Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,170
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online): Wasiirka arimaha gudaha ee Somalia Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hor yimid markii labaad inuu qoro warqad xil ka qaadista duqa Muqdisho waxaana soo dhamaaday kulan u dhaxeeyay isaga iyo Ra’iisul wasaare Kheyre. Labadda nin ayaa la sheegay in kulankoodu uu saacado qaatay waxaana Sabriye loo soo jeediyay inuu qoro soo jeedin xil ka qaadis Taabit Cabdi gudoomiyaha gobalka Banaadir. Eng Sabriye ayaa la sheegay inuu ka gows adeegay inuu warqadda qoro, wuxuu sheegay in uusan rabin inuu dhexda ka galo xasarad siyaasadeed oo isaga ka horeysay, wuxuu wasiir Sabriye usoo jeediyay Ra’iisul wasaaraha in arintaan si hoose loo xaliyo. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laggu soo waramaya inuu awoodiisa isugu geynaayo sidii uu meesha ugga saari lahaa Taabit Cabdi oo uu arko mid isaga kursigiisa halis ku ah iyo inuu kala waregay shacabiyadii banaanka. Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in wasiir Sabriye uu kulamo la qaadan doono odayaasha Muqdisho si wax la isaga weydiiyo arinta soo korartay ee ah in Villa Somalia ay dhibsatay shirka looga hadlaayo maqaamka caasimadda taasina ay tahay sababta la rabo in xilka looga qaado Taabit. Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta beeniyay inuu jiro dhul danguud ah oo la bixiyay tan iyo markii la magaacabay madaxweyne Farmaajo, jawaabtaan waxey shaki ku abuurtay dad badan oo la yaaban sidda fudud ee Dowladdu isugu dayday in qofka iyaga ka tirsanaa ay shaarka kaga wasaqeeyso. Dowladnimadda Somalia ayaa u muuqata meel dad gaar ah ku tagri falayaan xiligaan oo cidii la doonno laga eryo ama laggu sumcad dilo iyadoo aan la eegeynin rabitaanka shacabka. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wasiirka arimaha gudaha oo markii labaad isku mari waayay warqada xil ka qaadista Taabit appeared first on Caasimada Online.
  2. The European Union (EU) jointly with the Ministry of Livestock and Fisheries Development of Somaliland, the Interafrican Bureau for Animal Resources of the African Union (AU IBAR), the International Centre of Insect Physiology and Ecology (ICIPE) and the Food and Agriculture Organization (FAO), officially closed today in Hargeisa two projects funded by the EU in the framework of its overall support to the livestock sector. The event was the opportunity to share with the newly appointed Minister the achievements of the projects, the lessons learnt and the challenges for future sustainability. RAHS Project, “Reinforcing Animal Health Services”, was implemented by AU IBAR in partnerships with Terranuova and COOPI and provided a relevant contribution to sustain and improve animal health services through a stronger partnership between the Ministry of Livestock, the private associations and the pastoralist communities. The project developed regulations and policies, supported and trained Ministry staff and communities, improved infrastructures like laboratories and inspection posts and ensured disease surveillance along the main livestock routes. On the other hand, the Project Sustainable Peri-urban Milk Value chain development in Somaliland, implemented by ICIPE in partnership with FAO contributed to increase quantity and quality of milk production in Hargeisa improving the performance of the different stakeholders along the value chain. 25 associations amongst producers, collectors and retailers were strengthened with training, new technologies for fodder production and pest control, solar powered cooling containers, rehabilitation of market infrastructures and revolving grants to support business initiatives for more than 300 women. The EU Ambassador Veronique Lorenzo recognized the importance of the livestock sector in Somaliland economy for job creation, rural livelihoods, food security and gender empowerment but also the need to address the big challenges currently affecting its performance like the drought and the Saudi ban. “The EU will still stand alongside Somaliland to overcome these challenges in order to consolidate peace and stability” she also said. The Minister of Livestock and Fisheries Development, Hassan M. Ali Gaafadhi, appreciated EU support and stressed the commitment of the Ministry to sustain the results achieved by the projects and asked for a stronger involvement and ownership of the Ministry in future interventions. The Mayor of Hargeisa Abdirahman M. Aideed welcomed the participants and expressed its gratitude to donor and partners for support provided while the Director of AU IBAR Prof. Ahmed El-Sawahly confirmed the commitment of its organization in improving the performance of the livestock sector in Somaliland in the framework of their continental strategies. The event was followed by a visit to the Hargeisa Livestock Market to officially handover the new sheds rehabilitated by the Project “ Enhancing Somali Livestock Trade (ESOLT)” also funded by EU and still being implemented by AU IBAR and FAO. The visitors interchanged with the livestock associations and the staff working in the market about possible ways to improve the management and the quality of the services provided by the facility. Horn Diplomat
  3. Muqdisho-(Caasimadda Online)-waxaa baryahaan lahadalhayay in laqabandoono shirweyne looga hadlayo maqaamka ay yeelandoonto caasimadda soomaaliya ee muqdisho. Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan uu maanta soo saaray kaga hadlay cida iska leh go’aan ka gaarista maqaamka caasimadda Dalka. go’aan gaarista maqaamka caasimadda ayaa lagu sheegay in loo raacayo sida uu dhigayo qodobka 9-aad ee Dastuurka. Sidoo kale, guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in golaha shacabku leeyahay awoodda mataaladda shacabka Soomaaliyeed sida uu qabo qodobka 63-aad ee dastuurka, loona baahan yahay in lagu xormeeyo gudashada waajibaadkiisa. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in la dhowro dastuurka iyo Dowladnimada,ka go’aan gaarista maqaamka Caasimaduna ay tahay awood gaar u ah Baarlamaanka. Go’aanka Guddoonka Golaha Shacabka Hoos Ka Akhriso:- Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoonka Golaha Shacabka Oo Go’aan Kasoo Saaray Maqaamka Caasimadda ,,WARSAXAAFADEED appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online): Maamulka gobalka Banaadir ayaa si buuxda u beeniyay inuu jiro dhul la bixiyay tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo. Maammulka gobalka Banaadir ayaa soo saaray warsaxafadeed uu ku beeninaayo inuu jiro dhul la bixiyay tan iyo markii la doortay madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo 8dii Febraayo 2017, sidoo kale shir jaraaid oo saxaafaddu ay ka qeyb gashay ayaa wehliyay bayaankan. Gobalka Banaadir ayaa ka jawaabayay warqad siyaasadeysan oo shalay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somalia oo laggu sheegay inuu jiro dhul danguud ah oo la bixiyay inkastoo dad badan ay u arkeen warqadaas mid la rabbo in lagu baajiyo shirka looga hadlaayo maqaamka caasimadda oo 28ka bishan la iclaamiyay. Lifaaqa ka aqriso bayaanka Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Maamulka gobalka Banaadir oo beeniyay inuu jiro dhul danguud ah oo la bixiyay tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  5. Shirweyne Wada-tashi ah oo ku saabsan habka ugu habboon ee loo xulanayo Xildhibaannada Puntland ee doorashada 2019 oo ay soo qaban qaabisay dallada bulshada rayidka Puntland ee(PUNSA),ayaa lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan hay’adaha daneeya maamul wanaagga iyo dimoquraaddiyeynta Puntland oo ay kamid yihiin Wasaaradda Dastuurka Puntland,Waasaradda Arrimaha Gudaha,Guddiga Doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland,aqoonyahanno,Ururrada haweenka iyo ganacsato. Aqoonyahan Maxammed Cabdullaahi Xuseen(Shoortaayo) oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ku dheeraaday halka ay salka ku hayso dhibaatada Soomaaliya,wuxuuna ku taliyey in musuq maasuqa meel looga soo wada-jeesto,si loo helo hufnaan iyo caddaalad,islamarkaana loo gaaro horumarka la hiigsanayo. Guddoomiye ku xigeenka guddiga maamulka loo dhanyahay ee PUNSA,Maxammed Jaamac oo dhinaciisa Shirka ka hadlay ayaa dowladda Puntland iyo Shacabka ugu baaqay in lagu dhaqmo talooyinka shirkaan ka soo baxay ee ku saabsan xulista Xubnaha Baarlamanka Puntland ee doorashada 2019. Shirka ayaa geba-gabadii laga soo saaray Talo-soojeedin ka kooban 8 qodob oo ku aaddan sida ugu habboon ee loo soo xulanayo Baarlamanka Puntland ee doorashada 2019,waxaana saxaafadda u akhriyey Mudane.Axmed Muuse Maxammed oo ah madaxa u Qareemidda PUNSA. Halkaan ka daawo. PUNTLANDPOST The post Daawo:PUNSA oo soo saartay talooyin ku saabsan DoorashadaPuntland ee 2019 . appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Bartamihii todobaadkii la soo dhaafay waxaa Qadka Tilefoonka ku wadahadlay Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Madaxeynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka,gaar ahaan muranka Somaliland iyo Puntland ee Gobolka Sool,sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadallada dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland. Intii wada sheekeysigaasi socday waxaa ay Madaxdu isla soo qaadeen in wadahadallada labada dhinac dib u billaabaan,waxaana soo baxaya warar sheegaya in markan meel aan Turkiga ahayn lagu qabanayo. Wadahadalka Taleefanka ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa ka shaqeysay Hay’adda CENTER FOR HUMANITARIAN DIALOGUE. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Muuse Biixi ka dalbaday in laga shaqeeyo xasilloonida Gobolka Sool,iyada oo Muuse Biixi ku dooday in dagaalka Tukaraq uu ka yimid dhinaca dowladda Federaalka ah islamarkaana wasiir ka tirsan Federaalka booqday degaannada Somaliland. Labada dhinac ayaa isla gartay in dib loo billaaabo wadahadallada Siyaasadeed iyada oo aan ilaa hadda la caddeyn taariikhda ay dib u furmayaan iyo cidda marti gelineysa maaddaama Somaliland diidday in Turkiga marti geliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wadahadalladii Dowladda dhexe iyo Maamulka Somaliland oo dib u billaabanaya iyo meel aan Turkiga ahayn oo lagu qabanayo . appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeysa-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sicir-bararka, Saxaafadda, Arrimaha ka taagan gobollada Bariga Soomaaliland, xaaladda guud ee guud ee dalka. Shir Jaraa’id uu Warabhinta ugu qabtay Hargeysa ayaa waxa uu diirada ugu saaray xaalada amni ee deegaanada Soomaaliland iyo waxayabaha iska bedelay mudada bilka iyo xoogaa ah ee ka soo wareegtay markii la doortay. Waxa uu hadalkiisa intaas sii raaciyay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay iminka dhibaato ka dhex taagan tahay balse aysan iyagu hadii ay yihiin Soomaaliland aysan ku laheyn wax eed ah. Laakin Soomaaliland lagu soo duulay. “Caalamka waxaan u shegeynaa in aanan Soomaaliya ku xadgudbin mana jirto colaad aan abuureyno balse anaga ayaa dagaal nagula hayaa lakin aniga dalkeena ayaan joognaa cidna duulaan kuma nihin Dastuurka Soomaaliland waxa uu qorayaa in an xaduudaheena ilaalino balse garanmeyno abaabulka Soomaaliya ka socda ee Xaduudaheena ay Ciidamo u soo dhoobeyn. Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Muuse Biixi. http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/01/Madaxweynaha-Soomaaliland-Muuse-Biixi.mp3 Caasimada OnlineXafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay xiisada Tukaraq kuna hanjabay dagaal appeared first on Caasimada Online.
  8. Hargeysa (PP) ─ Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku Qabtay Hargeysa, ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; Nabad-gelyada, dhaqaalaha, xiisadda ka taagan deegaanka Tuka-raq iyo arrimo kale. Madaxweyne Biixi oo ka hadlaayay Xiisadda ka taagan deegaanka Tuka-raq ayaa sheegay in Somaliland aanay ku xad-gudbin Soomaaliya ee dhulkooda qayb ka mid ah ay tageen ciidanka Somaliland, dhibaato kalena aysan jirin. “Beesha Caalamka waxaan u sheegayaa in aanan ku xud-gudbin Somalia,” ayuu yiri Muuse Biixi oo intaas ku daray. “Ciidamadeenu waxay tageen qayb ka mdi ah dhulkeenna, mana jirto xad-gudub ay sameeyeen.” Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inaysan jirin cid uu xal u yahay dagaal, gaar ahaan Somaliland iyo Somalia. Wuxuuna yiri” in aanu maanta cid la dagaalno dani noogu jirto, Somalia iyo Somaliland maanta cid uu dagaalku xal u yahay ma jirto.” Madaxwaynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray inuu waajib ka saaran yahay inay sugaan amniga xuduudahooda, isla markaana ay taas diyaar u yihiin, isagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka Somalia inay joojiyaan wuxuu ugu yeeray qaska ay ka waddo qaar ka mid deegaannada Somaliland. Dhanka kale, Mar ay warbaahintu waydsiisay wadahadallo la sheegay inuu khadka Taleefoonka kula yeeshay madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in aanay toos u wada-hadlin, balse loo kala dab-qaaday. Isagoo ka gaabsaday inuu bixiyo tafaasiil intaas ka badan. Waxaa kaloo Muuse Biixi Cabdi la weydiiyay hadalkii Wasiirkiisa Warfaafinta ee ahaa inaanay mas’uuliyiinta Dowladdu la hadli doonin warbaahinta gaarka loo leeyahay, ayuu sheegay inay iyagu dowlad ahaan u baahan yihiin War-baahinta madaxa-bannaan. Ugu dambeyn, Hadalladan kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisado ba’ani ka taagan yihiin deegaanka Tuko-raq oo ay isku haystaan Puntland iyo Somaliland, Waana markii ugu horreysay oo madaxwayne Biixi uu shir jaraa’id qabto tan iyo markii xilka loo dhaariyay. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNAHA SOMALILAND: Ma filayo inay jirto cid Maanta faa’iido ku helaysa Dagaal appeared first on Puntland Post.
  9. Baraawe-(Caasimadda Online)-kulan looga hadlaayay Amniga Gobolka Shabeelaha hoose ayna ka qeybgaleen Masuuliyinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu qabtay Degmada Baraawe ee Gobolkasi. Kulankaasi ayaa waxa looga hadlay ka warbixiyay Gudoomiye ku xigeenka maaliyadda C/fitaax Cabdulle, wuxuuna sheegay in xaladda gobolka shabeelada hoose iyo kulamada ay la yeesheen masuuliyiinta ku sugaan magaalada Baraawe. Masuuliyiin ka socda Wasaarad arrimaah gudaha ee maamulka K/galbeed ayaa kulamo la yeeshay Masuuliyinta magaalada Baraawe oo iskugu jira Odayaasha dhaqanka iyo dadka degaanka, waxayna kala hadleen ammaanka degmada sidii loo xaqiijin lahaa, iyaadoo la ogsoon yahay in Maleeshiyaadka Al-shabaab sanadkii tagay ayaa ku dileen labo ruux oo ka mid ah dadka deegaanka. Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sidoo kale sheegay in ay laga marmaan tahay sugida ammaanka degaanada gobolka shabeelaha hoose, wuxuuna ugu dambeyntii ugu baaqay Dadka ku sugan magaalada Baraawe in ay ka qeyb qaatan sugida amaanka magaalada Baraawe . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Sh/hoose Oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Koonfur Galbeed Oo lagu qabtay Baraawe . appeared first on Caasimada Online.
  10. Dowlada Puntland ayaa wada Qorshe lagu daryeeayo Shacabka ku nool Tukaraq iyo nawaaxigeeda oo ay saameeyeen Dhaqdhaqaaq colasdeed ee ka taagan Deegaanka. Dowlada ayaa u qoondeysay Lacago lagu taageerayo Shacabka Deegaanka Hadii ay timaado baahi ama barakac. Sargaal ka tirsan Dowlada oo ku sugan Deegaanka ayaa Puntlandi u sheegay in ay Dowlada Puntland wado dadaal ay ku xakameynayso in ay sameyn nololeed ku yeelato Dhaqdhaqaaqa ay wadaan Maleeshiyaadka soo galay deegaanka. Sargaalku wuxuu kaloo sheegay in Xaalada ay aad u degantahay Dowladuna la socoto Xaalada Shacabka. Wuxuu kaloo sheegay in xitaa shacabka Puntland gudo iyo dibadbavay mar walba deg deg uga jawaabaan baahi walba oo soo wajahda Qaybbkamid ah Shacabka Puntland, ayna hada Xukuumadu u qorsheysay Aduun farabadan Hadii ay baahi deg dega ka timaado deegaanadaan. Puntlandi Garowe
  11. Balanballe (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay. Safarka uu Farmaajo ku tagay Balanballe oo qayb ka ah socdaal uu ku kala bixinayo Gobolada dalka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay boqolaal shacab ah kuwaasoo isugu soo baxay waddooyinka degmadaas. Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa safarkaan wehlinaya Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir iyo Mas’uuliyiin kale. Dhanka kale, Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu meel fagaare ah kula hadlo shacabka ku dhaqan degmada Balanballe, isagoo socdaalkan kaddibna tegi doona deegaanno kale oo Gobolka Galguduud ka tirsan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Degmada Balanballe appeared first on Puntland Post.
  12. Jabuuti-(Caasimada Online)-Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay Arimaha Siyaasadda, amaanka iyo Taageerada dibadda ee Soomaaliya. Madaxweyne Geelle ayaa taageeray in Ciidamada AMISOM ay soo afjaraan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo socday in ka badan 10 sano, waxa una sheegay in la gaaray waqtigii ay Ciidamada Soomaaliya maamuli lahaayen Dalkooda. “waa la gaaray waqtigii ay la wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya amaanka Dalkooda, waxaana kula talinayaa in ay dalkooda u istaagaan sidii ay u xalin lahaayeen, maxaa yeelay ma jirto awooda culus oo ka soo horjeeda ama Dowlado diyaarada wata oo ka soo horjeeda, shabaab waa ay dhamaadayn inta hartayna waa ku filan yihiin”. Ayuu Yiri madaxweyne Geelle. Hadalka Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay bilaabatay bixitaanka Ciidamada AMISOM, waxaana Dalkii ugu horeeyay ee Ciidankiisa qaar ka mid ah la baxo uu noqday Dalka Uganda oo ay Soomaaliya ka joogaan in ka badan 6,000 oo Askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweynaha jabuuti Waxaalagaaray Xiligii Ee Bixilahaayeen Ciidamada …. appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online): Shalay ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ee ku sugnaa Magaalada Guriceel loo yeeray in uu safarkiisa soo gaabiyo. Ra’iisul lwasaare Kheyre oo uu codsiga yeeritaanku ka yimid ayaa durbadii shir deg deg ah oo ay albaabadu u xiran yihiin la galay Wasiir Cabdi Maxamad Sabriye. Kheyre wuxuu ka codsaday Wasiirka in uu soo qoro qoraal soo jeedin ah oo xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed. Warqada soo jeedinta ayuu Ra’iisul wasaaruhu dalbaday in lagu xuso eedaymo musuq maasuq ah isagoo cuskanaya qoraalka isla shalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha. Maxaa la gudboon Wasiirka ? Cabdi Maxamad Sabriye oo ah nin ganacsade ah oo aan siyaasada horay ugu jirin ayaa xilka loo magacabay wuxuu ahaa mid loogu yeeray ee uusan isagu soo raadsan. Sababta ugu wayn ee loogu yeerayna waxay ahayd in uu dawlada ka xigsado kana xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhexeeysa xukuumada iyo Beesha uu Sabriye ka soo jeedo. Haba ugu horayso labadii dhacdo oo lagu weeraray hoyga Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo tii loogu dhacay guriga Senator Cabdi Qaybdiid. Wasiir Sabriye weli xaafiiska si fiican uma fariisan, farna uma qaadin xalinta xasaradihii loo keenay. Waxaase laga dalbanayaa in uu lugta la galo xasarad kale oo ka dhex aloosan rag iyagu shalay isku meel ka soo wada jeeday oo kawada tirsanaa kooxda Nabad iyo Nolol. Waxay mushkiladan taabanaysaa dadka degan Muqdisho oo uu Wasiir Sabriye ku matalo awood qaybsiga 4.5. Sida muuqata Wasiir Sabriye waxaa loo keenay xalinta mashaakil taagan, ee looma keenin abuurista kuwo hor leh. In baahi siyaasadeed oo taagan loo keenay, in uusan ahayn shakhsi siyaasada isagu soo doontay, kana maarmi kara shidadeeda waxay siinayaan wax afka qalaad lagu yiraahdo (leverage), saamayn togan oo uu xal ku keeni karo, taasoo uu madaxdiisa runtaa ugu sheegi karo isagoon toos uga hor imaanin. Waa tabtii uu Nuur Cade kula dhaqmay Madaxweyne C/laahi Yusuf. Nuur Cade wuxuu xooga saaray in uu Mushkilada taagnayd xaliyo, isagoo aan si toos ah Madaxweynaha u mucaaradin, waana arrinka uu Taabit Cabdi Gudoomiyaha Gobolka isku deyey in uu ku maareeyo falceliskii ka dhashay weerarka hoyga siyaasi C/raxmaan C/shakuur iyo u dhicidii Guriga Senator Cabdi Qaybdiid. Wasiirku waa in uu helaa fursad uu ku xalin karo mushkiladaha xukuumada haysta, loona arko in uu yahay ilaa xad ruux madaxbanaani iyo sumcad leh oo aan hiyi raac ahayn. Caasimadda Oline Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Maxaa la gudboon Wasiirka Arrimaha Gudaha xili uu xoogeystay khilaafka Taabit iyo Villa Somalia ? appeared first on Caasimada Online.
  14. HARGEISA–Preident of Somalia, Mohamed Abdilahi Farmajo and Somaliland New President, Musa Bihi spoke by telephone, the highest level contact between the two countries which was aimed to diffuse the dispute over border row. The Phone call took place just last week before Somalild’s president left for two day state visit to Ethiopia leading a high level delegation. Center For Humanitarian dialogue has facilitated the two leaders to engage with phone conversation, the first of its kind since Somalilad broke away from Somalia in 1991. The two leaders have discussed the resumption of Somaliland and Somalia stalled talks and the acrimony in Tukaraq town. President Bihi has reasserted to his Somalia counterpart that the clashes between Puntland and Somaliland is instigated by Somalia and has protested against the visit embarked by Somalia’s minister for planning which came to Somaliland’s Badhan town where it was interpreted as provocative move where Somaliland’s territorial integrity has been infringed. According to Center, the Somali president has argued that his government is not willing to shed Somali blood but loves peace and further called on resolving the dispute by peaceful means. Both leaders have reached a common understating of the intimidate resumption of stalled talks between Somaliland and Somalia and there is a possibility that a new venue will be chosen for the talks to take place. Another country will be announced which is due to hold the dialogue between Somaliland and Somalia. Turkey used to mediate the stalled talks between the two states.
  15. The US government officially shut down on Saturday, the first anniversary of President Donald Trump's inauguration, after lawmakers failed to agree a stop-gap spending deal. Source: Hiiraan Online
  16. Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi said Friday he would stand in a presidential election due to take place in March. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimadda Online): Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya iney hadda shir gaar ah ku jiraan wasiirka arimaha gudaha Eng Sabriye iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kuwaas oo ka wada hadlaya qaabkii loo dhigi lahaa xil ka qaadis lagu sameeyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi. Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaruhu uu ku amray wasiirka arimaha gudaha inuu soo jeediyo xil ka qaadis laggu sameeyo Taabit Cabdi habeenkii xalay ahaa, laakiin waxaa la sheegay in wasiirka arimaha gudaha uu ka cudur daartay inuu soo jeediyo xil ka qaadista laggu sameeyo Duqa Muqdisho. Eng Sabriye wuxuu ku doodaya inuusan heynin wax uu daliil uga dhigo soo jeedinta xil ka qaadista madaama uusan wali xafiiskiisa fariisan tan iyo markii la magacabay, Ra’iisul wasaaruhu wuxuu mar kale saacan oo xiliga qadada ah u yeeray Eng Sabriye si aannu u dheeraan buuqa soo if baxaya ee ka dhalan kara xil ka qaadista Taabit. Lama garanaayo waxa uu arinku ku dhamaan doono, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya inuu Sabriye iska ilaalinaayo inuu lugaha la galo dagaal siyaasadeed oo isaga ka horeeyay, si walbaba dagaalka Villa Somalia ay ku dooneyso iney ku baajiso shirka looga hadlaayo ayaaha caasimadda ayaa sii xoogeystay saacadihii lasoo dhaafay. Dadka qaar waxey is weydiinayaan nuuca ay noqon doonta falcelin ka dhalan karta qorshaha ay saaxibadda madaxweyne Farmaajo isku hor taagayaan shirka 28ka bishaan ee uu ku baaqay maamulka gobalka Banaadir. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post DEG DEG : Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wasiirka Arimaha Gudaha oo hadda ka xaajoonaaya xil ka qaadista Taabit appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Kulankii Xalay ee Duubabka iyo Waxgaradka gobolka Banaadir ee kaga jawaabayeen warqadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa kasoo yeeray odayaasha hadallo kulol oo ay ujeedinayeen madaxda sare ee dalka. Ugaas Cabdulaahi Geedi Shadoo oo hadalkooban ka jiidiyay ayaa yiri “Waxaan idiin sheegeynaa ragga madaxdda ah sidda madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, iyo Taabit waa isla yimaadeen ha isla joogaan, hadii ay suuroobi weyso halkaan dhalahaa la diraa cidaannu yeeli meyso ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi Geedi Shadoor. Sidoo kale odayaashu waxey sheegeen in la sameyn doono gudiyo u badan duubabka dhaqanka ee dhamaan beelaha daga gobalka Banaadir kuwaas oo ka xaajoonaya sidii ay Muqdisho ku heli laheyd maqaam iyo mataalad gaar ah. Xalay waxey aheyd habeen Muqdisho oo dhan ay dhagtu u taagneyd , waxaa la hadal hayay inuu is casili doonno gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi kadib markii ay isagga iyo Villa Somalia isaga hor yimadeen shir looga hadlaayo maqaamka caasimadda oo uu Taabit ku dhaawaqay. Taabit Cabdi ayaa kudhawaaday in uu iska casilo xilka maamulka gobolka iyo duqa muqdisho asagoo usababaynaya in ay jiraan siyaasiyiin ka hawlgala madaxtooyada kuwaas oo kashaqaynaya iska horkeenka isaga iyo madaxda ugusaraysa dalka . https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/01/shadoor.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Boqor C/llaahi Geedi Shadoor “Kayeeli Mayno Thaabid keligiis ayaa baxaya, way wada baxayaan ama way wada joogayaan”. appeared first on Caasimada Online.
  19. Balanbal-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaana Deegaankaas ka soconaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminaayo. farmaajo ayaa la kulmi doono Mas`uuliyiinta iyo waxgaradka Balanbal, booqashadaan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay ee uu Maadxweyne Soomaaliyeed ku tago Deegaanka Balanbal kadib Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha unaxariistee Maxamed Siyaad Barre waxaa Deegaankaas maanta gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. booqashaada Balanbale ee Madaxweynaha ka dib waxa uu usii gudbi doonaa Deegaanka Xeraale iyo Degmada Caabudwaaq iyo Deegaano kale oo ka tirsan Deegaanada Maamulka Galmudug uu ka arimiyo halkaas oo lagu soo gaba gabeen doono socdaalka Nabada ee Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobolda Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay gaaray Deegaanka Balanbal kadib Madaxweyne Siyaad Barre. appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online ): Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ma ka shaqeeyaan in dalkaan xasillooni siyaasadeed ka dhacdo, mise xasilloonida waa inaan kuraastooda laga hadlin?. Taabid Cabdi waa nin dhalinyaro, kuna soo biiray Siyaasada Soomaaliya xiligii Madaxweyne Hassan Sheikh, isaga oo noqday Agaasime ku xigeenkii Madaxtooyada. Thaabid xilligii uu joogay Villa Soomaaliya waxaan ku aqaanay nin howlkar ah, shaqadiisana ku firfircoon, jecelna in uu bulshada ka dhex muuqdo. Sifooyinka kale ee aan Taabid ku aqaanay waxaa kamid ahaa in uu ahaa nin qab leh oo mar waliba jecel in uu amarkiisu socdo, kana aarguto qofka ay mar isqabtaan, taas oo marar badan sababi jirtay inay isku dhacaan sxbada ku dhawdhaw Madaxweyne Hassan Sheikh, lkn mar waliba waxaa lagu wada socon jiray dusha oday Hassan oo dhanka kale Taabid sodogiis ahaa. Isku dhacyadii Taabid iyo saaxiibada Madaxweyne Hassan waxay kaliftay in Taabid laga badalo Madaxtooyada Soomaaliya loona badalo safaarada Soomaaliya ee Marykanka. Lkn sidii caadada u ahayd ma hilmaamin dakanadii uu u qaaday oday Hassan Sheikh iyo saaxiibadiis ee halkaas ayuu uga soo biiray ololihii xukunka looga tuurayay Madaxweyne Hassan Sheikh. Wuxuuna laf dhabar u ahaa kooxdii dhistay Madaxweyne Farmaajo. Magaca Taabid waxa uu aad usoo baxay markii lagu jiray ololihii xulashada Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo sida uu ii sheegay Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre uu ahaa Taabid ninka kaliya ee abaalka ku leh in uu noqdo Ra’iisul Wasaare. Sidaas daraadeed uu u balan qaaday in uu ugu abaal gudo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mogadishu. Muxuu salka ku hayaa khilaafka Taabid iyo saaxiibadiis? Sidii aad ka dheehan karteen mudooyinkii hore xafladihii uu qaban jiray Gudoomiye Taabid mar waliba waxaa kasoo dhex muuqan jiray Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre, xafladahaas oo mararka qaar xitaa aan musaasib ku ahayn maqaamka iyo hab maamuuskiisa Ra’iisul Wasaarenimo. Lkn ujeedada ay ka lahaayeen Gudoomiye Taabid iyo saaxiibadiis waxay ahayd: In si adag gacanta loogu qabto Ra’iisul Wasaare Kheyre, loona tuso dadka inuu yahay shaqsi la keensaday oo waxaba aan ka dhex goynin nidaamka dowladeed ee uu madaxda u yahay, markii loo baahdana la adeegsan karo magaciisa iyo mansabkiisa. Waana mida sababtay in ay lunto inta badan kalsoonidii reer Mogadishu ku qabeen Ra’iisul Wasaare Kheyre, uguna muuqatay in uu yahay magac u yaal. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo isagu aan kamid ahayn saaxiibadii dhistay Madaxweyne Farmaajo, mudadii uu joogay waxa uu ku dadaalay labo arimood: 1. In uu dabacsanaan iyo soo jiidasho badan u muujiyo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis maadaaba uu ahaa qof ku cusub kooxda Farmaajo. Kalsooni dhisidaas oo gaartay in Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga maamulo midka Madaxweynaha hal agaasime na wada xukumo. 2. Wuxuuna sidoo kale ka fogaaday mararka qaarna dagaal toos ah ku qaaday cid kasta oo lagu tuhmayo in aysan la dhacsanayn siyaasada Villa Soomaaliya. Ama xitaa xurguf yari kala dhaxeysay saaxiibada Madaxweyne Farmaajo xiliyadii doorashada kahor. Taabid oo markii hore ee la magacaabayay Kheyre aan gaarin 40 sano jir oo ah da’da uu ku shardinayo dastuurka KMG ah qof kasta oo qabanaya xilka Ra’iisul Wasaarenimo, door weyna ku lahaa in Kheyre Ra’iisul Wasaare noqdo ayaa bilaabay bilihii ugu danbeeyay inuu kasbado beelihii iyo siyaasiintii uu dhumiyay saaxiibkiis Kheyre. Sidoo kale Taabid waxa uu isku arkay inuu yahay shaqsiga ku haboon oo hagaajin kara isfaham la’aanta iyo xiriirka la “xumeeyay” ee Siyaasiinta reer Mogadishu iyo Madaxweyne Farmaajo. Lkn sadex arimood oo is biirsaday ayaa sabab u noqotay in uu hada la kulmo cadaadiska heysta: 1. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kalsooni fiican ka dhex sameystay Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis kuna qanciyay in saameynta siyaasadeed iyo mida deegaaneed gaar ahaan Gobolka Banaadir ee Taabid lasoo baxay in ay halis ku tahay mustaqbalka Siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo doorka awoodeed ee dowlada Federaalka ay ku leedahay Gobolka Banaadir. 2. Kheyre oo xili hore fahmay damaca Gudoomiye Taabid kana tabaabushaystay, go’aansadayna inuu daadka raaciyo inta aysan isaga biyuhu soo gaarin. 3. Gudoomiye Taabid oo lasoo degdegay damaciisa siyaasadeed iyo midka dagaalka Kheyre isaga oo aan hubsan mowqifka saaxiibadiis ka qabaan in xiligaan dagaal lagu qaado Ra’iisul Wasaare Kheyre. Haddaba, muddadii 11ka bilood ahayd ee Madaxweyne Farmaajo joogay waxaa la badalay: 3 Agaasime guud ee Madaxtooyada, 3 la taliyeyaal Amniga Qaranka, 7 Taliye Ciidan, 7 Wasiir oo ka mid ah 26 ka Wasiir ee xukuumadda Kheyre. Maantana waxay maraysaa in la beddelo Guddoomiyaha Gobolka, taas oo macnaheedu yahay in la beddeli doono ku xigeennadiisa iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka (maadaama uu Taabid keensaday). Su’aashu waxay tahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ma ka shaqeeyaan in dalkaan xasillooni siyaasadeed ka dhacdo, mise xasilloonida waa inaan kuraastooda laga hadlin. Haddiise ay ku guulaysan waayeen inay xalliyaan khilaafka ka imaan karo maamulayaasha xafiisyadooda, la taliyeyaashooda, taliyeyaasha ciidamada, xubnaha Golaha Wasiirada, hadana ay marayso in saxiibkii ugu dhawaa Farmaajo marka laga reebo Fahad, in la cunayo, soo inaan isweydiinno ma aha kartida hoggaamineed ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay dalka sii hogaamin karaan?! Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad The post Xildhibaan Mahad Salaad oo si aan la fileyn uga hadlay khilaafka Taabit iyo Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  21. Tukaraq-(Caasimadda Online-)Maamulka Khaatumo State ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha samofalka ah in kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadkii dhowaan ka baracay dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Wasiirka arrimaha dibadda Khaatumo, Caynaanshe C/raxmaan oo la hadlay idaacadda goobjoog ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xiisadda ka taagan deegaanka tukaraq. dhawaan ayay ahay markii ay ku dagaalameen deegaanka tukaraq maamul labada maamul goboleed ee Puntland iyo Somaliland. waxaana halkaas kubarakacay Shacab aad u badan. Caynaanshe ayaa tilmaamay in dadkii ka barakacay ay xaalad adag ku sugan yihiin, loona baahan yahay in lalasoogaaro gurmad degdeg ah. “Annaga wixii wixii karankeena ah ee aan ka geysan karnay waan ka geysannay, waxaan sugaynaa dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka iyo hay’adaha kheyriga ah waxaan ku ugu baaqaynaa in dadkaan ay u gurmadaan, sidoo kale cid walbo oo Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in shacabkaasi la taageero” ayuu yiri wasiir Caynaanshe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maamulka Khaatumo Oo Baaq u Diray dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Hay’adaha Samofalka Ah Si ay kaalmo ulagaaraan Dadkii.. appeared first on Caasimada Online.
  22. The United Nations has welcomed the positive political moves undertaken by the Ethiopian government after it released a number of detained politicians earlier this week. Source: Hiiraan Online
  23. Jamaame-(Caasimadda Online)-Weerarkii xalay ay Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah oo iskaashanaya ay kafuliyeen Gobolka Jubada hoose gaar ahaan Degmada Jamaame ayaa lasheegayaa in Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay Ciidamadii Al-shabab ee jooga Jamaame,waxaana Al-shabaab ay sheegeen in Ciidamada isbaheysanayay ay dhinaca Magaalada Kismaayo aadeen markii dambe. Warbaahinta kooxda Al-shabab ayaa qoraysa in Ciidamada isbaheysanayay ay dhulka degeen iyaga oo isku dayay in ay dagaal ka galaan gudaha Magaalada balse Al-shabaab ay ka war heleen xogta weerarkaas. Al-shabaab waxa ay intaas raaciyeen in Ciidamada huwanta ah ay duqeeyeen Magaalada oo ay ku garaaceen Hoobiyayaal ka hor inta aysan ka bixin. Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin hadalka AL-shabaab ee la xiriira in xalay degmada Jamaame ay weerar ku qaadeen. Ciidamada Mareykanka iyo kuwa gaarka ah ee Soomaaliya ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Al-shabab,waxaana ugu dambeeyay weerar Habeen ka hor ay ka fuliyeen degaanka Jameeco Jilyaale oo ka tirsan Shabeellaha dhexe halkaas oo dowladdu sheegtay in ay Carruur la askareynayay ka furteen xarun Al-shabaab ay leeyihiin. Al-shabaab ayaa dhinacooda beeniyay in Carruurtaas la skareynayay,waxaana Afhayeen u hadlay uu sheegay in Carruurta oo dugsigooda dhiganayay la weeraray halkaasna lagu dilay Macallin iyo 4 ardeydiisa ka mid ahayd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-shabab oo warkasoo saartay weerar xalay lagu qaaday Jamaame iyo qasaarihii kadhashay appeared first on Caasimada Online.
  24. Saudi Arabia's delegation to the World Economic Forum (WEF) in Davos next week will be led by state minister Ibrahim al-Assaf, who was released from detention related to an anti-corruption purge in November, Saudi sources said. Source: Hiiraan Online
  25. Maamulka gubolka karkaar ayaa sheegay in gubolka ay ka jidho abaar daran, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed kasoo baxay guddoomiyaha Cabdulaahi Maxamed Barre. Maamulka ayaa codsaday in dowladda Puntland iyo hay’addaha samafalka inay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lagaa abaaraha ka jira gobolka Karkaar. Gobolka Karkaar ayaa kamid ah degaanadii Dayrtii lasoo dhaafay uusan roobku ka da’in meelo badan.