-
Content Count
210,781 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Siyaasada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ay u muuqtay mid aan daganayn Arintan ayaa waxa ay ka dambeeysay ka dib markii uu isbadal guud ka dhacay dalka Itoobiya. Isbadalkan ayaa waxaa horkacayay rai’sul wasaaraha Itoobiya De Abey Axmed. Hadabo yaa isku haya siyaasada deegaanka Soomaalida Itoobiya. 1:Xisbiga dimuqraadiga shacbiga sooamalida Itoobiya Xisbaga dimuqraadiga shacbiga sooamalida Itoobiya (XDSSHI) ayaa ah xisbiga imika ka arrimaya deegaanka Soomaalida Itoobiya. Xisbiga ayaa hayay talada deegaanka Soomaalida Itoobiya in ka badan 10 sano. Waxaa tobonkii sano ee ugu dambeeyay xilka hayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar. 2:ONLF Jabhadda ONLF ayaa muddo badan u dagaalamay sidii uu gobolkaasi u madaxbanaani uga qaadan lahaa Itoobiya. ONLF ayaa waxa ay muddadaasi ahaayeen mucaard hubaysan oo dagaal kula jiray ciidamada Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa horey ugu aqoonsanayd jabhadda ONLF in ay yihiin urur argagixiso. Balse markii uu xilka la wareegay ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa waxa uu baarlamaanka dalkaasi ka saaray ONLF in ay argagixiso yihiin. Jabhadda ONLF ayaa u muuqtay muddoyiinkii u dambeeyay kuwa muujiyay dabacsanaan siyaasadeed. 3:Dulmi diid: Dulmi diid: waa urur mucaarad ku ah dowlada uu hogaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar. Waxa ay sheegeen in ay doonayaan isbadal ka dhaca deegaanka Soomaalida Itoobiya. Sida magacooda ka muuqto waxa ay sheegeen in ay diidan yihiin dulmi ay sheegeen in ay waddo dowladda imika xilka haysa. Ururka ayaa dadka xubnaha ka ah waxa ay u badan yihiin aqoonyahanno ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya. 4:Ururka SRAJ. Ururka Isbahaysiga Caddaalada ee Deeganka Soomaalida ee (SRAJ) waxa ay sheegeen in ay doonayaan cadaalad laga hirgaliyo deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxa ay wadaan olola ay sheegeen in ay ku doonayaan cadaalad ay helaan shacabka Soomaalida Itoobiya . Isha: BBC
-
Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Hargeysa kula qaatay ku-simaha Safiirka, ahna safiir-ku-xigeenka waddanka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya,Martin Dale. Kulankan dhexmaray madaxweynaha iyo ku-simaha safiirka oo muddo saacado ah socday, ayaa diiradda lagu saaray arrimamaha colaadda ka aloosan degaanka Tukaraq ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland,Maxamuud Warsame Jaamac oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta u faah-faahiyey, ayaa sheegay in laga wada-hadlay xaaladda deegaanka Tukaraq, isla markaana madaxweyne Biixi uu safiirka u sheegay in Somaliland doonayso nabad buuxda oo degaanka Tukaraq ka hirgasha,sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynaha iyo ku-simaha safiirku waxa ay ka wada hadleen, xaaladda xabbad-joojinta xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq,iyada oo ay isla qaadaa dhigeen xaaladihii uu deegaankaasi soo maray iyo xaaladda xabbad-joojineed ee ay ku jirto, waxaan uu madaxweynuhu u caddeeyey safiirka inay Somaliland ka go’an tahay xabbad-joojintu, inkasta oo deegaankaasi gudaha Somaliland ku yaallo”,ayuu yiri Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac. Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay in haddii xabad-joojinta la doonayo ay hirgasho loo gudbayo in maxaabiistii dagaalka lagu kala qabtay la is-weydaarsado,islamarkaana la ogolaado in gargaarka bani’adanimo degaanka la gaarsiiyo. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo sheegay in ay ka go’antahay xabad-joojinta ka hirgasha Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Soomaali haddaan nahay, meelaha aan ku banjarnay, een sida xun ugu barriiqannay waxaa ka mid ah, in aannaan aqrin aqoon taaganta, si aan u hilaadinno timaaddada, oo ka dhigan, in aannaan ku cibroqaadan tagtii lagu tahlukoobay. Gumaystihii na ka la qaybsaday, ee shantanoo ka la qaaray, gunnimadii ka la qaybinta ee uu na dhexdhigay waxay ka xumaatay, middii aan la kulannay, markii aan xorno sheegasho ah helnay, oo ka dhalatay, qaladaadkii aan galnay, xilligii xornimodonka iyo in aan garan waynnay, in aqoosha loo xeeladeeyo, haddii aad wayso sida aad rabto ama lagu muquuniyo. Labo go’aan ama talaba waan eednay, oo araxda ayey naga jebisay, ilaa haddana, dhabarjabka maalintaa na gaaray ayaan ilaa hadda ka soo kabsan la’nahay. Labada taloxumo waxay eheed; markii Ingiriisku soo jeediyey, in sanadaha xorriyad gaarsiinta isaga aan u wakiilanno, asna uu noo ballanqaaday, in uu shan Soomaali isu keeno, oo Jabuuti keliya shaki ku jirtay. Marka labaad waxay eheed, markii Soomaali galbeed odoyaashu ku dheheen Ingiriis, Kenyaan ha nagu darine, Xabashi ayaan ku biiraynnaa, iyagoo ku maahmaahay; ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa! Taloseegga nagu dhacay, marka hore wuxuu na biday, in NFD uu Ingiriis raaciyey Kenya, halka Soomaali Galbeed lagu daray Xabashi, oo ah qaladka labaad, oo sababta Ingiriis ay u dheer tahay, codsigii odoyada, oo weli ay xabashida ushii ka qaadanayaan. Tan kale, oo dhibka naga haysto waxay tahay Soomaali ahaa, fursad abuurka iyo dhalinta kanshado lagu meelmariyo himilooyinka bulsho, hanka ummmadeed iyo rajooyinka qawmiyadeed marka ay siyaasadda joogto, balse, xagga ganacsiga guulo fiican ka gaarnay. Dagaalkii 1977, ee qar is ka xoorka ahaa, wuxuu na dhaxalsiiyey sheeko iyo shaahid midda aad doonto ayaad ku heli kartaa, oo burburka aan galnay, waanagan weli ka soo kabsan la’, sababteeda ay eheed, degaanka faalladu qusayo ee Soomaali Galbeed. Qarni rubac iyo googo’ ka dhimman yahay ayaa ka soo wareegtay, maalintii Soomaali Galbeed, uu Ingiriis ku wareejiyey Xabashi. Waxay eheed maalin waxgaradka Soomaali Galbeed, meel soke wax ka fiiriyeen miisaan qaldanna wax ku cabbireen. Dhacday, soo mana laabato, ee maxaa xigay?. Markii Itoobiya ay jabhaduhu qabsadeen, ee Tigree, oo aan barbaarintiisa wax ku lahayn uu dalkii qabsaday, mar kale ayey naga hoosbaxday, oo go’id, gooni isu taag, gorgortan iyo maxaan gaar u leeyahay midna miiska wadahadalka la ma aannaan tegin, halgankii, dagaalladii dawladdii Soomaaliyeed iyo kuwii jabhaduhu waxay noqdeen hal bacad lagu lisay, oo sawtanba dawladdii dhexe garashoxumo nooga duntay. Labada dawladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia isku sanad ayey xil gabeen, mid waxaa ka dhacay la ma arag iyo la ma maqal, sidii inaan geel ka la dhacaynno ayaan ku soo qamaamnay xaruntii dalka, ma jirin qorshe aan ka ahayn, in la rido Maxamad Siyaad Barre, rajiimka dalka cuuryaanshay. La ma kala roonaan, isna wuxuu dib u soo qaaday dagaal, adba dib u xasuuso: “Dagaalkii Xadka iyo Xawaraaha!” iyo oraahdii ahayd: “Ruug caddaagii soo rogaalceli!” dalkiina u horseedday dagaal sokeeye, intii isaga ka dabamartayna dib ayey isu ruugeen! Dhanka kale, Ethiopia waxaad moodday, in uu dhacay is baddal dabiici ah, wax walba sidii loogu talagalay ku dhaceen, maamul meesha laga saaray iyo madax carartay, maamul cusub iyo wajiyo hor leh, sidaa lagula kala wareegay awooddii, hubaal in reer galbeed Soomaaliya la maagganaayeen dibirxun, iyagoo mar walba niyadda ku haya Dagaalkii 1977. Waa fursaddii labaad oo naga luntay, ee aan ka faa’iidasyan, aanna garan waynno sida aan uga miradhalasanno dedaalladeenna iyo halgankeenna bulsho ama qawmiyadeed. Tagtay, oo tiigsamaad ma lahan, ee maxaa xigay?. In Xabashidii hoygeed ku cabsan jirtay, Soomaali Galbeedna kolonyada ku mari jirtay, in Xamar iyo xeebaha koofureed xoog iyo xarbi lagu keeno. Xanuun kale iy xusuus murugadeda leh. 28/12/2006. Is rogtaye, maanta ayaan mar kale helnay, oo haysanaa fursad, aan ku sixi karno wixii aan qalad sooyaal iyo siyaasadeed galnay. Maanta Itoobiya waxaa ka socda isbeddal xawlo ah, oo culus marna adag, haddaba waxay u baahan tahay, in la curiyo aragtiyo looga faa’iidaysan, lana helo aqooliyayaal ogaal badan, oo ka arrimiya, sidii mar kale, aysan fursaddu noo dhaafin, ma naqaan xilli ay na soo mari doontee ama maba ogin, in ay dib noo mari doontee. Cabsidii iigu weyneed, ee i haysay, ee ku saabsaneed Degaanka Soomaali galbeed saaka (04/08/2018) ayey dhacay, oo ah, Cabdi Ileey, oo magaalada Jigjida ku dhexdagaalaya. Hubaal, in uu hore u ahaa qawsaar Tigreega u qaabilsan dilka iyo afduubka, oo isaga ayaaba qirtay, haddana, raba, in uu u xuubsiibto QABQABLE! Noqoshada dambe way adag tahay, balse, tijaabo awoodeed iyo itaal midna ma reeban doono, oo qalalaasaha maanta dhacay, carada shacabka marka laga soo tago, oo garab u noqday, isaga ayaa siyaasad iyo cudud ciidan ahaan guulaystay, balse, intee sii jiri kartaa, maxaase xiga? Qofka garta warcelinta weydiinta iyo qolada hirgelisa ayaa sooyaalku xusi doonaa. Aniga waxay i la tahay, wixii maanta ka dhacay Jigjiga iyo wixii dambe, ee ka dhici doona Jigjiga iyo guud ahaan degaannada Soomaali Galbeed, ay masuuliyaddeeda akhlaaqeed, siyaasadeed, amni, dhaqan iyo bulsho ay qaadayaan madaxda ONLF iyo hoggaankeeda, maxaa yeelay, waa awoodda keliya ee Cabdi Ileey badali karta, ee leh aragti Soomaalinnimo. Cabdi Ileey, in uu nin xun yahay, in uu dhiigyacab yahay, in uu dilaa yahay, in uu tilmaam walba oo xun ay qabanayso isu sheegi maynno, balse, sidee marxaladdan looga faa’iidaysan karaa, degaanka, dhismayaasha, ganacsiga, xarumaha maamulka iyo cibaadada looga ilaalin karaa burbur, dadka dhiiggoodana loo badbaadin karaa?. Hubaal, in aadan helayn, badbaada aad rabto, ee bulsho iyo degaan, adoo weli la taagan ama ku doodaya Cabdi Ileey waa DAMBIILE, ee ha la maxkamadeeyo. Yaa kuu muhimsan, Cabdi Ileey, in aad la googgoosato, heer aad garsoor is la gaartaan ama in aad badbaadiso ayaanka iyo aayaha ummaddan shan ilaa siddeeda milyan lagu qiyaaso? ONLF ma ogtahay, in aan la joogin, marxladdii yooyootanka, ee la joogo marxaladdii yoolka la saari lahaa aayaha ummaddan la daalaadhacaysa dhibtaada iyo dhimaalka?. Sida aan qab, ONLF waa in ay garwaaqsataa, maadaama uusan Cabdi Ileey si fudud xukunka uga dagayn, in ay si dadban ama toos tiisa suuragalaysa u la shaqayso si KMG ah, inta laga gudbayo marxaladdan ka la guurka ah, Itoobayana ay wajahayso is rogroggan badan, ee dhan walba leh. Labo murti, oo mug iyo macno weyn leh ayaa afkeenna laga helayaa, oo dadka qaar moodaan, in labo ujeed oo is ka hor imaanaya ay sheegayaan, oo ka la ah; “Nimaan warankaagu gelin, warkaagu ma galo” tan kalana waxay tahay; “rag wax walba lagu dayoo, wax WALAALOW uga dhaama la waa!” balse, sidaa ma ahan, oo hadba murtidu waxay ku macno yeelanaysaa munaasibkeedu hadba marxaladda la joogo, oo marbay cudud rabtaa, marna caqli, ee ka la garo, hadba tan kuu habboon adeegsigeed. Had walba ha jilicsanaan, sidoo kale, hadba walba col u joog ha noqon. Marka, sida ay i la tahay, ONLF iyadoo fiirinaysa, marxaladdan taariikhiga ah iyo badbaadinta aayaha dadka, waa in ay Cabdi Ileey wixii ay hore ugu qabeen dib marsadaan, haddaan laga soo qaadi karin XALAY DHALAY, maxaa yeelay, wixii dhacay waxaa looga gudbi karaa is cafin guud ama is maxkamadayn, oo tan dambe suuragal ma ahan in ay dhacdo sida muuqata. Waxay i la tahay, in la garto, in cududda iyo caqliga la isugu geeyo, sidii degaanka Soomaalidu u heli lahaa metelaad madaxbannaan, oo u qalanta, si taas loo helana waxaa qasab ah, in is kuuridda iyo qooraansiga la is ka daayo, ee loo wada jeesto, sidii khayraadka degaankaa ku jira, ee qawmiyadaha kale u soo birotumanayaan loo Soomaaliyeysan lahaa, loogana sifayn lahaa wixii saxara ku jira. Horta kan ha na dhaafo, ka dib, aan isaga imaanno wixii kale, waa waxa meeshaa na dhigay, oo Siyaad ayaan ku eednay, isna eel noga tagay, ee inta candhuufta dib loo liqo, si kale ha lagu dayo maanta, oo la wada dheefi karo, iyadoon mujrim loo dananayna, ha la milicsado mustaqbalka bulshadaa hororka badan ku soo wajahan yihiin. Cabdi Ileey ha lagu la shaqeeyo wixii maangal ah, ee lagu gaari karo sii adkaynta ka la dambaynta, xoojinta xasilinta, wadaagga maamulka, joojinta xadgudubyada iyo hirgelinta hannaan maarayn oo loo siman yahay, si culayska awood qaybsi iyo maamul waaxayn, ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ka jira uu u yaraado, maxaa yeelay, tooda ayey ka badan la’yihiin, suura iyo maangalna ma ahan, in weli caqliyaddii lixdankii ay DASTUUR noo sii ahaato, ee waa in isbadallada, duraafaha iyo danaha nagu dhacaya aan wax ka qaadannaa, si aan u helno, nalol iyo hormar ubadkeennu u aayaan, illeyn anagu waynnaye, haddii aysan jirin dabbaalnimada na daashatay, oo ah, in aan hal qorid ama hal tolmo keliya ku joogno. Aayaha Soomaali Galbeed, wuxuu ku xiran yahay Itoobiya sida ay noqoto, marka aragtida waasiciya, oo la imaada, sidii wadaag aad u la yeelan lahaydeen, maxaa yeelay, aragtida go’iddu aad ayey u yar tahay, in ay suuragasho. Midda kale, ee dhici karta waxay tahay, in Cabdi Ileey ka tago xukunka, oo cudud kale saarto ama caqligiisa uu ku garto, mar walbana, talooyinka sare, ee ku wajahan ONLF waxba is ka badali maayaan, maxaa yeelay, kan la keenayo, waa uun gacan yare Cabdi Ileey la shaqeeyey, wixii dulmi uu galayeyna la ogaa ama aan hor istaagin, marka in aad bannaanka warsaxaafadeedyo ka soo saartaan, maxay soo kordhin aan ka ahayn, in aadnaan waxba ka garan waxa socda iyo in aadnaan waxba ku qaadan wixii dhacay ama dhacaya. QUSHIGIIN. Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com https://bilediraac.wordpress.com/
-
Waxyaabaha Soomaalida eebbe ku manneystay waxaa ka mid ah deeqsinimada, marti-soorka, magangelyenta iyo geesinimada oo ay inta badan uga duwan tahay bulshooyinka kale ee mandiqadda Geeska Africa Iyo Dunida kale. Yeelkeede, taas ma aha mid aysan qirsaneyn dadka la macaamila Soomaalida, sida aad ka fahmi karto qisada cajiibka ah ee uu Dr. Saadiq Axmed Enow ka sheekeeyey. Dr Enow oo toddobaadkii hore boqolaal dhallinyaro ah kula hadlayey maqaayadda Pizza House halkaas oo ay dhallinyarada xarunta maktabadda Ifiye ku soo agaasimeen mawduuc ahaa ‘’isbedelka Siyaasadda Itoobiya iyo sida uu u saameynayo Geeska Africa” ayaa ka sheekeeyey sheeko cajiib ah oo dhexmartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya (AUN) Maxamed Siyaad Barre iyo Ra’iisul Wasarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi. Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu ku sugnaa waqtigaas dalka France oo uu booqanayey waxaana London uga soo socdaalay dhallinyaro arday ah oo kacdoon Itoobiya ah ka waday gudaha dibedda. Dhallinyaradaas oo ahaa kuwa Tigreeda waxaa ka mid ahaa Meles Zenawi waxa ayna u yimaadeen Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey France iyaga oo ka codsaday in ay la kulan siiyaann Madaxweyne Siyaad Barre. Meles iyo xulafadiisa oo dhallinyaro yar yar ah waxa ay filayeen in ballan loo qabto kaddina ay fursad u heelaan la kulanka Madaxweye Siyaad, hase ahaatee wax aysan fileyn ayaa dhacay. Safiirkii Soomaaliya waxa uu laba qol ka dejiyey dabaqii uu Siyaad Barre daganaa oo ahaa FIVE STAR halka iyagu ay ku fekerayeen in ay dhallinyarada magaalada qolalkooda ku sugaan! Maxaa Xigay? Meles iyo asxaabtiisii waxa ay la kulmeen madaxweyne Siyaad Barre iyaga oo doonayey in ay uga warramaan xaaladdii dalkooda ka jirtay kaddibna ka codsadaan taageero iyo lacag yar oo ay isku dabaraan. Hase ahaatee, waxaa fajiciso ku ridday xogtii uu siiyey Siyaad Barre (Aun) oo ku saabsaneyd dalkooda iyo halka ay wax marayaan! Intaa kaddibna, waxa ay ka codsadeen kacag. Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu weydiiyey intii ay rabeen balse wey ku dhici waayeen qiimaha ayaga oo ka xishooday! Madaxweynaha inta uu fahmay ayuu safiirkii Soomaaliya ku amray in uu boorso samsaneed ah yiri ii soo qabo taas oo ku dhawaad 250,000 oo dollar ay ku jirtay! Dr Enow waxa uu dhallinyarada u sheegay in qisadaas uu Meles uga sheekeeyey odayaal Soomaaliyeed oo uu lacago siiyey isaga oo is bar bar dhigayey deeqsinimada Soomaalida iyo dhaqanka wax bixin la’aanta ee Itoobiyaanka!
-
Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliaya Xasan Cali Khayre iyo wadfi balaaran oo uu homaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka. Ra’iisul wasaare iyo wafdigiisa ayaa waxaa goor-dhaweyd garoonka diyaarada Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku sii sagootiyay madaxda ugu sareysa Puntland oo uu hogaaminayay Madaxweyne Cadbiwali Gaas. Ra’iisul wasaare Khare iyo wafdi uu hogaaminayo oo lix berri booqasho ku joogay Garowe ayaa kulamo la qaatay madaxda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, sidoo kale waxay booqdeen magaalada Qardho. Intii uu joogay Ra’iisul wasaare Khayre Puntland waxaa magaalada Garowe yimi dhamaan Golaha wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu qabtay shirkii khamiislaha. Sidoo kale Ra’iisul khayre iyo xukuumadiisa ayaa xalay ka qeyb galay xaflad lagu xusayay 20 sano guuradii ka soo wareegtay asaaskii Puntland oo ka dhacday magaalada Garowe. Waxay ahayd markii ugu horeysay oo Ra’iisul wasaare Khayre yimaado deegaanada Puntland tan iyo intii uu qabtay xilka Ra’iisul wasaarenimo, wuxuuna kala kulmay soo dhaweyn heer saro ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo dib ugu laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Xaalka magaalada Jig-jiga ee xarunta Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muuqda mid faraha ka baxay kadib markii ay magaaladaas gudaha u galeen ciidamada militariga Itoobiya oo aad u hubaysan ayna bilaabeen inay la wareegaan xafiisyada Dawlad degaanka Soomaalida. Sida uu warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay goob jooge ku sugan magaalada Jig-jiga waxaa magaaladaas isugu soo baxay boqolaal qof oo tageero u muujinaaya taliska Dawlad degaanka Soomaalida ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxayna dadweynahaasi ku dhawaaqayaan ereyo ka dhana Dawlada raisul wasaare Aby Axmed iyo qowmiyadiisa oromada. Dhanka kale waxaa magaalada ka socda amaan daro baahsan iyo bililiqo waxaana muuqanaysa inuu maamulkii Jig-jiga faraha ka baxay, waxaa la bililiqaystay qaar kamida xafiisyadii Dawlada iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad aan Soomaali ahayn. Lama oga halka uu ku sugan yahay Madaxweynihii Dawlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar waxayse warar soo baxaaya shegayaan inuu joogo xerada ciidanka xoogan ee isaga ka amar qaata ee looyaqaan Liyuu Boolis, kuwaas oo ah ciidamo xoogan oo sida militariga u tababaran. Qaar kamida saraakiishii xisbigii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dadweynaha Soomaalida Itoobiya ka codsaday inay is-difaacaan, iyagoo tilmaamay in degaankoodii ay kusoo duushay qowmiyada oromadu. Dadka reer Jig-jiga ayaa wadnaha farta ku haya iyagoo xili walba filan kara dagaal magaaladooda ka qarxa, waxayna warar soo baxaaya sheegayaan in magaaladaas ay Dawlada Itoobiya kusoo daabulayso ciidamo xoogan oo ay diyaaradaha dagaalku kamid yihiin. Dadka odorosa siyaasada Itoobiya ayaa sheegaya in rabshada kasoconaysa Jig-jiga oo u muuqata inay qayb ka tahay isbadelada xawliga ku socda ee raisal wasaaraha cusub ee Itoobiya ay ku fidi karto degaanka Soomaalida oo dhan iyo guud ahaan is-maamulada kale ee Itoobiya, taasina ay uga sii dari doonto xaalada siyaadeed ee aan cagaha adag ku taagnayn ee Itoobiya. PUNTLAND POST The post Bililiqo baahsan oo ka soconaysa magaalada Jig-jiga, xageese ku dambeeyey Cabdi Maxamuud Cumar? appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inay xaaladda faraha ka baxday, iyadoo boob xoog leh iyo bililiqo ay ka socdaan magaalada, kadib markii saaka ay ciidamada milateriga Itoobiya galeen magaalada xarunta u ah is-maamulka Soomaalida Itoobiya. Waxaa la soo weriyay qas weyn oo ka taagan magaalada iyo amnigii oo faraha ka baxay, waxaana la gubay Kaniisadii magaalada, iyadoona la boobay xarumn ganacsi, bankiyo iyo xafiisyadii dowladda Itoobiya ee magaalada Jigjiga. Dad ayaa la sheegay inay qalalaasaha ku dhaawacmeen iyadoo muuqaalo baraha bulshada la baahiyey ay muujinayaan bililiqo baahsan oo ka dhacday magaalada iyo bannanbaxyo ay wadaan taageerayaasha madaxweynaha degaankaasi Cabdi Maxamud Cumar. Bannaabaxyada iyo qalalaasaha ayaa ku sii fidaya magaalada Dhagaxbuur oo la sheegay inay xaalad kacsan ka jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Itoobiya HOOS U DHICII LABADA DAWLADOOD Dawladdii Adal Dawladdii Adal ee mar hanatay dhulkii xabashida badankiisii, ayaa ku soo ururtay magaalada Harar iyo hareeraheeda. Kolkii uu Iimaan Axmed Guray dhintay, muslimiintii waxay ku soo gurya noqdeen halkii ay markii hore ka tageen oo ahayd Harar, iyaga oo aan lahayn wax hoggaana. Muddo ayay qaadatay in ay dib isu abaabulaan, illaa aakhirkii uu Amiir Nur Mujaahid oo sida la sheego uu Iimaan Axmed abti u ahaa taladii la wareegay. Inkasta oo uu Amiirku duulaan wayn oo loo bixiyey furashadii labaad ku qaaday dhulkii xabashida, soona diley boqarkii xabashida ee Gelowdewos, haddana kuma nagaan dhulkaas ee waxa uu ku soo noqday Harar. Amiir Nur waxa uu dhintay Harar oo Gallaha (Oromo) u hareeraysan. Amiirka gadaashiis waxaa xukunkii la wareegay adoon xabashiya oo uu amiirku lahaa, lana oran jirey Cusmaan. Cusmaan iyo caruurtiisa ayaa muddo ka talinayey Harar illaa aakhirkii uu bilowday loolan ka dhaxeeye reer Cusmaan iyo rag ku dhawaa qoyskii reer Axmed Gurey iyo reer Amiir Nur oo dhinaca. Inta uu loolan kaani socday Oromadu waxay ku haysay reer Harar dagaal joogtaa illaa ugu dabmbayntii caasimaddii loo raray Aussa oo ahayd dhulkii Canfarta sanadkii 1577kii. Uguuritaankii saxaraha Canfarta loo guuray ma uusan hakin khatartii Oromada ee waxay qabsadeen Aussa laftigeedii sanadkii 1583 iyaga oo ku dilay amiirkii ugu dambeeyey amiiradii Adal oo ahaa Maxamed Jaza. Maxamed wax uu ahaa wiil uu awoowe u ahaa IImaan Axmed Gurey. Ma jirin wax xukuna oo ka dambeeyey dawladaan marka laga reebo ismaamul magaaleedyo ka jiray magaalooyinka Harar, Aussa iyo Zaylac. Dawladdii Xabashida. Duullaamadii waawaynaa ee uu IImaan Axmed Gurey ku qaaday dhulka xabashida waxay kala dhantaaleen awoodii dawladnimo ee ay Xabashidu lahayd. Kolkii IImaanka iyo ciidamadiisu ay jabeena uma suuroobin boqoradii xabashida inay nidaamka iyo kala dambayntii sideedii hore ku soo ceshaan. Waxaa jirey kacdoomo waa waynaa oo uga imaanayey shucuub tii gacan tooda ka baxday xilliyadii dagaaladu socdeen sida Agowga. Qabaa’ishii Gallaha ayaa ayguna noqday caqabad u diiday inay salka dhulka dhigaan. Dawladii Turkiga ayaa waxay la wareegtay xeebihii badda cas gaar ahaan Erateriya waxayna xiriir wanaagsan la yeelatay shucuubtii afka tigreega ku hadli jirey ee daganaa waqooyiga Itoobiya taas oo sababtay inay wada jir ula diriraan boqorkii xabashida. Waa xilligaan marka ay bilaabatay cadaawadda guun kaa ee illaa iminka u dhaxaysa qawmiyadaha Tigreega iyo Xabashida. Qulqulkii Oromada ayaa meel walba ka dhacay illaa uu kala jaray dhul waynihii Xabashida. Dalkii ayaa waxa uu u kala jarmay afar qaybood oo aan isku xirnayn, mid walbana uu ka taliyo boqor hoosaad oromadu ciidan u tahay, marka laga reebo boqorkii Gonder oo matalayey boqorkii boqorada, laakiin sida xaqiiqdaa Oromada ayaa xukunka gacanta ku haysay kadib kolkii uu ka guursaday uuna ku qanciyey inay diinta masiixiga qaataan. Waxaa hoos u dhac wayni ku yimid nidaamkii, dawladnimadii, dhaqaalihii, diintii iyo isku xirnaantii boqortooyada. Dawladdii Xabashidu waxay gashay sadex qarni oo go’doona. Waxaa xirmay xiriirkii ay la lahaan jireen dawladihii masiixiga ee caalamka ka jirey. Waxaa meesha ka baxay awooddii boortaqiiska ee bariga Afrika. Waxaa dumay dawladdii Byzantainka ee ay isku caqiidada ahaayeen ee ka talin jirtay Constantinople oo ahayd Istanbuusha maanta. Waxaa xirmay dariiqii ay Masar u mari jireen oo ahaa goobta looga soo diri jirey baadarigooda wayn ee diinta, kadib kolkii ay boqrtooyadii Nubianku islaamka qaateen taas oo sababatay hoos u dhac wayn oo ku dhacay diintoodii. Waxaas oo dhan ayaa waxay ka dhigayeen dawladdoodii Xabashida midaan wax xiriira la lahayn caalamka intiisa kale. Taas ayaana sababtay in sahamiyayaashii reer galbeedka ee soo booqday Itoobiya qarnihii 18aad ay la yaabaan heerka nolol iyo xadaarad xumo ee ka xilligaas ka jirtey Itoobiya. DIB U CURASHADII ISLAAMKA Ciidamadii Boortaqiiska ee u soo gurmaday dawladdii xabashida ee ay Iimaan Axmed Gurey is hayeen, kolkii uu dagaalku dhamaaday kuma aysan noqon dalkoodii ee waxa ay dageen dalkii xabashida iyaga oo ka mid noqday bulshadii oo ay ka guursadeen kuna milmeen. Waxa ay bilaabeen inay dadkii ugu yeeraan madhab koodii Catholiga, taas oo ay ku guulaysteen kadib markii ay boqorkii Susenyos ku qanciyeen inuu qaato madhabka Catholiga sanadkii 1622. Boqorkii diinta badashay waxa uu ku xukumay dadkiisii inay isaga tagaan madhabkii Orthodox ka ee ay kunka sano soo haysteen. Arintaan ayaa waxa ay dhalisay buuq iyo jahwareer fara badan iyo in shacabkii si cad uga hor yimaadaan boqorka iyo taladiisaba. Dadka ayaa waxay ku dhawaaqeen “inaan islaamno ayaan ka door bidaynaa inaan Catholic noqono. muslimiintu canshuur ayay naga qaadi jireen laakiin diinta nagama badali jirin.” Kolkii uu dhintay Susenyos waxaa xukunkii la wareegay wiilkiisii Fasiladas kaas oo dadkii mar labaad ku soo celiyey madhab koodii hore. Fassiladas waxa uu bilaabay abaabul uu ku beegsanayo boortaqiiskii. Waxa uu dalkii ka saaray wadaadadii waday diin badalka. Waxa uu xiriir wanaagsan la yeeshay shucuubtii Islaamka ahayd ee ay dariska ahaayeen gaar ahaan boqrkii Yamaniyiinta oo uu ka codsaday inuu badda ka ilaaliyo Boortaqiiska. Hal-kudhaggii xabashida ayaa ahaa reer yurub ayaa ka cadowsan muslimiinta maxaa yeelay muslimiintu kuma khasbi jirin inay diin tooda ka tagaan. Xaaladdii qalafsanayd ee ay xabashidu xilligaas ku jirtay iyo cadaawadddii ay islaamka u qabeen oo iminka u wareegtay dhankii Yurubiyaanka, ayaa Islaamkii waxay u sahashay inuu su fudud ugu fido dhulkii xabashida. Islaamka ayaa u fidayey qaab xawliya oo hadana nabad galyaa. Fiditaanka islaamka waxaa dhinac socday qayb wayna ka qaadanayey fidistiisa ganacsi balaaran oo ay muslimiintu dhulka ku yeesheen. Waxaa jirey labo arimood oo muslimiinta u sahlay inay noqdaan maal-qabeenkii Itoobiya. Tan koobaad ayaa ahayd in marsooyinkii ay wax ka soo dagi jireen iyo waddooyin kii loo mari jiray ba ay iyagu gacanta ku hayeen. Tan labaad na waxay ahayd dadka xabashidaa oo u yaqaanay ganacsiga xirfad xaqiran oo laga faano. Labadaas arimood ayaa sababay in muslimiintii ay dhinac walba ugaga baxaan dhulkii xabashida iyaga oo ganacsanaya diintoodiina fidinaya. Muslimiintu waxaay dacwadooda bar tilmaameed uga dhigeen qawmiyadihii aan diinta lahayn sida Oromada oo cadaawad wayn u qabay xabshida, taas oo ay markii dambe ka mira dhaliyeen illaa ay badankoodii islaamka qaateen. Qabaa’isha sida wayn islaamka u qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Wallo Oromo oo ahayd reerkii uu la xididay Boqorkii reer Gonder ee Iyasu II, kuwaas oo aakhirkii la wareegay awoodii lana baxay Raas Ali. Waxaa iyana islaamkii qaatay Oromadii reer Jimma oo uu u talin jirey Aba Jafar. Reer Bale ayaa ayana islaamkii uu dhex galay illaa ay badankoodii islaamka ka qaateen. Isku soo wada duuboo sida uu sheegay James Bruce oo ahaa sahamiye Ingiriisa oo soo booqday Xabasha bartamihii qarnigii 18aad, ayaa sheegay in sadex meelood dadka xabsha ay muslimiin ahaayeen xilligaas. Xawligii uu islaamku ugu fiday qabaa’isha Wallo,Yaju iyo Rayo ee koonfurta iyo bariga sare ee xabashida si ka hoosaysa uyuu ugu fidayey dhankii Harar. Qabaa’ishii Oromada ee Qallo iyo Aniya ee qabsaday dhulkii ay mar ka talin jirtay saldanaddii Adal wali waxay ku mushquul sanaayeen go’doomintii ay ku hayeen magaalada Harar iyo tuulooyin kii ku xeernaa. Harar ayaa xilligaan ahayd maamul-magaalo ay ka talin jireen qoys u nasab sheeganayey Ashraaf laakiin la aamin sanaa inay ahaayeen Jabartiyiin sida uu qoray sahamiye Bruce oo booqday qarnigii 18aad. Sir Richard Burton oo isaguna booqday Harar bartamihii qarnigii 19aad waxa uu xusay in Harar wali ay ku gadaamnaayeen Oromadu, islaamkuna uusan wali si fiican u gaarin, marka laga reebo in yar oo reer magaalowday iyo in magac ahaan islaamka u qaadatay. Waxaa sanad walba Oromada la siin jirey baad, si aysan usoo weerarin magaalada. Wuxuu yiri aad ayay u adkay in la dhex maro Gallaha (oromada) marka laga reebo Soomaalida oo aan wax dhiba ku qabin dhex markooda. Islaamka ayaa waxa uu si wanaagsan ugu faafay qabaa’shii bariga wixii ka dambeeyey bartamihii qarnigii 19aad iyo xilligii ay Masaaridu ka talinaysay Harar, dhamaadkii qarnigii 19aad. Lasoco qaybta afraad Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 3aad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Xaafadda Al-Shareeca ee degmada Kaaraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa Saaka lagu arkay qof mey ah oo Waabirigii hore ay dadku Xaafadda ku arkeen. Sid ay warbixiyeen dadka deegaanka ayaa ninkan meedkiisa waxaa ka muuqday Dhowr Xabadood oo looga dhuftay Wajig iyo Madaxa. Ciidamada amaanka ayaa Muddo kadib goobta soo gaaray waxa ay qaadeen meydka waxaana la geeyay xarunta danbi baarista ee CID. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo kordhaya dilalka waxa ayna noqoneeysaa in Asbuucan iyo kii ka horeeyayba ugu yaraan 3 qof siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - The Ethiopian National Defense Force (ENDF) have moved into Jijiga, the capital of the Somali Regional State (SRS) in Ethiopia, and have strategically positioned themselves in key installations after a break down of relations between the Federal Government of Ethiopia and the Somali regional President Abdi Mohamoud Omar (Abdi Iley) ‘the one-eyed’. Supporters of Omar, who has led the Somali region since 2005, have reportedly taken to the streets to protest the Federal Ethiopian troops presence while regional officials who spoke via Facebook denounced the move by the military as a “coup”. Source: Hiiraan Online
-
Xiisadaan ayaa timid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ay isku dayeen in ay xiraan Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud. Warar aan helnay ayaa sheegaya in ciidamadaan oo ah kuwa gaarka u tababaran ay isku dayeen in ay gudaha u galaan xarunta Wasaarada arimaha dibada si ay u xiraan Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi oo xiligaasi ku sugnaa xarunta. Ilaalada wasiirka iyo ilaaladii xarunta Wasaarada arimaha dibada ayaa ka hor istaagay in ciidamadaasi ay gudaha galaaan. Wasiirka ayaa in saacad ku dhow ku jiray gaari aanay karin xabadu, si uu ugu bad baado ciidamada ku soo weeraray xarunta Wasaarada arimaha dibada. Xiisada halkaasi ka dhalatay ayaa ugu dambeeyntiina waxaa halkaasi soo gaaray Taliyaha ciidamada Booliska Soomalaiya Gen. Bashiir oo kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Soomaaliya. Warar aan helnay ayaa sheegaya in askartaasi ay qabeen amar ka yimid xeer ilaalinta oo ah in la soo xiro Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya. Baryihii ugu dambeeysay ayaa waxaa jiray khilaaf u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyada iyo Arimaha Dibada oo ku aadan qarashka dhanka dibada ka soo gala Wasaarada Maaliyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xiisad ka taagan xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Waxaa ilaa Saaka qalasan xaaladda Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Soomaalida deegaanada Itoobiya maamusho. Ciidamo ka socdo dowladda Federaalka Itoobiya ayaa la wareegay Xarumaha ugu muhiimsan ee maamulkaas kadib markii ay isku dhaceyn Madaxweynaha Maamulkaas Cabdi Iley. Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo halkaas ayaa sheegayo in shacab badan ay xireen jidadka waaweyn ee Jigjiga iyadoo taageersan Madaxweynaha maamulkaas. Shacabkaas ayaa la arkayaa iyagoo budad iyo dhagxaan ku tuurayo Xarumaha ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo gawaarida jidadka isticmaaleyso. Sidoo kale waxay gubeyn Kaniisad ku taalay Magaalada kadib markii la qabadsiiyey dab, waxaana hadda muuqato inay xaaladda meel xun sii gaareyso. Siyaasiyiinta deegaanadaas kasoo jeedo ee maalin dhaweyd kulanka ku yeeshay Dira Dhawa ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan xaaladdana lagu soo celiyo sidii hore. Siyaasiyiintaan ayaa ku baaqay inaan la wareeranin qoomiyadaha kale ee ku nool Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Maamulkaas. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, welina waxaa gudaha Magaalada ku jiro ciidamo tiro badan oo ka socdo dowladda Itoobiya. Xiisadaan ayaa bilaabatay markii ay is fahmi waayeen dowladda Itoobiya iyo madaxweynaha Maamulkaas waxayna Itoobiya dooneysaa inay xilka ka tuurto. Cabdi Iley ayaa garab weyn ka helay ciidamada Liyuu Boolis ee maamulkaas leeyahay waxaana xaafadaha qaar ee magaaladaas laga maqlaya rasaas goos goo ah. Taageerayaasha Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo dhigaya dibad baxyo rabshado wato. Waxaa waddooyinka lagu gubay taayaro, qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray, waxaana la soo sheegayaa inay jirto bililiqo. Waxaa la sheegayaa inuu jiray isku day Baarlamaan Goboleedka Soomaalida Itoobiya ku doonayeen inay madax banaani ama gooni u goosad ku dhawaaqaan. Lama oga halka uu jaan iyo cirib dhigay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo Boolis ah oo si gaar ah u tababaran ayaa saaka galay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya iyadoo doonayey inay xiraan Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daauud, iyagoo watay amar Maxkamadeed. Ciidamadaas ayaa loolan adag kala kulamay ciidamada Ilaalada Wasaaradda Arrimaha Debadda oo isugu jiray kuwa Soomaaliya ah iyo AMISOM. Arrintan oo in muddo ah labada dhinac isku hor fadhiyeen ayaa waxaa markii dambe goobta tegay oo soo farageliyey Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Maxamed Cabdi, iyadoo ciidamadii Booliska lagu qanciyey inay ka tagaan xarunta Wasaaradda mas’uulka ay arrintan quseysana qaab sharci ah loo marayo, taasoo ah in loo yeero wasiirka. Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud ee la doonayay in la xiro ayaa la sheegay in loo heyso arrimo dacwad lacageed iyo kharashka ay wasaaradda soo xareyso oo si gaara loo maamulo halkii Wasaaradda maaaliyadda lagu wareejin lahaa. Wasiir kuxigeenka oo la saaray gaari Ciidamada Booliska leeyihiin ayaa la sheegay inuu ka dalbaday ciidamada in gaarigiisa uu fuulo, si uu u raaco, waxaana markii gaariga koray uu ka soo xirtay dhexda, maadaama uu ahaa gaari kuwa aan xabadaha karin. Waxaa haatan kulan u socdaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Taliyaha Booliska iyo Agaasimayaasha wasaaradda, kaasoo looga hadlayo dhacdada ka dhalatay xariga wasiirka iyo isku dayga la doonayay in lagu xiro Wasiir kuxigeenka. Waxaa xusid mudan in shaqada wasaardda ee dhanka maamulka iyo maaliyadda ah inay hoostagto wasiir ku xigeenka taasoo hadda lagu heysto inuu is qaldan u maareeyey; Dhaqalaha lagu eedeeyey inuu lunsaday waxaa kamid ah lacag kor u dhaafaysa 50 kun Dollar oo uu kasoo xareeyay sanadkii tagay tasdiiqinta shahaadooyinka dugsiyada sare oo ay khasab tahay inay ardayda inay warqad caddeyn ah ka soo qaataan Wasaradda Arrimaha Dobadda Sidoo kale Waxaa la xaqiijiyay in Xeer Ilaalinta ay amartay in lasoo xiro Wasiir Mukhtaar oo horey uga shaqeyn jiray qunsuliyadda Soomaaliya ee Zambia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ah ee Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka jirto xiisad kacsanaan ah. Xiisadaan ayaa timid kadib markii ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan ah ay la wareegeen xarumihii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee magaalada Jigjiga. Meelaha la la wareegay ayaa waxaa kamid ah madaxtooyada DDSI Xaruntii Baarlamaanka iyo Xaruntii Tv-gii ESTV ee ku hadla Afka Maamulka DDSI. Wali wax war ah lagama hayo xaalka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar warar aan la xaqiijina waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya uu gacanta ugu jiro. Shacabka ku dhaqan Jig Jiga ayaa si aad ah u hadal haya ciidamadaan saakay ay ku Waabariisteen. Isbadal dhinacyo badan oo la sii saadaalinayay ayaa dhacay tan iyo markii uu jagada Itoobiyo ku guuleeystay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Ahmed. Faah Faahin dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Itoobiya oo la wareegay Jigjiga appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Xaaladda magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa qasan, kadib markii ciidamada milateriga Federaalka Itoobiya ay saaka la wareegeen goobaha muhiimka ah ee magaalada. Ciidamada ayaa lagu arkay bartamaha magaalada iyadoo wata gawaarida Gaashaaman, waxayna arrintan ka dambeysay xiisad soo dhex gashay dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar oo diiday inuu tago magaalada Addis ababa oo looga yeeray. Rasaas ayaa laga maqlay magaalada, waxaana la arkayaa dadweyne ka baxsanaya isku dhacyada iyadoo ilo xogogaal ah ay sheegeen in ciidamada Liyu Polce ay difaacayaan madaxweyne Cabdi Iley oo aan la ogeyn wacaalkiisa. Warar aana xaqiijin ayaa sheegaya in xabsi guri la geliyey. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya magaalada Jigjiga, waxayna madaxda maamulka DDSI waxa ka socda magaalada Jigjiga ku tilmaameen afgembi milateri oo dowladda Federaalka Itoobiya ku dooneyso inay maamulka kula wareegto. Telefishanka Itoobiya ayaa xaqiijiyey in ciidamada Federaalka ay la wareegeen xarumaha dowladda ee Jigjiga, sida Baarlamaanka, Garoonka diyaaradaha iyo dhismayaasha xukuumadda, iyadoo laga hortegay kulan ay yeelan lahaayeen Baaramaanka DDSI. Wararka qaar ayaa sheegayo in Cabdi Iley la la’yahay isla markaasna loo maleenayo inay wateen ciidamada Militari dowladda Federaalka ee Itoobiya. Dadweynaha magaalada ayaa bilaabay bannaanbaxyo ay uga horjeedaan ciidamada qabsatay magaalada, waxaana ay gubeen taayaro, iyadoo xaaladdu kasii dareyso. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa looga wacay Xarunta Dambi Baarista ee CID. Wasiirka ayaa Saaka waraaq loogu keenay Xafiiskiisa isagoo loo sheegay inuu tago CID kadib markii lagu soo eedeeyey inuu sameeyey wax isdabamarin. Waraaqda loo geeyey Wasiirka ayaa waxaa ku qornaa inuu si qaldan u isticmaalay lacago ay laheyd Wasaaradda Arrimaha Debadda. Waxaa xusid mudan in shaqada wasaardda ee dhanka maamulka iyo maaliyadda ah inay hoostagto wasiir ku xigeenka taasoo hadda lagu heysto inuu is qaldan u maareeyey; Dhaqalaha lagu eedeeyey inuu lunsaday waxaa kamid ah lacag kor u dhaafaysa 50 kun Dollar oo uu kasoo xareeyay sanadkii tagay tasdiiqinta shahaadooyinka dugsiyada sare oo ay khasab tahay inay ardayda inay warqad caddeyn ah ka soo qaataan Wasaradda Arrimaha Dobadda Sidoo kale Waxaa la xaqiijiyay in Xeer Ilaalinta ay amartay in lasoo xiro Wasiir Mukhtaar oo horey uga shaqeyn jiray qunsuliyadda Soomaaliya ee Zambia. Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayo kiiskaan la doonayey in lagu xiro wasiirka ku xigeenka Arrimaha Debadda, Wararka Qaar ayaa sheegaya in Ciidamo Boolis iyo kuwa Militari ay saaka gudaha u galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee degmada Wadajir, iyagoo xafiiskiisa kala soo baxay Wasiir kuxigeenka, dabadeedna gaari saartay. Ciidamada ayaa la sheegay in markii ay isku dayeen inay wataan lagu celiyay albaabka xarunta, waxaana is hor-taagay Ilaalada Xarunta wasaaradda iyo shaqaalaha wasaaradda, waxaana ka dhashay qalalaaso iyo rabshado. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ilaalada Xarunta oo isugu jira Ciidamo Boolis iyo Ciidamada AMISOM ay diidan yihiin in lala baxo Wasiir kuxigeenka, inkastoo la sheegayo ciidamada doonaya inay xiraan Wasiir kuxigeenka ay wataan warqad amar maxkamadeed ah. Ismaandhaafka ka taagan xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la sheegayaa in lagu wargeliyay Saraakiisha Ciidamada sida Taliyaha Booliska Soomaaliya oo laga sugayo xarunta Wasaaradda, si xaalada u farageliyo. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u ballan qaaday inay la dagaalami doonto musuq maasuqa waxaana bil gudaheed musuq maasuq loo xiray ilaa 3 Mas’uul halka Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Debadda looga wacay CID. Wixii kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxa ka jiro inuu Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Maamulka Puntland. Kheyre oo weli ku sugan deegaanada Puntland oo uu socdaal ku marayo ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf siyaasadeed ah oo soo kala dhex galay isaga iyo Maamulka uu hoggaamiye Cabdiweli Cali Gaas. Ra’isulwasaaraha ayaa carabka ku dhuftay inay jiraan kuwa caadeystay inay raadiyaan xumaanta kaliya taasna ay keentay in laga faafiyo warar been abuur ah sida uu hadalka u dhigay. Kheyre ayaa sheegay in kuwaas beenta ka sameeey ay ku fashilmeen ujeedkii ay ka lahaayeen sida uu isaga hadalka u dhigay. “Runtii waxaa jira kuwa mar walba raadiya Xumaanta,kuwaas waxaan leeyahay waad fashilanteen,waxaan leenahay reer Puntland iyo hooyada federaalkuba waxa ay noo soo dhaweeyeen sidii aan mudneyn,hadii intii aan joognay ay jirtay cid wel weshay,waxana leeyahay qalbigaaga qaboojiso oo raali ahaaw ayuu yiri kheyre. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay jiraan dad ka murugeysan muxuu Ra’isulwasaaraha lasoo laaban doonaa Puntland wuxuuse ugu jawaabay “Puntland waxaa ka dareemay faraxad, waxaa fuushay mas’uuliyada Weyn oo ay ku dhaliyeen Shacabka reer Puntland” . Inkastoo Kheyre inkiray Khilaafkaas haddana waxaa la rumeysan yahay inuu jiro kadib markii la isku khilaafay dhagax dhigga Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug. Khilaafkaas kadib ayuu Gaas u sheegay Kheyre inuusan Garoowe ku qaban karin shirka Golaha Wasiirada inkastoo markii dambe arrintas Gaas looga guuleystay markii uu Kheyre garab weyn ka helay qaar ka tirsan Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Isimada Puntland . Hadalkaan hoose ka dhageyso hadalka Kheyre https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/Cod-Raisul-Wasaare-Kheyre.mp3 Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Ciidamada dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa la wareegay dhammaan goobaha muhiimka ah ee ku yaal Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Guud ahaan Magaalada ayaa waxaa saaka laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u badan iyo kuwa siyaasadeed. Baarlamaanka Maamulkaas ayaa Maanta halkaas ku yeelanayo kulan xasaasi ah oo la doonayo in wax looga badalo qodobo ka mid ah dastuurka Maamulkaas u dajisan. Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay is khilaafeen Madaxda Maamulkaas waxayna arrintaas sababtay in Maanta ciidamo lagu soo daadiyo . Meelaha ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa kamid ah xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta Telefishinka ESTV. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa inuu damacsan yahay inuu ku dhawaaqo madax banaani, inkastoo wararkan uu yahay mid aad isu soo tarayay. Xiisada saaka ka jirta Jigjiga ayaa timid, maalin kaddib markii magaalada Diri-dhaba uu ka dhacay shir ay isugu yimaadeen dhinacyo ka soo horjeeda Maamulka uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar Tan iyo markii uu is bedelka siyaasadeed ee dhanka awoodda uu ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa yaraaday awooddii maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar, gaar ahaan xiriirkii uu la lahaa dowladda Dhexe. Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa badalay dhammaan qaababkii siyaasadeed oo ay dowladdii hore kula macaami jirtay maamulada ka jiro deegaanadaas, waxaana muuqato in markaas culeys xoog leh lasoo saaray ismaamulka Soomaalida ee uu hoggaamiye Cabdi Iley. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah
-
Garoowe (CaasimadaOnline)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey), ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay si gaara u ugaarsan doonto Saraakiisha hogaamisa ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool. Cameey, waxa uu sheegay in Gobolka Sool uu ka dagi la’ yahay Saraakiisha Somaliland oo uu sheegay inay ka dhigteen goob loo soo dalxiistago. Waxa uu tilmaamay in fidnada ugu badan ay tahay mid kaga imaaneysa Saraakiisha,waxa uuna cadeeyay imay cuuryaamin doonaan kuwa ugu caansan ee caqabada ku ah xasiloonida Gobolka Sool. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey), waxa uu cadeeyay mar uu magaalada Garoowe shir kula qaadanaayay Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka in Puntland aysan u kala soocnaan doonin ciidamada rasaasta kusoo ridaaya ee Somaliland, Saraakiishooda iyo madaxdooda usoo dalxiistaga Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq. Waxa uu Cameey cadeeyay in dagaalka ka socda Tukaraq aanu ku ekaan doonin ciidamada Somaliland balse uu saameyn doono xitaa Saraakiisha ku sugan Sool ee kasoo jeeda Somaliland, isagoo ugu baaqay inay isaga baxaan deeganka, ka hor inta aysan la kulmin dhibaato. Sidoo kale, waxa uu Cameey Saraakiisha u sheegay in laga doonaayo inay ka mirro dhaliyaan dagaalka ciidamada Somaliland looga saarayo deegank Tukaraq. Haddalka Cameey, ayaa u muuqda mid lagu guubaabinaayo ciidamada Puntland ee iminka ku sugan jiida dagaalka iyo Saraakiisha hogaamisa. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
It starts like this. A Somali “entrepreneur,” often a former pirate who rose in the ranks of his “profession,” decides to attack a ship in the Indian Ocean in the hope that he can get a king’s ransom from the owners, or from the companies that insure the massive vessels, which carry 90 per cent of the world’s shipping. The entrepreneur either uses his own money or gets it from investors. With this money he hires local crews of pirates who are willing to man the small powerboats used to board the larger ships. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo garaya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu amar ku bixiyay in xabsi la dhigo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta maamulka. Xogtu waxa ay sheegeysaa in amarkaasi lasiiyay Wasiirka Amniga maamulka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo la faray inuu xiro gaar ahaan kuwa dhaliisha ka qaba soo laabashada Hogaamiye Shariif Xasan. Shariif Xasan ayaa Wasiir Xasan Eelaay awood usiiyay inuu xabsi dhigo cid waliba oo ka hor imaada ololihiisa ama qorshaha uu ku doonaayo in mar kale uu ku hanto maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale, Shariif Xasan, Wasiir Eelaay faray inuu il gaara ku hayo Musharaxiinta la tartameysa iyo Xildhibaano dhowra oo garab u ah musharaxiinta isla markaana ka shaqeynaaya inaanu soo laaban Shariif. Hogaamiye Shariif Xasan ayaa aad uga walaacsan miraha kasoo bixi kara shirar looga soo horjeedo oo ka socda magaalada Muqdisho. Dowlad Somalia qudheeda ayuu Shariif Xasan ka qabaa xasaasi ku aadan inay ka shaqeyso sida ay ku laali laheyd, iyadoo dooneysa in kursigaasi ay geesato mas’uul kale. Si kastaba ha ahaatee, Shariif Xasan ayaa xooga saaraya sida uu kusoo laaban lahaa, waxaana la sheegayaa inuu jiro khilaaf kala dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida ay warbaahinta PUNTLAND POST ay u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo waxaa gabi ahaanba doorashada la filaayo inay dhawaan ka dhacdo magaaladda Garowe laguna dooranaayo Mayorka cusub ee caasimada Puntland isaga haray Axmed-deeq Ayax oo ah duqa ku-meel gaarka ee Garowe. Duqa kumeel gaarka ee Garowe oo kulan gaara la yeeshay qaar kamida taageerayaashiisa ayaa u sheegay inuu ka tanaasulay tartanka duqa caasimada, sidoo kale wuxuu beesha iska leh xubinta gollaha degaanka ee uu ku tartami lahaa u gudbiyey inay xor u yihiin cidii ay siin lahaayeen xubintooda. Lama oga waxa sababay inuu Axmed-deeq Ayax isaga haro tartanka doorashada xili dhawaan Garowe laga hadal hayey inuu wado olole doorasho oo uu ku doonaayo inuu ku noqdo Mayor rasmi ah maadama uu iminka yahay ku-meel gaar. Madaxweynaha Puntland ayaa Axmed-deeq u magacaabay bishii April ee sanadkan inuu noqdo duqa ku-meel gaarka ee caasimadda kadib markii uu tigreeto ku kala diray gollihii degaanka ee degmada Garowe. Dhanka kale waxaa Garowe si aada uga socda xulista gollaha degaanka oo la rajaynaayo inay dhawaan soo dhamaystirmaan kadibna ay doortaan Mayorka cusub. PUNTLAND POST The post Mayorka ku-meel gaarka ee Garowe oo isaga haray tartanka doorashada duqa caasimada appeared first on Puntland Post.