-
Content Count
213,698 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay faragalin la sheegay inay ka cabanayaan Madaxda maamulka Goboleedyada dalka. Xukuumada ayaa sheegtay in cabashada kasoo yeereysa maamulada ay tahay mid ku timid sixitaan lagu hayo khaladaad is biirsaday. Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka hadlaayay faragalinta ay ka cabanayaan maamulada ayaa sheegay in tabashooyinkaasi lagu xalin doono dadaalo ay wadaan. Khadar waxa uu sheegay in dalaalada ay wadaan uu yahay mid ay ku doonayan sidii looga gudbi lahaa khilaafka labada dhinac. Madaxda maamulada ayuu sheegay in laga doonayo inay kala saaran tabashooyinkooda iyo ka qeybgalka shirarka looga arrinsanaayo masiirka dalka. Khadar waxa uu madaxda maamulada u diray fariin ah iney yimaadaan Muqdisho, si ay u ajiibaan baaqii Madaxweyne Farmaajo. Ra’isul wasaare ku-xigeenka Dalka, ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira iney faragelin ku hayaan Maamul goboleedyada, taasoo qeyb ka eheyd war saxaafadeedka ay soo saareen golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ee ku shiray Kismaayo. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Wixii tuhun ah iyo turxaan bixin ah diyaar beynu u nahay, dhaqanka Somaliyeedna bey qeyb ka tahay, weynu sameyn doonaana, wax faragelin ah oo dowladda federaalka ay ku heyso ma jiro Maamul gooleedyada”. Si Kastaba, 17-kii Bishan, waxaa baaqday shirkii golaha amniga Qaranka ee uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), kadib markii ay iska diideen ka qeybgalkiisa Hogaanka Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil Deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaa maanta lagu dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil oo caan ka ahaa deegaankaas. AUN Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa sida aan xog ku helnay u socday magaalada Badhan, waxaana dilkiisu ka dhacay bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland Dilka Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ku soo aadaya, iyadoo Badhan uu maalintii saddexaad ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo dhamaan ku xukuumadiisa. Dilka Marxuum Suldaan Xasan Cali Jirbriil waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweyne Gaas iyo Suldaanka guud ee Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. PUNTLAND POST The post Hadaaftimo oo lagu dilay Suldaan caan ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda. Dabley hubeysan ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, halkaasi ayayna ku toogteen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal. Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday. Gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan lama oga waxa ay aheyd marka laga reebo inay dhiganeysay Jaamacadda. Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo aan la ogoleyn inuu galo qof aanan wadan aqoonsi, kadibna ay geystaan toogasho, sidoo kalena baxsadaan. Ciidanka ammaanka ayaa tagay Jaamacadda, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, ardayda xiisadaha u doontay Jaamacadda ayaa la soo fasaxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa Goordhow lagu dhex dilay jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho gabar ardey aheyd oo ku jirtay fasalka, taas oo ah arrin cusub. Aamina Xuseen Xasan, ayaa lagu dhex toogtay Jaamacadda Soomaaliya faraceeda xaafadda Baar-ubax halkaas oo ay dhigan jirtay kuliyadda shareecada. Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa u gudaha u gashay Jaamacadda kadib waxaa ay toogteen gabdhan. Inkasta oo ciidamada dowladda ay goobta gaareen, hadana waxaa la sheegayaa in dableyda ay baxsadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Waxaan soo miyir saday iyadoo laga arrinsanyo meeshii la igu aasi lahaa” ayuu yiri Xasan Axmed oo dib u milic sannado badan oo uu xoriyaddiisa ku waayay in looga shakiyay in uu ONLF taageero. Xasan Axmed isaga oo u waramaayay Idaacada BBC-da ayuu ka warbixiyay waxa uu kala kulmay toban sano oo uu Xabsi ku jiray ayuu sheegay in uu 21 jir ahaa marka la xiray haddana sida carruurta gacmaha la qabto marka uu soconayo. Maamuulkii dhawaan xilka laga qaaday ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa uga shakiyay Xasan in uu ka tirsanaa jabhaddaha hubeysan ee ONLF, inkastoo uu sheegay in uusan shuqul ku lahayn oo uu ku hawlanaa barashada culuunta caafimaadka oo uu koleej Jigjiga ku yaalla ka baranayay. Xasan wuxuu ka mid ahaa boqolaal dhallinyaro ah oo muddo sannado ah lagu hayay xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Itoobiya. Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer jeel Ogaadeen ay ka dhaceen tacaddiyo aadanaha ka dhan ah. HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA XASAN AXMED OO DHAMEYSTIRAN
-
Waxaa isa soo taraya cabsi laga qabo in 200 oo qof ay ku dhinteen markab ku quusay badda yar ee “Lake Victoria”. Wararka qaar ayaa sheegaya in markabka ay saarnaayeen ilaa 400 oo qof, tiradaas oo ka badan inta loogu talo-galay. In ka badan 100 qof ayaa sidoo kale lagu warramayaa in la bad-baadiyey, oo 32 ka mid ah ayey xaaladooda khatar ku jirto. Dadka dhintay waxaa ku jira naaquudihii iyo shaqaalaha Markabka, waxaa kale oo la waayey qabalkii lagula socon lahaa khasaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafiga Aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaranwaaga soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa shalay ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen arrimaha taagan, sida lagu xalin karo,waxayna Golaha Wasiirada KGS u soo gudbiyeen wafdiga Golaha Aqalka Sare xogtii ay ka rabeen Dowlad Goboleedka oo qoraaal ah si wafdiga aqalka sare uu dib ugala soo laabto Golaha aqalka sare . Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ka socda ayaa waxay la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna “ Maya”,waxay ka wada hadleen arrimaha khilaafka ee jira waxayna dhageysteen Wafdiga aragtida Guddonka Baarlamaanka KGS iyo sida ay u arkaan in lagu xalin karo khilaafka jira. Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya. Dhanka kale, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ka tirsan wafdiga Aqalka Sare ee ku sugan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiye ku- xigeenka ururka haweenka Golaha Aqalka Sare waxay la kulantay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyadoona ka dhageysatay aragtidoona ku aadan khilaafka jira iyo sida ay u arkaan xalka. Senator Samsam Ibraahim cali ayaa ku boorisay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed in ay sameystaan Urur si ay u mideeyaan cududooda. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdiga Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka iyo ururka haweenka Jubbaland,waxayna kala hadleen sida ugu haboon ay uga qeyb qaadan karaan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo ururka Haweenka oo madasha kullanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen iney muhiim tahay in xal loo helo khilaafka jira,islamarkaana dhankooda kaalin muhiim ah ka qaadanayaan. Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ayaa dhageystay aragtida Odayaasha dhaqanka iyo ururka Haweenka Jubbaland iyo siday la tahay in isfaham lagu gaari karo si horay loogu sii amba qaado horumarada lagu tallaabsaday. Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Gobolleedka Jubbaland. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Rightwing government wants to make handshake mandatory in naturalisation ceremonies Source: Hiiraan Online
-
The Somalia-based Al-Shabaab militant group remains a potent threat to security in the region, although its capacity to stage regular attacks in urban areas has been degraded. Source: Hiiraan Online
-
In Ethiopia, prime minister Ahmed Abiy’s political party, the Oromo People Development Organisation (OPDO) has rebranded, changing its name and logo as it seeks to position itself in the changing political space in Oromia region and at the national level. Source: Hiiraan Online
-
Every night for more than 35 years, Yussuf Mume Saleh has ventured outside the walls of the ancient city of Harar, Ethiopia, to feed his beloved spotted hyenas. For Jessica Beshir, a filmmaker who grew up in Harar, visions of Saleh and the delicately-cultivated bond he shares with these wild—and often dangerous—animals are embedded in her childhood nostalgia. Source: Hiiraan Online
-
Lower house of parliament endorses UN findings of crimes against humanity by military and calls for prosecution. Source: Hiiraan Online
-
Walter Michael Kagwa took the first step towards becoming a refugee in 1987. Source: Hiiraan Online
-
Intelligence officers in Somalia have resolved to strengthen collaboration on information gathering and sharing to counter threats posed by terrorist group, Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin Dawaar ayaa sheegay war ka yaabiyey dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan dadka Soomaali Galbeed, oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Ethiopia. Faarax Macallin oo dhawaantan aad ugu dhuun duleelay is bedelada siyaasadeed ee Itoobiya ka socda, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in doorashada guud ee Itoobiya ka dhici doonta ay Soomaalida heli doonaan jagada madaxweynaha ama ra’iisul wasaare ku xigeenka. Tallaabadaas oo u muuqata mid si weyn wax uga bedeli doonta awood qeybsigii Itoobiya ayuu Faarax Macalin ku tilmaamay mid sinnaan iyo cadaalad u horseedi doonta Itoobiya. After the next general election the President or the Deputy Prime Minister of Ethiopia will be an ethnic Somali. Ethiopia has turned a powerful historical page. Equality & equity among all Ethiopians will reign supreme.Thank GOD the massive potential of the HOA has been unlocked. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 18, 2018 Faaraax Macallin waxa uu yiri: “Kaddib doorashada guud ee soo socota, madaxweynaha ama ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya waxa uu ahaan doonaa qof ka soo jeeda qowmiyadda Soomaalida. Itoobiya waxa ay furtay bog taariikheed oo aad u xoog badan. Sinnaan iyo cadaalad u dhexeysa Itoobiyaanka ayaa si awood badan uga hirgali doonta. Ilaahay ayaa ku mahadsan awooddii ay lahayd Geeska Africa banaanka ayaa la keenay.” Itoobiya waxaa ka socday is beddello siyaasadeed oo ruxay Geeska Africa tan iyo markii uu xilka raisul wasaare qabtay Dr Abiy Ahmed. Hase ahaatee, xogta Faarax Macallin ayaa ku soo aadeysa xilli ay heshiisyo kala saxiixdeen Soomaalida iyo Oromada, halka ay Asmara ku kulmeen jabhadda ONLF iyo dowladda Federal-ka Itoobiya, halkaas oo uu uga furmay shir ay ku soo afjarayaan dagaaladdii u dhexeeyey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa arbacaduu shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyey in maamulkiisa iyo dowladda dhexe ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyey. Waare oo ka mid ahaa golaha iskhaashiga maamul gobolleedyada ayaa si lama filaan uga soo goostay ugu dambeynna wadahallo la furay dowladda dhexe halka uu ugu baaqay kuwa kalena in ay ku daydaan. Hase ahaatee, go’aankii uu isaga qeybta ka ahaa ee ay maamul gobolleedyada shirkii Ksmaayo xiriirka ugu jareen dowladda dhexe, ayaa noqday mid ay shacabka Soomaaliyeed aad uga horyimaadaan iyaga oo ku tilmaamay mid si ula kac ah loogu talagalay in lagu wiiqo dowladnimada Soomaaliya ee soo kabashada ku jirta. Dhinaca kale, waxaa Iyana jirtay dood ahayd in go’aankii Kismaayo uu u adeegayey xubno gaar ah oo ka tirsan maamul gobolleedyada sida hoggaamiyeyaasha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Jubbaland Axmed Madoobe. Casharka Siyaasadeed ee uu Waare u dhigay Xaaf? Hore ayey Soomaali u tiri “Kor waayeel waa wada indho!” Iyada oo la wada ogyahay in maamul gobolleedyadu aysan isku dano ahayn, mid walbana tabasho gaar ah leeyahay, taas waxa ay caddeysay in madaxweyne Waare shirkii Kismaayo wax weyn uga bexeen oo uusan halkaas ku soo bandhigi kareen. Yeelkeede, Waare waxa uu dheelay ciyaar siyaasadeed isaga oo u daneeyey maamulkiisa ugu da’da yar dowlad gobolleedyada Soomaaliya iyo waliba kursigiisa, maxaa yeelay “Siyaasaddu ma leh saaxiib joogta ah balse dan joogta ah!” Heshiiska dowladda dhexe iyo Hirshabeelle waa mid u muuqday mid ku dhammaaday ‘Win Win solution’, oo labada dhinacba ku qanceen taas oo muujineysa in Waare cashar siyaasadeed u dhigay saaxiibbkiisa ay dariska yihiin ee Axmed Ducaale Geele Xaaf. Shirkiisii jaraa’id, Waare waxa uu ku soo qaatay khilaafka halakeeyey Galmudug isaga oo sheegay in uusan sidaas oo kale la rabin Hirshabeelle! Ogow, ciyaarta uu dheelay Waare waa mid uu ku miisaamay waaqica ka jira dalka, maxaa wacay? Maamulada kale sida Puntland waxaa awoodda gacanta ku haya hal qabiil halka Hirshabeelle iyo Galmudug ay qabiilo badan ku mideysan yihiin –waa u nugul yihiin kala qeybin! Waare waxa uu ka badbaaday dabinkii uu Xaaf isaga oo arka mar labaad halow yiri! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaahira (Caasimada Online) – Professor culuumta siyaasadda ka dhiga Jamaacadda Qaahira, Hassan Naafa ayaa ka digay in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu Mareykanka u horseedi doono dagaal ay la gasho Iran, waxaa sidaas warisay shabakadda Almesryoon. Nafaa waxa uu Twitter-kiisa ku soo qoray: “Ha dhayalsanina kibirka iyo doqonnimadiisa. Waxa uu ku adkeystaa goosashada Golan Heghts iyo in uu Iran ka saaro Suuriya.” لا تستهينوا بحمق نتانياهو وغروره فهو يصر على ضم الجولان وإخراج إيران من سوريا وتصفية حزب الله حتى لو اضطر إلى جر الولايات المتحدة لحرب مع إيران لإسقاط نظامها ودفع العلاقة بين الولايات المتحدة وروسيا إلى حافة الهاوية. لذا يزداد إحساسي يوما بعد يوم بأن المنطقة مقبلة على أيام صعبة — Hassan Nafaa (@hassanafaa) September 19, 2018 “Israel waxa ay dooneysaa in ay meesha ka saarto Xisbullah xataa haddii ay ku qasbeyso in ay Mareykanka ku riixdo dagaal ay la gasho Iran, si ay meesha uga saarto hoggaanka xunkeeda haya kuna riixdo in xiriirka Russia iyo Mareykanka qarka burbur u fuulo. Sidaas daraadeed, maalinba maalinta xigta cabsideyda ah in gobolka waqti adag soo wajaho wey sii xoogeysaneysaa,” ayuu ku daray. Nafaa hore waxa uu u sheegay in midnimo la’aanta dowladaha Carabta ay dhabbaha u xaartay dhaq dhaqaaqa Mareykanka ee u ol’oleeya Israel iyo wiiqidda gobolka. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya, ayaa dareenkiisa ku biiriyey dilkii magaalada Muqdisho loogu gaystay Deeqa Daahir oo ahayd gabar 9 jir ahayd, oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay dileen markii ay rasaas ku fureen baabuur ay saarnaayee arday. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Waxaan daawaday muuqaal aragagx leh oo hooyo Safiyo Maxamed Axmed ay uga warramayso fal naxdin leh oo maalintii 18/09/2018 lagu diley gabadheedii Deeqo Daahir Cali oo 9 sano jir ahayd magaalada MUQDISHO, taasoo dhiganaysay dugsiga hoyga Xamar, falkaasoo hooyadu ay u sheegayso si faahfaahsan askariga diley gabadheeda, dhaawacana u geystay arday kale oo gaari la saarnaa Deeqo, ayadoo sheegtay in uu askarigaas ka tirsanaa ciidamada nin lagu magacaabo Gen. Sheegow. Maamada, qoyska, bahda dugsiga hoyga Xamar iyo saaxibadii Deeqo waxaan uga tacsiyeynayaa geerida gabadhooda sida xaqdarrada loo diley, sabir iyo Iimaan. waxaa taliyaha ciidamada xoogga iyo maxakamadda ciidamada qalabkasida iyo xukuumaddaba looga fadhiyaa in askarigaas dilaaga ah loo soo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan sharcigana la horkeeno. انا لله وانا اليه راجعون.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in musuq-maasuq heerkii ugu sareeyay uu ka dhex jiro Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho. Musuqa xoogiisa ayaa ka jira qeybta laga bixiyo warqadaha “Cadeynta danbiyada” waxaana halkaasi lagu kala qaataa dhaqaale xoogan oo ka badan tan maalintii u dhacda dowlada Somalia. Dadka u cadeymaha doonta xarunta ka hor inta aysan sameysan baasaboorka ayaa waxaa warqada loogu sameeya lacag $10 dollar ah, halka $20 ilaa 25 dollar lagu bixiyo qaab musuq ah. Dadka danyarta ee warqadaha cadeynta danbi la’aanta u doonta xarunta ayaa lagu xujeeya inay bixiyaan lacago dheeri ah, iyadoo haddii ay bixin waayan lacagtaasi warqahada lasiiyi afar cisho kadib. Dadka bixiya lacagaha musuqa ayaa warqadaha cadeynta lasiiyaa wax ka yar saacad gudaheeda, halka dhibta ugu weyn ay tahay mid lagu hayo dadka aan heysan dhaqaalaha iyo kuwa aan garabka heysan. Dadka qaarkood ayaa is weydiinaya sababta ka danbeysay in musuq-maasuq looga dhex shaqeeyo Xarunta CID-da oo aheyd halkii lagu baarayay dadka loo xiro baaritaanada musuqa. Inta badan xarumaha dowlada ayaa waxaa lagu bixiyaa lacago sharci daro ah oo laga qaato dadka shacabka ah. Ma jirto cid si gaara isku xil saartay baabi’inta musuqa ka dhex jira xarunta CID-da oo lagu kala qaato lacago ku dhaca jeebka shaqsiyaad gaara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa si caro leh uga jawaabay haddal kasoo yeeray qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo maalmahaani DFS ku eedeeynayay inaysan waxba ka qaban cadaalada. Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay kala garan waayen iska dhicinta dowlada iyo xaqiiq sheegida, waxa uuna arrin aad looga xumaado ku sheegay haddalka ah in dadka shacabka ay u cadaalad doontan Maxkamadaha Al-Shabaab. Waxa uu Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi sheegay in ilaa iyo hadda wararkaas aan waxba ka jirin, isla markaana aan loo heyn cadeyn buuxda in loo cadaalad doonto Maxkamadaha Al-Shabaab. Waxa uu sheegay Garyaqaanka in xukunada Al-Shabaab ay yihiin kuwo ku eg keliya goobaha ay ka arimiyaan isla markaana aysan soo gaarin magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu tilmaamay in deegaanada ay Al-Shabaab maamulan ay taasi macquul tahay inay ka dhacdo balse Magaalada Muqdisho dad isku-heystay dhulal iyo waxyaabo kale inaysan Al-Shabaab u kala xukumi Karin, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanada ayuu sheegay inay yihiin kuwo ka beensheegaya xaqiiqda ka jirta dalka waxa uuna cod dheer ku sheegay in eedeymaha noocaasi ah ay qaadan doonaan waa haddii loo helo cadeymo rasmi ah. Haddalka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, ayaa kusoo beegmaya xili qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka ay DFS ku eedeeyen inay ku fashilantay cadaalada isla markaana dadka shacabka ah ay cadaalad u doontaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sanadkii 1983-kii shirkadda Saarberg-Interplan ayaa mashruuc biyo-ballaarrin ka hirgelisay Muqdisho. Tuubbooyin waaweyn bay Jidka Soddonka soo dhigtay, si waddada qayb ka mid ah loo qodo. Marnaba hawshaasi may saamaynin socodka babuurta. Faa’iidadii laga helay mashruuca waxay ahayd: Muqdisho ayaa xal u heshay biyo-yaraantii; wuxuu kale oo mashruucu fududeeyay in dadku biyo gashado. Waqtigaas Soomaaliya waxay lahayd hal hay’ad oo u xilsaarnayd biyaha ( Wakaaladda Biyaha). Lacagta mashruuca waxaa bixiyay dalkii la oran jiray Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka Galbeed. Dadka dhulka hadda loo yaqaanno Buntland ( Puntland) ku nool may helin fursadahaas horumarineed waagaas; dowladdii jirtay horumarinta Galguduud iyo gobollada waqooyiga ka xiga waxay u aragtay waqti-lumis. Sababta aan u dulmaray taarikhdan waa inaan isdultaago go’aanka GIZ (GTZ) ay ku joojisay taageerada ay siin jirtay mashruucyada lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha Buntland, gaar ahaan waddooyinka. Puntland Focus Group, oo ku bahoobay tartanka Madaxtinimada Buntland, ayaa warqad ay soo saareen xubnaha kooxdu, waxay muujiyeen inay ka xun yihiin maamulxumada keentay GIZ inay joojiso taageeradii ay siin jirtay Buntland daahfurnaan la’aan ( lack of transparency ) awgeed. Dadkii loo xilsaaray hawsha dhisidda waddooyinka Buntland way ku guuldarraysteen inay xisaab-celin sameeyaan. Taas macnaheedu waa: lacagtii loogu talagalay mashruuca, waxaa lunsaday dad aysan weli dowladda Buntland la xisaabtamin. Waxaan ku raacsanahay Puntland Focus Group in GIZ aysan mudnayn dhaleecayn ama in laga abaal-dhaco taageerada ay siisay Soomaalida waqtigan adag. Waxaa muuqata in musuqmaasuqa Buntland uu xargo-goostay. Markii hore nin madax ah ama dadka ku dhowdhow uun baa boobi jiray hantida dadweynaha; hadda lunsadeyaashu waxay u soo dhigteen taageerada hay’adaha horumarintu siiyaan Buntland. Ma baaqyo siyaasiyiin soo saaraan baa joojin kara musuqmaasuqa burburin kara Buntland? Sidee wax looga qaban karaa maamul musuqmaasuq ku caanbaxay haddii dabaqadda siyaasadeed ee Buntland aysan lahayn dhaqan isla-xisaabtan iyo musuqmaasuq-diid? In maanta hay’adda horumarinta Jarmalku si toos ah u taageerto Buntland waa guul dadka Soomaaliyeed oo u soo hoyatay; in musuqmaasuq-ka-naaxeyaal ay lunsadaan taageerada Soomaalidu hesho waa ayaan-darro ka xun dayacii dowladdii militarigu ku haysay gobollada dad badani u yaqaanneen Gaari-waa. Buntland dhexdeeda dadku wuu ka sheekaystaa siyaasiyiinta ka naaxay boobka hantida dadweynaha; ganacsatada laga naasnuujiyay qasnadda dowladda Buntland. Gaas: Miyuu muddan yahay in dib loo soo doorto? Jaamacad ka mid ah jaamacadaha Buntland ayaa soo saartay cilmi-baaris ku saabsan musuqmaasuqa Buntland. Talooyinkii ku jiray warbixinta jaamacadda may noqonin kuwo dowladda Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay ku dhaqantay. Sidee bay dowlad tirakoobi wayday ciidammada, ula dagaallami kartaa musuqmaasuq? Buntland waa maamul beeleed hadba madaxweynaha jooga uu maamulo lacagta Buntland ugu soo xeroota canshuur ahaan, ama lacagta taageerada horumarineed ay ku hesho. Madaxtooyadu waa meesha kaliya oo uu madaxweyne si sharci-darro ah uga hodmin karo qoyskiisa iyo dadka ay wax isu yihiin ama siyaasad ahaan ku dhowdhow. Dhaqankan siyaasadeed waa macnaha Buntland federaalisamku la leeyahay Nuur Salaad, oo geeriyooday dhowr sano ka hor marna ahaa taliyihii ciidanka booliska Buntland, wuxuu Daljir Raadiyo uga warramay dibindaabyadii dad badani la rabeen mashruucii lagu dhisayay waddada Boosaaso iyo dekedda maanta Buntland ay ku tiirsan tahay. Wuxuu sheegay in dowladdii militarigu u xilsaartay isaga nabadgelyada mashruuca. Wuxuu Nuur u istaagay ilaalinta hantida shirkaddii dhisaysay waddada waayo burcad siyaasad baa isu bahaysatay curyaaminta mashruuca. Lunsiga hantida dadweynaha Buntland waxaa dheer lunsiga kheyraadka badda: waxaa jira maraakiib ay maamulladii hore shatiyo kalluumaysi. ka gadeen si ka baxsan sharciga. Siyaasiyiinta Buntland way isku raacsan yihiin in aan laga hadlin danaha siyaasi kasta ku leeyahay maraakiibta haysta shatiyada Garoowe laga bixiyay. Waxaa xusid mudan in bixinta shatiga kalluumaysi uu la kowsaday maamulkii kowaad ee Buntlad. Waa ayaan-darro siyaasiyiin aan isku raacsanayn la dagaallanka musuqmaasuqa inay maanta ka hadlayaan musuqmaasuq. Dadka Buntland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sida dowladdu u maamusho hantida dadweynaha. Markii uu xilka la wareegayay Md. Faarax Cali Shire, oo ahaa wasiir-kii hore ee Maaliyadda xilgii Madaxweyne Faroole, oo hadda isu sharraxay xilka madaxweynenimada ee Buntland, wuxuu sheegay inuusan la wareegaynin dayn lagu leeyahay dowladdii hore ( dhegyso codka la socda maqaalka Horseedmedia) . Miyay dowladdii uu Faarax ka tirsanaa deyn ku wareejisay maamulka Gaas? Miyay weligood siyaasiyiintu la wadaageen dadweynaha Buntland xog ku saabsan sida loo maamulo lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumaysiga iyo shirkadaha shatiyada kalluumaysi la siiyay? Habka siyaasadeed ee Buntland waa mid fududeeya musuqmaasuqa. Awoodda oo dhan waxay gacanta u gashaa madaxweynaha oo maamusha barlamaanka. Haddii aysan dabaqadda siyaasadeed ee Buntland meel uga soo wada jeesan la dagaallanka musuqmaasuqa, baaqyada kooxuhu soo saaran kama duwana maaweelo aan xiise loo hayn. W/Q: Liibaan Axmad Email: Libahm@icloud.com Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
