Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,075
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka,Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka. “Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo doorta Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan durba waxaa bilaabatay in looga faceliyo baraha Bulshada. Maxamed Mursal ayaa helay codad gaarayo illaa 147 Cod halka Ibraahim Isaaq Yarow oo ahaa shakhsigii wareegga labaad kula tartamayey ayaa helay isna 118 cod. Inta intooda badan waxay muujinayaan soo dhaweyn ku aadan guddoomiyaha cusub, inkastoo dadka qaarna ay ka hor imaadeen. Inta badan dadka falcelinta sameenayo ayaa si cad u muujinayo inay Xukuumadda Guuleystay maadaama ay iyada wadatay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah dadkii Facebook kaga falceliyey doorashadaan oo aan kasoo qaadanay qeyb yar oo kamid ah:
  3. Mogadishu (HOL) - The Somali Parliament has elected a new speaker to replace Mohamed Osman Jawari resigned in a bitter dispute with Executive members led by Prime Kheire in March. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia oo maanta ka dhacday xarunta baarlaaanka DF ee Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa 10-kii musharrax oo u tartamay xilkan. Mursal ayaa helay 147-cod, halka musharraxii la tartamayay Ibraahim Isaaq Yaroow uu isna helay 118-cod, kaddib markii ay ku tartmeen wareeggii ugu dabeeyay ee doorashada oo ahayd wareeggii saddexaad. Xildhibaannadii codadkooda dhiibtay ayaa waxay ahaayeen 266 xildhibaan oo goobjoog ka ahaa kulanka, iyadoo doorashada kaddib ay xildhibaannada la haleen labadii musharrax ee ku tartamay doorashadii ugu dambeysay. Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay inuu si wanaagsan u hoggaamin doono golaha inta uu xilka hayo, isla markaana ay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo inuu hawl wanaagsan qabto baarlamaanka. “Waxaan ku shaqeyn doonnaa hufnaan iyo cadaalad, waxaana idiin xaqiijinayaa inaan ku shaqeyn doono qodobbadii aan baarlmaanka ka sheegay markii aan u tartamayay xilka,” ayuu yiri Mursal. Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahim Yaroow oo isagana goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay codeynta iyo natiijada kasoo baxday, uuna la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka loo doortay. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu bedeli doonaa guddoomiyihii xilka iska casilay Prof. Maxamed Sh. Cimsaan Jawaari oo cadaadis kaddib lagu qasbay inuu is-casilay. PUNTLAND POST The post Mudane Maxamed Mursal oo ku Guuleystay Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu yahay guddoomiyaha cusub ee golaha kadib markii uu helay 147 cod halka Xildhibaankii la tartamaayey ee Ibrahim Isaaq Yarow 118 cod. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikh Nololeedka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa uu ku dhashay Baydhabo 1957 Waxbarasho: Cilmiga bulshada, jaamacadda Culuumta iyo Tecknoljiyadda, Sanca, 2014 Dugsi sare Sheekh Aweys, baydhabo, 1983-84 Khibrad Shaqo: December 2017- April 2018: Wasiirka Gashaandhigga: 2016: Xubin Baarlamaanka 10aad Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka June 2012-July 2015: Safiirka Turkiga: Feb 2009- Oct 2011: Wasiirka Hantida qaranka iyo qalabeynta: 2009-2011: Xildhibaan Baarlamaanka 8aad 1993-1995: Guddoomiyaha ku-xigeenka degmada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu laabtay mandiqada Puntland, ka dib markii uu maalmo safar ah ku joogay dalkan Imaaraatka Carabta oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku aadan mashaariicda horumarineed ee Imaaraatka Carabtu kahayaan Puntland. Madaxweyne Gaas waxa garoonka diyaaradaha Bosaso ku soo dhaweyey Maamulka Gobalka Bari, kan Degmada Bosaso iyo bulshada Bosaso. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in safarkaas uu ahaa mid guul wanaagsan laga gaaray, wuxuuna sheegay in dhinacyada ay is arkeen oo dhan laga wada hadlay arrimaha ku saabsan mashaariicda horumarineed oo ay xooga saareen sidii meelmar looga dhigi lahaa iskaashiga labada dhinac. la soco warbixin dhamaystiran goor dhow Puntland Post insh allah Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Madaxweynaha Puntland oo Bosaso dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddomiyaha cusub ee baarlamaanka u doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ahaa musharax ay wadatay dowladda Soomaaliya. Musharaxaan ayaa ka guuleystay Ibraahim Isaaq Yarow oo ay isugu soo hareen wareegga labaad ee tartankaas kadib markii ay xildhibaanada kale is casileen. Sida aan wararka hordhaca ah ku heleyno Maxamed Mursal ayaa helay codad ku dhow ilaa 147 cod . halka Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 cod. Haddaba waxaa jirto hal arrin oo ay doorashadaan ka barteen xukuumadda Soomaaliya iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah. Waxaa maalmihii dambe socday loolan adag oo u dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo xildhibaano mucaarad ku ah, waxayna doorashadaan banaanka soo dhigtay isla markaasna ay is bartay mucaaradka iyo Xukuumadda. Maadaama sida ay rabtay xukuumadda Soomaaliya ay ka hor imaadeen illaa 118 xildhibaan, waxaa meeshaas ka cad inay dowladda Somaaliya gacanta ku heysan qeyb badan oo ka tirsan Xildhibaanadada Baarlamaanka waxayna midaan u tahay cashir ah inay ogaatay tirada Xildhibaanada ay heli karto. Dhank kale xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta soo bandhigay inay heystaan tiro badan oo xildhibaano ah inkastoo siyaasadda ay marba is badasho haddana waxaa muuqato inay jiraan xildhibaano badan oo ka hor imaan karo rabitaanka xukuumadda. 118 Xildhibaan maahan wax la yareysan karo, sidoo kale waxaa dhici karto inay kusoo biiraan XIldhibaano kale oo laga yaabo inay xukuumadda ka waayaan ballan qaadyo loo fidiyey ka hor doorashada Guddoomiyaha oo u dhacday sidii ay Xukuumadda rabtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddomiyaha cusub ee baarlamaanka u doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ahaa musharax ay wadatay dowladda Soomaaliya. Musharaxaan ayaa ka guuleystay Ibraahim Isaaq Yarow oo ay isugu soo hareen wareegga labaad ee tartankaas kadib markii ay xildhibaanada kale is casileen. Sida aan wararka hordhaca ah ku heleyno Maxamed Mursal ayaa helay codad ku dhow ilaa 147 cod . halka Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 cod. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ahna sii hayaha xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada. Wuxuu sheegay inuu Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan. dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa khudbadaha musharixiinta.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Isku Tagga Shirkadaha Duulimaadka Rayidka ah ayaa ka codsaday Madaxda Sarre ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, inay soo farogeliyaan arrin musuq-maasuq baahsan salka ku haysa oo cirka isku shareertay maamlmihii ugu dambeeyey. Tan iyo bilowgii bishii March ayaa waxaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed wadday qorshe ay seddaxda shirkadood ee duulimaadka Blue Bird Aviation, Skyward iyo Golden Star ugu wareejineyso xuquuqda xamuulka qaadka, iyadoo shirkadahaan si gaar ah loogu ogolaaday inay qaadka keeni karaan gobolka Banaadir iyo gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe. Arrintaani waxay caqabad ku noqotay shirkadaha kale ee keena qaadka, qaasataan Isku Tagga Shirkadaha Duulimaadka Rayidka ah, kuwaasoo ay leeyihiin ganacsato yaryar oo isku tegay, waxayna ku eedeeyeen Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada inay xuquuqdoodii ku tunteen. Qorshahaan, ayaa waxaa loo arkaa mid ay dabada ka riixayaan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle), kuwaasoo heshiis hoose la galay shirkadaha duulimaadka Blue Bird Aviation, Skyward iyo Golden Star – Maamulka Isku Tagga Shirkadaha Duulimaadka Rayidka ayaana cod-dheer kaga dalbaday Madaxda Sarre ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wax ka qabtaan arrinkaan. Tani waxay kusoo beegmeysaa xilli shalay uu Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka digay halista musuq-maasuqqa iyo nin-jecleysiga, iyadoo uu ku hanjabay inay dowladdu xafiisyadeeda ka raacdeyn doonto shaqsi walba oo lagu helo masuq-maasuq.
  10. Muqdisho (PP) ─ Laba musharrax oo ka mid ah musharraxiintii u soo gudbay wareegga labaad ee doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay ka tanaasuleen tartanka wareegga labaad ee doorashada. Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 16-cod iyo Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] oo isna helay 55-cod ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen inay sii tartamaan, iyagoo u mahad-celiyay xildhibaanadii codkooda siiyay iyo kuwii aan siin. “Kursiga guddoomiyaha baarlamaanka waa mid u baahan mas’uuliyad weyn; isla markaana loo baahan yahay inuu qabo mas’uul aqoon iyo karti leh, waayo waa kursiga meteli kara xilka madaxweynaha Somalia, waayo wax walba ayaa dhici kara,” ayuu yiri Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka hadlay goobta. Sidoo kale, C/casiis Lafta-gareen oo aan hadalka badin ayaa sheegay inuu u rajeynayo in guddoomiye hoggaamin kara baarlamaanka uu maanta soo baxo, wuxuuna xildhibaannada ku boorriyay inay waajibkooda gutaan. Intaas kaddib Guddoomiye ku xigeenka Aqalka hoos ee Baarlamaanka, ahna ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka Somalia C/weli Sheekh Ibraahim oo ka hadlay fadhiga ayaa sheegay in loo gudbay wareeggii saddexaad, isla mar ahaantaan ay labada musharrax ee tanaasulay u fududeeyeen hawsha. Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa ku tartami doona labada musharrax ee kala ah; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo helay 83-cod iyo Ibraahim Isaaq Yaroow oo isna helay 69-cod. Ugu dambeyn, wareeggan ayaa wuxuu noqon doonaa midka ugu adag ee doorashada, iyadoo musharraxii kusoo baxa uu bedeli doono guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof. Jawaari oo is-casilay kaddib cadaadis la saaray. PUNTLAND POST The post Murashaxiin ka baxay doorashada & Wareega Saddexaad ee Doorashada oo billowday appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharaxiinta wareega koowaad galay kaalmaha 3aad iyo 4aad ayaa ka tanaasulay tartankii wareega labaad, iyagoo fududeeyay, waqtigana eegay, si aanu tartanka u dheeraan. Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa sheegay inuu tixgelinayo Xildhibaanada qaar oo ka codsaday inuu tanaasulo, sidaas uu ku go’aansaday inuu fududeeyo, waxaana uu ku taliyay in la doorto shaqsi ka bixi kara mas’uuliyadda uu leeyahay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka. Sidoo kale C/casiis Lafta Gareen oo ah Musharaxii kaalinta 3aad galay ayaa isna ka mahad celiyay Xildhibaanadii siiyay cododka, isla markaana ka tanaasulay inuu u sii tartamo wareega labaad. Haatan waxaa la guda galayaa wareega labaad oo ay ku tartami doonaan Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow.
  12. Muqdisho (PP) ─ Waxaa goor-dhaw lasoo gaba-gabeeyay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia, taasoo billaabatay saakay, waxaana musharraxiintii ku tartamayay ay tiradoodu ahayd 10-xildhibaan, kaddib markii uu is-casilay Sheekh Aadan Madoobe. Doorashada aya waxay u gudbi doontaa wareegga labaad, kaddib markii la waayay musharrax hela codadkii looga baahnaa, waxaana musharraxiintan ugu cad-cad afar musharrax oo wareegga labaad ku tartami doona. Markii lasoo Gunaanaday doorashada qaybteedii hore ayaa waxay xubnaha baarlmaanku aadeen salaad iyo qado, iyadoo goor-dhaw lagu wado inay billaabato wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha baarlamaanka Somalia. Haddaba, Musharraxiintii ku tartamay doorashada ee tobanka xubnood ahaa ayaa waxay codadka u kala heleen sidan; Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo helay 83-cod Ibraahim Isaaq Yaroow oo helay 69-cod Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen oo helay 55-cod Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 19-cod Cali Sheekh Maxamed Nuur oo helay 16-cod Saalim Caliyoow Ibroow oo helay 7-cod Maxamuud Macalin Yaxye oo helay 7-cod Shariif Sheekhuna Maye oo helay 5-cod Idris Cabdi Takhtar oo helay 3-cod Iimaan Cabdullaahi Maxamed oo helay 3-cod Wareegga labaad ee cod-bixinta ayaa noqon doona mid adag iyadoo haddi lagu kala bixi waayo ay noqonayso in loo gudbo wareegga saddexaad oo ay ku tartami doonaan labada musharrax ee ugu codka badan. Natiijooyinka doorashada socota waxaad kula socon doontaan wararkeena soo socda hadii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Wareegii Koowaad ee Doorashada Guddoonka Cusub ee Baarlamanka oo lasoo Gunaanaday appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa soo idlaatay tirinta codadka wareegga koowaad ee Doorashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ahna sii hayaha xilka Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa ku dhawaaqay natiijada. Muudey ayaa sheegay inuu kooramka Xildhibaanada ahaa 266 Xildhibaan oo maanta xaadir kusoo moqday kulanka baarlamaanka. Wareegga koowaad waxaa ku tartamaya 10 musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha, waxaana isla wareega ku guuleysan lahaa musharaxii hela aqbaliyadda codadka xildhibaannada oo ah 139, taasoo aan hadda muuqan. Waxaa codadka la tiriyey ugu horeeyay Tirinta codadka ayaa waxaa ka muuqata inaysan cidna heli doonin aqbaliyad iyadoo ay isku dhow yihiin saddexda musharax ee Maxamed Mursal C/raxmaan, Ibraahim Isaaq Yarow, iyo C/casiid Laftagareen. 1 -Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan 83 2- Ibraahim Isaaq Yarow 69 3- C/casiis Xasan Maxamed 54 4- Shariif Maxamed Cabdalla 19 5- Cali Sheekh Mohamed Nur 16 6- Imaan cabdullaahi Cali 3 7- Idiris Dhakhtar 3 cod 8- Shariifunaa Maye 5 cod 9- Maxamed Macalin Yaxye 7 10- – Saalim Caliyow Ibraahim 7 cod
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya ayaa si toos ah uga socoto xarunta baarlamaanka ee Magalaada Muqdisho. Doorashadaan oo ah mid aad u adag isla markaasna ay ku tartamayaan ilaa 10 Musharax ayaa la filayaa inay maanta soo dhammaato isla markaasna lasoo doorto Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka. Haddaba halkaan hoose ka daawo Doorashada oo Live ah
  15. Kabul, Afghanistan (CNN)A number of journalists, including a senior AFP photographer, have died in a suicide attack in Kabul as a bomber disguised as a fellow cameraman detonated a second bomb at the site of an earlier explosion. Source: Hiiraan Online
  16. As soon as president Farmajo is inaugurated, the prime ministerial hopefuls started campaigning and after a long deliberation of the president’s circles, the uncanny bystander, Hassan Kheyre, is selected. In fear of strong opposition from the powerful Mogadishu residents whose choice of prime minister is not honoured, Farmajo conducted a series of preemptive steps to suppress and eliminate the political dissidents. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaargarowga Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa xarunta baarlamaanka, waxaana xildhibaannada ay bilaabeen inay halkaasi tagaan. Xaalada amniga ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la xiray wadadda Maka Almukarama iyo wadooyinka gala xarunta Baarlamaanka oo loo diiray dadka iyo Gadiidka, iyadoo halkaasi la geeyay ciidamada Booliska, NISA iyo kuwa AMISOM. Doorashadan oo ay ku loolamayaan 11 musahrax ayaa la sheegay inay ugu cadcad yihiin Seddex Musharax oo kala ah: 1- Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal 2- Musharax Ibraahim Isaaq Yarow 4- Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Seddexdaan musharax ayey u badan tahay inuu midkood noqon doono Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa musharixiinta ugu cad cad kamid ah oo laga yaabo inay codad fiican helaan wareegga koowaad Shariif Maxamed Cabdalla Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) Madaxooyada iyo Xukumadda ayaa ku mideysan inuu guddoomiye noqdo wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal, iyadoo uu ka mid yahay musharixiintau ugu horeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa digniin u diray xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta dooranaya guddoomiye cusub, kadib markii uu cadaadis la saaray uu isu casilay guddoomiyihii hore Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. C/raxmaan C/shakuur ayaa farriin uu diray ku sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay doorashada Gudoomiye kala sooci kara awooda Golaha Shacabka iyo Xukuumada. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo saacadaha soo socda dhici doono. “Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa saakay marti uga nahay doorashada Guddoomiye kala sooci kara awooda golaha shacabka iyo Xukuumadda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Waxaa uu ka digay in awooda Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay galaan hal gacan, isagoo ugala jeeday in la doorto Musharax ay wadato Madaxtooyada. “Hadii ay hay’adda sharci dejinta iyo laanta fulinta galaan gacanta hal ruux xoriyad ma jiri karto ,waxaa badanaya cabsida iyo argagax gelinta, waxaa la dejinayaa sharciyo kali talisnimo oo loo fuliyo si kali talisnimo”ayuu yiri. Illaa 11 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa Musharaxiinta ku jira xubno ay wadato Madaxtooyada, waxaana jira walaac ku aadan haddii la doorto cida Madaxtooyada iyo Xukuumadda wadato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya horayna u soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ka tanaasulay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Sh. Aadan Madoobe ayaa goordhow sheegay in uu ka tanaasulay xilkaasi, waxaana hadda isku soo haray 10 Musharax oo doonaya in xilkaasi ay ku guuleeystaan. Waxaa hadda si toos ah u socoto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu kala bixi doono. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Aadan Madoobe oo ka tanaasulay u tartamida Gudoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Doorashada Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka socota Xarunta Golaha shacabka,waxaana hadda tartanka isaga baxay Xildhibaan Aadan Aadan Maxamed Madoobe. Guddiga doorashada ayaa waxaa ay sheegeen in haddii tartanka uu isaga baxo qof ka mid ah Musharrixiinta dukumiintiyada doorashada dib loo daababacayo. Guddiga ayaa xaqiijiyay in ay hadda daabacayaan Warqadaha 10 musharrax oo tartanka ka qeybgelaya iyada oo ay billaabaneyso waxyar kaddib. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka C/Wali Sheekh Muudeey ayaa sheegay in kulanka ay fahdiyaan 262 Xildhibaan,wax ka badanna an la arki karin. Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in goordhow la guda geli doono codeynta balse dib loo soo daabacayo Magacyada musharixiinta maadaama uu tanaasulay Sheekh Aadan Madoobe.
  21. Mogadishu (HOL) - Over 100 soldiers from the self-declared state of Somaliland have defected to the semi-autonomous regional state of Puntland, according to a confirmation statement made by Puntland military officials on Monday. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia iyo Murashaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku xarooday Hoolka ay doorashada ka dhici doonto. Mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaaanka kana tirsan Guddiga Doorashada ayaa inoo xaqiijiyay inuu buuxsamay Kooramka, waxa uuna tilmaamay in Xildhibaanada codeyneysa ay diyaar u yihiin cod bixintooda. Waxa uu intaa ku daray in Xildhibaanada hadda xaadirtay Xarunta ee diyaarka u ah doorashada ay gaarayaan 261 Xildhibaan. Guddiga ayaa sheegay in si rasmi ah ay u bilaabi doonaan doorashada, isla markaana ay ku saleyn doonaan doorashada nidaam sax ah oo ay ku qanci doonaan Musharaxiinta. 11 Musharax ayaa u taagan tartanka doorashada kuwaa oo isugu jira kuwo heysta taageero iyo kuwo aan heysan wax taageero ah. Ma cadda cida ku guuleysan doonta doorashada waxaase jira warar sheegaya in ilaa laba Musharax ay wadato Xukuumada Somalia.
  23. The post TOOS U DAAWO: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda Socoto appeared first on Puntland Post.
  24. Amber Rudd has resigned as home secretary, saying she "inadvertently misled" MPs over targets for removing illegal immigrants. Source: Hiiraan Online