Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,589
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War goordhow nagasoo gaaray gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Melleteriga Kenya. Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay ciidamo saad melleteri u siday deegaanka Faxfaxdhuun, dagaal culus ayaa lasoo sheegayaa in uu hadda ka socdo wada xiriirisa Girileey iyo Fax Faxdhuun. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta madaafiic lays dhaafsanayo oo aad u culus. Wixii warar ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.
  2. Buuhoodle (Caasimadda Online) – Xalay saaladdii Maqrib kaddib waxaa markii ugu horreeysay uu qarax ka dhacay magaalada Buuhoodle. Laba ka mid ah dadka deegaankaas ugu saameynta badnaa ayaa qaraxaas lagula eegtay oo halkaas ku geeriyooday iyada oo uu dhaawacyo soo gaaray saddex kale. Wali ma jirto cid qaadatay mas’uuliyadda weerarkaas walow ay tuhunno badan qabaan dadka deegaanka. Hadaba, kahor inta aysan cid qaadan mas’uuliyadda ama aan lagu shaabadeyn qolo gaar ah, sameynta deg deg ah ee kuu yeelan karo maxay tahay? Buuhoodle waa degmo ka tirsan Soomaaliya oo hoos tagta G/Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya. Hase ahaatee, waa magaalo aad u camiran oo ka weyn qaar ka mida magaalo madaxyo gobollo oo dalka ku yaal iyada oo loo sababeenayo in ay ku taal xad beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Magaalada gudeheeda ayaa u kala qeybsan Soomaaliya Iyo Itoobiya oo ay qeyb ka mid ah sheegataa Itoobiya. Taas, waxa ay keentay in shacabka reer Buuhoodle ay ka cabsadaan falcelinta ka imaan karta ciidamaa Itoobiya eek u sugan deegaanka kuwaas oo hawlgallo ka bilaabi kara Buuhoodle. Saameynta kale? Buuhoodle waa magaalo dhaq dhaqaaq ganacsi oo xog leh ka jiro waxaana ka mid ah dadka tiir dhexaadka ah bulshada reer G/Galbeed ama Raxanweyn. Sida ka dhacda Somaliland iyo Puntland haddii qarax dhaco ama falal amni darro waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsadaa dadka Raxanweynta ah ee jooga deeganaas, taas ayaa dhalisay cabsi ay qabaan dadkaas ku dhaqan Buuhoodle in ay dhibaato u geystaan.
  3. Muqdisho (Caasaiamada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia waxaa bishii July, 2018 ka dhacay dilal qorsheysan oo aad u badan kuwaa oo lala eeganaayay shaqaale dowladeed, Askar iyo dad rayid ah. Dilalka July ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo geystay dad xiliga la dilaayay intooda badan ku guda jiray shaqo maalmeedkooda. Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley, Waaberi iyo Howlwadaag kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Bishii July ayaa lagu tilmaami karaa bisha ugu dhibaatada badneyd oo sanadkaani soo marta Muqdisho waxaana dadka la dilay ay gaarayan ilaa 31 ruux. HOOS KA AKHRISO DILKII MUQDISHO KA DHACAY BISHII JULY 2018 1- July 01 2018, Waxaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir lagu gowracay Ganacsade magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ganacsatada Suuqa weyn ee xoolaha ee isla Degmada. 2-July 2, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Xasilinta ee DFS ayaa Wiil dhalinyaro Mooto Bajaajle ah ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Barkontorool oo ku yaala halka loo yaqaano sarta Seybiyaano kaa oo lagu magacaabi jiray Shuceyb. 3-July 2, 2018,Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa Isgooska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku dilay Mooto bajaajle ay ka shakiyeen. 4-Jul y3, 2018, Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkaan Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah, kaa oo suuqa ku iibinaayay kabo. 5- July 6, 2018, Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Deerow Dhaqane Maxamed. 6- July 8, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgooska Debka ee magaalada Muqdisho ku dilay nin asal ahaan kasoo jeeday dalka Yemen oo halkaa ku lahaa Dukaan lagu iibin jiray alaabaha Hidaha iyo dhaqanka. 7- July 9, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa askari kamid ah ciidamada Xasilnta ku toogtay xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid. 8- July 9, 2018, Askari ka tirsan ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Minishiibiyada ayaa lagu dilay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkiisa ka danbeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. 9-July 10, 2018, Nin lagu magacaabo Cabdi Cali, ayaa Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako ku dilay wiil la dhashay oo kala dhexeeyay muran hantiyadeed. 10- July 9, 2018, Waxaa isgooska maanaboolyo lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo dilkiisa uu ku saleysnaa muran kala dhexeeyay gacan ku dhiiglaha. 11- July 12, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta Macalin Nuur ee degmadaas ku dilay Haweeney la sheegay inay ganacsato aheyd. 12- July 16, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Jamhuuriyada aagga Masjidka Turkiga ku dileen askari ka tirsanaa Guutada 2-aad ee ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cumar. 13- July 18, 2018, Ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa Nabadsugida ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer ku dilay qof shacab ah kaa oo waday gaari iska roge ah kadib markii uu dhexda u galay kolonyo ka tirsan ciidamada NISA. 14- July 18, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa agagaarka baar ha i dhaafin oo kala qeybisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo ka howlgalaayay baarkoontarool oo ku taala baar ha idhaafin. 15-July 19, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Shaaciye ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Xasan Cartan Siyaad. 16- July 21, 2018, Maleeshiyaad hubaysab ayaa suuqa Khudaarta ee Bakaaraha, gaar ahaan dhanka xigta Degmada Hodan ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo dadka ay ku sheegeen inuu ahaa baalashle/caseeye. 17-Jul 22, 2018, Askari ka tirsan dowlada Somalia ayaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal gaadiid BL kadib markii uu diiday Seddex kun oo sh/Soomaali ah. 18-Jul 22, 2018, Maleeshiyo hubeysnaa ayaa Xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya,iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday. 19-Jul 22, 2018, Macalin dhiga Dugsi Quraan ayaa xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wartanabada ku dilay mid ka mid ah ardayda Dugsigiisa oo Gabar yar aheyd. 20-Jul 23, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada ayaa Xaafada Macmacaanka ee degmada Dharkenley Gobolkan Banaadir ku dilay nin Mooto bajaajle ahaa oo uu muran dhexmaray taas oo keentay in askriga uu dhowr xabadood ku dhufto Darawalka mooto Bajaajka. 21-Jul 23, 2018, Maleeshiyaad ku hubeynaa bastoolado ayaa Degmada Dharkiinley ku dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Militeriga. 22- July 24 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada NISA oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri, Waxa uuna mar soo noqday Taliye ku-xigeenka NISA Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir. 23-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysna bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay xaafada Barmuudo xili uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa. 24-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Waxda Shooriyada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay 72 sano jir kamid ahaa ergadii xildhibaanada ku soo dooratay magaalada Baydhabo. 25-July 26 2018, Askari ka tirsan Minishiibiyada dowlada ayaa lagu dilay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan sidaa uga sii fogeyn xarunta Degmada. 26-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgooska Suuqa Bakaaraha ku toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu halkaa ka raaci lahaa mooto bajaaj. 27-July 26 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee G/Banaadir gaar ahaan agagaarka Suuqa Beerta ku dilay Wariye ka tirsanaa TV-ga SBS oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Qaasim Iimaan. 28-July 26 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliya ayaa agagaarka Suuqa Beerta ee degmada Waaberi waxa uu si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. 29-Jul 29, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha waxa ay ku dileen laba xidigle ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Laba Xidigle Maxamed Axmed Maalin ayaa ka tirsanaa Saldhiga degmada Hodan. 30-Jul 30, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Kaawa Godey ee gobalka Banaadir ku dilay ruux la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka isla markaana shacab ahaa. 31- July 31, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xilliga la dilaayay ku sugnaa goob Maqaaxi oo Shaaha laga cabo, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdi Muuse. Dilalka dhacay bishii July 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia, iyadoo aanu jirin wax hadal ama dareena ay ka muujisay dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeedda Puntland ee Dawlada Federaalka intooda ku sugan magaalada Garowe ayaa shir albaaabadu u xiran yihiin laleh golaha wasiirada Puntland oo uu shir gudoominaayo madaxweyne Cabdiwali Gaas. Kulankan gaarka kuma sugna xubnaha Dawlada Federaalka ee aan kasoo jeedin Puntland oo uu kamid yahay raisul wasaare Xassan Cali Khayre. Shirkan oo ay saxaafadu dibad joog ka tahay ayaa hor dhac u ah shirar guud oo ay yeelanayaan illaa maanta xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada isugu jira ee Dawlada Federaalka iyo xukuumadda Puntland kuwaas oo xooga lagu saaraayo xalinta mad-madowga soo dhex galay labadda dhinac. Isla Garowe waxaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiiradda Dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Waa markii ugu horaysay taariikhda oo magaalada Garowe iyo guud ahaan degaanada Puntland lagu qabanaayo shirka golaha wasiiradda xukuumada Federaalka ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee DFS oo shir gaara laleh xukuumada madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.
  5. Buuhoodle (Caasimadda Online) Waxaa faafaahin dheeri ah laga helayaa qarixii xalay ka dhacay magaalada Buuhoodle oo ay saraakiisha sar saree e Khaatumo ka tirsanaa ku dhinteen. Sid la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay wasiirkii hore ee amnig Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal). Sidee ayuu Qaraxo u dhacay? Qaraxa oo la sheegay in uu dhacay salaaddii Maqrib kaddib ayaa saraakiisha lala eegtay iyaga oo taagan afaafka hore ee Masjid Jaamac oo ku yaal bartamaha magaalada. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah qaraxu ma ahayn mid lagu fuliyey gaari laakiin waxaa is miidaamiyey naftii haligge watay sun. Nafitii haligaha ayaa ku dhawaaqay halkii ay taagnaayeen madaxda qaraxa kahor inta uusan is qarxin. Xalay waxaa durbadiiba la aasay kaddib markii jirkiisu googa’ay Axmed Maxamuud Doolaal balse saaka ayaa isna la aasay Cabdifataax Maxamed Cali (Cabdifataax Reegal). Ma jiraan dhaawacyo? Sida Caasimadda Online loo xaqiijiey marka laga yimaado labada mas’uul eek u dhintay qaraxa waxaa jira saddex dhaawac oo hadda lagu dabiibayo cisbitaalka magaalada Buuhoodle.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Booqashada M. Farmaajo ee Dalka Eritrea ayaa laga muujiyey guulo iyo rajo wayn oo usoo hoyatay labada shacab iyo labada dawladood, sidoo kale cabsi ayaa laga muujiyay isbedelada gobalka iyo dawrka madaxda Eritrea? HADABA QORMADAAN KOOBAN WAXAAN IS BARBAR-DHIGAYNAA RAJADA IYO CABSIDA: Somaaliya & Eritrea waxaa ka dhaxeeyay xiriir sokeeye mudo ka badan 1000 sano kaas oo ku salaysnaa; deegaanka Geeska Afrika, soo gelitaankii Diinta Islaamka Geeska Afirika, Dagaaladii dhex maray Muslimiinta Geeska Afrika iyo Kirishtaanka, Dawladihii Islaamka ee Geeska Afrika soo maray, Boqortooyadii Islaamka ee Turkey ee Geeska Afrika, Gumeystihii Talyaaniga ee wada qabsaday Somaaliya iyo Eritrea Ciidamadoodina is ku bedelay iyo Halgankii xornima doonka labada shacab iyo hiiladii ay isa siiyeen iyo abaalka ay isku leeyihiin. Eritrea waxa ay xor tahay 25 sano kaliya, halka Somaaliya ay xor tahay 58 sano lkn intii ay Eritrea xorta aheed Somaaliya waxa ay ku jirtay Dawlad la’aan, dagaal sokeeye iyo taag dari awoodeed, halka Eritrea na ay ku jirtay dagaal deriskeeda Ethiopia iyo Go’doomin beesha Caalamka gaar ahaan Afrika iyo IGAD. Kulankaan labada Madaxweyne waa kii ugu horeeyey ee dhexmara labada dawladood iyo labada Madaxwayne oo rasmi ah kadib xorriyadii labada dal, rajada laga filan karo ayaa ah; 1-In si wada jir ah looga qeyb-qaato is bedelada Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo Bulsho ee Gobalka ka socda. 2-In la heshiisiiyo Jabuuti iyo Eritrea, kaalin -na ay ka qaataan M.Farmaajo iyo RW Abiy Ahmed. 3-In Mandiqada lagu soo dabaalo Nabad iyo Xasilooni, loona horseedo horumar dhaqaale iyo mid bulsho. 4-In Eritrea lagu soo celiyo IGAD, Afrika iyo Beesha Caalamka, lagana saaro Go’doominta iyo faquuqa. 5-In la xiro xarumaha iyo Saldhigyada Jabhadaha iyo Mucaaradka Somaaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Sudan ee dalka Eritrea. 6-In la isla fahmo qaabka loola dhaqmayo Quwadaha waawayn ee ku loolamaya Geeska Afrika gaar ahaan America iyo China. 7-In la isla fahmo khilaafka ka dhexeeya Carabta iyo faragelinta ay ku hayaan Geeska Afrika iyo dhibaatada ka socota Yemen iyo saamaynta ay ku leedahay Geeska iyo sida ay ugu fashilmeen dawladaha Carabtu gaar ahaan Khaliijka. 8-In dawlad kasta ay aqoonsato Siyaadada iyo Jiritaanka dawlada kale isna wada ixtiraamaan dawladaha Geeska Afrika. ARIMAHA CABSIDA LAGA QABO WAXAA KA MID AH: 1-In Madaxda Eritrea ay is xigsiiyaan ama si gaar ah ugu dhawaadaan Ethiopia, Somaaliya iyo Jabuutina gaar u riixaan. 2-In Eritrea ay Isarael fursad u siiso in ay soo dhex gasho soona fara geliso arrimaha Geeska Afika, maadaama ay saldhig ku leedahay Eritrea. 3-In Jabhadihii ay Eritrea hoyga u aheed kusoo fidaan Somaaliya haddii xarumaha laga xiro culaysna ku noqdaan sidii dhacday 1988 markii M. Siyaad Barre iyo Mingisto heshiiyeen. 4-In Afawerk iyo Abiy Ahmed u weecdaan ama u bataan dhinaca Emaaraatka, Somaaliya iyo Jabuutina culeys ku saaraan in ay lumiyaan dhex-dhexaadnimadii khilaafka Khaliijka. 5-In M. Afawerk laga bedeli- waayo dhaqanka Jabhadnimada, lana qabsan-waayo Siyaasadaha fur-furnaanta iyo Dhaqaala abuurka Geeska Afrika ka socda. Hadaba waxaa soo dhaweyn iyo taxadar mudan xiriirka cusub ee u bilawday Somaaliya iyo Eritrea. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Garoowe (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa booqasho aan sidaa loosii shaacin ku tagay Hooyga uu magaaladaasi ka degan yahay Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay hooyga Faroole waxa ayna labada mas’uul halkaa ku yeesheen kulan muddo qaatay. Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sanator Faroole ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin adkeynta dowladnimada, arrimaha doorashooyinka ee maamul goboleedyada iyo dadejinta wada hadalka Somaliland. Sanator C/raxmaan Faroole oo la hadlay saxaafada kulanka kadib ayuu yiri “Ra’iisul wasaaraha ayaa gurigeyga igu soo booqday, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta dalka, waxaan isla soo qaadnay wada hadalka Somaliland sidii loo dadejin lahaa” “Waxaan rajeyneynaa in Ra’iisul wasaaraha uu ka dhabeyn doono dhammaan arrimahaasi ee aan sida gaarka ah uga wadahadalnay anagu waxaanu dooneynaa in dowladnimadu gaarto heer wanaagsan” Sidoo kale, Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo mar soo ahaa Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa carab ***** in rajadiisu ay tahay mid wanaagsan isla markaana uu Ra’isul wasaaraha dhaqan galin doono miraha kasoo baxay wadahadalkooda. Khayre ayaa booqasho todobaad qaadatay iminka ku jooga magaalada Garowe, halkaasi oo maanta oo la qorsheynayo inuu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Qatar ayaa si caro leh u beenisay warar sheegaya in muwaadiniinteeda ay ka hor joogsatay in ay u safraan dalka sacuudiga si ay uga qeyb qaataan acmaasha xajka ee sanadan 2018-ka. Qoraal kasoo baxay Qadar ayaa waxaa lagu sheegay in wararkaasi beenta ah ay baahisay dowlada Sacuudiga, hase yeeshee Qadar aysan ka suuroobin in dad cibaado doon ah ay is hortaag ku sameyso. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada diinta iyo awqaafta Qadar ayaa sheegay in muwaadiniintooda ay ku guda jiraan safarkooda dalka Sacuudiga si ay usoo gutaan waajibaadkooda, waxa ayna beeniyeen in khilaafka kala dhexeeya Sacuudiga uu saameeyay cibaadada. Qoraalka Qadar ayaa waxaa lagu yiri “Khilaafka nagala dhexeeya Sacuudiga saameyn kuma yeelan doono arrimaha shacabka iyo cibaadada waana beenineynaa eeda sacuudiga” Wasaarada ayaa intaa ku dartay in xajka uu ka mid yahay shanta tiir ee islaamka ayna arimahan kala xiriireen dhigooda sacuudiga. Dowlada Qatar ayaa meesha ka saartay in siyaasada iyo acmaasha lagu waajib yeelay muslimiinta aysan isku xirneyn. “Qadar ma gaarin heer ay acmaasha la meeldhigto siyaasada, shacabkeenu kama hor joogsan xajka mana dhici doonto” Sidoo kale, dowlada Sacuudiga ayaa gudaha asbuucan shaacisay in dalkeeda uusan soo gaarin muwaadiniinta u dhashay Qatar ee gudanaya waajibaadka,sida uu sheegay Khalid bin Faisal Al Saud oo ka hadlay arimaha xajka. Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Qadar iyo Sacuudiga oo khilaafkooda uu meel xun gaaray ayaa waxa uu xiriirkooda xumaaday bartamihii sanadkii la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland goor dhow ka furmi doona shir labba geesooda oo ay yeelan doonaan gollaha wasiirada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo golaha wasiirada Puntland. Shirkan oo ka qabsoomi doona hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyada Puntland ayaan si dhaba loo ogayn waxa ay kawada hadli doonaan labadda dhinac, hase ahaate waxaa la filayaa inay ka doodi doonaan xiriirka iyo wada shaqaynta Dawlada dhexe ee Soomaaliya iyo Dawlada Puntland. Marka uu shirkaasi soo idlaaddo isla Garowe waxaa ka qabsoomi doona shirka khamiislaha ee gollaha wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya oo shirkaas kaga hadli doona shaqooyinkoodii caadiga ahaa ee ay kaga doodi jireen shirarka khamiislaha ee ay todobaad walba yeeshaan. Shirarkan ayaa kusoo aadaaya kadib khilaaf meel sare gaaray oo soo kala dhex galay Dawlada Federaalka iyo Puntland kadib markii raisul wasaare Xassan Cali Khayre uu ka gaab-saaday inuu qayb ka noqdo dhagax dhiga dekadda degaanka Garacad, wuxuuna khilaafkaasi sababi gaaray inuu maanta baaqdo shirarkan qorshaysnaa. PUNTLAND POST The post Shirarka Golaha wasiirada Puntland iyo Dawlada Federaalka oo ka dhacaaya Garowe appeared first on Puntland Post.
  10. The former Ethiopian dictator Colonel Mengistu Hailemariam has met with Ethiopia’s former Prime Minister Hailemariam Desalegn in Zimbabwe’s capital Harare on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  11. The former Ethiopian dictator Colonel Mengistu Hailemariam has met with Ethiopia’s former Prime Minister Hailemariam Desalegn in Zimbabwe’s capital Harare on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  12. It's summer and the sun is slowly setting over the hilly green space near Fozia Ismail's house in Bristol. Her husband Andy opens the door as Foz, as she likes to be called, makes final preparations in the kitchen. Source: Hiiraan Online
  13. Djibouti, an increasingly strategic nation in the Horn of Africa, has condemned last week’s call by Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed for the lifting of U.N. sanctions against Eritrea. Source: Hiiraan Online
  14. Global maritime piracy may see its first significant increase by the end of this year since the height of the Somali piracy in 2010. Source: Hiiraan Online
  15. A woman accused of being a member of Al Shabaab terrorist group has told a court that police arrested her when she went to visit her brother in a boarding school in Kajiado. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay xubnaha sare ee maamulka, taasi oo shaqadii gobolka habsaamisay. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaafka uu u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa sida; Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulah) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasada, Xuseein Maxamed Nuur Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Maamulka & Maaliyada iyo Cumar Abdirisaak Xuseen, Xoghayaha Guud ee Ggobolka Banaadir, iyadoo arrinta ugu weyn ee la isku haayo ka mid tahay awoodaha maamulka. Yariisow ayaa la sheegay in ku-xigeenadiisa aysan shaqada uga dambeyn, una arkaan qof la siman ama ayaga ay ka sareeyaan, ayaga oo isku haleynaya awood isaga ka sareysa, sida aan xogta ku heleyno. Dhammaan ku xigeenada Yariisow ayaa ku kala xiran madaaxtooyada ama xafiiska raiisul wasaaraha, taasi oo siisay awood dheeri ah, oo ay ku qaadaan tallaabooyin isaga uusan ka war-hayn. Qaar ka mid ah xubnaha gobolka ayaa Yariisow u arka inuusanba gobolka maamulin oo uu magac u yaal yahay. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wada shaqeyn la’aanta ka dhaxeysa xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir laga cabsi qabo inay keynto is bedel degdeg ah, waxaana xubnaha Maamulka ee is haya uu mid walba uu isku halaynayaa oo uu si gaar ah ugu xiran yahay Xafiisyada Madaxda sare ee dowladda. Wararka ayaa sheegaya in isbeddel kasta ay u badan tahay inuu ku baxo Yariisow, maadaama uu ugu awood yaryahay xubnaha maamulka gobolka, ayada oo ku xigeenadiisa ay ku xiran yihiin madaxda sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa u yeeratay safiirkii ka jooga magaaalda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan ayada oo aad uga carreysan in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Eritrea. Eritrea ayaa waxa ay haysataa dhul ka mid ah dalka Jabuuti, waxaana Jabuuti ay sheegtay in ayada oo taas jirto uu madaxwenaha Soomaaliya dalbaday in Eritrea laga qaado cunaqabateynta ay tahay arrin aysan ka fileyn Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay shaklay safiirka Djibouti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa lagu yiri “Qaran ahaan, Soomaaliya waxaa ay xiriir la yeelan kartaa dalalka kale ee gobolka, laakin wax la aqbali karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo heysata dhulkeenna, isla markaana inkirtay inuu dhul Djibouti yahay. Waxaa xikmad ahaan laheyd in qoraalka ay ku darto Soomaaliya inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea iyo Djibouti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed” Safiirka ayaa qoraalkaas soo saaray isaga oo ku sugan magaalada Jabuuti, waxaana xog cusub oo soo baxday ay sheegeysaa in safiirka loo yeeray, ee aanu halkaas iska tagin. Xiriirka labada dal ayaa lagu warramayaa in iminka uu yahay mid aad u xun, oo aanu jirin wax xiriir ah oo gebi ahaan dhex-maraya, lamana yaqaan sida lagu xalin doono iyo cidda kala dhex-gali doonta. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  18. Anakara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya inaysan marnaba ilaawi karin abaalka wanaagsan ee ay ka heshay dowladda Jabuuti oo ciidankeeda ay joogaan Somaliya. Jabuuti ayaa si wayn kaga carootay hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay Magaalada Asmara, kaasi oo ahaa in xayiraada hubka laga qaado dowladda Eritrea. Warbixin uu soo dhigay Xasan Sheekh Boggiisa xiriika Bulshada ee Facebook, ayaa u dhiugneyd sidan:- Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka. Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda. Suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay. Waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha HIIL WALAAL ee naftooda Soomaaliya u huray. Dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin. Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan NAFTA. Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen. Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa CARRUUR ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya. Sidoo kale meeqa MARWO AYAA SAYGII AY JECLAAYEEN ku waayay Soomaaliya ama meeq HOOYO ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya. Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan MOWQIFKA ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya. Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay: “HIIL WALAAL MA HUNGOOBO” Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Kadib markii Ra’isal wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre cududaar ka bixiyey dorraad ka qayb galka munaasabad dhagax dhig ah ee loo sameynayey Dekad laga dhisayo Garacad ”Gobolka Mudug” ayaa waxaa soo baxay khilaaf ka bilowdey kaasoo saameyn ku yeeshey kulamo la filayey iney dhexmaraan Puntland iyo Federaalka. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Soomaaliya soo kala dhexgaley xiisada siyaasadeed ee ka bilaabatey dhagax dhig loo sameeyey dakad la sheegey in laga dhisayo Garacad. Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kala hadlay Madaxweyne Gaas ayaa sida aan wararka ku heleyno ka codsadey in xiisada uu qaboojiyo. Dhinaca kale in qayb ka tirsan golaha xukuumada Soomaaliya ayaa shalay waxay ka soo dageen garoonka diyaardaha magalada Garowe kuwasoo qorsheynaya iney ka qayb galaan kulan horey la filayo inuu dhexmaro golayaasha xukuumada Puntalnd iyo Federaalka. Xogta ayaa sheegeysa in qaar ka tirsan golaha xukuumada Puntland kulan ay la qaateen Madaxweyne Gaas habeenkii xalay aad uga biyo diidan qabsoomida kulankaan. Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa shalay ka baaqsadey xaflad qalan jabin ah ee ka dhaceysay jaamacada PSU Halkaas oo uu goob joog ka ahaa RW Khayre. Xigasho: Garowe Online
  20. Kowdii August, 20 sano ka hor waa markii la saasey maamulkii u horeeyey ee federaal ah oo ay ku mideysan yihiin shan gobol iyo degmada Buuhoodle, warka laga reebo Bariga Mudug. Sanadkasta tan iyom 1999 waxaa Puntland laga xusaayey maalinta Puntland ee 01-da Agoosto marka laga reebo 2001-2002 oo Puntland xiisado colaadeed ka aloosnaayeen. 01-da Agoosto ayaa ah maalin dastuuri ah oo fasax ah, sida maalmaha kale ee ciidaha. 01-da Agoosto waxay u taagan tahay mid kamid ah calaamadaha ugu weyn ee maamulka Puntland, unkidda maamulkii u horeeyey ee federaal ah yo baadi goobkii dowlad Soomaaliyeed oo lawada leeyahay. Sida taariikhda lagu hayo 01-da Agoosto waa maalintii u horeysay ee la dhaariyey Baarlamaan Puntland yeelato isla markaana ay yeesheen fadhigoodu u horeeyey iyada oo horey ergooyinku u soo doorteen Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo ku-xigeenkiisi Maxamed Cabdi Xaashi. Maamulada soo marey Puntland ayaa si weyn ugu kala duwan xuska maalintan oo kale, waxaana xuskii ugu weynaa loo sameeyey sanadkii 1999 oo u ekaa mid milteri iyo sanadkii 2009. Marka laga hadlaayo 20 guuro waxaa lagu xusaa si ka weyn sidii hore maadaama ay tahay muddo ku filan jiritaan, qaar gaarnimo iyo horumar. Xusid la’aanta sanakdan ee 01-da Agoosto Guud ahaan maamulka Puntland ayaan laga dareemin 01-da Agoosto ee ku beegan 20 guuradii Puntland. Marka laga hadlaayo xuska waxaa ku bixi jirey dhaqaale badan kaas oo siyaabo kala duwan loo lunsan jirey, Puntland waxaa ka jira dhaqaale xumo aad u ba’an taas oo sababtey in Dowladdu bixin weydo 2018 oo dhan wax mushahar ah, waxaana dad badan ku doodaan in aan loo baahneyn xus lagu burburiyo dhaqaale si kale looga faa’ideysan karo, waxaa la is weydiinayaa sababta u diidey madaxweynaha in uu xitaa soo saaro baaq tahniyad iyo hambalyo ah haddii uu ka gaabsadey xusbkii uu maalmaha u diyaar garoobayey sababo maalmahan dhashey awgeed. Booqashada Kheyre Waxaa jira wraar ilaa maanta ka soo baxayey qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Xukumadda Cabdiweli Cali Gaas kuwaas oo sheegay in Raysalwasaare Kheyre dartiis loo baajiyey xafladdii 20 guurada ee Puntland ee raysalwasaaruhu u yimid in ay ka qayb-qaataan, maadaama uu ka baaqsadey in uu ka qaybqaato dhagax dhigga Dekadda la sheegay in laga dhisaayo Garacad oo lagu marti-qaadey. Haddaba waxaa is weydiin mudan 01-da Agoosto miyaaney ahayn maalin dastuuri ah maxaa isku xirey xuska 01-da Agoosto iyo Raysalwasaare Kheyre. 10 bilood ee la soo dhaafey ayey u ahayd xukumadda Cabdiweli Cali Gaas kuwii ugu xumeyd ee soo mara, bishii Dismeembar 2017 waxaa baaqdey bandhig uu Madaxweynuhu ku sheegi jirey isla xisaabtan oo qalin iyo waraaq la hor fariisan jirey isla xukuumadiisa kuwaas oo soo bandhigi jirey wixii u qabsoomay sanadkaas, bandhiggan ayaa u ahayd Madaxweynaha waxybaaha ugu waaweyn ee uu ku faani jirey, inkasta oo xukuumaddu ay ahayd cid ka madaxbanaan sida Baarlamaanku in ay la xisaabtamaan. Sideeda janaayo 2018 oo ahayd maalin kale oo aan dastuuri ahayn laakiin Madaxweynuhu xusi jirey maalintii loo doortey xafiiska ayaa sanadkan baaqatey kadib markii Somalilaan ay caasimadda Puntland kaabiga ku soo qabteen duulaana kula wareegeen Tukaraq. Bishii May 14 iyo 24 keedi waxaa Tukaraq ka dhacay dagaalo culus kuwaas oo sababey dhimasho iyo maxaabiis la kala qabsado, laakiin aan Puntland u horseedin guul ay Somaliland uga saarto gobolka Sool. Ugu danbeyntii baaqashada xuska 01-da Agoosto 2018 ee labaatansano guuradii Puntland ayaa noqoneysa markii u horeysey iyada oo wax xiisad ah ama siyaasad iska soo horjeeda aysan Puntland ka jirin, iyada oo weliba uu Garoowe ku sugan yahay Raysalwasaarihii Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaliga ah. Maxamed Cismaan Horseed Media
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay godob siyaasadeed ka tirsatay dowlada Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Jabuuti waxa ay sheegtay in Somalia ay u muuqaneyso mid uga hiilineysa dowlada Eriterea hayeeshee la doonaayo inay ka laabato dalabka Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eriterea. Dowlada Jabuuti waxa ay kaalin weyn kaga jirta dowladaha gurmadka u fidiyay Somalia tan iyo wixii ka danbeeyay burburka Somalia. Jabuuti waxa ay ku andacooneysaa in wakhtibadan ay u hurtay Somalia si ay uga ambaqaadi laheyd halka ay dhowr sano ka hortiilay, hase yeeshee dowlada Somalia oo ay ku badan tahay dhaliilaha ayaan ka fiirsan ilaalinta shacuurta dowladaha kale ee saaxiibada la ah. Jabuuti waxa ay fileysay in Somalia ay ku doodi doonto in marka hore Eriterea ay dib u celiso dhulka ay ka heysato Jabuuti, balse ma noqon sida ay arrinku mooday, waxa ayna Farmaajo iyo Afwerki ahaayen kuwo kulamadii dhexmaray uga hadlay arrimahooda gaarka ah. Waxa ay dowlada Jabuuti siyaasad ahaan is khilaafsan yihiin dowlado dhowr ah oo dhaca Qaarada Africa sida Eriterea iyo Ethiopia oo dhawaan ay ka heshiiyeen khilaafka. Waxaa muuqaneysa in Jabuuti ay dhowr jeer ku celcelisay in Eriterea oo dal ciidan ah looga qaado dhulkeeda, hase yeeshee ma aysan dhicin in dalabkeeda dhag loo raariciyo. Haddaba Madaxweyne Farmaajo oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciid Geele ayaa waxaa la gudboon 2 arrin midkood si aan loo didin Jabuuti kuwaa oo kala ah:- 1-In Madaxweyne Farmaajo uu raali galin degdeg ah ka bixiyo dalabka uu aduunka u jeediyay ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eriterea. 2-In wadahadal iyo waan-waan degdeg ah uu ka dhex bilaabo Eriterea iyo Jabuuti, isagoo adeegsanaya dowladaha saaxiibada la ah labada dal sida Ethiopia, Ugandha, Kenya iyo Sudan. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo dhaliisha kaga imaaday dowlada Jabuuti ku noqotay mid lama filaan ah ayaan la garan doonin waxa uu ka yeeli doono carada kaga imaaday Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, inta badan dowlada Somalia ayaan xor u aheyn cabirka aragtida, iyadoo ay hubaal tahay in dhaliilo heer xun gaari kara ay kaga imaaneyso dowladaha kale maadaam Somalia tahay mid aan isku filneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Marti sharaf, Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan dareemayaa farxad aad u weyn markii aan soo dhaweynayo – anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo xukuumadda Eritrea Xidhiidhada taariikhiga ah ee u dhexeeya dadweynaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku lug leeyihiin muwaadiniinta ka soo baxay Geeska Afrika qaybta koonfureed ee Jasiiradda Carabta iyo Waqooyiga Afrika ka hor intaanay soo galin gumeysiga Galbeedka ee gobolka. Intaa waxa dheer ka dib markii bilawgii gumeysiga reer galbeedka, wada-xaajoodka iyo addoonsiga saaxiibtinimada iyo midnimada labada dadkeena waxaa lagu xoojiyey marxalado kala duwan iyo qaabab iska caabin ah oo ku saleysan xukunka. Muddadii dagaalkii qaboobaa ee ku soo kordhay kadib markii la joojiyay, xidhiidhka adag ee u dhexeeya labadayaduba waxay gaadheen heerkiisii ​​ugu dambeeyay si ay u noqdaan xidhiidhka ugu dhow ee Geeska Afrika, Waxaanu ku faannaa taariikhdan Ixtiraamka dadka Eretria ee dadka walaalaha ah ee Soomaliya xaqiiqdii waxay ku qanacsan yihiin qaddarintan taariikhiga ah. Mudane Madaxweyne, Waxaan wax badan ka bartay caqabadaha horey u soo maray tobankii sano ee la soo dhaafay ka dib dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, maaddaama aanu dhammaanteen bilaabannay – sida Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya iyo Suudaan – iyaga oo si xamaasad leh ugu socda dhismaha qaranka iyo markii waxay u aragtay in ay jirto jawi ku habboon isdhexgalka istaraatiijiyadeed ee gobolka. Dhismaha wadajirka ah waxaa lagu xakumay qowmiyadda iyo qabiilka, iyo burburinta; … horumarinta dhaqaalaha iyo barwaaqada waxaa lagu beddelay iskudhafnimada saboolnimada iyo gaajada oo ay weheliyaan xayiraad dibadeed iyo tuugo gudaha ah midnimada iyo madaxbanaanida dowladaha madaxa banaan ee ay kufilan yihiin micnaha isdaba marinta ee dhex mara hay’adaha Qaramada Midoobey iyo NGO-yada. iskaashiga gobolka iyo isafgaradku uu ku fidiyo dhibaatooyinka xuduudaha iyo dagaalka nabadda iyo xasiloonida gobolka ee ku salaysan kheyraadka gudaha iyo awoodaha oo ay hoos u dhigtay dhibaatooyinka ba’an ee hoosta ku xusan “nabad ilaalinta” iwm. Liiska ayaa dheer Marka la eego xaqiiqooyinka dhabta ah, dhexdhexaadinta iyo ballaadhinta gobollada ee magaca diinta, Dhaqanka dhaqameedka, ee fikradaha xagjirnimada kala duwan, argagixisanimada, burcad-badeednimada, tahriibinta dadka, iyo sidoo kale ganacsiga hubka iyo daroogada ayaa noqday New Normal ama “ganacsi sida caadiga ah”. Dadka reer Eritrea waxay muujiyeen adkeysi aan caadi aheyn oo ay kaga hortagaan in ay carqaladeeyaan dhamaan noocyada kala-dambaynta ah ee lagu soo diray. Way ka adkaadeen xitaa xadgudubyada iyo cadaadiska ay u geysteen iyaga oo aan loo ogolayn. Dadka Itoobiyaanka ahi waxay ku guuleysteen siyaasadda qowmiyadaha iyo shuruucda shisheeye. Waxay horay u socdaan si deg deg ah oo loogu talagalay iskudhafinta iyo xoojinta nidaam siyaasadeed oo heer qaran iyo mid siyaasadeed oo sax ah. Shaki kuma jiro in dadka Soomalidu ay sida ugu dhakhsaha badan ula safrayaan dadka Itoobiya iyo Eritrea. Mudane Madaxweyne, Aniga waxaan mar kale ku celin doonaa xukunkayga ku saabsan waxtarka go’aanka ah ee dadka Soomaaliyeed ee ku jira mashaariicda waawayn ee aan si wadajir ah u shaqaynayno. Markaan tixraacayo, waxaan idiin rajeynayaa guusha ugu wanaagsan ee aad ku jirto dadaalkaaga aadka u culus si aad uga gudubto caqabadaha hortaagan iyo kor u qaadista iskaashiga labada dhinac iyo gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka Waan ku mahadsanahay. W/T: Cabdiraxmaan Rashid Axmed (Dalmar) Suxufi madax banaan Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay tabashada saami qaybsida ee Beelaha darafyada, ee Doorashada Golaha Wakiilada, iyo Kootada loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay, waxaanu xusay in aanay suurtagal ahayn in saami qaybsi wakhtigan la sameeyo, Kootana loo qoondeeyo Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay. Mudane Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka Ceel-afweyn iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Qof waliba si buu wax u arkaa, maalin dhawayd waxaan daawanayey Prof:Axmed Ismaaciil Samatar Iyo nin kale oo ka hadlaayey Boorama, oo lahaa si cadaalada waxba looma qaybsan, had iyo goor waxa carabka lala dhacaa Beesha Dhexe, wax dheeraad ah oo ay sidato Beesha Dhexe oo Golaha Wakiilada ahi ma jirto, Golaha Wakiiladu wuxuu ku saleeysan yahay 33 kursi ee 1960 ee ahaa 2.5, sidaas ayuu Kursi waliba maanta u joogaa, wey jiraan in meelaha qaarkood aanay helin kuraastii ay xaqa u lahaayeen gaar ahaa Gobolka Sool, oo kuraastii ay heli lahaayeen ee Golaha Wakiilada waxbaa ka maqan, taas Somaliland may sameeyan, laakiin dadka deegaankaas ayaa sameeyey oo Doorashadii diiday, oo heshiiskii iyo nidaamkii Doorashada, iyaga ayaa diiday, oo yidhi geli mayno, waxyar baa ka galay.” Mudane Cabdillaahi Jawaan, oo ka hadlaya sababaha keenay in gobalka Sool uu waayo saamigii uu ku yeelan lahaa golaha wakiillada oo sax ah, ayaa yidhi, “Komishankii ugu horeeyey ee Doorashada, oo aan ka mid ahaa aniga, ayaaba gacanta ku haynay, markaas waxaanu isla garanay waxan la yidhaahdo is xanbaarka, oo Rag aan la soo dooran oo liis lagu soo qoray, inay mataalan, dadkii aanay deegaanadooda Doorashadu ka dhicin, Sool iyo Sanaag Barri, oo Sanaag Barri, Doorashadu wey ka dhacday. Laakiin in Sool, waxaa la isla garay in dad Wakiil ka ah dadka Deegaankaas golaha lagu soo daro. Markaas Gobolkan Sool waxa ka maqan dad badan oo miisaankooda leh, marka loo eego 1960, arintana Beesha Dhexe kumay sameyn, cid kalena kumay samayn, ee is afgaran waagii iyo diidmada aanay berigaas doorashada aanay caadi u galin ayaa keentay. Imikana haddii ay doorashadii caadi u galaan, waxaan filayaa inay helayaan waxay doonayaan.” Waxa kale oo uu siyaasi Cabdillaahi Jawaan ka hadlay, in doorashada Somaliland aanay ku salaysnayn qaabka ah saamiqaybsi dhinaca qabiilka ah, balse ay ku salaysantahay goballo, isaga oo arrintaas sharraxayana waxa uu yidhi, “Asal ahaan doorashadu waxa ay ku saleeysantahay qabiil ma’aha, waa goballo. Waxa ay doorashadu ku saleeysan tahay lixdii degmo ee uu Ingiriisk u tagay. Lixdaas degmo ayaa lix Gobol loo bedelay, sidaas ayaa Doorashada lagu qabtay” ayaa uu yidhi, isaga oo ka hadlaya, taladiisa ku aaddan xaaladda saamiqaybsiga ee hadda jirta iyo doorashada gelitaankeedana waxa uu intaas ku sii daray, “Aniguna waxaan ku talin lahaa in inta la helayo tirikoob sax ah in Doorashada sidii hore lagu galo”. Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Gobolka Maroodi-jeex ayaa yidhi “Gobolka Maroodijeex qof walba uu iska sharixi karaa, laakiin waa Gobolka dulmiga ugu badan saaran yahay, sababtoo ah ninka lix kun oo cod keenay ayaa cod waayey, tusaale Wali Axmed Xaawa, oo Khadar Amasadoor bedelay, codkiisu wuxuu ahaa lix kun oo wax yar dhiman, haddana uu waayey kursigii, wuxuu ahaa sugaha kowaad ee Xisbiga UCID. Khadar Amasadoor markii uu is casilay, ayuu Barlamaanka soo galay Wali Axmed Xaawa. Markaas cida ugu dulman, ee kuraas badani ka maqan yihiin haddii dadka loo qaybiyo, waa Caasimadda iyo Gobolka Maroodijeex, haddana qaylada waa lagaga badan yahay. Markaas meelna yaanay qaylinine, ee aynu iimaansano oo salka aynu arintan u dhigno. Nin cid bariis siinayaa cid kale ma jirto, ee ninka Barlamaanka galaa, ee reer, qoys iyo qabiilna, midna wax siin maayo, Sharciyada ay dajinayaana waa Sharciyo dalka oo dhan khuseeya. Waana Sharci qaranka oo dhan ka dhexeeya, ee Sharci u gaar ah Boorama, Saylaca, Burco, Laascanood, Berbera, Ceerigaabo iyo Hargeysa ma sameeynayaan”. Mar uu ka hadlaayey sida la iskugu af gartay in Doorashada Wakiilada lagu galo sidii hore ayaa yidhi “33 kursi ee 1960 kii; Hargeysi todoba ay lahaan jirtay, Burco waxay lahaan jirtay lix kursi, afarta kalena wey sinaayeen oo mid waliba shan bay lahayd, muran kamuu jiri jirin, waxaana sidan lagu galay Doorashada 1960, axa lagu galay Doorashadii 1964, waxa lagu galay Doorashadii 1969. Burco markii la joogayna (Shirkii Burco ee 1991 kii), Cali Khaliif Galaydh ayaa soo jeediyey in sidaas waxa lagu qaybsado, Somaliland baa la aasaasay, waana la isla qaatay, in inta tirikoob la sameeynayo in sidaas hore lagu galana Cali Khaliif Galaydh ayaa soo jeediyey. ALLE ha u naxariiste Cali Faarax Dacar (Gargaar) waa uu ku raacay, si cad iyo sacab ayuu Golihii ku qaatay, sidaas ayuuna ku saleeysan yahay Barlamaanka fadhiya”. Mar uu ka hadlaayey Kootada loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco ayaa yidhi “Waa tii maalin dhawayd Xukuumaddu gudbisay in wax loo qoondeeyo Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay, Caalamkana cid meel wax loo dhigo, ama cidaas waa laga badan yahay ee kursigaas ha loo dhgo ma jirto. Laakiin dadka codka laga helay, waa inay xuquuqdoo helaan oo aanay waayin, dadka ka helayna, waa inay si siman ugu shaqeeyaan dadka. Laakiin Haweenku waa tirada ugu badan dadka, tusaale ahaan Mareykanku naxariis iskumu galin oo Hillary Clinton waxay la tartamaysay Trump, ee lama odhan Hillary Clinton, waa haweenay ee ha loo naariisto. Barlamaankana la iskuma naxariisto, meel walbana inanka iyo inantu wey tartamayaan, anagu markii aanu Komishanka ahayn, nin aqoonyahan ah oo imika Safiir Hindiya uga ah dalkiisa, oo naloo soo kireeyey, ayaanu nagu Dastuurka iyo Xeerka Doorashooyinka nagala soo tali, I siiya ayuu yidhi, markii aanu siinay, wuxuu yidhi haddii aydaan bedelin Dasuurkiina Xeerka Doorashada, oo aad isku daydaan inaad badashan, waxaad meel kaga dhacaysaan xuquuqda muwaadiniintiina, wuxuuna tilmaamay in Doorashada rag iyo haweenba loo siman yahay. Wuxuu yidhi haddii la doonayo in haweenka iyo dadka laga tirada badan waa inay Xisbiyadu sameeyaan liis oo ay ku soo daraan Musharixiintooda, laakiin qoodo loo sameeyaa Dastuurkiina iyo sharcigii Doorashada ay lid ku tahay buu yidhi. Doorahadii hore qabiil laguma galin ee Xisbiyo ayaa lagu galay, madaama aan Doorashada waayo-arag ku ahay, waxaan ku talin lahaa in Xisbiyada laga daayo, in dadka ay soo xulayaan ay qabiilku u soo xulaan, oo reer baa odhanaya hebel baanu soo saarnay. Si aanay Xisbiyadu u baabin awooda xulashada dadka la sharaxayo waa in Xisbiyada loo daaya, markaas buu Xisbiyadu qiimo yeelanayaan, oo qabyaaladu yaraysaa, is aragii iyo is toocsigii dadka ayaa yaraanaya, oo tartan xalaal ah ayaa la gali sidii hore, laakiin qabiil ayaa imika dib loogu noqday, oo reer walba wuxuu leeyahay hebel baanu soo saarnay, taasina waa xaaran, Dimuqraadiyada waa ku xaaran in qabiil wax lagu soo xulo, ee Xisbiyada awooda xulashada musharaxiinta dib ha loogu celiyo, ee Xukuumadda iyo Golayaasha Sharci dejintaba waxaan leeyahay, waa in Xisbiyadu Musharixiintooda ku soo darsadaan Haween iyo Beelaha laga tiradan badan yahay, haddii ay noqoto Doorasho Barlamaan iyo Doorasho Deegaanba”. Mar uu ka hadlaayey Saamiga Xukuumadda ayaa yidhi “Saamiga Xukuumadda, waxa ku shaqo leh Madaxweynaha hadba la doorto, qabiilba waxa lagu qaybiyo, ee waa in cadaalad wax loo qaybiyo, haddii cadaalada la dhawrana cid waliba wax bay helaysaa”. Cabdilaahi Jawaan mar uu baaq u diraayey Xukuumadda iyo Xisbiyada ayaa yidhi “Waxaanu ku jirnaa marxalad adag, oo Adduunka iyo Geeska Afrikaba ay ka socdaan is bedelo xawliya, aada ku socda, is bedelkaas xaawliga ku socdaana wuxuu leeyahay feejignaantiisa, taxadirkiisa iyo in la adkeeyo isku duubnaanteena qaranimo, Xukuumadda haddii ay tahay, Mucaaradka haddii ay tahay, Muxaafidka haddii ay tahay, iyo umadda reer Somaliland haddii ay tahay, inaynu is midayno ayaa loo baahan yahay, Siyaasad ahaana yeynaan cidla ka taagnaan dabaylaha iyo is bedeladaas dhacaya, wixii ugu haboona waa inaynu la jaanqaadna, oo aynu doorkeena ka qaadana, sidaas ayaana u soo jeedinayaa Xukuumadda, Xisbiyada, Golayaasha iyo Shacabkaba”. Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Shirka Ceel-afweyn ayaa yidhi “Shirkaas sida wanaagsan ee Culimadu gacanta ugu hayso waxaan rajaynayaa in lagu guulaysan doono, oo waddadii ay Somaliland xalka ku gaadhi jirtay ayuu hayaa, khalad uu dhacaa, laakiin haddii uu garawshiiyo yimid oo labadii dhinacba garawshiiyo muujiyeen,guul buu ku dhammaan doonaa,maantana intii umadda ugu mudnayd, ama ugu aqoon roonayd, gaar ahaan Culimada Diinta, ee gacanta ku haya, ee yidhi Shareecada Diinta islaamka baanu ku saleeynaynaa go;aanadayda, Shirkani wanaag, is afgarasho iyo is aqbalaad, buu ku dhammaan doonaa insha allaah, iyo nabad waarta oo labada beelood ee walaalaha ku wada nooladan, Xukuumaddana waxaan ku bogaadinayaa oo aan uga mahadnaqayaa talaabada ay qaaday ee ay ku ka faalo qaadatay 30 caruura ee agoonta ah, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Odayga la yimid go’aanka milgaha iyo sharafta leh, ee uu ku saamaxay imanadiisa la dilay, ifkana sharaf iyo wanaag buu ka kasbaday, akhirana insha allaah jano iyo maca rasuulka ayaanu ugu ducaynaynaa”.
  24. Waxaa cad ineey soo xoogeysano ku milmidda siyaasadeed ee duub dhaqameedyada sidii dagaaladii sokeeye ay uga bilaabmeen Soomaaliya. Arinkaan waxeey soo fool saartay Soomaliweyn oo idil, hase ahaate beryahaan dabme waxeey si toos u saameysaa Beesha Mudulood oo aad dareemi karto jahowareerka ay keentay ka talinta arimaha siyaasadeed oo ay duub dhaqameedyada hogaamiyaan. Waxaa muuqda fikradaha siyaasadeed ee duub dhaqmeedyada Mudulood qaasatan Beesha Abgaal Cismaan in aysan ka turjimaynin danaha gaarka ah, taaso sababtay xaquuqdii dastuuriga ee beelahodii oo lunta, ha ugu horeysee mataladda siyaasadeed ee Gobalka Banaadir iyo kuwa kaleba. Dib u dhaca xaquuq helidda Gobalka Banaadir waxaa loo sababi karaa hormuudka duub dhaqameedyada iyo ka ariminta siyasadda oon aheyn doorkoodi beesha ay ku mateli lahaayeen. Waxaa daliil u ah horbood-koodii ee shiraarkii Garoowe I iyo Garoowe II ee lagu marin habaabiyey umadda Somaaliyeed sababtayna ansixinta dustuurka lidka ku ah danaha bulsho-weynta ay matalaan gaar ahaan qodob kusheega 9aad “Maqaamka magaala madaxda Federaalka Soomaalya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegista dastuurka”. Ma la dhihi karaa duub dhaqameedyada saxiixay ogolaadeyna qodobka 9aad ay ka liitaan Af-Soomaliga fahankiisa iyo jawiga siyaasadeed! Waxaa taas sii dheer in duub dhaqameedyada ay soo xulaan xildhibaanda metala belahooda ayagoon khibrad u laheyn maamul siyaasadeed. Xildhibaanada metala Beesha Mudulood qaasatan Abgaal Cismaan, waxeey u badan yihin ganacsato ku ilaashada xilka danoohada gaarka ah oo marnaba u taagneyn danaha bulsho-weynta ay matelaan. Markaad hesho fursad aad ugu tagto xildhibaanada ay duub dhaqmaeedyada soo xuleen ee metala beesha Mudulood oo aad u sheegto dhibka beesha si ay wax uga qabtaan una gutaan masuuliyadda saaran, jawaabtoda ugu horeyso waxay tahay “saaxiib aniga kursigaan lacagteyda ayaan ku gatay ee nac-nacda igala tag”. Lagama yaabo inaad xildhibaankii ku matali lahaay aad khadka telefoonka kula hadasho, xafiis aad uga tagtaana waa mid aan ku dhicin si fudud. Waxaa is weydiin leh, maxaa gudboon oo ay Beesha Abgaal ku dhaqaaqi kartaa? Berisimaadkii ayaa waxaa dhacday in Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) iyo AUN Maxamuud Axmed Maxamed (Kutubo Xoor) oo ahaa labo xildhibaan ee Dowladii Rayidka kana tirsanaa xisbiga leegada “SYL” ay isku qabsadeen kii noqon lahaa musharaxa koowaad ee doorashadii 1968 dalka ka dheceysay. Markii ay isku mari-waayeen ayaa waxa loo yeeray AUN Imaam Cumar Imaam Cali Cubeyd , si uu u kala saaro, waxaan la dhigay gogosha deegaanka Cadale . Hadaba markii la qadeeyey ayaa shirkii loo fariistay si Imaamka loogu sheego waxa loogu yeeray, waxaana lagu yiri Imaamka waxaan kuugu yeernay inaad kala saarto Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) iyo AUN Maxamud Axmed Maxamed (Kutubo Xoor) qofkii laga dhigi lahaay musharaxa kowaad ee doorashade soo socota ee xisbiga “SYL”. Allaha u naxariistee, Imaam Cumar waxa uu yiri marka hore Faataxada noo mara, kadib markii Faataxada la maray ayuu wuxuu dhahay “in aan leego aan kala saaro Abgaal iima duuban” waana uu ka kacay gogoshii. Imaam Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Leego maaha beelaha Soomaaliyeed ee wada hadalka naga dhexeeyo”. Duub dhaqameed wuxuu ka taliyaa goob xoolo lagu dhaqo, beer lagu tacbo, ama xaajo beeleed lagu gorfeeyo shaqana kuma laha siyaasad iyo maamul dawladeed. Oraah Soomaliyeed ayaa dhahaysa “Duub Tuf Maahinee Talo Siyaasadeed Ma Laha”. W/Q: AAKBM2018@GMAIL.COM
  25. For the nine young authors of “Soo Fariista/ Come Sit Down: A Somali American Cookbook” (Minnesota Historical Society Press, 183 pages, $24.95), who are part of Wariyaa, Somali Youth in Museums, cinnamon-spiced lamb and lime-infused semolina cake is the taste of home. Source: Hiiraan Online