Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas ayaa sharaxaad ka bixiyy hadal dad badani ay fahankiisa siyaabo kala gedisan u fasirteen, kaas oo ahaa “Soomaaliya Muqdisho Maaha, Muqdishona Soomaaliya Mahaa”. Gaas oo hadalkaas sharxaya ayaa waxa uu yiri: “Hadalkaas micnehiisu waxaa weeye Soomaaliyo dhan Muqdisho kaliya maaha Muqdisho kaligeedna Soomaaliya oo dhan maaha, micnaha kusii jiraana waxaa uu yahay dalku waa balaaranyahay, Federaal weeye, wax kastoo deeq caalamiya oo yimaada haday tahay gaadiid baa imanaya, dhaqaale baa imaanaaya, horumar baa imaanaya, mashaariic baa imaanaysa, hadii la yiraado markaas wax-walba Muqdisho ayaa leh, ummadda Soomaaliyeed sidii la iskugu hayn lahaa dhib ayeey noqoneysaa.” Waxa uu intaas ku daray “Waxaa loo baahan yahay dalka dhammaantii in loo adeego oo aan lagu mashquulin caasimada oo kaliya, habkan ah hal caasimad, hal degmo, hal gobol, waxyaalihii dalku uu ku bur-burey bay kamid tahay, waxaa weeye markaa in lafahmo dalka inuu fedraal yahay masuuliyadana la wadaago, maamulkana la wadaago, awoodana la wadaago intaas un weeye ujeedada aan kalahaa hadalkayga, intaasna waa in la fahmaa,” Gaas ayaa inta badan dhaliila kana soo horjeeda horumarka caasimadda Soomaaliya, isaga oo u arka mid ay beel gaar ah ku faa’iideyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Hooyga Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ay buux dhaafiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha. Xildhibaanada qaar ayaa lasoo sheegayaa inay saldhigteen Hooyga Guddoomiyaha, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ee Xildhibaanada ku khasbeysa inay is uruursadaan. Xildhibaanadan ayaa u badan garabka guusha usoo hoyiyey Guddoomiye Mursal, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Guddoomiyaha uu latashiyo la sameynaayo Xildhibaanada. Xildhibaanadan ayaa u muuqanaaya kuwo shaqooyinka ka hor istaagaya Guddoomiye Mursi oo ay horyaalan shaqooyin badan, wallow uu ku jiro xiliga diyaar garowga. Sidoo kale, Xildhibaanada ugu badan ayaa la xaqiijiyay inay damaacinayaan in loo magacaabo guddiyada uu ka kooban yahay baarlamaanka si ay safafka hore uga noqdaan baarlamaanka. Xildhibaanada hogaamiya Guddiyada baarlamaanka ayaa ah kuwa ugu miisaanka badan marka la’eego howlaha baarlamaanka, waxa ayna taa xiisa galineysaa garabka soo saaray Guddoomiye Mursal. Docda kale, Guddoomiye Mursal ayaa ku guda jira xiliga la tashiga, hase ahaatee waxa ay arrintu tahay mid u muuqaneysa inuu jiro is xulafeysi hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xiliyada habbeenkii magaalada Muqdisho lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo lagu soo daadiyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo ay horkacayaan Saraakiil labisan ayaa baaritaano kula dhaqaaqa dhammaan gaadiidka, gaar ahaan kuwa aan taabacsaneyn dowlada ee laga shakiyo. Ciidamada ugu badan ayaa lagu daadiyay wadada Makka Al-Mukarama oo ay ku badan yihiin Madaxda iyo shaqaalaha dowlada, waxaana xiliyada qaar arkeysaa Saraakiil caan ah oo dhex socda laamiyada dhexdooda kuwaa oo ku guda jira xiliga ay Saraakiishu u taqaan ‘’gaafmeerka’’. Ciidamo kale oo ka tirsan Koofi cas ayaa lagu kordhiyay kuwa ilaalada ka haya Xarunta Villa Somalia, gaar ahaan afafka hore sida Sayidka iyo Hooyooyinka, kuwaa oo qaba dareen feejignaan. Hay’adaha amaanka ayaa sidoo kale xiray dhammaan waddooyinka laga soo gala magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah wadada Warshadaha, waxaana aad u adag in gaadiidka raaxada iyo kuwa shacabka ay si sahlan kusoo galaan magaalada. Guud ahaan amniga magaalada Muqdisho ayaa h mid degan, waxa ayna dowlada Federaalka xooga saareysaa ka hortaga Qaraxyada, hase ahaatee waxaa sii xoogeysanaaya dilalka oo inta badan dhaca xiliyada ay maleeshiyada u suuroobi weydo Qaraxyada. Docda kale, dowlada ayaa adkeynta amniga ku sheegtay mid looga gaashamanaayo falalka amni darro, maadaama ay fooda nagu soo heyso bisha ramadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah nabadoonnada iyo dadka ka soo jeeda deegannada maamulka Jubbaland oo ay ku midaysanyihiin inta badan beelaha Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Axmed Madoobe in shirarka uu u aado dalka dibadiisa uu u kaxeeyo dad ay isku heeb yihiin oo kaliya, halka laga tago dadkii mudnaa in safaradda dibadda loo kaxeeyo Arrintan ayaa timid xilli madaxweynaha Jubballand Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu dhowaan magaalada Addis Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyadoo uu horay u sii kaxaystay wasiirka dastuurka ee maamulkiisa Aw-xirsi iyo Maxamed Wasame Faarax (Darwiish) Wasiirka arrimaha gudaha ee Jubbaland. Heshiisyada u degsan maamulka Jubbaland waxaa kamid ah in qabaa’ilada dega ay noqdaan kuwo u siman ka hadalka arrimaha masiiriga ee Jubbaland. Dad badan waxay sheegaan in wafdiga uu horkacaayo Axmed Madoobe uusan shirarka dibadda kala qebgelin madaxweyne ku xigeenkiisa C/qaadir Lugo-dheere iyo guddoomiyaha baarlamanka Jubbaland, iyadoo maamullada Hoggaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland la xusay in shirarka ugu badan ee ay u aadaan Addis Ababa ay u kala dhuuntaan. Waxgardka Jubaland ayaa ugu baaqay madaxweyne Axmed Madoobe in uu caddaalad ka sameeyo xulashada wafuudda u raacaysa safarrada bannaanka.
  5. Shiinaha ayaa beeniyay in ciidankiisa jooga saldhigga uu ku leeyahay Djibouti ay ileyska laysarka ku shiisheen diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee isicmaalla saldhigga Maraykanka ee Djibouti. Leysarradani waxaa loo adeegsadaa sidii loogu cawari lahaa indhaha dadka la rabo in la bartilmaameedsado muddo kooban. Pentagon-ka ayaa sheegay in qof ku sugnaa meel u dhaw saldhiga milatari ee uu Shiinaha ku leeyahay Djibouti uu adeegsaday leysaro si uu u carqaladeeyo diyaaradaha milatari ee Mareykanka. Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in diyaaradahani ay si nabad ah u caga-dhigteen saldhiga Lemonnier ee dalka Djibouti, balse waxaa dhaawacyo fududi soo gaareen laba askari. Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa tiri “kaddib markii aan si adag u hubinnay, waxaan u sheegnay dhinaca Mareykanka in ay dhabt ahaantii ay been tahay waxa ay nagu eedeeyeen” Mareykanka ayaa waxaa dalka Djibouti ee bariga Africa ka jooga ciidamo gaaraya 4,000 oo askari, iyagoo halkaasi ka fuliya howlgallada la dagaalanka argagxisiada ee Qaarada Africa. Saldhigaasi Mareykanka waxaa Dhowr kilo-mitir u jira saldhiga ay milatariga Shiinaha ku leeyihiin Djiboutii. Dowlada Beijing waxay sheegtay in halkaasi ay u joogaan danaha Shiinaha ee Caalamka iyo howlo dhinaca nabad-ilaalita ah. Murankan dhinaca millatari ee labada waddan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo Mareykanka uu aad u xumaaday, kadib marki ay labada dal isugu jawaabeen canshuur kordhin dhinaca badeecadaha ay isu dhoofiyaan. VOA
  6. On March 4, a former Russian double agent Sergei Skripal, 66, and his daughter, Yulia, were discovered unconscious slumped on a shopping centre bench in the British city of Salisbury. They had apparently been poisoned with Novichok, a nerve agent developed by the Soviet Union between 1971 and 1980s as part of its attempts to have a chemical weapons arsenal. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - Five family members are dead in Mogadishu after a shocking quadruple murder-suicide on Saturday that has left investigators and neighbours stunned. Source: Hiiraan Online
  8. Brig Paul L’Okech, the commander of the Ugandan contingent in Somalia says the Somali army isn’t ready yet to take over. Photo: Nicholas Bamulanzeki A UN security council resolution requiring the African Union Mission in Somalia (AMISOM) to withdraw by 2021 is causing a lot of debate among the AMISOM commanders in regard to the preparedness of the Somali National Army (SNA) to take on the challenge. AMISOM started downsizing its troops last year, reducing the numbers from 22,000 to 21,000. Each of the troop contributing country reduced its presence by at least 250 soldiers according to Col Richard Omwega, the AMISOM force spokesman. Omwega belongs to the Kenya Defence Forces. “After 10 years of presence, the UN wants us to power to the Somali National Army but the transition is condition based; that as we move, there must be a stable and secure country,” Omwega said. According to the withdraw plan, another 1,000 troops will be withdrawn in October this year which comes with a closure of a forward operating base (FOB) for each of the troop contributing countries. Besides Uganda and Kenya, AMISOM has troops from Burundi, Ethiopia and Djibouti. The big debate among the AMISOM commanders is whether the UN wish is achievable within three years. “The transition must be shaped in such a way that the SNA is well trained and prepared. They are well trained but not well prepared to take over the challenge,” said Brig Paul L’Okech, the commander of the Ugandan contingent in Somalia. “It needs to be well handled otherwise we may go back to square one,” he added. SNA TRAINING Currently, there are 75 SNA cadet officers undergoing training in Uganda. These will join an earlier force of 4,000 SNA officers who were trained by Uganda. Turkey is training another force of about 1,000, the United Arab Emirates (UAE) trained about 500 troops plus some more being trained separately by the US and European Union. “Getting fighters is easy but how do you maintain them? Somalia for a quite a long time didn’t have an army, we are trying to build one but we need to put a lot of effort in training, re-organisation and preparation,” L’Okech said. AMISOM is also selling to the Somali government the idea of an LDU-like force to manage security in the villages. This has led to the incorporation of clan militias into the security system although the peacekeepers have to deal with the challenge of underage warriors. “AMISOM mandate is to support the government; we can’t interfere with local arrangement, we can only advise them not to arm young boys below 18 years,” said Col Bonny Bamwiseki, the brigade commander of the UPDF force based at Ceeljalle in Lower Shebelle region. AMISOM created by the African Union’s Peace and Security Council of January 2007 with an initial six-month mandate. This mandate has since been extended to date with the United Nations giving the troop contributing nations up to 2021 to withdraw. Source: – The Observer
  9. ADDIS ABABA, May 4 (Xinhua) — Ethiopian Prime Minister’s recent rounds of talks with various groups of the Ethiopian society have brought effective mutual understanding and unity among Ethiopians, according to the Ethiopian Minister of Government Communications Affairs Office, Ahmed Shide. Shide, speaking about Prime Minister Abiy Ahmed’s first 30 days in office, said Friday that Ahmed’s discussions with Ethiopian communities have assured citizens regarding his new administration’s plan towards the country’s unity and development. According to Shide, the premier over the past one month has listened to the preoccupations and demands of the public, which in turn created mutual understanding between the government and the public regarding what actions to be done in the near future so as to sustain peace, security and unity in the country. Prime Minister Ahmed, who was appointed by the Ethiopian House of People’s Representatives, Ethiopian parliament’s lower house, has been touring the East African country, urging the various groups of the society for patience to bring about the desired changes. Ahmed in his first trip outside the capital Addis Ababa went to the conflict-hit Somali regional state, followed by a meeting with residents of Ambo town in Ethiopia’s largest Oromia regional state, a town that has been a hotbed of protests for the past few years. He had also hosted a dinner reception for the country’s opposition leaders, in which he promised to widen the democratic space as well as to work with opposition figures so as to bring better socioeconomic conditions for Ethiopia – a country that was rocked by incessant unrests and mass anti-government demonstrations since the second half of 2016. Ahmed had also met with some 25,000 representatives of the Ethiopian community and the diplomatic community in the capital. Source: Xinhua
  10. It’s not difficult to empathise with failed asylum seekers. The usual story is as follows: flee your home country and put yourself in the hands of people traffickers, risking your life to travel thousands of miles – only to find your plea for asylum falling on deaf ears. Then, after becoming the unwitting star of a government PR drive to appear tough on immigration, you’re either detained indefinitely or put on the next flight back to wherever it is you spent so much time and effort fleeing. Now imagine all that, but with the threat of being deported to a country that you don’t even come from. This miserable chain of events is what’s happening to the hundred or so Bajunis currently seeking asylum in the UK. Hailing from islands off the coast of southern Somalia, they spent the majority of their time in their home country fishing, and the rest of it being the victims of tribal persecution and threats from the militant Islamist group Al-Shabaab. Having sought asylum in the UK, the Bajunis are facing possible deportation to Kenya and Tanzania – countries where they have no heritage or current familial links. This is because the Home Office is refusing to acknowledge the Bajunis’ Somali identity, thanks to the results of Language Testing for the Determination of Origin (LADO) tests – a type of “forensic linguistics” designed to assess the validity of nationality claims. The Bajunis I spoke to told me that these decisions were made on the basis of their interviews with language analysts, and claimed that they had to speak mainland Swahili, rather than their mother tongue of Kibajuni. The Unity Centre in Glasgow, a charity that has assisted the Bajunis with their asylum claims, alleges that the Home Office’s LADO reports have dismissed official academic guidelines and independent expert findings. They argue that political decisions are being made through the use of evidence from Sprakab, the Swedish company that conducts the reports. The centre believes that this is far from a bureaucratic mistake, and instead a way of getting around the legal barriers – under EU human rights law – involved in sending people back to war-torn Somalia. Essentially, it would seem that the Home Office wants rid of the Bajuni refugees, and – unable to deport them back to their home country – are making selective use of Sprakab analysis in order to send them elsewhere. According to Jasmin Sallis, one of the centre’s organisers, “It is a deliberate tactic. It is no coincidence that the Home Office insists these Somali Bajunis are from countries with no barriers to deportation. Lack of objective knowledge of the Bajuni Islands and differences between individuals from the mainland is a key reason the Home Office’s tactics work so well towards this minority group.” When I chased up the Home Office to ask about Sprakab and its reports, it refused to comment on individual cases, but did confirm that the company has worked for them since 2000. Sprakab also failed to comment on the questions I asked them. “It’s a huge waste of taxpayer money and resources,” said Brian Allen, who is an expert witness in the tribunal courts for Bajuni language testing. Having seen over 400 Sprakab reports, he criticised their methods, saying that obscure and misleading questions are often asked in Kenyan Swahili, rather than Kibajuni. “You have to bear in mind that the Bajuni are a remote people, and not formally educated,” he told me. “They aren’t going to answer questions [about] the names of parliamentarians or the names of mainland landmarks.” Referring to Sprakab’s testing methods, Brian said, “It’s unprofessional and intimidatory. Not only do the interviews not speak to the Bajunis in their native tongue, but a lot of the interviews were quite aggressive. “There’s a huge lack of transparency, and complete anonymity for Sprakab analysts, whom the Home Office are keen on supporting,” Allen added. “It makes it very difficult to understand how testers come to their conclusions, or the qualifications they have in the first place.” Surprisingly, Allen says that, in a rare conversation with one of the company’s managers, they told him that their reports shouldn’t be used as an authority to make asylum decisions. And it’s not just Allen who has questioned Sprakab’s practices; Alison Harvey, the legal director of the Immigration Law Practitioner’s Association, said, “Language analysis cannot tell you a person’s nationality. It is relied upon by those who prefer the comforting certainties of pseudo-science to the responsibility of exercising judgement and weighing the evidence in a particular case.” Regardless of this expert criticism, language analysis remains a vital device in deciding the future of the Bajunis, most of whom are currently on limited support on the condition that they are making preparations to deport themselves. Nineteen-year-old Abdul Rahman, who left the islands after losing his uncle, told me that, despite attempts to prove his Somali origin, the Home Office still expects him to go to Kenya. When I asked about the testing, he told me the Sprakab analyst didn’t speak Kibajuni to him, but the Kenyan dialect Swahili, while the questions asked were so vague that it proved “[the analyst] knew nothing about Somalia”. He added, “They try to trick you into telling them the answers they want to hear.” Like a number of other Bajunis, Abdul receives a very small allowance each week to spend on necessities, putting him in a better situation than the few who refused to accept voluntary deportation and have been left to rely on the help of charities and refugee organisations. Difficult as life in the UK is for the Bajunis, accepting deportation isn’t really an option, considering – as I was told – they are regularly subjected to beatings and lootings by gangs, and in some cases even rapes and murders. Mohammed (a pseudonym), one of the Bajunis I interviewed, left the islands in 2006 after his family “couldn’t take it any more”, first seeking refuge in Kenya, before eventually coming to the UK. “They killed most of my family while they slept, and we used to hear rumours that they terrorised other island communities, too,” he said. “I wanted to stay in my home for as long as possible, but we didn’t have any guns or real weapons. I had no other choice but to leave.” He said of his time in Kenya, “Those who went to Kenyan refugee camps were ignored most of the time – given little food and water, too. They didn’t like us at all, and would only give orders in Swahili – a language that the refugees had no knowledge of. They had to learn it to survive.” Unfortunately for the Bajunis who made it here, the UK has only been a little more hospitable. But in spite of all the difficulties, The Unity Centre’s Bajuni Campaign remains optimistic. According to Jasmin, “As the campaign has gained an online presence, contact by other Bajunis also facing disputed nationalities in Germany, The Netherlands and the Republic of Ireland has been made. The desirable outcomes are very basic: the right to work, and the right to be recognised as Somalian.” Source: Vige
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ruux hubeysnaa uu magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku dilay Afar ruux oo ehel ah. Ruuxaani ayaa dilka ka dhex geystay degmadda Wadajir ah ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaaano sifeeynta badroolka oo ku taalla duleedka degmada wadajir. Ruuxaani ayaa marka hore dilay Xaaskiisa, waxa uuna intaa kadib dilay 3 qof oo kale, isagoo isku dayay in isla goobta uu ku dilo dad kusoo baxay qeylada ayaa waxaa suuragashay in dadkaasi ay ka baxsadaan dilaaga. Dilaaga ayaa intaa kadib isla goobta isku dilay kadib markii ay soo gaaren ciidamo ka tirsan dowlada oo doonaayay inay gacanta ku dhigaan. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ninka dilka geystay uu maalinimadii shalay soo iibsaday qoriga noociisa loo yaqaano AK 47, kaa oo uu dilka ku fuliyay. Waxa ay dadka deegaanka ku sheegen magaca ruuxa dadka Cabdul qaadir Caddaan, waxaana dadka uu dilay lagu kala magacaabaa:- 1-Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis. 2-C/llaahi Maxamed Yalaxow. 3-Maxamed Tuur-yare oo ay Ilmo Adeer ahaayeen 4- Xaliimo Xuseen Cali Kowshe oo xaaskiisa aheyd. Sidoo kale, maamulka degmada Wadajir ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, waxa ayna sheegen inay wadaan baaritaan ku aadan qaabka uu u dhacay dilka iyo waxa sababay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa waayadan magaalada Muqdisho kusoo badanaayay Ragga dila xaasaskooda taa oo la tilmaamay inay ka dhalato duruufo soo wajaha ragga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Magaalada Muqdisho waxaa galinkii dambe ee maanta ka dhacay fal aad looga argagaxay oo ay ka naxeen dadka Magaalada Muqdisho. Falkan ayaa ah kadib markii nin hubeysan uu qosykiisa ku laayay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Ninka ayaa dilay 4 Kamid ah qoyskiisa oo kale ahaa 2 Wiil oo ay ilmo adeer ahaayeen Gabar la dhalatay iyo xaaskiisii ugu dambeeyntiina isaga ayaa is dilay. Ninkan falkaasi sameeyay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cadnaan, dadka uu laayayna waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaawo Maxamuud Cadnaan oo ah walaashiis iyo Cabdullaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuuryare iyo Allaha u naxariisto xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Xuseen Cali Kowshe ugu dambeeyntiina isaga ayaa istoogtay. Ninkaasi ayaa rasaas ku furay qosykiisa lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa in uu khaarijiyo qoyskiisa. Madax ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray guriga ay musiibadaan ka dhacday iyaga oo wada baaritaano arintaasi la xariirta. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Nin Hubeysan oo qoyskiisa ku laayay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xassan Cali Kheyre, oo ka warbixiyay safarkii Brussels iyo natiiijooyinkii kasoo baxay kulamadii uu la qaatay madaxdii kala duwaneyd iyo shirkii looga hadlayay amniga dalka. Waxuuna sheegay in ay wada galeen dhowr heshiis oo muhiim u ah dawladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub. Xasan Kheyre ayaa tilmaamay in Midawga Yurub ay kula heshiiyeen in ay ku kaalmeeyaan dawladda Soomaaliya €100 milyan oo Euro oo miisaaniyadda dalka lagu kabayo, taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda Bangiga dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale midowga Yurub ayaa balan qaaday in €80 Milyan oo Yuuro ay ku bixin doonaan qorshaha aminga iyo kala guurka ciidmada dawladda. Sidoo kale, Mudane Khayre ayaa sheegay isla ay garteen Midawga Yurub in ay dawladda Soomaaliya kala shaqeeyaan ka hortagga jaridda dhirta, dhoofinta dhuxusha sharci darada ah iyo in sannadka soo socda shir noocaan oo kale ah lagu yeesho wadanka Belgium. “Madaxdii ka soo qayb gashay shirka waxay cadeeyeen in Soomaaliya ay bilowday baal cusub oo horumarineed, taas oo ay kula jaan qaadi doonto caalamka, waxayna balan qaadeen in ay hab ka wanaagsan sidii hore ay u caawin doonaan Soomaaliyada cusub,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Spmalia ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Belgium, madaxa ugu sareeya midawga Yurub ee u qaabisan arrimaha siyaasadda dibadda, madaxda midawga Yurub u qaabishan howlaha horumarinta, kauulmeysiga iyo gar-gaarka, Safiirada midawga Yurub u qaabishan amniga iyo siyaasadda, safiirro kasoo jeeda Afrika, Caribbean-ka iyo Pacifica oo ku midoobay urur ay Soomaaliya qeyb ka tahay. PUNTLAND POST The post Ururka Midowga Yurub oo Malaayiin Doollar ugu deeqay Dowladda Federaalka Somalia appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, isla markaana ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay yeesheen guddigu oo looga hadlayay howlaha gurmadka meesha ay marayaan, sida loo sii dardar gelin karo iyo xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen. Ugu horreyn xubna kamid ah guddiga oo khamiistii tegay magaalada Beledweyne oo kamid ah deegaanada fatahaaduhu saameeyeen, ayaa waxa ay kawar bixiyeen xaaladda deegaanka ka jirta iyo gargaarka la gaarsiiyay. Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in $100,000 oo maamulka Gobalka Banaadir uu bixiyay la gaarsiiyay Beledweyne laguna wareejiyay madaxweynaha Hir-shabeelle si ay qeyb uga noqoto gargaarka lagu tabarucayo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in safiirada Qadar iyo Turkiga ee Soomaaliya oo khamiistii tegay Beledweyne ay raashin gargaar ah u qeybiyeen 5,000 oo qoys. Waxaa kaloo, Warbixin laga dhageestay guddi hoosaadka Xog-raadinta kuwaas oo sheegay in ay jiraan deegaanno hor leh oo daadadku ay saameeyeen oo ay ugu daranyihiin deegaanno ka tirsan Jubaland. Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la isla gartay in lasii laba jibbaaro dadaallada loogu gurmanayo qoysaska Soomaaliyeed ee daadadku ku dhibaateeyeen qeybo badan oo kamid ah dalka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in horay Milyan Doolar horay dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo korortay aawadeed in dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka. “Warbixinta aan helnay ayaa sheegeysa in deegaanno kale oo badan ay daadad saameeyeen, marka dawladdu waxa ay bixineysaa Nus Malyuun dheeraad ah si loogu gargaaro dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia. Ugu dambeyn, Mudane Khadar ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee wax heesta ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo Kumanaaka Ruux ee dhibaatadu kasoo gaartay daadadka. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Dhaqaale dheeraad ah ku bixineysa Gurmadka Fatahaadaha Dalka appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia, gaar ahaan Gudiga joogtada ayaa maanta kulan ay yeesheen uga arrinsaday Qorshayaasha kulamada soo foodleh. Xildhibaanada Guddiga joogtada, ayaa si qoto dheer uga dooday kulamada soo socda, waxa ayna sidoo kale warbixino kooban ku dhageysteen xaaladda murugeysan ee ka taagan magaalada beledweyn. Xildhibaanada ayaa kulanka xooga ku saaray Amniga xarunta aqalka sare oo la sheegay inuu yahay mid aad u dayacan, isla markaana u baahan in la xaqiijiyo. Xildhibaanada aadka u dhaliilay amniga ayaa waxaa kamid ahaa Sanator Axmed Nadiir oo sheegay in amniga xarunta uusan ahayn sidii loogu tallo galay. Waxa uu Sanator Axmed Nadiir, sheegay inay aad u yartahay kalsoonida uu ku qabo amniga Xarunta Aqalka Sare, sidaa aawgeed la doonaayo in la adkeeyo amniga. Sanator Nadiir ayaa intaa ku daray in muddo Hal sano iyo bar ah ay ku shaqeynayaan xarunta oo amnigeedu uusan wanaagsaneen. Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa horay usoo jeediyay in amniga xaruntooda lagu wareejiyo ciidamada AMISOM. Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in AMISOM ay aqbashay warqad ay u qoreen islamarkaana la filayo in Ciidamo ka socda AMISOM ay la wareegaan amniga Xarunta Golaha aqalka sare. Dhinaca kale, Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka ay AMISOM ku aqbaleen in lagu wareejiyo amniga Xarunta Golaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. EDMONTON — A tentative trial date has been set for a man charged with attempted murder after an Edmonton police officer was attacked. Source: Hiiraan Online
  17. ADDIS ABABA, May 4 (Xinhua) -- Ethiopian Prime Minister's recent rounds of talks with various groups of the Ethiopian society have brought effective mutual understanding and unity among Ethiopians, according to the Ethiopian Minister of Government Communications Affairs Office, Ahmed Shide. Source: Hiiraan Online
  18. The flag of the United Arab Emirates has been raised over public buildings on Yemen's pristine Socotra island. Source: Hiiraan Online
  19. Torrential rains have uprooted hundreds of thousands of people across East Africa in recent weeks, offsetting a humanitarian disaster that is threatening the lives of entire communities. Source: Hiiraan Online
  20. Wasiirka wasaaradda Aminiga qaranka dowladda Soomaaliya Mohamed abukar islow ducaale oo ka qeybgalaayey shirka caalamiga ah ee loogahadlaayey Amiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Bilguim-ka, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegidoonaan goobo muhiim ah oo ay hada ku suganyihiin Ciidamadda AMISOM ee joga Soomaaliya iyadoona qorshaas uu qeyb kayahay qorshe kumeelgaar ah oo ay dowlaadda Soomaaliya ay u soo bandhigtay besha caalmka. Wasiir islow, ayaa waxaa xuusay in Gooroonka Stadio Muqdisho oo ay hada ay daganyihiin Ciidamadda Amisom ay dhawaan la wareegidoonaan ciidanka Soomaaliyeed islamrkaana lagu wareejindoono Wasaarada dhalinyarada iyo Sports -ka Soomaaliya si looo soo ciliyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed si dhalinyarado badan ay fursad ugu helaan goob nabdoon oo ay ku cayaaraan. Maxamed Abukar islow Ducaale, waxaa uu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wassaradda gaashaanidhiga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada qaranka Soomaaliyeed taasi oo uu kutilmaamay mr isloow wax lagu farxo horeyna ay san u sameynin Madaxdii hore ee dalka Soo martay. Wasiirka Aminiga qaranka Maxamed abuukar islow ducaale ayaa waxaa uu timaay in uu guul ku soo dhamaaday howlihii shaqio ay u yimaadeen Magaalada Brussels ee Bilguim-ka islamarkaasi dowladda Soomaaliya laga aqbalay qorshihii kumeelgaarka ahaa ee ay u soo bandhitay beesha caalmka ee ku saabsanaa in la dhiso cidan qarn oo mustaqbalka dhaw Amisom kala wareegan goobaha ay Amisom ka jogaan Soomaaliya. ”waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabada” ayuu yiri wasiir Islow. Shirkaan lagu soo gaba babeeyey Magaalada Brussels ee Bilguim-ka ayaa waxaa shir gudoominaayey Ra”iisulwasaraha Jamuhiiriyada Somaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, waxaana la si la gartay in dib u habeyn buuxda lagu sameeyo ciidamada Qaranka loona diyaariyo sugidda Aminiga guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoona shirka ay goob joog ka ahaayeen ,Qm ,Midowga Africa, Midowga yurub ,turkiga ,iyo guud ahaan xubanaha deeqaha ku bixiya dalka Soomaaliya. W/D Abdullahi Taajiroow
  21. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaarin ku sameysay saldhigga ciidankii cirka Somalia ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Warbixin uu daabacay Wargeyska Vice News ayaa lagu xusay in Mareykanka uu garoonka Balli-doogle dayactir iyo dib-u-habeyn lagu sameeyay si ay diyaaradaha dagaalka ay Weerar dhanka cirka ah uga qaadaan. Sidoo kale, Warbixinta Wareyska ayaa lagu xusay in dowladda Mareykanka ay ballaarisay dhismaha garoonka ciidanka Balli-doogle, iyadoo laga dhigayo saldhig weyn, dhismayaasha ku dhax-yaalla saldhigga waxaa lagu diyaariyay in ka badan 800 oo sariirood, in ka badan 200 oo ka mid ah sariirahaas waa la dhameystiray, waxaana filayaa in sariirahaas ay jiiftaan askar iyo saraakiil Mareykan ah. Ciidamada Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Bali-idoogle uga dhigay saldhiga seddexaad ee ugu weyn ee Qaaradda Afrika ay ku leeyihiin marka laga reebo saldhigyadiisa ku yaalla Jabuuti iyo Niger. Sidoo kale, Dhismaha saldhigga Balli-doogle ayaa wuxuu socday illaa 2017kii isagoo ahaa mid Qarsoodi ah. Askari ka mid ah Soomaalida joogta Garoonka Balli-doogle ayaa u sheegay wargeyska Vice News in maalin walba ay halkaa ka duulaan kuna dagaan diyaarado dagaal, kuwaasoo dowladda Mareykanka ay leedahay. Xukuumadda Washington ayaa horay u sheegtay in ciidammo gaaray 500 ay joogaan Somalia, kuwaasoo meelaha qaar kula dirira Ururka Al-shabaab, ayna si wadayaan dagaalkaas ka dhanka ah kooxdan Al-qaacida ku xiran. Dhanka kale, Ballaarinta Garoonka Balli-doogle ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Maraykanka ay dhibaato ku qabaan Saldhigyo uu Shiinuu ku leedahay waddanka Jabuuti. Iyadoo sheegtay in ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti ay dhaawacyo indhaha ka gaarsiiyeen duuliyeyaashooda ku sugan Jabuuti, iyagoo adeegsanaya laysar, inksatoo uu shiinuhu beeniyay eedeyntaas. Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Mareyanka uu ku dhawaaqay inuu kordhinayo weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka fuliyaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo dib u dhis ku wada Saldhigii Ciidankii Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyada oo laga ambaqaadayo heshiiskii November 5, 2017 ee dhex maray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray hirgelinta qodobada 44aad iyo 54aad ee dastuurka KMG ah oo ku saabsanaa in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka wada hadlaan doorashada 2020-ka, awood iyo kheyraad qeysiga ayey dowlad goboleedyada soo magacaabeen ilaa 5 xubin. Xubnahan waxaa ay mas’uul ka noqon-doonaan sidii dowladda federaalka ah ugala hadli lahaayeen arrimahan iyo kuwa kale ee soo kordha iyo inay horay u dhaqaajiyaan dhameystiran howlaha dastuurka. Xubnaha Maamul Goboleedyada Iska Soo Saareen Ayaa Kala Ah: Cabdi Cali Raage, Hoggaamiyaha kooxda Cabdiraxmaan Warsame Cabdi, Xubin Cali Ibrahim Cali, Xubin Cabdikadir Aden Maxamud, Xubin Cabdul Maxamed Farax Makaran, Xubin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraar ka soo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey Bishii September ee Sanadkii 2017kii ayaa AMISOM lagu amray in ay isu diyaariso ka bixitaanka Soomaaliya. Intaas kaddib AMISOM waxaa ay billowday dhimista Ciidankeeda jooga Soomaaliya,waxaana ay ahaayeen 22,000 oo Askari iyada oo hadda ay gaarayaan 21,000 oo Askari. Taliyayaasha Howlgalka AMISOM ayaa sheegaya in ay ka walaacsanyihiin diyaar garoow la’aanta ka muuqata Ciidanka Soomaliya oo la doonayo in 2021ka lagu wareejiyo amniga dalkooda. Afhayeenka AMISOM,Richard Omwega ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ka walwalsanyihiin in ay meel cidlo ah uga dhaqaaqaan dadaalladii ay sameeyeen. Waxaa uu xusay in Ciidamada Soomaaliya la tababaray,waliba si wanaagsan laakiin aysan diyaar u ahayn in ay amniga kala wareegaan howlgalka AMISOM. Taliyaha ayaa yiri “ 10 sano oo aan joogno Soomaliya Qaramada Midoobay waxa ay isku dayeeysay in ay dhisto Ciidamada Xogga, basle wali waxaad umoodaa in Ciidamadu aysan gaarin halkii loo baahnaa” ayuu yiri Richar Omwega afayeenka AMISOM. Waxa uu sheegay in 75 Saraakiil Soomaali ah ay ku tababaranayaan Dalka Uganda, 4,000 oo kalena ay isla Uganda horay u tababartay,sidoo kale Dalalka Turkiga iyo Imaaraadka ayuu sheegay in ay saraakiil ciidan tababareen,kuwaas oo gaaraya 1,500 Saraakiil ah haddana aysan muuqan in Ciidamada Soomaalida loo dhiibo amniga dalka. “Waa ay fududadahay in la qorto Askar dagaallanta,laakiin waxaa adag sidii loo heysan lahaa,annaga howlgalkeenna ka mid maha in aan faragelinno arrimaha gudaha,dowladda ayey shaqadeeda tahay,waxaan kaliya ku leenahay talo”ayuu yiri Mr Omwega. Howgalka AMISOM ayaa kal hore bilaabay daabulidda Ciidamadooda iyada oo Bishii October ee sanadkii hore ee 2017-kii dalka laga saaray 1,000 Askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda,islamarkaana ka digtonaadan cid kasta oo wiiqaysa jiritaanka dowladnimada Puntland. Madaxweyne Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada,kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Garoowe,ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay ku filantahay shacabkeeda,balse haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagaysa ay u fasaxantahay. “Waxaan dadka reer Puntland kula dardaarmayaa in ay marwalba ilaashadan midnimadooda. Puntland iyadaa na hurran,iyada ayaana nagu filan,Haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagays,waxaa runtii habboonan lahayd in qofkii meel kale u hanqal-taagaya in meesha uu aadayo aado”,ayuu yiri madaxweyne Gaas. Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in Puntland ay ku filantahay dhammaan arrimaheeda gaarka ah oo aysan cidna uga baahneyn in ay ku tiirsanaato”Puntland waa isku filantahay,waana isku kalsoontahay,waana isku tashanaysaa haddii Ilaahay yiraahdo”,ayuu raaciyay madaxweyne Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas”Puntland iyadaa na hurran iyada ayaana nagu filan” appeared first on Puntland Post.
  25. Mogadishu (Caasimada Online) – Millateriga Mareykanka ayaa sii ballaarinaya howgalladooda Soomaaliya, iyadoo Ballidoogle ka dhistay Saldhiggooda seddaxaad ee ugu weyn ee ay ku leeyihiin Africa, kaasoo ay jiifan karaan 800 boqol oo askari, sida laga soo xigtay shabakadda looga dambeeyo xogaha qarsoon ee VICE News. Dhisamahaan ayaa wuxuu yahay mid qarsooni ah, waxaana tusaale wanaagsan uu u yahay qaabka soo koraya ee muranka leh ee uu Mareykanku isugu diyaarinayo dagaallada Africa. Saldhigga Ballidoogle wuxuu ka mid yahay mashaariic tusaale u ah qaabka uu Malliteriga Mareykanku horumarka uga sameynayo dagaallada Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu ugu yaraan lix saldhig oo cusub ka dhisan doono Soomaaliya sannadkaan 2018ka, sida ay VICE News u sheegeen Shirkadaha qandaraaska ka qaatay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka. Dhismaha Saldhiggaan ayaa sidoo kale muujinaya sida ay Millateriga Mareykanka uga go’an tahay dagaallada ay kaga soo horjeedaan Ururka al-Shabaab ee xiriirka la leh al Qaida. Waaxda U.S. Africa Command (AFRICOM) ayaa waxay haatan 500 oo askari ku leeyihiin Millateriga Mareykanka ee ka shaqeeya Soomaaliya, sida laga soo xigtay gabar afhayeen ah oo u hadashay. Waana tiro si aan caadi aheyn sarre ugu kacday tan iyo 2016kii, markaasoo AFRICOM ay 50 sarkaal ku lahaayeen howgalkaan. Tan iyo bishii Jannaayo 2017kii, Xooggaga Mareykanka ayaa ugu yaraan 48 weerar oo cirka ah ka geystay Soomaaliya, marka loo barbardhigo 2016kii oo ay 14 weerer ka geysteen iyo 2015kii oo ay 11 weerar ka geysteen, sida laga soo xigtay Xarunta Bureau of Investigative Journalism, oo fadhigeedu yahay London. Mareykanka ayaa haatan Saldhiggooda Seddaxaad ee ugu weyn Africa ka sameystay Soomaliya, marka xisaabta laga reebo Saldhigyadooda Djibouti iyo Niger. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com