-
Content Count
210,589 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi waxa uu oggolaaday in Ciiddamo aan tiradooda la sheegin loo soo dirayo Somalia, kuwaasi oo uu dhawaan Tababar ugu soo xiray Xarunta Tababarka ee Taaageerida Hawlgalladda Ammaanka oo ku taalla Degaanka Singo ee Degmadda Nakaske ee dalkaasi. Jeneral Muhoozi waxa uu tilmaamay in Kooxda Ciiddamadda Dagaalama ee (Battle Group 25) ku biiri doonaan Hawlgalka AMISOM ee mas’uulka ka ah Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia. Guutadaasi waxaa Taliye u ah Kolonel Paul Muwanguzi, Waxaana Kuxigeenkiisa noqonaya Kolonel CK Asiimwe. Dhinaca kale, Dowladda Uganda waxay soo diraysaa Ciiddamo kale oo ka madax bannaan kuwa Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ah Ciiddamo Khaas u ah Ilaaladda Xarumaha DFS, kuwa QM iyo Gelbinta Madxda Sare ee DFS iyo kuwa Hay’ddaha QM ee ku sugam Somalia. Ciiddanka Ilaaladda Xarumaha DFS iyo kuwa QM waxaa Taliye loogu soo magacaabay Kolonel Stuart Agaba, halka Ku-xigeenkiisa loo magacaabayGaashaanle Edward Mugisha. Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi waxa uu Ciiddankaasi kula dardaarmay Akhlaaq Wanaag iyo inay daacad u noqdaan Hawlgalka loo dirayo, isla marfkaana ay hoos u dhigin Sharafka dalkooda. Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 6,000 oo Askar ka socota Uganda ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waana Waddanka ay Ciiddanka ugu badan ka joogaan Somalia, marka loo eego Dowladaha kale ee Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Hindiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Suchitra Durai iyo wafti ay hogaaminaysay. Waxayna ka wada hadlayn xiriiirka qotada dheer ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqayn karaan labada dawladood. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Hindiya ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa iska xaal waraystay xaaladaha labada wadan iyo xiriirka wadashaqeneed ee ka dhaxeeya, waxayna isla garteen in la sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hindiya, si shacabka labada dal ay u kala faa’iidaystaan. Suchitra Durai ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre u sharaxday qorshaha ay dawladda Hindiya doonayso in ay kula shaqeyso Soomaaliya, sidoo kalena waxay u soo bandhigtay mashariic dhowr ah oo ay dawladda Hindiya ka hirgalin doonto Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ay kulanka ku weheliyeen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiir Dawlaha Arrimha Dibadda ayaa madaxda Hindiya ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya ula shaqeyaan, waxayna ku dhirigaliyeen shaqooyinka horumarka leh ee ay ka wadaan dalka.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmo ka hor Agaasimaha guuda ee NISA uu shaqo ka joojin ku sameeyeey Laba ku xigeenadiisa ah ,kuwaas oo kala ah:Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamad oo mudo ahaa Taliye-ku-Xiggeenka Dhinaca Sirdoonka NISA iyo G/Sare Abduqaadir Mohamed Nur Jaamac. Labadaba waxaa hadda lagu haystaa inay ku takrifaleen awoodda hay’adda. Agaaimaha Nabdasugidda ayaa waxaa uu labdodababa ku sameeyey shaqo ka joojin, waxaana la sugayaa inuu madaxweynaha xilalka ka xayuubiyo si loo maxkamadeeyo. S/Guuto Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa loo haysataa edeymo badan oo saldhigoodu yahay inuu siduu rabo u isticmaalay awooodda xafiiska, waxaa kaloo loo tiiriyey inuu lug ku lahaa qarraxyo magaalada ka dhacay iyo ka ganacsi dadka la soo xeray ama la daayey. Sido kale G/Sare Abduqaadir Mohamed Nur ( Jaamac ) oo ahaa Taliye xigeenka Dhinaca Maamulka iyo Maaliyada NISA ayaa lagu eedeeyey arrimo ka mid yihiin: musuq maasuq, qaatayna hantida Hey’adda, taas oo uu u isticmaalay si gaar ah, dilal iyo qaraxyodad ay ku la’deeen. Warar kale ayaa sheegaya in raggaas la maxkmadeyn rabo suuragalna ay tahay in la geeyo maxkamadda cidamada qalabka sida si luu xukumo iyadoo u cuskaneysa khalkhal gelinta amaanka. Labada taliye xigeen ee xilka laga qaaday ayaa ka hor imaaday xil ka qaadista lagu sameeyey iyagoo ku andacoonayo inuusan taliyaha awood u laheyn inuu xilka ka qaado. Wararka qaar ayaa sheegayo in xil ka qaadistaas uu ka dambeeyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sida uu dastuurka qabo madaxweynaha Soomaaliya ayaa awood u leh in xil ka qaadista iyo magacaabista dhammaan xilalka ciidamada noocyadooda kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa ka mid ahaa dad sida weyn ugu dhib qabey xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho, waayo waxaa ka soo gudbaa saddex Jidgooyo oo kala ah warshadaha, Wadnaha iyo Makka Almukarama hase yeeshee Shaley iyo Maanta waxay ahaayeen Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Waxaa moodaa in uu Dhamaadey Ereygii Kala wareeg oo maalmahaan Magaalada aad ugu soo batey. Saakey waxaa Dhagaheyga ku maqaley Haweeney la Hadley Haween kale waxay tiri “Muddo Labailood isma anaan arag Calashaan wadooyinka Xiran marka walaal Wadooyinkii waa la furey ee Jimcaha soo socota Aniga ayaa ii Marti qaadan tahay” Tii kal waxay leedahay. “ Aleyle Waa farxad iyo Reyntey mar hadii ay Dowladii Jidgooyadii ay qaadey marka waxaan ku leeyahay “ Ibna aadan is waayey Jid gooyaa kala geysey walaal waa inoo Jimaca hadii uu Eebe Idmo “ Ma yara dadka Dhibaatada ka soo gaartey Xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.. Sidoo kale Saakey Quraacdii waxaa la ii keeney Khudaar aan mudooyinka aan Cunin markii aan weydiiyey Saaxiibtey waxay tiri “Wadooyinkii baa la furey marka waxaana Magaalada soo galey Gawaari fara badan oo sida Khudaar waxaa ka sii daran Khudaarta aad bey u jabtey Nus Doolar baad ku xaabsaneysaa intaas oo Khudaar kala duwan.“ Furnaanshaha Wadooyinka waxay sahashey in Bukaanada ay gaaraan Goobaha Caafimaadka sidoo kale Dhaqaatiir Xarumahood oo mudo Dhowr Bilood ah aysan soo fariisan Wax bukaan ayaa shaley iyo Maanta waxaa Buux dhaafiyey dad Bukaan ka dib markii ay waayeen meel ay u maraan Isbitaalada. Xirnaanshaha wadooyinka waxay kaloo ay saameeyn ku yeeshee Goobaha Waxbarashada , mar aan la Xiriirey Mid ka mid Macalimiinta Jaamacadaha Magaalada ayaa wax ka weydiiyey sida uu u arkoo Furnaanshaha Wadooyinka waxaana uu yiri “ Maalinkii waxaa Dhigi jirey ilaa Afar Xiisadood oo Casharo ah , waxaana ku soo uruurey intii ay Wadooyinka Xirnaayeen in aan Maalinkii aan dhigo Hal Xiso sidaa Darteed waxaan Dowlada uga mahadcelinayaa in ay Fududeysey Isku socodkii Dadka iyo Gaadiidka. Xirnaanshaha Wadooyinka waxay iyana aad u saameysey Suuqa Weyn ee Bakaaraha ,waxaana Suuqaas maalin kasta u Dukaameysi Tagi jirey ilaa Kumanaan Qof oo ka kala Imaan jirey Daafaha Magaalada, hooyo Bacadle ku leh Bakaaraha ayaa iyana Tiri” Bilooyinkii ugu dambeeyey waa nala Ceejiyey, sidaa darteed Shaley maanta Suuqa Waa Shab Shab”. Saameynta kale ee Xirnaanshaha Wadooyinka waxayna iyana ku imaaneysey Dadka qabsanaya Aroosada , waxaa la arkeyey intay Xirnaanayeen Wadooyinka Gawaari galbineysa Aroos oo loo diidey in ay Gudbaan waxaana Qofka aroosaya ka bixi jirtey Laba Kharasha oo a, kharashka Kala Wareega Gawaarida waxaa la arkayey Gabar Aroosad ah ooTaaj-ka u Xiran yahay oo Goyneysa Wadada si ay u raacdo Gawaarida kale ee Dhinaca kale ku Diyaarsan ee Kala Wareega sidaa Darteed Shaley iyo Maanta Gawaarida Aroosyada sida si Faraxd leh ayey ugu Baashaalayaan Wadooyinka.Waxaana Shaley iyo Maanta ay Wadooyinka ay ahaayeen kuwa BALI BALI AH AMA KU DUR DURI. Ugu Dambeyn Shacabka Muqdisho weli waxaa u Taagan far , waxay Dowlada Federaalka ay ka Codsanayaan in dib loo Furo Wadooyinka Xiran ee Jid cadyaasha iyo kuwii la Xiray laga soo Bilaabo Xiligii Ramadaanka marka waxaa ka rajeyneynaa in Dowlada ay u Dheg raariciso Codsageena , sidoo kale waxay Shacabka soo jeediyey in Dowlada la Timaado Siyaasad Hufan oo Amniga lagu sugayo W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk Tel 00252615532494
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa mucaarad aad u adag oo kaga imaanaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale. Waxaan warbixintaan ku eegeynaa mucaaradka ka jira Soomaaliya iyo haddii uu yahay midkii saxda ahaa ee dan ugu jirto shacabka iyo Dalka. Mucaaradka sida caadiga ah waxaa loogu talagalay inuu dowladda tuso qaladaadka ay leedahay isla markaasna uu soo bandhigo qaabka loogu gudbi karo iyo sida uu xalka ku jiro. Taas badalkeeda mucaaradka ka jira Soomaaliya wuxuu xoogga saaraa arrin midaas ka duwan waxayna u kala baxaan laba qeybood: Qeybta 1-aad: Xil doon Qeyb ka mid ah mucaaradka dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda waa kuwa ay kaliya u muuqato sidii ay ku heli lahaayeen xilal iyo mansab, midaasna waxay keentay inay ka hadlaan kaliya waxa ay iyaga dantooda ku jirto. Mucaaradkaas ayaa faagfaago boogo ay dowladda Soomaaliya leedahay, tusaale ahaan waxaad arkeysaa Wasiirka Arrimaha debadda ayaa tagay Kigali wuxuu soo saxiixay heshiis oo laga yaabo inuu ganacsatada Soomaaliyeed dhibaato u keenoo qof mucaarad ah oo ka hadlay majiro. Balse mucaaradkii waxay ka hadlayaan wiilal 17 jiro ah oo cayaaro soo cayaaray bajaaj baa la saaray ayey leeyihiin, laakiin kama hadlayaan waxyaabaha muhiimka ah oo ay dowladda soo saarto. Kama hadlayaan nidaamka IMF ay dowladda Soomaaliyeed ee hadda jirto ee sameeneyso iyo dhibaatada ay Soomaaliya u keeni karto balse waxay ka hadlayaan Xasan Cali Kheyre oo cunug oonayo Xambaarsan oo isisoo sawiray. Mucaaradkaas maahan mid dhisayo dalka Soomaaliya iyo mid raadinayo danta Shacabka balse kaliya wuxuu raadinayaa sidii uu isaga horkeeni lahaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ama uu u heli lahaa xilka uu raadinayo. Qeybta 2-aad: Lacag doon Mucaaradka labaad ee ka jira dalka Soomaaliya waa mid lacag doon ah oo kaliya fiirsado sidii uu lacag ku heli lahaa wuxuuna la safanayaan cid kasta oo lacag siineyso, waxayna qeybtaan mararka qaar isticmaalaan laba waji oo laba dhinac lacag uga qaataan. Sifooyinka ay Mucaaradka jaga doonka ah kusoo sheegnay oo dhan way wadaagaan labada qeyb ee uu mucaaradka Soomaaliya u qeybsamo. Waxaan kuwaan tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa Madaxda Maamul Goboleedyada oo dowladda Imaaraadka lacag kasoo qaatay isla markaasna ka hor imaaday go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka. Sidaas darteed siyaasiyiintaas waxay ku dadaalaan sidii ay u fulin lahaayeen dalabaadka dowladda Imaaraadka Carabta waxaana kaliya u muuqato lacagtaas ma jirto dan ay ka leeyihiin dowladnimo iyo shacab Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
HARGEISA— A high level delegates from Uganda on Wednesday begins an officials working visit to Somaliland’s capital. The mission was highlighted by a private meeting with the president of Somaliland, Musa Bihi Abdi, at his presidential mansion. This is the first visit embarked to Somaliland by Ugandan parliamentarians and government officials ever since its inception in the 1990’s. The current minister for foreign affairs, Dr. Sa’ad Ali Shire briefed the media on the topics discussed during the meeting between the president and Ugandan delegates. This is the beginning of establishing a bilateral relations between the two countries said the foreign minister as the president has welcomed the delegation to Somaliland. Dr. Said revealed that this is a fact finding delegation from Uganda which will further know the real situation on the ground.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeeyb qaatay guddoominta Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay maanta haystaan fursad taariikhi ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hor-u-socodka dalka, taas oo dhabaha u xaareysa in la gaaro himilooyinka shacabka. Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in miraha Shirkii Iskaashiga Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay Diseembar 2017-kii, ay ka mid ahayd qorsheyaasha lagu hormarinayo siyaasadda loo dhan yahay, kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta laamaha amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada. “In la tixgeliyo oo la dhiirigeliyo rabitaanka Soomaaliya waxay na siinaysaa awood iyo kalsooni. Waxaan ogsoonnahay in aan si degdeg ah lagu xallin karin dhammaan caqabadaha ka jira Soomaaliya, laakiin qorsheyaal wax ku ool ah, shaqo hufan iyo qiimeyn joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo gaaro natiijooyin la taaban karo. Waa in aan marnaba la oggolaan in la wiiqo geeddi-socodka, wadashaqeynta, xasilloonida, isla-xisaabtanka iyo horumarinta Soomaaliya.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka ay dowladdu ka samaysay kordhinta dakhliga oo qayb ka ah qorshaha deymaha lagaga cafinayo Soomaaliya, xoojinta amniga iyo diyaarinta hannaanka dimuqraadiyadda doorashooyinka 2020-ka. “Dadaalladaas idilkood waxaa udub dhexaad u ah in dhammaanteen aan si buuxda kaalinteenna uga qaadanno dowlad-dhiska iyo hirgalinta ajendayaasha ina horyaalla, innaga oo dhanka kale xoojinayna wadashaqeynta aan la leennahay beesha caalamka iyo bah-wadaagta kale.” Madaxweynaha oo bogaadiyey wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyada dalka ayaa sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi. “Madaama aan nahay dal ka soo kabanaya dagaallo sokeeye, waxaa naga go’an in aan beegsanno taladda saxda ah, innagoo shacab iyo dowladba wada soconna. Ma jiro, mana jiri doonto qof Soomaali ah oo laga tagayo ama laga xigsanayo gaarista horumarka aan higsanayno.” Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyey shirka ganacsatada, isagoona ka jeediyey khudbad uu ku boorriyey ganacsatada iyo maalgashadeyaasha in ay kaalintooda ka qaataan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaatay wakiillo ka socda haweenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sweden Marwo Margot Wallström, Wasiirka Socdaalka dalka Canada, Mudane Axmed Xuseen iyo masuuliyiin kale. Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Federico Mogherini, Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Rosemary Diclo iyo Ergada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ururradda Bulshada Rayidka, Safiirro iyo Wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Wacad ku maray inay Dhageysanayaan Talooyinka Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (PP) ─ Shirkada diyaaradaha Ethipian Airlines, ayaa duulimaadkii u horeeyay oo toos ah ugu duushay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kaddib labaatan sannadood oo aysan duulimaad ku tegin. Diyaarad duulliaadkeedu ahaa ET0312 ayaa ka duushay garoonka Bole ee Addis Ababa, kaddib xaflad kooban oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha, iyadoo siday boqolaal rakaab ah oo ku socday magaalada Asmara. Munaasabadda, ayaa waxaa ka hadlay oo soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde GebreMariam isagoo ku tilmaamay in duullimaadan dib loo furay ay yihiin kuwo taariikhi ah, isla markaana bixi doona maalin walba. Sidoo kale, Diyaaradda Ethiopian Airways, ayaa sameysay maanta oo keliya laba duullimaad oo ay ku tagtay Asmara, isla makraana dib ug soo laabtay magaalada Addis Ababa, waxayna labada magaalo u kala socotay 15-daqiiqo oo keliya. Dadweyne badan oo u kala safrayay labada dal ayaa u badanaa qoysas ku kala xayirmay labada waddan, kaddib dagaallo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ka dhacay soohdinta u dhexeysa labada waddan. Xukuumadaha Asmara iyo Addis Ababa ayaa mid walba waxay waddankooda ka eryeen kumannaan qof oo shacab ah markii uu dagaalku billowday, taas oo sababtay inay qoysas badan kala xayirnaan. Bishan billowgeedii ayuu Ra’iisul Wasaaraha itoobiya, Abiy Ahmed Ali wuxuu booqasho ku tagay magaalada Asmara ee xarunta Eritrea, isagoo heshiis taariikhi ah la saxiixday madaxweynaha dalkaas, Isaias Afwerki kaasoo soo afjartay colaaddii u dhexeysa labadan waddan Ugu dambeyn, Toddobaad kaddib ayaa Isaias wuxuu isna booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Addis Ababa, isagoo dib u furay Safaaradda Eritrea ay ku lahayd Itoobiya. Waxaana Eritrea oo horay u ahayd gobol ka tirsan dalka Itoobiya ayaa xorriyaddiisa qaadatay sannadkii 1994-kii. PUNTLAND POST The post Ethiopian Airways oo Maanta Duullimaadkii ugu horreeyay ku tagtay Magaalada Asmara appeared first on Puntland Post.
-
Brussels (Caasimadda Online) – Madaxda Dowladda Soomaaliya qeybaheeda kala duwan iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa shirkii Xalay kusoo dhamaaday Magaalada Brussels ka sameeyey arrin ay aad ula yaabeen madaxdii ka socotay Beesha Caalamka ee u imaaday inay kaalmo dhaqaale siiyaan dowladda Soomaaliya. Arrinta yaabka badan oo ay sameeyeen madaxda Soomaalida ayaa aheyd inaysan Xitaa Files ay qodobada ku notes gareeysaan la tegin Shirkii Brussels iyo Ajaaniibta oo la yaaban!! Shirkii lagusoo gabagabeeyay Magaalada Brussels Ee dalka Biljimka ayaaa waxaa laga diiwaan geliyay ilaa iyo dhowr qodob kuwaasi oo cadeeynaayay Nidaam daro iyo fowdo cad oo aan la dhayalsan Karin taasoo ay ku kaceen madaxda Soomaalida. Sida caadada ah marka laga qeybgalayo shirarka waa inay madaxda qaataan Book ama waraaqo ay ku qortaan qodobada ugu muhiimsan ee laga hadlay, sida loo xalin karo iyo qaabka looga hortagi karo dhibaatooyinka balse taas lagama helin madaxda Soomaalida. Taas badalkeeda dhammaan madaxdii ka socotay beesha Caalamka ayaaa waxaa ay dhamaantood wateen book notes-yo ay ku qoranaayeen waxyaabaha ay ka codsadaan madaxda Soomaalida. Midda sida weyn cajiibka u aha yaa aheyd raggii gudbinaayay codsigga ee dalbanaayay in dhaqaalle la siiyo ma aysan wadan qoraal iyo qodob u calaameeysnaa kuwii laga codsanayeyna waxaa ay qoranayaaan waxa ay ku hadlaan. Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Qaar ka mid ah golaha wasiiradda xildhibaano Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada maxaa ka dhigay rag isku mid ah maxaasa looga waayay shaqsi caqligiisu siiyo in uu ugu yaraaan qaato books notes, xitaa qaarkood ayaaa telfoono ku mashquulsan. Shirkii Brussels kusoo dhammaaday ayaa madaxda Soomaalida u ahaa cashir lama iloobaan ah waxaana laga yaabaa inay shirarka dambe iska badalaan dabeecadaan ay la yaabeen Beesha Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(Caasimada Online – Muqdisho) Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda NISA Ismaaciil Cusmaan oo wareysi siiyay telefishinka Universal barnaamijkiisa dabagalka wararka aya si qoto dheer uga hadlay shaqo ka joojin lagu sameeyay taliye xigeenadii hay’adda NISA, Cabdalla Cabdall & Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Warqad ka soo baxday xafiiska agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan Xuseen aya shaqo ka joojin lagu sameeyay labada masuul. T/Xigeenkii hore Ismaaciil oo arrinta wax laga weydiiyay in ay tahay sharci shaqo ka joojinta lagu sameeyay labada masuul aya sheegay in sifo sharci ah loo maray shaqo ka joojinta, isagoo xusay in agaasimaha NISA uu awood u leeyahay in shaqada ka joojiyo ku xigeenadiisa haddii ay ka gaabiyaan waajibaadkooda shaqo. Ismaaciil aya sido kale ka hadlay dabacsanaanta amniga magaalada Muqdisho, xili ay xiran yihiin jidadka isago taa ku tilmaamay in awoodda ciidanka aanay dhibta ahayn balse eedda dusha ka saaray in aay jirto qorsho xumo amni iyo siyaasadda amniga oo liidata. Ciidanka waa in ay helaan hoggaan ay dhab ka tahay howlgelintooda iyo asluubta ciidanka ayuu yiri Ismaaciil Osman. Dhanka kale wuxuu sheegay in qaladaadka ugu waaweyn ay tahay in dhalinyaro ka soo goostay Shabaab lagu soo daro ciidanka ammaanka, qaarkoodna madax laga dhigo, waa midda fududeyneysa in cadowga ay helaan sirta iyo qorshaha amniga. Mudane Ismaaciil aya sidoo kale ka hadlay xirnaanshaha waddooyinka in aay keenta hoos u dhac dhaqaale iyo caburin shacab, wuxuuna sheegay in aanay taa ku jirin xalka. Shacabka oo la caburiyaa waxa aay keeni doontaa cawaaqib xumo hor leh, waxana uu dowladda kula taliyay in aay xoogga saaraan sidii ay u kasban lahaayeen quluubta shacabka isla markaana ay la yimaadaan qorshe amni oo aanan ahayn wadooyin la xiro iyadoo taa la arkay natiijadeeda. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in labada masuul ee lagu sameeyay shaqo ka joojinta lagu helay danbiyo waaweyn oo isugu jira musuqmaasuq iyo lunsasho mushaarkii ciidanka iyo in ay bixin jireen xogaha dowladda iyago siin jiray dalal ka tirsan bariga dhexe. Lama oga in maxkamad lasoo taagi doono iyo in si kale ay ku mudan doonaan ciqaab haddii lagu cadeeyo danbiyada lagu soo oogay. Halka hoose ka daawo wareysiga T/Xigeenkii Hore Ismaaciil Cusmaan.
-
Muqdosho (Caasimadda Online) – Wasaaradaha Kaluumaysiga Maamul Goboleedyada dalka xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa joojiyay xiriirkii ay la lahaayeen Wasaaradda Kalluumeysiga ee dowladda Federaalka, iyagoo caddeeyay inaysan oqoonsan doonin heshiisyada ay gasho. War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Wasaaradaha Kaluumaysiga shanta maamul Goboleed ku yeesheen Magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay in afar shuruud oo ay Wasaaradaha Kaluumaysiga Maamul Goboleedyada ku xireen wadashaqeynta labada dhinac. Waxay ku sheegeen in baahi loo qabo ilaalinta iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda Somaliya iyo in la helo Siyaasad mideysan ee sahli karta in laga faa’iideysto Kheyraadka Badda Somaliya ,
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza. Safiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay saraakiil ka tirsan Safaarada Qadar ee Soomaaliya. Kulanka waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood,sidoo kale kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa. Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay. ” Mudane guddoomiye waxa marka hore hambalyo iyo salaan kaaga wadaa guddoomiyaha baarlamaanka Qadar, dowladda Qadar waxay balan qaadeysaa iney dhinac walbo ka taageereyso golaha shacabka, waxa ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada baarlamaan “. ayuu yiri Safiirka. Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacbaka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socdo. ” Dowladda Qadar waxa ay qeyb weyn ka qaadaneysaa hormarka dalka ka socdo, barnaamijyo hormarineed oo shacabka wax weyn u tari doono mustaqbalka ayay dalka ka wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabaka. Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux”.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xubno ka tirsan Wasasaradda Warfaafinta u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimada Online, wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa laga xaday kaamiro qaali aheyd, oo muuqaallada loogu soo duubi jiray. Kaamirada laga xaday Wasaaradda Warfaafinta ayaa qiimaheedu lagu sheegay ilaa 10,000 oo Dollar (Toban kun oo Dollar), taasoo laga soo iibiyey sida la sheegay dalka Imaaraadka Carabta. Kaamirada ayaa laga xaday gudaha Wasaaradda Warfaafinta, waxaana la aqoonsanb waayey ciddii qaadatay, arrintaas oo keentay in la dhaariyo dhammaan shaqaalahihii Wasaaradda joogay waqtigii la waayey Kaamiradaas. Sida aan xogta ku helnay waxaa Shaqaalahaas dhaariyey Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimayaasha, hase yeeshee dhammaan shaqaalihii ayaa wada dhaartay, taasi oo keentay in weli aan la aqoonsan cidda xaddat kaamirada. Dhaarta kadib madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku qanci weysay dhaartii la mariyey dhammaan shaqaalihii joogay, waxayna go’aansadeen inay qaadaan tallaabo la yaab laheyd oo ah in Afgooye laga dalbo sixiroorayaal wax-faaliya oo sheego ciddii qaadatay Kaamiradaas. Inta badan shaqaalihii la dhaariyey ayaa arrintaas ka hor imaaday waxayna sheegeyn inay tahay arrin ka baxsan diinta Islaamka, islamarkaana tallaabadaas ay horseedi doonto dhibaato xoog leh. Madaxda Wasaaradda ayaa ku adkeystay inay arrintaas ku dhaqaaqi doonaan isla markaasna la isticmaali doono sixiroolayaashaas in lasoo helo cidda xadday kaamirada. Ilaa hadda ma caddo jawaabta ay bixiyeen sixiroorayaasha balse waxaa muuqato inay tallaabadaas keentay khilaaf horleh welina lama soo bandhigin natiijada kasoo baxday. ” Runtii tallaabadaas waxay nagu noqotay mid la yaab leh, Afgooye ayaa laga keenay sixiroorayaal la sheegay inay sheegi doonaan cidda Kaamirada qaadatay, arrintaasna waa mid aan waafaqsaneyn sharciga Islaamka” ayuu yiri mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee kamid ahaa kuwii la dhaariyey, oo codsaday inaan la magacaabin. Waa markii ugu horeysay ee arrin noocaan camal ah ee ka dhacdo Xafiisyada dowladda Soomaaliya inta la xasuusto. Wasaaradda Warfaafinta ayaa muddo ka hor sidoo kale laga xaday qalab qaali ahaa waxaana suurta geli weysay in la helo dadkii qaadatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo dhawaan la xiray qaar badan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada dowladda kadib markii lagu soo eedeeyey inay fududeeyeen weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa waxaa hadda soo baxayo warar cusub. Sida xogta lagu helay waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu siidaayo saraakiishaas waxaana arrintaas soo dhexgalay waxgaradka beelaha ay kasoo kala jeedaan. Waxgarad kasoo kala jeeda Beelaha ay ka dhasheen Saraakiishaasi ayaa kulamo gaar gaar ah waxay la qaateen Taliyayaasha Ciidamada Amniga iyagoo doonaya in si hoose lagu dhameeyo hadii dambiyo lagu helay Saraakiishan xabsiga ku jirta ee xiray wax ka badan intii sharciga u ogolaa inay xirnaadaan. Baaritaanka Saraakiisha ayaa la xaqiijiyay inay fududaatay kadib markii codad dhageysi ah laga helay teleefoonada gacanka oo ay wataan kuwaa oo lagala xiriiraayay Ragga fuliyay ismiidaaminta iyo maleeshiyaadka gudaha u galay xarunta. Saraakiisha Xabsiga loo dhigay Weerarkii Otto Otto ayaa isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid waxaana Baaritaankoosa uu ka socdaa xarunta baarista Villa Somalia iyo xarunta CIDda Degmada Hodan, waxaana ka qeybqaadanaaya Saraakiil ka socta Wasaarada amniga. Xarakada Al-Shabaab ayaa si sahlan ku gashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyagoo dilay qaar ka tirsan Shaqaalaha iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxayna arrintaas keentay in su’aal la iska waydiiyo sida ay ku suurtagashay inay meeshaas soo gaaraan. Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay weerarada u maraan saraakiishada Ciidamada dowladda iyagoo siiyo lacago sida ay sheegayaan qaar ka tirsan Saraakiisha ciidamada Dowladda. Sababta ugu badan ee keento inuu xiriir dhex maro Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ah inaysan saraakiisha heysan daryeel iyo mushaar ku filan oo ay kaga maarmaan inay qiyaano iyo luusha sameeyaan. Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay maxkamad soo taagi doonto saraakiisha la xiray haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyey waxaana la qiyaasi karin meesha uu ku dambeyn doono dadaalka ay wadaan Odayaasha beelaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland and Puntland’s dispute over land stretching from the Gulf of Aden to the Ethiopian border risks escalating into open war. Source: Hiiraan Online
-
Brussels (Caasimadda Online) – Shirka lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Brussels ee Dalka Bulgium-ka ayaa watay Duufaan culus oo Dowlada Soomaaliya kasoo wajahday Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Dowladaha kasoo qeyb galay shirka ku dacweeyay inay xuquuqda ay ku leeyihin dalka aysan helin. Arrinta ugu xasaasineyd ee Madaxda Dowlad Gobaleedyada ku bahdileen Dowlada ayaa aheyd iyagoo Dalalka Deeq bixiyaasha Caalamka ka codsaday in Lacagaha ay ku taageerayaan aysan Dowlada Soomaaliya usoo marsiin oo iyaga ay toos ugu soo wareejiyaan taasoo noqoneysa caqabad cusub oo ka dhex dhalatay Dowlada iyo Maamulada hoostaga. Sidoo kale Madaxda Maamul Gobaleedyada waxay ku eedeeyeen Dowlada dhexe inaysan fulin qodobada kasoo baxa shirarka ka dhaca Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn kaga carooday talaabooyinka ay qaadeen Madaxda Maamul gobaleedyada oo fashiliyay qorshaha dowlada Soomaaliya ay ka laheyd Beesha Caalamka oo ahaa inay maalgaliso dalka isla markaana dib u dhis ay ku sameyso Xarumaha burbursan iyo Waddooyinka waa weyn. Beesha Caalamka ayaa hore dowlada Soomaaliya ugu xirtay Shuruudo ay ka mid yihiin inay meel iska saarto Musuq maasuq oo eedaha loo jeediyo marka ay soo cadeyso la siin soono qarashka kasta oo Soomaaliya lagu hormarinayo laakiin Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa dadaalkii dowlada fashiliyay inkastoo balanqaadyo ay sameeyeen dalalka Midowga Yurub. lama ogo sida ay Beesha Caalamka ku aqbali karto codsiga ay usoo gudbiyeen Madaxda Maamul Goboleedyada Somaaliya waxaana arrintaas garab socdo dadaal ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay kaga hortagto qalalaasaha ay wadaan maamulada. Waxaa muddo soo jiimatay khilaaf u dhaxeeyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, wuxuuna asal ahaan salka ku hayaa go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Maamul Goboleedyada iyo sida loo qeybsanayo lacagaha laga helo beesha caalamka. Shirka Brussels lagu soo gabagabeeyey ayaa waxaa isku wareysanayey xubnaha beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya waxaana looga hadlayey arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd lacagaha deeqaha ah iyo Amniga. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Ethiopian Airlines conducted the first direct passenger flights between Addis Ababa and Asmara, reconnecting Eritrea and Ethiopia after a 20-year military standoff. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka C/weli Gaas uu warqad codsi ah u gudbiyay Wasaarada arrimaha dibadda Ethioipia. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Gaas uu wasaarada ka dalbaday in loo qabto muddo uu kula kulmo Ra’isul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed. Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa ka siyaasad duwan madaxdii hore ee Ethiopia, waxa uuna tan iyo markii xilkaasi loo doortay hakiyay kulamada aan micnaha laheen ee dalkiisa ay u tagaan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo ay ku jirto Somaliland. C/weli Gaas ayaa aad u daneynaaya la kulanka Ra’isul wasaare Abiy Axmed, waxa uuna qorshihiisa koowaad yahay inuu ka dalbado kawada shaqeynta amniga iyo howlaha kale ee mideynkara labada dhinac. Gaas oo hadda ku sugan magaalada Brussels ee Dalka Belgium, ayaa doonaaya in halkaa uu kasii aado magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waa haddii uu helo jawaabta uu ka sugaayo Wasaarada arrimaha dibadda Ethiopia, wallow uu aad u mashquulsan yahay Ra’isul wasaare Abiy Axmed. Sidoo kale, Madaxda Soomaalida iyo Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa horay ugu heshiiyay in wixii khuseeya maamulada Soomaalida sida casuumaadaha iyo shirarka dibadda lasoo mariyo dowlada Somalia, si loo dhowro madaxbanaanida. Dhinaca kale, waxaan la ogeyn jawaabta uu C/weli Gaas kala kulmi doono Wasaarada arrimaha Dibadda Ethiopia maadaama Ra’isul wasaare Abiy Axmed uusan ahmiyad u arag la shaqeynta maamulada Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay bixineyso lacago magdhaw ah oo ay siin doonto Shirkadda DP World oo muran muddo qaatay uu kala dhexeeyay. Dowlada Jabuuti ayaa tilmaantay in magdhawgaasi uu noqon karo in ka badan ama ka yar 500 Milyan oo dollarka mareykanka ah taa oo la bixindoono todobaadka soo socda. Dowlada Jabuuti waxa ay tilmaantay in ujeedka magdhawga uu yahay si loo xaliyo murunka ka dhashay maamulka Dekadda Dooraale e dalka Jabuuti. Guddoomiyaha dekadaha iyo Maamulka Gobolka ee dalka Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diidan yihiin in gacan seddexaad ay ku lug yeelato wadahadal dhex mara Jabuuti iyo maamulka Shirkadda DP world. Abuubakar Cumar Haadi, waxa uu intaa raaciyay in shirkada DP World laga doonayo inay la fariistaan Jabuuti ayna qaataan lacagta ay magdhow ahaan ogol yihiin inay bixiyaan. Guddoomiyaha dekadaha iyo Maamulka Gobolka ee dalka Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi waxa uu yiri, “Waa inay annaga nala fariistaan, Qaataan Lacagtooda kadibna baxaan ahmiyada waa in la xaliyo khilaafka un”. Warbixin lagu daabacay bogga arrimaha dhaqaalaha ka faalooda ee Financial Times ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti Todobaadkii lasoo dhaafay ay furmay Wajiga koowaad ee ganacsiga xorta ah oo ay ku baxeyso 3.5 bilyan oo ay la galeen dowladda China. Sidoo kale, shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaana arintaasi ku sheegtay inay tahay mid lagu jibinayo heshiiskoodii muddada 30 sano ah ee ku aadanaa dekadda Dooraale. Dowlada Jabuuti waxay hadda sheegtay inay diyaar u tahay bixinta Magdhow-ga heshiiskii ay la galeen DP World, maadaama ay ka hor yimaadeen inay 30 sano maamusho dekadda Dooraale ee dalka Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa markii ugu horeysay u digay dhammaan Siyaasiyiinta maamulka ee ku dhaqan gudaha deegaanada maamulka. Maamulka ayaa shaaca ka qaaday in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Siyaasigii isku daya in deegaanada maamulka uu ka abuuro xiisad Siyaasadeed iyo arrimo kicinaaya dareenka shacabka. Wasiirka amniga maamulka koofur galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo diray fariintan hanjabaada ah ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin Siyaasiyiin marin habaabinaya dadka Shacabka ah. Wasiir Eelaay waxa uu sheegay in cidkasta oo dadka ku abuureysa dhibaatooyin aan waxba ka jirin tallaabo lag qaadi doono, waxa uuna amray in tallaabo sharci ah laga qaado cidkasta oo dhaliilo been ah shacabka u soo jeedisa. “Cidna ugama heybeysan doono wixii sharci ah waxaan ciidamada amaanka farayaa inay talaabo ka qaadan siyaasiyiinta marin habaabisa shacabka” Geesta kale, Wasiirka amniga maamulka ayaa cod dheer ku sheegay in xabsi la dhigi doono Siyaasigii ka hor imaada danta maamulka waxa uuna amarkaasi fulintiisa u jeediyay laamaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Mohamud Ahmed Nur Tarsan ee sida dhow ula shaqeeya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya dowladaha Eritrea iyo Ethiopia. Mohamud Ahmed Nur Tarsan, waxa uu sheegay in dadka intiisa badan ay ku jahwareersan yihiin waxa uu yahay xiriirka ka dhexeeya Eritrea iyo Ethiopia waxa uuna tilmaamay inay yihiin hal dowlad iyo hal shacab oo isku fahmi waayay keliya Siyaasada. Tarsan waxa uu sheegay inay walaalo yihiin shacabka Eritrea iyo Ethiopia, balse ay kala geysay Siyaasada oo keliya, sida uu hadalka u dhigay. Qoraal gaaban oo arrintaasi uu uga hadlaayay laguna soo daabcay boga uu ku leeyahay Facebook ayaa lagu yiri “Qofkii u heystey in Shacabka Eritrea iyo Ethiopia ay kala yihiin laba shacab oo kala duwan waa khaldanyahey, waa shacab isku mid ah oo ay wax badan ka dhaxeyaan” Waxa uu sheegay Tarsan in xitaa labada hoggaamiye ay aaminsan yihiin arrintaa waxa uuna tusaale usoo qaatay erayo kooban oo uu yiri madaxweynaha Eritrea Isaski Aforgey kaa oo ahaa “Waxaanu nahay dal iyo dad aan kala dhamaan doonin inta ka harsan dunida, waayo waxaanu aheyn hal dal, aabayaasha iyo hooyooyinka xitaa wey naga dhexeeyan labada dal waxaa ku kala dhaqan dad is dhalay oo sanado badan kala maqnaa”. “Iska diid cidii ku dhahdaa waxaa kala duwan shacabka Eritrea iyo Ethiopia, waxaa dib u baari kartaan taariikhda oo goobjoog ka ah wixii dhacay” ayuu yiri Tarsan waxa uu intaa kadib tusaale usoo qaatay Somalia iyo Somaliland oo ku kala fog Siyaasada si lamid ah halka ay kala taagnaayen Eritrea iyo Ethiopia. Waxa uu Tarsan su’aal ka keenay xiliga ay sida Eritrea iyo Ethiopia u siyaasada ugu midoobi doonaan Somalia iyo Somaliland, maadaama ay dunidu raadineyso midow. Waxa uu yiri “Goorma ayey Madaxda Somaaliyeed ay qaadi doonaan tilaabo taas la mid ah, anaga oo ogsoon in uu shacabka Soomaaliyeed uu intaas isaga dhowyahey. gaar ahaan goorma ayaa madaxda Somaliland ka busgoondonaan khalaadkii ay nidaamyadii hore ay ka galeen guud ahaan shacabka Somaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada Waqooyi” “Waxaan filnaa waa Madaxweyne Mohamed Abdullahi iyo Madaxweyne Muuse Bixi oo go’aansadaa in ay ku kulmaan dalkeena gudihiisa, weliba anigu waxaan jecelahay inay noqoto meesha lagu kulmayo magaalada Hargeysa waana in ay tilaabadaas ka timaado madaxweyne Muuse Bixi” ayuu yiri Tarsan. Sidoo kale, Tarsan waxa uu sheegay in Somalia iyo Somaliland uusan dhexmarin mid u dhow dagaalka dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka noqon karta isu soo dhawaanshiyahooda. Geesta kale, Tarsan ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqay inuu la imaado qorsho Siyaasadeed oo ka duwan kan hadda lagu shaqeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
As he walks on the sandy roads of Mandera town, a trail of dust struggles to catch up with Ibrahim Khalif Abdow. He carefully balances a bundle of the day’s newspapers in his hands. Source: Hiiraan Online