-
Content Count
210,384 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu dilay Muqdisho Wariye C/risaaq Qaasim Iimaan oo ahaa filim-qaade u shaqeynayay TV lagu magacaabo SBS oo xaruntiisu magaalada London ee caasimadda dalka Britain. Suxufigan ayaa waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Somalia oo ku sugnaa bar-koontarool oo ku taalla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u toogteen. Dilka suxufigan ayaa waxaa cambaareeyay ururka NUSOJ oo sheegay inuu ka mid yahya dhibatooyinka lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in baaritaan dhaqso ah lagu sameeyo dilka marxuumka. Agaasimaha xafiiska SBS TV ee Muqdisho, Maxamuud Dhaqane Nuur ayaa u xaqiijiyay warbaahinta geerida marxuumka, isagoo sheegay in maydkiisa uu yaallo haatan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. “Marxuum C/risaaq Qaasim Iimaan wuxuu saarnaa Mooto bajaaj markii la tooganayay, waxaana dilay askari booliis ah,” ayuu yiri Maxamuud Dhaqane oo hadalkiisa ku daray. “Ma garanayno illaa hadda sabab loo dilay marxuumka, waana fal aad nooga nixiyay.” Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo ka hadlay dilka wariyahan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho, waxayna xuseen inay tani ka mid tahay dhibaatooyinka lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay ka hawlgalaan. “Anigoo ku hadlaya magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaan si adag u cambaareynaynaa dilka wariyahan loo geystay, waxaana sidoo kale ugu baaqaynaa hay’adaha amniga dowladda Somalia inay baaritaan dhaqso ah oo hufan ku sameeyaan sida uu dilkan ku dhacay. Wuxuuna ahaa dil aan aad u naxnay,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Nuur [Macallimuu] oo warbixin kasoo saaray dilka wariyahan. Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa hadalkiisa ku daray. “C/risaaq ma ahan qof hubeysan, Sidaa daraadeed ma jirto cudur-daar loo haysto in la dilo qof shacab ah oo aan dambi gelin. Waxaanan ka codsanaynaa madaxda hay’adaha amniga dowladda Somalia inay arrintan baaraan, ciddii mas’uulka ka ahaydna la hor-keeno sharciga.” .Ugu dambeyn, C/risaaq Qaasim Iimaan wuxuu noqonayaa suxufigii ugu horreeyay ee Somalia lagu dilo sannadkan 2018-ka. Waxaana dilkan uu ku soo beegmayaa iyadoo bilihii u horreeyay sannadkan ay amniga suxufiyiinta ka hawl-gala Somalia uu soo hagaagayo, balse dilkan ayaa wuxuu walaac kale ku beerayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Wariye u shaqeynayay Telefishin oo Maanta lagu Toogtay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) Golaha wasiirada ayaa magacaabay illaa seddex safiir oo dowladda Somalii u matali doono qaar ka mid ah dalalka dunida. Safiiradaan oo muddo badan la sugayey ayaa la magacaabay maanta inkastoo aysan gaarin intii la filayey maadaama ay banaan yihiin ilaa in ka badan toban safiir boosaskooda. Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale waxaa Safiir loo magacaabay C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo dadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo. Waxaa kaloo Safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa. Safiirada ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ku soo bixi doona wareegto Madaxweyne oo loogu magacaabi doono dalalka ay Safiiro ka noqonayaan. Illaa 10 safaaradood ayaa laheyn wax safiiro ah muddo sanad ah, iyadoo safiiradii xilalkaas hayay qaarkood xilal Wasiiro loo magacaabay, halka qaar muddo Safiir soo ahaa xilka laga qaaday. Safiiradaan ayaa intooda badan halmar shaqo joojin lagu sameeyey waxayna qaadatay in booskooda in la buuxiyo waqti badan. Wixii warar ah ee kusoo kordha dib kala soco inshaa Allah
-
Waa tallaabo wannaagsan in xilka laga qaaday wasiirkii waxbarashada! Waxbarashada ka hana qaaday dalka 1991 kaddib, waa miraha dadaal ay bixiyeen aqoonyahano isu xil qaammay daboolidda adeegga waxbarashada ee dalka ka maqnaa! Tacliinta dugsiga hoose, dhexe iyo qeyb ka mid ah dugsi sare waxaan ku soo qaatay dalka ayadoo adduunka ma aqoonsanno na leeyahay. Nasiib uma yeelan in aan jaamacadaha gudaha wax ka barto laakiin waxaan hubaa in arday aad u tayo sareeya ay ka soo baxeen. Qaarkood shaqooyin heer sare ah ay hayaan, halka qaarkood ay tacliin sare u aadeen waddamo kale. Tayada waxbarashada waa hooseyn kartaa macquul maadaama ay wasaaraddii meesha ka maqneyd muddo, qowlaysatana ay ku soo dhex dhuumman karaan hase yeeshee taas aqoonsi darro ma keenni karto, oo wasaaradda ayadaa diiwaan gelisa, qalinjebinta ardayda tagta, tasdiiqisa shahaaddooyinka. Mar dhow waxaan sugaynaa wasiir dhaha baasaboorka Soomaaliya ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha baasaboorada adduunka. Sidoo kale wasiir dhaha lacag Soomaaliga ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha adduunka. Intaan dugsi sare ku jiray waxaan Xamar ku arki jiray arday Kenya wax ku soo baratay oo mar walba iska weyneysiiya ardayda gudaha. Hadda waxaan arkaa dad nasiib u helay waxbarasho dibadaha ah, oo weliba lagu aaminay mas’uuliyad wasiirnimo in ay ku jeesjeesaan ardayda gudaha wax ku baratay. Kheyre/Farmaajo way ku mahadsan yihiin in ay wasiirkaan niyad jabka wada ay la xisaabtameen. Waxaan wax ku bartay dibadda xitaa dugsi sare qeyb ka mid ah, haddana weli waxaan qirayaa in ay iga dadaal, dulqaad iyo karti badan yihiin ardayda dhowr isbaaro ka tallaabay, xabado ka wareegtay, jidgooyo ag maray, ama nafsadooda halis geliyay ayadoo ay xabbad socoto si ay wax u bartaan. Weliba ayagoo aan heysan tas-hiiaad/agab ku filan! Guuleysta! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyey kumannaan mutadawiciin ah oo hormuud u ah xoogagga waddaniyiinta ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu heellan yihiin in ay ka qeyb qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka . Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqa ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska. “Barnaamijkan isxilqaanka oo aan dooneyno dalka oo dhan iyo qurbajoogta Soomaaliyeedba in aan gaarsiinno idinka ayaa aasaas u ah. Marka naloo eego si shakhsi shakhsi ah adduunka waa ka tilmaaman nahay, meel kasta oo aan joognana horumar la taaban karo ayaan ka gaarnaa, waxaa kaliya oo inaga dhiman waa in aan dadaalladeenna mideyno oo innagoo isku duuban oo wadajir ah aan wax wada qabsanno. Taas weeye ujeedka barnaamijkan.” Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed qof kasta oo ka mid ah in uu shaqo mutadawacnimo ah u qabto dalka toddobaad kasta labo saac iyo bar ka mid ah wakhtigiisa, arrinkaas oo fure u noqonaya sidii aan uga soo kaban lahayn burburkii ku habsaday dalka. “In aan si dhab ah u wada shaqeyno ayaan caalamka kula tartami karnaa laakiin si shaqsi ah caalamka kulama tartami karno, shaqsi ma ahan wax horumar lagu gaaro oo dal dhisa qabiilna ma ahan waan soo tijaabinay ee labo sano aan qabsanno oo aan u shaqeyno si wadareed iyo isku duubni.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay dhammaan xoogagga isxilqaamayaasha Soomaaliyeed ee sida waddaniyadda leh ugu istaagay dalkooda tan iyo xilligii burburkii dowladdii dhexe, kuwaas oo gacan ka geystay hawlaha nabadeynta, bilic soocelinta, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo guud ahaan dadaallada samatabixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Munaasabaddan oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiye waxaa goobjoog ka ahaa taliyeha ciidanka xoogga Dalka, Taliyeha Booliska, Saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka Sida iyo xubno kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in laga Qayb-qaato qorshaha Horumarita Waddanka appeared first on Puntland Post.
-
Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta si buuxda u ansixiyay xeerka cilmiga denbiyada oo qeexaya habka caddaynta xogta denbiilaha qarsoon,shayga loo adeegsaday denbiga,goobta iyo goorta falku dhacay. Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland khamiista maanta ah ee uu guddoomiyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay in dood dheer kadib la ansixiyay xeerkan oo ay soo diyaarisay hay’adda cilmiga denbiyada(The Bureau of Forensic Science). Xeerkan la meel mariyay ayaa todobaadkii hore loo qeybiyay xubnaha Golaha wasiirada Puntland,waxaana lagu tilmaamay mid bulshada loogu adeegayo oo baahi weyn uu dalku u qabay,sida ku xusan qoraalka ay xukuumaddu soo saartay. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyay xeerka cilmiga denbiyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sugida ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u ahaa dowlada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre mid ka mida waxayaabihii ugu horeeyey ee ay dooneysey in ay ka mira dhaliso. Inkastoo marar badan lagu sameeyey isbedel dhinaca hoggaanka ah, haddana ma noqon mid lagu guuleysto. Magaalada ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo xilli inta badan ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, waxaana ay taasi keentey in hay’adaha ammaanka wax laga weydiiyo sababta qaraxyadan looga hortagi la’yahay xataa hadii wadooyinkii la xirey. Su’aashaas ayaase banaanka soo dhigtey khilaaf markii horeba jirey, balse aanan si baahsan loogu wada jeedin. Hadaba muxuu yahay khilaafkaas, muxuuse sababi karaa? Maxaase la gudboon madaxda dowlada si loo wanaajiyo wadashaqeynta heyadaha amaanka? Falastin Axmed Iiman, oo ka tirsan idaacadda VOA ayaa warbixin baaritaan oo xasaasi ah ka diyaarisay khilaafkan. Hoose ka dhageyso. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/Khilaafka-NISA.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Kulankii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe ayaa keenay inay Somaliland ku fakarto ansixinta sharci mamnuucayo in siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi inay la kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baasha Maxamed Faarax ayaa saxaafadda u sheegay in sharcigaas loo qeybiyey Xildhibaanada Golaha ayna u codeeyeen ansax ahaanshihiisa isla markaasna wixii hadda ka dambeyso aan lala kulmi karin madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Sharcigaan ayaa qorayo inaan gebi ahaaba laga qeybgeli karin shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, oo ay soo qaban-qaabiso Beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland. Guddoomiye Faarax ayaa yiri “Sharciga ayaa ka dhigaya Dambiile iyo Qaran-dumis, siyaasigii reer Somaliland oo la kulma madaxda dowladda Federaalka, ama ka qeybgala kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya”. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawan dalka Biljamka uu Siyaasiga reer Somaliland Feysal Cali Waraabe uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay arriimo ay ka mid tahay qeybsiga deeqaha Beesha Caalamka, Dagaalka Takuraq iyo sidii loo dardar gelin lahaa wada hadalada labada dhinac. 18-kii May 1991-dii Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale balse wali kuma guuleysan inay hesho aqoonsi caalami ah iyadoo ay cadaadis xoog leh kala kulanto dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayaa mahad oo idil iska leh. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aqristoow, waxaa xaqiiq ah in qaraxyada inta eeysan dhicin, inbadani sii ogyihiin, balse aaneey dad eey muhiim tahay ineey gaarsiiyaan, aaneey lawadaagin. Qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada (civil servants-ka) waxeey iisheegeen in mararka qaar inta aanu qaraxba dhicin, dadka qaar oo isla dowlada ushaqeeya, fariimo (Messages) loosoo diro, iyadoo loosheegayo xitaa meelaha lagusoo maqan yahay. Dadka fariimahaa loosoo dirayo iyagoon cidkale usheegin ayey goobihii si tartiib ah ufiraaqeeyaan, ama umaba soo shaqo tagaan wasaaradii ama xaruntii eey joogeen, waa hadii goor hore ay helaan fariinta’e. Dadkaa qaar waxeey “Si aan dambi-iskuqiris aheyd” ugu doodaan, in hadhoow iyaga laqabsanayo, oo qaraxyada ayaad wax ka ogtihiin, ama wax ka abaabushaanba ladhahayo, hadii eey siisheegaan. Waxaad isweeydiisaa, waxa eey ku muteeysteen, in fariimaha nuucaa ah loosoodiro! Sirdoonka caalamiga ah nuucyadiisa kala duwan ee Xarunta Xalane buux-dhaafiyey, kuwaasoo kawada madax-bannaan dowladnimada Soomaaliya, iyo mas’uuliyiinta qaar ee hey’adaha Qaramada Midoobay (UN), ayaa marka baabuur qaraxyo lagasoo buuxiyey magaalada kujiraan, waxeey fariimo udiraan shaqaalahooda, iyo dadka siyaabaha kaladuwan ulashaqeeya (Jawaasiistooda), iyagoo usheegaya in magaalada baabuur qaraxyo sida kujirto, waliba ugusii dara in goob heblaayo, iyo goob heblaayo macquul tahay in lagalo. Dadkaa fariimaha loosoo dirayo xarumaha amniga magaarsiiyaan intooda ugu badan, kuwaa fariimaha asalkooda soodirayana hey’adaha ammaanka kalama shaqeeyaan waxa eey ogyihiin, maxaayeelay dantoodabaa sidaa kujirta. Malaayiinta doollar ee lagucuno magaca Soomaaliya (The Somalia project), weeysoo afjarmayaan hadii eey Soomaaliya xasisho, dalkoo dhanna uu dowlad Soomaaliyeed gacanta uwada galo, sidaa daraadeed, iska daa in dowlada lagu caawiyo qarax kahortagiisa’e, waxaaba lagayaabaa in waxkastoo xaalada Soomaaliya ay hadda kujirto, loogusii heynkaro lasameeyo, iyadoo afka-baarkiisana laga dhahayo Soomaaliya ayaan caawinnaa, oo dhaqaalaha intaa la eg ayaan sanad kasta kubixinaa. Waxaa hadda kahor dhacday markii Al-Shabaab galayeen Villa Soomaaliya, in dadkii kudhintay uu ka mid ahaa Diblumaasi Jabuutiyaan ah, kadibna Mobile-kiisa lagahelay fariin dhaheeysa, “5-Daqiiqo gudaheed uga bax Villa Soomaaliya!”. Sida caadadaba inoo ah, baaritaankaa wixii lagu ogaaday, ummada loomasoo bandhigin. Malaha caddaanka marka qaraxyada dhacaan baara, ee xalane kayimaada, ayaan iyagana waxba kalawadaagin, wixii eey ogaadeen. Waxaa sidoo kale jirtay, in habeen habeenada ka mid ah “Wiil” fariin loosoodiray. Fariintu waxeey laheyd sidan: “Halkeed joogtaa hebeloow?”. Wuxuu kujawaabay “Hotel hebel”. Waxaa lagu yiri: “Oo Hotel hebel soow qarax kama dhicin?”. Wuxuu ugu jawaabay, “Maya!”. Dhowr daqiiqo kabacdina hotel-kii oo dhanbaa qarax lagariiray, xabadina jiho kasta isqabsatay. Fariimahaa waxaa la iixaqiijiyey ineey xitaa soogaraan rag agaasimayaal guud ka ah wasaaradaha dowlada, kuwaasoo gaarigooda iyo istaafkooda uyeerta, wasaaradahana isaga baxa, dadkana hotelada ku qaabila, iyagoon shaqaalaha kalee wasaarada waxba uga sheegin. Dhanka kale waxaad lawada socotaan in 7-dii bishii Juun ee 2016-ka ay ciidamada dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigeen shan sargaal oo ka tirsan Ciidamada Amisom iyo toban ruux oo Soomaali ah oo agab military kala gadanaya. Horay waxaa u jiray eedeeymo dhowr jeer loo jeediyey ciidamada Afrika ee Soomaaliya jooga, oo ah in ay iibsadaan sahayda ciidanee lasiiyo, balse markaa ayaa si dhab ah loogu qabtay iyaga oo fal xatooya ah ku jira, waxaase yaab lahaa in isla funaanadihii ciidamadaa Amisom xirnaayeen markaa laqabanayey, eey iyana xirnaayeen ciidamadii Al-Shabaab looga qabtay dagaalladii kadhacay Puntland dhamaadkii bishii Maarso ee 2016-ka. Waxaaba taa kasiidarnaa wargeyska afka dheer ee The East African ayaa bishii November 2017-kii wuxuu qoray inuu jiro xiriir Ganacsi oo ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga dalka Soomaaliya. Aqristoow waxaan taariikhdu markii eey aheyd 5-tii bishii Maajo ee 2014-ka qoray qormo aad uga agdhaweyd tan aan hadda qalinka uqaatay ee ciwaankaa kore leh. Qormadaa aan halkan kulifaaqay cinwaankeedu wuxuu ahaa:Yaa ka dambeeya falalka amni-darro ee ka dhaca Muqdisho? Qormadaa waxyaabihii aan uga hadlay waxaa ka mid ahaa: kala dilashada boosaska shaqo iyo mashaariicda waaweyn. Ciidamada shisheeye oo falalka amni-darro sii huriya, si eey waligood ujoogaan dalka, dhaqaalaha eey kasameeyan darteed. Calooshood-u-shaqeeystayaasha dalka jooga. Qaraxii hotel Jazeera. Askartii (2000) la ruqseeyey iyo duqeyntii xigtey ee magaalada Xamar kadhacday, iyo ugu dambeyn weerarkii Villa-Soomaaliya ee larabay in lagu khaarijiyo madaxda dalka ugu sareeysa. Nasiibdarro! Hadaad qormadaa dib-u-aqriso, waxaad moodaa in maantadan la qoray. GABAGABO IYO GUNAANAD Waxa Caasimada kasocda, wax cidkasta fahmikarto maaha. Al-Shabaana waa kaar lagu qaraabto, waxkastoo Xamar kadhacana Al-Shabaab mawada fuliso, ama ugu yaraan kaligeed mawadafuliso, laakiin weey wada sheegataa. Taliyihii horee NISA Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare wuxuu hore u yiri: “Beledkaan UGUS/Al-Shaab oo kaliya wax kuma dilaan kumana qarxiyaan!” Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamulihii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa ku dagalaamayo halkaas. Ciidamada dagaalka uu dhaxeeyo ayaa ka wada tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya, wuxuuna dagaalka hadda ka socdaa Xaafadda Kaawo Godey ayaa Degmada Dharkeynley. Sida goobjoogayaal ay u sheegeen Caasimadda Online dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka daran dooriga u dhaco iyadoo ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan gaadiid dagaal oo u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya. Ciidamada Dagaalamayo ayaa u abaabulan hab qabiileed, wuxuuna dagaalkaan salka ku hayaa muran dhanka dhulk ah oo u dhaxeeyo Ciidamadaan . Rasaasta ayaa weli halkaas lagama maqlayaa wuxuuna dagaalkaan galayaa maalintiisi labaad inkastoo Maanta uu ka culus yahay dagaalka sidii shalay oo kale. Shalay ayaa is rasaaseyn daqiiqado socotay oo labada ciidan dhex martay waxaa ku dhintay qof ganacsade ahaa oo rasaastu haleeshay , waxaana socon weysay waanwaan ay waxgarad ka dhex wadeen labada dhinac, iyadoo uu maanta dagaalkii dib u qarxay. Dadka degan xaafadda Kaawo Godey ayaa bilaabay inay ka qaxaan xaafadda la isku heysto, waxaana weli socota rasaasta. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin ka duwan middii uu Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan ee xilka laga qaaday Maanta usoo diray Jaamacadaha ku yaalo dalka Soomaaliya. Madaxweynaha janhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaan la xaqiri karin doorka ay aqoon- yahaniinta Soomaaliyeed ka geesteen mudadii fogeed oo uu dalka bur bursanaa horumarinta waxbarashada. Madaxweynaha ayaa aqoonyahanada ku amaanay inay hirgeliyeen Iskuulo iyo jaamacado ay kasoo aflaxeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u badan. “ Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka ku yaala waxey guteen doorkii dowlad looga baahnaa” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan yiri mar uu maanta ka qeyb galayay munaasabad ka dhaceysay Dugsiga Tababarka ee Jeneral Kaahiye. Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan. Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir. Wasiirka Waxabarashada ayaa Shalay sheegay inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa Jaamacadda Ummadda aqoonsaneyn taasoo dhawaan dib loo furay oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ka yahay Madaxweyne Sharafeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hor imaaday xil ka qaadistii lagu sameeyey qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo kuwa kale oo la doonayo in xilka laga qaado. Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online, Sabriye ayaa si toos ah ugu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow inaysan sharciga waafaqsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiyaasha degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir iyo kuwa hadda miiska saaran, eaan isaga ka war-hayn. Wasiirka Arrimaha Gudaha oo cugsanayo sharciga oo qabo in xil ka qaadista iyo magacaabista Gobolka Banaadir lagala tashto Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Yariisow u sheegay in arrintaan tahay mid baal marsan sharciga isla markaasna wuxuu si cad ugu qeexay inay tahay in qofka xilka laga qaadayo lasoo gudbiyo dambiyada iyo qaladaadka uu galay kadibna laga tashto tallabada uu mudan yahay. Wasiirka ayaa tilmaamay in waraaqda xil ka qaadista Mas’uulka lasoo raacsiiyo dambiga uu galay iyo sababaha shaqada looga ceyrinayo. Wasiir Sabriye ayaa Yariisow u sheegay in haddii aan sidaas la sameynin uu madaxda sare u gudbin doono inaan lagu tixgelin shaqada uu dowladda u hayo taasna ay ugu dambeyn keeni doonto inuu iska casilo xilkaas. Sida sharciga qabo qofka xilka hayo lagama qaadi karo illaa lagu helo dambi cad iyo sabab uu ku waayey xilka , balse xil ka qaadista Jagooyinka Soomaaliya ayaa ku dhisan saaxiibtinimo iyo nin jecleysi waxayna arrintaas mararka qaar keentaa in xilka laga qaado Guddoomiye degmo oo ka shaqo iyo tayo wanaagsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa waqti isku dhow xilkii ka qaaday Guddoomiyii Degmada Hodan iyo Midkii Degmada Xamarweyne iyadoo aan saxaafadda, Shacabka iyo iyagaba loo sheegin sababta keentay xil ka qaadistooda taas aheyd midda ka xanaajisay Wasiir Sabriye. Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noqday mashruuc gaaban oo lagu qanciyo dadka Dowladda Soomaaliya saaxiibada la ah waxayna taas keentay in Gobolka lagu soo kordhiyo xilal aan horey uga jirin inta la xasuusto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxakamada ciidammada dawladda ayaa saaka xukun xabsi daa’in ah ku riday eedeysane Jaamac Xuseen Xasan oo ku eedeysanaa inuu ka tirsan yahay kooxda la baxday khilaafada islaamka. Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa waxay sheegtay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu ka hor cadeeyay Garsoorka Ciidanka hortiisa inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish kana soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraleyda Qandala ka dibna uu u soo wareegay Gobolka Shabeellaha hoose si uu uga fuliyo Qaraxyo. Ciidamada Amniga ayaa eedeysanahan ku soo qabtay howlgalkiisii ugu horeeyay asagoo dhigay Miino meel Bar Kontaroolka bood-boodka oo ah meel ay degan yihiin ciidamada daraawiishta Booliska,waxaana markaasi ka dib lagu wareejiyay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuune Saldhiga Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose. Sidoo kale waxaa la sheegay in eedeysanuhu u qaabilsanaa kooxda Daacish samaynta qaraxyada. Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u caddaatay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’im. Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa wuxuu intaas raacisay in cidii ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamadda u furan tahay racfaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Adis Abba (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii Mashruuca weyn ee biyo-xireenka Renaissance Dam ee dalka Itoobiya Simegnew Bekele ayaa isaga oo meyd oo ku jira Gaarigiisa laga helay fagaaraha Masqal ee magaalada Addis Ababa. Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegay inaan la ogeyn sababta geeridiisa oo aan caadi ahayn, wwaxaana baaraya Booliiska Addis ababa iyadoo meydkiisa ay qaadeen qeybta demni baarista, waxaana la dhigay Isbitaalka St. Paul. Dadweyne isugu soo baxay goobta laga helay meydka Injineerka gacanta ku hayey Biyo xireenka weyn ee Itoobiya oo ay isku hayaan dalka Masar, ayaa ka murugooday geeridiisa, waxaana jirta naxdin ku saabsan inay noqon karto in la dilay. Simegnew Bekele waxa uu ahaa Maareyihii Mashruuca Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia, ( the Grand Ethiopia Renaissance Dam (GERD), kaasi oo laga dhisayo Galbeedka Ethiopia, wuxuuna noqon doontaa Biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan. Dhismaha Biyo-xireenkaasi oo la bilaabay sannadkii 2011-kii waxaa ku baxaysa kharaj dhan 4.7 Billion oo Dollar, waxaana la filayaa inuu soo saaro Koronto awoodeedu dhan tahay 6,000 oo megawatts. Telefishanka Itoobiya ETV ayaa sheegay in Booliska ay arrinta gacanta ku hayaan, isla markaana uu socdo baaritaan. Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada laga soo qaaday goobta maydkiisa laga helay.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qabanqaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rejada wanaagsan ee jirta iyo dawrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare. Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay, iyada xubnaha wafdiga qaarkood oo sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, iyaga oo ballan qaaday warbixinta horumarka ay dalka ku arkeen gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa kula ballamay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo ka ahaa kulanka goob-joog inay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Somalia. PUNTLAND POST The post RW Khayre oo Qaabilay Wafdi ka Qayb-galaya Shirka Horumarinta Waxbarashada Sare appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Jaamac Xuseen Xasan [Nuuni] oo ahaa filim-qaade iyo dagaalyahan ka tiran kooxda Daacish ee Soomaaliya. Eedeysanahan la xukumay ayaa waxay ciidamada amniga Somalia waxay gacanta ku digeen isagoo miino dhigayay koontarool ay ciidamada Dowladdu ku lahaayeen dulleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay raad-raac ku sameeyeen eedeha lagu soo oogay eedeysanahan ay saxan yihiin ayna ku rideen xukun xabsi madaxaa-ha-ku-furto ah. “Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada waxaa u caddaatay dhamaan eedihii lagu soo oogay oo ahaa inuu ka tirsanaa inuu falal amni-darro ah ka waday gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Shuute. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa sheegtay inuu qirtay dhammaan dambiyada lagu soo oogay eedeysanaha la xukumay eeka tirsanaa Kooxda Daacish, uuna xabsigiisa uu yahay mid ciidan oo aan cafis lahayn. Jaamac Naani ayaa la sheegay inuu ka tiranaa Kooxda Daacish uuna horay ula soo shaqeeyay Al-shabaab, isla markaana uu kasoo dagaalay buuraha Galgala ee Gobolka Bari, uuna Koonfurta Somalia u yimid fulinta Qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada ay xukunno dil iyo xabdi daa’in ah ku xukunto xubno ka tirsan kooxda Somalia ka dagalamaa ee Daacish iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo Xukun ku riday eedeysane ka tirsan Ururka Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ku qasbanaatay iney banaanka dhigto Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ku fadhiyay xilka Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, kaas oo ka baxay xafiiskiisa muddo ka badan sanad kadib. Wuxuu ka mid ahaa tiro wasiiro ah oo hawsha loo idmaday si aan saluug mug leh laheyn u waday kana qeyb qaatay howlo badan oo ay qabatay wasaaradiisa, balse todobaadkaan wuxuu abuuray qalbi kicin dhan walba. Marka laga tago inuu jaamacad ku taala magaalada OSLO kasoo baxay kuna takhasusay xisaabaadka iyo Kimistariga, hadana si dheer loogama faalloon awoodiisa waxbarasho iyo sidoo kale awoodda uu u leeyahay inuu maamulo hay’ad sidaan u baaxad weyn. Dhamaadkii bishii MAY ayey aheyd markii uu ka badbaaday isku day shaqo joojin ah kadib markii Baarlamaanka laga geeyay qorshe ay wateen Guddiga Adeegga Bulshada kaas oo Baarlamaanka ka codsaday in la weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeymaha loo soo jeediyay. Dugsiyada Waxbarahada ee ku yaalla Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay, sidoo kalana waxaa lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay deeqo waxbarasho oo hoos yaallay Wasaaraddiisa. Deeqaha Waxbarasho ee la musuq maasuqay isla markaasna wasiirka lagu eedeeyey ayaa waxaa kamid aheyd deeqdii Waxbarasho ee dalka Masar laga helay taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday inuu bixin doono lacagta diyaaradda ee ardaydaas kadibna uu Wasiirka iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ay lacago ka qaadeen Ardayda. Waxaa la xasuustaa in lacagtii laga qaaday Ardayda dib loogu celiyey iyagoo ku sugan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Sida uu amray madaxweyne Farmaajo. Xilligaas Farmaajo ayaa Ra’isulwasaare Kheyre ka dalbaday inuu xilka ka qaado Wasiirka balse Kheyre oo fiirinayey Saaxiibtinimada qotada dheer ee kala dhaxeyso Cabdiraxmaan ayaa ku adkeystay in wasiirka la siiyo fursad kale waxaana hadda timaaday fursadaan iyadoo taas ay keentay inuu Farmaajo ku amro Kheyre inuu xilka ka qaado. MAXAA KEENAY IN XILKA LAGA QAADO: Wasiirka ayaa ku dhawaaqay inuusan aqoonsaneyn hal jaamacad oo ku taalla Muqdisho oo aysan ka marneyn xitaa Jaamacadda Umadda. “Ma jirto jaamacad aan (jaamacad) ahaan u aqoonsanahay oo aan dhihi karo jaamacaddaan waan aqoonsanahay tayada ay bixiso, sababtoo ah marka hore waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal iney soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah” ayuu yairi isagoo la hadlayay Talafashinka Somali Cable. Haddaba aan fiirinno Saddex Arriimod oo keentay in si dhaqso ah xilka looga qaado: KACDOONKA SHACABKA/DHALINYARADA: Hadalka ah inuusan aqoonsaneyn waxey kicisay dareen badan oo bulshada ah haba ugu badnaaato dhalinyaradii waxbaratay, kuwaas oo waqti iyo qarash badan galiyay jaamacadaha la sheegay inaan la aqoonsaneyn. Aqoonsanaan la’aanta waxey ka turjumeysaa iney xukuumadda ay waxba kama jiraan ka dhigeyso darajo walba oo ay gaareen ardayda, sidoo kalana waa mid saameyn ku yeelaneysa waalidiin badan oo waqti badan ku bixiyay sidii ay caruurtooda wax u baran lahaayeen. Xilka qaadista waxey dajineysaa qalbi badan oo aan seexan iyo sidoo kale walaac badan oo ku yimid dadka ay saameyneyso sheekadaan. SAAMEYNTA XUKUUMADDA: Tirada ugu badan shaqaalaha Xukuumadda ee ka shaqeeyaha xafiisyada kala duwan waa kuwa kasoo baxay jaamacadaha uu wasiirka ku tilmaamay inuusan aqoonsaneyn, waana wax is diidaya in xukuumadda shaqaaleysiisay (Shaqaale) aan digriigooda waxbarashada la aqoonsaneyn. INAAN LA QALALAASEYN WAXBARASHADA: Go’aanka wasiirkii hore wuxuu qalalaase ku ahaa waxbarashada dalka, inkastoo quluub badan la dareensiiyay sida ay waxbarashadooda tahay, sidoo kalana la taabsiiyay sida ay jaamacado badan u yahiin kuwa aan ku socon wadadii saxda aheyd hadana wuxuu noqon karay qalalaase abuur. Jaamacadaha ku yaalla caasimadda waa kuwa kor u dhaafaya 30, sidaas darteed waxey ugu yaraan kaalin ka qaateen fahamka bulshada iyo dhamaan dhalinyarada. Qalalaase weyn ayuuna ka dhex dhalin lahaa bulshada dhexdeeda maadaama goobahaas ay yahiin kuwa daboola baahiyo bulsho oo dhinacyo badan. Go’aanka xilka qaadista wuxuu badbaadiyay qalalaase dhinacyo badan oo ku imaan lahaa waxbarashada iyo bulshada xiriirka la leh dhinac walba oo ay ka yimaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ay saqdii dhexe ee xalay u boodeen Hooyga Agaasime ka tirsan Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS. Ciidamadan oo la socday gaadiidka loo yaqaan Cabdi-Bilaha ayaa amar ka heystay Xukuumada Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in loo heysto kiis cusub. Agaasimaha ay ciidamada kala baxeen Hooygiisa ayaa la sheegay inuu ahaa Agaasimaha Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha ee Wasaarada Gargaarka kaa oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Nuur. Ciidamadan ayaa lasoo bixida Agaasimaha kadib ula dhaqaaqay dhanka Xabsiga, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in loo heysto arrimo musuq-maasuq. Ciidamada ayaa inta ay ku guda jireen howlgalka Hooyga Agaasimaha halkaa ka qaatay Dokumiinti la sheegay inuu khuseeyay kiiska musuqa iyo Kumbiyuuter uu ku diyaarinaayay howlaha waaxdiisa. Howlgalkan ayaa ka dhacay Hooyga Agaasimaha oo ku yaalla Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, waxaana iminka la la’yahay Xabsiga uu ku xiran yahay Agaasime Daahir Maxamed. Kiiska xariga Agaasimaha ayaa salka ku haya inuu gacan bidixeeyay gargaar ay dowlada Somalia ugu tallo gashay dadka barakacayaasha ah. Sidoo kale, waxaa loo heystaa Agaasimaha inuu isdabamariyay dhaqaale dhan $84,000 oo dollar-ka Mareykanka ah. Docda kale, Kiiska lagu xiray agaasimaha ayaa waxaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiin badan oo ku xirnaa ninkaani loo xiray musuqa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Norwegian investment fund for developing countries (Norfund) has set up a $10 million kitty to support small businesses in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The Justice for Abdirahman Coalition has announced a new scholarship in honour of the man who died after a violent altercation with Ottawa police in 2016. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s state-building efforts, including initiatives to strengthen security and rebuild the political system, have proceeded steadily since the inauguration of President Mohamed Abdullahi Farmajo in February 2017. Source: Hiiraan Online
-
Baraha bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan ee Soomaalida waxay tan iyo 24kii Luulyo hadal hayeen kulankii Abu Dhabi ku dhex maray hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea, iyo dalka ay martida u ahaayeen ee Iimaaraadka carabta. Ka sokow sawirrada la isla dhex marayey ee Abiy Axmed, Isaias Afwerki iyo dhaxal sugaha Abudhabi, Sheekh Maxamed Bin Zayed Aala Nahyan, waxaa la isweydiinayey su’aalo jawaabahooda hadba gees loo qaadayey. Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya waxay soo saartay hadal qoraal ah oo ay ku sheegtay inuu soo baxay ka dib kulankii madaxdaas. Hadalkaas oo Af Ingiriis ku qornaa kuma xusnayn qodob micne weyn oo siyaasadeed leh, marka laga reebo “in labada hogaamiye ee Ethiopia iyo Eritrea ay u riyaaqeen xikmadda boqor salaam Binu Cabdulcasiis, boqorka Sacuudiga, ahna khaadunka labada masjid ee barakayan, iyo baritaarka mudane Sheekh Maxamed Bin Zayed iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulxasiis, amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, ku xigeenka guddoomiyaha golaha wasiirrada ahna wasiirka difaaca ee iyagu abaabulay horena u sii riixay heshiiska nabadeed, sababna u ahaa xiriirka wanaagsan ee ay faa’iidada ugu jirto dalalka jaarka ah iyo geeska Afrika”. Qaybtaas ayaa u muuqanaysa in duluc muhiim ah ay ku qarsoon tahay, taasoo ah inay u janjeeraan dhanka Sacuudiga iyo Iimaaraadka marka laga hadlayo khilaafka ka taagan Khaliijka, laakinse aan eegno dhowr qodob oo muhiim ah oo kulankan ku taxalluqa. Danta uu Iimaaraadka ka leeyahay Itoobiya iyo Eritrea Si aan u nimaadno jawaabta su’aashan, aan dib u milicsanno galaangalka uu Iimaaraadku ku lahaa geeska Afrika. Labada waddan ee Iimaaraadku uu joogitaanka iyo mashaariicda waaweyn ku lahaa waxay kala ahaayeen Soomaaliya iyo Jabuuti. Soomaaliya Xiriirka dawladaha Soomaaliya iyo Iimaaraadka ayaa soo xumanayey tan iyo markii ay kala boodeen dalalka Khaliijka – waa Sacuudiga iyo Iimaaraadka oo dhinac ah iyo dalal ay hogaamiyaan, iyo Qadar oo dhinaca kale ah. Mowqif dhexdhexaad ah ayey ku dhawaaqday Soomaaliya inay ka qaadatay. Laakinse waxay xaaladdu faraha ka baxday markii dawladda Soomaaliya oo ka caraysnayd macaamilka Iimaaraadku la leeyahay Somaliland iyo maamul goboleedyada, misna garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde lagu qabtay malaayiin doollar oo caddaan ah oo shandado lagu waday. Dawladda Soomaaliya waxay la wareegtay lacagtaas, Iimaaraadkuna waxay sheegeen in ay ahayd mushaarka ciidan ay iyagu tababareen oo qudhiisa cidda ay hoos yimaadaan uu muran ka taagnaa. Iimaaraadku waxay ka guureen Muqdisho, waxayna baneeyeen dugsi tababar oo ay gacanta ku hayeen. Waxaa isla wakhtiyadaas isku dhacay maamulka Puntland iyo tababareyaal ka socday Iimaaraadka oo iyaga qudhooda halkaa ka huleelay. Arrin kale oo xusid mudan waxay ahayd saldhigga uu Iimaaraadku ka dhisanayey Berbera iyo heshiiska DP world ee dekedda Berbera, oo labadaba sii fogeeyey xiriirka Soomaaliya iyo Iimaaraadka. Itoobiya heshiiskaas qayb ayey ka ahayd, waxaana sida la sheegay ay ku lahayd saami 19% ah. Jabuuti Jabuuti waxay horraantii sannadkan ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii kala dhaxeeyey DP World ee ay ku maamulaysay marsada kontaynarrada ee Dooraale. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo BBC ay wax ka weydiisay arrintaas wuxuu sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan, ayna u arkeen shirkadda DP World in aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka. Laakinse wuxuu intaa ku daray “Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la isku ixtiraamaa sida loo kala saami badan yahay”. Talaabooyin diblomaasiyadeed oo la doonayey in arrintaas lagu qaboojiyo ayaan suurto galin. Bacdamaa mashaariicda Iimaaraadka ee labada dal ay halkaa ku istaageen, wixii markaa ka dambeeyey Iimaaraadku wuxuu eegeegayey wadiiqo kale oo uu ku soo galo geeska Afrika, mar haddii dalalkii Af-soomaaliga looga hadlayey uu lumiyey. Waa halkaas halka ay u arkaan dadka arrimaha carabta iyo gobolka falanqeeya sababta uu aadka ugu danynayo inuu taageero buuxda la garab istaago Eritrea oo dekedo leh iyo Itoobiya oo aan dekedo lahayn laakin galaangal xooggan ku leh arrimaha Soomaaliya iyo gobolkaba. Isu taggooda ayuu u arkaa cudud u beddeli karta tii Soomaaliya iyo Jabuuti. “Siyaasadda geeska Afrika hadda ayey laba kaclaynaysaa, siyaasad muuqata ayey Itoobiya la soo bixi doontaa, baarqabka geeska Afrikana waxay khaliijku u aqoonsan doonaan Itoobiya, waana albaabka ay ka soo geli doonaan geeska Afrika” sidaa waxaa yiri Dr Xasan Al Basri oo falanqeeya arrimaha gobolka iyo kuwa carabta iyo islaamka, kana mid ah jaamacadda Axqaaf ee dalka Yemen. Xasan Al Basri wuxuu kaloo qabaa in heshiiskan uu u saamaxayo Itoobiya in dekedda Casab oo muddo dheer ay ugu dambaysay ay isticmaasho, “laguna wiiqo dekedda Jabuuti oo mar hore ay Iimaaraadku ka soo ambabaxeen, ayadoo tii Soomaaliyana aysan xiriir fiican la lahayn”. Soomaaliya arrintaas jawaab taxaddar leh ayey ka bixisay. hadalkan waxaa bartiisa Twitter ku qoray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka madaxdan Saamayn ma ku yeelan karaa Soomaaliya? Seddexda waddanba dano ayey ka leeyihiin Soomaaliya. Itoobiya waxay xuduud dheer la leedahay Soomaaliya. Taariikh dheer oo colaado iyo faragelin leh ayaana soo martay. Arrimaha siyaasadda iyo milateriga Soomaaliya waxaa la sheegaa inay galaangal weyn ku leedahay. Eritrea waxay taageertaa dhinaca Itoobiya ka soo horjeeda ee siyaasadda Soomaaliya. In badan waxay hoy u ahayd dhinacyo ka hor jeeda kooxaha ay u aragto inay Itoobiya u janjeeraan ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu xantaa inay xataa gabaad siisay maxkamadihii islaamiga iyo Al Shabaab. Si kale marka loo yiraahdo, waxay labada waddanba dagaalkooda u soo rareen Soomaaliya (proxy war) oo ay xulafo ku lahaayeen. Kooxda ilaalinta cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay waxay dhowr jeer warbixin-sannadeedyadooda ku sheegeen in labada dalba ay jabiyeen cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ayagoo hub soo galiyey dalka. Halkaa waxaa ka muuqata inay leeyihiin dad saamayn leh, sida hogaamiyeyaal, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan. Intaa waxaa dheer Itoobiya oo hadda olole xoog leh ugu jirta sidii ay u noqon lahayd awood gobolka hogaamisa, xag dhaqaale, xag milateri iyo xag bulsho (waa dalka ugu dadka badan gobolka). Iimaaraadka wuxuu cayaari karaa laba arrimood middood ama labadaba. – Inuu u adeegsado Itoobiya iyo Eritrea wixii dano ah ee uu ka leeyahay Soomaaliya. – Inuu labada dal ka dhigto jaranjaro diblomaasiyadeed oo uu kula heshiiyo Soomaaliya. Qodobkan labaad ayaa keenaya caqabad kale oo ah loollanka kala dhaxeeya Qadar, oo saamayn weyn ku leh dawladda Soomaaliya, dhinaca kalena aad ugu dhow Turkiga oo ah saaxibka 1aad ee Soomaaliya. Isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd maadaama xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu leeyahay madmadow badan maxay tahay danta Iimaaraadku ugu jirto inuu Soomaaliya u soo maro Itoobiya, wuxuu yiri Xasan Al basri “waxaan is leeyahay Iimaaraadku wixii dano ah ee uu Soomaaliya ka leeyahay wuxuu u soo mari doonaa Itoobiya, waxaanan qiyaasayaa in sidaas la fahmi karo. Xataa heshiisyadii Muqdisho ku dhex maray madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa laga dheehan karay inuu ahaa heshiis uu Iimaaraadka gadaal ka soo riixayey” ayuu yiri Al Basri. Soomaaliya waxay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, xilli ay adkayd inay ku taagnaato mowqifkaas. “Meesha ay Iimaaraadku ka hinaaseen waa siyaasadda Muqdisho oo u gacan haatinaysa Dooxa iyo Ankara. Waxaa marka fiican in la yara dejiyo ayadoo la eegayo wadciga iyo xaaladda iyo duruufta siyaasadda Soomaaliya oo maanta ugub ah meesha ay marayso. Waxaan u baahannahay degenaansho siayaasadeed, maanta in aan la kala safanno awoodo laba garab ah wax dan ah oo noogu jira ma jirto ayuu yiri Al Basri. Iminka oo ay u muuqato inaysan Soomaaliya sinnaba uga fursan doonin mowjad diblomaasiyadeed iyo culays u baahan xisaabtan siyaasadeed oo ku soo fool lehna, waxaa muhiim ah in ay hesho aragti fog oo dhaafsiisan isqabqabsiga hadda taagan iyo istaraatijiyad tilmaamaysa halkii looga sii gudbi lahaa sida uu ku talinayo Xasan Al Basri “boholo badan ayey qodi karaan Iimaaraadka, waxaana roon inay dawladda Soomaaliya boholahaas ka foojignaato, oo xiriirka ay Dubai la leedahay ay degdeg u soo celiso, dhexdhexaadnimadii ay ku socotayna ay ku soo laabato”. Laakinse su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay sidee dhexdhexaadnimadii loo soo celin karaa, haddiiba arrintaas ay ka caraysiinayso Qadar oo siyaasad ahaan ku daaban Turkiga oo saaxib dhow la ah Soomaaliya. Mar kale Xasan Al Basri. “Dhibka halka uu nooga imaanayo waxa weeye, meeshii koox mucaarad ah ama maamul goboleed inta lacag la soo siiyo dawladda xiriirka loo jarayo, dhibka halkaa ka imaanaya in aan ka foojignaano ayaa muhiim ah. Qadar haddii xiriirka loo yara gaabiyo isma lihi wax saamayn ah oo muuqata ayaa ka imaanaysa”. ISHA BBC Somali
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa xilkii ka qaaday maanta wasiirka waxbarashada xukuumadda Somalia, C/raxmaan Daahir Cismaan, iyadoo aan la magacaabin wasiirkii bedeli lahaa. Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday wasiirka waxbarashada, inkastoo aan la sheegin sababta ka dambeysa xil-ka-qaadistiisa. Isla wareegtada ayaa lagu sheegay in Xilka Wasaaradda Waxbarashada uu si ku smi ah u sii hayn doono Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada DFS, C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir. Dhanka kale, xil ka qaadista Wasiirka ayaa loo maleynaya inay soo da-dajisay hadal uu shalay Warbaahinta siiyay oo ahaa inaysan jirin jaamacad ay dowladdu aqoonsan tahay gabi ahaan jaamacadaha ku yaalla dalka. AKHRISO HADALKA WASIIRKA EE KU SAABSAN JAAMACADAHA DALKA Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ku sababeeyay aqoonsi la’aantooda dhanka Jaamacadaha dalka inay tahay iyadoo aanay jirin jaamacad buuxisay hannaankii looga baahnaa dhanka waxbarashada iyo dhismaha jaamacadaha. Xil ka qaadista Wasiirkan ayaa waxay imaanaysaa xilli xalay lagu dhawaaqay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay qaaday wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Somalia, kuwaasoo laga qaaday Ardayda wax ka barta Muqdisho iyo Gobollada dalka qaarkood. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo RW Somalia uu xilka ka qaado wasiir ka tirsan xukuumaddiisa, isagoo horay xilalka uga qaaday dhawr wasiir oo xukuumaddiisa ka tirsan kuwaasoo uu ku bedelay kuwo kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo xilkii ka qaaday Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Garissa town residents have welcomed a third weekly flight to Nairobi by Freedom Airlines. Source: Hiiraan Online