-
Content Count
210,693 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay suuragalnimada inay isku soo dhawaadan dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland. Michael Keating, waxa uu sheegay adduunka oo idil inuu ka simanyahay inaan la kala jarin Somalia, balse si wada jira looga shaqeeyo midnimadooda. Waxa uu tilmaamay in QM aysan ka suuroobeynin inay u ololeyso go’itaanka Somaliland isaga oo carab ***** in go’aanka QM ee midnimada Somalia ay dhowr jeer gaarsiiyen Somaliland. “Qorshaha waxa uu yahay in laga fogaado wixii ka fog midnimada Somalia, waxaa lama huraan ku ah Soomaalida inay xal u helaan khilaafkooda oo ay ka shaqeeyan midnimada, waxa uu go’aanku yahay keliya in lamideeyo Somalia” “Somalia iyo Somaliland wey isaga dhowyihiin sidii hore waxaan dooneynaa keliya in la dardar galiyo wadahadalada si loogaaro xalka aan fileyno” Michael Keating, waxa uu sheegay in wadada keliya ee Somalia u furan ay tahay inay xal ka gaaran khilaafka fogaaday, waxa uuna meesha ka saaray iney jirto rajo muujineysa in Somaliland lagu taageero gooni isku tag. “Adduunku waxa uu ku dhiiranayaa inay midooban oo tuulooyin leysku bedelo, Somaliland-na waxa ay hamineysaa gooni isku tag, taasi ma suuroobi karto waxaanu dooneynaa Somalia oo nabad ah” Sidoo kale, Michael Keating, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay xal degdeg ah u raadiso tabashooyinka Somaliland, waxa uuna cadeeyay in QM ay kaalin weyn ka qaadan doonto xal u helida muran Siyaasadeedka taagan. Haddalka Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ballanqaaday xal u raadinta tabashooyinka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
23-kii Feberweri 2012-ka ayaa magaalada London lagu qabtay shir ballaadhan oo lagu soo-jeediyay in ay Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan. Waxa ay labada dhinac magacaabeen guddi u qaabbilsan wada-hadalka. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ergadiisa ku daray xubno ka soo jeeda Somaliland, qodobkaas oo la saluugay ayaa hakad-geliyay ambaqaadkii wada-xaajoodka. 27-kii Abril 2012-ka ayuu Eng Faysal CaliWaraabe magaalada Dubai kula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaanu Shariifku aqbalay in uu dadka Somaliland ka soo jeeda ka reebo guddida wada-hadalka. Waagaas ma arkin cid dhibsata kulanka Faysal iyo Shariif. Ugu yaraan waxa madashaas lagu af-jaray is-diiddo u dhexaysay labadii xukuumadood ee talada hayay. 11-kii Mey 2013-ka ayuu Faysal Cali-Waraabe carriga Ingiriiska kula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa uu Faysal kulankaas ku sheegay bariido. In ay lahaayeen xaflado ka dhacaya goobo isu dhaw oo uu sidaas awgeed ugu leexday markii loo yeedhay ayuu caddeeyay. Falkaasi wuxuu sababay in ay kala fogaadaan Xukuumaddii Siilaanyo iyo Faysal. Waxyaabaha uu sababay waxa ka mid ahaa: 1. In wasiirro iyo masuuliyiin badani dhaleecayso Faysal 2. In laga reebo guddidii wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Walaw ay xukuumaddu oggolayd in cid UCID ahi raacdo, Faysal ayaa diiday in uu xubin kale u xulo kaalinta laga saaray 3. Wuxuu Faysal ka mid noqday Golaha Wadatashiga iyo Toosinta oo lagu qoonsaday magaca “Gole”, guddida diiwaan-gelinta ururrada iyo ansixinta xisbiyadu waxa ay UCID ugu baaqeen in tallaabo laga qaado Faysal. Aniga oo markaas Golaha Dhexe ee UCID ka mid ahaa, rag ayaa waagaas soo jeediyay in Faysal shir degdeg ah xilka lagaga qaado, xukuumadda/guddiga diiwaan-gelinta iyo maxkamadduna way ansixin lahaayeen kollay. Laakiin laguma raacin. Kanshadii ugu maangalsanayd ee guddoonka UCID lagu afgemiyi lahaa ayay ahayd. 4. Si gaar ah waxa ay hadallo taagtaagani u dhex mareen Wasiirkii Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu Faysal ku tilmaamay Raiisal-wasaare Is-fahanka xukuumaddii Siilaanyo iyo Faysal waxa uu soo laabtay Nofember 2015-ka. Akhriste, malee waxa isu soo dhaweeyay labada dhinac ee dabka cas kala bixinayay? Kulanka 18kii Juun 2018ka Dr Cali Khaliif Galaydh, Engineer Faysal Cali-Waraabe iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) ku dhex maray Beljimka waxa aan is leeyahay waxa lagu soo qaaday: 1. Sidii loo amba-qaadi lahaa wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo buray markii ay Soomaaliya fulin weyday heshiisyo lagu galay Turkiga 2013 iyo Jabuuti 2014. Sida qaraarkii la isku af-gartay ee samaynta guddi dhex ah oo hawada maamusha, fadhigooduna Hargeysa yahay iyo in aan la siyaasadayn wixii mashaariicda horumarinta. Way adag tahay in waanwaanta la curiyo iyada oo goaannadii horeba noqdeen hal bacaad lagu lisay. 2. In la isu kaashado deminta colaadda Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland (Soomaaliya). Hawshani waxa ay ka go’daa Dr Cabdiweli Maxamed Cali-gaas. 3. In Soomaaliya ka laabato isku-daygeedii weecinta qaadhaanka caalamku siiyo Soomaalilaand 4. Eng Faysal Cali-Waraabe iyo Dr Cali Khaliif Galaydh oo beryahan meelo Jarmalku ka mid yahay u maray wax loogu yeedhi karo “dilaallid siyaasadeed” waa ay codsadeen ama xantoobsadeen wixii Eebbe ka siiyay ama uga qoray Soomaaliya iyo Caalamka. 5. Dawladda Soomaaliya waxa ay heshay fursad ay dunida ugu muujiso in shir iyaga u gaar ah ay dhex fadhiyaan Guddoomiyaha Xisbi qaran oo Somaliland ka dhisan iyo Madaxweynaha Khaatumo oo heshiis aan dhammayn (incomplete agreement) kula jira Somaliland. Waa madal ay DFS ku muujin karaan in Somaliland ku qaybsan tahay sii-waditaanka hadalka, aragtida midnimada iyo danaha ay Muqdisho ka leedahay soo-celinta isu-taggii labadii gobol ee midoobay 1960kii. Mudane Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya xaflad lagu lafa-guray heshiiska lala galay DP World ee marsada Berbera oo 8dii Sebtember 2016ka lagu qabtay Hargeysa ayaa yidhi “Wax lacag ah ma aannu soo qaadin. Imakaba ha noo soo shaxaad tegina. Dad moodaya in wax na loo soo dhiibay ayaa taleefanno nagu wareeriyay”. Waxa qosol raftay Muhannad Xaashi Cabdi oo madasha joogay. Imakaba yaan Guddoomiyaha UCID iyo Dr Cali Khaliif Galaydh wax duunyo ah la weydiinnin. Saddexdaas madar (shir) ee aan faalleeyay ma gef baa mise waa gar?. Waxa aragtidaas falanqayn doona xeeldheereyaasha aqoonta u leh sharciga. Kollayba gobannimada Somaliland waxa aan u arkaa mid ka weyn wax ay qof ama kooxi majare-habaabiyaan, duwaan, leexiyaan ama ku takri-falaan. W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr siciidgahayr@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Biyahu waxay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah ee ay tahay inuu qof walba haysto laakiin haddii aad tahay Maraykan nasiib ayaa leedahay haddiiba aad ku hesho qiimo aad ku iibsan karto. Arrintaan waxaa laga yaabaa inay qariib kula noqoto, inay kula noqonaysana waa sababta aan u jeclaystay inaan kula wadaago. Sidee waddanka dunida ugu hormarsan xagga nolasha, dhaqaalaha, ciidan iyo ilbaxnimada sheegtana inuu yahay aabbaha dunida xorta ah ay suuragal ku tahay in dadkiisu biyo la’aan hayso? Dhabta ayaa ah in nolosha quruxda badan ee aan aragno yaysan wada haysan ree Maraykan, qaar badan oo ka mid ah haddaysanba ahayn intooda badan ay ku noolyihiin nolol xuquuq la’aan. Waxaan halkaan idinkula wadaagi hal tusaale oo ku saabsan sida loola dhaqmo dadka saboolka ah ee Maraykan ku nool iyo cidda leh awoodda dalka. Flint waa magaalo ku taal gobal Mishigaan. Dadka saboolka ah ee daggan dagmadaas ayaa lagu qasbay inay isticmaalaan biyaha caagadaysan ee suuqayada lagu iibiyo. Dhammaan waxyabaha ay biyuhu daruuriga u yihiin sida cunta kariska, cabbidda, iyo xataa qubayska ayay noqotay inay u istcmaalaan biyaha sajalka ah ee qaaliga ah. Waxay rumaysanyihiin in biyaha ka socdo tuubbooyinkooda ay astaahilaan falaashka musqusha wax kasoo harayna aan loo isricmaali karin. Dhibka biyaha dagmadas ayaa bilowday sanadki 2014ki ka dib markii halka ay biyaha ka heli jireen lagu baddalay isticmaalka biyaha wabiga maro Flint. Hasa ahaate wabigaan ayaa ahaa sanado badan meel lagu qubo wasaqda ka timaado warshadaha ku yaal gobalka oo dhan taasoo sababtay in dhammaan biyihiisu noqdaan kuwa sumaysan. Marki ay muddo aad u yar isticmaalayeen biyaha wabiga, dadka deegaanku waxaa soo wajahay xanuunno ay ka mid yihiin kuwa maqaarka ku dhaco. Sidoo kale, rag iyo dumarba waxaa ku bilowday timo-jaran ka dib marki ay ku mayrteen biyaha ka yimaado wabiga. Dhibka ugu daranse waxaa yimid markii dumarki billaabeen inay dhiciyaan. Caddadka dhiciska ayaa kor u kacay 58% muddo kooban. (FG: biyaha guryaha tuubooyin ayaa keeno ee isha ay ka yimaadaan ayaa wabiga ah). Dhibkaan ayaa isla markiiba soo jiitay indhaha madaxda Marayka. Waxaa markiba booqday madaxweynihi markaas talada hayay Barrak Obama iyo Hilary Clinton. Sidoo kale waxaa dagmada iska xaadiriyay jilayaal caan ah oo uu ka mid yahay Will Smith. Masuuliyiintaan ayaa muujiyay inay garab taaganyihiin dadka deegaan waxayna ku deeqeen kumannaan liitar biyo caagadaysan ah inta xal loo helayo oo ula muuqatay maalmo. Dadaalki iyo garab istaagi ay muujiyeen masuulyiintaas waxba kama baddalin dhibki haystay ree Flint. Afar sano ka dib marki guryaha loo galiyay biyo sumaysan, dadka deegaan ayaa wali ku tiirsan biyo caagadaysan oo aad ugu qaali ah. Sanadki 2017ki amar kasoo baxay maxkamad ka dib, maamulka gobal ayaa sheegay inay u qoondeeyay $97 milyan oo doolar oo biyo caagadaysan ay ugu iibin doonaan 18000 qoys ilaa sanadka 2020ka. Hasa ahaatee 12000 oo dadkaas ka mid ah biyahaas waxba kama gaarin. Wax yar ka dibna maamulka gobalka ayaa joojiyay bixinta biyahii uu ballan qaaday isagoo ku dooday in tayada biyaha guryaha ku jiro la hagaajiyay. Hasa yeeshee khubarada caafimaadka ayaa isku raacay inaan biyahaan la cabbin karin. Waxaa la xajiiyay inay 886 jeer ka tayo hooseeyaan heerki laga rabay biyaha nadiifka. Dhaqaatiirta aya sheegtay in caruurta cabto ama ku korto biyahaan ay wajahayaan caafimaad darro kala duwan sida maskax hoosayso, dug-la’aan iyo fadaqnimo, marar badan ay suuragal noqon karto inay sababaan dhaawac maskaxda ah oo keeno curyaanimo abid ah. Ma biyo la’aan ayaa jirto maxaa dadka sunta loogu qasbayaa? Maya xaqiiqdi. Masaafo u jirto labo saac inta loo socdo dagmadaas, waxaa ku yaal il qulqusho oo laga dhaliyo biyaha caagadaysan laakiin waxay u xiran tahay shirkad ganacsi oo cid kale ma cabbi karto. Shirkadda Nestle ayaa ishaas ka burqiso malaayiin liitar oo biyo maalin walba. In ka badan boqol kun oo jeer celceliska biyaha uu u baahanyahay qoyska daga Flint, ayay shirkaddaas ku iibisaa hal doolar oo kaliya. Waxaa kaaga daran gobalku lacag kama helo biyaha dadkiisu ka baqtiyeen. Shirkaddu sanadki oo dhan waxay gobalka siiyaa labo boqol oo doolar kaliya. Hadda waa labo boqon oo kaliya. Waa lacag u dhiganto biilka biyaha ee uu bixiyo qoyska daggan Flinta saddexdi biloodba. Sanadki 2016ki biyaha ay shirakddu iibisay ayaa ku istagay $7.4 bilyan oo doolar. Waxaa xusid mudan in isla sanadkaas shirkaddu codsatay in loo kordhiyo caddadka biyaha ay dhurato 60% taasoo maamulka gobalkuna aqbalay halka dadka deegaanka lagu qasbahayay biyo sumaysan oo wasaq ah. Dhibkaan gooni kuma aha dagmada Flint ee waa mid ku baahsan dalka Maraykanka oo dhan. Baaritaan ay samaysay wakaaladda wararka ee Reuters sanadki 2016ki ayay ku heshay in ilaa 3000 oo dagmo iyo tuullyin ah ay biyahoodu sumaysanyihiin qaarkoodna kasii liitaan kuwa Flint. Waxaa laga yaabaa inaad la yaabbantahay waxa keenay in dadkaan sidaan loola dhaqmo. Jawaabta aya ah in Maraykanka nolosha ka jirto dadka kala gaysay. Tayada noloshaada waxaa go’aaminayo qabiilka aad ka dhalatay iyo maalka aad leedahay. Dhammaan dadka ay hayso dhibka biyaha waa madow ama hisbaanic. Sidoo kale waa dad dhaqaale hooseeyo oo ay dowladdu kabto. Ilmaha dugta beelayo maahan canug cad. Midka fadaqa noqonayo ee noloshiisa xabsiga ku dhammaysan doono ama la dili doono isagoo yar maahan canug caddaan ah. Hablaha ilmihu kasoo dhacayaan iyo hooyinka timuhu ka buubeen biyahaas dartood maahan kuwa caddaan ah. Sidaas darteed sharciyada xuuqul insaanka, caddaaladda iyo sinnaanta Maraykanku ku faano waxay gaar u yihiin dadka cad. Obaama iyo Wil Smith inta isu tageen waa keeni waayeen in biyaha shirakadda u xiran dadka baaba’ayo wax laga siiyo. Ugu danbayn ujeedka aan qormadaan idiinla wadaagay ayaa ah inaan fahamno dhibaatooyinka kala duwan ee bulshooyinku dalalkooda ku qabaan. Caddaalad darrada taal dalkeenna si guud iyo midda dadkeenna qaar si gooni u haysato, waa mid aan la qabno dadyow aad u tiro badan oo qaarkood ku noolyin dal Maraykan oo kale ah. Haddii ninki madoobaa ee qabiil ahaan loo yaqaan Maraykan Madow (Black American) sidaa loola dhaqmayo maxaad mooddaa mid Soomaaliga ah ama Afrikaanka ah ee shalay tagay? Taasi kama dhigna inaan leeyahay aan ka raali noqonno caddaalad darrada na halakaysay ee waxaan leeyahay yaysan noqon caddaaladda aan raadinayno midd Maraykanka oo kale. Qormadaan oo ku qoran Ingriis waxaa lagu daabacay bogga Aljazeera halkaan ayaadka ka daalacan kartaa: https://www.aljazeera.com/indepth/opinion/owns-america-water-180607123435697.html W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta iyo dhammeystirka habka mideynta canshuraha dalka oo Muqdisho laba maalmood uga socday, wasiirka maaliyadda xukuumadda FS iyo Wasiirada Maaliyadda Gawlad Goboleedyada ayaa dhammaadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan waxyaabahii la isla meel dhigay, waxaana ka mid ahaa. 1-In madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan habsami usocodka hawlaha guddiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta Maamulka Maaliyada ee dalka. 2-In la mideeyo sharuucada caanshuraha iyo siyaasadooda guud kaaso ka soo bilaabanaya golayaasha dowlad goballeedyada ka hor inta aan la horgeynin golayaasha Dowladda waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed ee dowlad goballeedyada. 3-In shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha Augost dhexdeeda si looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha. 4-In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha (Automation of Inland Revenue). 5-In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaasoo noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka. Ku simaha guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna Gudomiyaha ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa shegaay in ka gobal ahaan ay aad uu soo dhawenayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam Maaliyadeed oo daah furan, islamarkaana samaynaya kobac dhaqaale. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shegaay iney diyaar u yihiin dhammeystirka mideynta caanshuraha dalka, taasoo horumarineysa nidaamka dhaqaale ee dalka.
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalo Xeebeedka Baraawe Gobolka Sh/Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab Galinkii dambe ee Galabta ay Madaafiic ku weerareen Markab Taagnaa Xeebta magaaladaasi. Markabkaan ayaa la sheegay in saanad ciidan uu u siday Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya. Dadka deegaankaasi ayaa ku waramaya in madaafiic dhowr ah ay Al-Shabaab la bartilmaameedsadeen Markabkaasi lamana oga qasaare in uu soo gaaray iyo inkale. Ciidamada AMISOM ayaa jawaab cilin ka bixiyay hoobiyaashaasi iyaga oo Madaafiic ku riday goobaha ay ka soo dhaceen madaafiicdaasi. Al-Shabaab ayaa waxa ay ku suganyihiin meel aan sidaasi uga fogeeyn Magaalo Xeebeedka Baraawe Waxaana magaaladaasi ay xarun ama caasimad u tahay maamulka Koonfur Galbeed inkastoo uu maamulkaasi ku shaqeeyo hadda Baydhabo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Al-Shabaab oo Madaafiic ku weeraray Markab Taagnaa Xeebta Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
The father of a 10-year-old girl who died after undergoing female genital mutilation (FGM) in Somalia has defended the practice. Source: Hiiraan Online
-
Wajir County woman representative Fatuma Gedi has cautioned chiefs against mediating in cases of sexual violence meted on schoolgoing girls. Speaking at Griftu Primary School, Ms Gedi said that all the perpetrators of sexual violence should be subjected to the law. Ms Gedi said chiefs play a key role in fighting the vice against girls since they are the first to receive such reports. The woman representative blamed maslaha, an alternative system of dispute resolution mechanism, on the rising cases of sexual violence in the county that she said have contributed to early pregnancies and high school dropout rates. “The more we employ the use of maslaha on issues of rape and other forms of violence, the more it becomes harder to prevent such incidences,” she said. Ms Gedi, further, promised to continue providing sanitary towels to school girls to ensure none of them miss classes. Source: – Daily Nation
-
The prime minister of Ethiopia is expected to visit Minneapolis on July 30, and city officials are urging him to help end conflict between that country’s Oromo and Somali communities. Prime Minister Abiy Ahmed took office in April. His trip would mark the first time that an Ethiopian prime minister has visited the Twin Cities, according to Minneapolis City Council Member Abdi Warsame. Clashes between Ethiopia’s Somali and Oromo ethnic groups in recent years have resulted in hundreds of deaths, mass arrests and the forced displacement of thousands. Abiy has been praised as a reform-minded leader who this month vowed to end hostility between Ethiopia and Eritrea following a brutal border war two decades ago. Warsame recently raised a resolution condemning what he called a “humanitarian crisis” in Ethiopia. He urged the Ethiopian government to respect both the Oromo and Somali communities, and for Abiy to take actions to end national violence and return displaced people to their homes. The council adopted the resolution at its regular meeting July 20. “The communities have thought that this is a very important state to concentrate the new prime minister’s mind to the importance of the lives of our civilians back in Ethiopia,” Warsame said at the meeting. “This is a message of peace; it is a message of love.” Minneapolis school board member Siad Ali stood by Warsame in support of the resolution. “The Oromo and Somali communities are brothers and sisters and they share everything in life,” Ali said. “Therefore, it’s very important that we have to condemn the violence that’s going on in Ethiopia.” Minnesota is home to the largest diaspora of both Somalis and Oromos in the nation. Source: – Star Tribune
-
Ethiopia must pursue multiparty democracy, the prime minister’s chief of staff said on Sunday in what could be the latest in a series of momentous changes sweeping the country. The country allows competing parties but all parliamentary seats are held by the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front, which has maintained control in the country of 100 million people since it fought its way to power in 1991. The ruling coalition has also presided over an economy that has grown faster per annum than any other in sub-Saharan Africa over the past decade. But since Abiy Ahmed became prime minister in April the government has instituted reforms including releasing political prisoners, diluting state control of the economy and making peace with northern neighbour Eritrea. Abiy was meeting national and regional parties on Sunday and his chief of staff, Fitsum Arega, said in a tweet: “PM Abiy concluded: Given our current politics, there is no option except pursuing a multiparty democracy supported by strong institutions that respect human rights and rule of law.” He said the parties appreciated Abiy’s political reforms and also wanted changes to electoral laws. The government this month lifted a ban on opposition groups that were considered terrorist groups. Elections are due in 2020. Source: – Reuters
-
Michael Scott Moore is walking a bit gingerly these days, but it has nothing to do with the 2½ years he spent imprisoned by Somali pirates, the beatings he suffered, his time spent in chains or the lousy food that caused him to lose 40 pounds. “I got thumped by a wave surfing off Manhattan Beach the other day,” the author of “The Desert and the Sea: 977 days Captive on the Somali Pirate Coast” says with a sheepish grin. “I’ve got a cracked rib.” Otherwise Moore, freed by his pirate captors in 2014 after his mother raised a $1.6 million ransom, looks fine. He’s dressed casually in a dark blue shirt and jeans as he sits down in the shade of the century-old art-deco building that houses Los Angeles’ downtown library to talk about his latest book. “The Desert and the Sea” goes on sale Tuesday, and its 49-year-old author is about to embark on a cross-country tour of readings and signings. The page-turning thriller, published by Harper Collins, takes readers on a relentless journey as Moore reveals the squalid living conditions that nearly killed him, the beatings he endured and the thoughts of suicide he weighed, along with other thoughts of grabbing one of his captor’s machine guns (they were careless about leaving them lying around) and seeing how many of them he could kill before they killed him. “I don’t know,” he says with a smile when asked how he survived it all. After several seconds of quiet contemplation, he adds that a combination of giving up any immediate hope of freedom and living in the moment helped. So did maintaining a sense of humor while trapped in a very unfunny situation. Thus, the book contains several darkly comic moments. Like the one when Moore hid the keys to the chains the pirates kept him in after he tried to escape by leaping from an old fishing vessel and attempting to swim to shore. They never could find them and had to buy a new set, something that delighted their captive. Or the time one of the friendlier pirates, knowing Moore holds dual U.S.-German citizenship, woke him one morning to say excitedly that Germany, that year’s World Cup winner, defeated Brazil 7-1 in the semifinal game. Moore dismissed the news as “more pirate bull—-,” replying that no team scores seven goals in a soccer game. Then he turned on the radio and learned it was true. Moore first thought of writing a book about modern-day piracy when he came across examples of it in coastal African and southeast Asian nations he visited while seeking out some of the world’s best surfing spots for a 2010 book. “Sweetness and Blood,” documenting how a loose-knit band of hippies, star-struck wanderers and U.S. military personnel helped turn an ancient Hawaiian sport into an international pop-culture phenomenon, has been hailed as arguably the best historical account of modern-day surfing. His plans to report on piracy weren’t sealed, however, until he covered the trial of 10 pirates captured after abducting a German cargo ship off Somalia in 2010. Their two-year trial, which Moore covered for the publication Spiegel Online, marked the first case of piracy prosecuted in Germany in nearly 400 years. “I really wanted to write a book that had material that I hadn’t seen. On pirates,” he says now. “And it became an obsession.” By the time he arrived in Somalia in January 2012, piracy had become a cottage industry for a nation plunged into poverty and lawlessness by years of civil unrest. Young men unable to find other work sailed the high seas in small skiffs looking for people to kidnap and hold for multimillion-dollar ransoms. Moore says he knew going to Somalia was dangerous, but he thought he’d taken all necessary precautions. A “fixer” with clan connections arranged the trip in which he was accompanied by a large contingent of machine-gun-toting guards. But a pirate leader Moore interviewed betrayed him, paying off most of his security team. Moore was captured on a dusty desert road by pirates who demanded a $20 million ransom. As his mother spent years negotiating the price and raising money from family and friends, Moore’s plight went largely unreported. His employer, Der Spiegel, asked other news organizations to withhold the story, fearing publicity would drive up the price. Almost all, including The Associated Press, complied. “Honestly, I don’t know if it was better or worse to keep it quiet,” he says now. Tall and trim with graying hair, Moore says he has fully recovered physically from his ordeal, although it took more than a year. He laughs when he recalls that several Asian fishermen he was held captive with remarked, “Michael, you got fat,” when they saw him during an emotional 2016 reunion. He still struggles with some emotional scars and takes part in a therapy called Eye Movement Desensitization and Reprocessing, which involves concentrating on what happened to you while focusing the eyes. “I don’t know if it’s trendy or cutting edge,” he jokes. “At times, I think he still has very much trouble sleeping, although he says he doesn’t have nightmares,” his 78-year-old mother, Marlis Saunders, says in a phone interview from the Redondo Beach home where her only child grew up and became an avid surfer. Another ex-hostage, former Associated Press correspondent Terry Anderson, says it’s unlikely anyone gets completely over such an ordeal. “That kind of an experience does damage to you that takes a long time to compensate for,” said Anderson, who was AP’s chief Middle East correspondent when he was abducted by Islamic militants in Lebanon in 1985 and held for nearly seven years. “You don’t forget it.” Anderson, 70, says he’s glad to hear Moore is getting counseling, adding he underwent it himself but still struggled to accept how emotionally damaging his experience was. For now, Moore is busy with his book tour and working on a feature story about three men recently convicted of plotting to blow up a Kansas apartment building housing Somali refugees. After that he’d like to get back to some of the travel writing that took him to many fascinating parts of the world when he was researching his surfing book. “I don’t want to give that up,” he says. Then he laughs as he quickly adds, “It doesn’t have to be dangerous travel.” Source: AP
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda. Madaxweynaha oo guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga Qaraxyada ay Shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.” Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka. Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda. Farmaajo oo guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyada ay argagixisada Alshabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.” Dhanka kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka. Ugu dambeyn, Shirkan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Baarlamanaka Somalia, Maxamed Mursal, RW Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Waa in is-beddel lagu sameeyo Qaabka loo Sugo Amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wajir County woman representative Fatuma Gedi has cautioned chiefs against mediating in cases of sexual violence meted on schoolgoing girls. Source: Hiiraan Online
-
Qeybo ka mid ah shacabka magaalada Garoowe ayaa diidmo adag ka muujiyay barnaamij loogu magacdarey diiwaangalinta shacabka oo qorshuhu ahaa subaxnimaddii horre ee maanta in laga bilaabo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Garoowe ka dib markii looga shakiyay inuu baalmarsan yahay sharciga,nidaamka dowliga iyo kan dowlada hoose. Qeybo ka tirsan bulshada magaalada Garoowe oo isugu jira Aqoonyahano,Odoyaal iyo Dhalinyaro oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu jirey qorshe hadafkiisu yahay sidii dad badan looga qaadi lahaa sawir faro iyo sawir indho oo ay wado Hay,add laga leeyahay dalka Talyaaniga oo magaceeda la yiraahdo ITALIAN AGENCY FOR DEVELOPMENT COOPERATION taasoo ay sheegeen dadkii la hadlay warbaahinta inaysan habayaraatee wax xafiis ah ku lahayn deegaanada Puntland Dadka xaafadaha 1Augsto iyo Halgan ee magaalada Garoowe ayaa wararku sheegayaan saaka inay joojiyeen iskudaygii u horeeyay oo ahaa hay,addu inay ku bilowdo barnaamijka loogu magacdarey diiwaangalin shacab ka dib markay ku micneeyeen hoosgalis ujeedadiisu aysan cadeyn. Dhinaca kale Warbaahinta PUNTLAND POST xiriiro kala duwan la samaysay xubno ka tirsan masuuliyiinta maamulka Degmada waxay u sheegeen inaysan waxba kala socon marka laga reebo cabasho uga timid qaar ka mid ah dadweynaha islamarkaana ay u kuurgali doonaan. Soo ifbixida barnaamijkan ayaa wararku sheegayaan inay dhalisay kulamo degdeg ah oo looga arrinsanayo kuwaas oo ay wada qaateen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Maamulka Gobolka Nugaal,Maamulka Degmada iyo Saraakiil ka socota hay,adda Italian Agency, mana jirto xog faahfaahsan oo ilaa iyo hadda laga hayo natiijada shirkaas, wallow warar madax banaan tibaaxayaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha inay si hoose hay,adda uga gacan siinayeen arrinta ay diidmada ka muujiyaan shacab badan oo ku nool magaalada Garowe PUNTLAND POST The post Garowe:-Shacab diidmo ka muujiyay barnaamij ay wado Hay,ad laga leeyahay Italy. appeared first on Puntland Post.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay hubka hoobiyaha ah ku weerareen markab taagan xeebta magaalada oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Markab ayaa waxaa saarnaa saanad u badan hub ka kooban dhowr nooc, agabka ciidamada iyo waxyaabio kale, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan milatariga Soomaaliya. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka. Warar aanu ka helnay dadka deagaanka ayaa sheegaya in illaa saddex hoobiye ay maleeshiyada Al-Shabaab ku tuureen badda, mana cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan weerarkaasi iyo haddii khasaare uu soo gaaray. Dhinaca kale maleeshiyada Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan, oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa oo kale oo kooxda ay fuliso,m ayada oo horey inta badan weeraro dhinaca dhulka ah ula beegsan jirtay ciidamada dowladda iyo Amisom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay qaabilaada iyo la kulanka Odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee beelaha, waxaana uu xalay la kulmay Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Muddullood. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay odayaasha iyo waxgaradka ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo maalmo ka hor uu guuray, isla markaana u raray howl maalmeedkiisa shaqo. Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada dalka, arrimaha nabadgelyada Muqdisho, xiriirka dowladda iyo odayaasha dhaqanka iyo arrimo kale iyadoo kulankaasi uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhowaan uu u guuray Madaxweynaha. Qaar ka mida odayaasha shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay inuu madaxweynuhu qaabilay isagoo Dareyska ciidamada ku lebisan, isla markaana uu isagu dalbaday inuu la kulmo. balse kulanku uu ahaa mid looga hadlay arrimo gaara oo quseeya madaxweynaha iyo beesha. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta kulamada isbarbar socda ay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha u raadinayeen inay la yeeshaan Beesha Muddulood, taasoo dhalisay shaki ah inuusan xiriirkooda sidii hore ahayn. Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin, hase ahaatee qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda kulamo la yeelan doono odayaasha iyo waxgaradka beelaha kale oo ay ugu horeyso Beesha Habar Gidir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah websiteyada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa lagu qoray inuu jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Shabakadda Caasimadda Online ayaa arrintaas dabagal ku sameystay waxaana xiriir toos ah la sameynay xafiisyada labada Mas’uul. Sida ay noo kala xaqiijiyeen xubno ka kala tirsan labada Xafiis ilaa hadda ma jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha. Inkastoo labada Mas’uul ay ka dhaxeyso shaqo isla markaasna lagu kala duwanaan karo waxyaabaha qaar haddana ma jiro ilaa hadda sida aan xogta ku helnay Khilaaf gaaray Mooshin. Baraha Bulshada ayaa qoray inuu Madaxweyne Farmaajo ku amray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inuu xilkiisa iska casilo kadib markii ay is khilaafsan, mana aheyn ilaa hadda wax arrintaas xaqiijin karo. Baraha Bulshada ayaa lagu qoray inay labada Mas’uul isku qabteen xil ka qaadistii lagu sameeyey Taliye xigeenadii Nabadsugidda iyo xilal kale oo dad Mas’uuliyiin ah laga qaaday. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday inaysan is khilaafi doonin isaga iyo Ra’isulwasaaraha uu magacaabo, wuxuuna Kheyre ku tilmaamay inuu yahay nin shaqadiisa kasoo bixi karo dalkana anfici karo. Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Ciidammada Xoogga dalka ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii Al-shabaab Qaraxyada ugu diyaarinayey gobolka Shabeellaha Hoose kaddib weerar ay ku qaadeen kooxdaas. Ciidammada Xoogga dalka ayaa qaadey weerar qorsheysan oo ka dhacay dhowr saldhig oo ay Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Hawdka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose. “waxaa la burburiyey saddex Saldhig oo Argagixisada ku diyaarin jireen Qaraxyada, waxaan gacanta lagu dhignay koox malleeshiyo Qaraxyada Qaabilsaneyd oo hadda ku jira gacanta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, howlgalka waxaa fuliyey ururka 15-aad ee qeybta 12-ka April” waxaa sidaas yiri Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah taliyaha qeybtaas. Ciidammada Xoogga dalka oo ay kaabayaan saaxiibbada Mareykanka ayaa sii kor dhiyay beegsiga saldhigyada iyo horjoogeyaasha Al-shabaaba ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose iyo Gobolada kale ee Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Muqdisho (Caasimdda Online) – Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho oo dad Lagu gowracay & Alshabaab oo sheegatay Wararka laga helayo degaanka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar halkaasi ka dhacay lagu dilay laba qof oo midkood la gowracay. Dadka degaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe uu dhacay weerarkaasi iyadoo maleeshiyo hubeysan ay weer ku qaadeen goob Jaayga lagu sameeyo oo ay ku dileen laba qof oo midkood ay gowraceen. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi iyadoo intaas ku dartay inay ku dishay afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo Hay’adaha amniga oo ku saabsan weerarka ka dhacay degaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Wasaarada arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa maanta shaacisay xiliga la dhisayo golayaasha deegaanka degmooyinka Garowe iyo Boosaaso. Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Xirsi Tima-cade ayaa lagu sheegay in golaha deegaanka degmamada Garowe la dhisayo 22/08/2018 ilaa 25/08/ 2018, halka golaha deegaanka degmada Boosaaso la dhisi doono 28/08/2018 ilaa 01/09/2018. Sidoo kale warqadan ayaa lagu war-galiyay cidii ay quseyso dhismaha golayaashaa deegaanka degmooyinka Garowe iyo Boosaaso in ay mudadaas ku soo diyaariyaan golaha deegaanka degmooyinkaas. Degmooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa muddo dhowr bilood ah aan la hayn gole deegaan, kadib markii Madaxweynaah Puntland kala diray, waxaana la dhaafay xiligii la dhisi lahaa golayaashaas oo ahayd muddo 45 cisho ah. Shir shalay ka dhacay xrunta gobolka Nugaal oo ay ka soo qeyb galeen maamulka Nugaal, Isimada gobolka iyo waxgarad kale ayaa looga hadlay sidii golaha deegaan oo tayo leh loo dhisi lahaa. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay xiliga la dhisayo golayaasha deegaanka Gorowe iyo Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duhurnimadii maanta ayaa waxaa darawal ka mid ah kuwa gaadiidka dadweynaha ee Muqdihso lagu dilay Suuqa Kaaraan, gaar ahaan goobta laga raro gaadiidka, waxaana toogtay askari ciidamada DF ka tirsanaa. Dilka ayaa yimid kaddib markii ninka la dilay uu u diiday askariga inuu siiyo lacag uu weydiistay.Waxaa la sheegay ninka ku labisnaa dharka ciidamada inuu weydiistay ninka dhintay shan kun oo shilin Soomaali ah,islamarkaana uu u diiday. Sidoo kale, Askariga oo ka carooday lacagta darwalkan uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasi ku geeriyooday. Askariga dilka gaystay ayaa markiiba ka baxsaday goobtii uu falkaas ka geystay, waxaana goobta gaaray ciidammo booliis ah oo maydka ruuxii la dilay gaarsiiyay saldhigga. “Darwalka waxaa loo dilay 5-kun oo shiln oo Somali ah, taasoo uu askariga weydiistay, sababtoo ah shan kun maanta wax la isku dilo ma ahan, iyadoo markiiba uu goobta ka baxasday askarigii dilka geystay,” ayuu yiri ruux ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay. Ugu dambeyn, Ma ahan wax cusub in Muqdisho ay askar ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ku dilaan dad shacab ah oo ay ku jiraan wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyo mooto Bajaaj-ta. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan Ciidamada DF oo Dhowr kun oo Shillin Somali ah u dilay Nin Darawal ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, Sheekh Cali Wajiis iyo Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa si qoto dheer u sharxeen Shareecada Islaamka iyo iyo Dastuurka waxayna ka jawaabayeen su’aallo ka imaanayay ka qeybgalayaasha. Wasiir Ku-Xigeenka oo ka hadlayay qodobada aas-aasiga u ah. Dastuurka ayaa sharxay sida Datuurka uu u waafaqsan yahay Shareecada. “Sida aad ogtihiin Dastuurka Soomaaliya waxa uu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka, sida Dastuurka ku qoran wax walba oo Shareecada Islaamka ka hor imaanaya waa waxba kama jiraan. Waxaa la rabaa in dadka Soomaaliyeed ay sidaa ula socdaan oo ay Dastuurkooda ilaashadaan” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi. Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa aad u sharxay taariikhda Dastuurka oo uu sheegay inay soo bilaabatay xiligii Nabi Maxamed (NNKH), waxuuna sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay aad ugu qanacsanyihiin dib-u-eegista Dastuurka ee xiligan socota isagoona tilmaamay in uusan jirin qodob Dastuurka ku jira oo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka. Dhanka kale, Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa isagana ka hadlay aragtida Qareenada ee Dastuurka. Ugu dambayn, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Wasaaradda ayaa sii wadi doonta qabashada Doodaha ay shacabka fursad ugu helayaan in su’aallahooda ku saabsan Dastuurka looga Jawaabo. PUNTLAND POST The post Dood ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo Maanta lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiin, Odayaal dhaqameed, Culumo, aqoonyahanno iyo Haween ayaa kasoo qeybgalay xaflad ka dhacday magaaladda Muqdisho oo afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Mogadishu Clan loogu caleema saarayay Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye oo ah wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye oo afar bilood ka hor geeriyooday. Senator Cabdi dhuxulow dhegdheer oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay ay muhiim tahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan, waxa uuna u hambalyeeyay afhayeenka cusub. Axmed Cabdi kaahiye (qoorqoor) wasiiru dowlaha howlaha guud oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay door muhiim ah kasoo qaateen odayaasha dhaqanka walina ay lagama maarmaan tahay in dowladnimada ay doorkooda ka qaataan. Qoorqoor ayaa intaas ku daray in uu si fiican u yaqaano afhayeenka cusub waxa uuna kula dardaarmay in uu si fiican ula shaqeeyo qeybaha kala duwan ee dadka uu matalo, isaga oo intaas ku daray in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhageysato fariimaha dhaqanka Soomaaliyeed. Siyaasi Salaad Cali Jeele, Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiye Cadde Gaabow, ugaasyo iyo odayaal dhaqan oo xafladda ka hadlaya ayaa dhammaantood hambalyeeyay afhayeenka cusub ee beelaha Mogadishu Clan. Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Mogadishu Clan Maxamed Xasan Xaad ayaa isna soodhaweeyay afhayeenka cusub waxa uuna ballanqaaday in ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan. Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiye oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda ayaa ka codsaday dhammaan odayaasha dhaqanka ee Mogadishu Clan in ay ku garab galaan xilka cusub ee loo caleema saaray maanta. Xildhibaanada kasoo qeybgalay munaasabadda waxaa ka mid ahaa, Xildhibaana Mahad Salaad, Xildhibaana Maxamuud Abuukaate, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Senator Cabdi dhuxulow dhegdheer iyo Senator Yuusuf Geele Ugaas.