Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,188
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, UAE Ambassador to Somalia, today met with Ahmed Isse Awad, the new Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. In the second half of January, Kenya marked the anniversaries of two tragedies our soldiers have suffered in Somalia. On the 15th we marked two years since al Shabaab sacked an African Union Mission in Somalia military camp in the town of El Adde. Source: Hiiraan Online
  3. Cabdiraxmaan Bayle wasiirka maaliyadda ee Dowladda Somalia wuxuu wali wadaa inuu kordhiyo canshuurta lagga qaaddo dadka ku nool hal-magaalo (Muqdisho), horta immisa magaallo ayuu wasiir u yahay ?. Dadka caasimadda ku nool in cashuur laggu kordhiyo ma diidana laakiin midii hore loogga qaadi jiray wax ma loogu qabtaa?, lacagta Muqdisho kasoo xaroota 15% ayaa laggu celiyaa magaaladda inta kale yaa qaata ?. Hadda Hotel-adda Muqdisho waxaa loo qeybiyay wargelin sheegeysa in qofkii ay 1$ koob shaah uga iibiyaan iney ku dalacaan $0.05 oo canshuur ah , 2 jeer intii Farmajo madaxweynaha ahaa waxaa la kordhiyay lacagaha lagga qaado dadka alaabta ugga soo dagto Dekadda Muqdisho ,sidoo kale haweenka ka ganacsadda Dahabka Jajabka ah ee reer Muqdisho canshuur xad dhaaf ah ayaa la saaray 3 bilood ka hor, ma xumma in Dowladdu ay canshuur qaaddo iyo iney kordhiso laakiin madaama go’aankan uu hal magaalo saameynaayo maxey ka faa’iidayaan dadka magaaladaas ku nool ?. Hadii waddo 200m ah lagga dhisaayo Muqdisho waxey Dowladdu kaalmo ka rabtaa caalamka, hadii qashin jid lagga qaadayo caalamkey garab ka rabtaa, amniga beesha caalamka lacag ku bixisa, caafimaad lacag la’aan ah ma jiro, waxbarasho ,koranto iyo biyo nadiif ah midna lagama hayo Dowladda, hadanna wasiir Beyle labbo bilood kadiba lacag cusub ayuu ku dalacaa dadka reer Muqdisho. Horta wasiir maxaa u hor taagan tahay in Muqdisho wixii kasoo xarooda lagga siiyo 25% meesha ay hadda ka qaadato 15%, oo hadii ay taasi kuggu adag tahay ma kari weysay inaadan lacag dambe ku kordhin dadkeedda, bal hadda midaan cusub ee aad soo kordhisay maxaa adeeg ah oo ay caasimaddu ka heli doontaa? , waa lacag kordhin aan la sheegi karin waxa ay ka faa’iidi doonaan dadka laggu kordhiyay. Muqdisho waa magaalo dilan, waxaa illa quman madaama hal magaallo wax laggu kordhinaayo mar walba in Dowladdu ay ku dadaasho in dadku ay magaaladda ka dareemaan lacagta lagga qaaddo in wax looggu qabtay. Wasiir Bayle wuxuu dhowaan sheegay in daqliga Dowladda uu 80% kasoo xarooddo Muqdisho, waxa ay dad badani aaminsan yihiin in hadii magaaladda Muqdisho laggu celiyo 50% waxa kasoo xaroodda iney wax badan iska badali doonna heerka ay maanta joogto. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Canshuur kordhin aan adeeg kordhin waddan (wasiir Bayle iyo dadka reer Muqdisho) appeared first on Caasimada Online.
  4. Three of Kenya's largest private TV channels remain off the air, despite an order by the country's High Court suspending a shutdown. Source: Hiiraan Online
  5. BERLIN (Reuters) - The German military will stop participating in a European Union training mission in Somalia at the end of March, a Foreign Ministry official said on Thursday, expressing frustration at the pace of progress. Germany has about five soldiers taking part in the training mission alongside 15 from other EU countries. The decision to end Germany’s participation in the program, which began in 2010, was first reported by Der Spiegel magazine. “The development of a Somali national army is moving forward only very slowly, in part due to deficits in political and institutional structures, as well as equipment gaps among trained Somali soldiers,” the ministry official said. Berlin is now looking at how to bolster its engagement in civilian security in Somalia and supports a shift recommended by an EU strategic assessment to focus more on providing advisory help, a concept currently being discussed in Brussels. The United States last year decided to suspend food and fuel aid for most of Somalia’s armed forces over corruption concerns. Source: Reuters
  6. Shirka Goloha Wasiiradda ee Xukuumadda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir gudooominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta looga hadlay, soo bandhigidda jadwal-howleedka shaqo ee tubta siyaadda loo dhanyahay, Warbixin ku hadlaysa xaaladda Wabiyadda Daawad iyo Shabeelle, Sharciga Shirkadaha oo loo qaybiyay goloha wasiiradda, Warbixn ku saabsan shirka Dhaqaalaha Aduunka, Amniga dalka iyo arrimo kale. Wasiirka Amnigga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan 37 caruur ah oo ay Shabaab qaataan kuwaas oo lagu tobobarayay gobolka Shabeelladda Hoose, si ay ugu adeeg sadaan qaraxyadda iyo fallalka argagaxnimo ugana dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna Wasiirku sheegay in lagu guulaystay dhamaantood in la soo qab-qabto, waxayna haatan ku jiraan gacanta dawladda. Wasiirka Gaashaadhinga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay isku dhafka ciidamo qaran, waxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan habkii la iskugu dhafi lahaa ciidamada dalka, isgoona tilmaamay in lagu howl jiro xarumihii la dajin lahaa ciidamada. Sidoo kale waxuu sheegay in gobolka Shabeellada Dhaxe laga sifeeyay kooxda Alshabaab, haatana la diyaarinayo qorshihii lagaga saari lahaa gobolka Shabeellada Hoose. Wasiirka Qorshaynta iyo Xariirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa laga dhagaystay warbixin ka hadlaysa shirkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaarahu ugu qayb galay wadanka Switzerland ee ku saabsanaa dhaqaalaha Aduunka. Isagoona sheegay in ay ku shirka ku soo bandhigayn khayraadka Soomaaliya, sidoo kalena waxay codsadeen in laga cafiyo daymaha caalamiga ah ee lagu lee yahay dalka Soomaaliya. Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ayaa cadeeyay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu si wayn madaxda caalamka ugu faah-faahiyay nabada iyo xasiloonida ka jirta Soomaaliya, si ay u maalgashadaan dalka, shacabkuna ay ugu faa’iidaystaan. Sidoo kalena waxuu shacabka Soomaaliyeeda u soo jeediyay in ay bixiyaan canshuurta, si daymaha aan iskaga bixino. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyay shirar kala duwan oo uu kaga qayb galay dalalka Kenya, Itoobiya iyo sucuudiga, waxuuna soo bandhigay heshiisyada ay Soomaaliya la gashay ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) , waxuuna cadeeyay in Soomaaliya ay barbar taagan dalalka Islaamka. Dhanka kale waxuu faah-faahin ka bixiyay shirka Ururka AU, oo Madaxwaynaha Soomaaliya uga qayb galay Itoobiya, isgoona tilmamay in ay Soomaliya u tartamayso xilka xoog-haya fulinta ee Ururka goboledka IGAD, maadaama ay Soomaaliya markale saaxadda aduunka ku soo laabatay, ayna doonayso in ay kalinteeda ka qaadato. Wasiirka Wasaarada Beeraha, ayaa madasha ka khriyay warbixin ka hadlaysa mashruuc biyo xireen ah oo ay iska kaashanayaan dalalka Kenya iyo Itoobiya kaas oo laga dhisayo xadduudka ay la wadaagaan Soomaaliya. Waxuuna wasiirka iftiimiyaya saamaynta ay ku yeelan karaan wabiyadda Daawad iyo Shabeelle oo xadduud la wadaaga labada dal. intaas ka ka dib Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi heer Wasiir ah oo ka kooban Shan Wasaaradood oo kala ah, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Xanaaanadda Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, oo si dhow ula socondoona biyo xireenka labada dal. Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa goloha Wasiirada u qaybiyay Sharciga Shirkadaha Soomaaliya, si ay usoo akhristaan ka dibna loo ansixyo, waxuuna faah-faahiyay sharcigan iyo waxyaabaha uu ka hadlayo, isgoona qeexay faa’iidooyin uu shacabka u leeyahay. Sidoo kalena waxuu iftiimayay sida loogu bahaan yahay in la helo sharciga Warshadaha Soomaaliya. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada XF Somalia appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii ay Dhacdey Dowladii Dhexe waxaa aad u soo badaneyey Is qabqabsi Dhaxalka Guryaha, hantida ama Dhulalka , waxaana Maxkamadaha Dalka ku soo badanaya Dacwooyinka l axiriira Dhaxalka ay isku qabsadaan Dadka leh Dhaxlkaas iyadoo Maxkamaduhu Ridaan Xukuno iska soo horjeeda oo is burinaya Iyadoo taasi Jirto ayaa waxa Is qab qabsi Dhinaca Dhulalka iyo hantida ee uu ka tagey Cabduqaadir Maxamed Aadan Zoope isku haysta Caruurtii uu dhaley oo iska soo Horjeeda ,waxaana uu is qab qabsiga iyo Dacwada u dhaxeeyaa Caruurta Zoope ay socotey Muddo lix sanno ah, waxaana qaar ka mid ah Caruurtaas aysan ku qancin Xukunkii ugu dambeeyey ee ay ridaan Maxkamada racfaanka iyo Maxkamada Sare Shir Jaraaid oo ay ku qabteen Laba ka mdia ah Carurtii Zoope iyo Wakiilka Xaaskii uu ka geeriyoodey Zoope oo ka dhacay Daarta Caanka ah ee KM5 ayaa waxay ka hadleen qaabka ay u shaqeeyaan Maxkamadaha dalka iyo Dhibaatooyinka Jira iyo xaqooda la duudsiiyey waxayna ka Codsadeen Madaxda dalka u sareysa in aaney Indhaha ka qarsan habka Garsoorka u shaqeeya Ugu Horeym waxaa Goobta ka Hadley Curuadkii Marxuum Zoope oo la yiraahdo Maxamed Cabduqaadir Zoope waxaana uu sheegey in ay la yaab ku noqotey Xukuno ka soo baxay Maxkamada racfaanka iyo Maxkamadda Sare waxaana uu yiri “ laga soo bilaabo tan iyo Dowladnimadii Soomaaliya ee Sannadkii 1960 waligeed ma dhicin Xukun Maxkamada Sare ridey oo hadana Dib u eegis lagu sameeyey in dib loogu soo celiyey Maxkamada Gobolka si dacwada loo soo bilaabo taas ayaa nagu dhacdey mana aha mid la aqbali karo” wuxuuna intaa ku darey “Warqadda ka soo baxdey Maxkamada oo hantida Aabaheen nalaku Duudsiiyey oo been abuurka ah waxaa Marqaati ahaan ugu qoran Laba Qof oo Talyaani ah oo aan Muslim ahayn, ma waxaa la waayey dad Soomaali ah oo Marqaati ah maadaama Talyaaniga ay joogaan Soomaali Raxanweyn u badan Sidaa darteed Saxiixa Aaabey Cid waliba waa Sameyn kartaa” Wakiilkii Xaaskii Zoope uu ka Geeriyoodey Cabduqaadir Guutaale Geedi oo isna Goobta ka Hadley waxaa uu yiri “Waxaan cadaaladdaro ka tirsaneynaa Xukunkii Maxkamada Racfaanka iyo Kii Maxkamada Sare waxaana la yaab nagu noqotey markii Dhaxalkii Marxuum Zoope qaar ka mid Caruurtisa iyo Xaaskiisii la yiri waxba kuma lihidiin loona hibeeyey qaar kale iyadoo la Hayn Dukument sax oo Xaqiijinaya arintaas “ waxaa uu Hoosta ka xariiqey in u taagan Qaybtii Dhaxalkii Walaashiis Faadumo Guutaale waxaana uu soo jeediyey in ay ku kala Baxaan kitaabka Alle Cali Cabduqadir Zoope oo ka Hadley Shirkaas jaraaid ayaa waxaa uu yiri “Waxaan Jiraa 64 sanno waxaan ahay Curud ku xigeen Dhaxalkii Aabahaa waxba kuma lihid Cid aan ka yeelayo ma jirto, waa ku dagaalamayaa waana ku dhimanayaa waxaana u sheegayaa walaalaheena naga soo horjeeda in ay Ilaa ka baqaan oo ay ogolaadaan in hantida Aaabaheen aan dhaxalno Gabagabadii Dhamaantood waxay ugu baaqeen Madaxweynaha, Raiisl Wasaaraha, iyo Gudoomiyaha Baarlamaan in ay Deg deg ku soo farageliyaan ariintaas lana sameeyo isbedel dhinaca Garsoorka ah si looga hortago Cadaaladdarida ka jirta Garsoorka Dalka The post Qaar ka mid ah Caruurtii Marxuum Zoope oo sheegey in Maxkamada Sare ay Duudsiisey Dhaxalkii Aabahood appeared first on Caasimada Online.
  8. During President Trump’s first State of the Union address Tuesday night, he repeatedly tried to conflate immigrants, including DREAMers, with terrorists and gang members—the latest in a string of racist or xenophobic statements Trump has made throughout his time in office. Yet, on Tuesday night, many lawmakers with the Congressional Black Caucus protested against Trump’s racism—and his recent comments calling African nations “shithole countries”—by wearing traditional African kente cloth. For more on the State of the Union, we speak with Minnesota state Representative Ilhan Omar, the highest-elected Somali-American public official in the United States. AMY GOODMAN: This is Democracy Now!, as we look at President Trump’s first State of the Union, spending the hour on it. On Tuesday night, some Democrats in the chamber booed when President Trump used the term “chain migration” and tried to link terrorist attacks to policies allowing recent immigrants to sponsor relatives. PRESIDENT DONALD TRUMP: The fourth and final pillar protects the nuclear family by ending chain migration. Under the current broken system, a single immigrant can bring in virtually unlimited numbers of distant relatives. Under our plan, we focus on the immediate family by limiting sponsorships to spouses and minor children. This vital reform is necessary not just for our economy, but for our security and for the future of America. In recent weeks, two terrorist attacks in New York were made possible by the visa lottery and chain migration. In the age of terrorism, these programs present risks we can just no longer afford. It’s time to reform these outdated immigration rules and finally bring our immigration system into the 21st century. AMY GOODMAN: That was President Trump at his State of the Union. Joining us now, Minnesota state Representative Ilhan Omar, former refugee, Muslim, the highest-elected Somali-American public official in the United States. You were in Washington, D.C., from Minnesota, to attend one of the alternative State of the Unions, Ilhan Omar. Can you respond to what President Trump said last night? REP. ILHAN OMAR: Yeah, thank you, Amy, for having me. I was just sort of listening to that little bizarre bit about our immigration programs being outdated, and the only thing I could think about was his fascist ideas being outdated. AMY GOODMAN: Talk specifically about these linkages he made, continually, this line he drew between young people coming to the United States over the border and MS-13 killing people. REP. ILHAN OMAR: I mean, it is really disappointing, and it saddens me, but it doesn’t surprise me, that this person can’t comprehend how dangerous it is to create a link between people who might be committing some atrocious crimes to immigrants that are coming to this country seeking a brighter future for their children, and the countless people from Central America and South America who are coming to this country for opportunities, that my family came here for, and many of the immigrants before us came. It is unbecoming of a president and a leader to be able to make those kind of disturbing and disgusting links. AMY GOODMAN: You’re a part of a group, as a young Somali-American Muslim legislator, of America’s Cabinet, a nonpartisan project launched by young elected officials. Can you talk about what this is? REP. ILHAN OMAR: Yeah. We realize that, this past year, we could be in the streets, we could resist some of the horrendous ideas that are coming out of Washington, or we could—or we could get involved as young electeds who have fluency and understanding of what our constituents need. We believe we have bold ideas that are going to lead our country to be able to keep up with fulfilling its promise. Source: Democracynow The post Ilhan Omar, First Somali-American State Lawmaker: Trump’s SOTU was “Disgusting” & “Fascist” appeared first on Caasimada Online.
  9. Facebook is putting its short-term money where its mouth is, reducing the presence of viral videos in an effort to boost well-being of users of its site. In Facebook’s Q4 2017 earnings report today CEO Mark Zuckerberg announced that “Already last quarter, we made changes to show fewer viral videos to make sure people’s time is well spent. In total, we made changes that reduced time spent on Facebook by roughly 50 million hours every day.” That’s a reduction of roughly 2.14 minutes per day per user, given that Facebook has 1.4 billion users now. Zuckerberg later said that’s a reduction of total time spent on Facebook by 5 percent. This showed up as a reduction from 185 million to 184 million daily active users in the US & Canada region. That’s the first time Facebook’s ever reported a user count decline in any market, and it’s in the one where it earns the most from ads. Facebook earned an average revenue per user of $26.76 in the region compared to a global average of $6.18. What happened? The viral video changes and other prioritization of well-being over time spent contributed to a reduction of 700,000 daily active users in the U.S. and Canada region. Facebook’s CFO David Wehner says he believes this is a one-time decline and not a trend. That could depend on how many time-reducing changes Facebook is willing to make, however. Here’s the key quote from Wehner: As Mark mentioned, certain product quality changes impacted our DAU growth. In the US & Canada, these changes contributed to a DAU decline of 700,000 compared to Q3. We don’t see this as an ongoing trend, but we do anticipate that DAU in this region may fluctuate given the relatively high penetration level. Even if Facebook hadn’t lost the 700,000 daily users in the U.S. and Canada, the company would still have had the slowest quarter-over-quarter percentage daily user growth ever, at 2.24 percent. The 2.18 percent growth it did experience is much lower than its previous worst quarters, Q4 2015 and Q4 2016, when it had 3 percent growth. It’s the slower global DAU growth, not the changes-related decline in the US & Canada that should give investors and social marketers pause. Still, once Facebook explained that U.S. and Canada DAU decline wasn’t a trend but a result of the viral video and well-being changes, Facebook’s share price rocketed up from being down as much as -4 percent in after-hours trading to around +4 percent. Eventually Facebook shares settled at +1.4 percent. Investors may believe this means Facebook won’t be taking massive user count hits from the changes, and that the overall growth trend persists. Facebook is making good on the promises Zuckerberg made on last quarter’s earnings call when he said “Protecting our community is more important than maximizing our profits.” It shows Facebook is executing on the big News Feed changes it announced earlier this month that were designed to reduce passive browsing, video consumption and news in favor of active interactions with close friends. Today Zuckerberg explained that he’s changed the directive to his employees from showing the most meaningful content to people to showing content that drives the most meaningful interactions. That’s a subtle but important change that could decrease the prevalence of content people find informative or entertaining, but not special enough to share and talk about. Zuckerberg says the company will begin to judge itself by “The number of interactions that people have on the platform and off the platform that people report to us as meaningful.” Facebook’s willingness to promote user well-being over its bottom line is unusual amongst big corporations. Some see it as an act of compassion. Others believe it’s just a long-term strategy designed to prevent a bigger “ditch Facebook” movement from emerging that could cost it a lot more than the time-spent reduction announced today. But for now, investors trust the company will be able to make a more meaningful, less passive News Feed work. Less time spent could mean fewer ad impressions but deeper engagement which everything people see which might increase auction competition and lead to higher ad prices. Zuckerberg explained this saying that if you’re used to meaningless content, you grow accustomed to skipping stuff in your News Feed, and that can translate over to ads. So, Facebook might actually earn just as much money or more by ditching its reliance on the blank-eyed scrolling addiction of its users. Source: – Tech Crunch The post Facebook’s U.S. user count declines as it prioritizes well-being appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General C/weli Jaamac Xuseen ‘’Gorod’’, ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidamada Isku Dhafka ee ka hawlgala aaga magaalada Gaalkacyo. Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Col. Cabdi C/laahi Maxamuud ‘’Xoreeye’’, oo noqon doona Taliyaha cusub ee ciidamada Isku dhafka aaga Gaalkacyo. Taliyahaani ayaa laga soo dhex magacaabay Xafiiska Ra’isal wasaaraha Xukuumada Somalia, Xasan Cali Khayre, waxaana la sheegay in muddo farabadan uu ku dhex jiray howlaha ciidanka. Col. Cabdi C/laahi Maxamuud ‘’Xoreeye’’, ayaa lagu sheegay inuu yahay Khabiir waxbadan ka bedeli kara colaadaha ka dhextaagan bulshada Gaalkacyo, waxaana la filayaa inuu dardargelin doono amniga Xarunta Gobolka Mudug. Sidoo kale, Col. Xoreeye waxa uu ahaa Taliyaha Gaadiidka ee Xafiiska Ra’isal wasaaraha Somalia, waxaana looga maarmi waayay xilka cusub ee iminka loo magacaabay. Dhinaca kale, magacaabida Taliyaha cusub ayaa daba socta socdaalka nabadeed ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Gaalkacyo., iyadoo natiijada soo baxday ay noqotay in halkaasi loo magacaabo Col. Xoreeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Taliyaha Gaadiidka Xafiiska RW Kheyre oo xil cusub loo magacaabay (Sawir) appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ”Eng. Yarisow” ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Mudane Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorshaynayo dimoqoraadiyeynta Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa. “Guddoomiye Xaalimo Yarey waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doorasho, maadaama qorshuhu yahay in talada lagu celiyo shacabka, iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimahan ku hirgeli karaan, iyadoo la isla eegay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in bishaan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho shir arrimahan looga tashanayo, shirkan oo wadajir u qaban doonaan maamulka gobolka iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka. “Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iyaga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirgelinayana waxaan shir wadatashi ah qaban doonnaa bishan Feebaraayo, shirkan oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020”. Ayuu yiri Eng. Yarisow. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka sida ay uga go’an tahay in talada lagu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yahay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah. Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto sannadka 2020ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muxuu ku saabsanaa kulanka 1aad ee dhexmaray Eng. Yarisow & Xaliimo Yarey appeared first on Caasimada Online.
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbloolshe, ayaa dhalliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii dhowaan ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee looga guulaystay kursigiisii hore ee baarlamaanka. Sanbaloolshe, ayaa ku eedeeyey dawladdu in ay faragelin ku samaysay doorashadaasi isla markaana ay dhaqaale ku taageertay musharraxa ku guulaystay doorashadaasi ee Nuur Iidow Bayle. Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA ayaa kula xiriiriy khadka telefoonka Muqdisho, waxaana uu uu weydiiyey sida uu u arko doorashadaasi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/02/9b7ded1b-2425-47ba-afac-e74425e46f46_48k.mp3 The post Dhageyso: Wareysi Sanbaloolshe uu siiyey VOA oo sir badan shaaca ka qaaday appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban Golaha Wasiirada oo si deg deg ah uga hawlgelaya waxkaqabadka khatarta kaalmaha Shidaalka iyo u gurmadka dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkii ka kacay Garoowe. Guddiga ayaa looga dhawaaqay shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta oo Khamiis ah,sida ku cad warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa shirka Golaha Wasiirada ka sheegay in si deg deg ah loogu baahanyahay waxkaqbadka khatarta khaalmaha shidaalka,isagoo dhacdadii u dambaysay ku tilmaamay“dhacdo xanuun badan oo shacabka Puntland soo martay”. Guddiga la magacaabay ayaa ka kooban wasiirada;Arrimaha Gudaha,Amniga,Shaqada iyo Shaqaalaha,Ganacsiga iyo Caafimaadka,waxana loo xilsaaray in ay si deg deg ah uga hawlgelaya waxkaqabadka khatarta kaalmaha Shidaalka iyo u gurmadka dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkii ka kacay Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo guddi u saaray waxkaqabadka khatarta Kaalmaha Shidaalka. appeared first on Puntland Post.
  14. Somaliland authority sends stern warning to traditional chiefs that incite hatred among the populace. At the same time, Somaliland has said that it won’t accept the coronation of new traditional leaders. Deputy minister for internal affairs, Hon. Mohamed Muse Dirie has called that the elders must only play the role they have in the society but urged to refrain from acts of causing acrimony and hatred among the populace. The new government is trying to correct many wrongs within its society as traditional leaders have been accused of fueling the fire of past civil wars that broke out in Somaliland. They are also alleged of instigating clashes between clans in the rural areas. The new government which has put in place strict laws on traditional elders to intervene on political affairs in Somaliland.
  15. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo safar ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay muddadii uu ku sugnaa dalalkaasi uu la kulmay qaar kamid ah madaxda caalamka, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen qadiyadda Somaliland. Dhinaca kale, wasiir Sacad Cali Shire waxa kale oo uu sheegay in magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ay ku kulmeen wasiirka arrimaha dibadda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen sidii markale dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii ka dhaxeeyay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo xiisadda ka taagan magaalada Tukaraq ee gobolka Sool. “Madaxweynaha Soomaaliya lamaan kulmin anigu laakiin waan kulannahay wasiirka arrimaha dibadda si gaarana waxaanu uga wada-hadalnay laba shay; midi wuxuu ahaa wada-hadalka sidii dib loogu bilaabi lahaa midna wuxuu ahaa arrinka Tukaraq” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire The post Somaliland oo sheegtay in ay DF kala hadahsay laba arrin oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  16. The director of the Johannesburg-based Brenthurst Foundation, Greg Mills has paid a visit to Somaliland. Mr. Greg has met with Somaliland President, His Excellency Musa Bihi Abdi at the presidential mansion. He presented the president a book he wrote by the title “Making Africa Work” which was published Brenthurst Foundation.The Somaliland representative to Ethiopia, Mr. Ayanle Salad has facilitated Mr. Greg’s visit to Hargeisa, Somaliland. He served in number of positions to African countries and Afghanistan.
  17. Shir wacyi-gelin iyo taba-bar ah oo ku saabsan sare u qaadidda aqoonta farsamayaqaannada ku shaqeeya qalabka qaboojiyaasha ayaa Maanta Garoowe ka furmay. Shirka oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Soomaaliya u qaabilsan arrima Degaanka iyo Wasaaradda Degaanka Puntland ayaa socon doona muddo 4 maalmood ah,waxaana lagu faaqidi doona dhibaatooyinka ay Degaanka u geystaan gaseska ay ku shaqeeyan agabka qaboojiyasha. Qeybaha dambe ee shirkan ayaa waxaa ku jiri doona taba-bar ku saabsan halista dadka iyo degaanka ay u leeyihiin gases-ka ay ku shaqeeyan qalabka qaboojiyaasha,iyadoo taba-barka ay bixin doonan khubaro ku xeel dheer gases-ka waxyeelleeya Degaanka. Halkaan ka eeg sawirrada The post Shir ku saabsan sare u qaadidda aqoonta farsamayaqannada ku shaqeeya qaboojiyaasha oo Garoowe ka furmay. appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Inj Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorshaynayo dimuqraadiyadda Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa. “Guddoomiye Xaalimo Yarey waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doorasho, maadaama qorshuhu yahay in talada lagu celiyo shacabka, iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimahan ku hirgeli karaan, iyadoo la isla eegay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in bishaan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho shir arrimahan looga tashanayo, shirkan oo wadajir u qaban doonaan maamulka gobolka iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka. “Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iyaga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirgelinayana waxaan shir wadatashi ah qaban doonnaa bishan Feebaraayo, shirkan oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020”. Ayuu yiri Eng. Yarisow. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka sida ay uga go’an tahay in talada lagu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yahay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah. Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto Sannadka 2020-ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015-kii. PUNTLAND POST The post Inj. YARIISOW: Waxaa naga go’an in Shacabka Muqdisho ay soo doortaan Hoggaankooda appeared first on Puntland Post.
  19. War-saxaafadeed TIX/0071/2018 February 01, 2018 Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Sidii wax looga qaban lahaa khatarta kaallimaha shidaalka ee Magaalooyinka waaweyn iyo Xeerka Shaqada iyo shaqaalaha Puntland. Amniga Puntland. Golaha xukuumadda ayaa shirkoodii maanta ku dheeraaday amniga iyo difaaca dalka iyo sidii looga sifeyn lahaa Puntland ururada argagisada ah, golaha ayaa caddeeyay in amniga iyo difaaca Puntland ay yihiin muqadas, isla markaana laamaha amnigu ay si joogta ah uga hortagaan dhammaan kharaha dalka soo wajaha Sidii Wax looga Qaban lahaa Khatarta kaallimaha shidaalka ee Magaalooyinka Waaweyn. Golaha xukuumadda ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado dhimashadii iyo dhaawicii uu sababay dabkii ka qarxay kaallintii shidaalka ee Garoowe, waxayna goluhu sheegeen in ay horey dawladu uga soo saartay go’aamo ku saabsan ka hortaga qatarta kaallimaha shidaalka oo kusoo badanayay magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay arintaan dhacdo xanuun badan oo shacabka Puntland soo martay ayna waajib tahay in si dhab ah looga hortago khatartaan, wuxuuna Madaxweynuhu ku dhawaaqay guddi wasiiro ah oo si dag dag uga hawl-gala waxka qabadka qatarta kaallimaha shidaalka iyo u-gurmadka dadkii wax-yeeladu soo gaadhay, guddigaan oo kala ah wasiirka Arimaha Gudaha, wasiirka Amniga, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, wasiirka Caafimaadka iyo wasiirka Ganacsiga Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland. Golaha xukuumadda ayaa ka dooday xeerka shaqada iyo shaqaalaha Puntland dood dheer ka dib goluhu wuxuu dib ugu dhigay khamiista danbe. Puntlandi.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo noociisa uu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada. Gaariga uu Qaraxa haleelay ayaa waxaa wehlinaayay gaari kale oo noociisu ahaa Cabdi bile, waxaana lasoo sheegayaa in Cabdi bilaha uu ka badbaaday Qaraxa. Inta la xaqiijiyay laba Askari ayaa ku dhimatay Qaraxa, halka Seddex kalane uu kasoo gaaray dhaawac culus oo qaarkood ay ku waayen xunaha jirkooda. Maamulka degaanka iyo Saraakiil Ciidan ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaanada la xiriira sida ay wax u dhaceen. Qaraxyada ugu badan ee xiligaan ku badanaaya magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa ah nooca rimuudka oo bilihii ugu danbeeyay aan suuqa ku jirin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax khasaaro kala duwan uu ka dhashay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowlada appeared first on Caasimada Online.
  21. Shirka golaha Wasiirada oo maanta uu shir gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa golahu ay dood ka yeesheen Hindise Sharciyeedka Xeerka shaqaalaha Ra’yidka ah iyo xeerka gudiga shaqada iyo Shaqaalaha iyadoona dood kadib golahu ay sharcigan oo uu soo gudbiyay gudiga shaqada iyo shaqaalaha ay meel mariyeen. Hindise sharciyeedka shaqaalaha ayaa tusmo iyo tixraac u noqon doona hananka shaqaalaysiinta shaqaalaha Ra’yidka ah. Waxaa kale oo golahu Warbixin la xiriirta Hiigsiga qorshaha Hormarinta Jubbaland ee 2020 ka dhagaystay Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah iyadoona qorshan oo qoraal ah golaha loo qaybiyay. Hiigsiga qorshaha Hormarinta Jubbaland ee 2020 waxaa uu ka kooban yahay Adeegyada Bulshada sida Caafimaadka Waxbarashada Hormarinta Magaalooyinka iyo adeegyo kale oo ay kamid tahay daadajinta maamulka iyo maamul wanaaga. Wasaaradaha Caafimaadka hawlaha guud iyo dib u dhiska iyo beeraha ayaa laga dhagaystay warbixino la xiriira hawlahii u qabsoomay 2017 iyo qorshahooda 2018ka.
  22. Taliyihii hore ee ciidamada NISA Cabdullaahi Sambaloolshe oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa Dowlada ku eedeeyay in ay lacag ku bixisay kursigii looga gooleeystay ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sanbaloolshe ayaa sheegay in Dowlada ay riixid ku sameeysay islamarkaasina lacag ka badal hal Billion oo Dollar ay ku bixisay ninkii isaga ugu guuleeystay kursigaasi. Waxa uu Sambaloolshe sheegay in Dad ka hoos shaqeeyanayo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha ay qas ku wadaan Wadanka Soomaaliya iyaga oo aan dooneeynin isaga sida uu hadalka u dhigay. Sambaloolshe ayaa Labo jeer soo noqday Taliyaha NISA isaga markii ugu dambeeysayna xilka ay ka qaadeen Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya. Hoos ka Dhageyso Codka. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Sambaloolshe.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Sambaloolshe” Siyaasiin ka Hoos Shaqeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha ayaa dalka Qasaya” appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in maanta lagu wado in la magacaabo Taliyeyaasha Hay’adaha Nabad Suggida iyo Booliska Somalia oo muddooyinkii dambe ahaa Taliye la’aan. Wararku waxa ay tibaaxayaan inay suuragal tahay in labada Taliye lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada Somalia oo iminkaba ka socda Madaxtooyada. Qorshaha magacaabida labada Taliye ayaa la sheegay inuu ahaa habbeenimadii xalay, balse mashquul jiray aawgii la filaayo in maanta oo khamiis ah la magacaabo. Xubno ka tirsan Villa Somalia oo aan xiriiro kala duwan la sameynay ayaa xaqiijiyay in xiligaani uu jiro dhaqdhaqaaq suuragalinkara magacaabida labada Taliye. Soo xulista labada Taliye ee Nabadsugida iyo Booliska ayaa waxaa sidoo kale iska kaashaday Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaraha dalka. Dhinaca kale, waxaan si rasmi ah loo xaqiijin Karin cida loo magacabi doono Taliyayaasha labada Hay’adood,wallow ay soo baxayaan warar sheegaya in lasoo celin doono Taliyayaal horay usoo qabtay labada xil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Qorsho lagu magacaabayo Taliyayaasha Hay’adaha NISA iyo Booliska oo ka socda Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ka dagay wadaadka isa soo dhiibay Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur) iyo xubno dhowr ah oo wehlinaayay. Roobow iyo xubnaha wehlinaayay ayaa waxaa Gaaroonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Mukhtaar Roobow oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa la filayaa in maanta uu magaalada Baydhabo kula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo wafdi cadaan ah oo la sheegay in halkaa ay ku sugan yihiin. Waxaa aad loo adkeeyay amniga guud ee magaalada Baydhabo gaar ahaan kan Garoonka Diyaaradaha iyo goobaha uu gaari doono Roobow. The post Sawirro: Mukhtaar Roobow oo si cajiiba loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
  25. Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Isku-dhafka ah ee Milatariga Gobolka Mudug, sida uu Puntlandi warka ku helayo. Warqad kasoo baxday Xafiiska Taliyaha milatariga dowladda federalka Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa lagu magacaabay Gaashaanle Sare (Xorreeye). Gaashaanle Sare Xorreeye waxaa uu muddo ku magacaabnaa Taliyaha Gaadiidka Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya. Wasiirro katirsan dowladda Puntland ayaa dhinaca kale ku sugan magaalada Gaalkacyo, iyagoo halkaas u tagay arrimo nabad gelyada ku saabsan iyo la socodka xaaladaha haatan ka socda gobolka Mudug. Puntlandi.com