-
Content Count
214,556 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bishii September 2018 uu dilal kala duwan ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eegtay Saraakiil, Askar iyo dad shacab ah. Dilalka ugu badan ee bisha September ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa badi lala eegtay Askar iyo shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka. Dilalka noo diiwaan gashan ee Bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 27 dil, oo dhacay wakhtiyo kala gadisan. Dilalka dhacay ayaa noocooda ahaa kuwo madax-jabis ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Federaalka. HOOS KA AKHRISO DILALKA DHACAY BISHII SEPTEMBER 2018 1-Sep 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ku toogtay Askari la sheegay inuu kamid ahaa qeybta Minishiibiyada xili uu ku sugnaa Suuqa. 2-Sep 2, 2018, Kooxo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta degmada Hodan ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xili uu ku howlanaa shaqo maalmeedkiisa, waxaana halkaa ka baxsaday dilka kadib maleeshiyada. 3- Sep 3, 2018, Ilaalada Garoonka Kubadda Cagta Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah dhalinyarada Ciyaar ka socotay Garoonka u soo daawasho tegay gaar ahaan Wiil taageero u ahaa Kooxda ku ciyaareysay Magaca degmada Yaaqshiid, waxaana lagu Magacaabi jiray Marxuum Cabdifitaax Muuse. 4- Sep 4, 2018, Waxaa degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafada Jamhuuriyo lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Militeriga Somalia. 5-Sep 4, 2018, Rag la socday gaari noociisa lagu sheegay Kaarib ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Kaaran ku dilay Askari ka tirsan dowlada xili uu kasoo baxay shaqooyinkiisa. 6-Sep 4, 2018, Kooxo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada, iyadoo dilka kadib ay ka baxsadeen goobta. 7-Sep 4, 2018, Waxaa degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowlada xili uu kasoo baxay shaqooyinkiisa Qaran, waxa uuna dilkiisa ka dhacay Xaafada Jamhuuriyo. 8- Sep 5, 2018, Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa xaafada Baar Ha’idhaafin ee degmada Waaberi ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa NISA. 9- Sep 11, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka suuqa Khudaarta degmada hodan ee gobolka banaadir ku toogtay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan Firinbi oo da’adiisa lagu qiyaasay 60 sano jir. 10- Sep 11, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafadda KPP ee Degmada Hodon ku dilay xubin ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cumar Xasan Ganey. 11- Sep 12, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha qeybta Khudaarta ku dilay qof shacab ahaa oo la sheegay inuu kamid ahaa xamaalatada Suuqa. 12- Sep 16, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Militeriga oo magaciisa lagu sheegay Baliil, ayaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan agagaarka Carwa Liimon ku dilay Askari kale oo ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada oo lagu magacaabi jiray Fanax. 13- Sep 17, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa afaafka hore ee shirkadda Amal oo ku taalla suuqa Bakaaraha ku weeraray C/qaadir Al Waasac oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaddaasi oo halkaa looga qaaday dhaawac culus. 14- Sep 17, 2018, Kooxo ku hubeysnaa mindiyo ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ku dilay nin Oday ahaa oo da’diisa lagu sheegay 45 Jir, kaa oo xiliga la dilaayay kusii jeeday Suuqa Bakaaraha. 15- Sep 18, 2018, Mid ka mid ah ilaalada General Sheegow oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Millatariga Somaliya ayaa Muqdisho ku toogtay gabar yar oo lagu magacaabo Deeqo Daahir Cali, waxa uuna si gaara dilka uga dhacay agagaarka isbitaalka Recep Tayyip Erdogen. 16- Sep 19, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa suuqa Bakaraaha ku dileen Nin la Sheegay inuu ka shaqeeyo rarista Gaadiidka ka howlgala isgooska Suuqa Bakaraha ee Muqdisho. 17-Sep 21, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ku toogtay suuqa beerta gaar ahaan dhanka degmada Xamar Jajab meel aan sidaas uga fogeyn afafaaka hore ee xerada ciidanka Afasiyooni waxaana lagu magacaabi jiray Mahad Gudhuu. 18-Sep 21, 2018, Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax ku dhextoogtay Aamina Xuseen Xasan oo gudaha fasalka loogu dhex galay. 19-September 21, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa Xaafada Seybiyano ee Degmada Hodan Gobalka Banaadir ku dilay Dayax Iimaan Xasan Jiirow oo ka tirsanaa shaqaalaha Waaxda farsamada maamulka Xamar. 20-Sep 23, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgooska Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inuu ka mid ahaa kuwa rara gawaarida BL-ka. 21-Sep 24, 2018, Ciiadamo ka tirsan dowlada ayaa nawaaxiga Saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay nin doonaayay inuu u dhaco guri ku dhow Saldhiga kaa oo inta badan laga wada garanaayo degmada. 22- Sep 25, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka Masjidka Xareed oo u dhow Isgoyska Baar Ubax ee Magalada Muqdisho ku dilay Maxamuud Cabdi Maadhiin oo ka tirsanaa howlwadeenada Shirkada Isgaarsiinta Somtel. 23- Sep 25,2018. Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Xaafada taleex agagaarka Madaxtooyadii hore Cabdi Qaasim ee Degmada Hodan ku toogtay qof shacab ah. 24- Sep 27, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Qof Shacab ah, dilkan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka masjidka Cabdalo iyo Cawa wareer ee ku yaalla degmada Warta-nabada xili qofkaasi uu fadhiyay goob lagu cabo shah. 25- Sep 27, 2018, Nin ku hubeysnaa qori nooca loo yaqaan AK47 ayaa waxa uu Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inay qaraabo ahaayen, dilka ayaa ka dhashay kadib markii labaduba ay ku murmeen maandooriye ay isticmaalayeen. 26- Sep 30, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado oo la socday Mooto ayaa gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir, waxaana lagu magacaabayay marxuumada Caa’isho Cali Saneey. 27- Sep 30, 2018, Kooxo ku hubeysned bastoolado ayaa magaalada Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa suuqa degmada kaa oo la oran jiray Ayuub. Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha September ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cumar Cabdullaahi Faraweyne Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa loo magacaabay xil cusb oo taliyenimo Digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Cumar Cabdullaahi Faraweyne loogu magacaabay Taliyaha ciidanka kaydka Puntland. Ciidamada keydka ayaa ah ciidamo beelaha Puntland keeneen oo boqolaal kamid ah ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ka jirto colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo mar soo noqday Taliyha ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweyne Gaas Guddoomiyaha gobolka Nugaal ka qaaday 24-kii bishii hore ee September. Madaxweyne Gaas ayaa muddooyinkii u dambeeyay magacaabay Taliyeyaal ku cusub Puntland oo ay kamid yihiin Taliyaha la dagaalanka mukhaadaraadka, Taliyaha Xasilinta Nugaal iyo Taliyaha ciidamada keydka. Hoos ka akhriso digreetada Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. -DHAMMAAD- PUNTLAND POST The post Puntland:- Cumar Faraweyne oo Taliye loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka Warbaahinta PUNTLAND POST saaka ka helayso deegaanka Gawaan oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in waaberigii uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey shilkaas waxaa ku dhintay Lix ruux, halka dad kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyey mid kamid ah isbitaalada ku yaalla Magalada Gaalkacyo ee xarnuta Gobolka Mudug. Shilkan ayaa sababta keentay lagu sheegay in wadooyinka qaar ee gobolka mudug ay haatan yihiin kuwo burbursan, iyada oo dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay ay u gurmadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool Koonfurta gobolka Mudug. Cabdiqani Boos Puntland Post The post 6 Qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Koonfurta Gobalka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Wararka maanta oo Talaado ah ka imaanaya deegaanka Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Al-shabaab iyo sidoo kale dad iskood isku abaabulay oo ah dadka deegaanka. Xiisaddan maanta lasoo sheegayo ayaa daba socoto dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deeganno ku dhow Aadan Yabaal. Dagaalladii shalay dhacay waxaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen 6 qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Al-shabaab ayaa la sheegay iney doonayaan iney qabsadaan deegaannadii shalay lagu dagaallamay iyo sidoo kale Aadan Yabaal, iyadoo dadka deegaankana ay difaac xirteen. Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa muddooyinkaanba ka jiray shacab is abaabulay islamarkaana doonaya iney la dagaallamaan Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay Saddex ruux oo u dhalatay Itoobiya, kana soo jeedda qomiyadda Oromada. Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay weeraraan goob ay dadkaan ku sugnaayeen, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay Labo kale. Goob joogayaal ayaa sheegay in goobtaasi ay isaga baxsadeen raggii weerarkaasi ka dambeeyey. Dadkan la weeraray ee Oromada ah ayaa la xaqiijiyey in halkaasi socoto ku ahaayeen oo ay doonayeen iney kasii tahriibaan. Ciidamada ammaanka Puntland oo gaaray halka weerarkaan uu ka dhacay ayaa sameeyey howlgal illaa iyo hadda natiijadiisa aan la shaacin. Dilalka loo geysanayo dadka Oromada ah ayaa kusoo badanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boqol iyo Labatan qoys oo ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen gobolka Gedo ay soo wajahday xaalado adag oo dhanka nolasha ah. Waxa ay sheegeen in gargaar aysan helin waqti badan oo ay joogeen degaanka ay ku noolyihiin, iyagoo sheegay in dhowr jeer ay u cawdeen maamulka deegaanka Garilley oo ay ku sugan yihiin. Maxamed Maxamuud Guddoomiyaha deegaanka Garilley ee gobalka Gedo ayaa dhankiisa sheegay in dhankooda awood aysan u laheyn in qoysaskaas ay caawiyaan balse ay wadaan dedaallo ku aadan sidii loo caawin lahaa. Waxaa soo badanaya maalmahan dambe cabashada ay qabaan barakacayaasha ku nool gobolka Gedo, kuwaasi oo u badan dadkii kasoo laabtay xerayaha qaxooti ee Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Qoysas-ka-soo-laabtey-Xeryaha-Qaxootiga-Kenya-oo-ku-dhibaateysan-deegaanka-Geriley-ee-Gobolka-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in dowladda dhexe laga doonayo in si daah furan u dhisto guddiga la dagaalanka musuq maasuqa. Waxa uu sheegay Caalim in guddigan tiro ahaan aan laga dhigi Sagaal xubnood, balse la gaarsiiyo illaa 50 qof oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada. Dowladda ayuu sheegay iney tahay tan laga baarayo Musuqa, sidaasi darteedna xubnaha guddigan muhiim yihiin iney ka yimaadaan maamul goboleedyada, culimada, dhallinayarada iyo Haweenka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREEYSI-MAXAMED-MAXMUUD-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha amniga Jubbaland ayaa kulankoodii Billaha ahaa waxay kaga hadleen arrimo u badan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyaga oo isku raacay in la xoojiyo. Sarreye Gaas Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo ah la taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Jubbaland ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabihii la isku raacay. Waxa uu tilmaamay in la isku raacay in la xoojiyo lana dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Jubbaland iyadoo la gaashanaya dowladda federaalka iyo cid walbo oo gacan ka geysaneysa. Sidoo kale, Dhuumaal ayaa sheegay in golaha amniga Jubbaland isku raacay in la adkeeyo amniga deegaannada lagala wareegay Al-shabaab, sidoo kalena la qabto deegaanno kale oo hor leh. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ka wada deegaanno ka mid ah Jubbooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia ayaa si rasmi ah u joojisay ka ganacsiga daawada loo isticmaalo cudurka TP-da oo saa’id loo kala iibsado. Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Somalia Fawsiyo Abuukar Nuur, oo soo saartay amarka lagu mamnuucay isticmaalka daawada ayaa sheegtay in cudurka TP-da uu si weyn fara ba’an ugu hayo dadka Soomaaliyeed ee bukaanka u ah. Waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo oo la hadashay VOA-da daawooyinka laga ganacsado ee TP-da ay uga sii dartay in cudurka uu bulshada ku dhex faafo, islamarkaana ay adkaato daweynta dadka uu soo ritay cudurkan. “TP-da waa cudurada ugu badan ee Soomaalida aadka u saameeya, waxaa naga kaalmeeya dawadooda, bukaanada dawooyinka la siiyo ee cudurkan waa daawo lacag la’aan ah, laakiin Soomaaliya waxaa ka jira dawooyin aan sax aheyn oo dalka la soo geliyo, Soomaaliya cudurkan aad ayuu u hayaa”. Ayay tiri wasiirka caafimaadka. Wasiiradu waxa ay sheegtay iyada oo arrimahaasi oo dhan laga hortagayo in dowladda Somalia ay ku dhawaaqday inay joojisay ka ganacsiga daawada cudurka TP-da. Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegtay in Dawooyinka Cudurka Qaaxada uu bilaash yahay islamarkaana laga helo karo Goohaba caafimaadka sidaas darteedna ay sharci darro tahay in laga ganacsado. Sidoo kale, waxa ay sheegtay in isbitaallada Dowladda ay la wareegayaan isla markaana ku shaqeyneyso dowladda sida ay xustay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ay Wasiiraddu sheegtay in inta badan Isbitaallada Dowladda ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ama Hay’ado aan dowli ahayn,kuwaas oo ay sheegtay in laga wareejinayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliska ciidanka xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka hadlay howlgallo ay maalmihii ugu dambeeyey ka sameeyeen magaaladaasi. Jeneraal Muxyadii Axmed Muuse oo ah taliyaha ciidanka xasilinta Garoowe ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin dhallinyarada dhibka ku hayso magaalada. Wuxuu tilmaamay taliyaha in hadda ay dad kusoo qabteen howlgalladii ay sameeyeen, kuwo kalena ku raadjoogaan. Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhallinyarada dhibka geysata islamarkaana ka cararta magaalada usoo qaban doonaan waalidkii dhalay. Waxaa Garoowe si aad ah ugu soo batay falalka amni darri, iyadoo dhallinyaro mindiyo ku hubeysan ay dhib ku hayaan dad shacabka ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Taliyaha-sax-ah.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha degaanka waqooyiga magaalada gaalkacyo ayaa ku eedeeyay madaxada ugu sareeysa Puntland in ay boobayaan hantida dowladdii dhexe Soomaaliya oo ay ka mid tahay Xeradii siinaay ee ciidanka xoogga dalka. Xildhibaan Ibraahin Jabriil Ciise oo kamid ah golaha degaanka waqooyiga gaalkacyo ee puntland ayaa sheegay in dhulkaas lagu wado iib iyadoo cidba meel ay jaratay, waxa uu sheegay in hantida maguurtada ah ee dowladdii dhxe aysan sax aheyn in shaqsiyaad ay iibsadaan. Waxa uu tilmaamay in sidoo kale iibka xeradan ay kaalin ka geysanayaan waxgarad iyo ganacsato Puntland ah. Madaxda Puntland ayuu sheegay iney wax kala socdaan arrintan, islamarkaana ay si gaar ah ugu eedeynayaan madaxweyne Gaas uu dhulkaasi bixiyey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Xildhibaan-Ibraahim-Jibriil-Ciise-Golaha-deegaanka-gaalkacyo-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source: Hiiraan Online
-
It’s well known by now that President Donald Trump isn’t particularly popular in Europe: He has withdrawn from the Paris climate accord and the nuclear pact with Iran, imposed punitive tariffs on steel and aluminum imports from the European Union, and questioned nato’s usefulness. For a bloc that functions (or doesn’t, if you ask its critics) through unanimity and consensus building, Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) – Unidentified gunmen shot dead four Ethiopian refugees in Bossas, the commercial capital of the northern Somalia semi-autonomous of Puntland, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) – Unidentified gunmen shot dead four Ethiopian refugees in Bossas,Puntland the commercial capital of the northern Somalia semi-autonomous of Puntland, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
-
ome 852,000 children aged between six and 17 years are out of school this year, the Education ministry has said. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government on Monday called on Iraq to launch urgent investigations into a ship carrying 200,000 bags of charcoal smuggled out of the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si KMG ah gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda loogu doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud, xisbigaas oo la filayo in uu maalinta Khamiista ah si rasmi ah shaaca looga qaado. Xisbiga cusub waxaa ku midoobay saddex Xisbi oo kala ah Daljir, xisbiga Peace and Development Party (PDP) iyo kutladda Horusocod iyo waliba siyaasiyiin kale. Tallaabadan ayaa ka dhigan in 80 xildhibaan iyo ka badan ay ka mid yihiin xisbigan maadama Daljir ay ku leeyihiin labada gole xubno, PDP oo ahaa Daamjadiid iyo waliba Horusocod oo ay sameysteen xubno ka tirsan golaha shacabka. Dhaq dhaqaaqa Xisbigan waxa uu si weyn u saamenyn doonaa dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxaana suurta-gal ah laba dhibaato oo xisbigan uu ku noqon karo dowladda 1 – Mooshin Xisbiga cusub oo hadda haysta aqlabiyadda Baarlamaanka waxa ay abuuri karaan mooshinno ka dhan Ra’iisul Wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka ama Madaxweynaha. Waxa ay haystaan sida la sheegay 80 xildhibaan, taasi oo macnahaeedu yahay inay mooshin kasta oo ay doonaan ay si deg deg ah u gayn karaan baarlamanka. Ka sokow xildhibaanada ay haystaan, waxaan shaki ku jirin inay heli karaan xildhibaanno kale, oo dowladda kasoo horjeeda. Sidaas darteed layaab ma noqon doonto haddii toddobaadyada ama bilaha soo socda aan maqalno mooshin la geeyey baarlamanka. 2 – Xoojinta Maamul Gobolleedyada Iyada oo uu hore u jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyey dowladda Federaal-ka Soomaaliya, hadana waxa uu Xisbigan siin karaa awood Dowlad Gobolleedyada oo lagu tuhmayey in ay horeba xubno ka mid ah soo kiciyeen kana dambeeyeen war murtiyeedkii Kismaayo ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray. Waxaa sidoo kale aan xog ku helnay in dhammaan madaxda xisbiyada mucaaradka ay tagi doonaan shirka madax goboleedyada ee 10-ka October ka furmaya Garoowe, isbaheysina la dhisan doonaan madax goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in dowladda federaal-ka Soomaaliya ay gebi’ahaanba la wareegtay gacan ku haynta ammaanka magaalada Baydhaba oo la filayo in bisha dambe ay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed ka dhacdo. Baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa amnigeeda xooggiisa suga ciidamada Amison gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya. Hase ahaatee, intii ay ciidamada Itoobiyanka ah ku sugnaayeen Baydhaba waxa uu taliskooda hoos tegi jiray saraakiisha Itoobiyaanka ah, gaar ahaan Tigrayga, kuwaas oo ay soo magacaabeen taliskii hore ee Ethiopia ee qowmiyadda Tigrayga oo iminka meesha laga saaray. Taas, waxa ay sabab u noqotay in uu maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u adeegsaday caburinta siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo waliba in uu ka amar qaadan waayo dowladda dhexe ee Sooomaaliya. Si kastaba, saraakiisha Tigrayga ayaa lagu warramayaa in iminka la beddelay, lana keenay kuwa ka amar qaadanaya dowladda federaalka, kadib markii arrintaas ay dowladda xiriir kala sameysay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
1998-kii si looga hortago in Soomaaliya ay midowdo xiligaa oo ay ku jirtay marxalad burbur ah, dowladii Itoobiya ee Tigreega hogaaminayay waxey u soo jeedisay urur goboleedka IGAD oo wadamada Geeska Africa ku midoobeen in lix qabiil maamul goboleed loo kala qeybiyo Soomaalida. 20-sano kadib Ergayga xilka ka sii dagaya ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa Golaha Amaanka ka jeediyay hadalkiisii ugu dambeeyay waxaana uu yiri “ kaliya waxaa dhisan maamul goboleedyo Federalka Soomaaliya katirsan, waaxana ugu dambeysay Hirshabelle, laakiin majiro nidaam dhameystiran oo Soomaaliya ka dhisan” Danaha siyaasiyiinta baahan waa waxa dhibaatada ku haya nidaamka Federalka Soomaaliya, waxey doonayaan iney noqdaan maamulo kamadax banaan dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo dhowr jeer ay xiriirka u jareen, awoodo dheeri ah ayey isa siiyaan sida iney toos ula macaamilaan dunida inteeda kale iyagoo u soo bandhigaya Kheyraadka Soomaaliya kawada dhaxeeya. “ Soomaaliya waa iney wax ka faa’idaa isbadalla bulsho iyo midka dhaqaale ee ka socda wadamada Geeska Africa, waa xiligii ay Soomaaliya kaalinteeda ka ciyaari laheyd oo doorkeeda ka qaadan laheyd masraxa gobalka iyo kan dunida” sidaasi waxaa Wargeyska The Star u sheegay Mohamed Ahmed Jimale oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Waxba kama oga Soomaali badan soo jeedintii Itoobiya ee IGAD oo laga soo abaabulay magaalada Addis Ababa, sidoo kale lama oga khudbadii Xayla Salaasa uu ka jeediyay magaalada Qabri Dahar oo dhacda dowlad deegaanka Soomaalida sanadii 1956-dii xiligaa waxa uu Xayla Salaasa sheegay in Soomaaliya lagu dari doono Itoobiya, taa oo Itoobiya u sahleysa iney isticmaasho badda iyo dhulka Soomaaliya. Nidaamka Federalka ee Soomaaliya laga dhisay waa fikrad katimid Itoobiya ee ma ahan mid ay xal u aragtay Soomaalida, madaxda maamul goboleedyada waxey aad u jecelyihiin iney kulan la qaataan madaxda Kenya , Itoobiya, Amiirada Carbeed ee Imaaradka Carabta / Sacuudiga iyo Ajaanibta kale ee danaha kaleh Soomaaliya. Midowga Yurub waxa uu amaanay maamul goboleedyada sidoo kale taageero ayuu meel u saaray wuxuuna la kulmiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shirar caalami ah ayaa dhamaantood madaxda Soomaalida la isugu keenay sidaas ay tahayna kama muuqan farxad iyo ka faa’ideysiga fursadaha wanaagsan ee Federalka uu leeyahay, balse waxey noqdeen siyaasiyeen is fiirsada. Weji Cusub Shaxda is eedeynta waxey u egtahay mid dhamaan rabta, Dowladda Soomaaliya waa mid awood leh waxaa garab taagan dowlado shisheeye, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre waxey noqdeen madax khiyaali ah, maxaa yeelay waxaa saameyn ku yeeshay isbadalka ka socda geeska Africa oo lama filaan ku noqday. Dowladda Soomaaliya waxey iska diiday in Khilaafka kala dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada lagu xaliyo magaalooyinka Addis Ababa ama Nairobi, waxaana fariin cad ay ku noqotay koox walba oo dano gaar ah ka laheyd u kala gar qaadida Soomaalida. Ugu yaraan ololaha loogu talagay in Soomaaliya lagu burburiyo ee ku dhisan qabiil qaatay Federalka wuxuu u egyahay mid sii lumaya, waxaana maamul goboleedyada Soomaaliya ay lumiyeen quruxdii ay lahaayeen iyagoo cadow u arkay dowladda Federalka Soomaaliya. Soomaaliya mar walba nasiib ayeey leedahay oo waxaa ku dhirirsan xeebta ugu dheer Africa dhul qani ahna wey ku fadhisa, waxaana Dowladda Soomaaliya ay heshay fursad ay kaalin weyn kaga qeyb qaadato heshiisiinta Eritrea iyo Djibouti. Itoobiya iyo Kenya majecla in Soomaaliya midowdo oo xoog yeelato, laakiin waxba uma dhimi karaan hadii Soomaalida dhexdeeda isku tashato. Itoobiya waxey soo dhameysatay Somaliland oo xeriir dibloomaasi u ogolaatay sanadii 1991-kii, waxaana ay ka caawisaa qalabka iyo tababarada Militery ee maamulka Hargeysa, waxaana marwalba Itoobiya ay raadisaa sidii Muqdisho iyo Hargeysa ay u kala noqon lahaayeen labo dowlad oo kala madax banaan, iyadoo wali Somaliland ay raadineyso aqoonsi caalami ah. Jimcaale oo ah gudoomiyaha jaamacadda Umadda ayaa markale yiri “ khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ma dhamaanayo ilaa laga dhameystiro dib u eegista dastuurka oo qeexaya awoodaha” Jimcaale ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay mustaqbalka Dalka waxaana uu sheegay in Soomaaliya laga dhiganayo mashruuc aan dhamaan oo shisheeyaha wataan, sidoo kale wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa mar yiri “ Soomaaliya waa mashruuc” “ Ma rabo inaan dhaleeceeyo awoodaha shisheeye maxaa yeelay anaga ayaa ogolaanay in aan noqono mashuur aan dhamaan, ilaa laga helo madax dhab ah Soomaaliya dhibkaan kama baxeyso” Jimcaale ayaa hadalkan yiri. Masiibada xalka la mooday Nidaamka Federalka ee Soomaaliya wuxuu ku noqday caqabad waana dowladii ugu dambeesay ee qaadata nidaamkan iyadoo dadkeedu ay hal yihiin, ma jirin baahi loo qabay in la dhiso Federal. Federalismka waxaa loogu talagalay in uu isbadal wanaagsan ku soo kordhiyo siyaasaddam dhaqaalaha iyo dhibaatada amniga ee dalka ka jirta, dhamaantood meesha ayey ka baxeen oo mid walba xal gooni ah buu rabaa, waa dhib cusub oo Soomaalida loo abuuray. Soomaalida uma aysan codeyn Federalism-ka, xitaa kuma aysan iman dalab ka yimid dowladii xiligaa jirtay, waa natiijo ka dhalatay danaha Itoobiya iyo Kenya ay ka leeyihiin Soomaaliya. Aqoonyaho badan oo Soomaaliyeed ayaa su’aal ka keeniyay nidaamkan waxaana ay sheegeen in uu shaqo kaga u abuurayo kumanaan qofood dal dhaqaalihiisu ay ka yimaadaan deeq bixiyaal caalami ah. Danjire Micheal Keating hadaladiisii ugu dambeeyay waxaa kamid ahaa “ Soomaalida iyaga ayaa xalisan kara dhibkooda” Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Mangeste Xayle Maryam waxa uu Soomaaliya u arkaa cadowga kaliya ee wadankiisu leeyahay,. “Soomaaliya waxey u sii kala qeyb sami doontaa lix maamul goboleed oo ka sii faracma shanta maamul ee hadda jirta, wada shaqeynta dowladda Federalka wey soo afjarmi doontaa ilaa inta ay ka heshiineyso Soomaalida” sidaas ayaa lagu yiri maqaal lagu daabacay wargeyska the Star. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: The Star
-
Sida laga wada dharagsan yahay, bisha dambe doorasho ayaa ka dhici doonta Koonfur Galbeed, oo waxaa dhammaaday waqtigii madaxweyne Shariif Xasan. Doorashadan waxa ay wajiyo badan u leedahay dowladda federaal-ka ah ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabduulaahi Farmaajo. Doorashada waxa ay ku soo aaday xilligii ugu fiicnaa ee ay dowladda dhexe rabi lahayd maadama bil laga joogo goortii ay maamul gobolleedyadu xidhiidhka u jareen dowladda dhexe, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo. Dhinaca kale doorshada kuma koobna Koonfur Galbeed oo waxaa iyaguna doorasho gali doona Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmadug, inkasta oo qaarkood ay naga xigaan bilo. Hase ahaatee, halbeegga guusha Nabad iyo Nolol waa doorashada ka dhici doonta Koonfur Galbeed sababaha hoose dartood. 1 – Awoodda Axmed Madoobe oo daciifi doonta Haddii dowladdu ku guuleysato xaqiijinta in doorashada Koonfur Galbeed looga adkaado Shariif Xasan, uuna ku soo boxo hoggaamiye iyada daacad u ah ama danta qaran ka shaqeeya waxa ay fursad fiican u heli doontaa sidii ay meesha uga saari lahayd Axmed Madoobe oo qudhiisa culuys iyo kacdoon bulshada reer Jubbaland ah la daalaa dhacaya. Sababtu waxay tahay dowladdu waxay heli doontaa kalsooni ay doorashada Jubbaland ku faro-gelin karo, una xaqiijin karto in Axmed Madoobe uusan ku shuban. 2 – Puntland oo go’doon siyaasadeed filan karta Hadii ay dowladdu ku guuleysato doorashada Baydhaba, sida kor ku xusan waxa ay fursad u heli doontaa in ay is bedel ka sameyso Jubbaland, taas oo go’doomin siyaasadeed ku keeni karta Puntland – waa haddii uu Gaas waqtiga dheereysto ama soo booxo hoggaamiye ku aragti ah. Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo meesha ka baxa, waxay burburin doontaa isbaheysiga dowlad goboleedyada ee hadda awooddooda ku xiran tahay iskuduubnidooda. Si kastaba, haddii uu soo boxo mid ka duwan oo danta qaran u jan jeera, waa guul weyn oo dowladnimada u soo hoyatay. 3 – Hir-Shabeele iyo Galmudug waxay arki doonaan tusaale. Haddii ay dowladda u hir-galaan labada qorshe eek or ku xusan, maamullada ka taliya GalMudug iyo HirShabelle, waxa ay ku noqon doontaa Weysha gowrac, dibgiga ha ku quustee. Guusha ay dowladda ka gaadho Koonfur Galbeed ee dhabbaha u xaartay guulaha kale ee Jubbaland iyo Puntland, cibro qaadasho ayey ugu filnaan doontaa labada Maamul ee GalMudug iyo HirShabeelle. Waxaa xusid mudan in labadan maamulba ay ka tabardarran yihiin maamullada kale marka la eego in si fudud lagula tacaali karo, waayo waxay ka kooban yihiin beelo badan oo is-diidan, oo haddaba madaxdooda qaar ka mid ah ayaa dowladda raacsan, ha ku timaado hab beeleed ama mid dan shaqsiyeedba. W/Q: Mustafa Ahmed Suleymaan Boorama, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors
