-
Content Count
206,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
After a long day's work, Somalis and foreigners like to catch up for a drink and chat at the Leaf Camp hotel in Mogadishu. The Somalian capital is busy and bustling despite the threat of attacks by the Islamist militant group al-Shabab, says Suleiman Elmem, one of the patrons. Maka al Mukarama is the busiest street in Mogadishu, with overflowing traffic jams, pedestrians crisscrossing under the scorching heat, and crowded business outlets displaying all sorts of merchandise. Life seems to be normal unlike in the past when the al-Shabaab Islamists were in control. "Three years ago, they used to control parts of Mogadishu - now they don't control anything, so their presence is insignificant," Elmem told DW. Source: Hiiraan Online
-
Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiskii Nuclear-ka ee dalalka Rreer galbeedka ay la galeen Xukuumadda Iiraan. Donald Trump waxaa kaloo uu sheegay in Mareykanka uu Cunna-qabateyn hor leh kusoo rogi doona dalka Iiraan oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto. Sidoo kale, Madaxweyne Trump oo heshiiskaas ku tilmaamay mid musiibo ah ayaa sheegay in heshiiskaas Nuclear-ka ee Iiraan uusan waddankaas ka hor-is-taageyn inay yeelato Nuclear, isagoo intaa ku daray in heshiiskaas uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iiraan ay u hoggaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah soo kordhin doonin. Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani oo hadlay daqiiqado un kaddib markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay inay Iiraan kusii socon doonto heshiiska,oo halkaasi ay kasii amba-qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qaybta ka ahaa heshiiskan. Dhanka kale, Hoggaamiyeyaahsa Dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa Muddoyinkii dambe waday dadaalo ay ku doonayeen inuusan Trump ka bixin heshiskaas oo ahaa mid sannado ka hor la saxiixay. Heshiiskan ayaa waxaa soo dhaweysay Israa’iil oo cabsi weyn ka qabta inay Iiraan weerar kusoo qaaddo, Waxaana go’aanka Trump ay ku tilmaameen in uu yahay mid horay u sii wadaya nabadeynta gobolka Bariga Dhexe. Ugu dambeyn, Waxaan illaa hadda aan kala caddeyn tallabada xigi doonta ee ay qaadayaan dalalka qaybta ka ahaa heshiiskaas, Madaama Trump uu sheegay in cunna-qabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iiraan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo sheegay in Wadankiisu uu ka baxay Heshiiskii Nuclear-ka ee Iiraan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka weli ka jira Gobolka Hiiraan. Xildhibaan Jeesow, ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia laga doonaayo inay dadajiso dadaalka lagu soo afmeeri lahaa dhibta ka jirta magaalada Beledweyne iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga. Waxa uu Jeesow carab ***** in dhibaatada ka jirta Gobolka Hiiraan ay tahay tii ugu xumeyd oo uu abid ku arko Somalia, waxa uuna tusaale usoo qaatay inuu indhihiisa ku arkay in carruur yaryar loo waayay wax ay cunaan balse raashiin looga dhigay Maqaar la kariyay. ‘’Dhibta ka jirta Beledweyne waxaa kamid ah in dadka deegaanka ay cunno ka dhiganayaan maqaar la kariyay, taa waxa ay ka turjumeysaa in dhibaatada jirta ay weyn tahay’’ Xildhibaanka ayaa sheegay in kuwa barakacay iyo kuwa weli Baladweyne ku haray ay yihiin kuwo isugu mid ah dhibaatada, si gaar ah dadka ku nool ayuu sheegay Xaafada Howl-wadaag oo dhibaatada ugu daran ay heysato. ‘’Waxaa su’aal ah goormee ayaa Somalia ugu danbeysay in qof baahan uu cunno ka dhigto maqaar la kariyay, sidaa aawgeed waxaan ganacsatada ugu baaqayaa inay ka qeybqaatan xal u helida dhibta taagan’’ Sidoo kale, Jeesow ayaa dhacdooyinka fatahadaha iyo roobka Hiiraan ku sheegay mid aanu horay usoo marin, waxa uuna sidoo kale dadka deegaanka ugu baaqay inay isku gurmadaan. Haddalka Jeesow ayaa kusoo beegmaaya iyadoo weli boqolaal qoys ah ay weli dhex jiifaan biyaha ka dhashay fatahaada iyo roobabka, wallow intabadan dhibaatada xal loo helay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (HOL) - Kenyan Police have issued a terror alert on Tuesday ahead of Ramadan calling on Kenyans to remain vigilant against possible attacks by Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa la kulmay Xubno katirsan Aqalka sare ee dalka. Yariisoow ayaa la kulmay Guddiga Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta arimaha Federaalka ee Aqalka sare. Yariisoow ayaa uga warbixiyay Guddigaan howlaha ay wadaan maamulka Gobolka Banaadir. Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa kala hadlay guddigaan arimaha la xariira Maqaamka Gobolka Banaadir. Gudoomiyaha ayaa su aalo laga weeydiiyay arimaha shaqa siinta dhalinyarada oo Maamulka Gobolka Banaadir uu wado. Yariisoow ayaa xilka Gudoomiyaha Gobolka haya 100 Bari. Hoos ka daawo sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Yariisoow oo Xildhibaanada Aqalka sare kala hadlay Maqaamka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
SHARJAH, United Arab Emirates: Wooden dhows crammed with second-hand Japanese cars have been sailing unhindered into Yemeni ports for the past three years despite rigid wartime controls on imports of aid and other vital supplies. Like many Yemeni traders, Ali al-Mahry jumped at this chance to turn a profit by supplying customers at home with cars bought cheaply at auction in the United Arab Emirates. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Kenya ayaa sheegtay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay wadaan qorshooyin ay ku dooneyso inay weerar uga geystaan gudaha dalka. Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in weeraradaasi ay la damacsan yihiin goobo muhiim ah, sidaa aawgeed Hay’adaha amaanka laga doonaayo inay ka feejignaadan. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa waxaa Hay’adaha amaanka lagu faray inay ka feejignaadan weerarada ka imaankara al-Shabaab. Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu muujiyey in al-Shabaab maalmaha soo socda ay weeraro badan ka geysan doonaan qeybo ka mid ah Kenya Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in loo soo gudbiyey Warabixintaasi ka digaysa weerarada ay al-Shabaab ku lug leeyihiin ee ka dhici doona dalkaasi. Waxaa warbixinta lagu xusay in al-Shabaab qorsheynayaan sidii ay Miinooyinka dhulka lagu aaso ugu gudbin lahaayen gudaha Kenya inta lagu guda jiro xilliga Bisha Ramadaan ee soo socota. Digniinaha kasoo baxaaya Kenya ayaa muujineysa in maleeshiyaadka al-Shabaab ay maleegayaan weeraro taariikhi ah, lamid ah weerarkii Westget. Geesta kale, digniintaan ayaa imaaneysa xili ay Shabaabka weeraro xoogan aysan waayadan ka geysan gudaha Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulleid ”Khadar” ayaa booqday markab ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga ee qaybta ka ah howlgalka Atlanta ee Midowga yurub , kaasi oo ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad-badeeda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa halkaasi kula kulmay wafti ka socda Midowga Yurub iyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, waxaana kullanka diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, iyo la dagaalanka Burcad badeeda. Muddane Khadar, ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka ayaa midowga Yurub ku boogaadiyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya ”Wefti ka socda midowga Yurub oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka Budhcad-baddeedka; ayaanu shir kuwada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaasi oo kamid ah Maraakiibta Budhcadda ka ilaaliya biyaha Caalamiga. Weftigaasi waxaanu kawada hadalay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Burcad-baddeedku si wadajir ah looga gaari lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd warwar la’aan iyo nabad-qab” ayuu yidhi Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Mohamed Gulleid.
-
Minneapolis (HOL) - Minneapolis City councillor Abdi Warsame announced that he has endorsed Congressman Tim Walz in his race for Governor of Minnesota. Source: Hiiraan Online
-
Over the last month, the Islamic State has conducted several assassinations inside Somalia, representing an increase in the number of attacks emanating from its fledgling East African affiliate. In four of the five claims since April 15, the assassinations took place in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Both Washington’s European allies and Tehran pledged on Tuesday to uphold the 2015 Iran nuclear deal despite President Donald Trump’s decision to pull the United States out and reimpose sanctions. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa daaha ka rogtay inay qaadaneyso kaalinteeda ku aadan kobaca dalka Somalia oo iminka kasoo kabanaaya burbur sanado jirsaday. Qadar ayaa sheegtay in waligeedba ay garab siin jirtay Somalia, hadana ay diyaar u tahay inay kordhiso talaabooyinka muuqda oo waxtarka u ah Somalia. Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay inay Somalia ka caawin doonaan dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasada, Amniga iyo Tayeynta ciidamada Qaranka Somalia. Al Thani, waxa uu soo hadal qaaday war xumo tashiil uu sheegay in Imaraadka ka faafinaayo isgarabtaaga ay Qadar u muujineyso Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Qadar ay horay u waday taakuleynta Somalia, hadana ay sii wadi doonto. Al Thani oo la hadlaayay saxaafada gudaha ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta aysan awood u laheyn inay tashwiish ku furto qorshooyinka Qadar ee Somalia, waxa uuna ballanqaaday inay sii laba jibaari doonaan dadaalkooda Somalia. ‘’Qadar howlaheeda Somalia uma eegi doonto khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka wey naga go’an tahay inaan sii wadno isgarabtaaga Somalia’’ Sidoo kale, Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, ayaa imaaraadka uga digay in Khilaafka kala dhexeeya ay urogto dadaalka lagu xoojinaayo dhismaha iyo kabashada Somalia. Haddalka Al Thani ayaa u muuqda mid ku foorara dowlada Imaaraadka Carabta oo walaac ka qabtay in Qadar ay buuxiso goobaha ay faarujisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Naciima Abwaan Qorane markii la soo Daayey waxaa loo dhegtaagayey marka ugu horaysa ee ay hadasho qaabka ay aragtideeda u cabiri doonto, had iyo jeerna dadka aan aragtidoodu cagaha adag ku taagnayn marka la cadaadiyo way ka tanaasulaan fikirkooda, markaasay hadalo kii qaladka kula kacay warbaahinta horteeda ka ammaanaya ka jeediyaan, oo ay yidhaahdaan hebel cafiskiisa waa uu ku mahadsan yahay. Naciima oo warasigay bixisay ee ugu horeeyey ku tilmaamtay xadhigeedii in uu ahaa sharci daro, isla markaana u mahadcelisay dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dadkii ka Qayb qaatay soo deynta teeda , waxayna sheegtay Soomaalinnimo wax ka hooseeyaa in aanay qancin. Waxay sheegtay in aanay wax dhib ah u qabin kuwa ka soo horjeeda ee mucaaradka ku ah oo ay u mahadcelisay ayna ku tilmaamtay taageerayaasha dadban, run ahaantiina kii ka shaqeeyey in la xidho Naciima iyo kii ku taageerayba si dad-ban ayey uga shaqeeyeen kor u qaadista sharafta iyo sumcada Naciima. Naciima waxay Xabsiga ka soo baxday Iyada oo adduunka laga yaqaano oo saxaafadda caalamku wax ka qoreen, iyada oo sharaf dheeraad ah iyo taageeraba ka kasbatay gayiga Soomaali degto iyo Meel Kasta oo ay ku nool yihiin. Aqoonyahankii iyo waxgaradkii ka aamusay xadhigii Naciima ee Sida Gorayada Dhuuntay kuwaasna waa in ay damiirkooda dib ugu noqdaan.
-
Laba asbuuc ka hor Gudoomiye Muudey ayaa sheegay in uu soo helay Dastuur horay looga xaday dalka, waxaana u Jawaabay Wasiirka Dastuurka, Xoghayaha Barlamaanka iyo qaar ka mid ah Gudiyada dib u eegista Dastuurka oo sheegay in aan haysano Dastuur sax ah oo Dawladu ku shaqayso. Asbuuc kadib M. Gaas oo joogay dal shisheeye, hoosna taagnaa Calan shisheeye ayaa sheegay in Dastuurka Puntland u banaynayo in heshiisyo uu la galo Dawlado shisheeye. Maanta M. Axmed Madoobe ayaa safarkiisii Addis-Ababa kadib Kismayo ka sheegay in dhulkiisa Dawladda Fedaraalku kusoo xad-gudubtay, lagana rabay in ay kasoo gasho Albaabka saxda ah. Waxaa mudan in Somaalidu is waydiiso; Ma jiraa Dastuur u yaalla Dawladaha Adduunka ama Somaaliya oo banaynaya; Dastuuro badan?, Magacyo Dawlado badan? Calamo badan? Madaxwayne yaal badan? Xuduud dhuleed, badeed iyo hawo badan? Awoodo Dawlado badan dal kaliya? Qaab dhismeed Dawlado badan iwm? Taariikhda Dastuurka Qabyada ah ee noo yaal, qaybtii la xaday iyo qaybta la haysto waxa ay ka dhalatay heshiiskii Kambala 2011, waxaana loo aqoonsaday awooda dalka 6 Qof kaliya oo kala aheed 3 Fedaraal ah: Sh. Shariif, Shariif Xasan iyo Gaas iyo 3 Maamul-gobaleed loo aqoonsaday; Faroole, Cabdi Qaybdiid iyo C/qadir Macalin Nur Ahlu-sunna, waana 6 da Qof ee saxiixday Dastuurka la xaday, waxaana garwadeen ka ahaa UN iyo IGAD, waxaana ku baxay sida la sheegay $50 Million, waxa ayna u magacaabeen Guddi lagu magacaabi jiray FCC oo tiradoodu dhameed 30 qof oo aqoon iyo khibrad aan u laheen Dastuur, waxaana loo qoray 6 qof oo khubaro ahaa oo Jawaari Madax u ahaa, markii la qoray waxaa la geeyay Garoowe1 & 2 , markii la isku khilaafay ayaa la geeyay Addis- ababa, waxaana loo dhiibay khubaro kale oo Ethoipia iyo IGAD wadatay, waxaana laga saaray sida la sheegay ilaa 70 Qodob oo aan la garanayn ilaa iyo hadda meesha ay jiraan, kadib waxaa la geeyay Nairobi si loo saxiixo, waxaase diiday Sh. Shariif oo shirkii ka baxay, lkn loo diiday in uu soo baxo looguna hanjabay in qaswade loo aqoonsan-doono sidaas ayuuna ku saxiixay, kadib Xamar ayaa la yimid, 6 dii nin ayaana u soo xulay 800 Oday oo aan Dastuur waxba ka fahamsanayn, waxaana la sheegay in ay ansixiyeen kuna dareen talooyin iyo qodobo cusub, lkn laguma darin qodobadaas, lamana oga halka ay jiraan ilaa iyo hadda. Barlamaankii 9 aad ee 2012 ayaa qodobo ka bedelay, kuwa kalena ku daray, kadibna daabacay. Nasiib-darro waxaa muuqata in Somaaliya aysan ku socon jidkii ay ku gaari laheed hal Dastuur oo ay ku kalsoontahay iyo hal Dawlo oo Matasho Dadkeeda iyo Dalkeeda Tusaale; 1960 kii Wasiirkii Dastuurka waxa uu Qoraalka iyo Aftida ku dhameeyay Sanad ka yar, kadibna ma jirin Wasiir iyo Gudiyo Dastuur! Maanta waxaa Dastuur kaliya ka shaqeeya; Gudi Madax-banaan 5 + 5 Gudi Gobaleed + 12 Wasiir Dastuur& ku xigeen Fedaraal iyo Gobaleed + 10 Qof x 6 Gudi Barlamaan Fedataal iyo Gobaleed Gudiyada, Wasiirada iyo La taliyaasha qaabilsan qabya-tirka Dastuurka Qabyada ee Somaaliya waxa ay ka badanyihiin 100 qof oo kala aragti duwan, kala Deegaan iyo Qabiil duwan, kala Madax iyo Dano duwan, kala Taageera iyo Dhaqaale duwan! Ma soo saari karaan Dastuur mid ah oo Somaali mideeya? “Dherigii kariyaal badiyaa waa fuud qaraareeyaa”. Qabya tirka Dastuurka waxa uu u baahanyahay kaliya 3 ilaa 5 Khabiir oo qorta, kadibna Qandaraas lagu siiyo Shirkad warbaahin oo dadka u baahisa kadibna Afti ka qaada iyada oo adeegsanaysa Tiknaloojiyada, Qof kastana aftida uga qaada halka uu joogo, haddii Somalida lagu qiyaasay 12 Million ilaa 4 Million ayaa Afti laga qaadi karaa, waana sahlantahay. Lkn haddii Siminar, Workshop iyo Shirar waqtiga lagu dhameeyo lama gaarayo, waxa uuna noqonayaa Mashruucii Faanoole! Hadaba waxaa habboon in Madaxwaynaha Fedaraalka uu hago geedi socodka Qabya-tirka Dastuurka, kalana xadido awoodaha Gudiyada iyo Wasaaradaha faraha badan, Waqti lasoo dhameeyana u qabto. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Rajap Dayyip Erdogan oo ka hadlay arrinta Qudus iyo Falastiin ayaa waxa uu yiri, “Mustaqbalka bini-aadminimada waxa go’aamin doonaa natiijada imtixaanka kasoo baxda mawduuca Falastiin iyo Qudus,ama bini’aadamnimadu waxay u dhaqaaaqi xagga iftiinka,madaxbanaanida,dhaqanka toosan, ama caddaalad darrada iyo dulmi “. Erdogan ayaa waxa uu hadalkan ka jeediyay xilli uu ka qayb qaadanayay munaasabadda Mashruuca loogu magac daray “Mount of Olives Peace Awards”,oo ka qabsoomay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga. Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri”Arrinta Falastiiniyiinta iyo Qudus maaha kaliya arrin qaran gaar ah, gobol ama magaalo,Falastiiniyiintu waxay summad u yihiin dhammaan dadka dulman ee dunida oo dhan sababo la xiriira xadgudubyada, xasuuqyada iyo caddaalad darrada ay la kulmaan “. Waxa uu intaa raaciyay oo uu yiri”Aamusnaanta beesha caalamka ee tobonaanka shahiiday, kumanaanka dhaawacmay ee reer Falastiin waxa ay tilmaameysaa mustaqbal qofna ama bulsho aynan si nabad ah u noolaan doonin”. Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa milicsaday dhacdooyin: “Waxa ka dhacaya Falastiin, gaar ahaan Qudus, waxa uu ku yimid oo uu qayb ka yahay dadaallada kuwa dulmiga wada si ay u sharciyeeyaan ama xataa ay u abuuraan caddaalad darro.” Madaxwayne Erdogan ayaa waxa uu sido kale tilmaamay in aynan dhici karin inuu sii socdo nidaam kaga tagaya nabadgalyada dalalka dunida mid u garbo duuban dano iyo xitaa waxa ay jecel yihiin 5 dal oo kaliya,waxana uu cadeeyay in dib-u-habeeyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay oo noqotay mid lagama maarmaan ah. Erdogan ayaa waxa uu intaa raaciyay oo uu yiri”Waxa uu gaaray istus tuska beesha caalamku gaar ahaan ururada ay khusayso nabadda iyo arimaha ilaalida bini’aadanimada , heer aanan loo dul qaadan karin,waxana annagu aan sheegaynaa inaan kasoo horjeedno arrintaa oo aan leenahay caalamku uu ka wayn yahay dalal ka kooban 5 kaliya”. Erdogan ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay : “Waxaan sii wadi doonaa inaan adeegsano awoodeena iyo karaankeena si aan ugu faa’iidadayno bini-aadanka ah gaar ahaan walaalaheena Falastiiniyiinta,Syrian ka iyo Afrikaan ka, waxaanan sameeyn doonaa wixii karaankayaga ah ee aan awoodno si aan u garab joogsano kuwa dulman”. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) E-mail: Abdiazizh99@gmail.com
-
New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiskii Niyuklerka ee ay wadamada reer galbeedka la galeen wadanka Iran. Mr Trump waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu cunaqabetyn horleh kusoo rogi doona dalka Iran, oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto. Madaxweyne Trump oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid mussiibo ah ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi dhanka Niyuklerka ee Iran uusan Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyukler, waxaana uu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iran ay u hogaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah soo kordhin doonin. Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani oo hadlay daqiiqado un kadib markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay in Iran ay kusii socon doonto heshiiska, oo halkaasi ay kasii amba qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qeybta ka ahaa heshiiska. Hogaamiyeyaahsa dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa muddoyinkii dambe waday dedaalo ay ku doonayeen in Madaxweyene Trump uusan ka bixin heshiskaasi. Hasayeeshe waxaan ilaa iyo imika aan kala cadeyn waxa xiga iyo tallaabada xigta ee ay qaadayaan dalalka qeybta ka ahaa heshiiskaasi, madaama Trump uu sheegay in sidoo kale cunaqabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shacabka Reer Muqdisho oo u jawaabay Axmed Madoobe.
-
President Trump declared on Tuesday that he was pulling out of the Iran nuclear deal, unraveling the signature foreign policy achievement of his predecessor, Barack Obama, and isolating the United States among its Western allies.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa khasriga dalka Kenya ku qaabilay Ra’isal wasaaraha Ethiopia Abiye Axmed. Labada mas’uul ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, Arrimaha Somalia iyo Khilaafka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia. Uhurro Kenyatta ayaa Mr Abiye Axmed u sheegay in la doonaayo muujinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista wada shaqeynta waxa uuna ku taliyay inaan laga dhex shaqeyn labada dal. Kenyatta ayaa Abiye Axmed u sheegay in mowqifka Kenya uu yahay in ciidamada AMISOM ay kusii nagaadan gudaha iyo daafaha Somalia, maadaama ay weli jiraan weeraro ay qaadayaan al-Shabaab. Waxa uu Kenyatta tilmaamay in ciidamada Kenya ay kasii howlgali doonaan Somalia, inta xal waara looga helaayo dhaqdhaqaaqa al-shabaab. Kenyatta iyo Abiye Axmed, ayaa isla soo hadalqaaday Khilaafka ka dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka waxa uuna si xoogan u difaacay go’aanka ay Somalia ka qaadatay faragalinta Imaaraadk. Imaaraadka ayuu sheegay inuu ka talaabay xeendaabkii loogu tallo galay, sidaa aawgeed ay talaabadaasi ku taageerayaan Somalia. Abiye Axmed, ayuu uga digay faragalin ay dowladiisa ku sameyso arrimaha Somalia, maadaama ay Somalia cagta saareyso wadadii burburka. Abiye Axmed, ayuu sidoo kale ugu baaqay inaanu dhex dhexaad ka noqon arrimaha Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna u cadeeyay in Somalia lagu xadgudbay Qaranimadeeda. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiye Axmed ayaa Kenyatta u ballanqaaday inuu dhinac ka noqon doona arrimaha Somalia si ay Somalia ugu filnaato arrimaheeda. Si kastaba ha ahaatee, Kenyatta iyo Abiye Axmed ayaa mowqif ahaan isku raacay in Somalia aan la faragalin, isla markaana loo qasbin dowladaha Carbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Muuqaalkan oo ay baahisay Wakaaladda wararka Acmaaq ee Daacish ayaa la arkayaa ninka ay sheegeen inuu ka tirsanyahay sirdoonka Somalia oo gaari PL ah qeybta hore ka saaran isla markaana mar qura uu rasaas ku bilaabayo nin koofi wata oo ku hubeysnaa bistoolad Kooxda Daacish ayaa dilkan ka fulisay suuqa Bakaaraha sida ku qoran muuqaalka waxana uuna dilka dhacay maalinimadii shalay ahayd. Ninka toogashada geysanaya oo u muuqday nin gaariga ka degay ayaa isagoo bac kuwata gacanta waxa uu rasaastay ku bilaabayaa ninka ay ku sheegeen sarkaalka ka tirsan sirdoonka Somalia isagoo dhowr xabadood kaga dhufanaya qeybaha sare ee jirka Muuqaalka ayaa laga duubay ninka dilka fulinaya ayaa u muuqda mid uu ka duubay qof kale oo la socday gacan ku dhiiglaha dilka u geysanaya ninka ay ku sheegeen sarkaalka ka tirsan sirdoonka Somalia oo u muuqday qof dhallinyaro ahaa inkastoo aanan wajigiisa si fiican loo arki karin Waa muuqaalkii labaad oo ay kooxda Daacish duubto iyadoo dil fulineysa,dhawaan ayay ahayd markii muuqaal kan lamid ah ay ka duubtay iyadoo u geysaneysa sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliiska oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamada ammaanka Somalia ayaa wali umuuqada kuwo aanan u diyaarsaneyn kahortaga falalkan oo kale mar hadii ay xaaladda mareyso in maleeshiyaadka dilalka geysanaya ay muuqaal iska duubaan iyagoo dil fulinaya Inkastoo aan muuqaalkaan idinla wadaagi karin, ayaa haddana waxaan idiin soo gudbineynaa qaar ka tirsan sawiradii laga dhex qaaday Muuqaalka. Halkaan hoose ka daawo sawirada
-
Shir jaraa,iid oo ay maanta ku qabteen magaalada Garoowe masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland iyo Saraakiil ka socota Hay,adda Islamic Relief waxay ku dhawaaqeen taakulo bisha ramadaan la siin jirey 1800 (Kun iyo Sideed boqol ) oo qoys in sanadkaan loo wareejiyay shacabka Baladweyn oo ay soo wajahday musiibo xoog leh oo ka dhalatey fatahaada biyaha wabiga Shabelle. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay gurmadkaan inuu ka dhigan yahay horumarin islamarkaana ay weli ka socoto gudaha Puntland taakulo balaaran oo shacabka iyo dowladdu ay ugu talagaleen caawinta dadka ku nool magaalada Baladweyne. Wasiir Xabiib ayaa sheegay in dowladda Puntland bixisay taakulo loogu talagalay dadka reer Baladweyn, wuxuuna sheegay inay ka damqanayaan dhibaatada taala Gobolka Hiiraan gaar ahaan Baladweyn. Dhinaca kale waxaa ka hadlay shirka jaraa,iid saraakiil ka socota hay,adda Islamic Relief oo sheegay ka dib wada hadal dhexmarey masuuliyiinta wasaaradda cadaaladda Puntland iyo masuuliyiinta hay,adda inay isla garteen u wareejinta shacabka Baladweyn deeqdii bisha ramadaan la siin jirey 1800 oo qoys oo ku nool gudaha Puntland . Isku soo wada duub gudaha deegaanadda Puntland sida goobaha cibaadada (masaajida) iyo meelaha dadku ay ku kulmaan waxaa ka socda olole taakulo oo la doonayo in loogu gurmado dhibaatada uu sababay fatahaada biyaha wabiga shabelle ee ka jidha magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST. The post Puntland oo u wareejisay Baladweyn taakulo la bixin jiray bisha Ramadaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Isbaheysiga la magacbaxay soo xelinta Demoqraadiyada Jubbaland ayaa dhalii lu jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe. Isbahayesigaan ayaa war saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray xaaladda maamulka Jubblanad, gaar ahaan fatahaadada iyo kulankii Axmed Madoobe iyo Qalbi Dhagax. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhamestiran oo uu ku saxiixnaa Cabdullahi Ciilmooge 08 May 2018 Anigoo ku hadlaya magaca JDRC Isbahaysiga dib-usoo noolaynta diimuqraadiyada ee maamulka jubbland, ayaan rabaa inaan idinla wadaago aragtida Isbahaysiga eek u aadan arimo dhawr oo madaxwyne Ahmed M Islan ka dhaawajiyay shalay garoonka kismaaayo: 1. Arinta laxiriirta Gurmadka Qaranka ee laxirirtayfatahada biyaha gobolka gedo oo uu hogaaminaYAY R/W kuxignka dawlada somalia oo loo diiday inuu ku dago Baardheere isaga iyo wafdigu AYAA HAYD MID NASIIBDARO AH. a. WAFDIGU WUU DAGAY WAAYO GUDOOMIYAHA GOBOLKA IYO SHACABKA AYAA LASHAQANAYAY. b. JBLND waxay ka kooban tahay 15degmo. Waxaan ogsoonahay in adaxwayne ahmed m islaan uu katagay 3 kaimd ah 15 ka degmo o udhiganta 20%.. soo ma cadda in 80% maamulkii uu madaxada u ahaa uusan booqan. Sidee kalsooni ooga heli karaa oo uu afkooda oogu hadli karaa meel uusan 80% dadkii daganaa ee hoos yimaada maamulka uusan booqan. Sidoo kale markii 6sano kadib uu xorayn waayay Gobolka Jubbada dhexse, oo dadkii deegaankaaasi ee xamar dulsaarka ku ah ay codsadeen in loo xooreeyoo dhulkaas; madaxwayne Ahmed M Islaan, wuxuu ku jawaabay dawlada dhexe ayaa isoo wareertay. 6sano ayuu dhaafi waayay 6km marka hadii dawladii rabto inay nabadiidka ka xorayso dhulka soo ma ahayn inuu soo dhaweeyo. 2. Arinta Khaliijka iyo Ciidamda. 2daas laamood waa qodobo distuuri ah oo dawlada dhexe ayaa si gaar ah uleh go’aan ka gaarida. a. 3jeer udambaysay doorshooyinka Somalia waxay ahaayeen kuwo si nabad ah la isugu wareejiyay. Tun sagaaro meel lakala qaado maleh. Inagoo 27sano la daalaa dhacaynay inaan lugaha isku duwano oo dib u hanano dalkeena; wax maslaxdad kuma jiraan in dawlda dhexe ladabro ama jidgooyo loo dhigto. Somalia oo idil waxay eegaysaa in wax u kordhaan. b. Qasab ma aha inaad jeclaato qofka talada dalka qabta; waxaad ku khasban tahay inaad la shaqayso. 2 c. Marka haloo daayo aragtida xukuumada ee la xiriirta arimaha dibeda. d. Madaxwayne ahmed M. Islaan wuxuu aaday Imaaraatka oo ku maqnaa (8)sideed casho jooga sida dadku wada ogyahay. Dhigiisa oo ah madaxwayne abdiwali ali gaas ma dhuuman ee warsaxaafadeed buu qabtay intuusan aadin UAE. Maxaa jubbaland baday in madaxdeedii dhuumatoo oo waliba aysan ka hadal safarkaas. Waxaa ku xigtay madax wayne ahmed madoobe oo gudbay Addis Ababa; waa dalkii labaad. Ma qabo inuu dawlda dhexe midna lasocosiiyay. Waxaa inoo qoran saraynta sharciga bacda shareeca. 3. Ugu dambayn Arinta Qalbidhagax. a. Igusawirta qalbidhagax waxaa ka fiicnayd inuu sadaqo ay unoqon lahayd inuu reerka guri udhiso ciyaalkana school kabixiyo hadii ay ka dhab ahayd oo uu si qalbi furan ugu unaxayay sarkaalka Qalbidhagax. Sarkaalaka allah ufududeeyo inuu isagoo nabad ah hello xoriyadiisa kuna soo biiro reerkiisa. b. Jubbland waa maamulka qura ee dadkii umudaharaaday qabidhagax xirxiray c. Waalkii madaxwayne ahmed madoobe soo wacayay xildhibaandada kasoo jeeda jubbland isagoo lahaa taageera in ladhoofiyo qalbidhagax d. Wali 10bilood kadib oo uu xirnaa Qalbidhagax madaxwyne ahmed lagama maqal mana soo qaadin magagca sarkaankaas. e. Marka waxaan u qaatay 2shay midkood. 1) inuu madaxwayne ahmed madoobe rabo score goal uu dhaliyo, ama 2) Buundo deebulo ka raadinayo madax dawlada dhexe. f. Ugu dambayn; madaxwayne ahmed madoobe oo ay la soo daristay mowjado siyasadeed oo rabay inuu culaysyadaas isga yareeyo igusawirta Qalbidhagax. Aniga iyo dad badan oo illa mid ah; kama iibsan arintaas; warjiraabase cakaaruu iman. Mahadsanidin Cabdullahi Ciilmooge JDRC, Chairman Mogadishu, Somalia