Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,183
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Shan qof oo dhntay iyo shan kale oo dhaawac ah oo la sheegay inay ahaayeen shacab ay laayeen ciidammo weerar qorsheysan ku qaaday deegaan ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la keenay Muqdisho. Maydadka iyo dhaawacyada ayaa la sheegay inay beegsadeen ciidamo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib watay diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo deegaanka Bariire hawl-gal ka fuliay xalay. Dadka deegaanka iyo xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo lagu sheegay inay ahaayeen Al-shabaab. Xildhibaan Mahad Dhoore oo kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan shacabka ah si bareer ah loo xasuuqay, xilli ay ku gudo-jireen ganacisgooda. “Waxaan idiin xaqiijinayaa in shanta qof ee dhintay iyo shanta dhaawaca ah ay ahaayeen xoogsato doonayay in qudaar kasoo qaadeen deegaankii xalay lagu weeraray, waana nasiib-darro,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Dhoorre oo la hadlay warbaahinta. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamadii weerarkan fuliyay oo ahaa Soomaali iyo Ajnabi ay nolosha ku wateen afar qof oo shacab ah oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay weerarka. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo lagu beegsaday dadka la xasuuqay oo doonayay inay Qudaar goobta ka qaadaan. Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka C/casiis Xidhibaan oo weerarka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu beegasday saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Bariire, khasaare xoog lehna loo geystay. Ugu dambeyn, Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa waxaa la keenay isbitaalka Madiina ee Muqdisho, iyadoo weerarkii xalay dhacay uu imaanayo xilli shalay uu Qarax ismiidaamin ah oo khasaare badan geystay uu ka dhacay degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellada Hoose. PUNTLAND POST The post Ciidammo isugu jiray Somali iyo Ajaanib oo Khasaare Nafeed u Geystay Dad Shacab ah appeared first on Puntland Post.
  2. Wanla Weyn (Caasimadda Online) – Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta lagu qarxiyay deegaan magaalada Muqdisho kaga beegan 80 Km sidoo kale qiyaastii 10 Km oo dhinaca Muqdisho ah kaga beegan degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose. Saraakiisha amaanka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Gaariga ay saarneeyeen 13 Askari iyo Taliyahooda,waxaana ku dhintay 9 Askari iyo Sarkaalkii la socday. Guddoomiye ku xigeenka amniga Degmada Wanllaweyn ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Gaari Ciidanka dowaldda ay wateen ay miino kula kacday inta u dhaxeysa Balli-doogle iyo Wallanweyn, halkaas oo uu khasaaraha ka dhashay. Ciidamada ayuu sheegay in ay ka soo baxeen Balli Doogle kuna jeedeen Muqdisho,waxaa uu sheegay in Dadka dhintay uu ka midyahay Taliye Urur oo ka mid ah guutada 6aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Taliyaha geeriyooday ayuu magaciisa ku sheegay Mukhtaar Maxamed Caddoow oo ahaa ninka watay Ciidanka uu Gaarigooda Qaraxa haleelay. Ciidamada dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayuu sheegay in ay geeyeen Saldhigga Ciidanka Cirka ee Balli Doogle,waxaa uu intaas ku daray in hal qof oo la tuhmayo loo qabtay weerarkaas. Degmada Walla-weyn ayaa shalay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 14 qof. Qaraxaan ayaa ka dhigan in 24 Saac Gudahood ay degmada Walla-weyn ku dhinteen 24 qof oo isugu jira Ciidan iyo Shacab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. More than 695,000 people have been affected by flash floods and river floods caused by ongoing heavy rainfall in Somalia, the World Health Organization (WHO) said. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweyne Gaas oo warbixin siinaya xukuumadda 10 May 2018 Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo maanta warbixin siinayay shirka Khamiislaha ee Golaha xukuumadda ayaa sheegay, in dhowaan lagu dhawaaqi doono shirkadda dhisaysa dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku celiyay in dalka Imaaraadka Carabtu sii xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarka ee degaannada Puntland,taasoo uu sheegay in ay ballan qaadeen madaxda sare ee waddanka Imaaraadka Carabta oo uu todobaadkii hore safar ku tegay madaxweyne Gaas. Cabdiweli Gaas oo Golaha xukuumadda warbixin ka siiyay safarkii Imaaraadka ayaa dhinaca kale sheegay in uu madaxda dalkaasi kala soo hadlay xoojinta midnimada Soomaaliya iyo fududeynta arrimaha socdaalka,islamarkaana dhammaan qodobadii uu kala hadlay is-faham iyo guul ku soo dhammaadeen. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo sheegay in dhowaan lagu dhawaaqi doono shirkadda dhisaysa dekedda Bosaso appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu (HOL) - Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman was inaugurated today as the Speaker of the Lower House of Parliament on Thursday in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalbaday wadashaqeyn dhex marta Madaxtoyada, xukuumadda iyo Baarlamaanka.Isagoo khudbad ka jeediyay munaasabad dib u dhacday o maanta lagu caleemasaaray guddoomiyaha cuusb ee Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheeh C/raxmaan ayuu sheegay in Xildhibaannada looga baahan yahay in ay la xisaabtamaan Xukuumadda ayna la shaqeeyaan. Wuxuu intaas ku daray in xiriirka ka dhaxeeya Madaxtooyada iyo Xukuumadda uu yahay mid aad u wanaagsan sidaas oo kalena ay muhiim tahay in xiriirka Xukuumadda iyo Golaha shacabka uu noqdo mid joogto ah oo wadashaqeyn buuxda u dhisan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha shacabka ugu baaqay inay la xisaabtamaan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Kkeyre si loo gaaro howlaha horyaalla dowladda Federaalka ah oo ay ugu weyn tahay dhameystirka Dastuurka KMG ah,gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah,dhameystirka Hindise sharciyeedyada dalka iyo in dalka la gaarsiiyo hanaanka doorasho ee uu qaadanay. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayuu sheegay in ay ka mid tahay dhameystirka Dastuurka KMG ah,gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah,dhameystirka Hindise sharciyeedyada dalka iyo in dalka la gaarsiiyo hanaanka doorasho ee uu qaadanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Xukuumadda Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la hadlay xildhibaannada baarlamaanka Somalia inay si dhab ah ula xisaabtamaan xukuumadda, si loo gaaro halka loo socdo. Farmaajo ayaa sidoo kale ka dalbaday xildhibaannada baarlamaanka DF inay la shaqeeyaan xukuumadda, maadaama xukuumadda iyo madaxtooyada ay ka dhexeyso wada-shaqeyn adag. “Xukuumadda iyo Madaxtooyada waxaa ka dhexeysa wada-shaqeyn xoogan, sidaas si la mid ah ayaa waxaan u doonaynaa inay xukuumadda iyo Golaha shacabka ay si dhaw isula shaqeeyaan, si dalkan aan u gaarsiinno halka uu ku socdo,” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri hadal uu ka jeediyay kulan lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in xildhibaannada baarlamaanka ay gacan weyn ka geystaan sidii loo gaarsiin lahaa dalka doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalena dastuurka qabyadaha ah loo dhameysitiri lahaa. “Maadaama Golaha Shacabka uu yahay golaha sharci-dajinta dalka, waxaan ka codsan lahaa inuu gacan ka geysto hawlaha dowladda horyaalla oo ay ka mid yihiin; dhameystirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo hawlo kale oo intaas ka badan,” ayuu Farmaajo hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, Munaasabadda lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Somalia, Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan oo loo doortay dhawaan xilka ayaa hadal uu ka jeediyay ku sheegay inay ka go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeeshaan hay’adaha kale ee dalka. Ugu dambeyn, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaalla hawlo badan oo la doonayo inuu ku meel-mariyo muddada xilligiisa ka dhiman, iyadoo guddoomiyihii hore Golaha uu isku casilay cadaadis xooggan oo kaga yimid xukuumadda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xildhibaannada ku boorriyay inay la xisaabtamaan Xukuuadda appeared first on Puntland Post.
  8. MOGADISHU - At least 11 people were killed in an explosion in a busy market in a small Somali city north of Mogadishu, a security official and witnesses said. Source: Hiiraan Online
  9. The devastating 2017 drought was felt throughout Somalia, and UNICEF scaled up its operations to mitigate the worst effects. As both the Gu (April/May) and the Deyr (November/December) rains failed, we saw animals die, crops fail and a huge exodus of people from their homes to makeshift camps in desperate search of assistance. Source: Hiiraan Online
  10. Shir ku saabsan dhammaystirka dib-u-heshiisiinta beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-haharsame oo ay ka qeyb galayaan in ka badan saddex boqol oo ergo labada dhinac ah ayaa shalay ka furmay degaanka Saax-dheer ee gobolka Sool. Shirkaan oo ay gogoshiisa fidisay beesha Bah-hararsame ayaa daba socda,shirkii dib-u-heshiisiinta labadan beelood oo 10 Febraayo ee sannadkaan ka qabsoomay degaanka Maygaagle ee gobolka Nugaal,waxaana lagu dhammaystiraya qodobada heshiiskii hore,gaar ahaanna arrimaha ku aaddan isu-celinta hubka iyo hantida ku kala maqan labada dhinac,sida ay sheegayan dad xog-ogaal ah oo madasha ku sugan. Heshiis ka kooban sagaal qodob oo bishii Febraayo ee sannadkaan lagu gaaray degaanka Maygaagle ee gobolka Nugaal ayaa isimada iyo waxgaradka labada beelood ka sheegeen in ay si buuxda uga heshiiyeen dhammaan khilaafaadkii iyo colaaddi u dhexaysay,waxaana dhaqan-gelinta iyo dhammaystirka hawshaas loo xilsaaray guddi wadaag ah. Colaadda beelahan ka heshiiyeen ayaa salka ku haysa muran ka dhashay ceelal iyo carshin(dhul-daaqsin) ku teedsan soohdinta u dhexaysa gobolada,Sool iyo Nugaal ee xigta dhinaca Ethiopia,halkaasi dhowr jeer oo hore dagaallo khasaaro geystay ka dhaceen. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan dhammaystirka heshiiski Maygaagle oo ka furmay degaank Saax-dheer ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  11. Bosaso [Puntland Post]- Maxkamada Sare Ee Puntland Ayaa maanta U Farisatay gal Dacwadeed Lo Haysaytay Maxabiis U Dhashay Dalka Iraan Kuwaasi Oo Lagu Soo Qabtay Iyago Si Sharci Daro Ah Uga Kalumaysanaya Xeebaha Puntland. Maxabiistan Ayaa Mudo 8 Bilood Ah Waxay Ku Jireen Xabsiga Dhexe Ee Bosaso Waxana Horay u Xukuntay Maxkamada Darajada Koowad Ee Gobalka Bari Iyado Xiligii Maxabiistan La Soo Qabanayayna Laga Dilay Nakhudihii Doonta Oo Isku Dayay Inuu Ka Baxsado Ciidamada Badda Puntland. 17 Kan Maxbuus Ayaa Maxkamada Sare Ee Puntland Waxay Xeer Ilaaliyaha Sare Ee Puntland Maxamuud Xassan Iyo Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari Bashiir Hobaley Ka Dhagaysatay Eeda Loo Haysto edaysana yaashan ajaanibta ah. Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare Ee Puntland Nuur Ciise Ayaa Dhagaysiga Ka Dib Waxa Uu Xoryadoodi U Celiyay 17ka Maxbuus Iyado Sido Kale Puntland Lagu Warejiyay Doonti Ay Wateen Xiliga La Soo Qabanayay Halka Nakhudihii Doonta Ee La Dilay Lagu Xukumay In Magtiisa Uu Bixiyo Mulkilaha Doonida Oo Dalka Iraan U Dhashay. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post MAXKAMADA SARE EE PUNTLAND OO FASAXDAY MAXAABIIS U DHASHAY DALKA IIRAN appeared first on Puntland Post.
  12. Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawaladda iyo shaqaalaysiinta ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland. Shirkaan ah mid bishii mar la qabto isla markaana looga arrinsano machruuca CIP ayaa maanta waxaa looga hadlayey Ansixinta Qorshaha mashruuca ee sannadkaan 2018 iyo baahiyaha shaqaale ee ay soo gudbiyeen hay’adaha dawladdu. Dhammaan masuuliyiihinta hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca oo goob joog ka ahaa ayaa dood dheer ka galay qorshe hawleedka 2018-ka iyo dhammaystirka baahiyaha shaqaale ee ay u baahan yihiin hay’adaha dawladdu. Dhowaan ayaa waxaa lasoo bandhigi doonaa dufcaddii saddexaad ee shaqaalaha ay qaadanayso dawladda Puntland iyadoo dhowaan lasoo afmeeray dufcaddii labaad isla markaana meel fagaare loogu bandhigay bulshada qaabkii loo qaaday imtixaanka iyo qof walba inta uu keenay. The post Shirkii billaha ahaa ee mashruuca tayaynta shaqaalaha ee CIP oo looga hadlay arrimo muhim ah appeared first on Puntland Post.
  13. Israa’iil waxay sheegtay in ciidammadeedu ay duqeeyeen dhammaan saldhigyada militari ay Iiraan ku leedahay gudaha dalka Suuriya taaso ay uga jawaabayso weerarkii Iiraan ay ku qaaday buuraha Golaha Heights ee Israa’iil. Militariga Israa’iil wuxuu sheegay in xalay 20 gantaal ay ku garaaceen saldhigayada Iiraan ee dalka suuriya . Israa’iil waxay ku sheegtay weerar argoosi ah oo lagu bartilmaameedsanayay kaydka hubka, goobaha tashiilaadka u yaallay iyo xarumaha sirddoonka Iiraan ay ku leedahay gudaha Suuriya. Illa hadda ma jiraan hadal kasoo baxay xukuumadda Iiraan oo ku wajahan duqaynta. Dowladda Iiraan ayaa ciidammo u dirtay Suuriya si ay u taageeraan madaxweyne Bashar Al-Asad. Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa ku warrantay in ciidammada cirkaa ay ka hortageen waxa ay ugu yeereen dandaansiga Israa’iil ee dalka Suuriya islamarkaasna ay soo rideen dhowr madaafic. Illo wareedyo ka tirsan militariga ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Sanca in qaar kamid ah madaaficda lala beegsaday sadhigyada militariga cirka ee waddanka Suuriya. Horraan, Israa’iil waxay ku hanjabtay inay joojin doonto waxa ay ku tilmaantay farogellinta militari Iiraan ee gudaha Suuriya. Waxaana la rumaysan yahay in dhowr jeer ay duqaysay tashiilaadka militari ay Iiraan ku leedahay gudaha Suuriya illa bishii Febraayo. Ciidammada difaaca ee Israa’iil waxay sheegeen inay beegsadeen dhowr saldhig ay Iiraan ku leedahay halkaasi. Weli Iiraan ma aysan xaqiijinin weerarka lagu qaaday xarumaheeda militari. Wasiirka difaaca Israa’iil Avigdor Lieberman ayaa digniin u jeediyay Iiraan, wuxuuna sheegay in arrintani aysan ahayn iska horyimaad ballaaran balse ay dhamayn doonaan boggani. Dhawaan ayay ahayd markii Israa’iil ay sheegtay inay duqaysay goobo ku yaallo koonfurta magalaada dhimishiq ee dalka Suuriya.
  14. Doxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa si kulul waxay u cambaareysay qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo shalay galabtii ka dhacay suuq khaatka lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi. Waxay Qatar ugu horreyn dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda uga tacsiyeesay dadkii ku dhintay qaraxan, waxaana ay sheegtay in falkaasi ay aad uga xun tahay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in dowladdaasi ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, islamarkaana ay ka caawin doonaan sidii Soomaaliya ay nabad u noqon lahayd. Qaraxii shalay ka dhacay Wanlaweyn ayaa waxaa ku dhintay 14 qof oo shacab ah iyo Hal askari oo dowladda ka tirsan, iyadoo dhaawacna uu jiro.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga CaawinQaran oo ah koox wariyaal oo iskood isu abaabulay ayaa lacago dhiiri galin ah u aruuriyay ciyaartooyda 17 jirrada Somalia oo kaalinta labbaad ka galay ciyaariyihii 17 jirrada ee wadamada ku yaala Bariga iyo Bartamaha Africa. 27-kii April ayaa wariyaashu iclaamiyeen lacag aruurinta ciyaartooyda waxaana bartilmaameed u ahaa xubnaha Dowlada ,siyaasiyiinta aan xilalka heynin, xarumaha warbaahinta iyo ganacsatada waa weyn. 12 maalmood oo ay CaawinQaran waday lacag aruurinta waxaa ay ciyaartooyda usoo aruuriyeen $18,213 ( Sideed iyo toban kun ,labbo boqol iyo sadex iyo toban dollar ) . Berri oo jimco ah ayaa lacagtaan mid mid loogu qeybin doonaa ciyaartooyda, bartamaha garoonka kubadda cagta ee Koonis. Sidoo kale kulan u dhaxeeya isla ciyaartooyda 17 jirrada ayaa berri galab ka dhici doona Koonis. Hoos waxaad ka arki kartaa guud ahaan dadkii lacagaha bixiyay ,qof walba inta uu dhiibay iyo guud ahaan lacagta . Dhamaad Guddiga CaawinQaran
  16. A conversation between Majority Leader Aden Duale and lawyer Donald Kipkorir, over the population of Somalis in Kenya, has reignited a Twitter debate on poll numbers. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Ciidamo ka tirsan Xarakada AL-shabaab oo xalay qabsaday degaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud. Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee degaankaas ayaa sheegay in xalay Ciidamo ka tirsan AL-shabaab ay qabsadeen degaanka islamarkaana ka khudbeeyeen iyaga oo markii dambana iskood uga baxay. Taliyaha Booliska Galmudug ee degaanka Baxdo oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ciidankii Galmudug ee ku sugnaa degaankaas ay isaga baxeen markii ay AL-shabaab galayeen Magaalada. Waxaa uu xusay in ay Al-shabaab magaalada ku galeen labo Gaari oo kuwa dagaalka ah kuwo kalena dhigteen banaanka Magaalada islamarkaana ay dadka kala haldeen masaajid ku yaalla Degaanka Baxdo. Waxaa uu intaas ku daray in AL-shabaab ay dadka degaanka uga digeen la shaqeynta Maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,nus saac kaddibna ay isaga baxeen degaankaas. Taliyaha ayaa sheegay in ay dib ugu laabteen degaanka oo uu sheegay in markii hore ay xeelad dagaal uga baxeen maaddaama ciidan u babac dhigi kara AL-shabaab aysan degaankaas u joogin Galmudug. Al-shabaab ayuu sheegay in ay ka baxeen markii hore degaanka Xiindheere oo ka tirsan isla Galguduud Baxdana u jirta 80 ilaa 100km, waxyar kaddibna ay dib ugu laabteen halkii ay markii hore ka duullaan tageen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xaflada Caleemasaarka Gudoomiyaha waxa ay ka socotaa xarunta tababarada ciidamada Booliska ee General Kaahiye. Xafladan waxaa ka soo qeeybgalaya Madaxda ugu sareeyso ee dalka Soomaaliya Sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale Xafladan caleemasaarka waxaa ka soo qeybgalaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana Wadooyinka lagu daadiyay ciidamo aad u hubeysan. 30-kii bisha April ayey aheyd markii Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ay xildhibaanada Baarlamaanku ku doorteen Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xaflada Caleemasaarka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka oo ka socota Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. At least 20 people have been confirmed dead and hundreds of families displaced after the walls of Patel Dam in Solai, Nakuru County, broke down on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  20. At least 20 people have been confirmed dead and hundreds of families displaced after the walls of Patel Dam in Solai, Nakuru County, broke down on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  21. “We met in the desert,” says Badru Mohammed, gesturing at his three companions. The four Ethiopian boys pause for breath and refreshment beside the road, grasping their plastic water bottles tightly as they sip, careful not to waste a drop. The Djiboutian sun is still low in the sky but the road is already hot. They have more than 200km left to walk and their plastic sandals are disintegrating. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka hor imaaday qorsho ay wateen Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland. Wararku waxa ay sheegayaan in Xaaf loo soo jeediyay inuu is garabtaago maamulada Jubbaland iyo Puntland oo Siyaasad ahaan xiligaan kasoo horjeeda Dowlada Somalia. Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayey Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ka dalbadeen inuu kusoo feelo garabka adeecsan Imaaraadka ee kasoo horjeeda Mowqifka dowlada Somalia, hase ahaatee Xaaf ayaa ka hor imaaday in loo adeegsado dowlada Somalia. Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa labada Hogaamiye ee kale u cadeeyay in mowqif ahaan uu ku feelan yahay dowlada Somalia, maadaama uu maamul ahaan yahay mid hoostaga, waxa uuna ka cudur daartay in xiligaan uu khilaaf iyo buuq u horseedo maamulkiisa. Xaaf ayaa la tilmaamay inuu doortay in uu dhexdhexaad ka noqdo khilaaf Siyaasadeedka dadban ee Jubbaland iyo Puntland kala dhexeeya Dowlada. Hogaamiyayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa iminka ku howlan abuurista mucaarad ka horjeesta Dowlada Federaalka oo ay u badnaan doonaan Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas ayey isku dhaceen dowlada tan iyo markii ay Dowlada Somalia dhaqaale xoogan Garoonka Muqdisho uga qabatay dowlada Imaraadka Carabta taa oo la doonaayay in lagu kala furfuro Siyaasada Somalia. Wixii intaa ka danbeysay C/wali Gaas ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta la galay Heshiis hoosaadyo u muuqday in lagu baabi’inaayay karaamada Qaranimo ee Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaan buunbuunin Khilaafka kala dhexeeya Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Dowlada Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dhoofinta Dhuxul sharci darro ah ay ka socto Dekadda maamulka. Dhuxusha ayaa la sheegayaa in iminka laga raraayo Deked Macmal ah oo ku taalla Buurgaabo oo ka tirsan Jubbada Hoos, una dhow Xadka Kenya. Dhuxusha ayaa la xaqiijiyay in lagu raraayo Markab u kireysan Ganacsato reer Jubbaland ah kaa oo kusii jeeda magaalada Dubai ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Rarista Markabkaan ayaa la socda maalintii Seddexaad waxaana lasoo sheegayaa in Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu amray rarista Dhuxusha, waxaana xusid mudan in Buurgaabo ay gacanta ku heyso Jubbaland. Dowladaha saaxiibada la ah Somali iyo Dowlada Somalia ayaa horay uga hor imaaday in Dekadaha dalka laga dhoofiyo Dhuxul iyo in la guro dhirta. Sidoo kale, DFS ayaa asbuucii la soo dhaafay mamnuucday ka Ganacsiga dhuxusha, ka gadaal markii shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu mamnuucay Dhuxusha. Dhinaca kale, Ganacsatada iyo maamulka Jubbaland ayaa dhuxusha horay uga dhoofin jiray Dekedda magaalada Kismaayo hase ahaatee waxaa haatan loo weeciyay Buurgaabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay goobo ay ku sugnaayen maleeshiyaadka al-Shabaab. Duqeynta ayaa la xaqiijiyay inay geysatay Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka, waxa ayna xoogeeda ka dhacday deegaano u dhow degamda Bariire. Duqeyntaan oo aad u xooganeyd ayaa dhacday Saqdii dhexe xalay, waxa ayna dadka deegaanka soo sheegayaan in duqeynta kadib ay maqlayeen Gantaalo ay tuurayeen Al-Shabaabka. Duqeynta ayaa khasaaro kala duwan u geysatay maleeshiyaad ka tirsanaa al-Shabaab iyo dad shacab ah, inkastoo aan la xaqiijin Karin heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha. Geesta kale, Dowlada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaan weli ka hadal Duqeynta iyo khasaaraha ka dhashay iyo waxa uu ahaa qasdiga duqeynta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com