib markii ay sheegeen inay u taagan yihiin xilka guddoomiyaha baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in warqaddii uu wasiirka difaaca isku-casilay uu u gudbiyay guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka, iyadoo isla maanta la guddoonsiiyay shahaadaha musharraxiinta u tartamaya xilka guddoonka baarlamaanka Somalia. Sidoo kale, Wasiir u dowle iyo wasiir ku xigeen ayaa Isniintii shalay ahayd iska casilay xilalkii ay ka hayeen golaha wasiirrada, iyagoo iyagana qaatay shahaadadii ay uga qayb-geli lahaayeen doorashada. Dhanka kale, Guddiga Doorashada ayaa horay u soo jeediyay in musharraxii doonaya inuu doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ka qayb-galo uu marka hore iska casilo xilka uu hayo. Ugu dambeyn, Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ee Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa waxay dhacaysaa 30-ka bishan, iyadoo ay ku tartami doonaan xildhibaanno iyo wasiirrada is-casilay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Difaaca oo Xilkii iska-casilay lana Gudoonsiiyay Shahaadada Musharraxnimada appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya oo joojisay Xaflad lagu soo dhoweyn lahaa Siyaasiga Cabdirahmaan Cabdishakur, Xafladdaas oo aheyd Qado ayaa lagu balansanaa in maanta uu ka dhaco Sir Cali Muslim Club oo ah fagaare weyn oo xafladaha lagu qabto una dhow Xaafada Islii ee magaalada Nairobi. Kulankaan oo casuumaadiisa loo kala diray boqolaal qof ayaa ugu dambeyntii lasoo sheegay in la baajiyey kadib amar kasoo baxay dowladda Kenya. Wararka qaar ayaa sheegaya in amarka lagu joojiyay Xafladan uu bixiyay Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka, kaasoo horay u joojiyay in aanay Mucaaradka dowladda Madaxweyne Farmaajo wax shir ah ku qaban karin Kenya. Amarka lagu joojiyey arrintaan ayaa la rumeysan yahay inay kasoo baxday madaxtooyada dalka Kenya waxaana ciidamada Booliska lagu amray inuusan dhici karin kulankaas iyo kulamada kale ee lamid ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore loogu xiray Magaalada Muqdisho kadib markii weerar lagu qaaday gurigiisa iyadoo lagu eedeeyey inuu galay dambi qaran dumisnimo ah. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor kansashay dacwaddii ka taalay Cabdiraxmaan Cabddishakuur sidoo kalana waxaa laga qaaday xayiraadii ka saarneyd dhanka safarada taasoo u sahashay inuu u dhoofo dalka Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u joojisay kulamo uu cabdiraxmaan Cabdishakuur ku qabsan lahaa magaalada Muqdisho, waxaana la yaab noqotay in haddana looga dabatagay dalka debadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan ayaa maanta iska casilay xilka Wasiirka gaashaandhigga,waxaana uu isu diiwaangeliyay tartanka guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya. Mursal,waxaa uu ka mid noqday tiro Wasiirro,Wasiir ku xigeenno iyo xildhibaanno isu sharraxay xilka guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya. Iscasilaaddiisa kaddib waxaa uu tagay xarunta Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka halkaas oo uu iska diiwaan geliyay kana qaatay Shahaaddada u oggolaaneysa in uu tartankaas ka qeybgalo. Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa haayay mid ka mid ah xilalka ugu waaweyn ee golaha Wasiirada balse uu Maanta xilkaasi iska casilay,waxana sidoo kale shalay is casilay Wasiir dowle iyo Wasiir ku xigeen kuwaas oo ka mid noqday musharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo 30-ka Bishan April 2018,sida ku cad jadwalka ay baahiyeen Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Afaafka hore iyo dhamaan agagaarka Xerada General Gordan ee shalay ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidamo milatari aad u tababaran oo wato gaadiidka Gaashaaman. Mar aan saakay soo hormaray halkaasi ayaa indhaheygu qabanayeen tiro ciidan ah oo halkaasi amniga sugayo islamarkaana diidayay xitaa in ay gaagiidka dadweynaha halkaasi istaagaan. Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Milatariga ee sida gaarka ah u tababaran lagu wareejiyay Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaalida. Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Somalida, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab oo laga keenay Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan Garoonka Ballidoogle. Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii shalay Iska hor imaad uu ka dhacay Xerada Ciidamada Imaaraadka, iyadoo taliska ciidanka Militariga Somaliya ay sheegeen in iska hor imaadkaasi ay ka dambeeyeen askar rabtay inay qaataan saanad Militari. Xalay fiidkii ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab Xerada ciidanka Imaaraadka ee Degmada Hodan, waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka gaashaaman ee ciidankaan ay wataan. Ciidamadii Imaaraadka ee xeradan ku sugnaa, ayaa noqday kuwa la xiray iyo kuwa kala cararay, kadib dagaalkii shalay ka dhacay Xeradaasi. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Gorod, ayaa sheegay in la soo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad Militari kala baxaan Xeradaasi. Si kastooy ahaataba Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wayn uga carootay falkii shalay ka dhacay Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan oo maalmo ka hor Saraakiisha dowlada imaaraadka carabta ay ku wareejiyeen Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shirkii sannadlaha ahaa mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ee Capacity Injection Project (CIP) ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Shirka ayaa waxaa shir guddoominayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soof, waxaana goob joog ka ahaa Mr Alex oo ah Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya iyo dhammaan Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha ka faa’iideysanaya Mashruuca. Shirka waxaa looga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay Mashruuca sannadkii tegey ee 2017-ka, waxyaabihii aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen, sidoo kale waxaa shirka looga hadlay qorsheyaasha sannadkaan 2018-ka u qorshaysan in la fuliyo. Waxyaabaha la taaban karo ee ka mid ah guulaha la gaarey sannadkii 2017-ka ayaa waxaa kamid ah Hirgelinta Mac-hadka dawliga ah ee maamulka iyo maaraynta ee IPAM oo markii ugu horreysey taariikhda laga hirgeliyey Puntland, Tababaradii kala duwanaa ee loo qabtay shaqaalaha dawladda, Heshiisyo uu mashruucu fududeeyey oo dawladdu la gashay Kenya, Tanzania iyo Itoobiya kuwaas oo la xiriira tayaynta shaqaalah, Higelinta tobaneeyo siyaasadood oo loo dejiyey hay’adaha kala duwan ee dawladda, Tirokoobka shaqaalaha dawladda iyo Gaadiid la gudoonsiiyey xarumaha dawladda si loo dardargeliyo shaqada xarumaha dawladda. Mashruuca tayaynta oo saddex sano ka shaqaynayey Puntland ayaa laga gaarey guulo la taaban karo oo gundhig u noqday tayaynta hay’adaha dawladda taas oo ah iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha dawladda taas oo qayb ka ahayd ballaan qaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland ee ahaa Tayaynta iyo tiro koobka shaqaalaha dawladda. The post Shirkii Sannadlaha ahaa ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha Puntland oo Garoowe Ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
In a large, empty-looking house on a hill in Hargeisa, Somaliland, Nejuu is preparing dinner for her “babies.” The veterinary student cuts up a kilo of red meat and places chunks of it on a plate. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, (CAJ News) – AT least five people, including two children, have died following severe flooding that has displaced thousands of refugees in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Canadian police are questioning the suspected driver of a rented van that ploughed into pedestrians in northern Toronto on Monday, killing 10 and injuring 15. Alek Minassian, 25, was not previously known to authorities, police said. The incident appeared to be deliberate but the motive was not clear, officials added. Canadian Prime Minister Justin Trudeau said the "tragic and senseless attack" had brought him "great sadness". Meanwhile, an officer has been praised for not opening fire during a tense standoff with the suspect, who claimed to be armed. Video broadcast on CBC News showed a man pointing what appeared to be a gun at officers and shouting "kill me". The officer tells the man to "get down" and when the suspect says he has a gun, the officer repeats: "I don't care. Get down." The suspect was then arrested without shots being fired. How did the incident unfold? Police said the white rental van mounted the kerb on Yonge Street between Finch Avenue and Sheppard Avenue at about 13:30 local time (17:30 GMT) on Monday and drove into pedestrians along a 2km (1.24 mile) stretch. Reza Hashemi, who owns a video shop on Yonge Street, told the BBC he heard screaming on the other side of the road. He said the van was repeatedly mounting the pavement and running into people. 'It was awful': What eyewitnesses saw One witness told City News that the driver was "hitting anything that comes in the way". "People, fire hydrants, there's mail boxes being run over," said the unnamed man, who said he was driving behind the van during the incident. As the van continued, the man said he sounded his horn to try to warn pedestrians. "I witnessed at least six, seven people being hit and flying in the air, like killed, on the street," he said. Another former student, Ari Bluff, said Minassian did not seem to have many friends. "I remember seeing him probably just walking down the halls, usually by himself, or in the cafeteria by himself," he said. He was speaking to CBC. Minassian went on to attend Seneca College in the North York area of Toronto, where the van incident took place, CBC reported. What else is known? Van rental company Ryder System Inc confirmed that one of its vehicles was involved and said it was co-operating with authorities. The incident happened while foreign ministers of the G7 leading industrialised nations - Canada, the US, Britain, France, Germany, Italy and Japan - were holding talks in Toronto. Foreign Minister Chrystia Freeland said the G7 meetings would continue on Tuesday as planned. "The work of the ministers obviously goes on. This is a very sad day for the people of Toronto and the people of Canada," she said. City Mayor John Tory urged residents to remain calm. "This kind of tragic incident is not representative of how we live or who we are or anything to do with life in the city on a day-to-day basis," he said. The White House issued a statement saying the US "stands with the Canadian people" and offering "any support Canada may need". Source: Hiiraan Online
-
Canadian investigators are piecing together information about the man accused of driving a van into multiple pedestrians at a busy Toronto intersection Monday, killing 10 and injuring 15. Source: Hiiraan Online