Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka maamulka Puntland ayaa joojiyay shir xalay ka dhici lahaa Hotelka New Rays Two oo ku yaalla magalada Garowe ee caasimadda maamulkaasi. Warqada casuumadda shirkan ayaa waxaa lagu soo qoray mawduuca looga hadli lahaa kulankan, oo ah damaca Imaaraadka iyo kala daadsanaanta Soomaaliya. Ciidanka ammaanka Puntland ayaa tagay goobta, waxayna guddiga qaban qaabada ku amreen inuusan jirin wax kulan ah, waxayna ciidanka qaateen warqadihii ajendaha iyo casuumaadda, iyada oo aysan jirin cid loo soo xiray. Ujeedka shirkan loo joojiyay ayaa waxaa lagu sheegay inuusan maamulka ka warqabin kulankan iyo waxa looga hadli lahaa, hada kahorna uu maamulka sheegay in ay muhiim tahay ka warqabista kulamada ka dhacaya gudaha magaalada. Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabisay dhalinyaro reer Puntland ah, waxaana maamulka uu u arkay in looga soo horjeedo taageeradii Madaxweyne C/wali Gaas uu siiyay Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha maamulka Puntland oo maalmo kahor ka soo laabtay magaalada Abu Dubai ayaa waxa uu sheegay ka maamul ahaan in ay taageersan yihiin Imaaraadka oo aysan jirin cid ay ku doorsadaan, waxaana tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay soo ifbaxayay inuusan wanaagsaneyn xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland.
  2. Malaysian Prime Minister Mahathir Mohamad held a meeting of top alliance partners on Friday as he got down to the business of forming a government that, for the first time in the country’s history, will not be from the Barisan Nasional coalition. Mahathir, 92, was sworn into office by Malaysia’s constitutional monarch late on Thursday, becoming the world’s oldest elected leader. He called a meeting of senior members from all four parties in his Pakatan Harapan (Alliance of Hope) to gather views on formation of the Cabinet and will later address a news conference, alliance sources said. Mahathir’s alliance defeated Barisan in a stunning election upset on Wednesday, ousting the coalition that has ruled the nation for six decades since independence from Britain. Mahathir used his first news conference after being sworn in to reassure the financial community and said he would prioritise stabilising the economy and return billions of dollars lost in a graft scandal at state fund 1Malaysia Development Berhad (1MDB). The scandal became a major factor in the election and in the ouster of Najib Razak, Mahathir’s predecessor and former protege. Malaysian markets were closed and will reopen on Monday, but overseas investors were nervous about Najib’s ouster after a decade in office. Malaysia’s 5-year credit default swaps MYGV5YUSAC=R, the cost to insure against a Malaysia debt default in the next five years, climbed to an 11-month peak in late U.S. trading on Thursday. But calm returned to offshore trading of the ringgit currency, which lost four percent on Thursday. Mahathir, dubbed the “Father of Modern Malaysia” during his previous 22 years in power until 2003, told reporters at the news conference he would try to make the ringgit as steady as possible but did not announce any policy moves. He was known for his strongarm, sometimes pugnacious style of rule, marked by an intolerance for dissent, from 1981 to 2003, but also for transforming his Southeast Asian country from a sleepy backwater into a modern industrialised nation. Source: – Reuters
  3. Armed attackers struck a mosque outside the South African city of Durban on Thursday, stabbing to death an imam and injuring two others in a country known for its peaceful religious relations. Three men entered the large mosque after midday prayers, carrying guns and attacking the victims with knives and then releasing a petrol bomb that set fire to the building. Police said the attackers remained at large after escaping in a Hyundai car from the Imam Hussain mosque in Verulam town, on the outskirts of the eastern port city. “The motive of the attack is unknown at this stage. Verulam police are investigating three counts of attempted murder and arson,” police spokeswoman Nqobile Gwala said in a statement. The incident appeared to be unprecedented in South Africa, where about 1.5 percent of the country’s 55 million population is Muslim. Paul Herbst, spokesman for the private IPSS medical rescue service, told AFP that the imam had his throat slit and passed away a few hours after the attack. “There were three people in the mosque — a caretaker, a worshipper and the imam and they were held up by three armed men,” Herbst said. “The (imam) was tied up and thrown to his knees and his throat was slit. The other two men were also stabbed — one was stabbed in the abdomen and the other in the groin of his left leg. “Before the assailants left the mosque, a petrol bomb was thrown into the mosque and it was set alight.” The imam was treated by paramedics on the scene and transferred to hospital where he was pronounced dead. – ‘Sudden attack’ – Prem Balram, spokesman for the Reaction Unit South Africa security company, said he had arrived at the mosque to find two victims covered in blood lying in the forecourt of the mosque. He said a third victim had been attacked inside the building and had jumped out of a window when it was set alight. “Eyewitnesses said three attackers with guns had used knives. One knife was left behind,” Balram told AFP. “There have been theft and robbery incidents at mosques before, but not like this, when nothing appears to have been taken.” The Muslim holy month of Ramadan is due to start next week. “It is the first time anything like this has happened in South Africa, let alone in KwaZulu-Natal province,” Faizel Suliman, chairman of the SA Muslim Network, told AFP. “It was a sudden attack and at this point we don’t have enough information. Speculation about the motive is quite dangerous at this point.” The South African parliament’s police committee condemned the attack. “A mosque is a religious institution, and South Africa’s constitution guarantees and protects the right to religious practices,” its chairman Francois Beukman said. “This kind of attack on three innocent people is totally unjustified. We want our communities to live in harmony, practising their religions without fear.” Source: AFP
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa soo saaray amar ciidan oo si gaara ugu socda ciidanka Millitariga ee kudhaqan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda. Taliye Gorod, ayaa ciidamada Militeriga ku amray in ay ku sugnaadan xeryahooda, wuxuuna ka dalbaday in aysan arbushaad ku sameyn howlaha xasilinta caasimada, lana shaqeeyan ciidanka ammaanka. Taliyaha Ciidamada xoogga ayaa sheegay in Ciidamada sugaya amniga mooyee in ciidamo kale aan magaalada lagu arki karin waxa uuna ugu baaqay in qof walba oo askari ah uu ku ekaado halka uu ku Shaqeeyo. Waxa uu Taliyaha ciidamada Xoogga tilmaamay in askarigii lagu arkaa Muqdisho, isaga oo hub ku dhexwata ay ula dagaalami doonaan sida qof lid ku ah amniga, maadaama uu jabiyay awaamiirta la faray ciidamada Militeriga. Sidoo kale, Taliyaha ayaa Saraakiisha Militeriga faray inay ku amar galaan awaamirtiisa ku aadan xakameynta ciidamada Xoogga, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Saraakiisha wax laga weydiin doono Askarigii ay waxyeelo kusoo gaarto magaalada Muqdisho xili uu jabiyay amarka. Docda kale, Amarka kasoo baxay Taliyaha ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay dowlada Federaalka ah ee Somalia wado qorsho lagu sugaayo amniga guud ee magaalada Muqdisho Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale digniin u kala diray mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee Hubka kala duwan isticmaala iyo ciidamada amaanka. Wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), ayaa waxaa shirkiisa Jaraa’id ku barbar taagnaa Taliyeyaasha ciidanka xoogga, Nabad sugidda iyo Booliska, waxa uuna amar ku bixiyay inaanu magaalada Muqdisho lagu arki Karin gaari ay saaran yihiin afar qori kabadan. Wasiirka amniga ayaa sheegay in habacsanaan ay ku timid go’aano ay horey u soo saareen Golaha Wasiirada oo la xiriiray in mas’uuliyiinta dowladda ay magaalada dhexdeeda ku wadan karin wax ka badan afar qori. Bishii May Sanadkii tegay ee 2017 ayaa ammarkaan waxaa horay looga soo saaray shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Soomaaliya, waxaana Wasiir Islow uu markale sheegay in Magalada Muqdisho aan lagu arki Karin dad wata hub farabadan oo uu ku jiro Gaadiidka qoraha ku rakkiban yihiin ee Cabdi bilaah loo yaqaano. Waxa uu sheegay in qof walba oo masuul ah lag doonayo in uu istaaf ahaan u wato ilaa 4 Askari oo qoryaha fudfudud ah sida AK47,isla markaana aan loo ogolaan doonin in ay ka badsadaan,sidoo kale qoraga loo yaqaano Dabajeexa aysan qaadan akrin. Ducaalle, waxa uu mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada uga digay inay magaalada ku dhexqaatan wixii kabadan afar qori, waxa uuna sidoo kale digniin u diray ciidamada Hubeysan ee magaalada dhex socda iyagoo lugeynaaya. Gaadiidka ciidamada ayuu sidoo kale ka digay in si maalayacni ah loogu dhexwado gudaha magaalada Muqdisho, waxa uuna arrintaasi dardar galinteeda ugu baaqay Taliyayaasha ciidamada. Sidoo kale, shacabka magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada amaanka, maadaama iminka ay nagu soo fool leedahay bisha ramadaan. Haddalka Wasiirka amniga Soomaaliya Ducaalle ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu dalbaday in wax laga bedelo amni darada ka jirta Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa Xalay kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Kheyrre, ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo Boolis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay uga qayb qaadan lahaayeen adkaynta amniga Caasiamadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan. Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa xarunta Booliska waxay ku qabteen shir Jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyagoo Ciidanka ammaanka faray in ay Gacan Bir ah ku qabtaan nabad gelyada guud ee Gobolka Banaadir ayna u naxariistaan Dadka Shacabka ah. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ciidanka Millitariga ku amray in ay ku sugnaadaan xeryahooda, wuxuuna ka dalbaday in aysan arbushaad ku sameyn howlaha xasilinta, lana shaqeeyaan ciidanka ammaanka. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Kheyrre, ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb qaadanaya sugidda amniga Caasimadda Dalka, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.
  7. Between the rape she suffered during a traumatic return to Somalia, the constant hunger, and the uncertainty of her future in Kenya’s Dadaab camp, Fartun has almost forgotten what hope feels like. Source: Hiiraan Online
  8. Malaysian Prime Minister Mahathir Mohamad held a meeting of top alliance partners on Friday as he got down to the business of forming a government that, for the first time in the country’s history, will not be from the Barisan Nasional coalition. Source: Hiiraan Online
  9. Armed attackers struck a mosque outside the South African city of Durban on Thursday, stabbing to death an imam and injuring two others in a country known for its peaceful religious relations. Source: Hiiraan Online
  10. Kenya will offer technical support to Djibouti in the exploration of renewable energy mainly geothermal in the coming years. Source: Hiiraan Online
  11. London (Caasimada Online)– Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa safar qarsoodi ah oo aan laga war qabin ku yimid magaalada London ee caasimada UK, halkaasi oo uu ku sugnaa mudo labo cisho kaliya. Safarka Sharif Xasan oo ahaa mid qarsoodi ah oo aan laga war qabin ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, iyadoo mudadii labada cisho ee uu ku sugnaa kula kulmay saraakiil caddaan ah oo ka tirsan laamaha dowladda UK. Lama oga ujeedada socdaalka iyo waxa ay ka wada hadleen saraakiishaasi, hase ahaatee warar hoose ayaa waxay sheegayaan in socdaalka Shariifka uu la xiriiro howlo horumarineed oo dowladda UK uu ka doonayay iyo ballan qaadyo u dhaxeeyay labada dhinac. Dhanka kale, waxaa uu Shariif Xasan kula kulmay magaalada London madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Sharif Sheekh Axmed, iyadoo kulamadooda la ogeyn inuu ahaa mid xiriir la ah socdaalka Sharif Xasan uu ku yimid London. Hase ahaatee Sheekh Shariif ayaa Jaamacadda Oxford waxbarasho ugu socotaa. Dhanka kale, socdaalka Shariifka ayaa kusoo beegantay xili magaalada Baydhabo ay gaareen saraakiil ka socota dowladda Ingiriiska, kuwaasi oo tababari doona ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
  12. Hargeysa (Caasimadda Online) –Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo toddobaadkii u dambeeyay socdaaladiisa dibadda ee u horeeyay ku tagay wadamada Djibouti, Sudan iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay dekeddo ay dawladdiisu doonayso inay saamiyo ku yeelato kuna munaafacaadaan malaayiinka dadkiisa. Itoobiya waxay hore hore 19% ugu yeelaty maalgashiga dekedda Berbera. Sidoo kale dekedaha Djibouti ayuu iyagana Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka codsaday madaxweynaha Djibouti in Itoobiya saami ku yeelato, taas oo ay Djiboutina aqbashay. Sidoo kale dalka Suudaan oo uu booqday ayuu kula soo heshiiyay in dalkiisu saami ku yeesho dekeddaha Suudaan. Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa aqbalay codsiga ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Toddobaadkana Abiy Ahmed wuxuu booqasho ku tagay dalka Kenya waxaanay madaxweynaha Kenya Mr. Uhurru Kenyata isla garteen in la casriyeeyo oo la horumariyo dekedda Lamu ee Kenya. Somaliland saamayn ma ku yeelanayaan dekedahan cusubi? Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa u muuqda inuu ka faa’iidaysanayo tirada dadkiisa iyo dhaqaalaha wadankiisa ee xawaaraha ku koraya oo ay dalalka gobalku ku hirdamayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen suuqaas. Waxay Itoobiya u muuqataa inay qorshe labaad ku kordhisay saamigii ay ku yeelatay dekedda Berbera, qorshahaas oo ah inay saamiyo kale ku yeelato dekedaha kale ee gobalka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo la weydiiyay aragtida xukuumadda Somaliland ee ku saabsan saamiga ay Itoobiya ka heshay dekedaha Djibouti, wuxuunu si kooban u yiri. “Arinkaasi waa arin ka dhexeeya labadaas dal ee Jabuuti iyo Itoobiya, arin inaga ina khuseeya maaha, inagu teena ayeynu ka shaqaysanaynaa, Itoobiya Iyo Jabuutina waa laba dal oo aynu jaar nahay, oo xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya, marka inaga xilkeenu waa sidii aynu u hagaajin lahayn Dekaddaheena, Waddooyinkeena iyo arimaheena, iyo sidii aynu ula tartami lahayn Dekaddaha kale ee ku yaala Badda Cas”. Laakiin dad badan oo reer Somaliland ah oo aaminsanaa in saamiga 19% ee ay Itoobiya ku yeelatay dekedda Berbera iyo guud ahaan Somaliland uu u soo jiidayo suuq dhaqaale oo miisaan leh, ayaa hadda waxa u muuqata in saamiyadan kale ee ay Itoobiya ku yeelatay dekedaha gobalka ay saamayn ku yeelan doonaan qorshihii la rabay in Itoobiya ku isticmaasho dekedda Berbera ee Somaliland. Weli si rasmi ah looma garanayo saamiyada ay Itoobiya ku yeelatay dekedaha gobalka marka laga reebo Berbera oo la baahiyay, waxaana socda wada hadalo ay guddiyo Itoobiyaan ahi kula jiraan wadamadan. Waxase si cad loo garan karaa in Itoobiya doonayso inay ciyaarto qorshe ka duwan qorsheyaashii hore ee ay dekedo gaar ah ku koobnaan dirty.
  13. Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soobaxa dalka Kenya Sarkaal ka tirsan waaxda arimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in wax cadeyn ah Mareykanka uusan u heynin in dagaalyahanada Al shabaab ay u gaarsadaan Maroodiga si ay u maal geliyaan howlgalkooda. Hadalkan ka soo baxay Mr Richard Glenn oo Mareykanka u qaabilsan waaxda duurjoogta iyo tacadiyada ka dhanka ah ee loogu geesto qaaradda Africa ayaa si cad ugu hor imaanaya hadalkii Ms Hillary Clinton oo aheyd xoghayihii arimaha dibadda Mareykanka taa oo sheegtay in dagaalyahanada Al shabaab ay lacag ka sameeyaan faanta maroodiga. “ ma arkin wax cadeyn ah oo sheegaya in al shabaab ay ka ganacsadaan duur joogta” sidaasi waxaa yiri Mr Glenn oo ka qeyb galayay shir Online ah, waxaana uu intaasi ku daray in hadda aysan suura gal aheyn balse Al shabaab ay ugaarsan karaan faanta Maroodiga. Ms Clinton ayaa 2013-kii sheegtay iyadoo ah Xoghaya arimaha dibadda Mareykanka ee maamulkii Obama in dagaalyahada Al shabaab ay ku maal geliyaan howlahooda ka ganacsiga faanta maroodiga. Urur u dhaqdhaqaaqa maroodiga oo fadhigiisu yahay Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka waxa uu 2016-kii banaanka soo dhigay baaritaan aan caadi aheyn oo lagu ogaaday in Al shabaab ay dhoofiyaan faanta maroodiga. Khabiiryahano ka tirsan qaramada Midoobay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Al shabaab ay ka faa’idaan ugaarsiga maroodiga dalalka dhaca bariga Africa. Warbixin ay horay u daabacday Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Al shabaab ay ka faa’idaan canshuurta ay ku rogaan dhuxusha iyo dhoofinta sokorta. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) E-mail: Abdiazizh99@gmail.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid xildhibaannada mucaaradka ah ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyey xukuumadda Soomaaliya arrin xasaasi, oo ah inay banneysay, raalina ka tahay gummaadka shacabka Soomaaliyeed. Qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa facebook, ayaa u qornaa sidan:- Ciidamo isugu jira Mareykan iyo Ciidamo ay tababareen oo Soomaali ah ayaa mar kale ku xasuuqay deegaanka Macalinka ee Gobolka Shabeelada Hoose dad xoogsato ah oo ka xamaasha beeraha Gobolkaas. Qasaaraha dadkaas shacabka ah soo gaaray ayaa isugu jira 5 dhimasho ah, 6 dhaawac ah iyo 4 qofood oo iyaga oo nool la qafaashay! Dhanka kale Xukuumada Soomaaliya ayaa si ay u mooro duugto dhibaatada loo gaystay dadkaas shacabka ah mar kale dafirtay in dadkaasi shacab ahaayeen. Lkn waxaa iswaydiin mudan sababta Xukuumada Soomaaliya mar waliba ku qasbaysa in ay u xalaaleyso Ciidamada Maraykanka gumaadka ay ka geysanayaan Gobolka Shabeelada Hoose?! Waxaan ugu baaqayaa Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay u guntadaan sidii loo baajin lahaa gumaadkaan lagu hayo dadka shacabka ah ee dabar goyntu ku socoto. CUDUR DAARASHO: Waxaan ka cudurdaaranayaa inaanan halkaan idinkugu soo gudbin karin sawiro muuqaalkoodu aad u xunyahay oo laga soo qaaday dadkaas shacabka ah ee la xasuuqay. Hon. Mahad Salad
  15. Inta aanan u gelin ka hadalka wadada ay Puntland ku socoto oo runtii u muuqaal eg tii ay qaadday Soomaaliland dhowr iyo labaatan sano ka hor oo ay ku baadi-goobeysay cid dal ahaan u ictiraafta balse ay weysay sababo la xariira ducfi hayo doodda ay iibineyso. Aan bal marka hore ka waramo cidda Puntland dhistay iyo xiliga la dhiseyba, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonto maamulka aan ka warami doono. Puntland, Ayaa la aasaasay sanadku markii uu ahaa 1998, Iyadoo aasaaskeedu ay qeyb weyn ku lahaayeen siyaasiyiin u badneyd jabhaddii SSDF ee aabaha u ahayd fitnadii ka dhacday dalkan ee ilaa maanta socoto. Inkastoo dhismaha Maamulku ay ka qeybgaleen Isimo, aqoonyahanno iyo dumar Soomaaliyeed, Hadana waxaa kaalin weyn ku lahaa siyaasiyiintii hogaamineysay SSDF oo aad ugu dhawaa maamulada Xabashida. Sida la sheego, Puntland ayaa loo aasaasay labo ujeeddo oo midkood ay ahayd sidii loo raadin lahaa dowlad Soomaaliyeed oo nabad ku soo dabaasha dalkan ay colaaduhu ragaadiyeen, Balse taasi ayaan u dhicin sidii loo qorsheeyey maadaama ay Puntland noqotay caqabad cusub oo Soomaaliya ku soo korortay, Taasi oo horboodeysa nidaam (federalism) dalkan sii kala furfurayo, Islamarkaana aysan aqoon fiican u lahayn xitaa kuwii keenay sida hadaba muuqata. Nidaamkani, Ayaa dalka ka aasaasay maamul goboleedyo u dhisan hab qabiil oo meelaha qaar xitaa kala qeybiyey hal magaalo sida Galkacyo oo kale, Taasi oo ay ku daateen dhiig badan oo uu nidaamkani sababay. Nidaamkan, Ayaa dalka ka abuuray jahawareer iyo dhibaatooyin cusub oo aan horay loo arag, Kuwaasi oo qatar gelinayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka oo wax walba nooga muhiimsan marka laga reebo diinteenna. Puntland, Ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan Soomaaliya, Taasi oo xitaa ka dartay maamulka Soomaaliland oo in muddo ah ku hadaaqayey gooni-isutaag iyo inuu dadka Soomaaliyeed kala qeybinayo maadaama ay Puntland soo saareyso siyaasiyiin uu qabiilku kala weyn yahay qaranimada iyo waliba Bulsho-weynta Soomaaliyeed, Kuwaasi oo ku shaqeynayo aragtida oroneysa: Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey sida hadaba muuqata. Waxay kaloo Puntland noqotay caqabad hortaagan Dowladda Federaalka ee manta jirta, Taasi oo sharciyan loo igmaday inay dalkan hogaamiso, islamarkaana ay Iyadu la macaamisho dowladaha kale sida uu Dastuurkuba dhigayo. Laakiin taa waxa ay u cuntami la’dahay Puntland oo dooneysa inay garab socoto Dowladda Dhexe xilli ay wax walba kala cad yihiin. Xagee Dastuurku ka dhigayaa in maamul goboleed uu xiriirro caalami ah la sameysto dalal shisheeye ! Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan cinwaan uga dhigay: Ma mooddaa in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland ? Anigu, Waxaan qabaa runtii in Puntland ay ku socoto wadadaasi Anigoo faahfaahin doona, Islamarkaana keeni doona waxyaabo badan oo daliil u ah doodeyda oo aan aamisanhay inay igu raaci doonaan Soomaali badan oo aad ula socoto Puntland iyo kuwa hogaamiyaba. Sidan sheegeyba, Puntland waxa ay ku socotaa wadadii Soomaaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale walow aysan jirin cid wili aqoonsatay. Marka aad u fiirsato habka loo qoray dastuurka Puntland iyo sida uu wali u waafaqsaneyn kan Dowladda Federaalka iyo waliba wasaaradaha la sameysanayo oo ay ku jirto wasaarad qaabilsan xiriirka caalamiga, Waxaa kuu soo baxayso in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland. Sidoo kale, Marka aad u fiirsato hab-dhaqanka kuwa horbooda Maamulkaasi iyo xiriirada ay la sameysanayaan dowladaha shisheeye xilli ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo la aqoonsan yahay, Waxad dareemeysaa in loo hamuunqabo wadadii Soomaaliland ee fooshaxumeyd. Mar waxaa la tagayaa Itoobiya, Iyadoo la isu soo dhaweynayo sidii in laga socdo dal madaxbanaan oo kale, Taa oo lagu dhiirigelinayo kala-dhantaalidda midnimada dalka. Mar kale, Waxaa la tagayaa Imaaraadka Iyadoo la galayo heshiisyo waa weyn xilli ay joogto Dowladdii Dhexe oo qaabilsaneyd siyaasadda arimaha dibadda, difaaca iyo waliba socdaalka. Mar kale, Waxaa laga qeyb-galayaa shirar caalami ah, Iyadoo lagu andacoonayo waa nala casuumay, Taasi oo runtii ka dhigan in Soomaaliya ay ka jiraan dowlado badan oo kala madaxbanaan haba ku yaalleen hal dale !! Waxaa kaloo jira waxyaabo badan oo ku tusinayo in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland hadiiba aysan ka qatar badneyn. Tusaale ahaan, Waxa ay awal isugu yeeri jireen maamulka Puntland. Ka dibna, Waxa ay bilaabeen inay isugu yeeraan dowladda Puntland. Halka ay hadda bilaabeen isticmaalka erey cusub oo halistiisa leh, Kaasi oo ah: dalka Puntland. Tan iyo markii la dhisay, Gaar ahaan intii ka danbeysay xiligii Cabdlaahi Yuusuf. Puntland, Waxa ay ku socotay waddo aan waaqafsaneyn wixii dadka loo sheegay. Tusaale ahaan, Marka aad aragto heshiisyadii ay la galayeen dowladihii dalka soo maray sida Dowladdii Xasan Sheekh oo kale. Waxaad arkeysaa heshiisyo aad la yaabto oo qaarkood dhigayo in Puntland ay xubno ku darsaneysno wafti kasta oo ay Dowladda Federaala dirto. Waxaa hadda waxaasi oo dhan ka daran in Puntland ay ku dhiiri-gelineyso maamul goboleedyada ka jira dalka sida midkan loogu yeero Jubaland oo kale inay u dhaqmaan sida ay Iyaduba u dhaqmeyso oo ay qaraab tagaan. Taana waxaa u daliil ah ololaha uu Gaas wado. Sow midan arag shirarka la abaabulayo iyo kulamada ka socda Dubia ee loogu khidmeynayo mashruuca Imaaraadka ee mudamirka ah, Iyadoo ay joogto Dowladdi Dhexe! Sow wax lala yaabo ma’ahan in nidaamdarro iyo fowdo la fidiyo, Iyadoo waliba la sheeganayo aqoon iyo dal-jaceyl ? Sow wax laga xishoodu ma’ahan inaad dowlado shisheeye la xiriirto Adigoo waliba hogaaminayo maamul lokol ah oo aan sharciyad u haysan howl noocaasi oo kale ah ? Sow khiraano qaran lagu tilmaami karo howlaha noocaasi oo kale ? Muxuuse sharciga u shaqeyneynin mise waxaan wali la gaarin xiligii la xisaabtami lahaa ? Puntland, Waxay maanta noqotay khinjar sumeysan oo ay dowlado shisheeye ku dhibaateeyaan Dowladda Federaalka ee soo kobceysa. Waxay kaloo noqotay hoy ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta dullaaleyda ah ee dooneysa inay xaraashaan ilaha dhaqaalaha ee dalka iyo waliba kheyraadka kale ee uu Wadanku leeyahay. Ma waxay u maleynayaan inay Villa Soomaaliya fadhiyaan Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo xaalkooda la ogaa ? Kallaa wallaahi. Marka laga yimaado hagardaamooyinka iyo nidaamdarada ay Puntland calanka u siddo, Hadana dhinaca Maamulkaasi waa maamul ku fashilmay dhammaan arimihii loo igmaday. Tusaale ahaan, Wuxuu ku guuldareystay inuu ka gudbo nidaamka qabiilka ee hay’adihiisa lagu soo doorto xilli dhismihiisa laga joogo ku dhawaad dhowr iyo toban sano. Sanado qasaaro iga dheh. Wuxuu kaloo Maamulkaasi ku guuldareysatay in uu deegaanadiisa ka difaacdo maamulka Soomaaliland oo dhul-ballaarsi ku jiray. Tusaale ahaan, Soomaaliland waxa ay Puntland kala wareegtay dhul ballaaran, Gaar ahaan intii uu Puntland hogaankeed iska wareejiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya AU Cabdulaahi Yuusuf ilaa ay Soomaaliland soo gaartay deegaan lagu magacaabo Tukaraq oo aan wax badan ka fogeyn caasimadda Puntland. Anigu, Shaki iigama jiro in Puntland ay ku dhawaaqi doonto gooni-isutaag sida Soomaaliland oo kale wallow arinkaasi ay ka hor-imaan doonaan dadweynaha Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ku dhaqan, Kuwaasi oo aan wax badan kala socon waxyaabaha ay karkarinayaan shaqsiyaadka horbooda Maamulkaasi. Waxaan kaloo shaki iiga jirin in wadaadaasi ay qaadi doonaan qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay Xabashida iyo Kenyaatiga wax ka dhisteen. Waxaana qabaa in la joogo xiligii ay Dowladda Federaalku muujin lahayd haybaddeeda dowladnimo maadaama ay haysato taageerada dadweynaha Soomaaliyeed ee dal iyo dibad iyo waliba taageerada Caalamka. Waxaan kaloo qabaa in la joogo xiligii wax badan laga badali lahaa dastuurkan lagu cayaaray oo la xoojin lahaa awoodda Dowladda Dhexe, Si loo ilaaliyo midnimada, madaxbanaanida dalka iyo waliba sumcadda dadka Sooomaalida. Ugu danbeyn. Waan qabaa runtii in Puntland ay ku socoto wadadii aan soo sheegay, Taana waxaa ka tarjumaayo hab-dhaqanka kuwa majaraha u hayo Maamulkaasi. Tusaale ahaan, Maxaa lagu fasiri karaa marka Adigoo maamul goboleed aad xiriiro caalami ah la sameysaneyso dowlado shisheeye, Xilli aad aqoon u leedahay nidaamka dowliga iyo waliba kan federalismka. Sow ma’ahan inaad dooneyso inaad go’do ama aad dadka lugoyso ? Jawaabtu waa haa. Ha dhaco shisheeye kal-kaalka. W/Q: Maxamed Ibrahim iidka1@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. London (Caasimada)- Senator Ilyaas Cali Xasan ahna guddoomiyaha guddiga kheyraadka qaranka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee aqalka sare oo maalmahaan howlo shaqo ugu sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee London u sameysay soo dhoweyn ballaaran. Munaasabadda soo dhoweynta oo ay soo abaabuleen jaaliyadda Soomaalida London ayaa waxaa halkaasi jaaliyada kula hadlay Senator Ilyaas oo warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo isbadaladii u danbeeyay ee ka dhacay dalka, isagoo sheegay in xaalada dalka ee xiligaan inay tahay mid rajo iyo yadadiilo leh. Wuxuu Senator-ka kula dardaarmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka iyo sidii ay u taageeri lahaayeen, isagoona amaanay doorka muuqda ee qurba joogta ka qaateen horumarka ka socda dalka. Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa maalmahaan ku sugnaan doono London, isagoo u timid howlo shaqo, waxaana uu sidoo kale habeenka Axada uu ka qeybgeli doonaa xaflad lagu soo dhoweyn doono doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal oo lagu qaban doono London. Ali Muhiyaddiin Caasimada, London Muxiyaddiin@hotmail.com
  17. Jay Bahadur became famous for, at age 24, traveling alone to Somalia to document the lives of the pirates raiding ships in the Gulf of Aden. He previously had little journalistic experience, no degree in the subject, and was on a tight budget. Nevertheless, his reports on the day-to-day lives and actions of the Somali pirates would appear in the world’s most widely-circulated newspapers from The New York Times to The London Times. He would later publish a book on the topic, which would inspire the Al Pacino film The Pirates of Somalia. On May 4th, he joined Merion West’s Erich Prince to discuss his experiences and thoughts on both the situation in Somalia and on journalism itself. Source: Hiiraan Online
  18. NEW YORK - A senior State Department official said on Tuesday the US has no evidence that violent extremist groups such as Al-Shabaab are financing their operations through elephant poaching. Source: Hiiraan Online
  19. For generations, farmers planted the lush earth of Awedai and nearby areas in eastern Ethiopia with coffee trees, earning a livelihood from a crop that is now the country’s main export. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia loogu geystay magaalada Muqdisho. Dilka oo ka dhacay xaafadda Seybiyano ayaa waxaa loo geystay 4 ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo kusugnaa qeybo kamid ah xaafadaas. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in askarta la dilay uu ahaa mid sarkaal halka sadexda asakri ee kale la sheegay inay ilaalo u ahaayeen sarkaalka sida ay ku warameen dadka xaafadaasi ku nool. Maleeshiyaad bistoolado ku hubeysnaa ayaa dilka fuliyay kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 dhallinyaro ahaa. Gacan ku dhiiglayaasha ayaa dilka kadib goobta ka baxsaday waxana halka uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaano ka sameeyay inkastoo lagu soo warramayo inaysan jirin cid ay usoo qabteen dilka askartaasi. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka caawa loo geystay sarkaalka iyo ilaaladiisa waxayna sheegeen in sarkaalka uu ka tirsanaa ciidamada Alfa Group ee sida gaarka ah u tababaran. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii kordhaya dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
  21. 2014 UN Environment Champion of the Earth Fatima Jibrell once said: “People are fighting about limited resources, destroyed by displaced youth: a ready pool for hire for war lords, companies of charcoal; for piracy and for every other evil thing that they could find.” Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - Five civilians have been killed and several others wounded on Wednesday night in a military operation that allegedly involved U.S. Special Forces embedded with SNA troops, according to regional government officials and local elders. Source: Hiiraan Online
  23. Crew members from ITS Margottini continue the regional co-operation EU NavFor has established with the AMISOM Marine unit off the coast of Mogadishu. Source: Hiiraan Online