-
Content Count
206,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Shurki Aadan Maxamed Camey oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa sheegtay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay weli heystaan fursado kala duwan. Senator Shurki Aadan Maxamed, waxa ay tilmaantay in mudada u harsan Xildhibaanada kadib ay suuragal tahay in dhalinyarada dalka ay kaalintooda ka cayaari karaan si dalka uu u galo isbedel dhanka Siyaasada ah. Waxa ay sheegtay inay muhiim tahay in dalka loo helo dhalinyaro kawada tirsan labada Gole ee dalka, waxa ayna cadeysay in xubinimada ay tahay mid nasiib ah. ‘’Aniguba Xildhibaanimada iyadaa isoo doonatay aniga maraadin, waayo maba ku fekeri jirin lkn waxaan aaminsanahay inay aheyd nasiib isoo doontay’’ Waxa ay Senator Shurki Aadan Maxamed, tilmaantay in nasiibka uu yahay mid furan isla markaana uusan ka reebneen dhalinyarada, sidaa aawgeed ay ku rajo weyn tahay in baarlamaanada cusub ee imaan doona ay noqdaan dhalinyaro caaboon. ‘’Waa in laga shaqeeyaa sida lagu heli lahaa Xildhibaano dhalinyaro ah, waxaan aad usoo dhaweyn lahaa in dowlada Federaalka ay sii diyaariso dhalinyarada nasiibkooda wata si loo helo isbedel baarlamaani ah’’ Waxa ay Senator Shurki Aadan Maxamed sheegtay in markeedii hore ay isaga shaqeysan jirtay isla markaana baratay Injineernimo, kuna shaqeyn jirtay dhismaha iyo Naqshadeynta Guryaha iyo dhismooyinka kale, hase ahaatee ay iminka noqotay Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka iyadoo aan dadaal dheer u galin, balse nasiibka uu watay. ‘’Nasiibka waa calafka u siman kan dadaalka badan iyo kana an dadaalka badneyn, waxaan rajeynayaa in nasiibka isoo maray uu maro dhalinyarada kale, si ay ugu faa’iideeyan dalkooda’’ Sidoo kale, Senator Shurki Aadan Maxamed, ayaa haweenka ugu baaqday inay ka dhex muuqdaan Siyaasada dalka oo ay sheegtay inay weli ku yaryihiin Haweenka, sidaa aawgeed ay lamahuraan tahay in lahelo Haween badan. Haddalka Senator Shurki Aadan Maxamed, ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaano hore iyo Ganacsato caan ah ay dhaqaale ku waayen Xubinimada labada Gole ee Hoose iyo Sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta ka danbeysay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan BFS. Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in waligii uu ahaa mid ku dadaali jiray sida uu uga mid noqon lahaa baarlamaanka Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu ahaa shaqsi rajeyn jiray inuu noqdo shaqsiyaadka aasaaska u ah dowladnimada. Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in mudanaha ka tirsan baarlamaanka uu yahay aasaasaha dhabta ah ee Dowlada, taana ay tahay mida mar waliba ku dhiirigalisa kamid noqoshada baarlamaanka. ‘’Dadka qaar waxa ay is weydiinayaan muxuu Dalxa uga dhex bixi la’ yahay baarlamaanka, anigu waxaa ii muuqda inaan xubin rasmi ah kasii ahaado aasaasayaasha dowlad wanaagsan, waayo aasaasaha saxda ah waa Xildhibaaanka’’ ‘’Xildhibaanka waxa uu aasaas u yahay dowlada rasmiga ah, waxa uuna sabab u noqonkaraa ridista dowlada wanaagsan iyo tan xunba, waa sababta aan u doortay xubinimada inaan aasaase noqdo’’ Waxa uu yiri ‘’xaalad adag ayuu wadanka ka soo baxayay waxaana lagu haminayay in dowlanimada salka loo dhigo marka ay saaxiibadey qoriga la cararayeen in aan anigana aqli iyo xeelad wax u maamulo ayaan rabay’’. Xildhibaan Dalxa waxa uu cadeeyay inaanu baarlamaanka kusoo biirin dhawaanahaan, balse uu ka tirsan yahay tan iyo Sanadkii 2003-dii, waxa uuna noqday gudoomiye ku-xigeenkii Gudigii Arrimaha dibada ee Baarlamaankii 9-aad sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo illaa 24 Dowladood ay ku jiraan. Dalxa waxa uu sheegay in Xildhibaaninimada baarlamaanka ay uga dhigan tahay guul, waxa uuna tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay inuu sii ahaado Xildhibaan inta uu ka dhimanaayo. ‘’Xildhibaan waan soo ahaa waana sii noqon doonaa, waayo waxaan doonayaa inaan ka tago taariikh, waxaan dalban lahaa in leygu garabsiiyo guusha aan naawilaayo’’ Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Dalxa ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia ee hadda jirta ay dooneyso in dalka uu helo baarlamaan dhalinyaro mideynaaya oo qura, waxaana meesha ka baxaaya Dalxa iyo Xildhibaanada ku da’da ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimadda Online)– Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Cali Gaas oo safar uu ugu maqnaa Isu-taga Imaaraadka Carabta kasoo laabtay gelinkii danbe ayaa ka hadlay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Somalia. Mr. Gaas ayaa marka hore hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiyaha cusub ee la doortay Maxamed Mursal isagoo u rajeeyay in xilkiisa uu u guto sidii loogu doortay. Wuxuu sheegay C/weli Gaas in gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka laga rajaynayo in uu noqdo mid mideeya Baarlamaanka Somalia, kana shaqeeya danta iyo maslaxada umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan. Mudanayaasha baarlamaanka federaalka SOmalia ayaa ku kala qeybsan siyaasadda dalka iyo go’aankii dhaliyay iscasilaadii guddoomiyihii hore Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari
-
Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib safar maalma qaatay oo uu ku tegay Imaaraadaka Carabta. Madaxweyne Gaas ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Boosaaso waxa uu ku faah faahiyey ujeedadii u u tegay Boosaaso iyo kulamadii uu la soo qaatay madaxa Imaaraadka Carabta. Waxa uu sheegay Madaxweyne Cabduweli Gaas in sababta isaga iyo Wafdigiisa ay u tageen Dalka Imaaradka Carabta ay ahayd arimo laxiriira Amniga Puntland iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland , waxaana uu sheegay in wadahadaladii ay layeesheen Imaaraadka uu guul ku soo dhamaaday . Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Imaaardka Carabta uu kala hadlay wixii kaga aadanaa dhexdhaxaadinta khilaafka u dhexeeya dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta. Ugu dambeyn gaas ayaa ka hadlay fatahaada qaar ka mid ah gobolada alka uu ka geysta Wabiga Shabeelle,isaga oo shegay in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmad loo sameynayo dadkaas. The post Madaxweyne Gaas Oo Sheegay In Imaaraadka Uu Kala Hadlay Khilaafka Kala Dhaxeeya Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Baladweyne (Caasimadda Online)– Madaxweyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday goobo ka mid ah meelihii fatahaada webiga Shabeelle saameynta xooggan ku yeeshay ee Baladweyne, wuxuuna warbixino ka dhageystay dad shacab ah iyo mas’uuliyiin. Farmaajo oo booqashadiisa Baladweyne ugu guur galayay xaalada murugsan ee halkaasi ka jirta ayaa ku dhawaaqay xaalad bini’aadanimo, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshada in ay kala shaqeeyaan Guddiga Gurmadka Qaran ee ay Dowladda Federaalku u xilsaartay sidii gurmad ballaaran loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle. “Maanta waxaan halkan (Beledweyne) u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku suganyihiin, walina ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha magaalada.” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go’doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Waxaa saaka la gaarsiiyey magaalada Beledweyn gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii uu Maanta ka hor doorashada uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraalo uu Xildhibaanada uga dalbanay inaan la dooran musharaxa ay dowladda Soomaaliya wadatay. Xildhibaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si dad badan weerar culus ugu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo sheegay inuu Maanta waqti badan geliyey inuu farriin Facebook ugu soo qoro Xildhibaanada balse aysan Maanta Xildhibaanada Facebook waqti u heynin . Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook. Waxaa marka hore u hambalyeynayaa gudoomiyaha cusub mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman waxaana illaahay uga baryayaa inuu fududeeye xilka culuska ee loo doortay. Waxaa sidoo kale u hambalyeynayaa saaxiibkay Ibrahim Isaaq Yarow oo kaalinta labaad galay codad badana kasbadey, waxaana amaan mudan sida biseylka laheyd ee uu ugu hambalyeey walaalkiisa ay tartameen. Mudane Ibrahim mudo dheer baa aqaan wuxuuna ka mid yahay xildhibaanda mudada dheer baarlamaanka kusoo jirey kana soo qeyb qaatay in dalku soo gaaro meesha wanaagsan ee maanta aan joogno waana shaqsi aan ku aqaan dowlad jaceyl. Waxaa aaminsanahay in xildhibaanada kala codeeyey iyo musharaxiinta tartamayba ay gudanayeen xuquuqdooda dastuuriga ah, mana jiro mid adkaadey iyo mid laga adkaadey dhamaanteen waxaa nasugeyso waajib qaran iyo inaan kawada shaqeyno inuu Baarlamaanku si muuqata u guto waajibaadka hor-yaal mudada ka dhiman mudada jiritaanka Baarlamaa ka. Waxaa wax laga xumaado ah in wali dad siyaasiin sheeganaya u ololeynayeen in baarlamaanka iyo xildhibaanadu kala qeybsanaadaan oo waliba markii tartankii dhamaadey ay xildhibaanada ku tilmaamay kuwa ku ceebeysan inay labo xildhibaan kala doorteen, taasoo kasoo horjeeda dimuquraadiyada iyo dabeecada doorashooyinka. Musharax kasta oo guuleysta waxaa uu ahaan lahaa gudoomiyaha baarlamaanka waxaana waajib ku ahaan laheyd xildhibaanada musharax kastoo kusoo baxa doorashada inay la shaqeeyaan. Siyaasiyiinta qaarkood waxay maanta in badan waqtigooda galiyeen inay xildhibaanada fariin usoo dhigaan FB, laakiin xildhibaanadu maanta FB waqti uma heyn waxay gudanayeen waajibkooda. Ugu dambeyntii waxaan dhamaan xildhibaanada u rajeynayaa guul iyo in laga gudbo doodiihii ka dhashay ololaha doorashada oo ah shey dabiici ah oo mar walba dbaca. Mahadsanidiin.
-
Mohamed Ali Jesow is bit of a Renaissance man: He speaks three languages, has an American accounting degree, ran a tax practice in Toronto for 20 years, and designed and built a resort on the outskirts of Mogadishu, where he also raises cattle, runs a vegetable farm and makes his own cheese. Source: Hiiraan Online
-
Baladweyne (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta booqday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in xaalad bini-aadamnimo oo aad u daran ay ka jirto qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha Somalia ayaa kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, isaga oo ka xog-wareystay sidii dadaallada haatan socda loo xoojin lahaa masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle, maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. “Waxaan Maanta halkan (Beledweyne) u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku suganyihiin, walina ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha magaalada,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha bulshada in ay kala shaqeeyaan Guddiga Gurmadka Qaran ee ay Dowladda Federaalku u xilsaartay sidii gurmad ballaaran loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go’doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Ugu dambeyn, Waxaa saakay la gaarsiiyey magaalada Beledweyn gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Waxaan Beledweyne u imid in aan Dhibaatada idin la Qaybsanno appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaan Maxamed Sheekh Mursal C/raxmaan ayaa noqday Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Somaliya, kadib markii uu ka guulaystay Musharaxii la tartamaayay. Wareegii ugu dambeeyay ee doorashadda ayaa waxaa ku tartamaayay musharaxiinta kala ah Ibraahim Isaaq Yarow iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xildhibaan Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay codad gaaraya 147 cod. Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow ayaa helay codad gaaraya 118 cod. Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 265 xildhibaan. Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob. Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balan qaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto. “Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si Danta, Dalka iyo Dadka ay ku jirto”. ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
-
Beledweyne (HOL) - President Farmajo travelled to Beledweyne on Monday to examine the damage done by days of torrential rain. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa, Ethiopia–DP World has signed a final agreement with the Government of Dubai enabling it to develop an economic free zone at the Port of Berbera in Somaliland. “The free zone will encourage growth for the region’s economy,” said DP World Group Chairman, Sultan Ahmed Bin Sulayem. “It’s a boost for local prosperity and is going to create many jobs. We look forward to bringing our global experience here and help develop the area.” Free Zones (FZ) are designate areas in which companies are taxed very lightly or not at all to encourage economic activity. The global trade enabler expects to break ground on the 12 square kilometre project later this year. Located right next to the port, it will support the development of Berbera as a trading hub and generate jobs. Modelled on DP World’s Jebel Ali Free Zone in Dubai, the project targets a range of businesses including warehousing, logistics, traders and manufacturers. The first phase of construction is focused on a 4 square kilometre stretch of land. Future phases will be detailed in a concept plan together with projected capital investment required from DP World. Construction of each new phase will start once the previous has achieved 85% occupancy. The Jebel Ali Free Zone, also known as Jafza, commenced operations in 1985 with office units and warehouses available for lease. It hosts more than 7,000 global companies and includes approximately 100 of the Fortune 500 organisations. The free zone contributes 21 per cent of Dubai’s GDP on a yearly basis and it employs more than 144,000 people. In 2015, Jafza generated $87.6 billion worth of trade. DP World signed a 30-year concession agreement to manage the Port of Berbera in May 2016. Since September 2017, it has recorded a 40 per cent year-on-year increase in container volumes. $442 million has been allocated to the project with more expected for developing the Berbera Corridor, a road linking the port to Ethiopia. A 400-metre container terminal is already under construction along with upgrades to existing facilities and new equipment. Local workers are being sent to Thailand by DP World for training. Staff from operations, planning and administration departments will gain the required know how and skills to run a world class terminal. Upon their arrival in Thailand, a total of 713 permanent workers are to be met by Mr Alpesh A Sharma, the managing director of Laem Chabang port. “Over the course of one month our staff will be equipped with everything they need,” said Sharma. “The goal is to improve operations in the core business and increase revenue. Workers can then share the knowledge they learn with peers back in Berbera. They will broaden skills in all areas.” The Berbera Free Zone will offer global opportunities to foreign investors with many cost saving benefits. Companies are able to retain 100% ownership with no local sponsorship required. This often leads to higher productivity and an increase in employment. Encouraging foreign ownership also lowers prices and improves the quality of products. Businesses are able to repatriate capital and profits. Another reason investors choose to set up companies in a free zone is taxation. They are not required to pay corporate tax or personal income tax. There are also no taxable periods, assessments or returns imposed. Goods can be introduced free of import duty. These goods can be stored, moved, used and processed at a much lower cost with much lower taxes. However, shareholders must pay attention to the taxes they are subject to in their home country. Once complete, the Berbera Free Zone will offer readymade factories and warehouses. These state of the art buildings are located right next to the shipping yard which is ideal for businesses working in import and export. Companies can utilise Somaliland’s growing infrastructure, state of the art technology and have fast access to big markets. “Since DP World took over the running of the port, there have been many changes,” said Esmail Mahmoud, Head of Operations at DP World Berbera. “We’ve added a lot of equipment including three mobile harbour cranes. Six reach stakers have been installed, with three more on the way as well as empty container handlers, mobile cranes, internal terminal vehicles and forklifts. We are also using new software called Sodiaz.” Land in Berbera (including the free zone) is set to drastically increase in value over the coming years. The deal with DP World will benefit everyone in the Horn of Africa. Although Somalia are strongly against further construction and have deemed the agreements illegal, development doesn’t show any sign of slowing down. DP World is creating jobs and opportunities for the people of Somaliland at a fast pace. They have already donated $770,181 in the past 12 months to educational institutions, mosques and hospitals. The Berbera Free Zone is being built on a three-phase basis: Phase zero, phase one, and phase two. As part of phase zero, DP World are developing the existing terminal. This includes infrastructure, electricity and training facilities. Phase one begins in five months, and is expected to be completed in 2020. Source: – EABW
-
A number of journalists, including a senior AFP photographer, have died in a suicide attack in Kabul as a bomber disguised as a fellow cameraman detonated a second bomb at the site of an earlier explosion. At least 29 people died in the two explosions on Monday morning in the Afghan capital Kabul, according to government officials. The first blast took place at around at 8 a.m. local time in the Shashdarak area of the city, where the US embassy and Afghan government buildings are located, prompting journalists to rush to the scene. The second explosion came as the attacker, posing as a cameraman, detonated explosives as journalists huddled around the scene, Kabul City Police spokesman Hashmat Stanikzai told CNN. Eight journalists, including at least one woman, from different news media outlets died in the attack, according to Najib Sharifi, director of the Afghan Journalists Safety Committee. Sharifi had earlier reported that nine journalists had died, but later revised the figure. He did not elaborate on the number of injured press. A further 45 people were injured in the two incidents, and have been taken to city hospitals, according to Ministry of Public Health spokesman Wahid Majroh. Star photographer killed French news agency Agence France Presse confirmed that its photographer Shah Marai was among the dead. The agency said Marai joined AFP as a driver in 1996, the year the Taliban seized power, and in 2002 he became a full-time photo stringer, rising through the ranks to become chief photographer in the bureau. AFP Global News Director Michele Leridon released a statement on the death of the long-serving photographer. “This is a devastating blow, for the brave staff of our close-knit Kabul bureau and the entire agency. Shah Marai was a treasured colleague who spent more than 15 years documenting the tragic conflict in Afghanistan for AFP.” He leaves behind six children, including a newborn daughter, AFP said. In an essay entitled “When Hope is Gone,” written in 2016 — before the birth of his sixth child — he acknowledged the danger of living in the city with his young family. “I don’t dare to take my children for a walk. I have five and they spend their time cooped up inside the house. “Every morning as I go to the office and every evening when I return home, all I think of are cars that can be booby-trapped, or of suicide bombers coming out of a crowd. I can’t take the risk.” The site of the explosion was close to NATO’s Afghan headquarters, the US embassy and Afghan government buildings, including the Presidential palace, the Defense Ministry and the headquarters of Afghanistan’s intelligence services. US Ambassador John Bass condemned the attack. “I condemn today’s terrible Kabul attack (and) reaffirm our commitment (to) stand with the Afghan people in their fight for peace (and) security across Afghanistan. We mourn for those murdered, including the brave journalists who stand for truth in the face of violence,” he wrote on Twitter. Spate of attacks Afghanistan has seen a spate of attacks in recent weeks. Just days ago at least six people were killed, including two Afghan soldiers, when a car bomb exploded in Afghanistan’s southern Helmand province. On April 22, a suicide blast killed 57 people — including at least five children — and wounded over 100 more at a voter registration center. That attack was preceded by a car bombing in southern Afghanistan in which at least 13 people were killed and 35 others injured. The incident took place outside a sports stadium in Lashkar Gah, the capital of Helmand province. A wrestling match was taking place inside the stadium at the time of the attack. The uptick in violence comes despite reports around six weeks ago that suggested some factions of the Taliban had expressed interested in pursuing peace talks with the Afghan government. Those reports came on the heels of an Afghan government announcement in February that it would be willing to recognize the Taliban as a legitimate political party as part of a potential ceasefire agreement with the Islamist militant group. Source: – CNN
-
The Somali Parliament has elected a new speaker to replace Mohamed Osman Jawari resigned in a bitter dispute with Executive members led by Prime Kheire in March. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman has been elected to head the People’s House of the Federal Parliament of Somalia in the third round following the withdrawal two candidates. Mr. Mursal has garnered 147 votes during Monday’s election which participated by 266 MPs, emerging ahead of Ibrahim Isack Yarrow who got 118 votes Following his election, he will guide the House for the next three years. Abdirahman who was elected from Southwest state has been serving as country’s Defense minister till last week when he resigned from the post to stand for the election. Full Results: Mohamed Mursal: 93 votes Ibrahim Isack yarow: 69 votes Abdiaziz Hassan Lafta-green: 54 votes Ali Sheikh Mohamed: 16 votes Shariif Mohamed Abdalla: 19 votes Salim Aliyow Ibrow: 7 votes Mohamud Moalim Yahye: 7 votes Idris Abdi Takhtar: 3 votes Iman Abdullahi Ali: 3 votes Shariif Sheikhuna Maya: 5 votes. Shariif Mohamed Abdalla: 19 votes
-
Adkeysiga iyo aamusnaantu waa nuuc ka mid ah gumacyada siyaasadda, isticmaalka dadkalana waa xagal siyaasadeed oo natiijada shacabka si dadban loogu ogaan karo. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa saacidihii lasoo dhaafay, wuxuu daqiiqad daqiiqad dadka ugu sheegayay inuu naxsan yahay, waliba si daran. Ilaa intee ayuu wax ka badali karaa hadal Facebook lagu qoray go’aanka qof xildhibaan ah oo lacag, xil ama xisaab beeleed wax ku jaangooyay xili hore ? Siyaasiga aan xilheynin caadiyan waa mucaarad, laakiin ismiidaminta Cabdiraxmaan gunaanadkeedku ma fiicna. Farmaajo waxaa u dhiman wax 1000 (kun) habeen ka yar, xisaabtan waxaa la socda siyaasiyiinta ku kalsoon in 2021 la dooran karo. Kuma jiraan kuwa u tababaran hab dagaaleedka Baraha Bulshada. Tallo ——- Anigoo og inaad iga cilmi badan tahay balse aanan ogeyn farqiga noo dhaxeeya aniga iyo kuwa kula taliya, hadanna waxaan kugu boorin lahaa inaad joojiso isticmaalka dalku dagaal ayuu ku laaban karaa. Mar walba oo aad isticmaasho weedha “Dagaal” xitaa kuwa cabsan magacaaga ma heystaan mar marsiyo ay kugu difaacan. Hadii aad taa been u aragto, dib u eeg falcelinta laga bixiyo qoraalada aad raaciso “Dalka dagaal ayuu ku laaban karaa/doonaa. Mucaarad iyo muxaafid midna lagama iibin karo xiligaan dib ugu noqosho dagaal. Waxaan rajeynaya inaad isticmaali doonto hab taa ka duwan oo aad dadka ku kiciso. 8 Cabdulaahi Cismaan Faarax
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka. “Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa. –DHAMMAAD– Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka,Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka. “Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo doorta Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan durba waxaa bilaabatay in looga faceliyo baraha Bulshada. Maxamed Mursal ayaa helay codad gaarayo illaa 147 Cod halka Ibraahim Isaaq Yarow oo ahaa shakhsigii wareegga labaad kula tartamayey ayaa helay isna 118 cod. Inta intooda badan waxay muujinayaan soo dhaweyn ku aadan guddoomiyaha cusub, inkastoo dadka qaarna ay ka hor imaadeen. Inta badan dadka falcelinta sameenayo ayaa si cad u muujinayo inay Xukuumadda Guuleystay maadaama ay iyada wadatay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah dadkii Facebook kaga falceliyey doorashadaan oo aan kasoo qaadanay qeyb yar oo kamid ah:
-
Mogadishu (HOL) - The Somali Parliament has elected a new speaker to replace Mohamed Osman Jawari resigned in a bitter dispute with Executive members led by Prime Kheire in March. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia oo maanta ka dhacday xarunta baarlaaanka DF ee Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa 10-kii musharrax oo u tartamay xilkan. Mursal ayaa helay 147-cod, halka musharraxii la tartamayay Ibraahim Isaaq Yaroow uu isna helay 118-cod, kaddib markii ay ku tartmeen wareeggii ugu dabeeyay ee doorashada oo ahayd wareeggii saddexaad. Xildhibaannadii codadkooda dhiibtay ayaa waxay ahaayeen 266 xildhibaan oo goobjoog ka ahaa kulanka, iyadoo doorashada kaddib ay xildhibaannada la haleen labadii musharrax ee ku tartamay doorashadii ugu dambeysay. Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay inuu si wanaagsan u hoggaamin doono golaha inta uu xilka hayo, isla markaana ay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo inuu hawl wanaagsan qabto baarlamaanka. “Waxaan ku shaqeyn doonnaa hufnaan iyo cadaalad, waxaana idiin xaqiijinayaa inaan ku shaqeyn doono qodobbadii aan baarlmaanka ka sheegay markii aan u tartamayay xilka,” ayuu yiri Mursal. Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahim Yaroow oo isagana goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay codeynta iyo natiijada kasoo baxday, uuna la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka loo doortay. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu bedeli doonaa guddoomiyihii xilka iska casilay Prof. Maxamed Sh. Cimsaan Jawaari oo cadaadis kaddib lagu qasbay inuu is-casilay. PUNTLAND POST The post Mudane Maxamed Mursal oo ku Guuleystay Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu yahay guddoomiyaha cusub ee golaha kadib markii uu helay 147 cod halka Xildhibaankii la tartamaayey ee Ibrahim Isaaq Yarow 118 cod. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikh Nololeedka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa uu ku dhashay Baydhabo 1957 Waxbarasho: Cilmiga bulshada, jaamacadda Culuumta iyo Tecknoljiyadda, Sanca, 2014 Dugsi sare Sheekh Aweys, baydhabo, 1983-84 Khibrad Shaqo: December 2017- April 2018: Wasiirka Gashaandhigga: 2016: Xubin Baarlamaanka 10aad Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka June 2012-July 2015: Safiirka Turkiga: Feb 2009- Oct 2011: Wasiirka Hantida qaranka iyo qalabeynta: 2009-2011: Xildhibaan Baarlamaanka 8aad 1993-1995: Guddoomiyaha ku-xigeenka degmada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com