-
Content Count
214,613 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi, Ku xigeenkiisa 1aad mudane Abshir Maxamed Axmed, habdhowraha guud ee golaha iyo Senatarro kale ayaa maanta xarunta aqalka kula kulmay wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada-midoobay Somaaliya Mudane Nicholas Haysom. Kullanka Aqalka sare iyo Nicholas Haysom ayaa looga wada-hadlay sidii ay u wada shaqayn lahayeen Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Dhinaca kale, kulan ay shalay yeesheen guddiga joogtada ah ee aqalka sare waxaa lagu go’aamiyey in kalfadhiga golaha uu furmo 15-ka bisha October 2018. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington DC (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Sacuudiga inay taageeraan baaritaan cad oo lagu sameeyo suxufiga la la’yahay ee Jamal Khashoggi, kaasi oo aan la arkin tan iyo markii uu toddobaadkii tagey galay qunsuliyadda dalkaas ee Istanbul. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi lagu dhex dilay safaaradda, halka Sacuudiga ay sheegeen inuu si nabad ah uga baxay dhismaha. “Waxaan aragnay warar is-diidan oo ku saabsan ammaanka iyo halka uu jiro suxufiga caanka ah ee qoraalada ku daabaci jiray Washington Post, Jamal Khashoggi” ayuu yiri Pompeo oo bayaan soo saaray xilli dambe oo Isniintii ah. “Saraakiisha Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxa ay boqortooyada Sacuudiga kala hadleen arrintan ayaga oo maraya marinnada diblomaasiyeed”. Hadalka Pompeo ayaa yimid saacado kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu walaac ka muujiyey xaaladda. “Hadda cidna wax kama oga arrintan. Mana jecli” ayuu Trump weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad. Turkey ayaa isniintii dalbatay fasax ay baaritaan ugu sameyso gudaha safaaradda, ayada oo raadineysa tilmaamo la xiriira suxufiga. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa toddobaadkii tagey sheegay inuu soo dhoweynayo in Turkiga ay baaraan dhismaha qunsuliyadda. Si kastaba, waxaan caddeyn in yaboohaas uu weli taagan yahay, kadib markii Sacuudiga arrin aan “sal lahayn” ku sheegeen hadalka saraakiisha Turkiga ee ahaa in Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda. Isha: VOA
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya kadib casuumaad uu ka helay Boqor Salman bin Abdulaziz. Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo dalka Sucuudiga ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirrada warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno. Ra’isul wasaaraha ayaa bartiisa Twetter-ka ku soo qoray “maanta, waxaa dalka uga baxayaa booqasho rasmi ah oo aan ku tagi-doono boqortooyada aan walaalaha nahay, waxaan la kulmi-doonaa mas’uuliyiin si aan uga wada hadalno xiriirka labada dal iyo xoojinta xiriirka walaaltinnimo”. Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa sheegay in maamulkiisa xooga saarayo labada bil ee ka harsan sanadkan 2018 sidii loogu diyaari garoobi lahaa in Stadium Muqdisho uu marti geliyo qabashada tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. “Tani waxa ay fursad siinaysaa ciyaartooyda iyo wafooda ka imaanaysa Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee olalahan ka qeyb galaysa tartanka xiisaha badan ee maamulada dalka wuxuuna abuuri doonaan jawi kale oo aad u wanaagsan maadam ay xidigaha ciyaarayo ay nasiibo u yeelanayaa ku dheelista stadium Muqdisho waxaa sidaas warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow). Duqa Muqdisho oo sii hadlaya waxuu yiri“Waxaa rabnaa in aan abuurno jawi wanaagsan oo ku aadan horamarinta ciyaaraha Gobolka Banaadir hadafkeena waa in aan dhalinyareedana u abuurnaa fursado cusub taas oo ku aadan ku aadan geedis socod wanaagsan. Dhinaca kale, gudoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish oo isna arrintan ka hadlay wuxuu yiri “Marti gelinta Stadium Muqdisho ee tartanka Maamul-Goboleedyada waa fursad abuur wanaagsan oo ku aadan xaga ganacsiga iyo isu soo dhawaashaha bulshada Gobolada iyo Gobolka Banaadir”. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay caasimada Muqdisho ku qabtay fiinalaha tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir in la ciyaaro xili habeeno waxaan arintaas soo dhaweeyay bahda ciyaaraha dalka iyo madaxda isboortiga caalamka. August 28, 2018: Ciidamada AMISOM ayaa ka baxay Stadium Muqdisho kadib 10 sano uu garoonka ahaa saldhig Militari, waxaana lagu wadaa in tuulada ay ku soo noqotay sidii ay aheyd. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ciidamo Somali iyo Ajnabi ah ay gurigiisa ku weerrareen kuna dileen Sheekh caan ka ahaa degmada Wanla-weyn. Weerarkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, markii ay ciidamadan loo maleynayo inay yihiin Mareykan iyo kumaadooska Somalia ay u dhaceen, kuna dileen gurigiisa Sheekha oo lagu magacaabi jiray macalim Nuur Cismaan Bilaal. Dadka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in Sheekha uu ahaa nin si weyn looga yaqaan degaanka oo tafsiirka Qur,aanka iyo Cilmiga Diinta Islaamka ka akhrin jiray Masjid ku yaalla degmadaaso, iyado aan la ogeyn sababta loo khaarijiyey. Dadka degmada Wanlaweyn ayaa si weyn uga naxay dilka Sheekha, mana jirto wax war oo ka soo baxay ciidamada Soomaaliya, iyo kuwa la socday ee Caddaanka ahaa. Ilaa iyo hada ma jirto wax war oo kasoo baxay maamulka Degmada Wala-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ee ku aadan dilkan xalay loo geystay macalim Nuur Cismaan Bilaal oo tafsiirka qur’aanka ka aqrin jiray masjid ku yaalla Dagmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay kasoo caga dhigatay diyaarad laga leeyahay dalka Sucuudiga Carabiya. Wararku waxa ay sheegayan in diyaaradan ay ka imaaday magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga isla markaana ay Garoonka ka qaaday Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Diyaaradan oo qaaday Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid khaasa oo loo soo diray Ra’isul wasaaraha dalka, sida ay xaqiijiyeen illo muhiim ah, waxaana Kheyre ku wehlinaayay safarka Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada. Ra’iisul wasaare Kheyre oo u kictamay dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in halkaa uu ku nagaan doono muddo Seddex cisho ah. Sacuudiga iyo Kheyre ayaa kawada hadli doona arrimaha Khilaafka Imaaraadka iyo culeyska ay dowlada Somalia ku heyso xulafada Sacuudiga. Sidoo kale, Sacuudiga iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si qoto dheera uga wada hadli doona ballanqaadyo aysan wali fulin Sacuudiga iyo arrimo kale oo muhiim ah. Dowlada Sacuudiga oo dano Siyaasadeed gaara ka leh Somalia ayaan wali ku guuleysan, sababo la xiriira fahan la’aan ka taagan Siyaasada ay isticmaalayan labada dal. Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa lagu wadaa in heshiisyo cusub uu lasoo galo dowlada Sacuudiga si meesha looga saaro tashwiishka Siyaasadeed ee ka dhextaagan labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayrre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay dalka Saudi Arabia. Ra’iisul wasaaraha ayaa booqasho ku tegaya magaalafa Riyaadh ee caasimadda boqortooyada Saudi Arabia,halkaas oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiskiisa. Dowladda Saudi Arabia ayaa diyaarad khaas ah u soo dirtay wefdiga ra’iisul wasaare Khayrre,taas oo ka qaadday garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho. Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku qotoma,xoojinta xidhiidhka walaaltinimo iyo islaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Saudi Arabia,sida uu sheegay mas’uul ka tirsan xafiiska Xassan Khayre. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayrre oo u dhoofay Saudi Arabia appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka dowloadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Todobaad kahor waxa ay howlgallo ka bilaabeen wadada isku xirta B/weyne iyo Buul—burde iyaga oo dagaallo kala kulmay Al-shabaab. Ciidamadii ka baxay B/weyne ayaa gaaray degmada Buulo-burde, waxaana weli ay sii wadaan dhaq-dhaqaaqyo kale oo ay ku doonayaan iney ku tagaan deegaanno kale. Korneel Faarax Cali Waasuge, Taliyaha guutadada Shanaad qeybteeda 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in khasaare badan ay soo gaarsiiyeen Al-shabaab. Taliyaha ayaa dhanka kale ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab iney isaga soo baxaan ururkaasi oo ay isku soo dhiibaan dowladda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warka-Howlgalka-Hiiraan-Talaado-By-Ziyaad-10-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi qarax lagula beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Kolonyada ayaa la sheegay in qaraxa lagula eegtay degaanka Gololeey oo u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar kana tirsan gobolka Shabeellaha dhexe. Wararku waxay intaas ku darayaan in mid kamid ah gawaarida gaashaaman ee ciidamada Burundi ay waxyeello ka soo gartay qaraxa oo aha miino wadada lagu aasay. Sidoo kale dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in qaraxu haleelay kolonyo kamid ah AMISOM oo ka soo laabtay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo ay sahay iyo saanad ciidan geeyeen. Dhinaca kale malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi,sida ay lagu daabacay warbaahinta taageerta. PUNTLAND POST The post Kolonyo ay leedahay AMISOM oo la qarxiyay appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Amniga Puntland ayaa soo saarey qodobo ku qotomo doorashadda Madaxwaynaha ee kusoo wajahan maamulkaan, taasi oo ay ka harsan tahay muddo 80-cisho ah. Taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Nugaal Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay caqabado dhanka amniga oo Garoowe ku soo kordhay in ay masuuliyaddooda leeyihiin musharrixiinta. Waxa uu sheegay taliyaha in xabadaha habeenkii dhaca ay hadda ridaan ilaalada mas’uuliyiinta, isaga oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin arrimahaasi. Taliyaha ayaa sheegay in magaalada oo aad u buux dhaafiyeen siyaasiyiin ayaa hadana ilaalada ay kala wataan mararka qaar rasaas ay ridaan. “Ciidamo badan oo hub ku dhex wata magaalada ayaan qabannay waxay sheegayaan in meel banaanka ka ah magaalada ka yimaadeen ama ku leeyihiin hebel ayaan la soconnaa, hadaba ciidamada sidaas oo kale ah hubka Koontaroolka ayeey soo dhigi doonaan, ama waan maxkamadeyn doonnaa” ayuu yiri taliyaha. Garoowe ayaa amni ahaan maalmahan dambe ahayd mid aad uga sii dartay, waxaana magaaladaasi ku batay dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya, haatanna ah Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dowladda wado. Xildhibaan C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in dowladda ka gaabisay qaadista duulaan saf balaaran leh oo lagu ekeenayo deegaanada Shabaab ka heystaan Gobolada Dalka Somaliya. ” Bilihii u danbeeyay dowladda kuma howlaneyn in lala dagaalamo Al-Shabaab, Waxeyna ku mashquulsaneyn inteeda badan Maamul Goboleedyada, SIyaasada iyo hiigsiga sanada 2020, Taas ayaa ka amrin habaabineysa howlihii asalka u ahaa in dalkaan Xasilooni lagu soo dabaalo” Waxaa sidaa VOA u sheegay Xildhibaanka. Waxa uu sheegay in mudadii uu fadhiyay Wasaarada Difaaca la isla qaatay inaan lakala joojin Dagaalka Shabaab, lala hadlo inta wadahadalka ogol, wixii ka soo harana rasaas lagu maquuniyo. Xildhibaan C/rashiid C/llaahi Maxamed, oo ahaa ninkii Muqdihso keenay Sanadii hore Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa dhinaca kale ka hadlay dooda dowladda ay gelisay musharaxnimada Rooboow. Dowladda, ayuu ku dhaliilay iney Rooboow uga baxday balamo ay wada galeen, taasoo qeyb ka eheyd inuu isu sharixi karo doorashada Baydhabo ka dhaceysa 17-ka Bisha danbe ee November. C/rashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa shaqsigii bilaabay wada hadalka dhexmaray dowladda federaalka iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa wuxuu sheegay qaabkii loo balamay in badan oo ka mid ah in dowladda dhankeeda uusan ka fulin. Wuxuu sheegay qodobada la isku afgartay ee dhanka dowladda uu ka fuli waayay inay ka mid aheyd in si wadajir ah oo dalka iyo dadka dano ah lagu wada hawlgalo, balse arrintaasi iyo kuwa kaleba ay dowladda ka baxday. “Muqtaar Shabaab mar hore ayuu ka baxay, warkiisana wuu cadeeyay, dagaallo lala galay Shabaab wiilkiisa C/laahi ayaa kaga dhintay, marin habaabin ayaan u aragnaa in Muqtaar markale lagu tiriyo Shabaab, dano siyaasadeed ayaa laga leeyahay arrintan”. ayuu yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay VOA-da. Wuxuu sheegay intii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga in lagu balamay Shabaab intooda ku haboon in wada hadal lala galo, inta kalena dagaal toos ah lagu qaado, balse dowladda ayuu tilmaamay inay arrimahaasi meel iska dhigtay oo ay ku mashquushay siyaasadda maamul goboleedyada iyo doorashooyinka 2020-ka. C/rashiid C/laahi ayaa tilmaamay ololaha doorashada Roobow inay soo bilaabatay mar hore dowladda hadii ay dooneysay inay wax saxdana goor hore laga rabay inay soo saarto warqada ay ku hor istaagtay, wuxuuna sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay is hor istaaga lagu sameeyay Roobow. Halkaan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/codka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Weerar ambush ah ayaa xalay lagu qaaday talis kamid ah ciidamada Somaliland ee fadhiya Tukaraq,sida ay sheegeen dadka degaankaasi. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay dagaal socday in ka badan hal saac oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamo degaanka u dhashay oo taageersan Puntland. Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ee jiidda Tukaraq ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu qaaday talis ay leeyihiin militariga Somaliland oo ka durugsan furinta hore. Saraakiisha ayaa intaas raaciyay in weerarka ay halkaasi ka fuliyeen ciidamo degaanka u dhashay oo Puntland taageersan islamarkaana Somaliland khasaare kala duwan loogu geystay. Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga hayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac,sidoo kalena Puntland iyo Somaliland midna weli kama hadlin. Hase yeeshe guddiga difaaca Puntland ayaa la filaya in ay maanta saxaafadda uga warbixiyan dagaalkii xalay iyo khasaaraha la dhashay. The post Dagaal xalay ka dhacay Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
A week after dissident journalist Jamal Khashoggi entered Saudi Arabia’s consulate in Istanbul for some routine paperwork, the mystery over his disappearance remains unresolved: Turkish officials allege he was killed in the compound; the Saudis say he left the building unharmed. Source: Hiiraan Online
-
Police in Garissa are hunting a woman for the torture of a 13-year-old girl who was under her care for one year. Source: Hiiraan Online
-
Turkish authorities are examining motorway cameras in the search for a black van they believe carried the body of Jamal Khashoggi from the Saudi consulate in Istanbul last week – one of six cars investigators say belonged to a Saudi hit squad thought to be behind the suspected murder of the dissident journalist. Source: Hiiraan Online
-
Google announced Monday it is shutting down the consumer version of its online social network after fixing a bug exposing private data in as many as 500,000 accounts. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugu soo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaakliya, oo uu ku dhawaaqay toddobaadkii tagey. Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa bilaawday in ay warbixinno ka sameyso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Rooboow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, uu kawado magaalada Baydhabo, waxaana Idaacadda Andalus ay u adeegsatay warbixinteeda Erayga “Murtad Mukhtaar Rooboow Al-Shabaab waxa ay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu “ku dhuumaaleysanayey safka mujaahidiinta, oo uu culees iyo caqabad ku ahaa jihaadka, iskaba daa inuu wax taro” “Dadkii ugu dambeeyey ee allaha ku fadeexeeyey umadda hortooda waxa uu ahaa Mukhtaar Roobow, oo bishii August 2017 ku biiray kooxda murtadiinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ay baahisay idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa tiri “xitaa ka hor inta uusan dowladda isku dhiibin, waxa uu Mukhtaar Roobow sanado badan xiriir hoose la lahaa cadowga, isaga oo maleegayey shirqool ka dhan ah mujaahidiinta” Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Roobow uu la mid yahay Burhanudin Rabani, Gulbuddin Hekmatyar iyo Abdul Rasul Sayyaf, oo dhammaantood ah reer Afghanistan, iyo Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe oo Soomaali ah. Dhageyso codka Sheekh Cali Dheere Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa u ogolaan doonta dadka Afrikaanka ah inay dalkaas ku galaan visa la’aan, xilli miisaaniyeedka 2018/19, sida uu sheegay madaxweyne Mulatu Teshome. Aqalka Wakiilada Ethiopia iyo Aqalka Federaalka ayaa shalay kulan wada jir ah oo arrintan ku saabsan ku yeeshay magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, halkaasi oo go’aankan lagu gaaray. Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu dhaqan galayo sharciga. Ogolaanshaha in dalkaas ay dadka Afrikaanka ah ku yimaadaan dal-ku-gal la’aan ayaa waxaa ka faa’iideysan kara boqolaal Soomaali ah, oo dalkaas u safra, mararka qaarna dhibaato kala kulma helidda Visa-ha dalka Ethiopia. Go’aanka cusub ayaa dadka Afrikaanka ah u ogolanaya inay marka ay soo degaan garoonka ka qaataan Visa-ha, intii ay dalban lahaayeen ka hor inta aanay iman, sida uu sheegay madaxweyne Mulatu. Lama sheegin dal Afrikan ah oo go’aankan laga reebay, sidaas darteed, waxaa ka faa’iideysan doono dhammaan muwaadiniinta qaaradda. Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaal ay Ethiopia ku dooneyso inay ku horumariso dalxiiska dalkaas, islamarkaana sare u qaaddo dhaqaalaha dalka. Shirkadda Ethiopian Airlines ee duulimaadyada ayaa ah midda ugu weyn qaaradda Afrika, waxayna sidoo kale waddaa dadaallo ay ku kordhineyso duulimaadyadeeda, taasi oo qeyb ka ah in la fududeeyo imaanshaha dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bisha Janaayo sanadka dambe waxaa loo ballansan yahay in ay Puntland ka dhacdo doorashada Madaxweynenimo ee maamul Gobolleedkaas. Sidi hore loo bartay si ka duwan, shacabka reer Puntland waa markii ugu horreeysay ee ay ku adkaato in ay saadaal ka bixiyaan cidda u qaban doonta hoggaanka. Yaa sharraxan? Musharaxiinta hadda u taagan qabashada xilkaas ama bedelidda Cabdiweli Cali Gaas waa kuwo ay tiradooda ku dhaw dahay 20 haddii aysan ka badneyn, hase ahaatee, wey adag tahay in tilmaan laga bixiyo shaqsiga ku soo bixi doona. Caadiyan, Puntland waxaa xilka ugu sarreeya isku bed bedelli jiray Jufada Maxamuud Saleebaan ee ka tirsan Majeerteen laga soo bilaabo Cabdullaahu Yusuf Axmed (AUN), kaas oo door weyn ku lahaa dhidhibbo u aasiddii maamulka ugu da’da weyn Koonfurta Soomaaliya, isaga oo noqday Madaxweyneheedii kowaad. Cabdullaahi Yusuf waxa uu beel ahaan ku abtirsanayey Cumar Maxamuud oo ka mid ah Maxamuud Saleebaan, waxaa bedelay Cadde Muuse (AUN) oo isna ahaa Cismaan Maxamuud, waxaa xigay Cabdiraxmaan Faroole oo ah Ciise Maxamuud – hakaas waxaa ku soo xidhmay tookeysigii kowaad ee Maxamuud Saleebaan! Cabdiweli Gaas ayaa dib giraanta u soo celiyey oo ah Cumar Maxauud, hadaba, su’aasha taagan ayaa ah tookeysigu ma socon doonaa? Haddii ay haa tahay, Yaa Cismaan Maxamuud u soo bixi doona? Hase ahaatee, waxaa su’aashaas kore ciriiri galiyey loolanka mandiqadda ka jira ee ay isku hayaan Imaaradka Carabta iyo Qadar kuwaas oo dhinaca kale u rogi kara giraantii Maxamuud Saleebaan! Haddii aad weydiiso, indheer garadka reer Puntland, yaa sanadkan ugu cad cad ama fileysaa waxa ay kuu sheegayaan in uu hummaag uga jiro arrintaas oo ay sababtu tahay loolanka Qadar iyo Imaaraadka. Imaaraadka waxaa aad ugu xiran Cabdi Weli Gaas, Saciid Deni, iyo Cumar Cabdirashiid, halka Qadar ay wada-hadal la leedahay dhowr musharax, ayada oo weli xuleysa hala ama laba musharax oo xooggan oo ay xoogga ay saarto. Yaa ugu cad cad? Juxa – Ciise Maxauud – waxa uu qaldi doonaa giraantii wareegga ahayd! Faarax Cali Jire – Cali Saleebaan – Ma qaldi doono ee dhinaca kale ayuuba u roggi doonaa Siciid Deni iyo Dr Saadiq Enow, Cumar Cabdirashiid – Cismaan Maxamuud Waa jug jug meeshaada joog iyo ha socoto giraanto! W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi) Email: Muhammedkaafi@Gmail.com
-
Dhawaan wareysi ay VOA-da la yeelatay Dr Edna, oo hore Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland u soo qabatay waxa ay ku sheegtay hadallo farxad galiyey laabta qof walba oo Soomaali ah. Weydiin ay Sahro Ciidle Nuur oo wareysiga qaadeysay ku tuurtay Adna ayaa u dhigneyd sidan: “Suurtagal ma tahay in Somaliland markale Soomaaliya isku noqdaan oo la’isu yimaaddo?” Jawaabta Dr. Edna: “Haddii Soomaaliya dowlad wanaagsan ka dhalato, dowlad wanaagsan oo wax lala qeybsan karaa, DABCAN”. Dhabtii ma ahayn hadallo ay umadda Soomaaliyeed ka fili kartay shaqsi aad ugu ad adkaa qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, Dr. Edna, hayeshee, sida waqtiga wax walba u bedelo ayey u muuqatay in Edna uu Iyana u bedelay. Qodobada hoos ku xusan waxa ay kuu muujinayaan in hadalka Dr Edna iska imaan ee uu ku qotomay waaqaca ama xaqiiqda jirta. Kow: Dhallinyaraddii Somaliland oo noqday safiirro wanaag ka gudbiya Soomaalida Koonfurta Haddii aad joogto Muqdisho, waxaa kuu soo baxaysa in caasimadda Soomaaliya is dhexgal aad u weyn ka jiro. Dhallinyaraddii Waqoyiga, haba ugu badnaadeen Hargeisa, Burco iyo Boorame waxa si xawli ah u yimaadaan magaalada. Imaanshahooda ma aha mid ku kooban, soo arag Muqdisho, balse waa dhallinyaro wax soo bartay oo soo raadsaday fursado shaqo. Waxaa lagu soo dhaweeyaa farxad iyo xiiso ay u qabaan dhiggooda Koonfurta oo durba ku casuma dalxiis geyn, Liido, Pizza House, Jazeera, Cadalle iyo Warshiikh! Maanta shaqaalaha ugu badan ee hay’adaha dowladda ilaa iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha waa dhallinyaro reer Waqooyi ah! Taas, waxa ay keentay in ay sawir walaalnimo, kalgacal uga gudbiyaan dhallinyrada Koonfurta, taas oo dhabbaha u sii xaarta in dhallinyaro kale ay maalin wala gegida Aadan Cadde ka soo dagaan! Ogow, waa dhallinayaro xoog uga gudbay xeyn-daabkii xarigga ee maamulka Somaliland! Qodobka labaad: Siyaasiyiinta Soomaalida oo ka dhawrsada hadallo xanaf keena Dhammaan madaxdii isu kala bedeshay hoggaanka Villa Soomaaliya, laga soo bilaabo bur burkii kaddib, ma jirin mid hadal xanaf leh u quuray walaalaha Somaliland, taas cagsigeeda, siyaasiyiinta Somaliland qaar baa jira xataa ka gudbay dhaqankii Soomaalinnimo, walaalnimo iyo Islaannimo oo aflagaadooyin ay Soomaali kala mudneyn warbaahinta mariyey – xataa qaar baa yiri, “Wiilka Muqdisho ku dhasha waxaa nooga sokeeya kan Itoobiya ku dhashay!” Mas’uuliyadda ay isa saareen hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxa ay door ka ciyaartay in ay ugu yaraan ku day’daan dhiggooda Waqooyiga, hadalka Dr. Edna ma aha mid iska yimi. Qodobka Saddexaad: Garowshiyaha dhibtii gaadhay walaalaha Somaliland Waxaa isna xusid mudan oo dhabtii bedeli kara ama bedelay mawqifkii Somaliland garowshiyaha ay Soomaalida kale ka bixisay dhibtii uu kacaanka gaadhsiiyey walaalaha Waqooyiga. Walow, Kacaanku dhib iyo dheefba lahaa, hadana dhibtiisu kuma koobneyd hal deegaan oo waxa uu ahaa mid simmay dhammaan dadka, Puntland dhibbaa ka soo gaadhay, Goboladda dhexe iyo Muqdisho sidoo kale, ma jirto meel uu gaar ku ahaa, taas oo jirta, hadanna Soomaalida Koonfurta waxa ay ka middeysan yihiin in si gaar ah loogu garaabo Walaaha Waqooyiga maadama ay iyagu ahaayeen kuwii wadajirka markii horeba soo gacalooday. Gunaanad, Mar haddii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Eritrea oo dagaallo laba sano socday isku riiqay, col ahaa ,qorina isla horfadhiyey 20 sano, dhaqan iyo qabiil wadaagin, ogow, hadalka Dr. Edna iskama immaan! Wiilka Gabiley joogga, kan Goof gaduud jooda, Garbahaareey, Buurhakaba iyo Saylac iyo Sanaag, ma aqbali doonaan in la kala xidho. W/Q: Mohamed Musa Aden (Mohamed Kaafi) Email: Muhamedkaafi@gmail.com
-
Bosaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa ay isku farasaaren ciidamada Somaliland iyo Puntland. Labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inay isku adeegsaden Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo inta badan deegaanka laga maqlaayay Madaafiic culus oo ay is weydaarsanayeen labada ciidan. Hubka ugu badan oo labada ciidan ay isku adeegsanayeen ayaa ah Madaafiic kuwaa oo la xaqiijiyay inay u gudbayeen xaafadaha qaar. Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inta ay madaafiicdan socotay inay maqlayeen rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay kala ridayeen. Madaafiicdan ay is weedaar-sadeen labada ciidan ayaa sidoo kale geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan iyo dadka rayidka ah. Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, balse waqti walba la filan karo in dagaal uu dhaco, maadaama dhinacyadan ay weli is hor fadhiyaan. Sidoo kale, waxaa Tukaraq wali isku horfadhiya labada ciidan, iyadoo maamul waliba uu ciidamo dheeri ah ku daadgureynayo furumaha dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, dagaalada ka taagan deegaanka Tukaraq ayaa u muuqanaaya kuwo soo cusboonaanaya waxaana suuragal ah in halkaa uu ka dhaco dagaal. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
