-
Content Count
206,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Somalia, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka. Guddi ka kooban Wasaaradda iyo labada Guddi ayaa waxaa dhawaan loo xilsaaray agaasimidda Shir-weynaha Qaran, iyaga oo maalmahanba lahaa shirar joogta ah. Hay’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxay go’aansadeen in Shir-weynaha Qaran uu qabsoomo 13 – 15 bishan Maajo, sida la qorsheeyayna waxaa ka soo qaybgeli doonaan in kabadan 300 oo qof. Sidoo kale, Ka qayb-galayaasha Shir-weynaha Qaran ayaa ka koobnaan doona xubno ka socda laamaha Garsoorka, Sharci-dejinta iyo Fulinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Waxaa xusid mudan iyada oo maanta ay ahayd Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo dhamaan Shaqaalaha dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqeynba ay fasax ku jireen, in Gudigga Shir-weynaha Qaran qabanqaabinaya ay lahaayeen shirar joogta ah si loo qabto Shir-weyne Qaran oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay islamarkaana si wanaagsan ku soo dhamaada. PUNTLAND POST The post Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka Somalia oo dhawaan ka dhacaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Real oo u dabal-dageysa guusha ay gaareen. Kooxda Real Madrid ayaa gaartay sanadkii saddexaad oo xiriiir ah ugu danbaynta (final) tartanka horyaalada kooxaha Yururb ee Champions League-ga, kadib markii ay Bayer Munich la gashay barbaro 2-2 ah. Kulankan oo ahaa is araga labaad ee afar dhammaadka tartanka xiisaha badan ee Champions League-ga waxa uu ka dhacay garoonka Real Madrid ee Santaigo Bernabeu, waxayna wadar labada kulan ku soo baxday Real 4-3, maadaama ay Bayer Munich is aragii hore uga soo adkaatay 2-1. Bayer Munich oo ciyaar xiiso badan soo bandhigtay isku dayo badan oo goolal loo filan karayna sameysay ayaa ku guuldareystay in ay guul ka gaarto Real Madrid, oo sidaan oo kale sanadkii hore ku reebtay siddeed dhammaadkan tartankan. Bayern Munich ayaa rajadeeda si wayn sare ugu soo qaaday daqiiqadii 3-aad ee bilowgii ciyaarta, kadib markii uu difaaca midig ee Kimmich uu si la mid ah is aragii hore kooxdiisa goolka furitaanka u dhaliyay. Balse Benzema ayaa kooxdiisa Real Madrid u keenay laba gool qadiiqadihii 11-aad iyo 46-aad, oo mid u muuqday in uu ahaa hadiyad ay bixisay Bayer, markii khalad uu sameeyay goolhaye Ulreich. Real Madrid ayaa waxaa walwal ku abuuray laacibkoodii hore ee James Rodriguez, markii uu goolka barbarha u dhaliyay kooxdiisa Bayer Munich daqiiqadii 63-aad, markaas oo ciyaartu noqotay 2-2 oo hadii gool kale laga dhalin lahaa Real Madrid ay sidaas ku hari lahayd. Balse nasiibka tababare Zidane iyo dadaal ay sameeyeen difaacyada iyo goolhaye Navas ayaa sababtay in ay ciyaartu ugu danbeyn ku dhamaato barbaro 2-2 ah, oo ay Real Madrid ugu soo baxdo ugu danbaynta (final) tartanka horyaalada kooxaha Yururb ee Champions League-ga sanadkii saddexaad oo xiriir ah. Real Madrid ayaa ugu danbaynta (final) tartankan 26-ka bishan May dalka Ukraine kula ciyaari doonta Liverpool iyo Roma midkood tii caawa soo baxda. PUNTLAND POST The post Real Madrid oo sanadkii saddexaad oo xiriir ah u soo baxday ugu danbaynta koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium-ka ayaa maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya. Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa shir gudoomin doono Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa xalay xili dambe gaaray Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium. Shirkaan oo ah mid muhiim ah ayaa looga hadli doono Arimaha wadanka Soomaaliya waxaana ka soo qeeybgali doono xubnaha beesha caalamka. Shirkaan ayaa gaba gabadiisa laga soo saari doonaa war muriyeed ku saabsan waxa looga hadlay shirka. Arimaha ugu xasaasisan ee shirkaasi looga hadlayo waxaa kamid ah ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliya dalka oo dhan amnigiisa u la wareegi lahaayeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kheyre oo shir gudoomin doono shir ka dhacaya Brussels appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay meel xun sii gaareyso dhibaatada ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay Hey’adda Hormuud Foundation ku dhawaaqday inay 100,000 oo Dollar (Boqol kun oo Dollar) ugu deeqday Dadka ay daadadka saameeyeen. Hey’adda Hormuud Foundation ayaa sheegtay inay lacagtaan gaarsiin doonto dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne, waxayna lacagtaan hordhac u tahay gargaar Bini’aadanimo oo ay hey’adda ku garab istaageyso dadka ay sida weyn u sameysay daadadka uu sameeyey Wabiga. War Saxaafadeed kasoo baxay Hey’adda Hormuud Foundation ayaa lagu yiri ” Ugu horreyn waan u duceyneynaa dadka ay daadadka saameeyeen ee ku sugan Magaalada Beled-Weyne, waxaan ugu baaqeynaa Dadkaan ay dhibaatadu gaartay inay ku sabraan isla markaasna ay muujiyaan dulqaad” ” Waxaan kharashkaan oo hordhac ah ugu talo galaynay in aan ku caawinno bulshadaas ku dhaqan Baladweyne, maadaama ay halkaas ka jirto musiibo u baahan in laga shaqeeyo sidii looga saari lahaa dadkaas” ” Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay iscaawiyaan, si gaar ahna loo garab istaagi dadka hadda ay saameysay daadadka kuwaas oo ay heysato hooy la’aan, Raashin la’aan iyo duruufo Bini’aadanimo”. Hey’adda Hormuud Foundation ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo lacagtaas ugu qeybiso Magaalada Beledweyne dadka saameynta xooggan ku yeelatay daadadka kusoo fatahay Magaalada oo sababay inay isaga qaxaan ilaa 100 Kun oo Qoys halka ku dhawaad 30 kun oo guri ay baaba’een sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Deeqda lacageed ay Hey’adda Hormuud Foundation ugu deeqday dadka ay daadadka saameeyen ayaa kusoo aadeyso iyadoo safar uu Madaxweynuhu Maalin ka hor ku tegey Beledwdeyne ku tilmaamay Musiibo qaran isla markaasna uu ku baaqay in gargaarka deg deg ah lala soo gaaro. Hey’adda Hormuud Foundation ayaa looga bartay inay mar kasta Shacabka Soomaaliyeed la qeybsato dhibaatooyinka soo wajaho iyadoo ka qaadato kaalin muhiim ah waxayna weli shacabka Soomaaliyeed xasuustaan sidii weyneyd oo ay uga qeyb qaadatay musiibadii ka dhacday Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdsiho 14 october Sanadkii 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kooxda Cad cadka Spain ee Real Madrid ayaa xalay iska xaadirisay Finaalka Champion-ka kadib markii ay 4-3 ugu awood sheegatay kooxda Jarmalka ka dhisan ee Bayern Munich. Madrid ayaa hadda taagan Finalka Koobkaan iyada oo sugeeyso kooxda soo baxdo Roma ama Liverpool. Kooxda uu leeyliyo Zidaani ayaa sanadkii 3-aad oo xiriir ah u soo baxeeyso Finalka Koobkaan iyada oo ku guuleeystay Labadii sano ee la soo dhaafay. Real ayaa 12-sano ku guuleeystay Koobkaan iyada oo hadda rajeeyneeyso in ay kii 13-aad hadda ku guuleeysato. Ciyaartooyda Madrid ayaa si baalaran xalay ugu dabaaldagay Garoonka . Real Madrid players celebrate at the end of the UEFA Champions League semi-final second leg football match between Real Madrid and Bayern Munich at the Santiago Bernabeu Stadium in Madrid on May 1, 2018. / AFP PHOTO / JAVIER SORIANO PARTIDO VUELTA SEMIFINALES COPA DE EUROPA REAL MADRID-BAYERN DE MUNICH CELEBRACION DE LOS JUGADORES DEL REAL MADRID TRAS CLASIFICARSE PARA LA FINAL DE LA CHAMPIONS PARTIDO VUELTA SEMIFINALES COPA DE EUROPA REAL MADRID-BAYERN DE MUNICH CELEBRACION DE LOS JUGADORES DEL REAL MADRID TRAS CLASIFICARSE PARA LA FINAL DE LA CHAMPIONS Partido de Champions League entre Real Madrid y Bayern de Munich. Vueta de las semifinales de Champions League. Partido de Champions League entre Real Madrid y Bayern de Munich. Vueta de las semifinales de Champions League. Partido de Champions League entre Real Madrid y Bayern de Munich. Vueta de las semifinales de Champions League. Real Madrid’s players celebrate at the end of the UEFA Champions League semi-final second leg football match between Real Madrid and Bayern Munich at the Santiago Bernabeu Stadium in Madrid on May 1, 2018. / AFP PHOTO / OSCAR DEL POZO Real Madrid players celebrate at the end of the UEFA Champions League semi-final second leg football match between Real Madrid and Bayern Munich at the Santiago Bernabeu Stadium in Madrid on May 1, 2018. / AFP PHOTO / JAVIER SORIANO Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Real Madrid oo Markii Sadaxaad oo xiriir ah Finalka iska Xaadirisay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu wado qorsho xil cusub loogu magacaabayo Xildhibaan C/casiis Xasan Lafta Gareen. Xildhibaan Lafta Gareen oo garab u ahaa Xukuumada Somalia, ayaa ku guuldareystay doorashadii 30-ka Bishii April ka dhacday xarunta BFS ee magaalad Muqdisho. Qorshaha Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la xaqiijiyay inuu yahay in Xildhibaan C/casiis Xasan Lafta Gareen loo magacaabo Wasiirka Gaashandhiga Somalia. Lafta Gareen oo kamid ahaa Musharaxiinta ay wadatay Xukuumada ayaa markiisii hore lala galay heshiiskaasi, waxaana iminka lagu wadaa inuu bedeli doono Guddoomiye Maxamed Mursal oo isagu baneeyay xilkaas. Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada ayaa inoo xaqiijiyay in magacaabida Lafta Gareen ay dhici doonto wixii ka danbeeya xil wareejinta Guddoomiyaha baarlamaanka. Sidoo kale, mas’uuliyiinta aan xogtaani kasoo xiganay ayaa sheegaya in dhammaan Wasaaradaha banaan la buuxin doono maalmaha fooda nagu soo heysa, iyadoo ay calaameysan yihiin shaqsiyaadka loo magacaabi doono xilalkaasi. Xukuumada Somalia ayaa wada qorsho dhinacyada mucaaradka iyo kuwa taageersan dowladaha shisheeye looga sifeynaayo xarumaha dowlada, waxa ayna tani qeyb ka tahay talaabada lagu magacaabi doono Lafta Gareen. Ma cadda sida uu arrinku noqon doono, waxaana jira mas’uuliyiin badan oo horay loogu ballanqaaday xilalka banaan, halka qaar kalane loo wado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A daring suggestion on Tuesday by trade unionist Francis Atwoli to extend President Uhuru Kenyatta’s role after the end of his fixed 10-year term “because he is young” was met with indignation by a section of Kenyans, who termed it “warped” and the brainchild of “hardliners” within and around State House. Mr Atwoli said that letting President Kenyatta, who will be 60 when he retires in 2022, go without any well-defined role in his retirement will be an exercise in futility as “his base will not accept it”. And, arguing that lack of enough senior positions within the Executive has been the driver of Kenya’s high-octane, often violent politics, the Central Organisation of Trade Unions (Cotu) Secretary-General called for an amendment of the Constitution to bring in an expanded structure. CONSTITUTION “We need to amend the Constitution,” Mr Atwoli told workers during Labour Day celebrations at Uhuru Park in Nairobi. “Let us use the Bomas Draft, because the problem we have now is exclusion. Not everyone can be president, (and so) the Constitution should be amended to accommodate more people.” As he embarked on a short philosophical argument on why this is the right time to start a national conversation on the post-Uhuru years — he said the unveiling of a 14-member team to spearhead the implementation of the March 9 handshake deal between President Kenyatta and opposition leader Raila Odinga was the bulwark needed to cushion the two after 2022 — Mr Atwoli did little to prepare his audience for the bombshell brewing within his chest. “If we do not amend the Constitution, where do you think Uhuru will go, and he is a young man?” he asked. “We must amend it and fix him somewhere, or he’ll start disturbing those who’ll take over.” DISMISSED The suggestion was immediately dismissed by Senate Majority Leader Kipchumba Murkomen and Tharaka-Nithi Governor Muthomi Njuki, who termed it “an insult to workers” as it had been made on the day the nation paused to celebrate and reward the labouring masses. “I urge Uhuru to look at respected leaders like (former US President Barack) Obama, who retired at 54,” Governor Njuki told the Nation on the phone. “If he does not want to destroy what has been a hard-fought legacy, he should not allow people to impose him on Kenyans after 2022.” The governor argued that while the President might not even be interested in the proposed roles or a continued stay after 2022, “some hardliners around him” were selling him the idea because they want to “hold onto power at the expense of democracy”. OPPOSE “I will oppose this kind of change because it is oppressive and selfish,” he promised. Mr Murkomen, a close ally of Deputy President William Ruto and the Elgeyo-Marakwet senator, described the suggestion to accommodate President Kenyatta as warped thinking and an attempt to “create jobs for those who are already in authority”. Mr Odinga, who was at Uhuru Park when Mr Atwoli made the suggestion, and whose party has backed calls for the reintroduction of a Prime Minister’s position, avoided the constitutional change debate in his speech. Mr Musalia Mudavadi, who was also at the venue, and who this weekend called for an expanded executive, also refused to comment on the matter. DIFFERENT TACTICS This, however, is not the first time politicians and national leaders have proposed carving a role for President Kenyatta from the executive when his second term ends. It has taken different forms and employed different tactics, including hushed conversations on whether to amend the Constitution to allow Mr Kenyatta to come back as Prime Minister or some other powerful title. Initially, the suggestion was to keep President Kenyatta in politics but only as Jubilee Party leader, but this has since mutated into political office with perks. “People want Uhuru to go home at 60 yet Raila is trying to be president at 75. Where do you want Uhuru to go?” Jubilee Party vice-chairman David Murathe, who was not available for comment yesterday, told the Sunday Nation in March, but insisted that his was a personal and not party position. Still, this was a loaded statement, especially because it came barely a week after Tiaty MP Kassait Kamket proposed a one-term, seven-year ceremonial president and a powerful executive Prime Minister who would hire and fire the Cabinet. BOMAS DRAFT Now Mr Atwoli is reviving that debate by proposing a re-examination of the Bomas draft constitution of 2005, which proposed the positions of President, Deputy President, Prime Minister and ministers at the top. The Prime Minister, who had to be the leader of the largest political party or coalition in the National Assembly, would be appointed by the President from among MPs with the approval of Parliament. The Premier was proposed to be the head of Cabinet with two deputy premiers, a maximum of 20 and a minimum of 15 ministers, and an equal number of deputy ministers. The ministers, the document proposed, were to be appointed by the President upon being nominated by the PM from among members of the National Assembly. Source: Daily Nation
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xabsi guri la dhigay Xildhibaano iyo Odayaal dhaqmeen dhowr ah. Xildhibaanada iyo Odayaasha ayaa la xaqiijiyay inuu Xabsi guri ka dhigay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kadib markii ay qaaden talaabooyin khaldan. Odayaasha xabsi guriga la dhigay ayaa tirro ahaan la sheegay inay gaarayaan ilaa 25 Oday dhaqmeed oo ka mida waxgaradka Dhuusamareeb iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka oo dhowr ah. Xildhibaan Cabdi Galad, ayaa kamid ah Xildhibaanada xiran ee ka tirsan Baarlamaanka Galmudug waxaana loo xiray dadaalo uu ugu jiray in odayaasha la soo daayo. Sidoo kale, Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa dhinacyadaasi ku eedeeyay inay hurinayeen colaado dhawaanahaani ka taagnaa Nawaaxiga Dhuusamareeb. Dhinaca kale, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan ka aamusi doonin talaabooyinka khaldan oo ay qaadayaan shaqsiyaadka aan la adeejin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A daring suggestion on Tuesday by trade unionist Francis Atwoli to extend President Uhuru Kenyatta’s role after the end of his fixed 10-year term “because he is young” was met with indignation by a section of Kenyans, who termed it “warped” and the brainchild of “hardliners” within and around State House. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah Khudbad ka jeediyo shirweyne ka furmaaya Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka. Shirka uu maanta Khudbada ka jeedinaayo R’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa marti ku ah Dowladaha saaxiibada la ah Somalia, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha ku yabooha Somalia. Shirkan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana diirada lagu saari doonaan arrimaha Somalia, gaar ahaan xiliga kala guurka. Qodobada shirka laga saarayo diirada ayaa waxaa kamid ah qorshaha ciidamada Somalia ay kula wareegi lahaayen amniga dalka iyo bixitaanka Ciidamada AMISOM. Shirka ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub, waxa uuna gogol xaar u yahay shir kale oo dhacaya bartamaha sanadkan. Cali Saciid Faqi, oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaara u leeyahay dowlada Somalia iyo shacabkeeda. Sidoo kale, Cali Saciid Faqi, ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay ka faa’ideysato fursadaha horyaal maadaama qodobada laga hadlaayo ay noqon doonaan kuwo diiwaanka galaaya. Dhinaca kale, shirka kadib Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wafdiga la socda ayaa kulamo khaas khaas ah la qaadan doona Madaxda ka qeybgalaaya shirka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaan soo xasuustay dhacdo i soo martay sannadki 1982 markaasoo nin profesoor ahaa oo talyani u dhashay yimid Xamar asagoo wada baaritaan arrimaha Somaliya. Wuxuu raadiyay turjubaan la shaqeeya, markaasa la ii keenay si aan ula shaqeeyo, waase ka cudur daartay waayoo waxaan ahaa shaqaale dowlada u shaqeeya oon fursad u heli karin howlaha iyo waqtiga ow u baahan yahay. Wuxuu i weydiiyay su’aal aanan weligey illaabin oo ahayd ” aaway dadki Muqdisho joogi jiray sanadihii lixdameeyada”.. markaasuu socdaal ku yimid lana kulmauy, sida uu sheegay, dad aad iyo aad uga duwan dadki markaas ku noolaa Muqdisho. Dhacdadaas waxaa i soo xasuusiyay heerka ay maanta mareyso arrinta Somaliya. Waxaa dalki taladiisa qabtay dad ka arradan shucuurti wadaninnimo oo diyaar u ah inay dalka oo dhan ku wareejiyaan ciddi xoogaa lacaga siisa. Waxay cudur daar ka dhigteen gobolkeyga ayaan u daneynayaa…waa been gobol iyo guri midna dan kama laha waxayna diyaar u yihiin inay xataa qoyskooda ku wareejiyaan ciddi xoogaa siisa. Waxaa soo baxay dad dareenki ka dhintay oo aan lahayn wax muqaddas u ah. Kuwa lagu magacaabaya Madaxda gobollada waa dad aad rakhiis u ah oo wax ka xaaraan ah aysan jirin…taasina waxaa ka xanuun badan inya ummaddi dalkaan lahayd qaarkood ay u xagliyaan ama la saftaan dowladu u tafa-xeytay inay dalkaan dumiyaan, kuna taageeraya xoogaa dhaqaale ah ay ka helaan in dalkooda baab’ana aysan waxba la ahayn. Ma la arki doonaa shacab weyne ka soo horjeesta Cabdiweli Gaas, Axmad Madoobe, Shariif Xasan, ina Cabdirashiid iyo ina Cabdishakuur iyo kuwa la midka ah ee ku jira barlamaanka iyo dowladda, tusiyana in dalkaani uu leeyahay dad u damqada una diyaara inay u dhintaan si looga badbaado burburka nagu soo fool leh oo ay maleegeyso dowladda Imaaraatka iyo inta ay ku adeegato oon dalkaan wax dan ah ka lahayn. Inta ay talada ka go’do maanta waa qurbajoog dibadaha ka yimid, kuwa aan weli tegina loo ballanqaaday in la geynayo meeshi ay rabaan si ay burburka baaxadda weyn ee soo bidhaamaaya uga badbaadaan iyaga iyo qoysaskooda…waa haddii ay qoys dan ka leeyihiin!!! Dhinaca kale, Imaaraatka eedda ma wada laha oo waxaa la wadaaga dadka dowladda ugu sarreeya oo iygaba sida kuwa aan soo sheegnay afkoodu furan yahay sida shimbiraha oo wada raba in afka wax loogu rido loona buuxiyowaana loogu riday mana jiro midkood ka hadli kara ama ka jawaabi kara hadallada gurracan ee ka soo baxaya Cabdiweli Gaas..Si faahfaahin dheeraadka looga bixiyo muxuu M/weyne Farmaajo u saxiixi waayay go’aanki Barlamaanka ee DP World..muxuuse Xasan Kheyre jawaab uga bixi waayay hadalaki Gaas. Mase waa la wada shibiyay? Waxaa maqaalkaan ku lifaaqan qoraalo hore oo cinwaankoodu ahaa: SOMALIYA DAL AAN DAD LAHAYN 1&2. Axmad Calasow
-
Inkasta oo aan taageersanahay in dalku uu mar walba yeesho mucaarad indhaha shacabka tusa god daloolooyinka dawladnimo ee ay arkaan, hadana waxaa mudan in qaybaha hogaanka u ah mucaaradku ay shacbiga la qaybsadaan fikrado la aqbalikaro. Doorashadii gudoomiyaha cusub ee golaha Shacabka waqti yar uun ka hor waxa baraha bulshada lagula xidhiidho ee madaxda mucaaradka lagu soo qoray, in baarlamaanka Soomaaliya ay u hiiliyaan cadaaladda, dalkana laga bad baadiyo in uu gacanta u galo shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo maroorsada awooda dalka. Waxayna arinkaas ku fasireen in hadii la doorto cidda ay wadato dawladdu ay meesha ka baxayaan awoodihii isu dheelitirnaa( checks and balance system), iyagoo ku booriyey baarlamaanka in la dhawro kala qaybsanaanta awoodahaas( Separation of powers). Hadaba su’aasha is weydinta mudan ayaa ah, isu dheelitirka awoodaha dawladnimo ama kala saarista awoodahaasi ma in ay dalka hogaaminayaan siyaasiyiin aan isku jiho u soconbaa? Mise macnaha dhabta ihi waxa weeye in marka la joogo dhanka Dastuurka ay qolo waliba leedahay awoodo aanay ku soo xad gudbikarin qolada kale? Waa kan Montesquieu oo ku qeexaya buugiisa Separation of powers, wuxuu leeyahay sidatan; Kala saarista awoodaha, waxaa loola jeedaa kala qaybinta mas’uuliyadaha ee laamaha kala duwan si loo yareeyo in laan kamida ay ku takrifasho awoodaha ama shaqooyinka muhiimka ah ee takale. “Separation of powers, therefore, refers to the division of responsibilities into distinct branches to limit any one branch from exercising the core functions of another. Sidaa awgeed, doorashada gudoomiye ku mabda’ dhaw xukuumadda talada haysa, macanaheeda maahan in lakala dhantaalay awoodihii isu dhignaa, dalkana loo gacan geliyey koox aan wax mucaarad ahi ka soo dhex fujaameyn. W/Q: Rufaaci Xaaji Khaliif Contact: rufaaci14@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ay baahiyeen Wargeysyada dalka Iran ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Iran ay ka dharagsan tahay qorshahay uu Mareykanku doonaayo inuu isaga horgeyo Sacuudiga iyo Iran. Ayatollah Ali Khamenei, oo ah Hoggaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran oo ay xiganayaan wargeysyada ayaa sheegay in Maraykanka uu wado duulan kadhan ah Iran. Waxa uu tilmaamay Khamenei in qorshaha cad ee Mareykanka uu yahay in Iran uu u adeegsado xulafada uu gobalka ku leeyahay, waxa uuna si toosa u carabaabay Sacuudiga. Waxa uu yiri Khamenei “Maraykanka wuxuu wadaa inuu mar kale xiisad ka abuuro Bariga Dhexe, isagoo adeegsanaya hogaamiyayaasha aan khibrada lahayn” Khamenei, waxa uu intaa raaciyay ‘’Iran awood ahaan Mareykanka iyo Sacuudiga wey isaga filantahay, cidna ugama xishoon doono difaaceena’’ Waxa uu intaa ku daray ‘’Hadii ay hogaamiyayaashaasi ay khibradooda kororsan lahaayeen iskuma dayeen inay faraha lasoo galaan ama dagaal kusoo qaadaan Iran, sababtoo ah way ogaan lahaayeen in Iran ay ka guuleysan doonto’’ Waxa uu Khamenei tilmaamay in Iran aysan joojin doonin taageerada ay u fidiyaan xulafadooda ku sugan dalalka Carabta, waxa uuna carab ***** joojinta kaalmooyinka Iran oo burburta. ‘’Waxaan leeyahay adeegsada Sacuudiga ama dalal kale marnaba joojin meyno kordhinta awooda Hubkeena iyo kaalmeynta dalalka carabta’’ Sidoo kale, Khamenei ayaa sheegay in haddalka Maraykanka uu sii xoojinaayo xiisada kala dhexeysa, waxa uuna ka digay in dowladaha carabta ay ku kadsoomaan dabinada uu maleegayo Mareykanka. Dhinaca kale, goodinta Khamenei iyo Mareykanka ayaa imaaneysa xili 12ka bishan May la filayo in Maraykanka uu shaaciyey go’aankooda ku aadan heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo uu Donald Trump sheegay inuu isaga bixi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaji Axmed Mursal, waxa uu Xarunta Villa Somalia ka shaqeynaayay muddo 64sano, waxa uuna ku takhasusay arrimaha beeraha oo uu qaabilsanaa. Xaaji Axmed Mursal, oo ka sheekeynaaya waxa uu kusoo arkay Villa Somalia xiligii hore ayaa sheegay inuu goobjoog ka ahaa siibista calanka Talyaaniga iyo suritaanka calanka baluuga ah ee Somalia. ‘’ 1960-kii aniga inta ayaan joogay habbeenkii markii la gaaray 6saac ayaa labada calan la kala bedelay calankii Somalia ayaa kor loo qaaday kan Talyaanigana hoos ayaa loo dhigay” Waxa uu Xaaji Axmed Mursal tilmaamay inuu goobjoog ahaa xiligii la taagaayay calanka Somalia, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in Somalia ay saldhig u ahaan jirtay gumeystaha Talyaaniga. Xaaji Axmed Mursal, waxa uu muuqaalkaan cusub ku sheegay in waligii uu ahaa Madaxa beeraha Villa Somalia, wuxuuna carab ***** in dhammaan geedaha waaweyn ee ku yaalla Madaxtooyada uu gacantiisa ku abuuray. ‘’Haddii aan sheego geedaha aan abuuray 20,000 wey ka badan yihiin 1954 geed ma jirin wixii geed oo weyn ah aniga ayaa ku beeray’’.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay kusii nagaan doonaan gudaha Somalia, inta ay kasoo kabanayaan ciidamada dowlada Somalia. Taliska ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay weli u baahan yihiin tayeyn, sidaa aawgeed ka bixitaankooda Somalia uu yahay mid imaankarta tayeynta kadib. Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, oo ah Afhayeenka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda, sidaa aawgeed ay bixi doonaan gudashada waajibkooda kadib. Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qorsha AMISOM ay dalka uga baxayaan 2021 ay tahay mid xiligaan ku xiran Amniga dhulka Somalia oo ay ka howlgalayaan. Waxa uu Jeneraal Richard Nyabuti Omwega intaa ku daray in wareejinta amniga Somalia ay ku xirantahay xaaladda amniga ee dhulka Soomaaliya, AMISOM-na ay baxeyso kaliya marka amaanka Soomaaliya la soo celiyo ciidanka Soomaalidana ay ku filnaadaan amaanka dalkooda. Waxaa uu sheegay in Waddamada taageera AMISOM sida Midowga Yurub ay dedejinayaan bixitaanka AMISOM laakiin Saraakiisha amniga Soomaaliya weydiinayaan xilliga ay amniga dalkooda la wareegayaan. Sidoo kale, Jeneraal Richard Nyabuti Omwega waxa uu sheegay in Al-shabaab laga adkaaday balse ay waliyihiin kuwo qatartooda wata islamarkaana adeegsanaya waxyaabaha qarxa,taasna ay tahay caqabadda ugu weyn ee ilaa hadda heysata AMISOM. Dhinaca kale waxaa uu sheegay in howlgalka AMISOM ay taageeraan Qaramada Midoobey,Midowga Yurub,Midowga Afrika iyo Waddamo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin Khaliijka Carabta oo uusan magacooda sheegin. Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, ayaa waddamada ku lugta leh Ciidan ahaan howlgalka AMISOM sheegay in ay ka midyihiin; Uganda, Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti,Ghana, Egypt, Nigeria, Zimbabwe iyo Sierra Leon. Haddalka Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia sheegtay inay isku diyaarineyso la wareegida amniga guud ee dalka, xili wali qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ku sugan yihiin al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A daring suggestion on Tuesday by trade unionist Francis Atwoli to extend President Uhuru Kenyatta’s role after the end of his fixed 10-year term “because he is young” was met with indignation by a section of Kenyans, who termed it “warped” and the brainchild of “hardliners” within and around State House. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online)- Maamul Goboleedka Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciay in dowladda Imaaraadka Carabta uu dadka Soomaaliyeed u fududeeyay arrimaha socdaalka, dal-ku-galka iyo deganaanshaha Imaaraadka Carabta. Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi C/weli Gaas uu kasoo laabtay safar uu Imaaraadka todobaad ugu maqnaa. Waxaana war-murtiyeedka ka soo baxay Madaxtoyada Puntland lagu sheegay in arrintaan ay sii xoojinayso xiriirka shacabka Soomaaliyeed iyo Imaaraadka Carabta, islamarkaana kor u qaadeyso ganacsiga iyo walaalnimada ka dhexaysa labada dal, sida lagu yiri qoraalka. Dowladda Imaaraadka ayaa madaxda maamul goboleedyada kala hadlaayo masiirka iyo arrimaha Somalia xili dowladdii dhexe ay go’aan cad ka qaadatay siyaasadda Imaaraadka, iyadoo dowladduna aysan qaadeyn tallaabadii looga baahnaa. Dhawaan ayuu maamulka Somaliland sheegtay in Imaaraadku ogolaaday in Paasaboorka Somaliland lagu tagi karo Imaaraadka iyadoo loo saarayo Viso.
-
LIBREVILLE - Gabon's constitutional court on Monday dissolved the national parliament and called on the government to step down, criticising its failure to organise legislative elections as required. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland ayaa sheegtay, in dalka Imaaraadka Carabta uu bulshada Soomaaliyeed u fududeeyay arrimaha socdaalka,dal-ku-galka iyo degga’naanshaha waddankaas,sida ku cad qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. War-murtiyeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay,in arrintaan ay sii xoojinayso xiriirka umadda Soomaaliyeed iyo waddanka Imaaraadka Carabta,islamarkaana kor u qaadayso ganacsiga iyo walaalnimada ka dhexaysa labada dal. Dowladda Puntland ayaa ugu dambeyntii si weyn ugu mahad-celisay waddanka Imaaraadka Carabta oo ay ku ammaantay tallaabadan cusub ee uu qaaday. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo sheegtay in Imaaraadku Soomaalida u fududeeyay dal-ku-galka iyo degga’naansha. appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Qaran ee gurmadka Fatahaadaha oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasararaha xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa Maanta yeeshay Kulankii ugu horeeyay oo uu shir gudoominayay Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar). Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ah gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa uu kulanka kadib saxaafadda kula hadlay Hoteelka SYL oo kulanku uu ka dhacay, waxa uuna sheegay in guddigu sameestay afar guddi hoosaad oo kala ah Guddi Hoosaadka Wacy-gelinta Bulshada iyo Deeq raadinta, Guddi Hoosaadka Maareynta Deeqaha iyo Xog-uruurinta, Guddi Hoosaadka Maaliyadda iyo Dabagalka iyo Guddi Hoosaadka Saadka, isaga oo dhanka kale baaq u diray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Bulshada Soomaaliyeed. “Akoonno ayaan sameynay lagu soo ridayo wixii deeqa ah oo la bixinayo. Waxa aan qeyla dhaan u direynaa Shacab weynaha Soomaaliyeed guda iyo dibadba, hadii ay dhaqaalo bixinyaan, hadii ay raashin bixinayaan iyo hadii ay dhar bixinayaanba. Dowladdu si xoog leh ayey uga qeyb qaadan doontaa gurmadka. Qof waliba wixii uu bixin karo ayuu bixinayaa. Shaqaalaha dowladda, golaha wasiirada golaha shacabka, bulsha weynta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo Qurbajoojta waa in aan si wada jir ah aan uga qeyb qaadanaa Gurmadka si aan u badbaadinno walaalaheen.”, ayuu yiri kusimaha Ra’iisul wasaaraha. Gudoomiyaya guddiga wacyi gelinta Bulshada iyo Raadinta deeqaha, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu ku baaqay in cid kasta oo wax heysata ay gurmadka si hagar la’aan ah uga qeyb qaatato si walaalaha dhibaateysan loo samata bixiyo. “Waxaa la joogaa xilligii la isu gurman lahaa. Dhib weyn oo dad badan saameysay oo geeri keenay ayaa dhacay. Waxa aan ugu baaqayaa shcab weynaha Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan walaalahooda fatahaadu heshay oo maanta banaanka dhooban oo hoy la’aanta ah, cunnna la’aanta iyo biya la’aanta ah, oo xitaa uu caafimaadkoodu Qatar ku jiro”, ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad. Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa ay soo bandhigeen Akoonno ay ka sameeyeen Bankiyada iyo Number EVC kuwaas oo Deeq-bixiyayaashu ay ku shubi doonaan lacagaha ay Sadaqeysanayaan si walaalahood loogu badbaadiyo. The post Kulankii Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo Baaq Caawimaad deg deg ah laga soo saaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in laga deyrinaayo xaalada Boqor Cismaan Aw Maxamuud ‘’Buurmadoow’’ oo ku dhex xanuunsan xabsiga. Buurmadoow oo weli ku jira Xabsiga Hargeysa oo ay dhawaan ku xukuntay Maxkamada ayaa la xaqiijiyay inuu la il daran yahay xanuunada nooca loo yaqaan ‘’dhiig karka’’ iyo Sokor. Wararku waxa ay sheegayaan in Buurmadoow loola cararay isbitaal, hase ahaatee dib loogu celshay Xabsiga kadib markii maamulka Xabsiga la faray in lagu dhex daweeyo Xabsiga. Maamulka Xabsiga ayaa diiday in Boqor Buurmadoow la dhigo Isbitaal inta uu ka caafimaadayo, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in arrinta Buurmadoow ay mareyso meelxun. Maxkamada Hargeysa ayaa Khamiistii la soo dhaafay boqor Buurmadoow ku xukuntay 5sano oo Xabsi ah, iyada oo lagu eedeeyey in uu ku dhaqaaqay fal lidi ku ah Jiritaanka maamulka Somaliland. Ma jirto cid ka tirsan maamulka Somaliland oo ilaa iyo hadda ka hadlay xaalada caafimaad ee boqor Buurmadoow oo weli ku dhex xanuunsanaaya Xabsiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan xagjiriinta Al-Shabaab ayaa galinkii danbe ee maanta ku toogtay magaalada Muqdisho Gabar la sheegay inay la shaqeyn jirtay Hay’ad hoostagta QM. Dilka gabadhaani ayaa ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana la xaqiijiyay inay dileen ilaa Seddex dhalinyaro oo ka tirsan xagjiriinta. Gabadha la dilay oo ushaqeyneysay Hay’ada Caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobey WHO, ayaa lagu Magacaabi jiray Maryan C/llaahi Maxamuud, waxa uuna Xafiiska Shaqadeeda ahaa Xafiiska WHO ee Koofur Galbeed Somaliya. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegeen in Dabley hubeysan ay Gabadhan ku dileen Boosteejada laga raaco Gaadiidka Baydhabo ee Suuqa Bakaaraha, kadibna waxaa halkaasi ka baxsaday raggii dilka geystay. Dilka kadib waxaa Meydka Marxuumada meesha ka qaaday laamaha amniga, waxaana la geeyay Xarunta dambi baarista ee C.I.D, halkaas oo lagula sameeyay baaris. Si kastaba ha ahaatee, dilka marxuumada Maryan C/llaahi Maxamuud, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmahaani ay magaalada Muqdisho kusoo kordhayeen dilalka qorsheysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com