Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,173
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu yahay arrin dastuuri ah oo waajib ku ah cid kasta oo xilka qaranka qabata. Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayuu sheegay in magacaabidan ay ka duwan tahay kuwii hore. “Waxaa is leeyahay magaacida Eng. Yariisow waa ka duwan tahay kuwii hore, waa markii u horeysay Wasiir Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabo, taas macnaheedu waa in maqaamka Caasimadda in sare loo qaado”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. “Maqaamka ay dadka jecel yihiin iyo xuquuqda deegaanka ka maqan ma ahan kuwo shaki ku jira, waana mid dastuuri ah oo cid kasta waajib ku ah oo qarankan qabata”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Puntlandi.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib khilaaf soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sababtay in xilka laga qaado Thaabit Cabdi Maxamed oo ahaa Duqa Muqdisho. Khilaafka labadan masuul ayaa ka dhashay kadib markii Thaabit uu ku dhawaaqay shirka Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir, oo looga hadli lahaa Maqaamka Muqdisho, taasina ay sababtay in xilka uu waayo Thaabit. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay xilka ka qaaday Thaabit Cabdi iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna Guddoomiyaha cusub u magacaabay C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo ku xigeenadiisa. “Maqaamka Muqdisho iyo xuuqda deegaanka majirto cid shaki gelin karta,waxana masuul ka ah cidkasta maadaama ay tahay mid dastuuri ah oo la’ogyahay heerarka ay soo martay ayuu yiri Cali Maxamed Geedi. Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wuxuu sheegay Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul Wasaarihii hore in Dastuuri uu yahay maqaamka Magaalada Muqdisho, cidkasta oo Qaranka qabatana ay waajib ku tahay. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Cali Maxamed Geeddi “ Majirto cid shaki gelin karta Maqaamka Muqdisho waana mid Dastuuri ah” appeared first on Caasimada Online.
  3. Not many people have heard of Jackman, a small Maine town of fewer than 1,000 people not far from the Canadian border. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo xilku wareegto yahay hadana ma jeclaysan in uu xilkaasi baneeyo Waayo Shaqada uu hayay waxay ahayd mid Bulshada ay ku diirsatay .Anigu weligay Isma oran Qof Madax ka ah Somalia ayaad la kulmaysaa oo weliba wax Kuu qabanaya balse Dhawaca Marku I gaaray waxan galay Mugdi Reerkaygu waxay habeen walba aan indhahooda ka daremayay walwal iyo walbahaar. Xaalado Adag ka bacdi Muqdisho ayaan imid Hospital ayaan galay mar kale waxba waa laygaga qaban wayay. murugo kale ayaa inoo bilabatay Aniga iyo waalidkayga gaar ahaan Aniga oo ahaa gabar 16 sano jir ah rajana ka lahaa Nolosho iyo in aan wax u qabto waalidkayga . Farxad ayaa inoo timid maalin ka mid ah maalmaha Waxa kiiskayga loo gudbiyay Duqa Muqdisho Mudane Thapit Labo maalin kadibna waxan helnay jawaab naga farxisa oo ahayd In Gudoomiyaha uu kafaalo qadayo Qarashka igu baxayo. durba Passapor ayaa waxa loo dalbay Hooyo ,Aabo iyo Aniga aad ayaan u farxay niyada ayaan iska iri ma Dhab baa!! Waxana ii xigay In Visaha uu amray In Passaporadaaasi lasoo saaro isbuuc kadib waxa nala yiri safar isku diiriya Turkiga ayaad Caafimaad ahaan u aadaysaan . Hooyo iyo Aabo habenkii waxay u seexdeen si raaxo ah oo weliba farxad ku dheehantahay .hooyo inta ay seexan waxay la hadlaysay ehelka oo joogo baadiyaha Buhoodle Dhamaan waxa loo ducaynayay Muqdisho iyo Gudoomiyaha uu Alle nabadyeelo. Noloshayda waxay yeelatay rajo mar kale Maalintii aan baxaynay Waxa uu nagu yiri “Waxan rabaa adigoo soconayo in aad soo laabato”” .Hooyo iyo Aabana waxa uu ku yiri “”haka walwalina Nolosheeda iyo waxa idinku baxaya inta aad Jogtaan Turkiga . hada Waxan bilaabay Socod waxan niyaystay Anigo soconayo in aan Muqdisho ku laabto oo aan arko Shaqsigii Rajadaydii Noloshayda dib usoo nooleyay. Waxa uu i baray In Madaxda Soomaalida ay ku jiraan kuwa damiir leh sida Thapit oo kale . Muqdisho weligay ma tagin waan ka baqaynay balse markaan aragnay Shacabkeeda iyo Maamulkeeda waxan go,aansaday meel aan iyada ahayn in aan Noloshayda ku qadanayn inkastoo nasiib jiro. Waxan rajaynayaa Walalka badalay iyo Madaxda kale in ay Faraxad geliyaan oo noloshooda iyo rajadooda dib usoo celiyaan Shacabka kunool xaaladaha adag . Alle Waxan kaga baryayaa Xilka aad banaysay mid ka sareeyo in uu Rabi Kuu sahli doono Ducadeena ayaa kula jirta Aniga iyo Inta kale Ee aad Turkiga keentay. Allah ayaa Mahadleh Nabad ku waar Faaiso Sh.Maxamed The post Aqriso fariin qiiro leh oo Faaisa Shiikh ay usoo dirtay Taabit Cabdi appeared first on Caasimada Online.
  5. Labo beelood oo kasoo kala jeeda beelaha Habar jeclo iyo Habar Yoonis ayaa ku dagaalamay degaanka Dararweyne oo hoosta degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag. Waxaa dagaalkaan ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac intaas ka badan, sida ay warbaahinta ka sheegeen odayaasha degaanka. Labada beelood ayaa colaadoodu soo noq noqotay inkasta oo nabadayntooda aad loogu gurmaday loona dhex galay, waxna jiray heshiis kama danbays ahaa oo dhawaan dhex maray labadaasi beelood. Colaadani soo cusboonaatay ayaa ka dhalatay nin si badheedh ah loo dilay taasi oo sababtay in colaadani ay hadana mar kale soo cusboonaato. Puntlandi.com
  6. Real Madrid superstar Cristiano Ronaldo broke his dry spell in a superb performance on Sunday - but it wasn't his goalscoring that made headlines. Source: Hiiraan Online
  7. Saudi Arabia’s energy minister urged global oil producing nations on Sunday to extend their cooperation beyond 2018, but said this might mean a new form of deal rather than continuing the same supply cuts that have boosted prices in recent months. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan Koofi casta dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa weli gacanta ku haya Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa si rasmi ah gacanta ugu haya xarunta maalintii labaad, waxaana meesha laga saaray ciidamadii hore ee halkaa uu ku beeray Guddoomiyaha xilkiisa waayay Taabid. Ciidamada Koofi casta ee weli gacanta ku haya xarunta ayaa daadsan illaa Bankiga dhexe, aaga Xeebta Curubo iyo sidoo kale nawaaxiga Xarunta dowladda hoose. Ciidamada Koofi casta ayaa waxaa saaka lagu biiriyay ciidamo kale oo dheeri ah kuwaa oo ka tirsan Hay’adda Booliska oo isku gadaamay dhammaan waddooyinka gala Xarunta. Shaqada Xarunta dowladda hoose ayaa sidoo kale, hakad ku jirta, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Koofi guduuda ah ee halkaasi jooga lagu amray inaanu sii deynkarin dadka. Sidoo kale, dad saaka is ticmaalaayay eeryada xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo diiday mariinka waddooyinka,waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamadan ay si feejigan ugu sugan yihiin xaruntaan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xilkii si rasmi ah uga qaaday Duqii hore ee Muqdisho iyo Ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay masuuliyiin cusub oo Gobolka Banaadir ah. Dhinaca kale, Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa qudhiisa Xalay aqbalay xil ka qaadista, waxa uuna dalbaday in ciidamada laga dulqaado xarunta si ay shaqooyinka usii socdaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gaadiid dagaal iyo Ciidamo weli tuban xarunta Dowladda Hoose & Shaqada oo hakat ku jirta (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  9. Garowe (Puntlandi) Saraakiisha ciidanka Darawaashiista Puntland ayaa sheegay in ay haystaan amar ku saabsan xoreynt 200km oo kamid ah ciida gobolka Sool, oo laga xorayndoono maamulka Hargeysa. Ciidanka difaaca Puntland ee haatan ku sugan furimaha gobolka Sool, ayaa dib usoo jeesandoonin, illaa ay gaaraan bartilmaameedkooda ugu dambeeyay, sidaasi waxa Puntlandi u sheegay sarkaal katirsan ciidanka Daraawiishta. Sarkaalkaan oo aan magaciisa xusin, ayaa sheegay in ciidanku difaacu ku jiro heegan culus oo uu ugu diyaar garoobayo jawaabtii dowladda Puntland ay ka bixin lahayd duullaanka maamulka Hargeysa ku qabsaday Tukaraq. “Jawaabta duullaanka maamulka Hargeysa ma noqondoonto battilmaameedka Tukaraq, balse waxay noqondoontaa in 200km ciidanka difaacu xoreeyaan, waana mid naga go’an dhammaanteen, madaxweynuhu qalinka ayuu ku duugay inaanan dib usoo laaban, illaa aan xaqiijino dhulkeena cadowgu kusoo duulay,” ayuu yidhi sarkaalkaan. Shacabka Puntland ayaa u diyaar garoobay inay ka qeyb qaataan difaaca Puntland, kadib markii dowladdu dhawaan ku baaqday in loo diyaar garoobo arrinaas. Puntlandi.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qorayaan warbaahinta caalamka ciidamada dalka Turkiga ayaa ka talaabay xadka dalka Syria, iyagoo gudaha u galay magaalada ay haysteen maleeshiyada Kurdiyiinta ee Afrin. Ciidamadan Turkida ah ayaa xadka ka talaabay maalin kadib markii diyaaradaha Turkiga la sheegay inay duqeeyen ilaa 100 goobood oo fadhiisimo u ah maleeshiyada YPG. Saraakiisha horkaceysa ciidamada Turkida ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay inay si buuxda u maamulaan deegaanada ay haysteen maleeshiyada Kurdiyiinta ee Afrin. Dhaqaaqa ciidamadan ayaa soo degdegay kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku goodiyay inuu burburin doono dhammaan Saldhigyada maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay xadka ka gudbeen, ayna wadaan hawlgal ay ku baacsanayan maleeshiyada YPG. Sidoo kale, maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG ayaa dhankooda ka sheegay inay iska difaaceen Ciidamada Turkiga, isla markaana ay madaafiic gudaha ugu tuureen dalka Turkiga. Ruushka oo garab u muujinaaya dowlada Turkiga ayaa isna sheegay in la taliyayaasheedii milatari ay kala baxeen deganakaas. The post Sawirro: Dabaabadaha Turkiga oo dhex jiiraya Waqooyiga Syria & Kurdiyiinta oo ay xaaladu ku xun tahay appeared first on Caasimada Online.
  11. HARGAISA,(HOL)- At least 17 people have been killed in inter-clan clashes at Dararweyne village in El-Afweyne district of Sanaag region. Source: Hiiraan Online
  12. At least 17 people have been killed in inter-clan clashes at Dararweyne village in El-Afweyne district of Sanaag region. Source: Hiiraan Online
  13. Ethiopia's Prime Minister Hailemariam Desalegn has rejected a call by Egypt for World Bank arbitration in a dispute over a hydroelectric dam Addis Ababa is building along its share of the Nile. Source: Hiiraan Online
  14. Reports from Ethiopia indicate that about five people were killed in the town of Weldiya when security forces shot at festival goers. Several others were also wounded in the incident which happened on Saturday. Source: Hiiraan Online
  15. Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/laahi Farmaajo oo ku sugan Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaargaar ah la qaatay waxgaradka Degmadaasi. Madaxweynaha ayaa waxgaradka kala hadlay xalinta xiisadaha ka taagan deegaanka, Amniga, Horumarka iyo qorshooyinka ay dowladiisa ka leedahay guud ahaan Gobolka. Madaxweynaha ayaa waxgaradka kala hadlay arrimo dhawr ah oo degmada Caabudwaaq u baahan tahay, sidoo kalena waxay madaxweynaha ku booriyeen shaqooyinka uu hayo in dowlada ay qoondo uga sameyso dadka deegaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxgaradka u ballanqaaday in dowladiisa ay u sameyn doonto shaqo abuur lagu maareeyo nolosha dadka danyarta, si loo kordhiyo shaqooyinka hadda ka jira Gobolka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan u ambabaxo dhanka degmada Hobyo oo ay ku sugan yihiin wafdi horudhac u ah madaxweynaha. Geesta kale, socdaalka madaxweyne Farmaajo oo kasoo bilowday deegaannada Puntland ayaa hadda kusoo gabagabeynaya Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Muxuu Farmaajo u ballanqaaday dadka ku nool Gobolka Galgaduud (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  16. Former international footballer George Weah will be sworn in as Liberia’s new president on Monday, a landmark moment that marks the troubled country’s first peaceful democratic transition since 1944. Source: Hiiraan Online
  17. Republicans and Democrats have traded bitter recriminations over who is to blame for the failure to pass a stop-gap funding measure by a Jan. Source: Hiiraan Online
  18. Social media experts have expressed doubts over the effectiveness of Facebook’s plan to combat fake news by surveying users on what news sources they find trustworthy. In a post on his personal page on Friday evening, Facebook’s CEO and founder Mark Zuckerberg said he wanted to make sure news consumed on the platform was from “high quality and trusted sources”. “There’s too much sensationalism, misinformation and polarization in the world today,” wrote Zuckerberg. “Social media enables people to spread information faster than ever before, and if we don’t specifically tackle these problems, then we end up amplifying them.” Zuckerberg’s plan to combat misinformation spread on the platform involves asking Facebook’s users whether they find particular news sources trustworthy. Facebook, which is not expected to release the results of the survey, hopes that the results will “shift the balance of news” seen by users towards sources that are determined to be trustworthy. However, social media analysts had reservations over the effectiveness of the plan, questioning whether this was the best way to go about tackling the issue. Technology analyst Larry Magid told Al Jazeera’s NewsGrid that the survey risked taking into account opinions formed from prejudices against, or preference, for certain outlets instead of whether they were trustworthy or accurate. “Simply because something is well liked by a percentage of the public, doesn’t mean it’s reliable,” he said. “There are people who love news sites that are objectively untrue – that doesn’t require an opinion, that’s something you can establish by fact,” added Magid. People already share sources they trust. They will answer a survey the same way. People are often wrong. https://t.co/P79nMTMO3G — Heather Kelly (@heatherkelly) January 19, 2018 Magid explained that it was encouraging that Facebook had chosen to survey a representative sample but others were more blunt with their criticism of the plan. Matt Navarra, the Head of Social Media at The Next Web, tweeted: “Facebook announces it will start asking users to decide which publishers are trustworthy in order to filter out news content. The same Facebook users who constantly fail to spot Fake News and share it widely.” Not all analysts, however, were critical of the move. Renee DiResta, policy lead at Data for Democracy, said Facebook’s decision was “great news and a long time coming”. “Google has been ranking for quality for a long time, it’s a bit baffling how long it took for social networks to get there,” she wrote on Twitter. Concerns about so-called fake news have grown in tandem with the spread of social media. The term is used to refer to deliberate publication and sharing of misinformation by ideologically motivated internet trolls and governments, but has also been used by politicians to dismiss critical coverage. Source: – Aljazeera The post Facebook plan to combat fake news draws scepticism appeared first on Caasimada Online.
  19. Cases of piracy in Indian Ocean off Somalia coast increased in 2017, raising fears that sustained attacks could raise insurance and freight costs for Kenya importers. Nine piracy attacks were recorded off Somalia in 2017, up from two in 2016, a new report shows, as global attacks dropped to a 22-year low. “The dramatic incident, alongside our 2017 figures, demonstrates that Somali pirates retain the capability and intent to launch attacks against merchant vessels hundreds of miles from their coastline,” Mr Pottengal Mukundan, International Maritime Bureau (IMB), director said in a statement. The increase in such attacks usually comes with costs such as increased insurance premiums, longer freight routes as vessels avoid hot spots and additional cost of hiring private armed guards. For country that imports more than Sh1.3 trillion worth of consumer and industrial goods, the increased cost is eventually passed to the consumer through higher retail prices. In their heyday six years ago, Somali pirates launched 237 attacks off the coast of Somalia in 2011, the IMB says, and held hundreds of hostages. That year, Ocean’s Beyond Piracy estimated the global cost of piracy was about $7 billion. The shipping industry bore roughly 80 per cent of those costs, the group’s analysis showed. But attacks fell sharply after ship owners tightened security and avoided the Somali coast. Intervention by regional naval forces that flooded into the area helped disrupt several hijack bids and improved security for the strategic trade route that leads through the Suez Canal and links the oilfields of the Middle East with European ports. The IMB data shows a total of 180 incidents of piracy and armed robbery against ships took place globally, the lowest level of sea-based crimes to be recorded since 1995, when 188 reports were received. Source: – Daily Nation The post Rising piracy on Indian Ocean spells high insurance charges appeared first on Caasimada Online.
  20. There is still tension arising from deaths reported in Ethiopia’s Amhara region after security forces shot and killed a number of protesters on Saturday. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay ka faa’iideysan karaan ardayda danyarta ah balse looga baahanyahay shacabka in ay ka qeyb qaataan sidii dhalinyarada loogu abuuro lahaa jawi ku haboon Waxbarashada. “Maanta waxaan halka ka hirgelinay faraca Jaamacadda Umadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug. waxaan jecelnahay in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug.” Madaxweynaha ayaa uga digay ardeyda iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhaqanka qabyaaladda iyo in ay ku han-jabaan duruufaha ku xeeran noolashooda. “Qarniga aan ku jirno ma ahan mid qabiil, ogsoonaada qof qabyaalad ku dhaqmaya ma ahan qof ilbaxnimo leh. Dhallinyaroow waxa jidka saaran waa mustaqbalkiinna. Idinka ayaa la rabaa hadii aad aragtaan magaalo u kala xiran hab qabyaaladeysan in aad diidaan.” Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay socdaalkiisa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo ”Qorshaha dowladeydu waa inaan shacabka meel waliba aan ugu geynaa waxbarashada” appeared first on Caasimada Online.
  22. Ilo Xog-ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post xafiiskeeda Warqabadka ah ee Muqdisho in Ra’isilwasaare Xasan Cali kheyre uu qorsheeynayo isku shaandheeyn uu ku sameeyo Golihiisa wasiirada. Sidoo kale Ra’isilwasaare Kheyre ayaa buuxinaya xilal wasiir oo banaan kuwaasi oo ay iska casileen wasiiradii ku magacaawnaa. Sidoo kale Xogtaan ayaa waxa ay sheegeeysaa in Ra’isilwasaare Kheyre uu xilalka ka qaadayo wasiiro hadda shaqeeyo kuwa kalena magacaabayo. Ra’iislwasaare Kheyre ayaa wasiirka Warfaafinta u magacaabaya Wasiir Maareeye oo ah Wasiirka Ganacsiga. Wasiirka Ganacsiga ayaa lagu badali doono Wasiir Isloow oo ah Wasiirka Amniga halka wasiirka Amnigana loo magacaabi doono Tuuryare oo horay u soo noqday Taliyaha Nabadsugida. Waxaa lga yaabaa in isbadal uu ku yimaado xubnahaasi la isku shaandheeynayo hayeeshee xogtaan waa mid aan ka soo xiganay xubno Og-ogaal ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kheyre oo qorsheeynaya isku Shaandheeyn Golihiisa wasirada ah appeared first on Puntland Post.
  23. Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ka dhacay kulan u dhaxeeyay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo Gudoomiyihii hore Thaabid Cabdi Maxamed. Kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay hooyga uu Muqdisho ka daganyahay Mudane Thaabid Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir halkaasi uu Gudoomiye Yariisoow ku booqday. Labada Masuul ayaa kulankooda kaga hadlay sida ay xilka u la kala wareegi lahaayeen iyo sidii ay u dhici laheyd xaflada xil wareejinta. Eng Yariisoow ayaa amaanay shaqadii Thaabid uu Gobolka ka qabtay isaga oo sheegay in ay sii dar dargalinayaan. “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Farmajo iyo RW Khayre oo igu aaminay xilka Guddoomiyaha G/Benadir Ahna Duqa Muqdishu, waxaana Shacabka ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan horumarinta caasimada dalka, si aan u dardargelino dadaalkii Thabit Ab” ayuu yiri Eng Yariisoow Digreeto Ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay xilka looga qaaday Gudoomiye Thaabid iyada oo xilkaasina loo magacaabay Eng Yariisoow Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyihii hore oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)- Xubno isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil isla markaana uu ka mid ahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa xalay gurigiisa ku booqday guddoomiyihii xilka laga qaaday, Taabit Cabdi Maxamed. Kulankaasi oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa u muuqday in lagu soo afjaray xiisadii maalmahan ka taagneyd goboklka Banaadir. Kulankan ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay xiisada, isla markaana labada dhinac ay uga xaajoon lahaayeen ka bixida xilliga kala guurka ee uu galay Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa isu mar xabeeyay, waxayna isku afgarteen in munaasabadda xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh. Waxaa kaloo la isla gartay in Taabid Cabdi Maxamed uu dib ugu laabto xarunta Gobolka Banaadir, si uu u diyaariyo xil wareejinta, iyadoo lagu wado inuu magacaabo Guddi Xil wareejin oo dhankiisa ka socda. Sidoo kale Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow ayaa isna soo magacaabaya Guddi xil wareejin oo diyaariya xaflada xil wareejinta iyo habsami u socodka howlaha xilliga kala guurka. Xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostada Eng. Canshuur, Wasiir kuxigeenka Dekedaha Cusmaan daalo, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida. The post Sawirro: Eng Yariisow oo gurigiisa ku booqday Taabit iyo qodobo ay isla garteen appeared first on Caasimada Online.