Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Venezuelan officials say that President Nicolás Maduro has escaped an assassination attempt unharmed. Source: Hiiraan Online
  2. Starting a dairy in Mogadishu was not an obvious choice: Islamist bombs go off with startling regularity, electricity is patchy and expensive and most Somalis don't even drink fresh cow's milk. Source: Hiiraan Online
  3. ADDIS ABABA - Mobs looted shops and burned down properties in Ethiopia’s eastern Somali region on Saturday, as unrest gained momentum and spread across the province following deployment of soldiers, witnesses said. Source: Hiiraan Online
  4. Health was the biggest winner yesterday in the Sh10.6 billion budget approved by Wajir county assembly. Source: Hiiraan Online
  5. The Ethiopian government has formally submitted a request to the Government of Djibouti to take the role of a mediator with Eritrea to resolve the border conflict and tension between the two countries concerning the border strip of Ras Dumera. Source: Hiiraan Online
  6. Eritrea's national airline has made its first commercial flight in two decades to Addis Ababa, the capital of neighboring Ethiopia, the latest step in a surprise peace process between the former foes that began just two months ago. Source: Hiiraan Online
  7. First lady Melania Trump voiced support for LeBron James on Saturday after President Trump went after the NBA star on Twitter, questioning his intelligence. Source: Hiiraan Online
  8. The UN refugee agency is ramping up life-saving aid to nearly one million people displaced by violence in southwestern Ethiopia and is urging accelerated reconciliation efforts to defuse tensions in the region. Source: Hiiraan Online
  9. Jigjiga (Caasimada Snline) – Markii uu dalka Itoobiya ka baxay gacantii kacaankii Derg-ga ee uu hormuudka ka aha Mingistu Hailamariam oo ay taladu gacanta u gashay EPRDF waxaa is bedelay nidaamkii siyaadi ee dalkaas. Itoobiya waxa ay qaadatay nidaam Federal oo ku dhisan qaab qoomiyadeed iyo dastuur siiyey qoomiyadahaas awoodo aysan hore u heli jirin. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Dastuurka Itoobiya-da Federal-ka ku dhisan ku qoran waxaa ka mid ah in ay Maamul Gobolleedyada ku disan Qowmiyadaha ina go’i karaan oo ay aayahooda ka talin karaan “Self Determination”. Sidaa darteed ayaa gobolka Soomaalida shalay waxaa ka dhacay rabshado, ayada oo laga qabsi qabay inay go’aan. Si ay u go’aan waxay adeegsan karaan qodobka 39-aad ee dastuurka dalkaas. Muxuu dhigayaa qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiyada? 1. Xuquuqda Qowmiyadaha, dhalashooyinka iyo dadka aayo ka tashi, oo ay ku jirto xaqa ay u leeyihiin go’itaan. 2.Qowmiyad walba, dhalasho walbba iyo dadka Itoobiya waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka hadlaan, qoraan oo ay horumariyaan afkooda; muujiyaan, horumariyaan iyo sare u qaadaan dhaqankooda; oo ay ilaaliyaan soyalkooda. 3.Qowmiyad kasta, dhalasho iyo dadka Itoobiya waxa ay awood buuxda u leeyihiin ay helaan ismaamul oo ay qeyb ka yihiin dhisidda hay’ado dowli ah ka dhisaan deeganadooda waxa ayna xaq u leeyihiin ay saami cadaalad ah ka helaan matalaada dowladda deegaanka iyo Federal-ka ah. 1.Xuquuqda aayo ka tashiga oo ay ka mid tahay go’itaan, ee ay qowmiyad walba xaqa u leedahay waxa ay ku suurtagali kartaa: 1.Marka saddex meelood laba ka mid ah ay golaha baarlamaanka dowlad deegaanka qoymiyadda iyo dadka ay quseyso ansixiyaan. 2.Marka ay dowladda Federalka ay qaban qaabiso afti ay qasab tahay in ay ku qabato muddo saddex sano ah oo ka bilaabaneysa marka ay golaha baarlamaanka dowlad deegaanka kala waregto rabitaanka go’itaanka ah. 1.Marka aftida go’itaanka ah uu ku meelmaro coddeyn aqlabiyad ah 2.Marka dowladda Federal-ka ah ay ku wareejiso awooddeeda golaha baarlamaanka ee qowmiyadda, dhalashada iyo dadka u codeeyey in ay go’aan; iyo 3. Marka hantida loo kala qeybsado sida uu dhigayo sharciga. 1.”Qowmiyad, dhalasho ama umadd” waxa uu dastuurkan ku qeexayaa, umad wadaagta dhaqan isku mid ah iyo caado isu dhaw, is fahan afeed, is aqoonsi dhalasho, fahan ku dhisan aanimaad oo sida ay u dhisan yihiin ah, iyo degenaanta deegaan la garanayo oo ay aad ugu badan yihiin.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada maamul goboleedka Puntland. Xassan Cali Kheyre maalintii uu ka degay Garowe waxa ay dadweyne aad u tira badan ku soo dhaweeyeen barxdda magaalada isaga oo ku hadlay halkaas. Hadaladdiisii waxaa ka mid ahaa: “Waxaad ku mahadsantihiin mudane iyo madaxweyne adiga iyo shacabka sharafta leh ee reer Puntland in aad igu soo dhaweyseyn dhulkii xudunta u ahaa halgankii daraawiishta”. Hadallada Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre waxa ay dhaliyeen muran ku saabsan juqraafidda dalka iyo sida ay deegaanado kala yihiin. Sida taariikhda lagu hayo xaruntii halgankii Daraawiishta waa degmada Taleex ee ka tirsan Gobolka Sool, magaalada Buuhoodle ee ka tirsan Gobolka Togdheer iyo deeganado kale oo ku xeeran! Waxaa ka daray Xassan Cali Kheyre ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed ‘Khadar!’ Isaga oo hadal ka jeediaya xaflad habeenkii jimcaha ay Puntland ugu dabaal dageysay sanadguuradeedii 20-aad, waxaana uu yiri:“Puntland wa hoygii halyeeyaddii curiyey halgankii 60-kii, Allow yaa darwiishkii farriin dabacsan gaadhsiiya, Allow yaa yiraa dadkaagii dowladnnima qaate”. Hadaba, su’aasha ayaa ah labada mas’uul miyeysan kala aqoon dalka? Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia aysan u arxan fali doonin kuwa ku shaqeysta musuqa. Waxa uu Hanti dhowraha sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo isha lagu hayo kuwaa oo hadii ay kusoo cadaato kiisaska baaritaankooda ay muteysan doonaan xarig. Waxa uu tilmaamay in arrin adag ay tahay in indhaha laga qabsado ficilada kuwa dhaqanka iyo caadada ka dhigtay musuqa Hanti Qaran waxa uuna ku goodiyay in sharciga uu noqon doono mid ku xoogeysta dalka. Hanti dhowre Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa tilmaamay in Qaranimada Somalia ay tahay mid ku jirta in la kala saaro kuwa musuqa caadeystay iyo kuwa wanaagsan, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga hortago cid waliba oo halis ku ah Qaranka. Sidoo kale, waxa uu carab ***** mar uu saxaafada la hadlaayay in sharciga ay u siman yihiin dadka Soomaaliyeed,sidaa aawgeed la doonaayo in mas’uul waliba uu ka fiirsado qaabka shaqadiisa. Geesta kale, waxa uu sheegay inaan lagu khaldami doonin cid aan waxba galabsan, hase yeeshee qofkii loo xira musuq ay micnuhu tahay inaan loo weyn cadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Tani waa qormadi saddexaad ee aan ku eegayno amuuraha dabada ka riixayo loollanka cusub ee loogu jiro hanashada Geeska Afrika. Qormadi koowaad waxay ahayd gogal xaar. Middi labaad waxaan ku eegnay waddamada loollanka ku jiro iyo waqtiyadii ay kusoo kala biireen hardanka. Qaybtaas waxaan ku khatinnay in faaiidooyin ay ka heleen waddamada lagu loollamayo. Sidoo kale waxaan tilmaannay inay kasoo muuqdaan hardankaan khataro waaweyn oo dhibaatooyin u horseedi kara dadka ku nool gobalka oo dhan. Waa qodabkaas danbe midda ay qormadaan faafaahin doonto. Khatarta kasoo muuqata loollaankaan waa mid dhowr waji leh dalalka Geeska-Afrikana si kale duwan u saamayn doonta. Qaar waxay isku dayayaan inay ka mid noqdaan kuwa loollanka ku jira ee wax qaybsanaya halka qaar ay yihiin dhibbanayaal dhab ah oo dhibta ugu weyn ay kaligood ku dhici doonto. Soomaalida (Soomaaliya iyo Jabbuuti) waxay noqon doontaa dhibbane la hubo hadduusan Eebbe faraj kale furin. Halis Siyaasadeed Waddamada ku harmadayo hanashada siyaasadda Bariga Afrika waxaan ku dheegnay inay carab u badan yihiin. Qaabka waddamada Carbeed wax u rabaan waa mid khar weyn ku ah horumarka mandhiqadda. Ma jiro calaaqaad iyo dano mideeyo oo ka dhaxeeyo dalalka Carabta iyo kuwa Afrikaanka. Xariirka ka dhaxeeyana wuxuu ku qotomaa mid ka dhashay xariirka dhexmaro madaxda markaas talada hayso. Madaxda Carabtu, dhammaan waxay madaxda Afrika siiyaan miisaaniyad joogta. Lacagtaas badan waxay ku badashaan in madaxda Afrika ay daacad u noqdaan kuwa Carabta marki loo baahadana ay codkooda iyo cududdooda ku taageeraan. Tusaale muddo dheer Senigaal waxay taageero dhaqaale ka heli jirtay Sacuudiga. Sanadki 2012ki ayaa la doortay madaxweynaha talada hayo mudane Sall. Waqtigaas wuxuu ballan qaaday fulinta qorshaha horumarinta Sanigaal. mashruucaas ayaa u baahday lacag gaarayso 16.8 bilyan doolar. Wax badan lagama fulin qorshihii uu doorashada kusoo galay walow uu dhacdhac badan helay madaxweyne Sall. Waxaa xog hoose lagu helay in Sacuudigu bixiyay maal gaarayo $216 milyan oo doolar sanadki 2015ki oo aan caddayn waxa ay tahay meesha loogu talagalay. Taas baddalkeeda Sanigaal waxay ciidamo ka badan 2000 oo askari u dirtay Yemen si ay u caawiyaan Sacuudiga. Siyaasadda noocaan ah halista ay leedahay ayaa ah in Carabtu aysan isku shuqlin horumarinta iyo hagaajinta xariirka kala dhaxeeyo Afrika taasoo keeni lahayd xariir siyaasadeed, mid dhaqaale iyo dhaqan oo dhex maro Afrika iyo Carabta. Sidoo kale, habdhaqanka Carabta wuxuu xoojiyanayaa musuqa ka jiro qaaradda wuxuuna cudud siinayaa madaxweynayaasha kursi ku dhagga ah ee ka taliyo Afrika. Sidoo kale, qaadashada sandareertada ayaa madaxda Afrika ka dhigtay in loo arko kuwa hooseeyo. Carabtu, sida ree Galbeedkuba, ulama dhaqmaan madaxda Afrika si kuwo la siman, waxaa sidaa ka dhigayna waa in madaxda Afrikaanku lacag waydiistaan Carabta marki ay booqdaan. Sida loo quursado Afrika waxaa tusaale noogu filan sida loola dhaqmay waqtigii la tuuri rabay AUN korneel Qadaafi. Midowga Afrika wuxuu si dag dag ooga shiray xaaladda Liibiya maadaama ay tahay dal Afrikaan ah. Midowga ayaa go’aamiyay qorshe nabadeed cad kaasoo dalkaas wax ka badbaadi lahaa. Qorshahaas oo ahaa in si nabad dalka looga sameeya isbaddalka ay dadku rabaan ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay dalalka carabta iyo Galbeedka. Maadaama Afrika aysan xoog ciidan lahayn madaxdeeduna horay cunno badan ugu maqnayd aad uma aysan qaylin marki lagu tuntay qorshihii ay rabeen in dalkaas lagu badbaadiyo. Wixii xigay waa midda laga wada shallaayayo maanta. Intaas waxaa dheer, waddamada Khaliijku Barika Afrika wuxuu u yahay ahmiyadda saddexaad haddii uusaan ahayn midda afraad. Waxay u badan tahay ahmiyadda Bariga Afrika waxa keenay inay tahay xariirka ay la leedahay kuwa culayska ku hayo Khaliijka sida Iiraan iyo Yemen. Khatarta arrintaan ka dhalanayso ayaa ah in xariirka lagu saleeyo xaaladda markaas taagan taas oo noqon korto si, matalanba, Iiraan looga adkaadao in la dumiyo cid walba oo xariir la leh sida Yemen lagu sameeyayba. Halista Loollanka xeebaha Bariga Afrika Muddo 25 sano ka badan xeebaha Bariga Afrika waxay ahaayeen kuwo nabdoon oo uusan is rixriix ka jirin. Eritareeya iyada unbaa isku koobtay xeebaheeda meel kalana wax kama aysan dayin, Soomaaliya amni darro iyo dowlad la’aan ayaa indhaha caalamka ka weeciyay ku tartamidda xeebaheeda. Jabbuuti ayaa iyadoon cidna loollan kula jirin ka suud-daaqday xeebaheeda iyadoo kulmisay ganacsiga Itoobiya, Maalgashiyo shisheeye iyo saldhigyo ciidamo kala duwan. Laakiin xasilloonidaas waxay isu baddashay si dhaqso. Waxaa si kadis agh u bilowday ku tartamidda xeebaha gobalka. Sidoo kale, gobalka naftisia ayaa billaabay u tartamidda cid maalgaliso xeebahiisa. Itoobiya oo ah dalka ugu weyn ee lagu tartamayo inuu noqdo macmiil ayaa heshiishyo aan xad lahayn la galay dhammaan dalalka dariska la eh ee badaha leh. Waxay heshiis ah inay baddooda isticmaalayaan la gashay, Jabbuuti, Soomaaliya oo labo ah, Kiinya iyo Suudaan iyo Eritaerrya oo hadda howsheedu socoto. Dhowr arrimood ayaa keenay inay dakedo badan raadiso Itoobiya. Kow, ku tiirsanaanta hal daket waxay Itoobiya ka dhigaysaa mid taag daran oo u hoggaansato waxa uu rabo dalka leh dekaddaas. Sidaa darteed inay hesho meelo badan oo ay wax kala soo dagto waxay keenaysaa kalsooni shacabkeeda iyo dowladduba ay ku seexdaan. Labo, la heshiinta dowlado badan oo mid walba rabo in la isticmaalo dakeddiisa waxay keenaysaa in beeca la isku eryo sidaasna ay Itoobiya qiimo jaban ku hesho adeegga ay u baahan tahay. Saddex, Itoobiya waxay u aragtaa tartanka socdo mid lagu qaybsanayo Bariga Afrika sidii dhacdayba 1884’ti, inay qaybta ka qadin ee sidii awalba ay wax ooga heshay ay haddana wax ooga hesho ayay u xarbinaysaa. Inshallah qormo arrintaan u gaar ah ayaan soo dhigi doonaa. Hunguri wax ka weyn waa dillaaciyaan Jabbuuti ayaa inta aysan dalalkaan kale soo galin tartanka dajisay qorshe fog oo hormarineed. Qorshahaan oo loogu wanqalay Jabuuti 2035’ta ayaa ah in Jabuuti ay noqoto xarunta ugu weyn ee ay ku gashiimaan maraakiibta ku safarto Badda-cas iyo inay noqoto xarunta kala wareegga badeecadaha ka yimaad Shiinaha ee u socda Afrika. Sanadkaan horraantisi ayaa xarigga laga jaray jid tareen oo dheerarkiisu yahay 750KM kasoo isku xirayo Jabuuti iyo Itoobiya. Tareenkaan oo ay ku baxday $3.4 bilyan oo doolar ayaa sahlay safarka badeecadaha isaga gooshi jiray Jabuuti iyo Itoobiya. Gaaska laga helay gobalka Soomaalida ee ay Itoobiya guumaysato ayaa isna la doonayaa in laga dhoofiyo Jabuuti. Julaay shanteedi ee sanadkaan ayaa sidoo kale, waxaa xarigga laga jaray aagga ganacsiga furan (free trade zone). Goobtaan ayaa ah midda Afrika ugu weyn waxayna qaadan doontaa in la dhammays tiro muddo 10 sano ah. Wajiga kowaad hadda xariga laga jaray waxaa ku baxay $3.5 bilyan doolar. Xaruntaan ayaa loogu talagalay inay lagu kala qaybiyo badeecadaha u socdo Afrikada aan badda lahayn sida Koonfurta Suudaan, Ruwaanda, Burindi iyo Yugaandha. Si loo helo daketo fulin karo qorshaha Jabuuti, waxay dowladdu maalgalisay dakedda Doorale oo ay ku baxday adduun gaarayo $590 milyan oo doolar. Waxay sidoo kale, maalgalisay kuwa yar yar sida midda Tajuura oo loo calaamadeeyay inay kasoo dagaan cuntooyinka u socdo Itoobiya iyo Dameerjoog oo loo asteeyay in laga dhoofiyo gaaska dabeeciga ah ee laga qodayo dhulka Soomaalida. Yaa bixinayo lacagta sidaan u badan? Sida muqaato mashaariicdaan waxaa ku baxayo lacago balaayiin. Yaa bixinayo maxayse ka helaysaa cidda maalgalisay? Dhammaan maalgashiga dekadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee socdo wuxuu ka imaanayaa Shiine iyo Imaaraat. Mashaariicda balaayiinta dhaaftay ee aan kor ku xusnay waxaa maalgaliyay Shiine. Shiine wuxuu wadaa dhisamaha mashruuc loo bixiyay soo noolaynta jidkii jidkii xariirta. Jidkaan ayaa isku xiri jiray Shiine iyo dunida inteeda kale qaruumihi dhexe. Qorshahaan ayaa hadda ah in jid bad iyo birriba ah oo kasoo baxo Shiine oo maro Afrika iyo Aasiya la dhiso si Shiine u noqdo dalka haysta goobaha ugu istiraatijisan dunida. Geeska Afrika ayaa hal bowle u ah fulinta mashruuca jidki xariirta. Jabuuti ayuu Shiine u doortay inay noqoto saldhigga ugu muhiimsan ee Afrika mashruucaan ku leeyahay. Si taas loo xaqiijiyo Shiine wuxuu si miyir la’aan ah qaan ah u siiyay Jabuuti. Labo sano gudahood qaanta bannaanka laga leeyahay ee ay qabto Jabuuti wuxuu ka kacay 50% wax soo saarka dalka wuxuuna gaaray 75%. Taasi waxay ka dhigan tahay 75% dakhliga soo galo Jabuuti waa qaan. Ma jiro dal kale oo ka mid ah waddamada soo korayo halkaas qaanta lagu leeyahay ay gaartay. Maanka ku haay in ree Jabuuti oo hal milyan ka yar ay wali ka mid yihiin dadka ugu saboolsan dunida iyadoo intaas oo deyn ah dalka la galiyay. 23% waxay ku noolyihiin saboolnimo aad u daran shaqa la’aantuna waa 60%. Qaanta maanta ay qabto Jabuuti maahan mid ay awood u leedahay inay bixiso. Waa si xowli ah u kordhi doono dulsaar ilaa uu gaaro heer aan an la hawaysan karin bixintiisa. Awal sidii wax ahaayeen ma adkayn in la sawirto in dekadahaan is bixiyaan oo Jabuuti aysan qasaarin waayo qorsha ayaa ahaa in isticmaalka Itoobiya ee dekadaha Jabuuti uusan ka hoos mari doonin 80%. Qorshahaas waxaa lagu saleeyay inuusan dhawaan dhici doonin heshiis dhex maro Itoobiya iyo Eritareeya iyo inaysan marnaba suuragal noqon doonin in Itoobiya isticmaasho dekadaha Soomaalia. Hasa ahaatee isbaddallada dag dagga ah ee dhacay ayaa soo saaray sawir madow marki laga eego dhinaca Jabuuti. Sidaan ku arki doonno qormada middaan xigto, hadii dekadaha Eritareeya howl galaan, Jabuuti waxay lumin doontaa in ku dhow kala bar isticmaalka Itoobiya. Taasina waa sababta ay Jabuuti af labadii u yeertay markay aragtay Eritareeya oo suuqa tartarnka akusoo laaban rabto. Caaqibada ka dhalan doonto inay Jabuuti bixin waydo dulsaarka qaanta ay qabto ayaa ah in Shiine la wareego maamulka meelaha uu maalgaliyay oo ay kow ka yihiin dakedaha oo ah isha kaliya ee Jabuuti ay dhaqaale ka hesho. Arrintaan maahan mid qarsoon. Shiine wuxuu horay sidaas oo kale ugu sameeyay dalka Siiralaanka. Hasa yeeshee Jabuuti way dhib iyo halis badnaan Siiralaanka. Xeebta Jabuuti ee Shiine isu gaagaabinayo waxa saldhiggiisa ugu weyn ee Afrika ku leh ciidamada Maraykanka. Shiine ayaa isuguna ka dhistay saldhiggisi ugu horreeyay ee uu ku yeesho dibadda dalkiisa. Labada saldhig ee Shiine iyo Maraykan waxay isu jiraan lix mayl kaliya. Sanadkaan gudihiisa waxaa hawada isu mariyeen eedaymo midba kan kale uu ku eedeeyay daandaansi. Waxaa cad in Shiinuhu si ku talagal ah u doortay saldhiggiisa meesha uu ka dhigayo iyo ujeedka uu ka leeyahay lacagta aan loo meeldayin ee uu ku shubayo jeebka Isciil Cumar Geelle. La soco qormada xigta si aan u fahanno khatarta wajiyada badan ee soo foodsaartay Jabuuti iyo waxa la filan karo hadduu Shiine la wareego gacan ku haynta xeebaha Jabuuti taasoo aad u dhici karta. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kaalin weyn ay QM ka qaadatay qaboojinta colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Waxa uu sheegay in Ergayga QM u qaabilsan Somali Michael Keating uu u dhabar adeegay xalinta colaada, balse aanu wali si rasmi ah loo xalin dagaalka. Waxa uu Mr Kheyre cadeeyay in Michael Keating iyo xubnaha kale ee QM ka jooga Somalia ay yihiin kuwo u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyadoo uu ujeedku yahay sida looga gudbi lahaa colaada Tukaraq. “QM wey qaadatay kaalinteeda waxaanu culeyska ku saarnay inay xal degdeg ah ka dhex abuuran labada dhinac, anaguna dhankeena ayaan ka wadnay, xal toosa wali lagama gaarin colaada balse waxaa noo muuqda in leysku fahmay joojinta colaada” Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in colaada Tukaraq uu xalkeeda gaaray 90% halka inta harsan ay ku dadaali doonaan sida lagu dhameystiri lahaa. Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay warbixin kooban oo uu ka bixinaayay safarkiisa magaalada Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mu’asasada As-Saxaab oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al-Qaacida ayaa baahisay hadal la daawan karo muddo 32 daqiiqo ah oo uu sheekh Aymen Al Dawaahiri kaga hadlayo taariikhda dagaalka soo jireenka ee illaa hadda ka taagan bariga qaaradda Africa. Hadalkaan oo qeyb ka ah taxanaha loogu magac daray Al-Rabiic Al-Islaami ama “Gu’ga Islaamiga” oo uu inta badan kaga hadlo muhiimadda midnimada Muslimiinta, taariikhda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin Ururuda hoos tago Al-Qaacidda. Qeybtaan wuxuu Dawaarihi kaga hadlay Loolana ka socda Qaaradda Africa ee leh taariikh siraac oo soo jireen ahaa tan iyo soo bixitaankii islaamka. Xalqadan waxaa cinwaan looga dhigay “Bariga Afrika Dhufeyska Koonfureed Islaamka”. Sheekh Aymen Al Dawaahiri ayaa bogaaday dagaalka ay Shabaab kula jiraan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Dawaarihi ayaa Al-Shabaab ku amaanay inay Geeska Africa difaac u yihiin isla markaasna ay tahay in lala garab galo sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu dadka ku nool Geeska Africa ugu baaqay inay dhammaantood kamid noqdaan Ururka Al-Shabaab oo qaraxyo iyo dilal ka geysto gudaha Soomaaliya iyo wadamada qaar ee dariska la ah. Hadalkaaan ayaa kusoo aadayo xilli ururka Al-Shabaab ay cadaadis xoog leh la kulmayeen sanadihii dambe, wuxuuna caadiska isugu jiray mid dhaqaale iyo mid khilaaf oo dhexdooda ka dilaacay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa daboolka ka qaaday in Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi uu sharciga Somaliland u gacan galiyay shaqsiyaad aan Lix bil ka hor aqoon laheyn. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in sharciga Somaliland uu yahay mid ay maamulanayaan waxa uu ugu yeeray shaqsiyaad aan aqoon laheyn kuwaa oo uu tilmaamay in boholo mugdi ah ay kusii wadaan Somaliland. “Adeer anigu ma aaminsani in dalka uu hagaagi doono waayo sharciyada dhan waxaa naloogu dhiibay ilmo yar oo aan waxba garan oo ilmo adeer la ah Muuse” “Sharciga waxa uu soo dhaafi la’yahay madaxtooyada marka waxaan leeyahay Somaliland maaha Madaxtooyada qura ee waa in wax laga bedelaa sharciyada maamulkooda loo gacan galshay shaqsiyaadka” Waxa uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Muuse Biixi uu ka badin la’ yahay kool-koolinta reerkiisa, isagoo arrinka noocaasi ah ku sheegay mid dhulka galin kara sharciga iyo kala danbeyntii ka jirtay Somaliland. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Muuse Biixi uu khaladaad cad ka galaayo Qaranka balse uusan diyaar u aheyn in xiligaan uu la wadaago talooyin arrintaasi ku saabsan. “Anigu Muuse maba u dooran laheen madaxweyne waayo waxaa ku yar siyaasada iyo hab maamulka waxa uu ka badin la’ yahay cidiisa iyo inta uu saaxiibada la yahay” Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Muuse Biixi uu kala fadilo shacabkiisa, waxa uuna kaga digay inaanu baal-madow ka galin Somaliland. Haddalka Faysal Cali Waraabe, ayaa imaanaya xili uu jiro Khilaaf Siyaasadeed hoose oo ka dhex aloosan labada mas’uul kaasi oo ka dhashay ka qeybgalka shir dhawaan ka dhacay Magaalada Brusells ee dalka Belgium-ka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Vilnius (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Lithuania ayaa sheegtay inay EUR 60,000 (Lixdan kun) ugu talo-gashay arrimaha banii’aadnimada ee dalal badan oo caalamka ah. Lacagtaas EUR 20, 000 waxaa loo qoondeeyey dalka Suuriya, iyada oo sii marineyso xafiiska UNHCR halka EUR 15, 000 la siin-doono dalka Mali. Soomaaliya waxaa ku soo aadey EUR 15 kun waxaa loo soo xawili-doonnaa hey’adda cuntada adduunka ee World Food Program. Lacagta Soomaaliya la siinayo waxaa la sheegay in lagu gargaari-doono 1.67 million oo dad ah, kuwaas oo u baahan cunto, heyso nafaqo-darro. Waxaa kale oo la sheegayaa in lacag EUR 10,000 ay siin-doonnaa Guatemalan halkaasi oo burkaano waxyeeleysay in ka badan 1.7 million oo dad ah. Sanadkan lacagta ay Lithuania horay ugu bixisay dalalka Ukraine, Yemen, Syria, Somalia, Mali, Guatemala, Palestinian iyo hey’adda UNHCR waxaa lagu qiyaasay EUR 245, 000. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  17. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamada militarigu ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso nabadgelyada gobolka Soomaalida ee kuyaal Bariga dalkaas. Kadib markii iskudhacyo qawmiyadeed ay galaafteen nolosha ugu yaraan 10 qof. Qawmiyadda Soomaalida ayaa weerartay dadka ka yimid qaybaha kale ee dalka waxayna bililiqaysteen dukaamo kadib markii ciidamada xukuumadda militariga dalkaas lasoo dhoobay magaalada Jigjiga. Xukuumadda Itoobiya ayaa isku dayaysay in si aan sharci ahayn ay awoodda ugala wareegto masuuliyiinta deegaanka gobolka Soomaalida. Balse daadguraynta ciidamada ee Jigjiga ayaa dhalisay jawaab caro ku dheehan tahay – ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay markii la weeraray dadka aan kasoo jeedin qawmiyadda Soomaalida. Kaniisad ayaa dab la qabadsiiyey dukaamana waa la bililiqaystay. Loollanka awoodeed ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Soomaalida ayaa khatar ku ah in uu wiiqo barnaamijka isbadallada ee Raisul Wasaraha cusub Abiy Ahmed uu wado. Dadka wax falanqeeya qaarkood ayaa sheegaya in xiisadda ay sii kicinayaan canaasiir mucaarad ah oo si xooggan uga soo horjeeda siyaasaddiisa. Addis Standard: Militariga Itoobiya oo ku hareereysan madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar Sida uu qoray wargayska ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard, ciidamada militariga Itoobiya ayaa ku hareereysan maadxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar. Wargayska ayaa qoray in ay ciidamada labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku harrereysnaayeen madaxtooyada magaalada Jigjiga. Wargayska oo soo xiganaya ila wareedyo ayaa sheegaya in madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay gacanta ku dhigi doonaan ciidamada. Wargayska ayaa sheegay in arrintasi loo samayn doono ”si looga hortago dhiig kale oo ku daata gobolka” Xaaladda magaalada Jigjiga oo ka soo raynaysa Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in korantada iyo biyaha ay dib ugu soo laabteen magaaladaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wefdi ka socda Fedaraalka ay tageen magaalada. Wefdiga ayaa sida la sheegay waxa ay la kulmeen madax ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ma cadda ilaa iyo iminka waxa ay ka wada hadleen wefdiga fedaralka iyo madaxda deegaanka. Xaaladda magaalada ayaa sidii hore dhaanta, sida ay BBC u sheegeen dad goob joogeyaal ah. Qaybo magaalada ka tirsan ayaa waxaa lagu arkayaa qashin iyo burbur daadsan, kuwaas oo ka dhashay qaskii maanta.
  18. LEXINGTON, Neb. — A victory six years in the making, on Tuesday a Dawson County district court judge ordered Gerald Rich, a landlord in Lexington, to end discrimination. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - The Deputy Minister of Foreign Affairs, Mukhtar Mahad Daud has been accused by Somalia’s Attorney’s General Office of stealing public funds and exploiting his position in government for personal gain. Source: Hiiraan Online
  20. When Eritrea and Ethiopia agreed last month to end their decades-long conflict, the international community responded enthusiastically. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay damanad kusii deysay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Da’uud oo maanta loo jaray warqad xarig ah. Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiir ku-xigeenka lagu sii daayay damaanad isla markaana uu ogolaaday in 24-saac gudahood uu ku hortago Maxkamad si dacwadiisa loo qaado. Wasiirka oo caawa u hoyan doono hooygiisa ayaa waxaa maalinimada bari laga sugayaa Maxkamada, iyadoo inta laga gaarayo wakhtiga maxkamada uu magaalada kusii joogi doono damaanada mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada. Wasiir ku-xigeenka ayaa saacado un ka hor diiday in la horgeeyo Maxkamada, hase yeeshee waxa uu iminka aqbalay in 24 saac fursad loo siiyo si uu u hortago Maxkamada amartay xarigiisa. Dowlada Somalia gaar ahaan Xafiisyada Xeer ilaalinta iyo Hanti dhowrka ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka aanu la cafin doonin isla markaana kasoo hormuuqan doono Maxkamada. Dacwooyinka lagu eedeeyay Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah inuu ka danbeeyay xadgudub la sheegay in lagu sameeyay Xafiiska Wasiirka oo la rumeysan yahay in la jabsaday isla markaana lagala baxay Dukumiintiyo. In kastoo Wararku ay sheegayaan in 24 Saac gudahood uu Wasiir ku xigeenku ku hortagayo Maxkamada ayaanan weli wax go’aan ah laga gaari Karin halka ay xaaladu ku dambeyn doonto. Waxaana sidaan oo kale dhawaan loo xirey Agaasimiha waaxda dib u dejinta barakacayaasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya. Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka ay dowlada Somalia ku maxkamadeyneyso mas’uuliyiinta musuqa iyo xadgudubka kula kaca hantida Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Madaxda Jaamacadaha Gobolka ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Xarumaha Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wada shaqeyn dhaw oo ay yeeshaan Jaamacadaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarasho ee dadka danyarta ah, shaqo abuurka, tayeynta waxbrashada iyo la dagaallanka dukumiintiyada waxbarasho ee been abuurka ah. “Waxaan idiinku bishaaraynayaa in uu haatan socda qorshaha daadajinta maamulka ee Gobolka Banaadir, taas oo ay qeyb ka tahay in aan idiin ka hirgelinno degmooyinka aad xarumaha ku leedihiin xafiisyada bixinta adeegyada la xiriira dhanka waxbarashada, sida diiwaan gelinta xarumaha waxbarashada, dhalashada iyo sugnaanta ardayda, wanaa qeyb ka mid ah codsiyada aad noo soo gudbiseen” Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay wadaan dadaallo lagu yagleelayo Mac-hadka Dowladda Hoose ee Xamar oo la qorsheynayo in uu soo saaro xeel dheerayaal ku takhasusay arrimaha maamulka iyo maareynta shaqooyinka Dowladda Hoose, fayo dhowrka iyo ilaalinta deegaanka. Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Gobolka Banaadir ee kulanka ka soo qeyb galay ayaa soo dhaweeyey qorshayaasha la soo bandhigay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa Maamulka Gobolka. Ugu dambeyn,, Madaxda Jaamacadaha ayaa soo bandhigay hannaanka ay kaga qeyb qaadanayaan qorhseyaasha is-xilqaanka ah ee ka socda Gobolka Banaadir, kuwaas oo ku saabsan bilic soo-celinta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Caasimadda. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay Qorshe cusub oo ay kuwada shaqeynayaan… appeared first on Puntland Post.
  23. The Djibouti presidency on Friday refused to recognize a London court ruling which found the Horn of Africa nation wrongly seized a major port facility in the country from its Dubai-based operator. The Doraleh container terminal, a large shipping hub and key transit route on the northwestern edge of the Indian Ocean, was designed and built by DP World, who have run it since 2006. The company has been accused by Djibouti of under-managing the container terminal in favor of the firm’s main port in Dubai and had its 50-year contract terminated earlier this year. But on Thursday Dubai’s government said the London Court of International Arbitration had “confirmed the illegitimacy” of the terminal seizure. The ruling said the agreement between Djibouti and DP World “remains valid and binding”, the emirate’s media office said in a statement. The Djibouti presidency said on Friday it “does not recognize this arbitral award which consists in qualifying the law of a sovereign state as illegal.” “It disregards the sovereignty of the Republic of Djibouti and takes no account of public international law rules,” the statement added. Djibouti, sandwiched between Ethiopia, Eritrea and Somalia, has been on an infrastructure blitz in recent years and aims to cash in on its location on the strategic Bab El-Mandab strait, the key shipping lane to Europe from the Gulf, Asia and beyond. Last year the tiny country inaugurated three new ports and a train line to neighboring Ethiopia. It also hosts China’s first foreign military base. DP World operates 78 ports in more than 40 countries and in recent years has expanded its profile in the Horn of Africa. Dubai has said the company would “reflect on the ruling and review its options” following the London court decision. Source: – AFP
  24. DP World’s chairman and CEO has told CNBC that he is looking at all options after a ruling by the London Court of International Arbitration (LCIA) found that its operating contract for a port container terminal in Djibouti was “valid and binding.” The Djibouti government wrested control of the Doraleh Container Terminal from the Dubai-based firm in February. Djibouti officials have long wanted to renegotiate the terms for the port’s operating contract that DP World has held since 2006. Sultan Ahmed Bin Sulayem, DP World chairman & CEO, told CNBC’s Willem Marx that the LCIA’s ruling was expected. “What they (Djibouti government) did was illegal and we needed just the legal authority to say that,” he said over the phone on Thursday. Bin Sulayem said the legal ruling meant that all options are open to his company and he would now meet with advisers before proceeding with steps to reach compensation. Djibouti Ports and Free Zone Authority (DPFZA) said in March it was willing to buy out DP World’s 33 percent stake in the container terminal, but Bin Sulayem said no contact or discussion over any sale had ever been made. He said he would now seek continued arbitration between the two parties to reconfirm rights, to validate the contract, and to “expose illegal activities of Djibouti.” Bin Sulayem added that it was a worrying development for capital making its way to the African continent. “I can tell you it is putting a shadow on investment in Africa and it is making such investment more expensive. We continue to invest but I’m sure others are looking at this as an example,” he said. The Doraleh Container Terminal is the largest employer in Djibouti. The country is small but attracts investment because of its strategic location where the Red Sea meets the Gulf of Aden. Somaliland investment DP World has a number of investments in East Africa, including one in Berbera, Somaliland. The region’s self-proclaimed independence remains unrecognized by any country or international organization. However, Bin Sulayem told CNBC that he had no issue in investing with the autonomous government in Somaliland and there was no need to go through the official Somali government. “The argument between Somaliland and Somalia clearly recognizes that the economic activity in the region belongs to Somaliland. What we have done is within the law.” Source: – CNBC
  25. The Ethiopian National Defense Force (ENDF) have moved into Jijiga, the capital of the Somali Regional State (SRS) in Ethiopia, and have strategically positioned themselves in key installations after a break down of relations between the Federal Government of Ethiopia and the Somali regional President Abdi Mohamoud Omar (Abdi Iley)‘the one-eyed’. Supporters of Omar, who has led the Somali region since 2005, have reportedly taken to the streets to protest the Federal Ethiopian troops presence while regional officials who spoke via Facebook denounced the move by the military as a “coup”. Ethiopian troops are said to be in control of the Presidential Palace, House of Parliament, Jigjiga Convention Hall, ministries offices and the TV station. Ads By Google The move comes against the backdrop of a two-day meeting in Dire Dawa that begun on Thursday by Somali-Ethiopian leaders who oppose the rule of regional President Abdi Mohamoud Omar. After the situation unfolded in Jigjiga, the leaders urged residents to remain calm and to not attack other ethnic groups. The opposition group has announced that they have left Dire Dawa and are en route to Jigjiga. In a Facebook live address, the Speaker of the Somali regional Parliament Mohamed Rashid Isaq confirmed that ENDF troops have seized key installations in Jigjiga but declined to offer an official response as to why. The troop deployment in Jigjiga cancelled a planned meeting by the regional parliament. Jigjiga residents who have spoken to HOL have described the situation has extremely tense and have said that there is very little traffic in the city with checkpoints set up throughout. There have been unconfirmed reports of looting in Dhegahbur, Jarar Zone. One resident said that he doesn’t know who is in charge of the towns security at the moment. Regional officials remain mum on the whereabouts of Abdi Mohamoud Omar. Relations between the Federal Government of Ethiopia and the leaders of the Somali region were said to have reached a flashpoint after reports emerged that attempts to summon regional president Abdi Iley failed. There were reports that Liyu Police moved into Jigjiga ahead of a rumoured vote by the region’s parliament to invoke Article 39 of the Ethiopian constitution which allows the unconditional right to self-determination including the right to secession. In early July, the Human Rights Watch released a harrowing report that described Prison officials and security forces of arbitrarily detaining and systematically torturing prisoners for years in the notorious Jail Ogaden. Ethiopia’s new Prime Minister denounced the widespread use of torture by state security forces, describing it as a form of terrorism.