Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,179
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Intiinii la socotay Maalintii Sabtida aheyd waxaan idiin soo gudbinay qeybta koowaad warbixin xasaasi ah aheyd oo ku saabsaneyd sheekada xiisaha leh ee dhexmartay Siyaad Barre iyo Madaxweyihii Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny!. Qeybta labaad ee warbixintaas ayaa waxaa ku ballansaneyn inaan idiin soo gudbino Maalintii shalay ee Axadda aheyd balse cilad farsamo awgeed ayey u baaqatay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qeybta labaad ee sheekadaas: Safiirkii u fadhiyey meesha ayaa u yimi Qaybe oo ahaa danjirihii Soomaaliya waxa uuna u sheegay in ay markan codkooda siin doonaan balse shuruud? Waxa uu Xabshigu ka codsaday Danjire Qeybe in magaca laga dhigo French Somali Coast (Djibouti)! Waa Djibouti halaga dambeeysiiyo magacii hore! Taas dhib uma arag Danjire Qeybe maadama Jibuuti tahay magaca Caasimadda wuuna ka aqbalay! Qeybe waxa uu rabay in uu isku dhufto Faransiiska iyo Xabashida! Intii aan codeynta la bilaabin, Qeybe iyo Danjirihii Xabashida waxa ay u wada tageen masuulkii codeynta qaadyey waxa ayna u wada shegeen wixii ay ku soo heshiiyeen. Markii la soo wada xaadiray oo codeynta la qaadi rabo ayuu yiri masuulkii“Waxaan idiin hayaa war wanaagsan, Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen in magacu noqdo French Soomaali Cost [Djibouti], mar qura ayaa sacab lagu wada dhuftay oo saacad ku dhawaad socday! Waayo la yaab ayey noqotay Soomaaliya iyo Xabashida oo go’aan ku wada socda! Go’aankii Qaramada Midoobe kaddib, Faransiiska oo macangag ahaa, wuu ku sii adkeystay magacii uu bedelay! Hase ahaatee, 1974, waxa ay Midowgii Afrika (OAU) ku shireen Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya, waxaa gudoomiye loo doortay Maxamed Siyaad Barre maadama dalka lagu martigaliyo shirka la siiyo madaxtinimada. Hoggaanka ay Soomaaliya heshay waxa ay uga faa’ideysatay in ay uga mira dhalsiso himiladeedii ahayd xorreynta Jibuuti. Maxamed Siyaad Barre (AUN) waxa uu socdaal ku kala bixiyey badi dalalkii Afrika si ay u taageeraan qadiyaddaas balse waxaa ugu saameyn batay Madaxweynihii Ivory Coast Houphouët-Boigny. Maxamed Siyaad Barre markii uu kala hadlay qadiyadda Jibuuti Houphouët-Boigny, waxa uu ka helay jawaab aad cajiib u ahayd! Muxuu ku yiri? “Ninyohow waxaa laga baqayaa in haddii Jibuuti la xorreeyo aad idinku qaadataan ee ii ballan qaad in ay sideeda ahaneyso anaa WIILKAN YAR AMAR SIINAYEE [Wiilka yare e uu sheegayo waa Madaxweynihii Faransiiska]!”. Muxuu Houphouët-Boigny u yiri anaa amar siinaya Madaxweyanaha Faransiiska oo uu ku Tilmaamay CUNUG YAR!? Markii dalalka la guumeysaneyey la siinayey xorriyadooda, Ingiriiska waxa u bilaabay in uu si toos ah u fasaxo kuwii uu isagu haystay balse Faransiiska siyaasad kale ayuu adeegsaday isaga oo ku wargaliyey dalalkii uu haystay in ay Faransiis yihiin oo ay Baarlamaanka xubno u soo dirsadaaan, tusaale, Jibuuti waxa ay u dirsatay laba xubnood, halalka dalakii waa weynaa sida Ivory Coast iyo Senegal ay min 10 xubnood heleen. Houphouët-Boigny waxa uu markaa ka noqday Wasiir saameyn weyn ku leh Faransiiska. Sidoo kale Ivory Coast waxa ay ka mid ahayd dalalka uu Faransiisku danaha ugu badan ka lahaa kuwa uu gumeysanayey, taas ayaa dhaxal siisay Houphouët-Boigny in uu awooddaas yeesho! Maxamed Siyaad waxa uu Houphouët-Boigny xusuusiyey warbixin (Statement) uu hadda kahor siidaayey Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AUN) oo ku saabsaneyd in Soomaaliya dan ka lahayn Jibuuti , isaguna go’aankaas qabo. Houphouët-Boigny, markiiba waxa uu wacay Madaxweynihii Farasiiska isaga oo u sheegay in uu Maxamed Siyaad la joogo, una xaqiijiyey in Jibuuti Soomaaliya ka mid noqon doonin waxa uuna ku yiri “Naga dammee dhibteeda!” oo uu ula jeeday Jibuuti! Madaxweynihii Faransiiska ma jecleysan hadalkaas balse sidoo kale waxba kama diidi Karin Houphouët-Boigny waxa uuna shiriyey golihiisii Wasiiradda, halkaas oo lagu dhammeeyey sheekaddii xorreynta Jibuuti! Faransiiska waxa uu doonayey in ay Jubuuti u dhibaan dadkii taabacsanaa iyaga sida Cali Caarif oo Djibouti ka ahaa Raisul Wasaare xilligaas, balse waxaa ku diiday Wasiirkiisii guumeysiga oo sheegay in taasi reer Jibuuti iyo Soomaaliyaba aqbali doonin maadama la ogyahay in kuwaas ay iyaga u shaqeeyaan waxna ka bedeli doonin dhibtii Faransiiska lagu hayey! Sida carruurtii laga afduubi jiray iyo Safiirkoodii lagu qafaashay Muqdisho! Ugu dambeyn waxa ay go’aansadeen in Soomaaliya laga codsado in ay ku xiraan Xassan Guleed Abtidoon iyo Ayuub kuwaas oo markii dambe lagu wareejiyey taladdii Jibuuti! Waxaa xogtan iiga sheekeeyey Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ah barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya. W/Q: Maxamed Kaafi Email: Muhamedkaafi@Gmail.com Haddii ay qeybtii hore ku dhaaftay halkaan hoose ka akhriso Ogow sheekada xiisaha leh ee dhexmartay Siyaad Barre iyo Madaxweyihii Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny! The post Ogow sheekada xiisaha leh ee dhexmartay Siyaad Barre iyo Madaxweyihii Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny! (Qeybta 2-aad) appeared first on Caasimada Online.
  2. Farmers in Jibagalle village in drought-hit Nugal region have turned from vegetable to cereal crop production due to the shortage of water. Source: Hiiraan Online
  3. The United Nations Children’s Fund UNICEF said Saturday that investigation is underway after the fatal shooting of its contractor inside the UN agency’s compound in Mogadishu on Friday. Source: Hiiraan Online
  4. Hargeysa (Caasimada Online)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aano iyo amaro dul dhigtay shirkadda Imaaraadka Carabta DP ee maamusha dekadda Berbera. Amarkaan oo faraya shirkadda DP World in sanduuq xisaabeed ka furato bankiga dhexe ee Somaliland, loogana baahan yahay in ay dhigato lacagta kasoo baxda dekadda Berbera ee aysan dalka ka saarin dhaqaalaha. Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii loo caal waayay sicir barbar baahsan ee ka jira guud ahaan Somaliland, isla markaana loo aaneynaayo shirkaddo kala duwan inay ku lug leeyihiin dhibaatada sicir barar. Sidoo kale shirkada DP World ayaa lagu amray inay ka soo wareegto sanduuq xisaabeedyada uga furan bankiyada gaarka loo leeyahay isla markaana lacagta uga soo xaroota dekeda ay si rasmi ah ugu shubto baanka dhexe ee Somaliland. Wakiilada shirkada Dp World u qaabilsan dekeda magaalada Berbera ayaa ilaa hada ka hadal sida ay u arkaan amarka ay xukuumadda Somaliland dul dhigtay. Dhinaca kale, wasaarada maaliyada Somaliland ayaa la faray inay bankiga dhexe ku wareejiso lacagta doolarka ah ee u taala sanduuq xisaabeedka uga furan bankiyada kale. Mudooyinkii u danbeeyay dadka shacabka iyo xisbiyada mucaaradka ayaa waxay ku eedeynayeen xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi inay iyadu mas’uul ka tahay sicir bararka iyo inay maareyn weysay oo xal u heli weysay in sicirka suuqa noqdo mid degan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com The post Somaliland oo amar aan laga fileyn dul dhigtay shirkadda DP World ee maamusha dekadda Berbera appeared first on Caasimada Online.
  5. Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa qorsheynayasa in muddo labo todobaad gudahdeed ah si rasmi ah loogusoo guuro garoonka caaalmiga ah ee diyaaradaha Garowe, kaasoo dhawaan ay xariga ka jareen madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Farmaajo. Garoonka diyaaradaha Garowe oo loogu magac daray, Gen, Maxamed Abshir Muuse, ayaan weli si toos ah uga bilaaban duulimaadyada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, sababo la xiriira shaqadii dhismaha garoonka oo weli maraysa heer gabagabo. Wasaaradda duulista ayaa masuuliyiin katirsan oo la hadlay warsidaha Puntlandi waxay u sheegeen in garoonka ay u dhameystiran yihiin dhammaan qeybihii ugu muhiimsanaa, balse ay haatan howshoodu dhameystir ku dhow dahay qeybta calaamadadaha Runway-ka ee lagu kala hago diyaaradaha iyo qeybta dadka garoonka ka duulaya ay ku sugaan. Wasaaradda duulisya waxa kale oo ay sheegtay inuu meel fiican marayo mashruuca Nalaynta garoonka, iyadoo tilmaamtay in la diyaariyay dhamaman meelihii laga sameyn lahaa iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa oo gabagabo ku dhow, inkastoo ay cadeeyeen inay howshaas guddi gaar ah gacanta ku hayaan, wasaaradduna aysan ku faro galin. Dhinaca kale, Shirkadaha dulimaadyada Soomaaliya ayaa xafiisyadooda ka furtay magaalada Garowe. Waxaa kale oo la filayaa in duulimaadyo caalami ah ay ka bilowdaan Garowe. Puntlandi.com
  6. Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in Baarlamaanka Soomaaliya 3 kursi ay ka banaanyihiin Islamarkaasina dhowaan ay dhaceeyso Doorashadooda. Xaliimo yareey ayaa sheegtay in la xaliyay cabasho balaaran oo ka taagneeyd qabsoomida doorashada Sadaxdaasi kursi dhowaana la qaban doono. Waxa ay sheegtay in ay ka dhacayaan Doorashada 3-daasi kursi magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho. Ma sheegin xiliga rasmiga ah ee la qabanayo hayeeshee waxa ay carabka ku dhufatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaban doono. Shalay waxaa magaalada Jowhar lagu qabtay doorashada Kursi kamid ah kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xaliimo Yarey” 3 Kursi ayaa ka dhiman Baarlamaanka Dalka” appeared first on Puntland Post.
  7. Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa aas aasaysa ciidanka ilaalada xuduudaha Puntland, kuwaas oo noqonaya ciidankii ugu horeeyay ee u gaar ah inay sugaan ammaanka xuduudaha Puntland ay leedahay. Qorshahaan sameynta ciidanka xuduudaha dowladda Puntland, ayaa lagu meel mariyay shirkii golaha wasiirada Puntland, iyagoo goluhu ay si buuxda isugu raaceen mudnaanta ay leedahay in ciidan gaar ah loo sameeyo ilaalinta xuduudaha Puntland. Tilaabadaan ayaa lagu dhaqaaqidoonaa marka ay dowladda Puntland si buuxda u xorayso dhulka gacanteeda ka maqan, oo uu gobolka Sool ugu horeeyo, waxaana dowladdu ay diyaarinaysaa dhammaan qorshihii ciidankaan loogu talo galay. Dowladda Puntland waxay sheegtay ciidankaan mar la dhiso inay meesha ka bixidoonto in mar dambe dhulkeeda iyo xuduudaheeda lagusoo xad gudbo, sida hadda ka taagan gobolka Sool oo uu maamulka Hargeysa duullaan kusoo qaaday, xoongna ku haysto gobolka Sool magaalooyinkiisa ugu muhiimsan. Warsidaha Puntlandi waxaa uu xogtaan kasoo xigtay illo dowladda katirsan. Puntlandi.com Garowe
  8. Kenya’s opposition leader Raila Odinga has said he is ‘not afraid of sanctions’ ahead of his ‘swearing in ceremony’ scheduled for Tuesday 30th January 2018. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Doorashada dhacday ayaa laheyd xiisa gaara waxaana ku tartamaayay Musharaxiinta kala ah Nuur Iidow Beyle, C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Cali C/laahi Cosoble, Daahir Cabdulle Cawaale, Xuseen Axmed Geelle iyo Dahabo Xasan Axmed, waxaana wax dooraneysay 51 ergo. Doorashada oo laba wareeg ahayd, ayaa waxay wareegii hore ku soo idlaatay sidataan:- C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 cod, Nuur Iidow Beyle oo helay 23 cod, 3 cod oo xumaaday iyo 1 cod oo uu helay Cali C/laahi Cosoble. Wareegii labaad, ayaa waxaa u gudbay labadii xubnood ee codadka ugu badan helay, kuwaa oo kala ah Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle, waxayna natiijada ku soo idlaatay Nuur Iidow Beyle oo 27 cod helay iyo Sanbaloolshe oo 24 cod helay. HALKEE LAGA SOO ABAABULAY QORSHAHA SANBALOOLSHE LOOGA ILAALIYAY XUBINIMADA? Xukuumada Somalia, ayaa kaalin mug leh ka qaadatay sida Taliyihii hore ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uusan ugu soo laaban laheyn xubinimadiisa baarlamaanka ee uu horay u hayay. Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre oo garabsanaaya Xubno Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda HirShabelle ayaa juhdi ku bixiyay in Sanbaloolshe uusan kusoo laaban saaxada Siyaasada Somalia mudada ay jirto dowlada halka sano dhameysatay. Kheyre ayaa la sheegay in dhaqaale xoogan uu ku bixiyay guuldarada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyadoo ujeedka lagu sheegay in muddo dhowr jeer uu ka hiiliyay dowlada hadda jirta. SABABTA LOOGA ILAALIYAY XILKA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa wixii ka danbeeyay xil ka qaadistiisa Hay’adda NISA ku biiray garabka Mucaaradka dowlada waxaana la sheegay inuu kaalin weyn ka qaadanaayay sida caqabado dhanka Siyaasada ah loogu sameyn lahaa dowlada uu Hogaamiyo Madxaweyne Farmaajo. C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa la sheegay inuu sababsaday isgarabtaagiisa Mucaaradka, waxaana xusid mudan in xiligii uu dhacaayay weerarka lagu qaaday Hooyga C/raxmaan Cabdi shakuur uu halkaa ku sugnaa, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan dowlada. C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxa uu tan iyo markii laga qaaday xilka ahaa mid aad uga soo horjeeday Siyaasada dowlada Somalia, kadib markii uu waayay xilka NISA iyo Xildhibaanimadiisii hore. DAREENKA LAGA QABAY SOO LAABASHADA SANBALOOLSHE Dowlada Somalia, gaar ahaan xukuumada uu Hogaamiyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dareen lixaad leh ka qabtay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Xukuumadu waxa ay aad uga cabsi qabtay soo laabashada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe inay soo dadajiso caqabado Siyaasadeed, waxaana muuqday in Sanbaloolshe uu abuuri lahaa Mooshino ka dhan ah Xukuumada hadda jirta. Ujeedka soo laabashada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa la sheegay inuu ahaa ka aargoosiga Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagu uga baxay ballanqaadkii ahaa inuu iska casilo xubinimada baarlamaanka si uu muddo dheer usii hayo xilka NISA. Ballanqaadka ayaa la sheegay inuu ahaa inaan laga qaadi doonin xilka NISA, waxa uuna qorshaha fog ahaa in laga qaado xubinimada baarlamaanka. Villa Somalia ayaa rumeysan in C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, uu ka halis badan yahay Siyaasiyiinta kale, sidaa aawgeed waxaa guuldarada Sanbaloolshe ee doorashada Jowhar loo arkay inay tahay mid ay kusii wakhti dheereysan karto dowlada hadda jirto. GO’AAN QAADASHADA SANBALOOLSHE C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxa uu ku ad adag yahay dhanka go’anka waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi jecel in mar waliba uu ka aargoosto dhinacyada ku laqdabeeya Siyaasada. Waxa uu Sanbaloolshe kaga duwan yahay Siyaasiyiinta kale adeegsiga shaqsiyaad isaga ku garab ah, waxaana xusid mudan in talaabo waliba uu qaadayo ay tahay mid uu isaga hormariyo dhinacyo kale. GABAGABO C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa xiligaan aad uga soo horjeeda dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo aad uga shaqeysay inaanu mar kale kusoo bixin doorashada ka dhacday magaalada Jowhar. Sanbaloolshe waxa uu sidoo kale dajiyay haddii uu soo laabto inuu ka shaqeeyo sida loo kala diri lahaa Xukuumada hadda jirta, hase ahaatee waxaa lala dheelay qorsho u muuqday mid ka halis badan kan uu damacsanaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Yaa ka danbeeyay in Sanbaloolshe uusan dib u helin xubinimada BF? (Halista Sanbaloolshe ee DF) appeared first on Caasimada Online.
  10. Cairo – solely dependent on the Nile for its water – is at odds with Ethiopia over the construction of the Grand Renaissance Dam, which it fears could reduce waters cascading down from Ethiopian highlands and through the deserts of Sudan to its fields and reservoirs. Ethiopia says the $4 billion-dam will have no such impact. “The aim is to agree on the resumption of the consultations,” said a diplomat attending an African Union summit in the Ethiopian capital Addis Ababa, where the three leaders are gathered. The diplomat was speaking on condition of anonymity. An Egyptian government source confirmed that Egypt’s President Abdel Fattah al-Sisi would participate, saying he extended his stay to do so. Sisi will meet Sudanese President Omar Hassan al-Bashir and Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn, according to the diplomat. Discussions have been deadlocked for months over the wording of a study on the dam’s environmental impact. In December, Egypt proposed that the World Bank be allowed to help settle the dispute, a call dismissed by Ethiopia. Countries that share the Nile river have argued over the use of its waters for decades – and analysts have repeatedly warned that the disputes could eventually boil over into conflict. A bone of contention for both Ethiopia and Egypt is the speed at which the dam’s reservoir would be filled. The Grand Ethiopian Renaissance Dam – now over 60 percent complete and which will churn out 6,000 MW upon completion – is centerpiece to the country’s ambitious power exporting plans. Source: Reuters The post Egypt, Ethiopia and Sudan to meet on Monday for Nile dam talks appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday inay qaban doonaan doorashada dhammaan Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘’Xaliimo Yareey’’ oo u warameysay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay inay dhameynayaan doorashooyinka harsan. Xaliimo Yareey, ayaa sheegtay inay u harsan tahay doorashada 3 Kursi oo ay ka taagan tahay cabaso, kuwaa oo ay sheegtay in mar kale lagu kala bixi doono. Waxa ay sheegtay in doorashada 3-da Kursi ay ka kala dhici doonaan Magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho waxa ayna carab dhawday in si dhaqsi ah ay ku qaban doonaan. ‘’Wakhti badan masiin doono doorashooyinka harsan waxaanu si dhaqsi ah ku qaban doonaa doorashada Seddexda kursi ee noo harsan’’ Sidoo kale, beelaha leh kuraasta lagu tartami doono ayey sheegtay inay sii wargalinayaan wakhti hore, si loogu sii diyaar garoowe ka hor inta aan la gaarin. Haddalka Xaliimo Yareey, ayaa kusoo beegmaaya xili maalinimadii shalay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ay Magaalada Jowhar ku qabteen doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Doorashada 3 Kursi ka tirsan baarlamaanka Somalia oo dhaceysa (Halkee ayaa lagu qaban doonaa?) appeared first on Caasimada Online.
  12. President Uhuru Kenyatta joined fellow leaders at a summit of the African Union (AU) Assembly, dominated by reforms and moves towards a free trade area. Source: Hiiraan Online
  13. Emergency Relief Coordinator and Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs Mark Lowcock today released US$10 million from the Central Emergency Response Fund (CERF) to urgently help the most vulnerable people displaced in Ethiopia due to the conflict along the borders of the Oromia and Somali regions. Source: Hiiraan Online
  14. A military academy in the Afghan capital, Kabul, has come under attack leaving at least two soldiers dead, days after more than 100 people were killed in an explosion near the interior ministry building. Source: Hiiraan Online
  15. President Uhuru Kenyatta says the best way to stabilise Somalia would be through more support for the African Union Mission in Somalia (Amisom). Source: Hiiraan Online
  16. Ifrah Mansour was barely eight years old when her family fled war-torn Somalia in 1998 and arrived in the United States. Source: Hiiraan Online
  17. In October 2017, 16-year-old Faiza Mohamed Abdi was shot in the “pelvic area” for declining the sexual advances of her attacker in the port town of Bosaso, Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. An interactive online map that shows locations of wearable fitness-tracker users inadvertently reveals the locations of secret U.S. military bases overseas, according to reports Sunday. Source: Hiiraan Online
  19. (Nairobi) – Somali security forces using bulldozers have demolished dozens of informal settlements in Mogadishu since late December 2017, leaving thousands homeless. Source: Hiiraan Online
  20. Addis Ababa, 28 Jan 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee ka qeyb galaya Shirka Madaxda dalalka Midowga Afrika, ayaa la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub. Madaxweynaha oo uga warbixiyey madaxda wafdiga xaaladda guud ee dalka, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo gargaarka bini-aadantinimada. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu ay bogaadiyeen dib-uqaabeynta dhismaha amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda Soomaaliya. Madaxda wafdiga Midowyga Yurub ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin Socdaalka Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu Madaxweynuhu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug, iyagoona sheegay in xiriirka wanaagsan ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah, uu horseeday guulo wada-shaqeyneed oo muhiim u ah hor u socodka Soomaaliya. Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke. _DHAMMAAD_ The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  21. As Quebecers prepare to mark the first anniversary of the attack that killed six men, some Muslim community leaders and experts say an initial outpouring of sympathy and support from the broader community was short-lived. Source: Hiiraan Online
  22. According to the United Nations, 56 U.N. Peacekeepers died through violence in 2017. That's the highest number of fatalities since 1994 — when the U.N. sent peacekeepers to Rwanda, Somalia, Cambodia and the Balkans. Source: Hiiraan Online
  23. The year 2017 was momentous for Somalia, with the inauguration of a new president and parliament following a historic electoral process, and also the launch of a National Development Plan (2017–19). Source: Hiiraan Online
  24. Cairo - solely dependent on the Nile for its water - is at odds with Ethiopia over the construction of the Grand Renaissance Dam, which it fears could reduce waters cascading down from Ethiopian highlands and through the deserts of Sudan to its fields and reservoirs. Source: Hiiraan Online
  25. African governments still face pressing need to enact counter-terrorism and counter-insurgency measures to protect their homelands. Source: Hiiraan Online