Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. August 28, 2018 (KHARTOUM) - The head of the Sudanese intelligence and security services Salah Gosh is visiting Mogadishu for talks with his Somali counterpart. Source: Hiiraan Online
  2. Bosaso-[Puntland Post] Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa dhaliil u jeediyay maxkamadaha ku yaala magaalada Boosaaso. Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in danbiilayaasha ay soo qabtaan islamarkaan ay maxkmadaha geeyan aan la marin sharcigu waxa uu ka qabo xukun kooda, taa badalkeedana looga dhigo in magaalada lagu soo fasaxo. ”Maxkamadaha waxaanu geynaa danbiilayaal dawlada danbi ka galay, mana jirto sharci la mariyo maalinta danbana waxaanu ku argnaa danbiilihii oo suuqa maraya, waxaanu maxkamadaha ka codsanaynaa in waxaanu u keeno ay sharciga mariyaan , hadii sharciga la marin waayo danbiilayaasha ayaa badanaya” sidaas wax yiri Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Taliyaha qeybta Booliska Bari oo dhaliil u jeediyay maxkamadaha Bosaso appeared first on Puntland Post.
  3. "Tens of thousands of people who fled drought and violence are being forced from their homes again, only this time from forced evictions. Many of these families were forced to leave with little or no notice. Some have been evicted multiple times, without due process. This is unjust, and violates their rights," said Evelyn Aero, Norwegian Refugee Council (NRC) Adviser for Information, Counseling and Legal Assistance. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Kheyre wuxuu doonayaa inuu eryo xubno cusub oo ka tirsan wasiiradiisa, waxaa la sheegi jiray iney jiraan xubno saaxiibadiis ah oo ay adag tahay inuu badalo laakiin waxaa tusaale noogu filan wasiirkii hore ee waxbarashada. Xukuumada Kheyre waxey caan ku tahay xilka qaadis, inta badan wasaaradaha waxaa ka dhacay isbadal mudadii ay xukuumadaan jirtay, taasoo ah iney ehel u tahay khilaaf iyo is qab qabsi, hadii aanu khilaaf jirin ama uu kheyre nin quman yahay intaan oo qof shaqada lagama eryeen. Sida xogta lagu helayo ku dhawaad afar wasiir ayaa laga yaabaa iney shaqada ka baxaan ama laga eryo xukuumadda kheyre, xubnaha la hadal hayo iney bixi doonaan waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed. Sidoo kale wararku waxey sheegayaan iney suuragal tahay inuu baxo wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, laakiin waxaa loo badinayaa in loo wado dhanka duqa magaalada Muqdisho, balse hubanti isloow wax badan kama uusan qaban amniga dalka, waxaana xeel dheerayaashu ay aaminsan yahiin inuu mudan yahay in xilka laga qaado. Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu sheegaa ineysan is khilaafeynin isaga iyo madaxweyne Farmaajo laakiin mar walba wuxuu shaqada ka eryaa qaar ka mid ah wasiiradiisa taasoo salka ku heysa khilaaf. Haddaba inuu dalka shaqeeyo miyaa muhiim ah mise in la ilaaliyo khilaafka kheyre iyo Farmaajo, hadii uu dalka muhiimsan yahay waxey aheyd in waqti fiican loo siiyo wasiirada shaqadooda si ay dalka cagaha ugu dhigaan, balse hadda waxaa muuqata on masiirka guud ee dalka ay ka muhiimsan tahay ineysan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha is khilaafin. Hadii isku shaandheyntaan ay dhacdo waxey ka dhigan tahay in 85% xukuumadda Xasan Cali Kheyre isbadal lagu sameeyay.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa isbedel ku sameeyay qaabka loo geli jiray xarunta xerada Xalane ee Muqdisho. Xarunta Xalane oo deris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Saldhig u ah ciidamada AMISOM iyo kuwa reer galbeedka. Taliska ciidamada AMISOM oo ka duulaya xaaladaha amni daro ee ka taagan magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in la xiray dhammaan albaabada laga galo xerada Xalane. Taliska ayaa sheegay in wixii xiligan ka danbeeya Xirada Xalane laga gali doono keliya irida Madiina Gate ee xigta dhanka Galbeed, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay AMISOM. Qoraalka Taliska ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la xiray wadooyinka kale ee Xalane sida qeybta Isbitaalka Bukaan socod eegtada ee Xalane ku yaalla iyo irdaha kale ee muhiimka ah. AMISOM ayaa sheegtay inay bilaabi doonaan in si buuxda ay ula shaqeyn doonaan dhammaan dadka rayidka ah sida shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha ka hawlgala Xalane. Sidoo kale, AMISOM ayaa sheegtay in Sababta ugu weyn ee loo xiray Albaabada Xirada ay tahay mid la xiriirta amni daro iyo in la adkeeyo amniga xirada iyo Garoonka Miqdisho oo daris la ah xirada. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhawr jeer isku dayay inay weeraro ku qaadaan Xarunta Taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gacan bidixeysay maamulkooda. Waxa uu tilmaamay madaxweyne Xaaf in dowladda federaalka aanay ka hayn muwaacinno iyo dhaqaale. Sidoo kale, Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug iney isku tashi sameeyaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo bixinta canshuuraha. “Dowladda Federaalka aad ayeey inoo gacan bidixeysay, wax mucaawino ah kama hayno, dhaqaale kama hayno, hadda ka bacdi yeenaan ku tashan ee aan isku tashan, aan ka shaqeyno sidaan canshuur u uruurin lahayn, sidaan dib u dhis u sameyn lahayn, haddi beel caalam ka timid dowladda federaalka ayaa dhexda u joogta , noomana gacan furna” ayuu yiri madaxweyne Xaaf. Madaxweynaha Galmudug ayaa marar badan ku dhaliilay dowladda federaalka arrimo ku aadan farogelin iyo wixii la mid ah.
  7. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Xaaf oo shalay ku laabtay Magaaladda Dhuuso-mareeb ee Caasimadda Galmudug,ayaa sheegay in aysan wax gargaar ah ka helin Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ka horistaagtay gargaarkii ay beesha caalamka ugu talagaleen Galmudug. “Dowlada Federalka aad iyo aad ayay noo gacan bidxeysay mucaawino kama hayno dhaqaale kama hayno aan isku tashano wax aan sugno beesha caalamka dowladaa dhexda u joogto, noomana gacan furno.”ayuu yiri Axmed Ducaale. Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay waan-waantii laga dhex waday isaga iyo garabka Magaaladda Cadaado ee Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Waxa uu sheegay in heshiis la gaaray horaantii bishii hore ay wax iska bedeleen xilli uu ugu maqnaa safar dalka Magaaladda Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka. “Runtii markii aan ka soo laabtay shirkii Belgium-ka waxa uu qorshuhu ahaa aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka inaan dhuusamareeb tagno laakin wey suurtageli weysay,sababta ay u suurtagali weysay runtii waa waxyaabo iska jira laakin waa laga guuleysan doona “, ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. PUNTLAND POST The post Xaaf oo Dhaliilay Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlaayay furitaanka 4-aad ee golaha shacabka ayaa sheegay in kalfadhiga uu furmi doono dhawaan. Guddoomiye Cawad oo ku hadlaayay magaca Guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ka hor furitaanka kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka ay muhiim tahay inay la kulmaan Saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM u qaabilsan amniga Xarunta. Guddoomiye Cawad, waxa uu sheegay in sidaa aawgeed uu Guddoonka Golaha shacabka BFS u yeerayo dhammaan Saraakiisha ciidamada DFS u qaabilsan Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Waxa uu Cawad sidoo kale sheegay in Guddoonka Golaha uu sidoo kale isugu yeeray Saraakiisha waaweyn ee ka tirsan Taliska ciidamada AMISOM, qeybta ciidamada dowlada ka Caawisa amniga xarunta Golaha. Waxa uu Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad tilmaamay in mar waliba uu guddoonka diyaar u yahay in ciidamada ammaanka ee qaabilsan amniga xarunta kala shaqeeyan dhan waliba oo ku xeeran duruufaha shaqo. Waxa uu sheegay in ahmiyada ay isugu yeerayaan Saraakiisha ay tahay in la dardar geliyo amniga maadaama uu dib u furmi doono kalfadhiga baarlamaanka. “Waa khasab in furitaanka kalfadhiga ka hor aan la kulano Saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM u qaabilsan amniga xarunta, waayo furitaanka ka hor waa in la adkeeya amniga xarunta” Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa si wada jira u ilaaliya ciidamada dowlada qeybta Booliska iyo kuwa AMISOM oo iska kaashta sugida amniga xarunta. Haddalka Guddoomiye Cawad ayaa kusoo beegmaya iyadoo 10-ka bisha September ee soo socoto la iclaamiyay in Madaxweynaha JFS Mudane C/laahi Farmaajo uu si rasmi ah u furi doono kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch ayaa waxaa lagu taageeray xariga Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo shalay la xiray. Hay’adda ayaa sheegtay in Madaxweynihii hore ee DDSI uu galay danbiyo ka dhan ah xuquuqda aadamiga isla markaana ay muhiim tahay in lagu sameeyo baaritaan dheer. Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch bishii July ee sanadkan ayaa lagu muujiyay falalka lidiga ku ah xuquuqda aadamiga ee uu geystay Cabdi Cumar. Warbixinta oo ka koobneyd 88 bog ayaa lagu xariiqay tacadiyo kala duwan oo ay ku eedeysay Cabdi Maxamuud, kuwaa oo ay fuliyeen ciidamada Booliska DDSI ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen Jeel ogaadeeniya. Human Rights Watch, ayaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ugu baaqday in baaritaano dheer lagu sameeyo Cabdi Cumar. Sidoo kale, Ra’i’sul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa horay u qiray in mas’uuliyiintii hore ee DDSI ay geesteen tacadiyo badan oo xad dhaaf ah. Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Cumar oo shalay loo gudbiyay Xabsiga ayaa loo aaneynayaa inuu geystay dilal, xarig iyo boob. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub,Cali Siciid Faqi ayaa Qoraal uu soo saaray ku wargeliyay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Waalidiinta caruurtooda ku xiran yihiin jeelasha waddanka Libya,in malayshiyaad ku dagaallamay magaalada Tripoli ee caasimadda dalkaasi ay xabsiyadii albaabada u fureen. Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradii ku jirtay Xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen,iyadoo qaarkood ay soo gaareen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro, iyadoo hal goob la iskugu keenayo dhamaan Dhalinyarada. “Waxaa dhamaan waalidiinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Libya la ogeysiinayaa in dagaal culus uu ka dhacay magaalada Tripoli, dhawr xabsi oo Soomalida ku sugneed ayaa irida loo balaqey, waxay safaarada ka shaqeynaysaa in dhalinyarada meel la isugu keeno” ayuu yiri Danjire Cali Faqi. Sidoo kale Safiirka ayaa xaqiijiyay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiga Ain Zara ay wali meeshooda ay ku sugan yihiin oo aysan ka bixin. PUNTLAND POST The post Maxaabiis Soomaali ah oo ka baxsaday xabsiyada Libiya appeared first on Puntland Post.
  11. In ka badan 40 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa mooshin ka gudbiyay madaxweynaha maamulkaasi,Maxamed Cabdi Waare,sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah xubnaha mooshinka keenay. Xildhibaannada mooshinka wada ayaa madaxweynaha ku eedeynaya waxqabad la’aan iyo fashil ay sheegeen in uu hareeyay maamulkiisa,gaar ahaanna arrimaha bulshada iyo amniga oo degaannada Hirshabeelle aad u hooseeya. Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo ka tirsan mudanayaasha Hirshabeelle,kana mid ah xubnaha mooshinka wada ayaa Warbaahinta u sheegay in xildhibaannadu ay arkayaan duruufo adag oo ka jira Hirshabeelle,islamarkaana aysan waxba ka qaban xukuumadda Waare. Madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle,sida madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,guddoomiyaha Baarlamanka,Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyo madaxweyne ku xigeenka,Cali Cabdullaahi Xuseen(Cali Guudlaawe) ayaa dhammaantood haatan ku sugan magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda maamulkaasi ee Muqdisho jooga ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post In ka badan 40 xildhibaan oo mooshinka gudbiyay madaxweynaha Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
  12. Garissa governor Ali Korane has been arrested. Source: Hiiraan Online
  13. It was an eventful weekend for the political guardians and critics of Canadian citizenship. To kick things off, on Friday night, this newspaper brought remarkable news that our Minister of Immigration, Refugees and Citizenship thinks Canada’s capacity to deal with inland refugee claimants is “not sustainable.” Source: Hiiraan Online
  14. A suspected Dutch jihadist is believed to have been involved in the deadly kidnapping of a British couple in South Africa and of contacting a top Islamic State group official, Dutch media reported Monday. Source: Hiiraan Online
  15. MANCHESTER, England -- Three thoughts on Tottenham's stunning 3-0 victory over Manchester United at Old Trafford. Source: Hiiraan Online
  16. Kenyan President Uhuru Kenyatta says his meeting Monday with U.S. President Donald Trump at the White House will focus on trade and security issues. Source: Hiiraan Online
  17. The Grand Renaissance Dam being built by Ethiopia along the Nile is slated to be the largest hydroelectric power plant in Africa upon its completion. Source: Hiiraan Online
  18. The UN humanitarian agency said on Monday humanitarian assistance needs to be sustained in Somalia to support the 5.4 million people who are still in need. Source: Hiiraan Online
  19. Saudi Arabia will allow about 1,000 medical graduates to finish their training in Canada, according to a report. Source: Hiiraan Online
  20. On Monday morning in Arizona, Senator John McCain’s former campaign manager Rick Davis, acting as a spokesperson for the McCain family, read aloud the text of the late senator’s final letter to the public. “These are John’s words,” he said. What follows is a transcription of what Davis read: Source: Hiiraan Online
  21. Riyadh (Caasimada Online) – Calanka maamulka Somaliland ayaa laga taagay qasriga madaxtooyada boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah taleefishinada dalka Sacuudiga. Calanka Somaliland ayaa kasoo muuqday xaflad uu boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdul Casiis u sameeyey qaar ka mid ah madaxdkii ka qeyb-gashay xajka sanadkan, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdriaxmaan Saylici. Ka sokow calanka laga taagay qasriga, weriyaha taleefishinka Sacuudiga ee warka aqrinaya ayaa Saylici ugu yeeraya “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland”, taasi oo dad badan ka yaabisay. Lama oga sababta Sacuudiga sidaan u sameeyeen, hase yeeshee xiriirka xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Imaaraadka uu ka mid ah yahay iyo dowladda Soomaaliya ayaa xumaa tan iyo markii dowladdu diiday inay taageerto xulafada ayada oo dhex-dhexaad ka noqotay khilaafka kala dhaxeeya Qatar. Somaliland oo dekedda Berbera heshiis kula gashay Imaaraadka Carabta ayaa ay si aad ah isugu dhow yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Cawad ayaa dhowaan la saftay Sacuudiga markii ay is-qabteen Canada, hase yeeshee ma muuqato in taas ay wanaajisay xiriirka Muqdisho iyo Riyadh.
  22. Warbixin ka ay daabacday Bloomberg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la’aan, argagixisonimo iyo shaqo la’aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacdo. Bishii lixaad ee sanadkaan ayay ahayd marki cilmibaaris waqti socotay oo lagu sameeyay London lagu soo gababeeyay in Soomaalidu tahay hurmuudka burcadda gaysato danbiyada ugu badan ee dhaca London. Warbixin kale oo la daabacay 2017’ki ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool Ingririiska 65% shaqo la’aan yihiin tasoo ka dhigan in 65% cayr ku noolyihiin. Xagga waxbarashada lama sheego war ku farax galiyo. Maxaa ka run ah sheekooyinkaan laga qoro Soomaalida? Haddii ay jiraan maxaa ugu wacan? Waa jirtaa in badan oo ka mid ah waxa laga qoray Soomalida sida shaqo la’aanta iyo in caruurta soomaaliyeed ay ka hooseeyaan qowmiyadaha kale xagga waxbarashada. Laakiin taasu maahan mid ay ku ceebaysantahay Soomaalidu waxayna leedahay cudurdaar muuqdo. Soomaalida Galbeedka ku nool xooggeedu wuxuu yimid wixii ka danbeeyay bururki dalka. Waxay ahaayeen dad soo qaxay oo naftooda lasoo baxsaday oo habqan ah. Waxaa yimid caruur iyo dumar iyo qoyays kala maqan. Markii ay yimaadeen, howsha ugu badan oo u taallay waxay ahayd in ay dagaan, la midoobaan qoyskoodi inta maqan iyo gacan qabashada intii ay kasoo tageen. Dadka sidaas ku yimid ayaa la garab dhigaa qowmiyadaha Hindida, Kiinyaanka iyo Shiinayska ah. Kuwa danbe ee an sheegnay waxaa kasoo dhoofo dad dhalin yaro ah, waxsoo bartay una soo dhoofay shaqo iyo aqoon kororsi. Marki ay yimaadaa waxa u yaallo waa un shaqo raadin iyo horumar halka Soomaalidu dagidda iyo caruur u dacwoosho ay ka qaadato sanado badan. Sidoo kale qowmiyadaha kale ee la garab dhigo Soomalaida waa kuwo halkaan joogay in ka badan 100 sano oo xaaladda aan maanta marayno soo maray una gudbay mid xasilloon oo ay ku hormari kataan. Tusaale, Hindida waxaa waddaankaan la keenay wayadii guumaysiga. Waxaa loo soo qaatay inay ka shaqeeyaan dhismooyinka dalku u baahnaa. Ilaa waqtigaas waxay ku jiraan horumar tartiib-tartiib u socday oo gaarsiiyay halka ay maanta joogaan. Waxaa kaloo jiro kala duwanaansho xagga aragtida ah kuna saabsan shaqada iyo tabaca. Dadka Kiinyaan ah ee lagu sheegay inay yihiin ugu wax soo saarka badan soogalootiga Maraykanka waxay u badan yihiin dhaqaatiir iyo Inginneerro iyagoo aqoon leh ka yimid Kiinya. Wax soosaarka la sheegayo waa adeegga ay u qabtaan dadka Maraykanka iyo canshuurta badan ee laga qaado. Labadaan arrimoodba waa kuwo muhiim u ah dowladda martida loo yahay. Laakiin Soomaliga taraaglaha ah ee qaato labo jibbaar inta uu qaato dhaqtarka, Maraykanka wuxuu ugu jiraa mid aan waxso saar badan lahayn. Sababta ayaa ah inuusan bixin canshuurti saxda ahayd maadaama waxa soo galo aysan u cayinnayn dowladda sidaasna xisaab badan dhexda looga saaro. Soomaalida iyo in badan oo muslimiinta ka mid ah dantooda ayay eegtaan oo ah sideey lacag badan ku samayn lahaayeen iyagoon wax badan ku celin dowladda lagana yaabo inayba dowladda wax dheeri usii doontaa. Taasi waa sababta ugu badan ee soomaalidu wada taksiile u tahay. Dadka ree Maraykan shaqada ugu hoosayso waxay u yaqaannaan taksi, laakiin Soomaalidu waxay ugu jirtaa shaqooyinka ugu fiican. Waxaa kala duwan meelaha laga eegayo. Soomaaligu wuxuu ka eegayaa imisaa kusoo gashay iyo imisaa meel dhigatay. Caddaanka iyo dowladdiisu waxay ka eegayaan waxba dalka masoo galiyo iyo wax xirfad ah ma leh. Masayr Dadka sameeyo daraasaadkaan iyo kuwa qoro warbixinnada foosha xun ee Soomaalida ku saabsan maahan kuwo moog arrimaha aan sheegay. Waa ogyihiin inaysan caddaalad ahayn in la is garab dhigo dhaqtar Kiinya kasoo shaqo tagay iyo wiil soomaali oo tahriib kusoo galay oo naftiisa lasoo cararay. Laakiin sababta ugu badan ee loo bixiyo sawirka foosha xun waa hinaaso iyo xaasidnimo. Soomaalidu waa dad firfircoon, dadaal badan haddana han sare leh. Dal walba oo ay tagaan waxay isku dayaan inay gaaraan meelaha ugu sarrayso halka soogalootiga kale ay isku dayeen inay is qariyaan oo ku koobnaadaan shaqooyinkooda. Tusaale, Carabta Maraykanka ah waxaa lagu qiyaasaa ilaa saddex milyan iyo bar. 1880’aadki ayay billeebeen Carabtu inay Maraykan dagaan. Waxay qaadatay in badan 50 sano inay galaan siyaasadda dalkaas. 1960’aadki ayay billaabeen inay ku baraarugaan siyaasadda ilaa mantana qof kuma leh labada aqal ee dalkaas iyagoo wato dhaqankoodi.Dhaqankoodi waxaan kaga jeedaa inay jiraan Carab koox ah siyaasadda dalkaas meelo sare ka gaartay laakin dhammaantood waxay ka sinnaayeen inay Carabnimo iyo Islaamnimo midna wadan. Dhinaca kale, Soomaalidu waxay joogtaa Ameerika wax ka yar 30 sano waxayna si dhaqso ah ooga soo muuqdeen siyaasadda dalkaas iyagoo hawaystay meelo ay soogalooti ka horeeyay hawaysan. Soomalidu waxay la dheeryihiin Carabta, Shiinayska, Hindida iyo Afrikaanka inaysan baddalin magacyadooda iyo dhaqankooda markay doonayaan mansab sare (waxaa jirto Ayaan Xirsi iyaduna waa kali oo maahan dhaqan nagu baahsan). Dalalka Afrikaanka ama Aasiyaanka aan ee aan siyaasaddooda cid kale u ogalayn Soomaalidu waxay ku qabsataa ganacsi. Laga soo billaabo waddamada dariska ah ilaa koonfurta Afrika ilaa Shiine iyo Hindiya waxaa iksu xiran ganacsi Soomaaliyeed mana jiro meel ganacsi ka jiro oo aysan soomaali xafiis ku lahayn. Dadnimada noocaan ah maahan mid loo ogolyahay dad madow oo laangaab ah haddana muslim ah una sii dheertahay dhibaatooyin badan oo ka jiro dalkooda. Taasi waxay keentay in lagu mashquulo ceeb u helidda horumarka soomalida. Aqoonyahaniinta iyo wargaysyadu waxay xoogga saareen inay cudurdaar foolxun u raadiyaan guulaha aan la qarin karin ee soomaalidu gaartay. Tusaale, Jakob Rasmussen waa borofeesar u dhashay Danmaak. Waa aqoonyahan daraasaad badan sameeyo macallinna ka ah jamacadda Roskilde oo kutaal Danmaak. Jacb wuxuu waqti badan galiyay inuu fahmo nolosha Soomaalida. Wuxuu u socdaalay waddamada Galbeedka ee ay Soomaalidu dagantahay. Wuxuu sidoo kale aad u tagaa Kiinya oo uu warbixinno badan ka diyaariyay Soomaalida. Dhammaan daraasaadka uu sameeyay wuxuu helay in horumarka soomaalidu xawaare dheereeyo ku socdo. Wuxuu qiray guulaha la yaabka leh ee ay ka gaareen galidda siyaasadda waqooyiga Ameerika, ganacsiyada ay ku haystaan iyo sida caruurta Soomaaliyeed usoo gaarayaan dadyowga kale xagga waxbarashada. Sidoo kale wuxuu waxbadan ka qoray ganacsiga Soomaalida ku leedahay Afrika wuxuuna qiray haddii aysan Soomaali ahayn in isu socodka bariga Afrika uu cariiri noqon lahaa. Hasa yeeshee dhamaan qorallada Jacob waxay xamaarsanyihiin sawir foolxun. Ammaan walba oo u helo wuxuu hoos ka raaciyaa in horumarkaas Soomaalidu ku gaartay khiyaano, tuugo, wax isdabamarin iyo kuwo la mid ah. Warbixinnada wax dhimaalka leh ee ugu danbeeyay ee uu qoray waxaa ka mid ahaa middi uu kaga hadlay sonkorta soomaalidu Kiinta keento. Dacaayadaha ka abuurmay xasadka maahan kuwo Soomaalida ku gaar ah. Dhammaan qowmiyadaha isku dayo inay siyaasadaha galaan ayaa lagu qaadaa weerarrada caynkaan ah si looga reebo tartanka horumarka. Dalkaan Ingiriiska waxaa ku nool Aasiyaan malaayiin gaarayo. kuwa ugu badan waxay ka kala yimaadeen, Hindiya, Bangalasheesh iyo Bakistaan. Hindidu waxay xoogga saartay waxbarashada iyo tabac lacageed. Waxay sidoo kale u badan yihiin dad aan muslim ahayn una nugul raacidda sida laga rajaynayo soo galootiga. Taasi waxay keentay inay noqdaan dadka ugu aqoonta sarreeyo dalkaan, caruurtoodu ku jirto kaalimaha koowaad ee imtixaannada, ganacsiyada ugu waaweyn ee ajaanibtu leedahayna leh. Waxay mutaysteen ammaan aan dhammaan iyo in laga bixiyo sawir qurux badan. Dhinaca kale waxaa taagan Bakistaanyiin soomalida la mid ah. Waa dad firfircoon oo aan la joojin karin. Waa muslim dhiig kulul oo aa aqbalin guumaysi. Waxaa ku weyn diinta iyo dhaqankooda. Waxayna leeyihiin sida Soomalida han ka sarreeyo lacag iyo xirfad. Sidaas darteed waxaa lagu qaaday dagaal qabow. Ilaa maalinti ay dalkaan billaabeen inay yimaadaan ilaa maantada qoyan wax xun ka sheekoodu idaacadda kama baxo. Waxaa lagu tilmaamaa inaysan shaqayn, cayr ku noolyihiin, caruurtoodu waxbarashda ka haraan danbiyo badanna galaan. Haddii hal wiil oo Bakistaani danbi galo asbuucyo ayaa lagu soo celcelin warka dagdagga ah. Saas oo ay tahay waa la joojin waayay. Waxay baarlamaanka Ingiriiska ku leeyihiin 12 xildhibaan oo doorasho kusoo baxay, halka Hindida oo labo jeer ka badan ay heleen 10 xildhibaan kaliya. Meeyarki ugu horreyay ee aan caddayn ahayn oo London yeelato wuxuu noqday Saddiiq Khan oo Bakistaani ah. Waxay ahayd arrin aan waligeed la jarayn. London kaligeed ayaa dal ah, shacab ahaan iyo dhaqaale ahaanba dalku waa iyada iyo meel cidla ah sidaas darteed meeyarkeedu waa mid awood badan. Sidoo kale wasiirki ugu horeeyay ee qabto xilki ugu sarreeyay ee ay helaan dadka laga tiro badan tahay waxaa hayo nin Bakistaani ah oo ah wasiir arrimaga gudaha ee dalkaan. Xagga muhiimmadda waa qofka Afraad. (Raysulwasaaraha, wasiirka maaliyadda, midka arrimaha dibadda kan arriamha gudaha). Waris oo xildhibaanah ah ayaa noqotay ruuxii ugu horreyay ka yimaado dadka aan caddaanka ahayn ee xisbiga Consaarfatifka xog hayn u noqdo. Bakistaantu sidoo kale waa dadka kaliya ee u hadlo Islaamka iyo muslimiintu waxayna leeyihiin ururrada ugu xoogga badan ee u dooda danaha Muslimiinta. Dadnimada ay ku gaareen xafiisyadi ugu sarreeyay dalka waxay ahayd mid mar hore kasoo muuqatay sidaas ayaa dagaal aan dhammaan bilowgiba loogu qaaday. Soomalidu waa sidaas oo kale. Waxaa muuqdo meelaha ay gaari doonaan 50 sano gudahood. Waxaa cad inay saamayn xooggan ku yeelan doonaan siyaasadda dalal badan oo Galbeedka ah. Haddii aysan diyaar u ahayn inay baddalaan diintooda iyo dhaqankooda, haddana rabaan inay qabtaan xilalka dalka ugu sarrayo, jidka kaliya ee furan waa in dacaayad iyo ceebayn lagu furo si ugu yaraan dadki u codayn lahaa ooga horyimaadaan. Gabagabadi, waa jiraan dhibaatooyin badan oo dhinacyo badan leh kuwaasoo haysto Soomaalida. Dhibaatooyinkaan waa kuwo dabiici ah oo soo maro dad walba oo dago dal cusub. Waa kuwo u baahan waqti door ah si looga gudbo. Hasa yeeshee iyadoon la gaarin waqti la dhaliilo ayaa soomaalidi lagu billaabay weerar afka ah iyo suuro-xumayn. Weerarkaan waxaa xididkiisa waraabinayo xasad iyo hinaase laga qaaday dadnimada dabiiciga ah ee ku abuuran cunsurka soomaaliga iyo dadaalka ay ugu jiraan inay ka qayb ka noqdaan kuwa talinayo ee aysan ku ekaan kuwa loo talinayo. Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir Saadaq Joon iyo ciidamo uu wato ayaa fadhiisin ka smeystay xaruntii hore ee “Godka Jilacoow”, waxaana ka dhashay muran iyo isqabqabsi sababta fasax la’aanta uu Saadaq Joon u degay halkas. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Saadaq Joon oo xilkii taliyenimo laga qaaday ayaa ciidamadii uu watay u geliyay dareeska ciidamada booliska, gaadiidkii tiknikadana wuxuu ku buufiyay calaamada booliska, tallaabadaasi oo taliyeyaasha ciidamada booliska su’aal geliyay ayaa, sababta ciidamadaasi oo horay ugu tirsanaa nabadsugida u adeegsadeen dareeska booliska. Saraakiisha booliska, nabadsugida, milateriga iyo wasiirka amniga ayaa si wada jir ah u dalbadeen in ciidamadaasi uu hogggaaminaayo Saadaq Joon ka guuraan xarunta Godka Jilacoow oo maxaabiista nabadsugida ku xiraan, hase ahaatee dalabkaasi wuu kasoo horjeestay Saadaq Joon. Amaro kasoo baxay madaxweynaha ayaa dhawaan lagu kala diray ciidamadii xasilinta oo qeyb ka ahaayeen kuwa Saadaq Joon, qeybihii kalena xarumahooda lagu kala celiyay, halka kuwa Saadaq Joon ay diideen inay magaalada ka banaan. Warar madaxbannaan ayaa sheegaya in Saadaq Joon uu taageero ka helaayo xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo dhowr wasiiro ah, sidaasina uu ugu madax adeegay inuusan ka guurin xarunta Godka Jilacoow. Waxaa socda dadaal lagu doonayo in si nab’doon looga raro ciidamadaasi loona dejiyo xarumo loogu talagalay.
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke uu kamid noqdo musharaxiinta u tartami doonta doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland. CCC Sharmaarke oo ay kasoo xirxirmeen albaabadii xil ka qabashada Dowlada Somalia ayaa waxaa doorashada Puntland garab weyn kusiin doona dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu dooneysa inay u adeegsato danaheeda Siyaasadeed ee Somalia. CCC Sharmaarke, oo seddexdii sano ee ugu danbeysay ku xirnaa dowlada Imaaraadka ayaa laga cabsi qabaa in dhaqaale culus lagu bixiyo si uu kursiga u gala wareego C/weli Gaas oo isagu baqdin ka qaba musharaxnimada CC. CCC oo markii hore aan usoo jeedin baadi goobka xilka Madaxweyninimo ee maamulka ayaa waxa uu go’aankaani qaatay dabayaaqada Bishii Lixaad 2018 kadib markii magaalada Nairobi ay kuwada kulmeen wafdi ka socday dowlada Imaaraadka kuwaa oo ku tashkiiliyay ku biirida Musharaxiinta, iyadoo ballanqaad dhanka dhaqaalahana u sameeyay. Danaha ku hoos qarsoon taageerada ay dowlada Imaraadka Carabta u sameyneyso CCC Sharmaarke ayaa waxaa ugu waaweyn:- 1-In looga gaashanto burbur ku imaada Heshiiska Dekadda ee horay u dhexmaray Puntland iyo shirkada DP World. 2-In CCC Sharmaarke lagu gaaro danaha Siyaasadeed uu imaaraadka ka leeyahay Somalia, iyadoo lagu caburinaayo dowlada Somalia oo khilaaf uu kala dhexeeyo Imaaraadka. 3-In guushiisa kadib uu fududeeyo dhismaha Saldhig Militerey uu Imaaraadka ka furanaayo Puntland. Dowlada Imaaraadka ayaa ka carareysa in maamulka Puntland uu ka arimiyo musharax aan iyagu wadan kaa oo caqabad ku noqon kara danahooda Siyasadeed ee Somalia iyo tan Puntland, waana sababta keliya ee ku khasbeysa inay taageeran CCC Sharmaarke. Sidoo kale, C/weli Gaas oo dareen ka qaba ololaha CCC Sharmaarke ayaa u muuqda mid ay lasoo deristay walaac dhanka doorashada ah, waxaana xusid mudan in ilaa iyo iminka uusan ku dhawaaqin musharaxnimadiisa. Si kastaba ha ahaatee, C/weli Gaas, ayaa aaminsan in musharaxa keliya ee ku qalqal galinkara doorashada uu yahay CCC Sharmaarke, waxa uuna si gaara dareen uga qabaa garabka maaliyadeed ee uu ka helaayo Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ciidamada amaanka dalkaasi ayaa Xabsi dhigay Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunoow Qorane. Ciidamada oo ku hubeysnaa gaadiid ayaa Guddoomiyaha kala soo baxay hooygiisa, waxana xariga Guddoomiye Cali Bunoow lala xiriirinayaa toogasho dhawaan loo geystay madaxii hore ee Maaliyadda Gaarisa oo lagu dhaawacay Nairobi. Wargeyska The Star ayaa qoray in Guddoomiye Cali Bunoow ay su’aalo weydiinayaan ciidamada Booliska oo la xiriiriyay toogashada madaxii hore ee Maaliyadda Gaarisa. Booliska ayaa la sheegay in Guddoomiyaha ay la yeelan doonaan wareysi lagu weydiinayo su’aal si wax looga ogaado haddii uu waxbadan kala socday toogashada. Booliska ayaa sheegay in Guddoomiye Cali Bunow iyo laba xubnoo oo loo heysto inay qeyb ka ahaayen dilka ayaa iminka lagu hayaa Xabsiga Booliska ee Kilimani. Ninka la toogtay oo lagu magacaabayay Idiris ayey toogashadiisu dhacday xili uu ku sugnaa suuqa Kileleshwa, ee Magaalada Nairobi,waxaana kuwa toogashada u geystay ay uga tageen Mayd ahaan. Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunoow Qorane ayaa waxaa horay loogu eedeeyay inuu ka danbeeyay shirqoolo kale oo ka dhacay Magaalada Gaarisa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com