Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,267
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tel Aviv (Caasimada Online) – Jaraa’idka ka soo baxa Israel ee lagu magacaabo Haaretz ayaa daaha ka rogay sida ay Israel u noqotay wadamada ugu horreeya ee IIB GEEYA qalabka lagu basaaso bulshada rayidka ah. Qalabkaas waxaa adeegsada si ay u helaan xogta u dhaq dhaqaaqeyaasha bini’aadamka madaxda kalitaliyeyaasha ah oo kula socda Email-lada, ku jabsada Apps-ka sidoo kalena ku duubta sheekooyinka. Sida ay uu qabo Wargeyska, muddo sanado guduhood ah, hay’adda mukhaabaraadka Israel waxa ay noqotay midda ugu horreeysa ee sameysa qalabka sirdoonka iyo isgaarsiinta ee aduunka. “Maanta, warbixinta waxa ay intaas ku dartay, “Hay’ad walba ee dowli ah taas oo iyada isu daneysa oo aan qadarin u hayn sirta muwaadiniinta, waxa ay ku qalabeysan yihiin qalab mukhaabaraad oo ay sameeysay Herzliya Pituah.” Haaretz waxa ay sidoo kale xustay in Wasaaradda Difaaca ee Israel in ay diiday soo bandhigidda liiska wadamada laga mamnuucay in loo dhoofiyo agabyada Militari ama tubaha iyo heerka ka horimaanaya go’aanadeeda” – xataa gudiyada baarlamaanka Israel (Knesset) ee Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ma oga doorka ay Wasaaradda Difaaca ee Israel ku leedahay DHOOFINTA agabyada Militari. Hal kiis oo 2016kii la horgeeyey maxkamadda, Madaxweynaha Maxkamadda Sare Justice Esther Hayut waxa uu u qiil yeelay dalabkii dowladda ee SIraha, waxa uuna yiri: “Dhaqaaleheena, sida dhacda, in yar xataa uguma tiirsana qalabka Militari iyo Mukhaabaraad ee aan dhoofinno.” Baaritaanka waxa uu muujiyey in hay’adda Israel aysan ka caga jiidin ka iiinya Wadammo badan qalab ciidan kuwaas oo aan lahayn dhaqan Dimuqraadiyadeed, xataa iyaga oo aan xaqiijin in loo isticmaalayo ku xagdugubka xuquuqda bulshada rayidka ah. Baaritaanka sidoo kale waxaa lagu ogaaday in hay’adaha Israel ay wali wadaan iibinta qalabka mukhaabaraadka iyada oo waliba si shaaric ah banaanka loo soo dhigay in loo adeegsaday ujeedooyin gurracan. Hay’adaha gaarka loo leeyahay ee Israel, waxaa lagu soo ogaaday baaritaanka, in ay qalabka mukhaabaraadka iyo Soft Ware-ro ka iibiyeen wadamada Bahrain, Indonesia, Angola, Mozambique, the Dominican Republic, Azerbaijan, Swaziland, Botswana, Bangladesh, El Salvador, Panama iyo Nicaragua. Intaas waxaa dheer, baaritaanka waxa ay caddeeyen bilowgii warbixinta in sidoo kale hore sidaas oo kale looga iibiyey Wadamada to Malaysia, Vietnam, Mexico, Uzbekistan, Kazakhstan, Ethiopia, South Sudan, Honduras, Trinidad and Tobago, Peru, Colombia, Uganda, Nigeria, Ecuador iyo United Arab Emirates. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  2. WASHINGTON — Saudi Arabia says it made "a huge and grave mistake" in the killing of Jamal Khashoggi inside its Istanbul consulate and vowed those responsible for it would be held accountable. Source: Hiiraan Online
  3. Akhristayaasheenna ku xiran mareegta Goobjoog News waxaan u soo gudbinaynaa dood aynu kaga hadalnay arrimaha taagan ee dalka. Doodda oo aynu ku jeexjeexnay khilaafka siyaasadeed ee Dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland ka dhaxeeya iyo shirkii maanta afarta dowladood uga furmay magaalada Garoowe. Waxaa naga la qeyb galaya doodda Danjire Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim) oo ka faallooda waxna ka qora arrimaha Soomaaliya iyo Proff: Cali Saciid Maxamuud Kulane(Foodare) oo ah fallanqeeye arrimaha geeska Afrika iyo carabta. Hoos Ka Dhageyso Doodda: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Doodda-21-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay maanta magaalada Garoowe oo uu ka furmay shirka gollaha iskaashiga. Madaxweyne Xaaf wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka uu u baahan yahay badbaado, isagoo baarlamaanka u diray codsi ah in ay dowlad u soo dhisaan dalka. Waxaa uu soo jeediyay in dowlad goboleedyadu sameeystaan ciidamo gaar ah, isagoo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan. Waxa uu Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Ducaalle soo hadal qaaday khilaafka hareeyay gudaha maamulkiisa, wuxuuna faraglinta uga digay madaxtooyada Soomaaliya. “Haddii Galmudug gubato, wallaahay baan Xamar nabad ahaanayn” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/CODKA-XAAF-21-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha dowladda Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo ka hadlayay maanta shirkii dowlad goboleedyada uga furmay magaalada Garoowe wuxuu eedeeyay dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Shariif Xasan ayaa dowladda ku eedeeyay in faragalin ku heeyso maamulkiisa, inkastoo 17-ka bishaan ay ka dhacayso doorashada madaxtinimada magaalada Baydhabo. Arrinta amniga ayuu sidoo kale ku eedeeyay madaxda ugu sarreeya dalka. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Madaxweynaha-KG-oo-ka-digey-faragalinta-DF-Soomaaliya-ku-hayso-maamulkiisa.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeedinayay shirka gollahooda Iskaashiga ee maanta ka furmay magaalo madaxda Puntland ayaa eedeymo culus u dhiteeyay madaxda ugu sarreeysa dalka. Wuxuu sheegay in afar qodob oo kale ah arrinta amniga, doorashooyinka, wadaagista kheyraadka iyo tan dib u eegista dastuurka ay asal u yihiin khilaafyada taagan. Doorashada 2020-ka ayuu soo hadal qaaday wuxuuna shaki galiyay in doorasho cod iyo qof ah dalka ay ka qabsoonto. Heshiisyadii ay horay u wada galeen Villa Somalia ayuu sheegay in looga baxay, isagoo amniga faraha ka baxay ee Muqdisho ka hadlay. Khubadda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dheereyd ayaa soo koobeynaa: Hoos Ka Dhageyso Warbixinta: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-FARMAAJO-MW-MADOOBE-21-10-2018.mp3 Goobjoog FM Source: goobjoog.com
  7. Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa wajaheyso cadaadis xoog badan oo ku aadan qaabkii loo dilay qoraagii dalkaas u dhashay ee Jamal Khashoggi, iyadoo ay hadda soo baxayaan warar kale oo ku saabsan qaabka qoraagan loogu dilay Safaaradda Sacuudiga ee Magaalada Istanbul. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo in Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga oo diiday in magacooda la adeegsado ay sheegeen in dilkaan loo adeegsaday 15 ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga kuwaas oo 2 October kula dagaalamay Wariyahaan gudaha Safaaradda iyagoo ugu dambeyn u adeegsaday cirbad sidaasna afka looga xiray laguna dilay gudaha Safaaradda. Wararka aya faafineyso Reuters ayaa soo xigtay xogtan cusub, iyadoo xogtaha ugu muhiimsan ay ku saabsan yihiin sida loo diyaariyey kooxda Sacuudiga ah ee magaalada Istanbuul tagtay, taasoo mas’uul ka ahaa dilka Saxafiga. Warbixinta iyo xogta laga soo xigtay mas’uulkan ayaan ku soo koobnay sida soo socota: Ku-xigeenka Madaxa Sirdoonka Sacuudiga Axmed Casiiri ayaa diyaariyey koox ka kooban 15 sirdoonka iyo amniga ah oo la kulanta Saxafiga Jamal Kashoqgi, si ay ugu qanciyaan inuu ku laabto Sacuudiga. La-taliyaha Dhaxal -sugaha Sucuud Alqaxdani ayuu Casiiri ka dalbaday inuu kooxda tegeysa Istanbuul ku daro qof ay is yaqaanaan Jamal Kashoqgi, (Waxaana sida muuqata inuu yahay Maahir C/casiis Almudrib. Kooxda markii ay xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga kula kulantay Jamal Kashoqgi, inuu Maahir ugu hanjabay Saxafiga inuu sumeyn doono oo la qafaali doono, kadibna waxaan dhex maray dood keentay inuu qeyliyo Jamal, taasoo keentay inay afka ka xiraan, sidaasina uu ku dhintay. Qorshaha wuxuu ahaa in Jamal Kashoqgi in la geeyo Guri ku yaalla duleedka Istanbuul, marka uu diido inuu ku laabto Sacuudiga, lana sii daayo markii danbe, balse si khaldan xaaladu u dhacday. Nin u eg Jamal oo lagu magacaabo Mustafa Madani ayaa ku lebistay dharkii Jamal Kashoqgi, isagoo ka baxay albaabka danbe ee Qunsuliyadda si loogu maleeiyo Jamal. Qof Turki ah ayaa loo dhiibay Meydka Jamal Kashoqgi si uu uga takhaluso. Kooxda falkan fulisay waxay diyaariyeen warbixin been ah oo ah inuu Jamal Kashoqgi ka tegay xarunta Qunsuliyadda Istanbul. Kooxda waxay sheegteen inay degdeg uga tageen Turkiga markii ay fasaxeen Jamal Kashoqgi. 15-ka qof ee ka danbeeyay kiiska dilka Jamal Kashoqgi iyo saddex qof oo kale waxaa lagu xiray Sacuudiga, iyadoo uu baaritaan ku socdo. Qisada uu Sacuudiga ka diyaariyey qaabka uu u dhacay dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi ayaa ujeedkeedu yahay in lagu muujiyo in madaxda sare ee Sacuudiga aysan ka war heynin ama been loo sheegay iyadoo arrintan laga wareejinayo tuhunka saaran dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Warkan oo Sacuudigu u dusiyey wakaalada wararka ee Reuters ayaa ka hor imaanaya wararkii hore ee Turkigu shaaciyey, waxaana ka muuqda inaysan ahayn mid la rumeysan karo iyadoo ay ka muuqato inaysan suuragal ahayn in la rumeysto qaabka Sacuudiga u dhigay. Madaxda ugu sareyso dalka Sacuudiga ayaa dareemayo ciriir siyaasadeed oo kaga imaanayo dilkaan ay ka geysteen meel ka baxsan dalkooda weliba wadan awood Militari leh. Boqorka dalka Sacuudiga ayaa ka shaqeenayo sidii kiiskaan looga wareejin lahaa wiilkiisa maadaama la aaminsan yahay inuu isaga ka dambeeyo, waxaana arrintaan dusha looga tuuray Taliyaha Sirdoonka iyo ku xigeenkiisa lamana ogo haddii ay tahay siyaasad lagu sirayo Ra’yul Caamka. Wariyaha la dilay ayaa si weyn uga soo horjeeday Dowladda Sacuudiga wuxuuna ahaa nin si weyn uga war qabo qoyska hayo talada Sacuudiga, waxayna dowladda ka cabsatay inuu banaanka keeno sir badan oo uu ka ahay taasoo keentay in ugu dambeyn hilibkiisa la jarjaro. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
  8. Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, oo khudbad ka jeediyey furirtaankii shirka Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu soo hadal qaaday amniga guud ee dalka, khilaafka Galmudug iyo arrinta federaalismka dalka. DR Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee Soomaaliya, isagoo dowladda ku eedeeyay in ay waxyaabo aan macno lahayn ay ku mashquulsan tahay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/CODKA-GAAS-21-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo saartey Warmurtiyadeed kaasoo lagaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada qaar iyo khilaafka Villa Somalia kala dhaxeeya dowladaha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. Inkastoo warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda aan si cad loogu sheegin in lagaga jawaabayo warkii eedeynta ah iyo digniinta ahaa ee ka soo yeeray Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa hadda waxaa lagu yiri “Gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinkoodii”. Dhanka kale, Wasaaradda ayaa ku baaqday in doorashooyinka madaxtinimo ee dowladaha Puntland iyo Koonfur Galbeed la qabto waqtigii loo qorsheeyay. Koonfur Galbeed ayaa qorshaha uu yahay in doorashada ay ka dhacdo 17-ka bisha November ee sanadkani 2018-ka halka Puntland loo madlan yahay 08 Janaayo ee sanadka foodda inagu soo haya 2019-ka. HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Sida lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa xilkii lagaga qaaday guddoomiyihii degmada Baladweyne. Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cali Caadle ayaa xilka guddoomiyaha magaalada Baladweyne ka qaaday Maxamed Cismaan Qallaafoow, isagoo u magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim(Foodcadde). Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufuroow xilka laga xayuubiyay loona magacaabay Yuusuf Axmed Dabageed. HOOS KA AKHRISO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo ay ku waxyeeloobeen caruur aad u da’yar. Qaraxaan ayaa ahaa miino dhulka ku aasneyd oo ay gar garaaceen caruur islamarkaasina ku qaraxday. 1 Wiil ayaa geeriyooday halka 3 kalena ay miinadaasi ku dhaawacmeen mid kamid ahna uu aad u liito xaaladiisa caafimaad. Mid kamid ah dadka ku sugan degmada Xeraale oo goordhow la hadlay Puntland post ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka dhacdadaasi ay u dhacday. Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabtay falalka ceenkaan oo kale ah oo ay caruur ay ku waxyeeloobaan miinooyinka haraadiga ahaa ee dagaalada dalka ka dhacay ka haray. Hoos ka DhageeysoCodka Goobjoogaha Waxaa wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo katirsan PP. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Goob-Jooge-Xeraale-By-Cowke-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Miino oo Caruur ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Dowlada Somalia Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta kulan la qaatay ehelada iyo Xildhibaanada ku matala Golaha Shacabka dad shalay dhimasho iyo dhaawac ka gaaray howlgal Ciidamada Dowladda ay ka sameeyeen Degmada Wadajir. Waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamada oo Jid-cakaaro hawlgal burburin dhismayaal sharci daro ka waday ay weerar kala kulmeen rag hubeysan oo ka mid ah dadka degan halkaasi. Wasiirka Amniga waxa uu sheegay inaanu ka warqabin howlgalkaasi khasaaraha geystay balse taa bedelkeeda waxa uu tilmaamay inuu sameynaayo baaritaano degdeg ah. Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in aan la qaadan doonin in lagu xadgudbo dad shacab ah isla markaana aan lagu soo wargalin howlgalkaasi isaga oo mas’uul ka ah amniga. Ducaale, waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin in magaciisa lagu dhibaato dad shacab ah, waxa uuna ku dhawaaqay in dowlada Somalia ay dhacdadaasi ku sameyn doonto baaritaano degdeg ah. Nuqul kamid ahaa haddalkiisa ayaa ahaa “Cadeymo ayaan radin doonaa gaal iyo muslim waxay qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo Shabaab xitaa hadii uu yahay, marka taas balan waaye talaabo ayaan ka qaadi doonaa, aniga oo amniga masuul ka ah marnaba ma rabo in magaceyga dad lagu dhibateeyo.” Arrintaani ayaa cirka gashay kadib markii raggii dhaawaca ahaa ee la dhigay isbitaalka Madiina ay la baxeen ciidamada ammaanka, waxayna taasi qasabtay in kulan deg deg ah ay yeeshaan wasiirka amniga iyo ehelada raggii dhibaatada ay soo gaartay. Dhinaca kale, amarka lagu weeraray dadkaasi ayaa la sheegay inuu bixiyay Taliyaha booliska qeybta gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Saadaq Joon. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa si kulul uga hadlay faragalin uu sheegay in dowlada Somalia ay ku heyso maamulkiisa. Hogaamiye Xaaf oo khudbad ka jeedinayay shirkii maanta u furmay Golaha Iskashiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay faraha kala baxdo arrimaha Galmudug. Waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid dhisan,isla markaana aysan jirin Galmudug kale, waxa uuna carab ***** ineysan qasnaan doonin Galmudug oo keliya. “Haddii la qaso Galmudug ama la ololiyo howlaheeda oo nalaga daba shaqeeyo dowladu ha ogaato inaanu degnaan doonin magaalada Xamar” Xaaf, waxa uu sheegay inuu ku talinayo in shirweyne loo qabto dowladna loo dhiso Galmudug,isaga oo dowladda Federaalka ku dhaliilay inay ku fashilantay Amniga dalka. Waxa uu mar kale yiri “Dowlada naga dhaafto dhibta waxaan u xaqiijinayaa in hadii ay Galmuudg Gubato Xamar nabad ma ahaaneyso” Sidoo kale, Xaaf ayaa tilmaamay in dowlada Somalia ay sabab u tahay qaska iyo dhibta ka dhex jira madaxda Galmudug, hase yeeshee waxa uu ku baaqay in nabadda loo ogolaado Galmudug. Haddalka Xaaf, ayaa u muuqda mid hanjabaad ku ah xasiloonida magaalada Muqdisho, balse waxa uu noqonayaa mid fasiraado kala duwan laga bixinaayo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay in gogoshii uu fidiyay Madaxweyne Farmaajo ay weli sideedii tahay, isla markaana dowladda Federaalka ah ay diyaar u tahay inay dhageysato kana garawdo wixii cabashooyin ah ee jira. Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa mar kale lagu sheegay in doorashooyinka baarlamaanada iyo madaxda dowlad-goboleedyada ay ku qabsoomaan xilligii loogu tala galay, una dhacaan si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka. Sidoo kale, qoraalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay laga dalbaday in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda Khayre ay muddo saddex maalin ah uga jawaabaan baaqii ahaa inay la fariistaan maamullada dalka si loo soo af-jaro khilaafka u dhexeeya. Ugu dambeyn, qoraalka Wasaaradda oo ka kooban afar qodob oo muhiim ah ayaa waxaa ka mid ah. In Dowladda Federaalka ah iyadoo ixtirmaanaysa Dastuurka dalka u yaalla ay aamisan tahay in muran walba lagu dhameeyo wada-tashi. AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF: PUNTLAND POST The post DFS oo qoraal xasaasi ah u dirtay dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  15. Seven years since Kenyan troops entered Somalia to combat Al-Shabaab militants, Mandera Town is yet to enjoy peace. Source: Hiiraan Online
  16. Twelve people have been killed since last week by a fierce tropical storm in Yemen’s eastern Mahra province, according to a local health official. Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe (Caasimadda Online) – Sharif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo maanta ka hadlay furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in dhib laga abuuro Galmudug. Madaxweyne Sharif oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Galmudug in la dhibaateeyo sax ma aha, Galmudug sidii lagu dhisay waa la ogyahay oo is-jiid-jiidkii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay, wixii ka dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug maalintaas, wixii maalintaas ka dhaxeeyey Ahlu sunna iyo Galmudug, haddii intaas inta la dhameeyey, dhibaato kale la abuuro, waa nasiib darro, waxaan ugu baaqeynaa in arrintaas laga waantoobo”. Dhinaca kale, Mr. Sharif mar uu ka hadlyey amniga wuxuu yiri “Dhinaca amniga waa la sheegay, in badan ayaan ku celcelinay, Shabaab dhibaatooyin badan ayuu dalku ku hayaa, marka waxaa noo muuqata in dowladda dhexe aysan arrinkaas dhibaato badan ku heynin Shabaab in lala diriro, haddii Shabaab lal diriri waayana umadda Soomaaliyeed dhibaato kama baxayaan’. Shirkan oo ka socda ayaa lagu wadaa inuu ka soo bixi-doono war-murtiyeed ka adag midkii Kismaayo, iyaga oo ka war sugaya sida ay dowladda uga jabaato fariinta aqalka sare. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  18. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka hadlayey furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, oo ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in xaaladda amniga aaney dhoweyn. Madaxweyne Gaas oo arrinkan ka hadlayo wuxuu yiri “Xaaladda Soomaaliya amniga ma dhowa, waxaa ay u baahantahay fikirka hadda jira ee nabad galyada in wax laga badalo, Suurtagal maanta ma aha in la yiraahdo Soomaaliya waxaa jiro 26 kun oo ciidan ah iyo inta oo kale ama ka badan oo AMISOM ah, wax ka yar 7,000 ama 6,000 oo wiilal, oo isleenahay waa laga tiro badanyahay, waa laga taageero badanyahay, waa laga shacbiyad badanyahay, oo awood heysan ay shido ay dalka ka wadaan, oo in badan oo ka mid ah gacanta ku hayaan”. Dhanka Doorashada waxaa uu sheegay in qaabka ay noqoneyso ay su’aalo badan ka taaganyihiin, loona baahanyahay in laga heshiiyo, horayna looga socdo isaga oo intaasi raaciyey “laakin sheeko hal dhinac ka socoto oo keliya, oo dhanka ay rabto u jeedsataa, ma soconeyso”. Shirka oo todobaadkan ka soconaya Puntland, waxaa kale oo looga hadli-doonaa qeybiga kheyraadka iyo arrimo kale oo muhiim u ah federaaleynta. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ka hadlay shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka socda Garoowe ayaa ku dheeraaday arrimaha amniga isaga oo sheegay in dowladda federaalka ah aaney u socon la dagaalanka Al-shabaab, oo laga yaabo inay wada hadal kula jirto. Mudane Madoobe oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Arrimaha amniga waxaan isleeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee shir walba laga hadlo, waa laga hadlaa amniga, waa la calaacalaa, waxbaa laga sheegaa, waxna kama socdaan, xogga waxaa igu yara cusub, dowladaha Soomaalidu marka hadda dowladdii Cabdillahi Yusuf qolada muqaawamada Djibouti loo xuubsiibanayey, hoosbaa wax laga guri jiray, malaha dowladdu waxbaa hoos laga guraayoo, qolada Shabaabku heshiisbaa ka soo socdoo, dagaalkaa la diidanyahay baan is leeyahay, armaan xilli kala guur ah ku jiraa oo innaga degdegeynaa ayaan is leeyahay….ma jiraa in lala dagaalamo waa maya, taasi waxaa ay keentay jidkii Maka Al-mukarama oo awal isaga la mari jiray in isaga meel walbo laga xiray isaga laftiisa lagu socon waayo, Mudane Axmed oo ka hadlayey doorashooyinka waxuu yiri “Arrinta doorashooyinka guddi malaha, dowldda dhexe keligeedna ma laha, waxaan ku heshiina ma jirto, waxaan ku heshiinay mabaa’iid, laakin wax la yiraa hal deegaan doorasho waxbo kama jiraan, ma aha wax ay cidi yeeri karto…ma gaari karaan, cid gooni kuma qanci karto Soomaaliya doorasho noocaas iyo noocaas ayaa dhaceyso, oo aan inta naga waxba ka ogeyn, Soomaaliya kama dhici kareyso, horay ugama soo dhicin, maantana kama dhacesyo, talada wadanka waa naga dhaxeysaa, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxaa uu ka hadlay sida ay hoggaan cusub ku dooran karaan “Waxaa ay ila tahay mas’uuliyadda la saaray waa garaneynaa, dowladdana waa ku boorineynaa inay dib u soo noqoto, ay timaado miiska wada tashiga, CIC dhismaheeduna waa shey muqadas ah, meel looga wareeganayo ma leh waa dastuuri, haddii ay intaa ka sii tagtana, wax ka weyn oo kale ayaa sii dooraneyaa may be inaan hoggaan sameysanno ayaa laga yabaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (Caasimada Online)—The President of Galmudug state of Somalia has asked to recruit especial regional states’ soldiers in their territories, amid rising attacks by Al-Shabaab in the horn of Africa war-torn nation. The President Ahmed Du’alle Gelle urged regional leaders to facilitate the recruitment program in Somali semi-autonomous regions. Sunday’s announcement was made after fourth forum of the council of Inter-State Cooperation [CIC] kicked off in Garowe, capital of Puntalnd. He said the new soldiers would fight against Al Qaeda linked Al Shabaab group battling the weak-western backed government of Somalia. It is unclear whether the Federal member States agreed latest request by Somalia’s Galmudug President. Mr. Gelle Meanwhile, he The Mr. Gelle accused the central government of creating political tension in Galmudug State, saying that the Federal government had failed to manage security of Somalia. Last month, Somalia’s state leaders accused central government of interfering regional issues and cut all working relationships with the Federal government, amid on-going political rifts. The country’s regional leaders also chose to boycott a National Security Council meeting scheduled for Sept. 17 and 18 in Somali capital Mogadishu. There was no immediate comment from the Federal government over the latest allegation. The accusation comes after fourth forum of the council of Inter-State Cooperation [CIC] in kicked off on Sunday in Garowe, capital of Puntalnd. The remarks come as Somali military announced to launch major joint military offensive against Al Qaeda linked Al Shabaab in south and central Somalia. The country has struggled with civil war for decades, and AMISOM has been active there since 2007. However, UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  21. Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayey shirka 4aad ee golaha dowlad goboleedyada uga socda Garoowe ayaa ku dheeraaday sida ay dowladda dhexe u hurineyso dhibaatada Galmudug, gaar ahaan waxa ka socda Cadaado. Madaxweyne Xaaf waxaa uu sidoo kale ku baaqay in dowlad goboleedyada ay sameystaan ciidamo u gaar ah, oo ay ka maarmaan ciidamada xoogga dalka, isaga oo arrintaasi ka hadlayo wuxuu yiri ” Waxaan aad iyo aad u soo dhoweynayaa, oo aan jeclaan lahaa in golaha iskaashigu uu sameysto ciidamo u gaar ah, oo innaga iyo Puntlad waan isku dhownahaye aan bilowno, Jubbaland iyo South west bilaabaan si aan uga maaranno ciidamada aan la gareyn meesha ay joogaan ee SNA la yiraaho”. Shirka oo todobaadkan ka soconaya Puntland, waxaa kale oo looga hadli-doonaa qeybiga kheyraadka iyo arrimo kale oo muhiim u ah federaaleynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arirmaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa qodobo xasaasi ah kasoo saartay Khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada. Wasaaradda ayaa caddeysay in kulankii uu Madaxweynaha ku baaqay inay isugu imaadaan Dowladda iyo Maamulada uu weli sidiisa yahay isla markaasna ay dowladda Diyaar u tahay xallinta Khilaafka taagan. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku baaqday in sida Dastuurka uu qabo Khilaafkaan ay xal ka gaaraan Dowladda iyo Maamul Goboleedyada isla markaasna aan lo baahneyn Dowlado Shisheeyey. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada kasoo baxay Wasaaradda
  23. Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka hadlayey furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, oo ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in xaaladda amniga aaney dhoweyn. Madaxweyne Gaas oo arrinkan ka hadlayo wuxuu yiri “Xaaladda Soomaaliya amniga ma dhowa, waxaa ay u baahantahay fikirka hadda jira ee nabad galyada in wax laga badalo, Suurtagal maanta ma aha in la yiraahdo Soomaaliya waxaa jiro 26 kun oo ciidan ah iyo inta oo kale ama ka badan oo AMISOM ah, wax ka yar 7,000 ama 6,000 oo wiilal, oo isleenahay waa laga tiro badanyahay, waa laga taageero badanyahay, waa laga shacbiyad badanyahay, oo awood heysan ay shido ay dalka ka wadaan, oo in badan oo ka mid ah gacanta ku hayaan”. Dhanka Doorashada waxaa uu sheegay in qaabka ay noqoneyso ay su’aalo badan ka taaganyihiin, loona baahanyahay in laga heshiiyo, horayna looga socdo isaga oo intaasi raaciyey “laakin sheeko hal dhinac ka socoto oo keliya, oo dhanka ay rabto u jeedsataa, ma soconeyso”. Shirka oo todobaadkan ka soconaya Puntland, waxaa kale oo looga hadli-doonaa qeybiga kheyraadka iyo arrimo kale oo muhiim u ah federaaleynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Sharif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo maanta ka hadlay furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in dhib laga abuuro Galmudug. Madaxweyne Sharif oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Galmudug in la dhibaateeyo sax ma aha, Galmudug sidii lagu dhisay waa la ogyahay oo is-jiid-jiidkii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay, wixii ka dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug maalintaas, wixii maalintaas ka dhaxeeyey Ahlu sunna iyo Galmudug, haddii intaas inta la dhameeyey, dhibaato kale la abuuro, waa nasiib darro, waxaan ugu baaqeynaa in arrintaas laga waantoobo”. Dhinaca kale, Mr. Sharif mar uu ka hadlyey amniga wuxuu yiri “Dhinaca amniga waa la sheegay, in badan ayaan ku celcelinay, Shabaab dhibaatooyin badan ayuu dalku ku hayaa, marka waxaa noo muuqata in dowladda dhexe aysan arrinkaas dhibaato badan ku heynin Shabaab in lala diriro, haddii Shabaab lal diriri waayana umadda Soomaaliyeed dhibaato kama baxayaan’. Shirkan oo ka socda ayaa lagu wadaa inuu ka soo bixi-doono war-murtiyeed ka adag midkii Kismaayo, iyaga oo ka war sugaya sida ay dowladda uga jabaato fariinta aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Waxa ay dadku isweydiinayaan sababta ay maamul goboleedyadu u gadoodsan yihiin isla markaana xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya. Si dadka Soomaaliyeed u fahmaan xaqiiqada ka danbaysa diidmada Dowlad Goboleedyada ee Dowladda Federaalka, waxaa lagama maarmaan ah inay ogaadaan arrimaha soo socda: 1) Dowlad Goboleedyadu waxay jecel yihiin inay u dhaqmaan sidii dowlad madaxbannaan! Dowlad Goboleedyadu waxay had iyo goor jecel yihiin inay u dhaqmaan sidii dowlad madaxbannaan oo si toos ah ula tacaamusha caalamka intiisa kale. Waxay baalmaraan oo ay ku tuntaan qodobbo dastuuri ah oo dhigaya in dowladda dhexe ay leedahay masuuliyadda xiriirka arrimaha dibedda. Dowladda Federaalku, iyada oo ka duulaysa qodobbadaas dastuuriga ah, isla markaana dhawraysa sharafta iyo madaxbannaanida Soomaaliya ayay ka shaqaysay sidii dowladaha caalamka loogu qancin lahaa inay joojiyaan la tacaamulka tooska ah ee maamul goboleedyada, taas beddelkeedana ay arrimaha Soomaaliya uga danbeeyaan dowladda dhexe. Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ha dowladaha sida tooska ah ula xiriiri jirey maamullada dalka, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintan kala hadlay RW cusub ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ka dib booqashadii uu ku yimi magaalada Muqdisho. Arrintaas ayaa walaac iyo walbahaar ku abuurtay madaxda maamul goboleedyada, oo sidii uu Mudane Xaaf, Madaxweynaha Galmudug, hore u qirtay “U qadhaabsi tegi jirey” dalka dibeddiisa. 2) Maamul goboleedyadu waxay u barteen hannaan maaliyadeed oo fowdo ah! Maamul goboleedyadu waxay u barteen hannaan maaliyadeed oo fowdo ah inay kula tacaamulaan hay’adaha gargaarka bixiya iyo dowladaha lacagta ugu deeqa Soomaaliya. Dowladda Federaalka oo ka duulaysa midaynta hannaanka maaliyadeed ee waddanka ayaa fartay dhammaan hay’adaha iyo dowladaha deeqaha bixiya inay si toos ah ula xiriiraan dowladda dhexe, deeqahana ku soo hagaajiyaan. Dowladda ayaa dabadeed dajisay hannaan uu maamul goboleed kasta ku helayo saamiga uu ku leeyahay deeqaha uu waddanku helo. Arrintann ayaa ka caraysiisay madaxda maamul goboleedyada oo aan jeclayn in Soomaaliya ay yeelato dowlad dhexe oo ka soo baxda masuuliyadaha dastuuriga ah ee u yaalla. Taas beddelkeeda, madaxda maamul goboleedyadu waxay doorbidaan dowlad dhexe oo oo tamar daran isla kolkaasna aan awood u lahayn inay si buuxda u maamusho idil ahaan dalka. 3) Maamul goboleedyadu ma jecla isla xisaabtanka! Maamul goboleedyadu waxay la qabsadeen nidaam isla xisaabtan la’aan ah oo ay siday doonaan u maamulayaan deegaanka hoos yimaadda iyo sidoo kale deeqaha ka soo gaara dalka dibeddiisa. Dowladda dhexe, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ayaa bilawday qorshe lagu dabagelayo deeqaha iyo lacagta la siiyo maamul goboleed kasta, waxayna madaxda maamul goboleedyada ka dalbatay inay xisaab celin u soo gudbayaan Wasaaradda, si loo ogaado lacagtii la siiyey meesha ay ku baxday. Madaxda maamul goboleedyada ayaa dabadeed sida fiinta uga qayliyey tallaabadan, maaddaama oo ay lacagaha la siiyo u maamulaan qaab aan sharciga waafaqsanayn oo uu ku dheehan yahay musuqmaasuq iyo isdabamarin! 4) Madaxda maamul goboleedyadu waxay doonayaan muddo kororsi! Waxa xusid mudan in badi madaxda maamul goboleedyada hadda gadoodsan sida Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ku jiraan muddooyinkii ugu danbeeyey ee muddo-xileedkooda, isla markaana looga baahan yahay inay dhawaan doorasho cusub galaan. Madaxda maamul goboleedyadani waxay xaqiiqsan yihiin in shacabka deegaamadoodu ay ka daaleen musuqmaasuqooda iyo maamul xumidooda, isla markaana ay adag tahay inay dib ugu soo laabtaan xukunka. Sidaasi awgeed, qaabka ugu sahlan ee ay kursiga ku sii haysan karaan waa inay muddo korodhsi sameeyaan. Si haddaba tani aanay u suurtagelin, waxay talo ku jaangooyeen inay dowladda dhexe la diriraan maaddaama oo aanay raalli ka ahayn damacoogan sharciga baalmarsan. La dagaalanka ay dowladda dhexe ku bilaabeen iyo xiriirka ay u jareen waxay qayb ka tahay fulinta ajendahoodan qarriban. 5) Maamul goboleedyadu waxay khalad fahmeen nidaamka Federaalka! Badanka waxaan maqalnaa madaxda maamul goboleedyada oo ku doodaya in dowladda dhexe ay ka soo horjeeddo nidaamka Federaalka, balse taas beddelkeeda, xaqiiqadu waxay tahay in maamul goboleedyadu ka dagaalamayaan in la helo dowlad dhexe oo guud ahaan dalka taladiisa looga danbeeyo. Sidoo kale, waxa xaqiiqo ah in maamul goboleedyadu khalad fahmeen nidaamka Federaalka ee uu waddanku qaatay, oo waxayba aaminsan yihiin inay u dhaqmi karaan sidii dowlad madaxbannaan oo aan hoos iman talada dowladda dhexe. Tusaale ahaan, dagaalka maamul goboleedyada ee ka dhanka ah dowladda dhexe waxa uu soo bilawday markii dowladda dhexe ay ka soo horjeesatey heshiis shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World ay la gashay maamullada Somaliland iyo Puntland. Dowladda dhexe waxay shirkaddan ku eedaysay inay baalmartay shuruucda waddanka u taalla, isla markaana aanay soo marin dowladda dhexe oo ay masuuliyaddeeda tahay gelidda heshiisyada noocan ah. Cabduwali Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dabadeed bilaabay inuu dowladda dhexe mucaarado, wuxuuna markiiba u safray dalka Imaaraadka, ulana kulmay madaxda dalkaas iyo kuwa shirkadda labadaba. Sidaasi awgeed, maamul goboleedyadu ma doonayaan in dowladdu xoogaysato oo ay si buuxda u jaangoyso talada dalka! W/D: Cabaas Cali Xasan Filimside@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid