-
Content Count
206,153 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraar ka soo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey Bishii September ee Sanadkii 2017kii ayaa AMISOM lagu amray in ay isu diyaariso ka bixitaanka Soomaaliya. Intaas kaddib AMISOM waxaa ay billowday dhimista Ciidankeeda jooga Soomaaliya,waxaana ay ahaayeen 22,000 oo Askari iyada oo hadda ay gaarayaan 21,000 oo Askari. Taliyayaasha Howlgalka AMISOM ayaa sheegaya in ay ka walaacsanyihiin diyaar garoow la’aanta ka muuqata Ciidanka Soomaliya oo la doonayo in 2021ka lagu wareejiyo amniga dalkooda. Afhayeenka AMISOM,Richard Omwega ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ka walwalsanyihiin in ay meel cidlo ah uga dhaqaaqaan dadaalladii ay sameeyeen. Waxaa uu xusay in Ciidamada Soomaaliya la tababaray,waliba si wanaagsan laakiin aysan diyaar u ahayn in ay amniga kala wareegaan howlgalka AMISOM. Taliyaha ayaa yiri “ 10 sano oo aan joogno Soomaliya Qaramada Midoobay waxa ay isku dayeeysay in ay dhisto Ciidamada Xogga, basle wali waxaad umoodaa in Ciidamadu aysan gaarin halkii loo baahnaa” ayuu yiri Richar Omwega afayeenka AMISOM. Waxa uu sheegay in 75 Saraakiil Soomaali ah ay ku tababaranayaan Dalka Uganda, 4,000 oo kalena ay isla Uganda horay u tababartay,sidoo kale Dalalka Turkiga iyo Imaaraadka ayuu sheegay in ay saraakiil ciidan tababareen,kuwaas oo gaaraya 1,500 Saraakiil ah haddana aysan muuqan in Ciidamada Soomaalida loo dhiibo amniga dalka. “Waa ay fududadahay in la qorto Askar dagaallanta,laakiin waxaa adag sidii loo heysan lahaa,annaga howlgalkeenna ka mid maha in aan faragelinno arrimaha gudaha,dowladda ayey shaqadeeda tahay,waxaan kaliya ku leenahay talo”ayuu yiri Mr Omwega. Howgalka AMISOM ayaa kal hore bilaabay daabulidda Ciidamadooda iyada oo Bishii October ee sanadkii hore ee 2017-kii dalka laga saaray 1,000 Askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda,islamarkaana ka digtonaadan cid kasta oo wiiqaysa jiritaanka dowladnimada Puntland. Madaxweyne Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada,kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Garoowe,ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay ku filantahay shacabkeeda,balse haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagaysa ay u fasaxantahay. “Waxaan dadka reer Puntland kula dardaarmayaa in ay marwalba ilaashadan midnimadooda. Puntland iyadaa na hurran,iyada ayaana nagu filan,Haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagays,waxaa runtii habboonan lahayd in qofkii meel kale u hanqal-taagaya in meesha uu aadayo aado”,ayuu yiri madaxweyne Gaas. Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in Puntland ay ku filantahay dhammaan arrimaheeda gaarka ah oo aysan cidna uga baahneyn in ay ku tiirsanaato”Puntland waa isku filantahay,waana isku kalsoontahay,waana isku tashanaysaa haddii Ilaahay yiraahdo”,ayuu raaciyay madaxweyne Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas”Puntland iyadaa na hurran iyada ayaana nagu filan” appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Millateriga Mareykanka ayaa sii ballaarinaya howgalladooda Soomaaliya, iyadoo Ballidoogle ka dhistay Saldhiggooda seddaxaad ee ugu weyn ee ay ku leeyihiin Africa, kaasoo ay jiifan karaan 800 boqol oo askari, sida laga soo xigtay shabakadda looga dambeeyo xogaha qarsoon ee VICE News. Dhisamahaan ayaa wuxuu yahay mid qarsooni ah, waxaana tusaale wanaagsan uu u yahay qaabka soo koraya ee muranka leh ee uu Mareykanku isugu diyaarinayo dagaallada Africa. Saldhigga Ballidoogle wuxuu ka mid yahay mashaariic tusaale u ah qaabka uu Malliteriga Mareykanku horumarka uga sameynayo dagaallada Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu ugu yaraan lix saldhig oo cusub ka dhisan doono Soomaaliya sannadkaan 2018ka, sida ay VICE News u sheegeen Shirkadaha qandaraaska ka qaatay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka. Dhismaha Saldhiggaan ayaa sidoo kale muujinaya sida ay Millateriga Mareykanka uga go’an tahay dagaallada ay kaga soo horjeedaan Ururka al-Shabaab ee xiriirka la leh al Qaida. Waaxda U.S. Africa Command (AFRICOM) ayaa waxay haatan 500 oo askari ku leeyihiin Millateriga Mareykanka ee ka shaqeeya Soomaaliya, sida laga soo xigtay gabar afhayeen ah oo u hadashay. Waana tiro si aan caadi aheyn sarre ugu kacday tan iyo 2016kii, markaasoo AFRICOM ay 50 sarkaal ku lahaayeen howgalkaan. Tan iyo bishii Jannaayo 2017kii, Xooggaga Mareykanka ayaa ugu yaraan 48 weerar oo cirka ah ka geystay Soomaaliya, marka loo barbardhigo 2016kii oo ay 14 weerer ka geysteen iyo 2015kii oo ay 11 weerar ka geysteen, sida laga soo xigtay Xarunta Bureau of Investigative Journalism, oo fadhigeedu yahay London. Mareykanka ayaa haatan Saldhiggooda Seddaxaad ee ugu weyn Africa ka sameystay Soomaliya, marka xisaabta laga reebo Saldhigyadooda Djibouti iyo Niger. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Sida uu daabacay wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Uganda, saraakiisha AMISOM ayaa isku khilaafsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee dhigaya in ciidamada AMISOM ay Somalia ka baxaan Sannadka 2021-ka, Murankan oo ku saleysan diyaarinta Ciidanka Dowladda Somalia si ay ula wareegayaan mas’uuliyadda guud ee Amniga dalka. AMISOM ayaa bilowday in ay ciidamadeeda ku sugan Somalia annadkii aan soo dhaafnay ee 2017-ka, iyadoo tirada ciidamada Midowga Afrika ee hadda ku sgan Somalia ay tahay 21,000 oo askair, halka markii hore ay ka ahayd 22,000 oo askari. Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Richard Omwega ayaa sheegay in dal walba oo ka tirsan dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM uu ciidamadiisa ka dhimayo qiyaastii 250-Askari. “Toban sano oo aan Somalia ka hawl-galaynay kaddib, Qaramada Midoobay waxay doonaysaa inay xoojiso ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, balse mar-xaladda kala guurka ah waa mid ku saleysan shuruud, marka la gaaro xilliga aan baxayno waa inuu jiro waddan xasilloon amni ahaan,” ayuu yiri Col. Omwega. Sidoo kale, Waxaa bisha Oktoobar ee sannadkan ka bixi doona Somalia illaa 1,000 askari oo kale oo ka tirsan AMISOM, kuwaasoo ka imanaya ciidamada furimaha jooga, kuwaasoo ka koobnaan doona dhammaan waddamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM. Ciidamada ka socda Midowga Afrika ayaa waxay ka socdaan dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Uganda, waxayna dowaldda Federaalka ah ee Somalia ka caawiyaan la dagaalanka Al-shabaab. Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka dhex-taagan dood weyn oo ku aadan halka ay dalka Soomaaliya uga tagayaan marka la gaaro xilliga loo qoondeeyay inay baxaan oo ay ka dhiman tahay saddex sano oo keliya. “Waa in la beddelo habka ciidanka Somalia ay u Tababartaan, isla markaana loo diyaariyo inay mas’uuliyadda dalka oo dhan la wareegaan, Inkastoo ay yihiin kuwo tababar wanaagsan leh haddana uma diyaarsana inay si dhaqso ah ula wareegaan mas’uuliyadda culus ee la doonayo in dusha loo saaro, ayuu mar kale yiri Afhayeenka u hadlay AMISOM oo oo kasoo jeeda dalka Kenya. Wuxuuna hadalkiisa ku daray. “Waxay u baahan tahay in si fiican gacanta loogu qabto arrintan, haddii kale waxaan dib ugu laabanayaa halkii hore.” Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa wadda qorshe ay ku qalabeyneyso Cidamadeeda si ay ula wareegaan amniga waddanka, mar la gaaro xilliga la sheegay inay AMISOM uga baxayso dalka. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo walaac ka muujisay Sida Tababarrada loo siiyo Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
LISBON (Thomson Reuters Foundation) - Providing clean energy to Somalis, including those uprooted from their homes in the conflict-torn country, could both improve lives there and provide new opportunities for entrepreneurs, the U.N. envoy to Somalia said. Source: Hiiraan Online
-
The Home Office is refusing to acknowledge the Somali identity of Bajuni asylum seekers. Source: Hiiraan Online
-
Xuseen Yaasiin Goda-goda oo kamid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ee dhaliila xukuumadda Puntland ayaa in maalmo ah ku xiran magaalada Garoowe,sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa. Goda-goda ayaa hadal dhaliil ah ka qoray agaasimaha madaxtooyada Puntland,Cabdinaasir Biixi Soofe,ka hor intaan lagu xirin Garoowe,waxaana wararka qaar sheegayaan in amarka lagu xiray ay bixisay madaxtooyada Puntland,inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay. Ninkaan la xiray ayaa inta badan qoralladiisa ku duri jiray xukuumadda,isagoo marar hore madaxweyne Gaas ku dhaliilay in uusan daacad ka ahayn dagaalka lagu soo celinayo xuduudaha maqan ee Puntland. Dowladda Puntland weli wax war ah kama soo saarin xarigga loo geystay,Xuseen Yaasiin Goda-gada,balse qaar kamid ah xigtadiisa ayaa madaxda sare ee xakuumadda ugu baaqay in xorriyaddiisa dib loogu celiyo. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost The post Mid kamid ah dadka xukuumadda dhaliila oo Garowe ku xiran appeared first on Puntland Post.
-
Socotra (Caasimadda Online) – Calanka Emirate-ka Carabta ayaa laga taagay dhismayaasha dowlada Yemen ku leedahay deekaanka Socotra oo ah jasiirad u dhow Xeebta Waqooyi Bari Soomaaliya oo ah goob ah hay’ada UNESCO ku dartay goobaha taariikhiga ah, waxayna Soomaaliya u jirtaa 80 km/ Dadka deekaanka waxay u arkaan awooda Emirate-ka daafaha caalamka ku baaheyso inay si xawli ah ku socoto xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi. Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa sheegay talaabooyinka dowlidiisa Emirate-ka qaadeyso ay tahay ka hortaga halista xukumadiisa soo wajihi karto. Sida sharciga ah ee la wada ogyahay Emirate-ka waxay heshiis is xulafeysi kula jiraan Sacuudiga oo dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta gudaha Yemen ka wadaan. Laakiin Emirate-ka Koonfurta Yemen si gaar ah ayay kaga hawl galayaan haatana waxay sal dhigteen qaybta ugu balaaran koonfurta Yemen gaar ahaan magaalada Socotra. Emirate-ka kaliya Koonfurta Yemen iskuma balaarin laakiin waxay hawl galkooda military ku baahinayeen badda cass isku gudubkeeda iyo geeska Afrika. Haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxay Emirate-ka Ciidan u geenayaan Socotra iyo meelo kale? Halkaan hoose ka daawo dood ay arrintaan ka sameysay Al-jazeera. <span data-mce-type=”bookmark” style=”display: inline-block; width: 0px; overflow: hidden; line-height: 0;” class=”mce_SELRES_start”></span> Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa Baarlamaanka Feeraalka Soomaaliya ka raali geliyay hadal uu dhawaan jeediyay oo ku saabsanaa inuu ka shaqeyn la’yahay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno Wasiiro ah. Yariisow oo Bartiisa Facebook ku soo qoray Qoraal kooban ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadal uu dhawaan siiyay Warbaahinta, sidaas darteedna uu ka raali gelinayo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. “Xildhibaanada Sharafta leh ee BFS waxaan ka raali gelinayaa fasiraad laga bixiyey hadal ujeedku ahaa inaan shacabka waqti badan u helo” sidaas waxaa Bartiisa Facebook ku soo qoray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Yariisow. Wax faah faahin intaasi dheeraad ah kama sii bixin guddoomiye Yariisow caqabada keentay in Xildhibaannada uu raali gelin siiyo kadib hadalkii ka soo baxay marka laga reebo in sixun hadalkaasi loo fasiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ilaalo u shaqaynaysay laanqayrta cas ee caalamiga ayaa ku lug yeelatay afduubka kalkaaliso jarmal ah oo hay’adda uga shaqaynaysay Muqdisho sida ay dawladda Soomaaliya sheegtay. Kalkaalisada oo magaceeda lagu sheegaywaxaa 8:00 fiidnimo ee Arbacadii laga afduubtay xarunta ICRC, markii ay rag hubaysan oo la garan waayey soo galeen dhismaha. Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga, C/casiis Cali Ibraahim, wuxuu sheegay in ilaalada laanqayrta cas ay ku lug lahaayeen, ka dib markii shaqaalaha maxalliga ay sheegeen in ragga dableyda ah ay si fudud Nientiet ugala baxeen dhinaca dambe, oo ay ku riteen gaari sugayey. Haddaba wxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa afar arrimood oo ku saabsan afduubkaasi. Afduubkii ugu horreeyey sanado badan Markii ugu dambaysay ee dad u dhashay waddamada galbeedka u dhashay lagu afduubto waxay ahayd 2009, markaasoo laba nin oo u dhashay waddanka Faransiiska lagala baxay Hotel ku yaalla bartamaha magaalada. Waxay dawladda Soomaaliya ka caawinayeen dhinaca amniga iyo ciidamada, waxayna markii dambe gacanta u galeen Al Shabaab. ICRC xalane xarun uma ahan Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Muqdisho ama xafiisyada ku leh, waxay intooda badan ama gabigood ka hawl galaan gudaha xerada Xalane iyo garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde. Hay’adda Laanqayrta cas kama mid aha hay’adahaas, waxayna xafiis ku leeyihiin magaalada gudaheeda. Shaqaalaha maxalliga iyo kuwa caalamiga waxay labadaba ku shaqeeyaan xafiiskaas, walow tirada shaqaalaha ajnabiga ah ee xafiiska jooga ay aad uga yar yihiin kuwa maxalliga. Dowladdu waxay aaminsan tahay in mid ka mid ah ilaalada xarunta ICRC ee Muqdisho uu ka dambeeyay afduubkan Sonja Nientiet waxaa afduubtay ilaaladeeda. ICRC iyo dawladda Soomaaliyaba waxay xaqiijiyeen in ilaalaada hay’adda ay ka dambeeyeen afduubka gabadhaas kalkaalisada ah. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay xabsiga dhigtay ilaaladii shaqada ku jirtay xilligii uu afduubku dhacay, ayna wadaan baaritaan iyo qorshe ay doonayaan inay ku soo furtaan kalkaalisada. Weerarkii labaad ee shaqaale ICRC lagu qaaday dhawaan Afduubka gabadhan kalkaalisada ah ayaa noqonaya weerarkii labaad ee loo gaysto shaqaale u shaqeeya laanqayrta cas . Cabdulxaafid Yuusuf Ibraahim oo ahaa muwaadin Soomaali ah oo mudo 5 bilood oo kaliya ah u shaqaynayey hay’adda ayaa 25 Maarso geeriyooday, ka dib markii qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu a baxayey xafiiska ICRC. BBC
-
Hargeysa (PP) ─ Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee ka dhisan Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi [Cirro] ayaa sheegay in saldhigga ay Dowladdda Imaaraadku ka furanayso magaalada Berbera oo dhali karo cawaaqib aa u fool xun. C/raxmaan Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saldhiggaas uu u keeni karo Somaliland khatar weyn, isagoo intaas ku daray inuu noqon karo xabsiyada ugu xun caalamka. Sidoo kale, Wuxuu carrabka ku dhuftay in taas ay dhibaato badan ku tahay Shacabka ku nool deegaanada Somaliland, maadaama ay horay warbixin ka dhan saldhiggaan u soo saartay kooxda Xuuthiyiinta ee waddanka Yemen ka dagaalanta. Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga Waddani wuxuu tilmaamay in shirkadda lagu wareejiyay dekedda Berbear ay caqabad weyn ku noqoty shaqaalaha ka hawl-gala dekeddaas, isla markaana ay ciriiri gelisay lacagaha xilligaan ku shaqeeyaan. Shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Imaaraadka oo sanadkii hore heshiis ay kula wareegayso Dekeda Berbera la gashay Somaliland ayaa haatan si rasmi ah u la wareegtay maamulka Dekeddaas. Ugu dambeyn heshiiskan oo ahaa saddex geesood ayaa horey waxaa u wada gaaray Shirkada DP WORLD, Somaliland iyo Dowladda Itoobiy, waxayna DP WORLD maal-gashiga Dekedda Berbera ku leedahay saami dhan 51%. PUNTLAND POST The post C/RAXMAAN CIRRO: Cawaaqib xun ayaa laga dhaxlayaa Saldhigga Imaaraadka ee Berbera appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa maanta xariga laga jaray xaruunta Wasaaradda Warfaafnta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xaig jarka waxa ka soo qeyb galay mas,uuliyiinta ugu sareysa maamuka koonfur galbeed oo uu ugu horeeyey maxadweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Wasiirka Warfaafinta iyo agaasimihiisa, xubno ka tirsan Golaha Shacabka Koonfur Galbeed, Odayaal dhaqameedyo iyo xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka. Mas’uuliyintii meesha ka hadashay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uu goobta ka sheegay muhiimada ay leedahay xaruuntan Wasarada warfaafina oo uu ku tilmaamay in ay tahay Golihii nabadda lagana doonaya in ay ka qeybqaadato in dalkaan nabad lagu soo celiyo. Waxa kalo goobtaasi ka hadlay wasiirka Amniga koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaano Eelaay, waxa u dhankiisa amaan usoo jeediyey cidii suura galisay dhismaha xaruuntan Wasaaradda warfaafinfa KGS isagoona xusay in ay baahi u qabeen wasaarad warfaafin sababtuna uu ku sheegay in ay ahay isha kaliyah ee isku xiri kara iska war qabka shacabka iyo mas,uuliyiinta Koofur Galbeed. Waxaa kaloo goobtaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta KGS Xasan Cabdi Maxamed waxa uu kaga warbixiyey madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan dadaalkii ay u galeen dhismaha xaruunta wasaaradda Warfaafina KGS, Arinta xiisaha leh ee uu ka hadlay wasiirka warfaafinta ayaa waxa ay ahayd isagoo la hadlay madaxweyne shariif xasan. ” Mudane madaxweyne tan iyo markii aad ii magacawaday xilkaan wasaaradda Warfaafinta waxa an orod dheer u galay in ay dowlada Koonfur Galbeed hesho Wasaarad Warfaafineed oo aan aaminsanahay in ay jirto baahi loo qabo waana ku guulasaney waa tan maanta aad adiga noo xarig jareyso, waxaa kaloo aan kuu sheegayaa mudane madxweyne xilku waa meerto wasiirkii ibadalaa waxa uu heli doonaa goob diyaarsan waayo xaruntaan ma aha xarun aan aniga leeyahay waa xarun ay leeyihiin shacabka Soomaliyed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed”. ” Ugu danbeyn mudane Madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa in aad nagala shaqeyso Horumarka Wasaaradda warfaafinta KGS”. Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu si weyn u soo dhaweeyey dhismahaan cusub ee wasaaradda warfaafina, isagoona xusay in Koonfur Galbeed ay Maanta heshay wasaaraddii ugu muhiimsaneyd, sababta uu muhiim ugu tilmaamayna uu ku sheegay in ay tahay meeshii lagu kala war qaadan lahaa in ay tahay. ” Waxaan aan ku celinayaa wasaaradan waa inoo muhiim sababtoo ah buu yiri Shariif Xasan war helaa talo hela waxaa kaloo tusaale usoo qaatay in ay galayaan shirka golaha wasiirada hadaan la sheegin micnaheedu waa wax kama jiraan kulankeena waayo anagaa qol ku wada hadalnay shacabkiina nama oga laakiin wasaaradda Warfaafina waxa ay awood u leedahay in ay daqiiqad warkeena ku gaarsiiso kumaan kun oo qof” . Ugu danbeyn madaxweynaha aya xariga ka jaray xaruunta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed isagoona qeyb qeyb u booqday xaruunta ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafinta KGS.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeenii hore ku sheegnayba waxaa socda qorsho ay Xukuumada Somalia ku buuxineyso Kuraasta ka banaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia. Qorshaha lagu buuxinaayo kuraasta banaan ayaa la sheegayaa inuu dhaqan gali doono gudaha bishaan waa haddii aanu dhicin dib u dhac ka imaada dhanka Ra’isul wasaaraha. Warar hoose aanu helnay ayaa muujinaaya in Kuraasta banaan ay buuxin doonaan shaqsiyaad ka tirsan baarlamaanka Somalia, gaar ahaan Xildhibaanadii ka shaqeeyay dhicitaanka Guddoomiyihii hore ee BFS Jawaari. Xildhibaanada kasoo dhexmuuqan doona Xukuumada la dhameystiraayo kuraasteeda ayaa iminkaba gudbinaaya araajidooda, si ay u maraan fadhiga xulashada. Sidoo kale, qorshaha muuqda ayaa waxaa kamid ah in Wasiirada qaar ay weyn doonaan xilalkooda, kuwaa oo ay bedeli doonaan Wasiiro kale oo garab u ah dowlada iminka jirta. Wasiirada laga cabsi qabo inay weyn doonaan xilkooda ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kiisas badan lagu heysto. Isbedelka la filaayo in lagu sameeyo Xukuumada Somalia ayaa waxaa dhowr jeer baajiyay culeysyo Xukuumada Somalia kasoo foodsaartay dhanka baarlamaanka Somalia oo iminka ay hanatay isla Xukuumada, kadib is casilaada Guddoomiyihii hore Jawaari. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Xukuumada imaan doonta ay ka dhexmuuqan doonaan Xildhibaano dhowr ah oo kaalin weyn ku lahaa riditaanka Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Over 630,000 people have been affected by floods after Shabelle and Jubba rivers breached their banks, UN said. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI (HOL) - UN expert has called an end to the use of minors in armed conflict in the Horn Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay. Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda. PUNTLAND POST The post RW Kheyre oo Soo Xiray Shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubno ka tirsan maamulkiisa. Abiy Ahmed iyo Axmed Madoobe oo kulankooda uu qaatay muddo kabadan Saacad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Dastuurka Aadan Aw Xirsi. Ra’isul wasaare Abiy Ahmed iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriir hoosaadka Ethiopia kala dhexeeya Jubbaland, Qoondada ay Ethiopia ku leedahay Heshiiska Dekkada Berbera, Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka,Dib u habeen lagu sameynaayo Dastuurka Jubbaland iyo Tababaro la sheegay in Ethiopia ay siineyso ciidamada Jubbaland. Abiy Ahmed, ayaa Axmed Madoobe su’aalo badan ka weydiiyay dhammaan qodobada kor ku xusan, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia ay xoojin doonto xiriirka kala dhexeeya Jubbaland. Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe u ballanqaaday inay is garabtaagayaan, isla markaana ay kordhin doonaan Heshiisyada dhacay. Abiy Ahmed, waxa uu Madoobe usoo bandhigay ka qeybqaadashada xal u raadinta khilaafka ka dhashay Heshiiska Dekadda Barbera ee u dhexeeya Imaaraadka, Ethiopia iyo Somaliland, isla markaana kasoo horjeedo dowlada Somalia. Abiy Ahmed, waxa uu Madoobe u cadeeyay inay siin doonaan mudnaan gaara haddii uu ku baxo xalinta qodobka ay ka shakisan tahay dowlada Somalia ee khuseeya Dekadda Berbera, maadaama uu arrinku yahay mid ay wax ka qaban la’yihiin dowladaha carbeed. Axmed Madoobe, ayaa soo dhaweeyay dalabaadka kaga imaaday Abiy Ahmed, waxa uuna ballanqaaday inuu bixin doono juhdi ku saleysan sida ay dowlada Somalia ku hakin laheyd is hortaaga Heshiiska Dekadda Berbera. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboled oo la kulma Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed, waxaana sidoo kale la sugayaa in C/weli Gaas uu gaaro Addis Ababa. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia oo qeyb ka ah Heshiiska Berbera ee la hakiyay ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sida ay dowlada Federaalka Somalia uga horgeyn laheyd Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta oo ku beegan 5-May ayaa waxaa Guud ahaan Ardayda Fasalka ugu dambeeysa ee dugsiga sare waxa ay u fadhiisanayaan Imtixaankii ugu dambeeyay. Ardayda ayaa sidoo kale galaya imtixaanka Dowlada Soomaaliya oo ay qaadeeyso wasaarada waxbarashada Soomaaliya. Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada ayeey si toos ah uga furmi doonaan maanta qaadista imtixaanada. Ardayda Magaalada Baled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaanan maanta galeeynin imtixaankaasi. Gudoomiyaha Waxbarashada Baledweyne Axmed Dhaqane Cali oo la hadlay Warbaahinta Gudaha Baledweyne ayaa sheegay in imtixaanku aysan u fadhiisan doonin Ardayda Baledweyne. Goobihii waxbarashada Baledweyne ayaa waxaa saameeyn ku yeeshay fatahaada wabiga oo biyo badan ku soo rogay magaaladaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo maanta loo fadhiisanayo iyo Reer Baled-weyne oo aan Galeeynin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Wadani ee maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland ay xiligaani marti galin doonto khatar kaga imaaneysa dhanka Saldhiga Berbera. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay inay suuragal tahay in Somaliland ay sababsato dhismaha iyo shaqo galinta Saldhiga Berbera, waxa uuna qiray in Saldhiga uu halis muuqda ku yahay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in Somaliland laga doonaayo inay is weydiiyaan tan u roon dhaqaale Imaaraad iyo shacabkeeda, waxa uuna tusaale usoo qaatay go’aankii dhawaan uu Anwar Qarqaash isaga fogeeyay Somaliland. ‘’Maamulka hadda haya talada waxaa laga doonayaa inaanu fiirin dhaqaale oo ay fiiriyaan dhibta kusoo fool leh Somaliland, anigu waxaa ii muuqaneysa Somaliland oo lagu sii hogaaminaayo boholo mugdi ah, imaaraadkuna waxa uu eegan doonaa maslaxadiisa’’ Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu tilmaamay in adduunka oo idil laga hadal hayo Saldhiga Berbera, sidaa aawgeed ay wanaagsanaan laheyd in gabi ahaan meesha laga saaro arrinta Saldhiga. ‘’Saldhiga Berbera murankiisa ayaa nagu batay waxaan filayaa inuu noqon doono Xabsiga ugu cadaabta xun dunida, waayo intiisa badan waxaa laga dhigayaa Xabsiyo’’ Sidoo kale, Cirro, waxa uu ku baaqay in maamulka Muuse Bixi uu ka fiirsado ficilada kaga imaan doona Heshiiska Saldhiga Berbera. Haddalka Cirro, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Imaaraadka ay dhawaan inkirtay inay xiriir la leedahay maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in saakay fal geeystay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaaladaasi. Falkaan ayaa dhacay kadib markii ciidamada Soomaaliland saaka ay dad rayid ah ka rarayeen xaafada Qurac dheer ay dadkii ka dhaga adeegeen. Ciidamada ayaa dadkaasi u adeegsaday rasaas nool nool in ay ku rideen waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac. Hal qof oo rayid ah ayaa geeriyooday ugu yaraan 2 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaastaasi. Ciidamada ayaa dadka si awood ah uga raraya xaafadaasi oo daadad dad badan ay kal hore ku qaadeen xaafadaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Soomaaliland oo Dad Rayid ah Dil iyo Dhaawac ugu geeystay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Thursday is graduation day at the University of Utah, and one of the student commencement speakers has quite the story: just five years ago she was in a refugee camp in Ethiopia. Hodan Abdi says her family arrived at the camp in 2008 after fleeing their home country of Somalia. In the refugee camp, she would wake up at 2 a.m. to study by candlelight, since she spent the day cooking and cleaning and helping take care of her family. “Day to day, you worry about where you are going to get water. When we first woke up, we had to travel (a) very long distance to get water from the reservoir. Getting water every day takes up a lot of time. Also getting charcoal, because we used charcoal to cook food. There was no stove,” said Abdi. “I have (the) motivation to work hard because I have a lot of friends who do not have a chance to go to school or do what they want to,” said Abdi. They were relocated to Utah in 2013. Abdi says it was overwhelming as they learned how to navigate the roads and so many other things. She enrolled in Salt Lake Community College before transferring to the U. But she did a lot of that alone. “When we first came here, my family moved to Minnesota after six months, so I was alone here. I was really lost,” she said, becoming emotional. “But now I know. I learned a lot, and got a lot of experience.” Abdi says she loved her chemistry and biology classes at the University of Utah and is grateful for the professors who helped her along the way. She has been accepted to medical school in Minnesota in the fall. She says she wants to work as a doctor in a refugee camp, and help others like her sister, whose baby died because of the poor medical care there. “My biggest inspiration comes from living in a refugee camp, where there was only one doctor for 10,000 people,” Abdi said. “There were so many people who would get sick and die from preventable diseases. I want to do something to help those people. I have all the opportunities I need here, so, why not?” The University of Utah asked her to be one of the commencement speakers after hearing her story. But Abdi says she is not the only one with challenges. “Here in the U.S. even, life is hard. I have my friends who struggle with school, and they have their own struggles. I feel like we have our own struggles, wherever we are.” Abdi says there were also challenges with being a woman seeking education, saying nearly 80 percent of her high school classmates were male, as most women her age got married and had children instead of pursuing school. “My mother always encouraged me to go to school and study because she didn’t have the opportunity to go,” Abdi said. “She always said education was my way out — my future. So, I’m not just doing this for myself. I’m doing it for people like my mother, my community and friends who didn’t get the chance to go to school. I want to do better for all of them.” “My life is so different than it was in the refugee camp,” she said. “There, you are trying to survive. Here, you get the opportunity to make your life better. Having access to education is like being rich.” Source: – KSL
-
NAIROBI, Kenya – At least four people were killed on Thursday night, in Mandera, in what authorities blamed on Al Shabaab. The four were attacked in Shimbir Fatuma area, a remote location in Mandera town bordering Somalia, according to police and local authorities. “They were killed at the quarry during the attack and we are pursuing the attackers,” Mohamud Saleh, North Eastern Regional Commander said. National Police Spokesman Charles Owino too confirmed the killings, and placed the toll at 4. “The four who were killed were businessmen who were located at the quarry and when the locals got wind of an imminent attack, they opted to remain in the area,” he said. A senior police officer on the ground who spoke on condition of anonymity said all those at the quarry were non locals. “The attack was targeting non locals and all those who died are not from here,” he said, “it is a similar attack those in the past when quarry workers were targeted.” He said police there had been reports of the attacks for the past week, “There was word around about an impending attack but no one knew exactly where. Security was beefed up but it is unfortunate they still managed to penetrate.” He said 33 others were rescued following the incident. A major security operation comprising the Kenya Defence Forces, Regular Police and police reservists were Friday morning deployed there to search for the attackes, believed to have escaped to Somalia. Source: – CAPITALNEWS
-
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Shirkaan uu soo xiray Ra’isul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay. Ra’isul wasaare Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Shirkaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu kaga mahadcelinaayo dadaalladda ay muujisay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya. Kheyre waxaa uu Ganacsatadda dalka Turkiga uu ka codsaday in ay Soomaaliya maalgashi ay ku sameeyaan. Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Xayir Maareeye. Ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan Hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda. Xiritaanka shirka kadib Ra’iisul wasaaruhu wuxuu wakhti la qaatay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalkan Turkey isagoo markii dambe usoo amba-baxay Soomaaliya.