Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,515
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Istanbul (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qoraagii Sacuudiga Jamaal Khashogi oo lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu dhex dilay Qunsuliyaddaasi. “ Baaritaanada hordhaca ah oo ay sameeyeen Booliska Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Mr. Khashoggi lagu dilay gudaha Safaaradda dalka Sacuudiga ee Istanbul, waxaan rumeysanahay inuu dilkaan ahaa mid qorsheysan kadibna meydkiisa loo soo bixiyey banaanka Safaaradda” sidaas waxaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay mid kamid ah Saraakiisha dalka Turkiga ee wada baaritaanka ku aadan kiiskaan oo noqday mid hadal heyntiisu uu qabsaday guud ahaan Turkiga. Wakaaladda Wararka Reuters ayaa shaacisay war ay ka soo xigatay Ilo mas’uuliyiinta Amniga dowladda Turkiga ka mida oo sheegay inay gaareen qiimeyn ah in qoraaga lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, kadibna meydkiisa laga saaray xarunta Qunsuliyadda. Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa laga soo xigtay in dilka Qoraaga oo ahaa nin ku kacsan nidaamka Boqortooyada Sacuudiga uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay. Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa sheegay in saraakiil Sacuudiyaan oo gaaraya 15 qof ay Qunsuliyadda tageen maalintaasi uu ballanta ku lahaa Qunsuliyadda, iyagoo isla maalintaasina ka dhoofay dalka Turkiga. Illo wareedyada si rasmi ah uma shaacin sida ay u aaminsan yihiin inuu dilkaas u dhacay, Balse Qunsulka Sacuudiga u joogo Istanbul Mohammad al-Otaibi ayaa Sabtidii sheegay inay diyaar u yihiin inay Booliska Turkiga ka caawiyaan baaritaanka Khashoggi, wuxuuna meesha ka saaray inay iyada ku lug leedahay sababtii loo waayey. Qunsulka Sacuudiga ayaa laga soo xigtay in Kaamerooyinka xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul aysan shaqeynin oo aysan suuragal ahayn in la ogaado xilliga uu qoraaga galay ama ka baxay xaruntooda. Khashoggi oo ku noolaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay Magaalada Washington isagoo ka cabsaneyey inay Sacuudiga ku ciqaabto Ra’yigiisa uu kaga soo horjeedo Boqortooyada ayaa la sheegay inuu Safaaradda u doontay Waraaq meher xaas uu rabay inuu guursado sida ay sheegtay Gabadh uu rabay inuu guursado oo ku sugeysay banaanka hore ee Safaaradda taasoo sheegtay inaysan weli heyn meel uu Wariyahaan kaga soo baxay Safaaradda, waana arrinta weyn uu keentay in dilka wariyaahaan looga shakiyo Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul. Tan iyo markii la waayey Qoraagaan, waxaa jiray warar is khilaafsan oo kasoo baxayey Mas’uuliyiin ka kala tirsan Sacuudiga iyo Turkiga, Ankara ayaa sheegtay inaan weli la heyn caddeyn muujineyso inuu qoraagaan kasoo baxay Dhismaha Safaaradda, Halka Ridyadh ay sheegtay inuu Xarunta Safaaradda kasoo baxay isla Maalintii uu galay. Hadidi ay xaqiiq noqoto in Qoraagaan lagu dhex dilay Gudaha Safaaaradda Sacuudiga ee Istanbul Waxay sababi doontana inuu xumaado xiriirka Sacuudiga iyo Turkiga, waxaana warkan uu yahay mid si weyn looga naxay oo faahfaahintiisa la sugayo. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  2. Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay ka dhacdo doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kursigaan doorashadiisu maanta ay dhacayso ayaa waxaa iska casilay Dhahar Cali Faarax kadib markii loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti. Xubnaha kurisgan ku tartamaya waxaa ka mid ah wasiirjka wasaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, iyadoo magaaladaasi ku sugan yihiin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo ay horkacayso guddoomiyaha guddigaasi Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan la yeeshay xubno ka socday beesha caalamka, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimaha la xiriira khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe. Madaxda beesha caalamka la kulantay waxaa ka mid ah kuwa maamullada Puntland, Galmudug Hirshabelle iyo sidoo kale K/galbeed. Waxyaabaha ugu weyn ee laga hadlay ayaa ah in beesha caalamka iyo IGAD ay soo kala dhexgalaan maamulladan iyo DFS. Dhanka kale, xubnaha beesha caalamka ka socday ayaa iyaguna ka dalbaday maamul goboleedyada iney soo gabagabeeyaan khilaafkan si aanay u hakan howlaha horumarinta Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Doorashada kursi kamid ah aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Doorashada Kursigan oo uu iska’casilay xildhibaan,Dhahar Cali Faarax ayaa dib u dhac ku yimid,kadib markii sida la sheegay ay isku’qabsadeen laba jifiyood oo ka tirsan beesha Dubays ee East Sanaag Clan,hase yeeshee waxaa khilaafkaasi lagu xalliyay kulan wadajir oo ay todobaadkii hore Garoowe ku yeesheen isimida labada dhinac iyo guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya. Kulanka ayaa laga shaaciyay in jifida Sinlaawe oo awal kursigan lahayd ay ku wareejisay jifida reer Guuleed oo ay ka wada-tirsan yihiin beesha Dubays ee East Sanaag Clan,sidaasi darteedna la xalliyay murankii labada jifiyood,balse lama sheegin wax lagu qanciyay qoloda kursiga wareejisay. Xubno ka soo jeeda jifida reer Guuleed oo uu ku jiro wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xassan ayaa maanta ku tartamaya kursiga,laakiin dad xog’ogaal ah ayaa aaminsan in xubinta uu wasiirku mar horeba gatay ee doorasho maqaar-saar ah loo qabanayo. Madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la rumaysan yahay in ay kaalin weyn ka qaateen,sidii uu kursigaa ugu soo bixi lahaa wasiir Jamaal,si ay Xukuumadda iyo Baarlamanka isu’gu milmaan. PUNTLAND POST The post Garoowe: Doorasho natiijadeeda la sii ogaaday appeared first on Puntland Post.
  5. Aqoonyahan C/raxmaan Daqare oo wax badan kala socda siyaasadda guud ee dalka, islamarkaana ku taqsusay maamulka iyo maareynta hay’adaha dowliga ah ayaa ka hadlay khilaafka kasoo cusboonaaday Hirshabelle. Daqare ayaa sheegay in xilligan aanay Hirshabelle qaadi karin khilaaf soo noq-noqday, islamarkaana muhiim ay tahay iney is fahmaan madaxda sare ee Hirshabelle iyo xildhibaannada. Waxa uu tilmaamay in horey loo tuuray madaxweynihii ugu horreeyey ee Hirshabelle, haatanna miiska lasoo saaray midkii Labaad. Aqoonyahankan ayaa ku taliyey in laga shaqeeyo danta shacabka Hirshabelle, islamarkaana xilligan aanay wax dan ah ugu jirin Hirshabelle mooshinka laga keenay madaxweyne Waare. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Wareysi-Craxmaan-Daqare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay ololaha doorasho ee xilligaan waqtigiisa kasoo hormaray, kaasi oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah shacabkan ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo sidoo kale dowladda ay mashquul ku noqotay ololahan, bedalkii dalka wax loo qaban lahaa. Waxa ay tani ku tilmaameen arrin la doonayo in lagu hakiyo shaqooyinkii shacabka ay ka sugayeen dowladda, islamarkaana hadda la isku sii diyaariyo doorasho aan xilligeeda la gaarin, taasi oo ah 2020. Ugu dambeyn, qaar ka mid ah shacabka la hadlay Goobjoog ayaa ugu baaqay cid walbo oo arrimahan ku lug leh iney ololaheeda la sugto xilliga loogu talogalay, inta ka horreysana ay ka shaqeeyaan howlaha kale ee dalka u baahan in loo qabto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/VOX-POP.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. ANKARA (Reuters) - Turkish President Tayyip Erdogan said on Saturday he had ordered his ministers to stop receiving consulting services from U.S. firm McKinsey, after a government deal with it came under fire from the main opposition. Source: Hiiraan Online
  8. Muruq-maalka ka shaqeeya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in shaqooyinkoodii ay qaban jireen ay saameyn ku yeelatay ololaha doorashooyinka ka soconaya magaaladaasi. Waxa ay sheegeen in mas’uuliyiinta badankood ay ku mashquuleen sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen doorashooyinkaas, taaasina ay keentay in shaqa la’aan ay soo wajahdo. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in doorashooyinkii hore ee ka dhacay Puntland aanu wax saameyn ah ku yeelan, balse tani ay sabab u noqoto in shaqooyinkooda ciriir galaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warbixinta-Saamaynta-Xoogsatada-garowe-ku-yeelatay-doorashada-6-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. When Agnes Mutemi discovered that her first-born daughter Nambia was mentally ill at the age of two, her first reaction was to be ashamed. She remained in denial for several years until she found a school which specialised in caring for children with disabilities. Source: Hiiraan Online
  10. Siyaasiyiin kasoo jeedda deegaannada Hirshabelle ayaa ka hadlay khilaafka soo noq noqday ee maamulkaasi. Waxa ay sheegeen in xalka ugu dhow ee khilaafyada kusoo noqnoqday Hirshabelle ay tahay iyadoo meesha laga saaro madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdi Waare. C/kariin Nuur Xasan, wasiirkii hore ee bay’ada Hirshabelle oo ugu horreyn hadlay ayaa sheegay in khilaafyada badan ee kusoo noqnoqday maamulkaan uu sabab u yahay hoggaanka hadda jira oo shaqadoodu aanay hufneen. Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda ganacsiga Hirshabelle, C/laahi Cali Cilmi ayaa isna sheegay in uusan dhammaaneyn khilaafkan inta laga helayo isbedal dhab ah oo dhanka hoggaanka. Sidoo kale, aragti tan la mid ah waxaa qaba wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Horshabelle, Maxamed Cabdi C/laahi Gabiley, isaga oo tilmaamay in mooshinka laga keenay madaxweyne Waare yahay mid sharci ah. Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kasoo jeeda Hirshabelle ayaa qaba aragti ahaan in meesha uu ka baxo madaxweyne Waare oo ay sheegeen in shaqadii loo baahnaa aanu qaban. Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa mooshin kalsooni kala noqosho ah waxa ay shalay ka keeneen madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, waxaana ka guddoomay mooshinkan guddoomiyaha baarlamaankaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/War-Faadumo-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. ISTANBUL — Turkish investigators believe a prominent Saudi journalist who contributed to The Washington Post was killed in “a preplanned murder” at the kingdom’s consulate in Istanbul, the Post reported Saturday night, citing two anonymous officials. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay waxa uu magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe kula kulmay xildhibaanno ka mid ah maamulkiisa. Waxa uu kala hadlay arrimo ku aadan mooshinkii ay dhowaan isagu ka keeneen xildhibaanno ka tirsan Hirshabelle. Warar ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in uu Waare ka dalbaday mudanayaashii uu la kulmay hakinta mooshinkan iyo in la yareeyo wax walbo oo caqabad ku ah horumarka Hirshabelle. Jowhar ayaa laga dareemayaa mashquul badan, wixii ka dambeeyey markii madaxweynaha Hirshabelle laga keenay mooshin kalsooni kala noqosho ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu’s local government has decided to ban the importation of auto-rickshaw vehicles (tuk-tuk), in an attempt to scale down congestion and improve the city’s traffic safety record. Source: Hiiraan Online
  14. In 1969, just nine years after the establishment of the Somalia Republic, a bloodless coup took place following the assassination of President Abdirashid Ali Shermarke. Source: Hiiraan Online
  15. The players that Mourinho scapegoats willed Manchester United to a victory by playing the style they’ve been begging him to implement. Source: Hiiraan Online
  16. A former Garissa County minister with a bullet lodged in his head after being shot in August is still in a coma although he is improving, a friend has said. Source: Hiiraan Online
  17. The Horn of Africa was in focus at the recently-concluded United Nations General Assembly in New York, where leaders tried to showcase how their countries are contributing to peace efforts in the region. Source: Hiiraan Online
  18. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa uga digay dalladaha waxbarashada ka dhisan magaalada Muqdisho, in ay wax xiriir ah la sameeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya,haddii kalena ay tallaabo cad ka qaadayan. Af-hayeenka malayshiyaadka Al-shabaab,Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere),ayaa sheegay in ay ka warhayaan,xiriirka ka dhexeeya qaar kamid ah dalladaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho iyo dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana ay tallaabo adag ka qaadayan ciddii aan ka waantoobin la shaqeynta dowladda. Sidoo kale Cali Dheer wuxuu ku hanjabay in ay weerarro la beegsanayan,goobaha waxbarasho ee hoostaga dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in lagu barto manaahij ay soo diyaarisay hay’adda UNESCO. Wuxuu intaas raaciyay in manaahijta waxbarasho ee hay’adda UNESCO diyaarisay ay xambaarsan yihiin afkaar gaalnimo ah oo lagu wasakhaynayo caqiiqada ubadka muslimka ah. Hadalkan ayaa Cali Dheere ka jeediyay degmo kamid ah magaalada Muqdisho oo ay malayshiyaadka Al-shabaab ka qeybinayeen wax ay ugu yeedheen”sakawaadka“,sida lagu daabacay mareegaha taageera. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo ku hanjabay weerarro ka dhan ah goobaha waxbarashada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Roving militias killing civilians. Prisoners stripped naked and rolled in hot ashes. "Mafia"-style murders and violence that forced more than a million people from their homes. Source: Hiiraan Online
  20. Tunisia can, through the development of its economic relations with Djibouti, gain access to the Common Market of Eastern and Southern Africa (COMESA), Ethiopia and Somalia, said President of the Tuniso-African Business Council, Bassem Loukil, on the occasion of the opening of the Tunisian-Djibouti business forum, held in Tunis. Source: Hiiraan Online
  21. The political stalemate in Somalia is likely to continue despite the state of Hirshabelle announcing that it will co-operate with the central government. Source: Hiiraan Online
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya iyo dawladooduba ay ka garaabaan dhibaatadii shacabka Somaliland ka soo gaadhay dawladii Soomaaliya, waxaanu si da’dban ugu eedeeyay dawladda wakhtigan inay sii kala fogaysay Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa ku faanay inuu iska ilaalin jiray in la kala fogaado. Xasan Sheekh wuxuu u soo jeediyay dawladda Soomaaliya iyo shacabkooda inay dawladnimada Soomaaliya keen Somaliland sidii ay shacabka Somaliland xorriyadoodii u geeyeen lixdankii. Wuxuu Xasan Sheekh yiri “Walaalaha waqooyiga ee keenay midnimada iyo walaaltinimada halkan u yimi ee isku biiray ee ay samaysantay Jamhuuriyadii 1960 jirtay waxay mudan yihiin in taariikhda lagu xuso wanaagaas iyo niyadsamida Soomaalinimada ah ee ay barigaas la yimaadeen, duruuftaasi waa ay isbadashay walaalahaasina waa ay maqan yihiin oo waxbay tabanayaan, magaca dawladnimada ayay wax ku tabanayaan, magaca dawladnimada in lagu dhibay oo wax looga biyay ayay tabanayaan” Waxa uu intaas ku daray “Waxaa ila haboon dadka Soomaaliyeed dawlad iyo shacaba inaan walaalahaas garowshiiyana siino markeenana aan u gayno oo aan midnimadii,dawladnimadii iyo walaaltinimadii inaan qaadno oo aan agtooda gayno, waanan hubaa in aanay inagu soo celinayn, laakiin intaan aad uga fikirno sida si ugu fiican dhibkii dhacay iyo mushkiladii dhacday ee magaca dawladnimada loogu gaystay inaan garawshiyo buuxa ka bixino mustaqbalka soo socdan aan talo fiican iskaga ogaano.” Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri “In badan waanu ka soo shaqaynay heerar badna waanu soo gaadhsiinay laakiin hawshu waxay u baahantahay wakhti dheer iyo dedaal aad iyo aad u dheer, anagu barigii aanu joognay talada waxaanu go’aan ku gaadhnay mar walba waxa wanaagsan ee midnimada keeni kara inaan doono haddii ay nagu adkaatana in aanan uga darin meesha ay markaas taagan tahay oo aan la sii kala irdhoobin ee meesha ay taagan tahay lagu celceliyo.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa amaanay xiriirka boqortooyada kala dhaxeeya maamulka iminka ee Mareykanka, maalmo kadib markii madaxweyne Trump uu bah-dilay boqor Salmaan, oo uu sheegay in la’aanta Mareykanka aanu xukunka joogeen laba toddobaad. “Waan jeclahay inaan la shaqeeyo Trump” ayuu Bin Salmaan u sheegay warbaahinta Bloomberg, isaga oo intaas ku daray in labada hogaamiye ay wax badan uga guuleysteen Bariga Dhexe, gaar ahaan xagjiriinta, argagixisada iyo kooxda Daacish. Waxa uu sheegay in ay caadi tahay in xulufada mararka qaar ay is-khilaafaan, isaga oo tix-raacayey hadalka Trump. “Ma dhici karto inaad ahaataan saaxiibo 100% iska sheega wax wanaagsan. Xitaa taas kama heleysid qoyskaaga, mar walba waxaa jiraya isfaham waa. Marka taas maskaxda ayaan ku haynaa” ayuu yiri. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Sacuudiga ay tahay inay lacag ku biixiyaan difaaca ay ka helaan Mareykanka, maadaama dalkaas uu yahay dal hodan ah. “Waxaan ku iri, ‘iga raali noqo, boqor Salman, ma dhib ayaad u aragtaa inaad bixiso lacagta ciidamada militariga Mareykanka’, kadib boqorka wuxuu iigu jawaabay ‘arrintan weligey cid ima weydiin’, waxaan kadib ku iri ‘aniga ayaa hadda ku weydiinaya, boqor’” ayuu yiri Trump. Inkasto Maxamed Bin Salman uu bixiyey jawaab daciifnimo ah ,haddana wuxuu gadaal kasii raaciyey “Dowladda Sacuudiga waxay jirtay Mareykanka ka hor 30 sano, Boqortooyadana lacag kuma bixin doonto in amaankeeda la sugo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Shir shalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay isku soo hor fariisteen Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa ay la qaateen xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Shirkaan ayaa si wayn waxaa diirada loogu saaray arrimaha ku aadan Khilaafka dowladda Federalka Somaliya iyo madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira. Madaxda Maamul Goboledyada ayaa xubnaha Beesha Caalamka u gudbiyay cabashada ay ka qabaan dowladda dhexe, waxayna si gaar ah uga cabanayeen Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Madaxda Maamul Goboledyada ayaa xubnaha Beesha Caalamka u gudbiyay caqabada hortaagan wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada inuu yahay Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Xubnaha Beesha caalamka ayaa la sheegay inay dhageysteen cabashada madaxda Maamul Goboledyada kadibna ay sheegeen in dhibaatada jirta la xalin doono. Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay suuragal tahay in Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu safar ugu ambabaxo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Nairobi, Berrina ku soo wajahan Muqdisho ayaanan waxba kala socon arrimaha ku xayndaaban Shirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  25. Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya,Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay, in haddii Soomaaliya ay ka dhalato dowlad umaddu soo dooratay oo waxtarleh,ay Somaliland diyaar u tahay, in ay dib ula midowdo dalka intiisa kale. Marwo Adna, waxay sheegtay in mar walba Somaliland u diyaarsantahay wada-hadallo ay la gasho Soomaaliya,laakiin dhinaca Koonfurta laga la’yahay cid si dhab ah u matasha oo Somaliland kala xaajoota arrimaha masiiriga ah ee labada dhinac. “Ciddii aad la hadli lahayd baa annaga naga maqan. Eretria iyo Ethiopia markay wada-hadlayeen,laba dowladood bay ahaayeen oo hadalka iska’dhegaysta. Annagu Soomaaliya cid aan la hadalnaba garan mayno. Gobolkeen la hadalnaa? Yaa matala Soomaaliya? Yaa af-hayeen u wada-ah? Yaa ka wada-mas’uul ah? Yay soo wakiisheen?” ayay tiri Adno oo wareysi gaar ah siisay VOA-da. Sidoo kale waxay sheegtay in markii horeba midowgii Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ee labada gumaysi u kala xidhnaa uu ku yimid is-ixtiraam iyo walaalnimo Soomaalida dhexdeeda ah,balse dhibaatooyinkii dhacay ay sababeen in dalku uu kala go’o,haddiise wanaagii iyo walaalnimadii la soo cesho mar kale la midoobi karo. PUNTLAND POST The post Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya dib ula midoobayso haddii dowlad waxtarleh ka dhalato appeared first on Puntland Post.