-
Content Count
210,632 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bishii Juun ee sannadkii hore ayey ahayd markii dagaallamayeyaal ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur oo qiyaastii Boosaaso u jira in ka yar 70 KM. Wararku waxay sheegayaan in weerarkaaas ay askar ilaa 30 ah ku dhinteen, laakin Al Shabaab waxay sheegteen inay dileen tiradaa laba-laabkeed. Gurmad xoog leh ayaa halkaa gaaray, fariisin intii hore ka xoog badan ayaana laga sameeyey, hase yeeshee Sannad ka dib ayey ciidanka Puntland halkaa ka baxeen ayadoo aan weerar lagu soo qaadin, waxaana soo galay Al Shabaab oo sida wararku sheegayaan gubay meelihii ay ciidanku ka bexeen, markii dambena iyaga qudhooda isaga baxay. Haddaba maxay Af Urur muhiim u tahay? Af urur waxay ku taalla Buuraleyda Golis, waxayna 30 KM u jirtaa waddada laamiga ah ee ka timaada Qardho ee Boosaaso aadda. Puntland waxay muhiim ugu tahay maadaama ay u dhowdahay Boosaaso oo ah magaalo ganacsi oo deked leh, halbowlena u ah dhaqaalaha Puntland. In loo soo dhowaado waxay khatar galinaysaa jiritaanka Puntland. Al Shabaab waxay muhiim ugu tahay inay awooddooda balaarin karaan. Waxaa la aaminsanaa in aysan Galgala soo dhaafi karin, laakin in Af urur ay qabsadaan waxay muujinaysaa in cududdooda ay ku baahin karaan deegaanno kale. Al Shabaab ma haysan karaan Af urur? Dr Zakariye Yuusuf oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka wuxuu qabaa in taasi ay ku xiran tahay inta ay le’eg tahay cududda ciidan ee Puntland, iyo istaraatijiyada ay ka lleeyihiin Al Shabaab deegaanka Af-Urur. “Waxaa laga yaabaa in Al Shabaab ay is leeyihiin ‘bal fiiriya in awoodooda ay qaybsami karto iyo in kale’ oo istaraatijiyad noocaas ah ay dheelayaan, laakin Puntland ayey ku xiran tahay awoodda ay u leedahay inay ku quusiso Al Shabaab” ayuu yiri. Wuxuu intaa raaciyey “Puntland haddii ay shacabkeeda abaabusho way kari kartaa in ay dib ugu celiso Al Shabaab meeshii ay hore u joogeen”. Dagaalka Tukaraq iyo culayska Puntland ka haysta Shabaab. Laba wajhadood ayaa ku sida muuqata ku furan Puntland. Dagaalka Tukaraq xeeldheerayaashu waxay u arkaan in Puntland iyo Somaliland midkoodna aysan dani ugu jirin. Sababta waxay ku macneeyeen in ay xoog iyo xoolaba ku bixinayaan dagaal dhexdooda ah, halka Al Shabaab ay labada maamul u aaminsan yihiin kuwo aan shareecada islaamka dabakhaynin, oo ay banaan tahay in lagu jihaado. Taa micnaheedu waa in aysan kala jeclayn. Ka bixitaanka Puntland ee Af-Urur oo markii hore loo sawirtay in Puntland uu culays milateri qabsaday ayaa waxaa meesha ka saaray Dr Zakariye oo u arka inay dhici karto in xeel milateri looga baxay. “Waxaa dhici karta in akhbaar laga helay oo meesha looga baxay, ma aha wax aan sheegi karno sababta dhabta ah” ayuu yiri Dr Zakariye. “Haddii aragti midaysan iyo siyaasad horumar leh lagu wajaho amniga Puntland, waxaa hubaal ah inay iska difaaci karaan Al Shabaab” ayuu sii raaciyey. Dhinaca dawladda dhexe ayuu tilmaamay inay waajib ku tahay inay Puntland kala qayb qaadato sidii ay isaga difaaci lahayd Al Shabaab, “laakinse waa inay Puntland la timaado istaraatijiyad lagu caawiyo”. Waxaase is weydiin mudan haddii dawladda federaalka ay ka kaalmayso Puntland inay iska difaacdo Al Shabaab, ma ku abuuri kartaa Somaliland shaki ah in taageeradaas aan loo isticmaalin in Al shabaab lagula dagaalo oo kaliya? Isha: BBC
-
Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay go’aan la xiriira deeqaha maamulkiisa caalamka uu ka helo, xilli ay dowladda Soomaaliya isku dayeyso in ayada lasoo mariyo deeqahaas. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aanay qaadanayn deeqaha caalamku siiyo Somaliland haddii cid kale loo soo mariyo, ayna ka door bidi doonaan inaysan waxba helin. Muuse Biixi ayaa yidhi; “Deeq iyo adduun siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxaana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqonno, Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taallo haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno sandareero cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalkayaga”. Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya iyada oo dhowaan dalka Belgium-ka lagu soo gabo gabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Soomaaliya kaasi oo looga hadlayay Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo qaatay kooxaha argagaixisada ee Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada afo’e ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018. Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad ee ciidamada qalabka sida G/sare xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale. Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha kooxaha arga-gixisada ah balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha weydiisteen in loo ogolaado Maxkamadda in ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa eedeysanah, markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee degmada afgo’e ka soo qabtay eedeysanaha’, muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa. Sharaxaadda baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle Abuukar weli oo ka tirsan ciidamada amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay gobalka Bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah. Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qlabka sida ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh oo ah muuqaallo laga dhex heley camirada lagu soo qabtay eedeysanaha. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Kaptan Maxamed Cabduqaadir ayaa ka codsaday maxkmadda maadamaa eedeysanaha muddo uu ku qanacsanaa daadinta dhigga in la mid ah inta uu geystay ay ku fuliso maxkamddda. Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare Cabdullahi Buula kamey ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka cosaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo. Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay ay u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayeen isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto. Guddoomiyaha Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda, waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.
-
Garoowe (Caasimadda Online) –Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa abaabulay dagaalka lagu qaaday Takuraq ee lala galay Maamulka Somaliland. Dad badan ayaa is waydiinayey sababta keentay dagaalka lagu qaaday Takuraq iyadoo loo diyaar garoobayo doorasho sanadka 2019 ka dhacdo Puntland. Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa wado qorsho cajiib ah oo ay ku doonayaan inay waqti dheeri ah ku darsadaan isla markaasna dib loo dhigo doorashada. Labadaan Mas’uul ayaa ku heshiiyey in dadka Puntland iyo siyaasiyiinta xil doonka ah lagu mashquuliyo dagaalkaas isla markaasna Baarlamaanka la horgeeyo inaan la qaban karin doorasho madaama ay Puntland ku jirto xiisad dagaal. Sidaas ayaana amar lagu siiyey ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday Takuraq waxaana muuqato inaan weli laga gaarin wax guul ah taasoo ah ujeedada Gaas uu ka leeyahay dagalkaas. Gaas iyo saaxiibadiis ayaa doonayo inay ku darsadaan ilaa 2 sano xukunka taasoo u muuqato inaysan suurtageli karin maadaama uu loolan adag kala kulmayo musharixiin badan oo u hanqal taagayo inay qabtaan xilkaas. Cabdiweli Gaas ayaa horey u sheegay inuusan xilkaan mar kale usoo tartami doonin balse waxaa hadda muuqato damac weyn oo uga jiro inuu kusii fadhiyo xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland. Musharixiinta Puntland ee isku diyaarinayo doorashada ayaa horey uga digay inaan dib looga dhigi karin waqtigii lagu balamay waxayna sheegeyn inay taas keeni doonto jahwareer ku dhaco maamulka. Maamulka Somaliland ayaa horey Puntland ugu eedeysay inay dagaalkaas iyada soo qaaday isla markaasna la rabo in waqti kororsi lagu sameysto. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Gobolka Banaadir waxaa uu mar walbo soo rogaa amarro, laakin intooda badan waxaa adag in ay fulaan sababo la xiriira maamul xumo iyo istiratiijiyad la’aan, amarkii lo’da looga mamnuucay jidadka Xamar oo dhaqan-geli waayey ayaa ugu dambeeyay! Amarradan oo intooda badan ku saabsan qaabka nolosha dadka reer Muqdisho, waxaa la iska soo saaraa iyada oo aan la gelin wadatashi, lagu sameyn wax daraasad ah, taasi ayaana keentay inay guul-dareystaan, oo weliba loo arko wax lagu qoslo!! Haddaba, Akhriso, Sooyaalka Amarro Ay Soo Rogeen Gobolka Banaadir Oo Guul-dareystay. December 4, 2013: Gobolka Banaadir ayaa amray in la dhiso guryaha burbursan“Muddo sadax bil ayay haystaan dadka iska leh guryaha ku yaalla laga bilaabo saldhiga degmada Xamar Weyne ilaa Hotelkii Curuba, iyo dhanka bankiga dhexe ee dalka, marka waxaan leeyahay hala dhisto dhismayaasha bur bursan” sidaa waxaa yiri xogheyaha guud ee gobolka Banaadir, 5 sano kadib guryihii waa sidoodii! October 16, 2015: Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Muungaab ayaa amray in la bixiyo canshuurta gurayaha, isaga oo ku hanjabay in ciddii diida talaabo laga qaadi-doono, November isla sanadkaas Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo jagadaas isna kolkaas hayey ayaa wuxuu muujiyay inaanan waxba laga bedelin lacagihii canshuuraha, ee Maamulkii Muungaab uu ku soo rogay guryaha ku yaala Magaalada Muqdisho, Lacagta waxaa ay aheyd $100, ilaa hadda waxba lagama qaban! January 12, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir oo soo Saaray Amaro lagu Mamnuucayo Kawaanadda Xoolaha Lagu qalo ee Ku Yaala Gobolka banaadir. AFhayeenka Gobolka banaadir ayaa Sheegay In Kaliya La isticmaali Karo Laba Kawaan Kaliya Kuwaas oo Kala ah Kawaan Bari ee Degmada Cabdicasiis iyo kawaanka Nasiib Degmada WadaJir ee Gobolka Banaadir, arrintaas looma hoggaansamin! January 17, 2016: Guddoomiya gobolka oo ka hadlayey barnaamijka “Aada dugsiyada” ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in ciddii lagu arka iyada oo u dhegsanyahay boor aan afka hooyo ku qorneyn laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, arrintaas waxaa ay noqotay mid aan fulin, oo lagu sheekeysto! April 7, 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale, goddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalada aanu dhex mari Karin gaari aan taarko laheyn, waxaa April 19, 2018 ku celiyay Guddoomiye Yarisow oo kula hadlayey booliiska Iskuulka tababarka ee Jeneral Kaahiye, isaga oo amar ku bixiyay in magaalada laga mamnuucay gaadiidka summad la’aan ah ama aan taarko wadan, amarkaas waxba lagama soo qaadin!! April 15, 2016: Waxaa la go’aamiyay in magaca gobolka laga dhigo Benaadir, Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Abdi oo maalin kadib hadlayey aya sheegay inuusan magac badalin balse uu ku celiyey sidi hore ee loo isticmaalo jiray xiligii hore, ma jirto cid u hoggaansantay! October 3, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Wasarada Gaadiidka Oo Amray In Gawaarida Ceymis Lagaliyo, amar kale oo November 30, isla sanadkaas soo baxay ayaa lagu joojiyay! March 14, 2017: Shirkadaha biyaha iyo korontada waxaa la amray in aaney lacag ka qaadi Karin xeryaha barakacayaasha, arrintaas lama dhageysan! May 9, 2017: Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu wargalinya wadayaasha gaadidka Muqdisho, kaasi oo ah in aan wadada, Laga Bilaabo KM0-KM4 lagu dhaqi karin Gawaarida, si la mid ahna aan la dhigi karin Gaadiidka, taasi dheg jalaq loola siin! July 7, 2017: Gobolka Banaadir ayaa amray in lacag la’aan lagu geli-doono beerta nabadda, go’aan oo milkiilayaasha ku diideen, waa uu ka laabtay! August 30, 2017: Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in lacag ay ku ganaaxi doonaan qof walbo oo gurigeeda ama xarunteeda ganacsi lagu hor arko qashin wixii ka bilawda 1-da September 2017, ilaa hadda qashinka waa sidiisii! October 30, 2017: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya, ganaaxa waxaa laga dhigay Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000), laga fulin! June 14, 2018: Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa amray in la banneeyo goobaha danta guud oo ay ku jiraan darjiinooyinka, isaga oo July 3, baabi’iyay dhammaan heshiisyadii ay la galeen maamulladii isaga ka horeeyay, waa jug jug meeshaada joog! June 19, 2018: Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa soo saaray ammar ku aaddan in la burburiyo dhismooyinka sida sharci darrada ah looga dhistay dhulalka hantida guud ee ku yaalla gobolka Banaadir! July 3, 2018: Duqa Muqdisho ayaa amar uu soo saaray 03-da July 2018 ku faray dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya, gaar ahaan lo’da inay xafidtaan xoolahooda, isaga oo siiyay 2 todobaad, lo’da weli waa buuxdaa jidadka! Dadka Muqdisho, ma fuliyaan ammarada gobolka Banaadir, waxaana muuqato kalsooni-darro iyo wada shaqeyn la’aan labada dhinac ah, taasi si looga gudbo, waa in gobolka Banaadir la yimaado Istiraatiijiyad maamulka lagu daadejinayo, oo la dhisayo gole deegaan, arrintaas oo wax weyn ka tari-doonta fulinta amarada gobolka iyo inay bulshada helaan adeeggii ay u baahnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – War goordhow aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu qorsheynaayo in safar maalmo qaadan doona uu ku tago magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia. Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in safarkiisa uu yahay mid salka ku haya macluumaad uruurin ku aadan dhanka shaqada maamulka. Abiy Axmed, ayaa u kuurgali doona howlaha uu qabto maamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana xusid mudan inuu aad u dhaliilsan yahay shaqada maamulka. Illo wareedyo ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa inoo xaqiijiyay in Abiy Axmed uu wado qorsho isbedel loogu sameynaayo maamulka hadda jira ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley). Illo wareedka ayaa intaa kusii daraya in Abiy Axmed uu doonayo in kursiga uu ka laalo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar si uu u helo kalsoonida ONLF. Cabdi Maxamuud Cumar oo dareen ka qaba booqashada Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan cafis ka dalbaday shacabka Soomaalida Ethiopia, isagoo xaqiijiyay inay jiraan tabashooyin badan oo aan waxba laga qaban. Dadka Soomaalida ee ku nool magaalada Jigjiga ayaa qudhooda qaba dareen ku aadan in xil ka qaadis lagu sameynaayo Cabdi Maxamuud Cumar oo aan iminka ku taagneyn caga wanaagsan. Sidoo kale, waxaa jira hadal heyn ku aadan in Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu doonaayo in kursiga uu hadda ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Cumar ku bedelo xubin ka tirsan ONLF, si dowlada Ethiopia ay jawi dagan shidaalka uga soo saarto dhulka Soomaalida oo la ciirciiraya shidaal. Si kastaba ha ahaatee, Abiy Axmed ayaa dhowr jeer Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ku dhaliilay hakin la’aanta dagaalka Soomaalida kala dhexeeya Qowmiyada Oromada, waxaana la ogeyn sida uu xaalku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka war-bixiyay shir madaxeedka waddamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ee lagu qabtay magaalada Lusaka ee dalka Zambia. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in xubinnimada Somalia ee COMESA ay ka qeyb gaadaneyso dib u dhiska dhaqaalaha, horumarinta dalka, maal-gashiga, shaqo abuurka, dhismaha wadooyinka iyo warshadaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada oo dhan. “Ku biiritaanka COMESA waa qeyb kamid ah shaqooyinka ugu waaweyn ee hadafyada dawladdu ay leedahay oo ah dib ula fal-gelidda hey’adaha noo sahlaya in aan dib u dhisno dhaqaalaheenna. Waxa ay cadaynesyaa horumarka iyo tillaabooyinka mugga leh ee dalkeennu sameynayo in naloo ogolaado Suuq ay ka ganacsadasaan in ka badan konton milyan dad tiradoodu gaareyso,” ayuu yiri Khayre. Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Waxaan aad ugu hambalyaynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada oo arintaani ay fursad siineyso. Marka ay ganacsatadu fursad helaan waxaa fursad helaya dalkaan sababta oo ah qof waliba oo ganacsada ah oo bilaaba ganacsi waxa uu shaqaalaysiinayaa dad Soomaaliyeed waxa uu bixinayaa canshuur, canshuurtaas waxaa lagu daboolayaa adeegyada ay u baahantahay bulshadu.” Ugu dambeyn, RW Khayre ayaa shalay magaalada Lusaka ee dalka Zambia ku saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, waxa ayna Soomaaliya noqotay dalka 21-aad ee xubin ka noqda Suuqaas oo ay ka gacansato in ka badan 50 milyan oo dad ah. PUNTLAND POST The post RW Khayre oo Maanta ku Laabtay Muqdisho kana War-bixiyay Natiijada Shirkii Lusaka appeared first on Puntland Post.
-
Cabasho la xiriirta mushahaar iyo xuquuq kale ayaa sida la sheegay sabab u ahayd kooxda Alshabab inay si nabadgalyo ah saaka ula wareegto tuulada Af urur ka dib markey xalay soo baneeyeen halkaas ciidamo ka tirsan dowladda Puntland sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta PUNTlAND POST qaar ka mid ah saraakiisha ciidankaasi.. “Ciidanka saldhigaas soo baneeyay wuxuu qabey cabasho ku saabsan mushahaar bil dhaaf ah iyo arrimo kale oo ku saabsan hoos u dhig tiro ka mid ah ciidanka oo ay dowladdu uga jartey mushahaarooyin” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan ciidamada buuraha Galgala oo telefonka kula hadlay PUNTLAND POST. Dhinaca kale warbixin kasoo baxdey kooxda Alshabab waxaa lagu sheegay inay saaka si nabadgalyo ah ula wareegeen tuuladda Af-urur oo ka mid ah deegaanada saldhigyo waaweyn oo ciidan ay ku lahayd dowladda Puntland. Maaha markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan dowladda Puntland ay ku dhaqaaqaan falal ku saabsan arrimo gadood ah. Bosaso PUNTLAND POST The post Faahfaahin sababta Alshabab u suurto galisay qabsashada tuulada Af-urur. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Intii lagu guda jirey shirkii ka socday magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa waxaa kulan wada qaatey madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Eng. Feysal Cali Waraabe. Xubno ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa kulankaas dhaliilay, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid sharci-darro ah, islamarkaana aan u dhameyn madaxda Somaliland. Xildhibaan Siciid Cartan, oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in xukumaddii madaxweyne Siilaanyo ay horey u soo saartay qodob mamnuucayey in aan laga qeyb galin kulamada madaxda Soomaalida, islamarkaana aanan lala kulmi karin. Waxa uu sheegay in qodobkaas kaliya u shaacinayey in madaxda xilligaas Somaliland maamuleysa kaliya ay kulamada ka qeyb geli karaan, laakin Feysal Cali Waraabe aysan jirin cid uu ku metelayey shirkii Brussels. Madaxda sare ee Somaliland ayuu ugu baaqay in ay jawaab ka bixiyaan kulankii Feysal Cali Waraabe uu la qaatey madaxweyne Farmaajo iyo tegitaankii shirkii magaalada Brussels. Kulankii dhexmarey madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Feysal Cali Waraabe ayaa intiisa badan waxa ay uga hadleen xiisada deegaanka Tukaraq oo ay ciidamadooda isku-horfadhiyaan ciidamada Puntland. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Siciid Cartan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/Xildhibaan-Siciid-Cartan.mp3 Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
The Department of State has amended the designation of al-Shabaab – an al-Qa’ida affiliate in Somalia – to include al-Hijra and other aliases. These aliases have been added to al-Shabaab’s designations as a Foreign Terrorist Organization (FTO) under Section 219 of the Immigration and Nationality Act, and as a Specially Designated Global Terrorist (SDGT) under section 1(b) of Executive Order 13224. Additionally, the Department of State also completed al-Shabaab’s legally required five-year FTO review and determined that the designation would be maintained. Al-Hijra, formed in 2008 in Nairobi, Kenya serves as a wing of al-Shabaab. Al-Hijra, which is extensively interconnected with al-Shabaab both organizationally and operationally, consists primarily of Kenyan and Somali followers of al-Shabaab in East Africa. It has openly engaged in al-Shabaab recruiting in Kenya and facilitated travel of al-Shabaab members to Somalia for terrorism purposes. Since al-Shabaab’s initial 2008 FTO designation, it has killed numerous civilians throughout East Africa. Al Shabaab’s attacks included the October 2017 attack in Mogadishu where the group detonated a truck bomb that killed over 500 people, the September 2013 Westgate Mall attack in Kenya that killed more than 70 people, and the July 2010 suicide bombings in Kampala, Uganda that took place during the World Cup and killed 76 people, including one U.S. citizen. Today’s actions notify the U.S. public and the international community that al-Hijra is an alias of al-Shabaab. Terrorism designations expose and isolate organizations and individuals, and deny them access to the U.S. financial system. Moreover, designations can assist the law enforcement activities of U.S. agencies and other governments. Source: – US Government PR
-
Al-Shabaab jihadists in Somalia’s Middle Shabelle region have ramped up “aggressive” child recruitment efforts, forcing outgunned residents who refused to surrender their kids to ultimately flee after fighting the heavily armed al-Qaeda affiliate, Kenya’s Standard newspaper reports Thursday. Al-Shabaab reportedly ordered elders and parents and other community members in rural areas, to provide hundreds of children for recruitment. The development sparked off clashes between Al-Shabaab militias and the locals in Gullane and Kadere villages. A local resident, who spoke on condition of anonymity, said Al-Shabaab had displaced hundreds of locals who refused to surrender their children to fight for the group. “Many people fled from their homes after Al-Shabaab started the aggressive child recruitment campaign. We call on the government to intervene,” the resident declared, stressing that both parents and children have been forced to flee to avoid forced recruitment. According to a report unveiled by the Human Rights Watch (HRW) in January of this year, the Islamic terrorist group that operates in and around Somalia has already recruited “thousands of children for indoctrination” to become the next generation of jihadists since it launched its violent campaign against the Somali government in 2006. In the January report, HRW revealed that it is using death threats to coerce civilians into surrendering children from their community “for indoctrination and military training.” Al-Shabaab’s violent tactic has reportedly already forced community elders to surrender thousands of children, including 300 in one region alone. The United Nations has confirmed that child abductions, notably from schools in Somalia, and al-Shabaab’s use of children as terrorists significantly increased last year and continued to do so. “Al-Shabaab’s ruthless recruitment campaign is taking rural children from their parents so they can serve this militant armed group,” Laetitia Bader, senior Africa researcher at HRW, declared. “To escape that cruel fate, many children have fled school or their homes.” U.S. President Donald Trump’s administration has intensified America’s military campaign against al-Shabaab, launching a record number of airstrikes in Somalia in 2017. The most recent estimate from the U.S. Department of State (DOS) places the number of al-Shabaab jihadis at “several thousand.” Al-Shabaab terrorists are considered one of the deadliest and most prolific terrorist jihadis in the world. Some news outlets have suggested that the famine currently plaguing parts of Africa has fueled opposition to al-Shabaab, which has prevented locals from accessing aid from organizations it considers branches of spies are trying to perpetuate Western values. “Somalia’s growing famine partly stems from a global failure to act on warning signs, but it’s exacerbated by militant group al-Shabaab, factions of which are blocking aid delivery and might have to be negotiated with, says Africa analyst Rashid Abdi,” the Council on Foreign Relations noted back in 2011. Source- Breitbar
-
A 10-year-old girl in central Somalia has died after undergoing female genital mutilation (FGM), prompting calls from campaigners to criminalise the internationally condemned practice in a country with the world’s highest rates. The girl was taken by her mother to a traditional circumciser on July 14. The procedure left her bleeding and she died in hospital due to a haemorrhage two days later. “The circumciser is suspected to have cut an important vein in the course of the operation,” said Hawa Aden Mohamed, director of the Galkayo Education Center for Peace and Development (GECPD), a local women’s rights group. “The woman who performed the operation has not been arrested but even if she was, there is no law that would ensure she is punished for the act. This is just one among many cases happening on a daily basis across Somalia.” An estimated 200 million girls and women worldwide have undergone FGM, which usually involves the partial or total removal of the female genitalia and can cause a host of serious health problems, says the United Nations. The ancient ritual – practised in at least 27 African countries and parts of Asia and the Middle East – is usually carried out by traditional cutters, often using unsterilised blades or knives. Health experts say FGM can cause fatal childbirth complications later in life. In some cases, girls can bleed to death or die from infections following the procedure, although it is hidden within communities and rarely reported. Located in eastern Africa and troubled by decades of civil war, Somalia has the world’s highest rates of FGM. According to the UN, 98 percent of women between 15 and 49 have been subjected to the ritual. Somalia’s constitution prohibits FGM, but efforts to pass legislation to punish offenders have been stalled by parliamentarians afraid of losing powerful Muslim vote banks who support FGM and view it as a part of their tradition. Campaigners say a lot of work needs to be done to help people understand the harmful effects of FGM, and criminalising the practice could act as a strong deterrent. “Pro-FGM lobbyists sometimes put forward the nonsensical view that it is not harmful, which is completely untrue,” said Brendan Wynne at Donor Direct Action, an international women’s groups which helps fund grassroots charities. “We have no more time for any debate on the harms of FGM and this case, like many others, proves that. FGM will only end when governments take a hard line and protect girls at risk.” Source: Reuters
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya Maxkamada Milimani ayaa xukun ku riday habeeney la sheegay inay qaaday quruxda hablaha Kenya. Maxkamada Milimani ayaa sheegtay in habeeneydaasi oo lagu magacaabo Ruth Kamande lagu helay kiis dil oo horay ay u geesatay kadib markii ay mindi ku dishay wiil ay haasawinayeen. Maxkamada Milimani ayaa Ruth Kamande ku xukuntay in lagu dilo ceeji, waxa ayna qiratay in wiilkaasi ay dishay sanadii 2015-kii. Ruth Kamande oo laba sano ku xirneyd gaal shiraha Lang’ata ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu fuliyo xukunka. Gabadhaan ayaa qiratay in ay dilka geysatay balse waxaa ay sheegtay in wiilkaan oo qabay caabuqa cudurka HIV AIDS-ka uu isku dayay in uu kufsado deetana ay midi ku dishay. Garsooraha maxkamada Milimani ee magalada nairobi Jessie Lesiit ayaa ku xukuntay in Ms kamande ceeji lagu dilo. Waxaa ay ku catowday in maxkamada ay cafiso balse garsoorka ayaa tilmaamay in uusan jirin xukun kale oo lagu badali karo in la ceejiyo. eedeysanahan ayaa heysata laba todobaad si ay u codsato racfaan ay ka qaadato xukunkan Dhinaca kale, su,aasha isweydiinta leh ayaa waxaa ay tahay in kenya aysan laheyn ruux ceeji ku dila dadka lagu xukumo in ay geysteen danbiyada dilka ku saleysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A 10-year-old girl in central Somalia has died after undergoing female genital mutilation (FGM), prompting calls from campaigners to criminalise the internationally condemned practice in a country with the world's highest rates. The girl was taken by her mother to a traditional circumciser on July 14. The procedure left her bleeding and she died in hospital due to a haemorrhage two days later. "The circumciser is suspected to have cut an important vein in the course of the operation," said Hawa Aden Mohamed, director of the Galkayo Education Center for Peace and Development (GECPD), a local women's rights group. "The woman who performed the operation has not been arrested but even if she was, there is no law that would ensure she is punished for the act. This is just one among many cases happening on a daily basis across Somalia." An estimated 200 million girls and women worldwide have undergone FGM, which usually involves the partial or total removal of the female genitalia and can cause a host of serious health problems, says the United Nations. The ancient ritual - practised in at least 27 African countries and parts of Asia and the Middle East - is usually carried out by traditional cutters, often using unsterilised blades or knives. Health experts say FGM can cause fatal childbirth complications later in life. In some cases, girls can bleed to death or die from infections following the procedure, although it is hidden within communities and rarely reported. Located in eastern Africa and troubled by decades of civil war, Somalia has the world's highest rates of FGM. According to the UN, 98 percent of women between 15 and 49 have been subjected to the ritual. Somalia's constitution prohibits FGM, but efforts to pass legislation to punish offenders have been stalled by parliamentarians afraid of losing powerful Muslim vote banks who support FGM and view it as a part of their tradition. Campaigners say a lot of work needs to be done to help people understand the harmful effects of FGM, and criminalising the practice could act as a strong deterrent. "Pro-FGM lobbyists sometimes put forward the nonsensical view that it is not harmful, which is completely untrue," said Brendan Wynne at Donor Direct Action, an international women's groups which helps fund grassroots charities. "We have no more time for any debate on the harms of FGM and this case, like many others, proves that. FGM will only end when governments take a hard line and protect girls at risk." Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xaalada Somaliland, shirkii ka dhacay Brussels iyo arrimo kale. Waxaa uu sheegay guddoomiye Ciro in shirkii ka dhacay magaalada Brussels ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka socotay Somaliland, islamarkaana sheegay in uu gaf ku dhacay Xisbiga Kulmiye ee haatan haya talada Somaliland. “Muuse waa naga qariyey inuu wafti u diray shirka Brussels, oo ay uga qeyb-galeen Faysal iyo Cali Khaliif” ayuu yiri Cirro. Dhinaca kale, waxaa uu dhaliil u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in Somaliland ay ku jirto marxalad dhaqaale iyo habacsanaan ah, balse sheegay in mas’uuliyadiisa ay qaadi doonaan Xisbiga Kulmiye . “Waxaa maanta meeshii ugu hooseesay maraya siyaasada arrimaha dibada Somaliland oo go’doon siyaasiyeed sii galaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya sawiro muujinaya in Somaliland maqaamkeedu hoos u sii socda” ayuu yiri Cirro. Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan hawada Somaliland, isagoona sheegay in saraakiil ka socda dowlada ay ku sugan yihii magaalada Hargeysa. Hoos ka dhageyso Codka Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/codka-galabta-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka, ayaa bayaan ay soo saartay shalay ayay ku sheegtay inay liiska Argagixisada ku dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo ay ku sheegtay inay ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, xiriirna la leh Shabaab. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qoraalkaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in wax ka bedel ay ku sameysay qaanadii ay ku jirtay Al-shabaab oo Somalia ku metesha Al Qaacidda, iyada oo balaarisay ayay liiska Argagixisada ku soo biirisay liiska ururada Argagixisada ee shisheeyaha ah. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra oo 2008-kii lagu aas-saasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay tahay Laanta Al-shabaab u qaabilsan dagaalka gudaha dalka Kenya. Kooxda Al-Hijra waxay gacan ka geysataa askareynta xubnaha Al-shabaab ku biiraya, waxayna fududeysay inay xubnaheeda si caadi ah ugu socdaalaan Somalia, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo. Tallaabadaan cusub ee Mareykanka uu Qatay ayaa ujeeddada ka dambeysa waxay tahay in la takooro ururadaasi iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay. Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa horay liiska kooxaha Argagaxisada ah ay ugu dartay kooxda Al-shabaab oo muddo sannado ah isugu dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda Federaalka ah ee uu caalamku Taageero. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Koox Xiriir la leh Al-shabaab ku dartay liiska Kooxaha Argagaxisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Lusaka (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre uga qayb-galay kulan madaxeedka 20-aad ee Wadadmada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) Magaalada Lusaka ee wadanka Zambia ayaa saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi. Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya. Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo markii ugu horreysay ku biirtay Suuq Caalami ah oo ka jira Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Stockholm (PP) ─ Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ee ka dhacay Brussels ayaa gaaray Magaalada Stockholm ee Caasimadda dalka Sweden, kadib, Casuumaad ay u fidiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Stockholm ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo xusay inta uu joogo Sweden ay Jaaliyadaha iska wareysan doonaan horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, gaar ahaan horumarrada ka jira Caasimadda dalka oo hadda dib-u-soo kabanaysa. “Waxaan idin kaga mahadcelinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad noo sameyseen, inta aan halkaan joogno waan kala warqaadan doonnaa, maadaama aad tihiin bulsho laf-dhabar ah oo leh hal-abuur lagu horumarin karo dalka, magaalada Muqdisho-na ay ku jirto xilli soo kabasho ah fursaduhuna badan yihiin waa in dib loo soo laabtaa oo maalgashi laga sameeyaa Caasimadda, waana midda aan halkan u nimid sidii aan uga wada hadli lahayn.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho. Inj. Yariisow ayaa sheegay maadaama mas’uuliyiinta dawladda ay intooda badan ka yimaadaan qurbaha, isla markaana gurmadka dadka ay dhibaatadu gaarto had iyo jeer intiisa badan uu ku yimaado taageerrada qurbejoogta, sidaas daraadeedna ay muhiim u yihiin horu-socodka dalka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa waxaa safarka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax). PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden appeared first on Puntland Post.
-
Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku biiray suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee COMESA, waxaana shalay heshiiskaas saxiixay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre. Sida lagu soo daabacay bogga rasmiga ah ee Ra’isulwasaaraha, saxiixa waxa uu shalay ka dhacay magaalada Lusaka ee dalka Zambia halkaas oo uu ka socday shir madaxeedka COMESA. Bogga rasmiga ah ee COMESA ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay xubinimada rasmiga ah ee Soomaaliya. Soomaaliya ayaa markii hore xubin ka ahayd ururkii kan lagu baladay ee PTA ka hor intii aysan burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Sida uu qorayo qodobka 4aad ee xeerka COMESA, dal ayaa kusoo biiri kara ururka haddii uu daris dhow la yahay dal ka mid ah ururka, islamarkaasna uu fuliyo dhammaan shuruudaha laga doonayo oo ay ka mid tahay aqbalaadda xeerarka iyo qawaaniinta uu ururka ku shaqeeyo. Sidaasi darteed Soomaaliya waxa ay daris dhow la tahay 3 dal oo ururka ku jira oo kala ah Jabuuti, Etoobiya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay horay arji ugu qoratay bahda Bariga Africa, balse weli lama aqbalin. Waa maxay COMESA? Waxaa COMESA la asaasay sanadkii 1994-tii, waxaana xubno ka ah illaa 21 dal oo ay ugu dambeeyeen Soomaaliya iyo Tunisia . Waxaa ururkan lagu badalay urur ka horeeyay oo lagu magacaabi jiray PTA kaas oo soo dhisnaa illaa sanadkii 1981-dii. Ururada ganacsi ee dalalka ay ku bahoobaan waa fikrad ganacsi oo looga gol leeyahay in la fududeeyo isu gooshista badeecooyinka iyo dadka, lana yareeyo canshuuradaha tirada badan ee alaabaha laga qaado. Maxay oga dhigantahay Soomaaliya? Ra’isulwasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa dawladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay ku-biiridda suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka”. Marka laga tago arrinta kusoo laabashada fagaarayaasha, dadka Soomaalida ah oo ah kuwa xagga gamacsiga caan ku ah, ayay arrintani u tahay war wanaagsan. Balse maadaamaa shuruudaha ganacsiga uu ka mid yahay in dalalka mid kasta ay caan ku noqdaan wax soo saar u gaar ah, Soomaaliyana aysan hadda jirin wax gaar ah oo ay soo saarto oo ay u suuqgeyn karto dalalka 21-ga ah, ayaanan la ogeyn faa’iidada waqtiga dhow eek u biirista COMESA ay keeni karto. Hase yeeshee qorshaha hadda socda ee ah in dalalka COMESA loo qaato hal dal-ku-gal ayaa waxa ay tani fududeyn kartaa safarada dadka Soomaalida ee baasaboorka Soomaaliga ah adeegsanaya. Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
-
Tuulada Af-ururAl-shabaab ayaa la wareegay tuulada Af-rurur oo koonfur galbeed uga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa shaacisay in saaka ay si nabad ah kula weegeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari, oo horey fariin u ahayd ciidamo ka tirsan Puntland. Ciidamadii Puntland ee ku sugnaa tuulada Af-urur oo kaabiga ku haysa buuraleyda Galgala ayaa warar xog ogaal ah sheegayaan in ay shalay galinkii danbe halkaas ka baxeen, kadib gadood ka dhashay mushaar la’aan, oo mudooyinkiii dambe ay ciidamadu aad uga cabanayeen. Puntland ayaa ilaa hadda ka hadlin qabsashada A-shabaab ee tuulada Af-urur iyo ka bixitaanka ciidankooda. Al-shabaab ayaa sanadkii hore weerar gaadmo ah oo khasaare badan dhaliyay ku qaaday fariisin ciidamada Puntland ku la haayeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari. Qabsashada Af-urur ee Al-shabaab ayaa ku soo aadaysa iyadoo Puntland dagaal kaga furan yahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. PHNTLAND POST The post Puntland:- Al-shabaab oo la wareegay tuulada Af-rurur appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegtay deegaanka Af Urur oo u dhow Buuraha Galgala. Wararku waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay halkaa ku xirxireen qaar kamid ah dadka deegan oo la sheegay in markii hore ay caawin jireen ciidamad maamulka ee kabaxay deegaanka Af urur. Maleeshiyaadka oo wali ku sugan deegaanka ayaa lasoo sheegayaa in xoolo iyo gaadiid ay ka furteen dadka deegaan oo amaankooda ay gacanta ku hayeen ciidamada ka baxay deegaanka. Mid kamida dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka la wareegay deegaanka ay kor u dhaafayaan Sodon maleeshiyo, wallow markii danbe ay kusoo biiren maleeshiyaad gurmad ah. Waxa uu tilmaamay inay xireen dhalinyaro badan oo ay ku sheegen adeegayaal la shaqeeya maamulka iyo ciidamada ka baxay deegaanka, sida uu hadalka u dhigay. Ciidamada maamulka oo rogaal celis ah ayaa sidoo kale ku sugan deegaan aan sidaa uga sii fogeyn Af urur, waxa uuna qorshahoodu yahay in maleeshiyaadka ay mar kale kala wareegan deeganka. Sidoo kale, qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa isaga baxay Af urur kuwaa oo cabsi ka qaba in ciidamada maamulka iyo Al-Shabaab ku dagaalamaan deegaanka oo hadda ku jira gacanta Shabaab. Docda kale, waxaa aad looga cabsi qabaa in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhibaato weyn u geystaan dadka deegaanka oo aad u cabsi qabo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka ee loo yaqaano Homeland Security ayaa mudo 18 bilood ah sharciga dal ku jooga ah u kordhisay 500 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo aad uga wal walsanaa waxa ay la kulmi doonaan. Dadka sharcigan loo yaqaano TPS-ka ee ku meel gaarka ah loo cusbooneysiiyay ayaa waxa ay intooda badan ku nool yihiin gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay. Boqolaal dad ah ayaa xalay farxad ku seexday, maadaama 18 bilood oo hor leh loo siiyay inay joogaan dalka Mareykanka, kana shaqeystaan gudaha Mareykanka. Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka ayaa diiday dadka dhawaan tagay Mareykanka ama kuwa hada galaya inay sharci siiso, balse keliya waxay cusbooneysiin u sameysay kuwa horey u heystay sharciga deganaanshaha. Tan iyo markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump, Soomaali badan ayaa dib looga soo celiyay dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo ka galeen Mareykanka iyo inay aysan heysan sharciga deganaanshaha. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay caawa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho. Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda. Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho. Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda. Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir. Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com