Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,188
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamadda Nabad Sugida Maamulka Jubba-land ayaa xalay weerar ku qaaday hoy ay magaaladaasi ka daganaayeen mas’uuliyiin katirsan maamulkaas. Ciidamadda ayaa weeraray Hoy ay ku sugnaayeen Xildhibaan Axmed Cumar Taajir oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Jubba-land iyo sidoo kale gudoomiyaha Degmadda Kismaayo Tima Jilic. Sida ay inoo sheegeen dadka Magaaladda kismaayo Ciidamadda ayaa saacaddo kooban xayiraad saaray masuuliyinta ka tirsan maamulka Jubba-land,waxaana rasaas ay laga maqlay hoyga mas’uuliyiinta. lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa in la weeraro masuuliyiintaan katirsan Jubbaland mana jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay Maamulka Jubbaland oo ay arintaan uga hadlayaan. PUNTLAND POST The post KISMAYO: Hooy Ay Daganyihiin Masuuliyiin katirsan Jubbaland oo La Weeraray appeared first on Puntland Post.
  2. Gaalkacyo-(Caasimadda Online)-Wararka naga Soo gaaraya Magaalada gaalkacyo ayaa Sheegaya in Magaalada lagu xiray 3 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha degaanka Magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kaarar been abuur ah u daabici jireen dadka Danta yar,kadibna lacag ka qaadan jiray. Saddexda Xildhibaan ayaa qoyskiiba ka qaadayay $5 Doollar,kaddibna aan dib ugu soo laabaneyn,iyada oo maamulka Gobolka Mudug ee Puntland uu arrintaas ka war helay. Maxamuud Yaasin Axmed Tumey Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in Xildhibaannada xiran ay ku wareejinayaan Maxkamadaha islamarkaana waxaa uu sheegay in lacagaha barakacayaasha laga qaaday ay u dib ugu celinayaan dadka barakacayaasha ee danyarta ah. 3 Xildhibaan oo kala ah Aways Axmed Salaad,C/waaxid Axmed Maxamed iyo Madar Cali Faarax ayaa kamid ahaa dadkii tagay xarumaha barkacayaasha ee magaalada Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaano kaarar been Abuur ah u sameeyay Dadka Barakacayaal ah oo gacanta lagu dhigay. appeared first on Caasimada Online.
  3. On January 19, then Coast regional coordinator Nelson Marwa said the operation must succeed. Source: Hiiraan Online
  4. Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed iyo kuwa Booliska ayaa xirey qaar kamid ah wadooyinka Muhiimka ah ee magaaladda Muqdisho. Ciidamadda ayaa gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas,waxaana kaliyah loo ogol yahay in ay isticmaalaan dadka lugta maala. Wadooyinka xiran ee gaadiidka rayidka loo diidayo, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca. Lama oga sababta loo xiray wadooyinkaan iyo isbedelka amni ee ka jira Magaalada. PUNTLAND POST The post Ciidamada Dowladda oo Xirey Wadooyinka Magaaladda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. GALKAYO, Somalia — In late 2016, the semiautonomous Puntland region of northeastern Somalia passed a landmark sexual-offenses law to widespread international acclaim. Source: Hiiraan Online
  6. Somali security forces on Monday killed at least seven al-Shabaab militants and injured a number of others following heavy fighting with insurgents in Bay region, in the south part of the Horn of Africa nation. Burhakaba District Commissioner in Bay region Mohamed Ibrahim confirmed that four government soldiers, including a senior commander, were killed in the fighting. “We have killed seven al-Shabaab militants, injured several others and recovered four guns after fighting that lasted several hours in Lug-habar location, along the road which joins Burhakaba and Baidoa town in this region,” Ibrahim said. He said the Somali National Army (SNA) conducted the operation against al-Shabaab militants in the area after getting information that the insurgents had mounted a checkpoint in the area. Al-Shabaab militants, however, said they won the battle with Somali National Army, claiming to have killed SNA’s commander for Bur-hakaba town, Abdirahman Osman Abrone. The group said its fighters ambushed a SNA convey from Baidoa town, the administrative capital of Southwest State in Somalia to Burhakaba town. The latest fighting came amid military operations in the region to flush out insurgents who have been mounting near-daily attacks on African Union peacekeeping mission bases, government installations and other public places. Source: – Xinhua The post At least 7 al-Shabaab militants killed in south Somalia appeared first on Caasimada Online.
  7. The newly appointed Mogadishu mayor, Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) assumed office during handing over ceremony held on Monday night in Somali capital. Ministers, lawmakers, government officials, elders, businessmen and other civil society members have attended the handing over event which took place at the headquarters of local government. Osman who was the country’s Information minister at the time of his appointment took the office from his predecessor, Thabit Abdi Mohamed who was sacked 21st this month by Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo. The new mayor and the governor of Benadir region has commended the tremendous achievements of the outgoing mayor who held the post last year. He pledged to reform the institution and tackle the city’s crises including insecurity, corruption and the economy. For his his part, the outgoing mayor urged the municipal staff to work with the new mayor. The post Newly appointed Mogadishu mayor takes office appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumaddii Ra’isul wasaare Saacid, Cabdullaahi Cilmooge Xersi, ayaa sheegay in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka dheereeyay xadkii loogu tallo galay. Ciilmooge, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu caqabad ku yahay labada Gole ee maamulka iyo shacabka, waxa uuna carab ***** inuu yahay Hogaamiye digtaatoori ah. Ciilmooge, waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu caburin uu ku hayo labada Gole ee maamulka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in xiisadaha xiligaan ka jira Kismaayo uu isaga sabab u yahay. ‘’Khilaaf iyo caburin aan dhamaan ayaa kala dhexeeya labada Gole, cida uu isaga doonaayo ayuu xilka ka qaadaa, taa waxaan filaay inaanu xitaa keligii taliska uusan ku dhaqmin’’ Ciilmooge, waxa uu sheegay in maalin walba ay cabasho uga timaado dadka deegan Jubbooyinka, sidoo kale dhammaan la xaalufinayo dhirtii deegaanada Jubbaland dalka dibadiisana loo dhoofiyo Dhuxusha. Ciilmooge, ayaa intaa ku daray hadalkiisa in Axmed Madoobe uu yahay mid kaligiis talis ah oo jecel in kaligii uun uu wax maamulo sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ku dhaliilay in uusan ku guuleysan in uu xureeyo deegaanada ka maqan Maamulka Jubbland sidaas dareedeedna uu isagu u yahay musharax Maamulka Jubbaland. Geesta kale, Ciilmooge, ayaa labada Gole iyo dadka shacabka ah ugu baaqay inay iska xoreeyan Axmed Madoobe oo uu sheegay inuu yahay keligii talis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciilmooge ‘’Axmed Madoobe waa kaligii talis caburin ku haya Golayaasha iyo Shacabka Jubbaland’’ appeared first on Caasimada Online.
  9. Hargeysa (Puntlandi) Abwaan Axmed Ibraahim Qorane oo ah Aabaha dhalay Naciimo Qorane oo ah gabadh u ololeysa midnimada Soomaali weyn kanasoo jeeda Hargeysa, laguna xiray Somaliland, ayaa si adag uga hadlay xarriga gabadhiisa. Abwaan Qorane waxaa uu sheegay gabadhiisa in loo xiray inay aaminsan tahay Somaliweyn ayna u xiran tahay sirdoonka maamulka Hargeysa. Wuxuu cadeeyay inuusan wax dhibaato ah u arag in gabadhiisu ay fikirka Somaliweyn aaminsan tahay laguna xirin karin. waxaa kale oo uu sheegay inaan cidina si khasab ah looga shubi karin looguna colaadin karin fikirka Somaliland. “Qofka dhahay Anigu Somaliland ayaan ahay, laakiin waxaan aaminsanahay Soomaaliweyn dee miyuu Diintii ka baxay. Adeer ma soconayso sacabka ii garaac iyo waxaan la dhoodhoobayo, gabadhaydana wax dambi ah ma gelin.” ayuu yidhi Abwaan Qorane. Halkaan ka daawo.
  10. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta gobolka Banaadir si rasmiy ah xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore, Taabid Cabdi Maxamed. Xafladda xil-wareejinta oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka JFS, Wasiirro, Xildhibaanno,Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Saraakiil, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin iyo qaybaha bulshada ee kala duwan ayaa ku qabsoomtay jawi wanaagsan. Munaasibadda ayaa waxaa hadal ka jeediyey Guddoomiyihii hore iyo Duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed, isagoo tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay inuu si nabad oo dimuquraadi ah ugu wareejiyo xilka guddoomiyaha cusub, isagoo xusay waxqabadkii uu soo qabtay mudadii uu shaqeynayay, waxana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyey inuu halkaa kasii wado shaqada iyo horumarka. Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kelmad qiimo badan goobta ka jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxda qaranka, maamulkii ka horreeyey iyo bulsha weynta gobolka Benaadir, isagoo sheegay inuu wax dadaal ah la hari doonin si wax badan ugu qabto dadka degan Benaadir iyo inuu gobolka horumariyo. “Waan u mahad-celinayaa madaxda sare ee Qaranka, siyaasiyiinta, Wax-garadka iyo maamulkii hore oo runtii wax badan soo qabtay. Waa guul in si nabad oo dimuquraadi ah xilka la isugu wareejiyo, waana dhaqan wanaagsan oo aan bogaadinayo “ Ayuu yri Guddoomiye Eng. Yarisow. “Waxaan shacabka ku nool caasimadda Muqdisho u ballanqaadayaa inaan u qabto waxay iga wada rajaynayaan oo ah ka shaqaynta nabada, caddaalada, shaqo-abuurka iyo ilaalinta ammaanada, si loo gaarsiiyo adeegyo bulsho guud ahaan dadka degan Caasimadda,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Dhanka kale, Guddoomiye Yariisow ayaa isna yiri. “Waxaan u caddaynayaa bulshada degan Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Benaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimaddu waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah.” Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee xilka wareejiyey. Waxuna soo dhaweeyey maamulka cusub, isagoo u rajeeyey in ay ku guuleystaan shaqada culus ee hortaalla. Ugu dambeyn, waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir iyo guddoomiyihii hore, sidoo kale waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo Xoghayaha guud ee gobolka Benaadir oo dhammaantood mahadcelin iyo boggaadin u jeediyey madaxdii ay xilalka kala wareegeen. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho oo si Rasmi ah Xilka ula Wareegay appeared first on Puntland Post.
  11. Addis Ababa, 28 Jan 2018;Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula kulmay Addis Ababa Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Albashiir, labada Madaxweyne oo kasoo qeyb galay shir-Madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika ayaa kulan goonni ah yeeshay. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha Suudaan horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada Amniga iyo dib u heshiisiinta, Sidoo kale Madaxweyne Albashiir ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Soomaaliya safarradii Nabadynta iyo dib u heshiisiinta ee uu ku maray deegaanada Galmudug iyo Puntland, Madaxweyne Albashiir ayaa tilmaamay inay taasi tusinayso midnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Suudaan ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteras uu kala hadlay, sidii loo taageeri lahaa dib u dhiska ciidamada Soomaaliya welibana Qaramada Midoobay ugu raadin lahayd Kharashaad. Madaxweyne Albashiir ayaa caddeeyey in dalkiisu diyaar u yahay in uu Soomaaliya ka caawiyo dhisidda Hay’adaha Dowladda iyo taageero kasta oo Soomaaliya uga baahato. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay kaalinta wanaagsan ee taageerada iyo garab istaagga ay Dowladda Suudaan la garabtaagantahay Dowladda Soomaaliya wuxuuna sheegay inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta iyo xiriirka labada dal. _DHAMMAAD_ The post Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  12. Northeastern regional commissioner Mohamud Saleh has ordered four al Shaabab suspects in Mandera and Wajir to surrender or they be arrested. Source: Hiiraan Online
  13. NASA leaders and supporters have been allowed to assemble at Uhuru Park for the planned swearing-in of Raila Odinga. Source: Hiiraan Online
  14. Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Gurmadka Degdegga ah, Mark Lowcock iyo Agaasimaha Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay Achim Steiner, ayaa maanta u safraya magaalada Muqdisho, si ay u muujiyaan culeyska weyn ee sugnaan la’aanta cuntada joogtada ah iyo habka cusub ee wax looga qaban lahaa. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka hortagtay macluul sannadkii hore kadib markii dawladda iyo wada-hawlgalayaashu ay soo gudbiyeen warbixinno digniin hore ah, Laakiin abaarta iyo iska horimaadyada socda, oo ay weheliyaan barakacayaashii abaaraha ee sannadkii hore, ayaa ka tagay 6 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo. Madaxda Qaramada Midoobay waxay muujinayaan baahida loo qabo in la sii wado gargaarka bani’aadamnimada ee nafaha lagu badbaadinayo oo ah mudnaan degdeg ah, iyada oo isla mar ahaantaana wax ka qabta sababaha asaasiga ah ee dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee kusoo noqnoqonaya Soomaaliya iyo dhiirigelinta maalgashiga awoodaha aan la xoojin ee dalka. Saraakiishaan ayaa la kulmi doonaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, hay’addaha samafalka iyo kuwa horumarinta. Puntlandi.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia Cabdiweli Sheekh Ibraahin Muudeey, ayaa markii ugu horeysay weerar afka ah ku qaaday Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada. Muudeey, waxa uu sheegay inuu aad uga xumaado marka uu goobjoog ka yahay Khudbadaha uu jeedinaayo Ra’isul wasaare Kheyre ama Wasiir ka tirsan Xukuumadiisa, waxa uuna aad u dhaliilay in waxqabadka dalka ay kusoo kooban keliya Xukuumadooda. Muudeey, waxa uu sheegay in Kheyre iyo Golahiisa Wasiirada laga doonaayo inaanu xaqirin wax qabadkii ay sameyen Xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray oo ku soo shaqeeyay xalad adag. Waxa uu sheegay in Xukuumada hadda jirta ay shaqada la wareegtay iyadoo inta badan la qabtay culeyska shaqo, waxa uuna tilmaamay in khudbadaha xubnaha Xukuumada Kheyre ay yihiin kuwo ku kooban amaanta waxqabadka Xukuumadooda oo keliya. ‘’Maaha in Ra’isul wasaaraha iyo Golihiisa ay wax kama jiraan ka dhigaan howshii ay soo qabteen xukuumadihii hore, waxaa laga doonayaa in waxqabadka aysan isku soo koobin oo aysan xaqirin horumarada ay soo sameeyen xukuumadihii hore’’ Muudeey, waxa uu ku celcelshay in Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada ay dalka yimaaden iyadoo wax kasta ay nidaamsan yihiin oo marxalad adag lagu soo shaqeeyay, kadibna talada dalka ay qabteen. Muudeey, ayaa sheegay qof kasta oo Somali ah oo wax u qabtaan dalka inuu mudan yahay ku ammaanida shaqada Qaranka, balse aanan la xaqijiri wixii uu soo qabtay. Nuqul kamid ah haddalka Muudeey ayaa ah ‘’Khayre iyo Wasiiradiisa qaar ka mid ah ayaa waxaan ka dhageysanaayay in iyagu uun wax qabteen. waxaan goobjoog u ahaa 2009 Xildhibaan baahi ugu dhintay Magaaladan markii wax uu cuno waayay qof uu shaxaadana garan waayay.” Sidoo kale, Muudeey ayaa Xukuumada ugu baaqay in waxqabadka dalka ay qeyb uga ogolaato xukuumadihii hore, waxa uuna tilmaamay inuu rumeysan yahay in taa ay keentay tartanka ay ku jiraan dowladaha, balse ay muhiim tahay inaan la ilaawin xaqiiqda. Haddalka Muudeey, ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaare Kheyre uu goob waliba ka sameeyo ballanqaadyo la xiriira in Xukuumadiisu ay buuxin doonto howlaha ay qabyeeyeen kuwii ka horeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoomiye ku-xigeenka BF oo weerar afka ah ku qaaday RW Kheyre & Golihiisa Wasiirada appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa saaka lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee ku yaalla Muqdisho kuwaas oo u diidaya gaadiidka inay wadooyinkaas isticmaalaan. Wadooyinka xiran ee gaadiidka rayidka loo diidayo, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca. Ciidamada ugu badan ayaa lagu arkayaa wadada Maka Al-Mukarama iyo tan wadnaha, waxa ayna dadku yihiin kuwo maalayaan lugtooda. Ciidamada NISA ee goobahaasi Koontaroolada ku leh ayaa gaadiidka yar yar iyo mootooyinka Bajaajta u diidaya inay maraan wadada, waxayna u sheegayaan in wadada ay tahay mid xiran. Gaadiidka dadweynaha iyo midka caadiga ah ayaa isticmaalaya wadooyinka qarda jeexa ah, waxaana waddooyinka qaar ku go’an dhagxaan. Dadka Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay Ciidamo farabadan oo wadooyinka taagan, waxaana dadka qaar ay sheegen in aysan saakay aadin goobohoodii Ganacsiga halka Ardayda qaarkood ay ka baaqsadeen goobahoodii waxbarashada sababo la xiriira xirnaanshiyaha waddooyinka. Lama oga sababta loo xiray wadooyinkaan iyo isbedelka amni ee ka jira Magaalada, balse Saraakiil ka tirsan NISA, ayaa sheegay in ciidamada amarkaasi la siiyay xirista wadooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho oo saaka xiran & Ciidamo farabadan oo lasoo dhigay appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wadaadka dhawaan kasoo goostay al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’ uu wadahadal kula jiro Saraakiil dowlada Mareykanka ka joogta Somalia. Wadahadalka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku haya soo afjarida maleeshiyaadka al-Shabaab ee weli Saldhigyada ku leh Gobolka Shabellaha Hoose. Saraakiisha Mareykanka iyo Mukhtaar Roobow ayaa waxaa ka dhex shaqeynaaya Saraakiil ka tirsan Militeriga Ethiopia kuwaa oo howlo u jooga magaalada Baydhabo, waxaana lasoo sheegayaa in Roobow lagu qancinaayo in la hubeeyo kadibna uu dagaal toosa la galo Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose. Wadahadalka ayaa waxaa kamid ah in loo diiwaan galinaayo ciidamo khaas ah oo kor u dhaafaya Kun, kuwaa oo kala qeybqaadan doona dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxaan la saadaalin Karin go’aanka uu Mukhtaar Roobow ka qaadan doono wadahadalka aan lasii shaacin ee uu kula jiro dowlada Ethiopia. Isa soo dhiibida Mukhtaar Roobow ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay dowlada Ethiopia iyo Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan, waxaana iminka socda qorshayaal lagu howlgalinaayo Roobow iyo xoogagiisa. Dhinaca kale, Roobow ayaa mudada uu la shaqeynaayo maamulka Shariif Xasan soo hirgaliyay maleeshiyaad kor u dhaafaya boqol iyo konton iyo Hubkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Mukhtaar Roobow oo wadahadal aan caadi aheyn kula jira Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  18. The leaders of Egypt, Ethiopia and Sudan have met on the sidelines of the ongoing African Union Summit, as they continue to work towards resolving the impasse over Ethiopia’s Grand Renaissance Dam project (GERD). Source: Hiiraan Online
  19. Nearly two dozen African countries launched a single aviation market on Monday, a potential boon for the industry in a region where it is hampered by government protectionism, high taxes and stringent regulation. Source: Hiiraan Online
  20. Nairobi (Caasimada Online)-Isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradka Kenya ee National Super Alliance (NASA) ayaa sheegay in ay hirgalin doonto qorshahooda ku aadan in maanta oo talaada ah hogaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga loo dhaarin doono xilka madaxtinimada. Xiisad ayaa laga dareemaya magaalada caasimadda ah ee Nairobi halkaas oo munaasabada dhaarinta loo qorsheeyay in ay ka dhacdo barxada Uhuru Park . Bilayska Kenya ayaa ku dhawaaqay goobta – Uhuru Park – in aan wax munaasabad ah lagu qaban karin ” laakiin ugu baaqay muwaadiniinta in ay u wataan shaqadooda sida caadiga ah. Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in magaalada caasimada bandow la saarayo iyadoo wararkaas la isla dhexmarayay. Warsaxafadeedka Isbahaysiga Mucaaradka ayaa ku wargaliyay taageerayaashooda inay si ballaaran uga soo qayb galaan dhaarinta Rt. Hon Raila Amolo Odinga iyo Stephen Kalonzo Musyoka oo ah madaxweyne kuxigeenkiisa. “Mucaaradka ayaa intaa raaciyay in qorshayaasha oo dhan la diyaariyay si loo hubiyo in dhacdadan ay si nabadgelyo ah oo guul leh uga dhacda Uhuru Park ee magaalada Nairobi laga bilaabo labada saac ee subaxnimo. Agaasimaha Guud ee NASA, Norman Magaya ayaa intaa ku daray in ay doonayaan in ay qabtaan dhacdo nabad ah sida uu sharcigu ogol yahay iyaga oo ugu baaqay taageerayaashooda inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara iska hor imaad askarta bilayska. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Raila Odinga oo loo dhaarinayo xilka madaxtinimada & Xiisad ka taagan Kenya appeared first on Caasimada Online.
  21. The United States announced on Monday it was lifting its ban on refugees from 11 "high-risk" countries, but said those seeking to enter the US would come under much tougher scrutiny than in the past. Source: Hiiraan Online
  22. Somali security forces on Monday killed at least seven al-Shabaab militants and injured a number of others following heavy fighting with insurgents in Bay region, in the south part of the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  23. The newly appointed Mogadishu mayor, Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) assumed office during handing over ceremony held on Monday night in Somali capital. Source: Hiiraan Online
  24. KISMAYO (HOL) - Jubbaland Assembly on Monday stripped the immunity from a lawmaker accused of political unrest in the southern rwgional state of Somalia. Source: Hiiraan Online