-
Content Count
210,693 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Thirty-five Ethiopian nationals have been charged with being in the country illegally. Source: Hiiraan Online
-
Residents of Hullugho in Garissa County along the border with Somalia have said that a poor communication network has made their lives difficult for many years now. Source: Hiiraan Online
-
Sanguuni (Caasimadda Online) – Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale ka dhacay deegaan katirsan Jubbada Hoose. Waxyar kadib markii la tuktay salaadda subax, waxaa ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Maleeshiyada Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baarka duleedka magaalada Kismaayo. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen 27 askari tiro kalana ku dhaawaceen ayna la wareegeen saldhig ay ciidamada dowlad ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni. Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigga ay ciidamada maamulka Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni ayna ku dileen 27 askari. “Waxaan ku weerarnay saldhigga weerar is qarxin ah kadibna weerar toos ah ayaan ku qaadnay.”ayuu yiri Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab. Weerarkan lagu qaaday saldhiga Bar Sanguni oo qiyaastii 51km u jira magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu weerarkan yimid kadib bishii June markii weerar ay ku qaadeen ururka Alshabaab saldhigaas. Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen qaraxyo is xigxigay iyo jugta madaafiic laysku weydaarsanayay xilligii uu socday dagaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Lacagaha Bitcoin iyo Onecoin Bitcoin waxay ka mid tahay lacagha la yiraahdo lacagaha meereegaha lagu magdeysan (Cryptocurrency) oo dhawaanahaan ku siyaadiya aduunyadda loona isticmaalo in internetka wax looga iibsado. Bitcoin oo ugu caansan lacagahan waxaa soo saaray nin isku magacaabay Satoshi Nakamoto oo aan si dhab ah loo aqoon meesha uu kasoo jeedo dhalasho ahaan iyo wuxuu yahay. Bitcoin ayaa ah lacagta ugu socodka badan ee ka shaqaysa suuqa lacagaha magdeysan (cryptocurrency market). Waxaaa lagu qeexaa inay tahay lacag loo qaabeeyay hab elektronik ah oo loo adeegsado in qayb ka mid ah mareegaha internetka in looga dukaamaysto. Lacagtan maleh wax bangi ah ama dawlad oo masuuliyadeeda qaadaya, sida lacagaha caadiga oo mid walba ay dawladi ka danbeyso. Lacagtan ayaa waxaa markii ugu horeysay lagu shaaciyay mareegtan Bitcoin.org 2009. Lacagtan aan la ogeyn cidda soo saartay misna shirkaddo waa wayn ay ka mid tahay Microsoft aqbalayaan maxay tahay, waxaa shaki la’aan ah in lacagtan qayb ka mid ah dawladaha aduunka ee waawayn ay samaynteeda ka daneeyaan ama wax ka og qaabkay usheqayso kuwaas oo doonaya inay dhaqaalaha aduunka meeshay rabaan si fudud ug burburiyaan. Sababtoo ah hadday wax xog ah ka hayaan waxay ku dadaali lahaayeen in ka horyimaadaan oo la dagaalamaan balse dawladaha soo dhaweeyay lacagtan waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Ruushka, sidoo kale Dawlada Maraykanka ayaa ka gaabsatay inay mamnuucdo balse u aqoonsaday sidii badeeco oo kale. Waxaan dib ujaleecis ku samaynaynaa siday uga falceliyeen dawladaha aduunka soo bixida lacagtan iyo aqbalaadeeda si aan muuqaal guud uga bixino heerka ay marayso aqbalaadeedda iyo socodkeeda. 7.March 2017 Banggiga Qaranka ee Jamhuuriyadda Kuruweeshiya (Croatian National Bank) wuxuu cadeeyay inaysan aqoonsanayn lacagtan maadaama aysan waafaqsanayn sharciga lacagaha wadanka sida onecoin. Sidoo kale dawladu waxay sheegtay shirkaddaha soo saara lacagahaas inaysan ka diiwangishnayn banggiga dhexe dalka sidaas darteed shaqooyinkooda aysan sharci ahayn khatar badana ay heersaarsan tahay (Croatian National Bank, 2017). 5.Dec 2017 Banggiga Dhexe ee Burtuqaal ayaa qoraal ka soo saaray lacagaha meeragaha lagu magdeeyay (Cryptocurrency) gaar ahaa OneCoin Network Limited, OneCoin Limited, and One Network Services Ltd iyo Onelife inaysan wadanka ka sharciyaysnayn sidoo kalena aan waxba lagu iibsan karin, deyn lagu bixin karin, banggina la dhigi karin wuxuuna muwaadiniintisa uga digay khatarta isticmaalka lacagahaas (Portugal’s Central Bank). Banggigu wuxuu faray dhammaan shirkaddaha maaliyadda oo ku lug leh inaysan wax xiriir la samayn karin shirkadda lacagaha meereegaha lagu magdeeyay (Reporterindia, 2017). 5.March 2018 wadanka Samoa oo ah Jasiirad u dhaw wadanka Australia ayaa diiday inay aqbasho lacagaha meeragaha lagu magdeeyay (cryptocurrency) ee OneCoin iyo Bitcoin wuxuuna banggigu sheegay inay shirkaddo dhawr ah oo dhiirigeliya maalgashiga lacagahan mareegaha lagu magdeeyay (cryptocurrency) ay la soo xiiriireen si loogu sharciyeeyo waxay ku fashilmeen inay soo bandhigaan xogtooda oo dhammaystiran si loo waafajiyo sharciga sidaas awgeed banggiga dhexe ee Samoa oo matalaya dawlada wuxuu diiday inuu ogalaansho siiyo shirkaddahan khataraha ay leeyihiin dartood (Central Bank of Samoa, 2018). 14, Feb 2017 Banggiga dhexe ee Yuganda (Bank of Uganda) wuxuu ku wargelinayaa dhammaan shacabka in lacagaha mareegaha lagu magdeeyay “ONE COIN DIGITAL MONEY” inaysan ka diiwaangishnayn banggiga wadanka iyo sharciga haga hayadaha maaliyada (Financial Institutions Act, 2004 ) ee wadanka sidaas awgeedna laga dheeraado maalgashiga lacagaha ay ka mid yihiin One-coin, Bitcoin, Ripple, Peercoin, Namecoin, Dogecoin, Litecoin, Bytecoin, Primecoin, Blackcoin iyo nooc walba oo ka mid ah lacagaha meergaha lagu magdeeyay maadama aysan jirin sharci ilaalinaya macaamisha iyo sharci lagu hago (Bank of Uganda, 2017). Banggiga kayda ee hindiya (The Reserve Bank of India) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dalkiisa laga mamnuucay isticmaalka lacagaha mareegaha lagu magdeeyay ee sida Bitcoin. Dhamman banggiyada hoos yimaada Banggiga Keyda ee Hindia waxaa la farayaa inay xanibaad ku soo rogaan kala iibisga lacagahan iyo kala wareejintoodaba (Rapoza, 2018). Hay’ada maamusha suuqyada maaliyada ee wadanka Austria (Austria’s financial markets regulator) ayaa qoraal rasmi ah ay soo saartay ku diiday inay aqbasho lacagaha ay ka mid yihiin Onecoine iyo inaysan wax maacmilaad ah insyan la samayn karin banggiyada wadankeeda (Hughes, 2017). Wadamada kale ee qoraalo ay ku diidayaan soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Hayada canshuur ururinta ee wadanka Maraykanka (US government tax collection agency), iyadoo sheegtay inaysan lacag u aqoonsanayn balse sida hantida iyo badeecado caadiga ah ay u canshuurayaan. Waxaa sido kale diiday Ingiiriska (UK’s Financial Conduct Authority (FCA), Belgium (, Belgium Financial Services and Markets Authority (FSMA), Hungari (Hungarian central bank), Fransa iyo Jarmal ayaa si gaar ah balan qaaday inay burburin doonaa shabakada ku lug leh lacagahaas. JP Morgan boss Jamie Dimon oo ah Maareeyaha guud ee banggiga JPMorgan Chase & Co oo fadhigiisu yahay Newyok –USA ayaa si adag udiiday isticmaalka lacagta Bitcoin wuxuuna u tilmaamay inay isticmaalan lacagaha noocan ah dadka daroogada, dilalka qorshaysan iy **********imada ku shaqo leh. Sababta uu udiidayna wuxuu ku sheegay labo qodob oo ah inaysan marka hore sharciga dalkiisa kasoo horeedo iyo inay khatarteedu badan yahay (theguardian, 2017). Culimada diiday oo fatwooyin kasoo saary inay tahay xaaran maalgashiga lacagtan waxaa ka mid ah Sheikh Shawki Allam oo ah muftiga ugu wayn ee dalka Masar (bbc, 2018). Wuxuu ku booriyay dadka muslimiinta ah inaysan udhawaan maalgashiga lacagtan. KHATARAHA AY LEEYHIIN MAALGASHIGA LACAGAHAN Isbadalka qiimaha lacagta: Qiimaha lacagta ayaa ah mid aan fadhiyin oo marwalba isbadali kara maadama aysan jirin banggi la socda isbadalka lacagtan, arrintaas oo kuu keeni karta in hal maalin qiima dhaca aad iyo aad u balaaran oo aan la filayn uu ku yimaado lacagta sidaasna aad ku waydo maalgashigaagii oo dhan. Sida uu sheegay suuqa lacagaha meerregaha (coinmarketcap) 24 saac gudahood qiima dhaca ku yimi lacagaha marregaha looga ganacsado sida ethereum iyo ripple waxaa ku lumay lacag dhan $67.7 bilyan. Tusaale 19 Disembar 2017 qiimaha hal bitcoin wuxuu ahaa $ 18, 936 waxaa ku yimi hoos udhacay 26%, xiligaas qofkii haystay hal bitcoin ($18,936) wuxuu lumiyay $ 4,923. Markale Jan.2018 Bitcoin waxay lumisay 10% oo sababay inay lacago badan lumiyaan dad badan oo ku xirnaa. Hal beeg la’aan: Lacagaha meeregaha wax looga iibsado ma lahan halbeeg sax ah oo lagu barbar dhigo lacagaha ama badeecadaha kale sida dahabka taas oo sahalaysa in markasta lacagta ay ku timaado isbadal aan salahayn lacago badan aad ku waayi karto karo lacagtaas. Burcada jabsata mareegaha oo si sahlan kula wareegi kara lacagaha elektarooniga ah. 19.12.2017 saylada isu badalka lacagaha meeragaha (cryptocurrency exchange) ee Koonfurta Kuuriya ayaa ugud bisay dawlada inay kacday(bankruptcy) kadib markii labo jeer la jabsaday xisaabgashiyadooda bitcoins (akoonadooda bitcoin) sidaasna ay ku waayee lacag kor udhaafaysa $70m. Burburka iyo aasaasida lacagahan oo sahlan: Isticmaalka iyo socodsiinta lacagaha noocan ah waxay ku xiran tahay inta badan shirkaddaha waawayn inay aqbalaan isticmaal lacagtan oo kaliya hadday bari diidaana lacagtii loo heli maayo meel lagu socodsiiyo sababtoo ah markii horeba ma lahayn dawlad ama banggi ilaalinayay socodsiinta iyo hubinta tayada lacagahan. Sidoo kale, waxaa fudud in lacag magac cusub maleh markasta la samayn karo maadama aysan ubaahnayn shuruuc hagta iyo maalgelin xoog leh, kaliya waxay ubaahan tahay khuburo yaqaana sida lacagahan loo sameeyo, waxayna ku burburi kartaad khilaaf soo kala dhexgala shiraddaha waxay sababi kartaa in lacagtii la isticmaalayay ay suuqa ka baxdo mid cusubna la sameeyo. Tusaale khilaaf soo kala dhexgalay aasaasayaashi bitcoin ayaa waxay sababtay in mid ka mid ah oo la yiraahdo Emil Oldenburg, inuu ka baxo shirkaddii uuna samaysto lacag cusub oo hadda ushaqaysa sida tii hore oo kale oo loogu magac daray Bitcoin Cash (BCH) isla markaasna uu ku xayaysiiyo hal kudhaga ah “iska iibi tii hore oo maalgisho midan cusub”. Arrintaas waxay cadayn u tahay in si fudud loo burburin karo lacagaha noocan ah maadama aysan jirin shuruuc iyo nidaam maaliyadeed oo hagaya iyo dawlad damaanad qaadaysa masuuliyadaha lacagahan. Markaan soo gunaanadno waxaa soo hoga tuusalaynay dhibaatooyinka ay shirkaddo iyo shakhsiyaad badan ugaysateen lacagahan oo ay ku lumay lacago malaayiin doolar oo ilaa hadda aan la garanyn meesha ay mareen waxaana ka mida ah Mt. Gox oo ahayd xarunta ugu wayn ee lagu kala badasho lacagaha Bitcoin oo fadhigeedu ahaa magaaladda Shibuya ee Japaan. shirkaddan ayaa sheegtay February 2014, in laga xaday lacagtii ay maamulaysay oo gaaraya 850,000 bitcoins oo dhigantay markaas $450 million oo ay lahaayeen macaamiisheeda sidaas darteed ay joojisay shaqadii halkaasna ay shirkaddii ku kacday, ilaa hadda wali lama hayo meel lagu sheego lacagahaas oo dhan, iyadoo ay arrimahaas jiran ayaa wali dad badan waa kasii ganacsanayaan iyadoo digniino badan ay ka soo baxayaan dawladaha aduunka. Gayiga Soomaalida ayaa dhawaanahan waxaa kusoo badanaya dad Soomaaliyeed oo dhiirigelinaya in la maalgishto iyadoo dawlado badan ay muwaadiniintooda uga digayaaan in lagu khaldo maalgashiga lacagahaas. Habka ugu caansan ee lacag looga helo lacagahan ayaa ah in qofkii maalgishtay uu soo xero geliyo qof kale si uu maalgashi ugu samaysto lacagtan, halkaasna qofkii keenay qofkan uu lacag kaga helo shirkaddaha lacagahan leh. Sidoo kale, iibka saamiga lacagahan ayaa waxaa kor uqaaday dalabka tirade badan iyo dadka raadinaya inay maalgishtan kadib markii ay shirkaddaha lacagan leh ay sameeyeen xayaysiisyo tiro badan oo dadka ay ku dhiirigelinayaan lacagahan inay laga faa’iidaysto. Waxaa dhici kara dad yar oo ka faa’iiday maalgashiga lacagahan balse ma’ahan wax loo barreeri karo oo u qalanta in la maalgishto..Waxaan uga digaynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay maalgishtaan lacagtan cusub aan haybta lahayn. Qore: Sharmarke Abdullahi Ali Aggasimaha Machadka Horumarinta Ganacsiga ee Capital Care Bosoaaso, Soomaaliya Tixraac Bank of Uganda. (2017, February 14). Retrieved from Bank of Uganda: https://www.bou.or.ug/bou/media/statements/One-Coin-Digital-Money-operations-in-Uganda.html. bbc. (2018, January 2 ). Retrieved from https://www.bbc.com/news/world-middle-east-42541270 Central Bank of Samoa. (2018, 08 21). Retrieved from Central Bank of Samoa: https://www.cbs.gov.ws/index.php/media/latest-news/central-bank-of-samoa-issues-warning-on-onecoin-cryptocurrency-/ Croatian National Bank. (2017, 3 7). Retrieved from Croatian National Bank: https://www.hnb.hr/en/-/proizvod-pod-nazivom-onecoin-nosi-mnoge-rizike Hughes, H. (2017, July 12). smnweekly. Retrieved from smnweekly: https://smnweekly.com/2017/07/12/austrias-fma-warns-against-onecoin/ Rapoza, K. (2018, Apr 5). Retrieved from https://www.forbes.com/sites/kenrapoza/2018/04/05/good-luck-buying-bitcoin-in-india-as-central-banker-bans/#105785a82996 Reporterindia. (2017, 12 5). Portugal’s central bank. Retrieved from Portugal’s central bank: https://reporterindia.com/portugals-central-bank-issues-warning-against-onecoin/ theguardian. ( 2017, Sep 13). Retrieved from theguardian: https://www.theguardian.com/technology/2017/sep/13/bitcoin-fraud-jp-morgan-cryptocurrency-drug-dealers PUNTLAND POST The post Xaqiiqada dhabta ah ee lacagaha Bitcoin iyo Onecoin appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ku bilowday Qaraxyo iyo dagaal toosa oo degaanka Baar Sanguuni ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka Alshabaab. Maleeshiyada ayaa weerarka ku qaaday Saldhiga weyn ee ciidamada dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray labada dhinac. Weerarka ayaa waxaa shabaab looga dilay ku dhawaad Shan iyo tobon maleeshiyo, halka ciidamada dowlada looga dilay 27 askari sida ay sheegen Shabaab. Korneel Mukhtaar C. Maxamed oo kamid ah Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Saldhiga Baar Sanguuni ay la wareegen ciidamada dowlada iyo maamulka Jubbaland. Mukhtaar waxa uu intaa ku daray in ciidamada ay ku sugan yihiin dhamaan deeganka isla markaana ay halkaasi isaga baxeen maleeshiyaadka Alshabaab. Waxa uu sheegay in ay iska difaaceen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Weerarka kusoo qaaday, islamarkaana hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda.
-
Muqdisho-(Caasimadda online)-Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku socota Waddo wanaagsan,islamarkaana loo baahan yahay in laga taageero sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaallaha ee Soomaaliya. Keating ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin kaalin walba oo Soomaaliya ay ku gaari karto isku filnaan. Danjire Keating ayaa tilmaamay in maanta la jooggo xilli ay isku filaan laheyd Soomaaliya, loona baahan yahay in aysan cidna wax ka sugin. Wakiilka ayaa hadalkaan ka jeediyay Madal ay soo qaban qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, loogana hadlayey sida warfaafinta uga qeyb-qaadan karto baahinta dowladda wanaagga. Michael Keating ayaa aad u ammaanay qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah oo ka hadalaya Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta, qodobkaas oo ka hadlaya. Xorriyatul qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed. xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba. “Soomaaliya waxaan leeyahay cidna wax ha ku sugin waxa ay rabtaba ahaatee sidda, amni, dhaqaale iyo wax kalaba Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida” ayuu yiri Micheal Keating. Dhinaca kale, dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Diinaari oo ah weriye hore iyo safiir isaga oo yiri” Waa Laga Soo Gudbay xiliyadii la dili jiray weriyeyaasha, UNkana waa inay dhaqaale ahaan taageeraan, oo weliba tababr siiyaan”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in wadaadka kasoo goostay Al-Shabaab Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) uu dib u celiyay gaadiid ay laheyd Dowlada Somalia. Gaadiidka oo ahaa hanta Qaran isla markaana aanu xabada Karin ayaa waxa uu dib ugu celshay gacanta dowlada Somalia, kadib markii uu helay gaadiid kale oo tayo leh. Illo ku dhow dhow Mukhtaar Roobow ayaa inoo xaqiijiyay in wadaadka hadiyad ahaan ay dowlada Mareykanka u siisay ilaa seddex gaari oo aanu xabada karin kuwaa uu ku dhex isticmaali doono gudaha magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo. Gaadiidkan oo shabaha kuwa dowlada Somalia ayaa la sheegayaa in tayo ahaan ay aad uga wanaagsan yihiin, kuwaa oo aan kareynin xitaa hubka aadka u culus. Gaadiidka uu horay u isticmaalayay Roobow ayaa ahaa hanta Qaran, waxa uuna si KMG ah usii isticmaalayay inta uu ka helaayay kuwa iminka lagu wareejiyay. Roobow ayaa bilihii ugu danbeysay si dhow ula shaqeynaayay dowlada Mareykanka, waxaana xusid mudan inay kuwada kulmaan wadamada Kenya iyo Jabouti. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa aad u garabtaagan wadaadka Mukhtaar Roobow oo magaalada Xudur uga soo cararay Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira. Madaxweynaha oo ka hadlay kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in caqabadaha horyaalla waddankan ay ka mid yihiin kuwa amniga taasina ay tahay mid ku xiran shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in marka la eego itaal darrada dawladda iyo caqabadaha taagan dartood ay aad u adag tahay in dowladu ay qabato wax waliba, hase yeeshee waxa uu qiray in amniga sugitakiisa uu yahay mid ku xiran shacabka. Waxa uu sheegay Madaxweynaha in shacabka ay yihiin kuwo muhiim u ah amniga,isla markaana laga doonayo in ay ciidamada kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan dad ama waxyaabo lidi ku ah amniga. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa waxa ay sheegen in ay aad u soo dhaweynayaan wadooyinka loo furey,waxana xusid mudan in shalay ilaa Maanta dadka Muqdisho iyo Gaadiidka intaba ay si caadi ah u isticmaalayaan Wadooyinkii markii hore ka xirnaa. Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballanqaaday inuu soo celiyo sharaftii uammada Soomaaliyeed si shucuubta kale ee adduunka ay ugu soo dhiiradan Somalia. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Al-Shabab inay joojiyaan dagaallada oo ay kusoo biiraan walaalahooda Soomaaliyeed. Waxa uu uga digay inaysan ka horiman karin rabitaanka 12 milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa saakay weerar isugu jiray Qarax iyo mid toos ah ku qaaday saldhig ay ciidanka dowladda Federaalka Somalia ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50-km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa ku billowday qarax ismiidaamin ah, iyadoo uu xigay weerar toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda Somalia iyo xoogaggii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab. Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay inay ku dileen 27 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, balse weli ma jiro hadal ka soo baxay dhanka dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Jubbaland oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo qaatay muddo saacado ah. “Xoogaggeenna weerarka qaaday waxaa u suuro-gashay inay goobta ku dilaan 27-askari, ayna la wareegaan saldhigga. Waxaana jira ciidammo aad u tiro yar oo ka cararay goobta,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abu-Muscab oo ah afhayeenka hawlgallada ee kooxda Al-shabaab. Sidoo kale, Sarkaal lagu magacaabo Maxamuud Aadan oo u hadlay Dowladda Somalia ayaa sheegay in weerarkaas uu jiro ayna ciidamadu iska caabiyeen weerarka Al-shabaab oo uu ugu yeeray koox argagaxiso ah. “Way jirtaa in ciidamada dowladda Somalia ee saldhigga ku leh deegaanka Baar-sanguuni ay Al-shabaab weerartay saakay aroortii hore, balse waa la iska difaacay, innagu ma bixin karno faahfaahin dheeraad ah,” ayuu yiri Maj. Maxamuud Aadan oo warbaahinta la hadlay. Goobjoogayaal ku sugan Jamaame oo 20-km u jira deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta inay maqlayeen dhawaqa hubka ay dhinacyadu isku adeegsanayeen. “Jug culus ayaan maqalnay, kaddibna waxaa xigay rasaas xoog badan oo aan ku qiyaasi karo inay socotay in ka badan saacad,” ayuu Reuters u sheegay goobjooge ku sugan Jamaame oo magaciisa ku sheegay Cusmaan C/llaahi. Ugu dambeyn, deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmarya bishii Juun ee sannadkan ciidammo Soomaali iyo Mareykan ah, dagaalkaasoo lagu dilay askari Mareykan ah iyo laba Soomaai ah, toddoba kalena lagu dhaawacay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Guul ka Sheegatay Weerar ay ku qaaday saldhig ku yaalla Baar-Sanguuni appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Qaraxyo ku bilowday oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaaden Saldhig ay ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baar-sanguuni oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka ay iska difaacen, waxaana halkaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay Al-Shabaab uga dileen maleeshiyaad kabadan Toban kuwaa oo ay ku jireen Horjoogayaal. Saraakiisha ayaa sheegay in hal meel ay iminka isugu geeyen meydadka Horjoogayaasha iyo dagaalamayaasha Shabaab si loogu soo bandhigo dadka shacabka ah. Waxa ay sheegen in inta lagu guda jiray dagaalka tooska ah ay maleeshiyada ka furteen Hubkii ay kusoo qaaden duulaanka oo u badnaa qoryaha loo yaqaan AK47. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhankeeda ka sheegtay in weerarka ay ku dileen Taliyayaal ciidan iyo Ciidamo hubeysnaa oo ku guda jiray xiliga hurdada. Waxa ay maleeshiyada sheegtay in ciidamada dowlada ay weerarka uga dishay 27 askari oo ay ku jiraan taliye xigeeno xiligaasi ku sugnaa xerada. Inta uu dagaalka socday ayey sheegen inay gubeen ku dhawaad Sideed gaari oo ay ku jiraan kuwa dagaalka, halka sidoo kale ay kaxeysteen gaadiid kale, sida ay ku baahiyeen cod ay maleeshiyada soo dhigtay baraha. Sidoo kale waxa ay maleeshiyada sheegtay inay la wareegeen sahnad ay lahaayeen ciidamada dowlada kuwaasi oo ay kusii qaaten gaadiid dagaal. Dhinaca kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay weerarada qaadaan aroortii hore, xerada Baar-sanguuni bishii June ee sanadkan ayaa weerar Shabaab ay ku qaadeen waxa ay ku dileen askari Mareykan ahaa.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar isugu jira Qaraxyo iyo mid toosa ku qaaday Saldhiga ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka deegaanka Baar Sanguuni. Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa waxaana xigay dagaal toosa oo maleeshiyada Shabaab ay la galeen ciidamada. Maleeshiyada Shabaab waxa ay sheegtay in dagaalka kadib ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Baar-sanguuni, kadib markii ay tilmaameen ciidankii halkaasi joogay qaarkood inay dileen halka qaar kalena ay u baxsadeen dhanka degaanka Buulo-guduud. Maleeshiyada waxa ay sheegtay in dhowr gaari ay ku gubeen weerarka oo socday saacado, waxa ayna ku goodiyeen inay soo bandhigayaan sawirada. Saraakiisha maamulka ayaa beeniyay warka Shabaab ee ah inay la wareegeen degaanka, waxa ayna tilmaamen inay ku guul dareysteen dagaalka, oo ay dib u laabteen. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu jiro khasaare labada dhinac ah balse hada aanan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah, wuxuuna intaas raaciyay inay gacanta ku hayaan fariisiinka uu dagaalka ka dhacay. Dhinaca kale, labada dhinac ayaa kala sheeganaaya khasaaro kala duwan waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyaadka al-Shabaab ay gubeen Gaadiid raaxo iyo kuwo dagaal. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
South Africa shooting: Eleven taxi drivers killed in ambush
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gunmen in South Africa have killed 11 taxi drivers in an ambush, police say. Source: Hiiraan Online -
Bosaso[Puntland Post]-Ilaa Lix qof ayaa shalay ku qariqmay xeebaha Badda Puntland, kuwaasi oo Hal Doon wada saarnaa, sida uu Puntland Post u sheegaya Gudoomiyaha degmada Gunbax oo ka tirsan gobalka Gardafuu ee Puntland Guure Cali Cumar. Dadaalo badan oo la sameeyay kadib waxaa lagu guuleystay in la soo helo meydka Hal ruux oo Badda ay soo caariday, waxaana lagu ogaaday raggan inay Badda qaaday, kadib markii la waayay xilligii ay shaqada ka soo bixi jireen. Weli waxaa la la’yahay Shantii qof iyo Doonidii ay wateen, waxaana socda dadaalo badan oo dadkaasi lagu raadinayo, xilliyadan oo kale waxaa jira Dabeylo aad u xoogan oo dhanka Badda ah, taasi ayaana sababtay in dadkan la wayo. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/degmada-gunbax-.mp3 Cabdiqani Boos Puntland Post The post Ilaa shan Qof oo kaluumaysato ah oo lagu laa yahay Xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
A campaign against female genital mutilation (FGM) in Somalia involving Irish people is hopeful of winning a strong endorsement this weekend from religious leaders in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Somali army destroy al-Shabab's networks in southern region
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Somali National Army (SNA) destroyed al-Shabab militants' networks on Saturday in locations near Qoryoley town in lower Shabelle town in southern Somalia, officials said Sunday. Source: Hiiraan Online -
Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay fal aad looga naxay. Dhacdadaan ayaa aheyd kadib markii Macalin Dugsi qur’aan uu dilay Gabar yar uu macalin u ahaa. Falkaasi ayaa ka dhacay Xaafada Xamar Jadiid Degmada Warta Nabada ee Magaaladatan Muqdisho. Macalinka ayaa Gabadha dhimatay la sheegay in dilkeeda uu yimid kadib markii macalinku uu ul madaxa kaga dhufatay sidaasina ay u geeriyootay. Dhacdadaasi murugada badan ayaa si aad ah looga hadal hayaa gudaha Xaafada Xamar Jadiid Degmada Warta Nabada Ex Wardhiigleey Muqdisho. Macalimiinta dugis qur’aanada qaarkood ayaa falal garaacis xad dhaaf ah mararka qaar u geeystay ardayda iyada mararka qaarna ay garaacistaada ay sababto dhibaato soo gaarta ardayda. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Macalin Dugsi Qur’aan oo Gabar yar Ardaydiisa kamid aheyd ku Dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Londan (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Odayaal Dhaqameed u dhashay Beesha waceeysle ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada London Ee Dalka Ingariiska waxaa uu kusoo dhamaaday Natiijo La’aan waxaana ay ku kala Tageen Caay iyo Aflagaado. Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa u sheegay Jaaliyadda Waceeysle ee London Ku sugan in ay Yihiin Dad dhimtay islamarkaana ayna Xitaa u qalmin kasii mid ahaanshiyaha Maamulka Galmdug Maadaama aysan laheeyn Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo muuqda islamarkaana Xildhibaanadoodu ay u Hiiliyeen Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabeey Iyo Gudoomiye Cali gacal casir. Waxgaradkii ka qeeyb-gaalayay Kullan ayaa iska istaagay iyagoo u sheegay Xaaf in aysan dhanka Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabeey Iyo Gudoomiye Cali gacal casir Taageerayaan islamarkaana aysan Aqbali doonin kulan kale oo ay yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Beesha Waceeysle ayaa Kol Hore Ku dhawaaqday in ay ka Baxday Maamulka Galmudug Ka dib Kullan dhowr bil ka hor ka dhacay Cadaado. Madaxweyne Xaaf ayaa khilaaf muddo soo jiray uu kala dhaxeeyaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka inkastoo dhawaan la shaaciyey in heshiis laga gaaray arrintaas iyadoo aan la caddeyn waxa lagu heshiiyey. Maamulka Galmudug ayaa noqday mid fadhiisad ah mana uusan qaban wax shaqo ah tan iyo markii la abuuray. Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii la dhisay ku jiray Khilaaf iyo loolan u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso. Galmudug ayaa hadda Caasimad looga dhigay Dhuusa Mareeb sida uu qabo Dastuurka Maamulkaas kadib muddo Cadaado loogu shaqeeyey si kumeel gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dr Sacad Cali Shire,waxayna si adag uga jawaabeen eedo uu Golayaasha Sharci dejinta uu u soo jeediyey, iyagoo xusay in Siyaasadii Arrimaha Dibaddu uu dib u dhac balaadhani ku yimid. Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladu ayaa ugu horeyn, wuxuu tilmaamay in Siyaasadii Arrimaha Dibaddu ay noqotay fadhiid, isla markaana laga leexday dariiqii saxda ahaa, waxaanu tilmamaay inay Golaha uga yeedhi doonaan Wasiir Sacad. Waxa uu yidhi “Anigu Guddoomiyihii Guddida Arrimaha Dibadda, ayaan ahay, Guddida Arrimaha Dibadda ee Wakiilada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu wey wada shaqeeyaan, mar haddii aanu nahay Guddidana dad badan baa na weydiiya oo nagu yidhaahda isma soo tarayaan Arrimihii Dibadda ee maxa dhacay, arintaasina wey jirtaa oo ma dafirayo, ee waa wax isa soo tarayey, laakiin maxa sababay ayaa muhiim ah, waa wax isa soo taraayey oo soo socday, waxaana sabab u ah Siyaasadeenii hore ee soo jirtay, ee Arrimaha Dibadda, oo khaldanayd, dariiq khaldan bay haysay, intii hore Dawladda Somaliya awood daradeeda ayeynu ka faa’iidaysanay, oo aynu meelahaas carcaranaynay, laakiin imika Somaliya Dawladnimadeedii wey soo koraysaa, wax badan bay gacanta ku qabanaysaa, dabadeedna albaabo badan iyo meel badan bay doonaysaa inay inaga xidho, qoladii hore ee joogtay iyo qoladana waa sii kala jaad, oo kuwii hore waxay ahaayeen niman doonaya inaynu heshiino, ama wax wada yeelano, ama si wanaagsan u kala tagno, qoladana waa reer xamar yar yar oo dunidu siday tahay waxba ka garanaynin, waxayna ka helayaan anigaa Madaxweyne ah anigaa Madaxweyne ku xigeen ah”. Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Shirarka loo qabto Somaliya ee Somaliland qaadacdo, ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Sacad yaanu waxba yaabin,Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda ee aqoon raadsigu waa qardo jeex, Somaliya in shirarka looga yaaco may ahayn, ee waxay ahayd in lala fadhisto, oo dhinaca la qabsado, oo la yidhaahdo anaga oo aad na kala saartaan mooyaane waxba ma sameeysmayaan, Shirkii Carta waa la inooga yeedhay, Shirar kale waa la inooga yeedhay, maalintii aanay awooda lahayn haddii aynu qabsan lahayn, maanta arinkeenu halkaas muu soo gaadheen, dadkii yidhi Somaliya cidna kala hadli mayno waa muqadas, waa siyaasad khaldan, waa inaynu cid walba kala hadalnaa qadiyadeena, waa in Shirarka muhiimka ah aynu tagnaa, ee Somaliya arimaheeda lagaga hadlayo, waxba yaanu Sacad Barlamaankiisa ku soo noqonin, ee isaga laftiisu waa anbad, bari hore ayaanu ku nidhi sidan waxba ku iman mayaan ee wax ka bedel, oo dib aynu ugu noqono Siyaasadeena arrimaha dibadda”. Mar uu ka hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Xukuumadda waxaan leeyahay, Muuse waxaan leeyahay Sacad waxaan leeyahay aynu isku nimaadno, oo aynu dib u eegno Siyaasadeena Arrimaha Dibadda, oo shaqeyn mayso oo waa madhalays, ee waxba yaanu Sacad Barlamaanka ku soo meeraysanin, kuna gafin, isaga ayaa lacagtii haya, anagu lacag ma hayno, Baarlamaanku lacag ma hayo, Sacad laba milyan baa loo dhiiba, oo lacag ka badan baa Ictiraafka loogu dhiibaa, jeebka dambe ayuu ku haystaa, qaar uu adeer u yahay iyo macalimiin bari hore wax u dhigi jiray ayuu yidhaahda wax qor qora, cidna waxba kama siiyo, Siyaasada Arrimaha Dibaddu wey khaldan tahay, dariiq khaldan bay haysaa, waa in inaga Shirarka la inooga yaaca, waa in la yidhaahda maxay Somaliland u imanaysaa, laakiin inagii baa fursad siinaynaa, Sacad Cali Shirena, Golaha ayaanu uga yeedhi doonaa”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa isna dhankiisa dhaliilo u soo jeediyey Wasiir Sacad, waxaanu xusay in Wasiir Sacad loo dhiibin Wasaaraddii ku haboonayd, waxaanu yidhi “Marka hore Ixtiraam badan baan u hayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibaddu maaha Wasaaraddii ku haboonayd, ee Sacad Cali Sihre waxaa ku haboonayd in loo dhiibo Wasaaradda Qorsheynta ama Wasaaradda Ganacsiga,maxa yeelay 2010, markii Dawaladdii Kulmiye, ay qabsatay dalka, Wasiirkii ugu horeeyey ee Arrimaha Dibadda ee Maxamed Cabdilaahi Cumar, ee aanu dhaliili jirnay, ayaaba dhaamay oo odhan jiray meeqaam sare ayaa lanagu qaabilay, dhaq-dhaqaaq buu sameeyey, fashilaada iyo dib u dhaca ku timid Wasaaraddiisa yaanu waxba Sacad kula soo galgalan Barlamaanka, anagu xaq baanu u leenahay, in aanu dhaliilno, in aanu toosino, in aanu wax u sheegno, Dawladii UDUB, ee Dawladii Kulmiye xilka kala wareegtay, markii ay joogtay wuu soo uraayeyy Aqoonsigu, wuu soo ifaayey, waanu soo bidhaamayey, Dawladdaas UDUB, ee ay iskaga dambeeyeen ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim CIgaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, waxa go’aan lagu gaadhay in aan la hor fadhiisan Somaliya, oo haba yaraate aan waxba lala wadaagin, Wadankuna uu qabooba, oo waxba la inama siin jirin, Deeqna Caalamku inamuu siin jirin, haddana dadku wey noolaayeen, oo dabkay shidanayeen, ilaa markii dambe la gaadhay Daahir dabadii daba lama shidan, oo qaybo ka mid ah dalkii waxa loo xidhay Ajaanib, ama Dekad ha la siiyo ama Saldhig ha la siiyo, wax alaale waxaynu weydaarsanayna ma jiraan, Sacad Cali Shire ama ha ka galgasho ama yaanu ka galgalinine, wuxuu ku suntan yahay ninkii dhaxal wareejiyey Berbera, inuu dilaalay Dekadii Berbera DP World, reer Berberi ilaabi mayaan, barigii aanu ku jirnay dooda Dekadda, waxaanu ku cel-celin jirnay DP World waxba inoo qaban mayse, sidii ay u soo xidhay Dekadaha la tartamaya ee mandaqada, ayuun bay tana u xidhaysaa, saddex sanno ayey ku dhaw dahay markii ay Dekadda la wareegtay, waxay tidhi wax baan balaadhinayaa, may balaadhin, Berbera Corridoor, waxaa lagu soo daray dhammaan mashaariicihii iyo heshiisyadii kala duwanaa, ee ay ku qaateen xaqul qalinka, ee uu afkiisa ka qirtay Sacad Cali Shire, ee uu yidhi xaqul qalin ayaanu qaadanay, anaguna barigii Barlamaanka ee dooda lagu jiray waxaan idhi Xaqul qalinka macnihiisu waa laalush, 15 milyan ayey wadankii dhammaa siisteen, waxaana leeyahay Sacadaw falaadhi gilgilasho kagama go’do, waxaanad ku sun tahay ninka albaabada u soo xidhay Siyaasadii Arrimaha Dibadda Somaliland, ee ceebtaada waxba ha kula soo galgalan Golayaasha Sharci-dejinta, anagu xeerar baanu dajina, adigana waanu kugu ilaalinaa, wakhtigii UDUB, Basaboorka Somaliland waxaanu ku tagnay dalal badan sida Ghana, Tansaaniya, Ruwaanda,Kenya, Uganda iyo wadamo badan oo kale, wufuuda Xildhibaadu wey is weydaarsan jireen, Jendayi Frazer (Sarakaaladii Maraykanka u qaabilsanayd Afrika) ayaa dalka timid, oo taariikh ahayd, Midawga Afrika ayaa qoray warbixin ah inay Somaliland istaahisho in la aqoonsado, laakiin maanta waxaanu maraynaa meel aad u liidata”. Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Barlaaman, aan ahayn Barlamaanka Somaliland, ay ku shiraan dalka gudihiisa, gaar ahaan Magaalada Laascanood, waxa kale kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu saami qaybsiga uu ka badheedho, isla markaana wax haboon aanay ahayn in Madaxweynuhu uu Golaha u soo gudbiyo in Doorashada lagu galo sidii hore. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in dhamaan Isgoosyada Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada Militeriga. Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu amarkaasi duldhigay Taliyaha ciidamada Militeriga iyadoo sugida amniga magaalada Muqdisho ay banaan joog ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta. Ciidamada ugu badan ee ka tirsan Militeriga ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee caawa lagu wareejin doono Isgoosyada iyaga oo looga danbeyn doono wixii khuseeya amniga Muqdisho. Taliyayaasha Ciidamada xasilinta ee laga raray wadooyinka ayaa si hoose uga amarqaadan jiray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre. Saraakiisha Ciidamada Xasilinta ayaa loo heystaa kiisaska dhowr weerar oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uuna qorshuhu yahay in xalka amni ee magaalada Muqdisho lagu tijaabiyo ciidamada Militeriga, gaar ahaan qeybta cusub ee la yiraahdo October. Sidoo kale, ciidamada laga raray wadooynka iyo kuwa la filaayo in lagu daadiyo isgoosyada Muqdisho ayaa khilaaf hoosaad ka dhex abuuray Madaxda ugu sareysa dalka maadaama Hay’adaha khuseeya amniga gudaha ciidamadooda laga qaaday wadooyinka. Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa marti galineysa xaalado amni darro oo isugu jirta dilal ay geystaan ciidamada iyo Qaraxyo tuhunbadan dhaliyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com