Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Keating iyo Gaas 12 May 2018 madaxtooyada Garoowe Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating. Kulankaan madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu la qaatay Michael Keating ayaa waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan Golaha xukuumadda iyo saraakiisha sare ee madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Gaas iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo ku kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyay qodobada ay ka wada-hadleen,ayaa si wadajir ah u sheegay in kulankoodu ku saabsanaa, arrimaha amniga,siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya arrimaha Dastuurka iyo Federaalismka. Sidoo kale waxay sheegeen in ay ka wada-hadleen amniga Gaalkacyo,Xiisadda ka taagan degaanka Tukaraq ee u dhexaysa Puntland Somaliland iyo doorashada Puntland ee sannadka 2019,balse faahfaahin dheeri ah kama bixin qodobadan. Halkan ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Michael Keating. appeared first on Puntland Post.
  2. The commander and the senior enlisted officer of a SEAL Team currently deployed to Africa are being investigated for allegations of sexual assault and sexual harassment, officials said. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweyne Gaas oo qaybinaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa sabtida maanta ah magaalada Garoowe ka daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee guud ahaan degaannada Puntland. Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa saaka ka furmay in ka badan 100 xarumood oo ku yaalla dhammaan sagaalka gobol ee dowladda Puntland,waxaana u fadhiistay,arday gaaraysa 15 kun oo arday,kuwaasoo isugu jira fasalka 8 aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiga sare,sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland,Abshir Yuusuf Ciise. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in imtixaankan ay ilaalinayaan750 macallin,islamarkaana ay kormeerayaal ka yihiin 150 macallin oo kale,isagoo caddeeyay in dhammaan kharashka ku baxaya imtixaankan ay iska kaashadeen dowladda iyo shacabka Puntland. Abshir Yuusuf Ciise,Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare dowladda Puntland ayaa ardayda imtixaankan u fadhiisatay ugu baaqay in ay degga’naan iyo kalsooni muujiyaan,si ay maskaxdoodu fursad ugu hesho in ay ka shaqeyso imtixaanka horyaalla. Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaddii furitaanka ee imtixaankan,ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ku aaddan baahinta Waxbarashada,isagoo sheegay in ardayda intaas le’eg ee maanta imtixaanka gelaysa ay muujinayso horumarka Puntland ka gaartay dhinaca waxbarashada. “Waxay muujinaysaa dedaalka ay wasaaradda iyo Dowladduba samaysay, in waxbarashadu ay gaarto Gobol walba, Degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo Soomaaliyaba” ayuu yiri madaxweyne Gaas. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa hambalyo ku salaamay dhammaan ardayda reer Puntland ee imtixaanka u fadhiistay,wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalka waxbarashada sii wadaan,isagoo u rajeeyay guul in ay ka gaaran imtixaanka maanta u bilowday. Halkaan ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/Wlai Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in Xildhibaanada ay si iskood ah isku Fasaxeen iyadoo ay shaqooyin Culus uyaalaan. Waxa uu sheegay in Xildhibaanada aysan Iman Kulmaada Golaha Shacabka, ayana iska Maqnaadaan iyadoo aan laga waqabin. C/Wali Sheeklh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in Saaka oo kaliya ay dalka isaga dhoofeen ku dhowaad 20 Xildhibaan iyadoo aan laga warqabin wax fasaxna aysan ka heysan Gudoonka Baarlamaanka. “Xildhibaanada waxay galeen fasax aan Sharci aheyn waxayna wadanka ka dhoofeen saakay iyadoo shaqo u taalo Kalfadhigana uusan soo xirmin waana qalad iyo Shaqo Xumi” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in saakay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen ugu yaraan 20 xildhibaan hadane ay ka war haayaan Xubno kale oo safar ah. “Saakay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ka dhoofay 20 Xildhibaan kuwa kale ayaa maalmaha soo socda dalka ka baxaya walina ma xirmin Kalfadhiga Golaha waa iney soo laabtaan Xubnaha baxay iyo kuwa maqan” ayuu Yiri Guddoomiye Muudeey. Golaha shacabka ayaa maanta ka doodayay hindise sharciyeedka xeerka Sharikadaha dalka Company Low,waxaana uu Guddoomiye Muuddeey ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqisho (Caasimada Online) – Axadda Berri ah, waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shir lagu daah-furayo ololaha dib u eegista dastuurka KMG ah. Shirkan oo soocon-doonna 3 maalin, waxaa ka qeybgalaya tiro ahaan dad ka badan 350 qof oo ka kala socda dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Sarkaal ka tirsan wasaaradda dastuurka ayaa sheegaya in shirkan ay ka soo soo qeybgali-doonnaan mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad ka socday hey’adaha dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Marka laga soo tago hey’adaha dowladda federaalka ah, guddiyada dib-u-eegista dastuurka, wasaaradaha dastuurka ee maamul goboleedyada waxaa kale oo ka soo qeybgali-doonna dhalinyaro, haween, siyaasiyiin, culimo, odayaal, naafo, qurbo iyo qeybo kale oo socda Muqdisho iyo gobollada dalka. Sida qorshuhu yahay madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad daah-fur ah oo looga hadlayo sida ay tahay in loo wado howlaha dib-u-eegista dastuurka. Dhinaca kale, Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo ah wasiirka wasaaradda Dastuurka ee Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Jubbaland aanay qeyb ka noqon doonin shirkaasi. Sababta aysan Jubbaland shirkan uga qeybgaleen wasiirka faah faahin dheeraad ah kama aanu bixin, hase ahatee wuxuu tilmaamay in maamulkooda aanu ka qeybgaleyn.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka Q.M. u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal, sidoo kale ah Xarunta Maamul Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya. Ambassador Keating ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan labadda dhinac ee Puntland iyo Soomaaliland. Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu kala soo hadli doono xiisad siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay u dhaxeysay Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulada Jubbaland iyo Puntland taas oo ka dhalatay hadalo ay dhawaan jeediyeen Axmed madoobe iyo Gaas. Damaca Keating ayaa ah sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee qotoma Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Imaaraatka Carabta oo maraya Heerkii ugu hooseeyay. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Maamulkiisa uu u madax banaan yahay cid waliba oo wax u qabaneysa, isla markaana aanan kala tashaneen Dowladda Federaalka. Imaaraatka ayaa joojiyay Tababarkii iyo Kaalmadii ay siin jireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, qeyb kamid ah Ciidamadii Puntalnd ay tababareen waxa uu Madaxweyne Gaas sheegay in aanan u heleen dhaqaalaha ku baxaya, Cid booska Imaaraatka u buuxisana aanan heleen. Cabdiwali Gaas ayaa ah Guddoomiyaha Dalladda ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada oo sanadkii tagay looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo, waxaana xiligaasi jiray Xiisadaha Wadamada Khaliijka oo intooda badan go’doomiyay Qadar, Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaasi qaadatay go’aan dhex dhexaad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Hal ceeba oo nidaamka xulashada xortaayi leeyahay ayaa ah in mararka qaar ay ku soo baxaan haggaamo aan la mahadin, aakhirkana guul daro horseeda. Mid ka mida hogaamadaas ayaa ah Dagaaga amase waxa la yiraahdo (demagogue leader) oo ah marin habaabiye. Dagaagu waxa uu ku soo baxaa shucuur kacaanimo. Wuxuuna ka soo dhex baxaa bulsho quus taagan. Inta badana kama uu tarjumo waxa uu aaminsan yahay ee waa dhuxul dambas huwan. Waa macangag madax adag oo ay la wayn tahay anaa iridu. Badanaaba fariimihiisa shacabka ayuu toos ugu diraa. Hadaladiisuna waxay ku qotomaan xamaasad aan waaqica ku salaysnayn. Inta badan wuxuu u dhaqmaa inuu yahay u doodaha shacabka. ma jecla in la dhaliilo ama la naqdiyo, cid walba oo dhaliisha ama naqdidana si fudud ayuu ugu tilmaamaa inay tahay cadawga shacabka. Wuxuu jecelyahay in magaciisa iyo muuqiisaba la koolkooliyo. DAGAA KALKAAL Dagaa waliba waxa uu samaystaa koox magaciisa koolkoolisa muuqiisana faafisa. Inta badan waxay fasiraado ka bixiyaan fariimihiisa iyaga oo isticmaalaya aalad walba iyo xeelad walba. Waxa kaliya ee dagaaga kooxdaan ku xira ayaa ah inay yihiin danley xoogsanaysa. Waxay jaa’ifo iyo gabood-fal ba ugaystaan cid walba oo ay isleeyihiin dagaaga ayay fikir ahaan uga duwan yihiin. markiibana magacyo ayay uyeelaan sida daba-dhilif, qaran-dumis iyo kuwo kale oo badan. Kooxdaan waxaa laga soo dhex xulaa bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxay noqan karaan suugaan leey, culimo, madax hore, ama dad bulshada dhaxdeeda maqaam ku leh. Danta kaliya ee laga leeyahay ayaa ah in lagu dago bulshada. Waxay beeciyaan afkaarta dagaaga iyaga oo ku badalanaya mansab ama maal. Kolka uu dagaa ka gudbo marxaladda dagaa nimada una xuubsiibto kaligi-talis, waa laga maarmaa kooxdaan. Maxaa yeelay iminka dadka oo dhan ayaa ku shaqeeya qaab cabsiyeed ka dhashay dhaqan siyaasadeedka kaligi taliyaha. DAGANE Kuwani waa kuwa ugu nasiibka daran saddexda ilma Dage maxaa wacay garaadkooda ayaa dhibanaha ka dhigay. Waa cidda keliya ee uu dagaa waliba xoogga saaro in fariimihiisu gaaraan. Sababtuna waxaa weeye, waxay u nugul yihiin in si fudud wax loogu shubto. Maahan indheer-garad shishay wax u eega ee waa inyar-garad indho ku garaad laa. Waxaa si fudud looga raaridaa fariimaha dagaaga iyaga oo aan kala sooc lahayn. Kuwani waa kuwii uu sheegay madaxwayne Trump mar sanadkii 1989kii la waydiiyey bal inuu u tartamayo madaxtinimada Maraykanka iyo in kale. Wuxuu yiri “ maya, tartami maayo laakiin haddii aan tartami lahaa waxaan iska sharixi lahaa xisbiga Jamhuuriga maxaa yeelay iyagaa leh taageerayaal wixii loo sheegaba rumaysta” kooxdaan badankoodu waa xamaas ku nool iyo daacad aan beerba laf ka filan. Qolyahaan mar uu sifaynayey gabyaagii waynaa ee Qaasim bilawgii 70kii oo ahayd xilli taliskii Maxamed Siyaad cirkaa marayey dad badanina ay si xooga ugu jidbaysnaayeen. Wuxuu yiri: “qaansalaydu haw sacabiyeen siigga qalataaye, naagaha surweelka lihi mashxarad ha u safnaadeene, sabaalaha ha moodeen in loo sahanshay meel roon.” MA DAGME Kooxdani waa cid walba oo leh garaad iyo garasho sare oo ku filan una diida inay ku dhacaan dabinkii uu ku dhacay daganuhu . Waxay aqoon dheeriya u leeyihiin taariikhda iyo tagtadii hore. Waxay si qumaatiya u abla ablayn karaan wadciga iyo waaqica ku xeeran. Waaya argnimadooda ku saabsan tagtadii hore, iyo fahamka ay u leeyihiin daruufaha ku xeeran, ayaa u sahla inay si xayaabo tiran u arkaan mawjadaha ku soo fool leh ee ay timaatadu wadato. Sidaas daraadeed waa cidda ugu horaysa ee markiiba garata dagaaga iyo calaamadihiisaba. Waxay markiiba isku dayaan inay bulshada uga digaan aafooyinka ku soo fool leh ee uu dagaagu la imaan karo haddii aan la maarayn awoodihiisa kordhaya. Nasiib daro, kooxdaan waxaa col u ah labada kele ee ilma Dage oo inta badan carqaladeeya fariimahooda. QAABKEE DAGAAGA LOO XAKAMEEYAA? Meelaha uu nidaam siyaasadeedka gunta dheeri kajiro, hadii uu dagaa amase (demagogue leader) uu doorasho ku soo baxo, waxaa jira shuruuc iyo qawaaniin xadidaysa awoodiisa si uusan ugu xuubsiiban (tyrant) amase dhiigyacab. Waxaana tusaale inoogu filan Trum iyo dagaalka lagula jiro. Laakiin meelaha anay ka jirin hay’adaha dawligaa ee salka balaarani, si fudud ayaa dagaagu isugu badalaa kaligi-talis, ka bacdina dhiig-yacab. Kolkii uu dagaa u xuub-siibto kaligi-talis ayaa dhamaan bulshada oo ay ka mid yihiin daganayaashii horay loo dagay ay si qumaatiya u arkaan hagar-daamooyin ka dagaaga. “ nin la dagay sidii doqon hadduu dacayda laadlaadsho, mar uun buu dareemaa inaan daacad loo qabin” Sayid Mohamed. Inkasta oo qaybo ka mida hoggaanka Soomaalida ay ka muuqato calaamadihii dagaagu, haddana waaqica Soomaalida ee dagaa iyo dagaal ka soo doogaa, awoodaha la qaybshay iyo qaab dhismeedka fadaraalismka ku salaysan ayaa ah aalad loogu talagalay in looga hor tago dagaa walba. Waxay ila tahay su’aasha madaxaaga ku soo dhacaysa marka aad qormadaan dhamayso ayaa ah, cidda adigu aad tahay marke la eego saddexda ilma Dage. Ma waxaad tahay inyar-garad madax yaraa oo aan dareemi karin daruufaha ku xeeran iyo mawjadaha ku soo aadan? Sidii uu lahaa abwaan Gaariye “ daganaansho uma dhalan dubaha igu soo maqan lagu sii daraamee, jeeruu dakharku igu dhaco kama sii digniin helo. Mise waxaad tahay indheer-garad fahmi kara timaatada soo aadan waxa ay la imaan doonto guul iyo guul daraba? Sidii uu lahaa Sun Tzu dagaal yaqaankii waynaa ee reer China ee noolaa 25 qarni Ciise ka hor wuxuu yiri “ jananka ama taliyaha fiicani maahan midka ay guushu u muuqato marka ay cid waliba arki karto, ee waa midka guul darada dhexdeeda guushu uga muuqato. Mohamed A. Elmi The post Saddexda Ilma Dage iyo Dagaaga Dal baa ka dhexeeya – Maqaal appeared first on Puntland Post.
  8. Wakiilka Xog-hayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa ku wajahan Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Mr. Keating ayaa Garoowe kula kulmaya Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Keating ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Micheal Keating ayaa Madaxweyne Gaas kala hadli doono colaada ka taagan deegaanka Tukaraq oo dhawaan ay Somaliland kala wareegtay Puntland. Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in ay xaliso xiisadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Micheal Keating oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  9. Congolese general and former presidential candidate Jean-Marie Michel Mokoko, 71, was sentenced on Friday to 20 years for "undermining internal state security" after authorities accused him of trying to stage a coup. Source: Hiiraan Online
  10. Jigjiga (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ileey), ayaa la xaqiijiyay inuu diiday damaanada Sarkaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan ay dhiibtay dowlada Somalia. Cabdi Ileey, ayaa la sheegay in dowlada Ethiopia ay fursad usiisay damaanada Qalbi Dhagax, hase ahaatee uu iska fogeeyay sababo la xiriira cabsi ku aadan in Qalbi Dhagax uu dib ula midoobo garabkiisa ONLF. Mid kamid ah Saraakiisha dowlad deegaanka Soomaalida oo arrinkaan ka hadlaayay ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia iyo Qalbi Dhagax ay is fahmeen, balse mushkilada hadda taagan ay tahay cida damaanan laheyd deysmada Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax. Sida la xaqiijiyay Hoggaamiye Cabdi Ileey, waxa uu sidoo kale iska fogeeyay in Dowlada Ethiopia uu gorgortan kala galo arrinta Qalbi Dhagax, waxa uuna dalbaday in gabi ahaan laga saaro shaqsiyaadka loo xilsaaray arrinta Sarkaalka. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Cabdi Ileey uu fursad dhanka damaanada ah usoo bandhigay mas’uuliyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida, si ay fursadaasi uga faa’iideeyan Qalbi Dhagax, hase ahaatee waxaa shaki ku jira in Qalbi Dhagax uu damaanad ka heli doono Maamulka iyo shaqsiyaadka caanka ah ee kasoo jeeda dhulka DDSI. Sababta Cabdi Ileey uu kaga meermeerayo damaanada Qalbi Dhagax, ayaa la sheegay in muddo dhowr jeer ay ku kala booden heshiisyo ay kala galeen, taa oo iminka u muuqaneysa mid looga aamin baxay Qalbi Dhagax. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia iyo Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan isla fahmay in Qalbi Dhagax lasii daayo, hase ahaatee deysmadiisu ay tahay mid u muuqaneysa in lagu xiray damaanad. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  11. Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay weerar dhanka cirka ah ku qaaday saldhiga ciidamada Turkiga ay ku leedahay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho. Dadka Deegaankaasi ayaa Puntland Post u sheegay in ay maqlayeen jugta Madaafiic ku dhaceysa xarunta Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho. Xiliga uu weerarkaan dhacay ayaa aheyd waabaragii hore ee saaka xili ay ciidamada Dowlada Soomaaliya isku diyaarinayeen tababarka ay bixinayaan saraakiisha Turkiga. Al-Shabaab ayaa sheegtay in 13- Madfac ay ku weerareen saldhiga Turkiga uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho. Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarakaasi madaafiicda ah, Dowlada Soomaaliyana wali kama hadlin falkaasi lagu weeraray saldhiga Turkiga ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke . Puntland Post Muqdisho The post Al-shabaab oo Madaafiic ku weeraray saldhiga ciidamada Turkiga ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. The Somali government and the Africa Union mission (AMISOM) plan to establish communities radio stations in three regional states in June as part of efforts to foster peace in the country, officials said. The UN Support Office in Somalia (UNSOS) which is supporting the project said in a statement on Thursday evening that the community radio stations will be established in HirShabelle, Jubbaland and South West. “The Federal Government of Somalia (FGS) and the three federal member states have already approved the project, which will be launched in Kismayo, Baidoa and Belet Weyne,” UNSOS said. Speaking at a meeting attended by key stakeholders including representatives of community based organizations in Mogadishu, both AU and Somali government officials hailed UNSOS for supporting the initiative aimed at promoting peace and unity in communities. “I want to thank UNSOS specifically for availing the equipment and for responding to your application through AMISOM to have these radios,” said Simon Mulongo, the Deputy Special Representative of the Chairperson of the AU Commission for Somalia. It is hoped that the community radios will help inform and alter attitudes, by providing the ordinary people with a voice, thereby empowering them, through targeted messaging on issues such as peace-building, countering violent extremism, constitutional review and the 2020 elections and federalism among others. Abdinur Mohamed Ahmed, Director of Communication in the Office the President, said the government was grateful to UNSOS for its role in making the project a reality. “I want to thank UNSOS and AMISOM for the support in establishing these radios,” Ahmed said. The UN support mission offered to provide the equipment for the establishment of community radio stations in the three federal member states following a request by community based organizations, channeled through AMISOM. Source: – Xinhua
  13. Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii todobaadkaan gudihiisa ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo Afrikom ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Ciidamadda kumaandooska Dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu Mareykanka ku lahaa taageero iyo latalin si loogu hortaga Al-shabaab. “Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa eedaha ku saabsan in dad rayid ah ku waxyeeloobeen howlgalka, eedaha ku saabsan rayid waxyeelo soo gaartay taliska AFRICOM dib ayuu u eegayaa, haddii warbixinta ay tahay mid la qaadan karo oo huban, US AFRICOM waxay qaadan doontaa tallaabo xigta” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika. Weerarkii ka dhacay Tuuladda Macalin-ka duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu dilay shan ruux oo shacab ahaa, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 5-kale. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay howlgalkii ka dhacay deegaanka Bariire ayaa sheegtay in lagu dilay 3-sarkaal oo ka tirsanaa Shabaab. PUNTLAND POST The post USA oo War ka soo saartay Duqeeyn Dad Rayid ah ay ku dhinteen Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Voting has begun in Iraq’s first parliamentary election since declaring victory over Daesh, with the country hoping to shore up a fragile peace and rebuild. Polls opened across Iraq on Saturday in the first national election since the declaration of victory over Daesh. No clear front-runner has emerged after weeks of official campaigning as Prime Minister Haider al-Abadi faces stiff competition from political parties with closer ties to Iran. The vote — the fourth since the 2003 US-led overthrow of Saddam Hussein — will be conducted electronically for the first time to reduce fraud. Polling centers have been set up for many of the country’s 2 million people who remain displaced by the war against IS. While the conventional war against the militant group has concluded and Baghdad is experiencing a relative lull in insurgent-style attacks, Iraqi security forces have imposed tight security measures ahead of Saturday’s vote with a curfew in place in the capital. However, many Iraqis who turned up early to vote Saturday morning expressed cautious hope for the future. Al-Abadi took office just weeks after Daesh fighters overran nearly a third of Iraq’s territory in the summer of 2014 and has since overseen the grueling military defeat of the group with close support from the US-led coalition and Iran. Despite al-Abadi’s military achievements, Iraq continues to struggle with an economic downturn sparked in part by a drop in global oil prices, entrenched corruption and years of political gridlock. Al-Abadi’s most powerful opponents are his predecessor, Nouri al-Maliki, and an alliance of candidates with close ties to the country’s powerful, mostly Shia paramilitary forces. The alliance, called “Fatah” — Arabic for “Conquest” — is headed by Hadi al-Amiri, a former minister of transport who became a senior commander of paramilitary fighters in the fight against Daesh. Many of the candidates on his list were also paramilitary commanders before they cut their official ties with the force in order to seek office. When casting their vote, Iraqis will have a host of issues to consider. TRT World’s Melinda Nucifora explains the main issues that the elected leadership will have to face. Another key player in the vote is Influential cleric Muqtada al-Sadr. He commanded fighters in the war against Daesh and headed a powerful militia that fought US forces in Iraq before that, but his election campaign has focused on social issues and eliminating government corruption. In total there are 329 parliament seats at stake, with nearly 7,000 candidates from dozens of political alliances. The results of Saturday’s election are expected within 48 hours of the vote, according to the independent body overseeing the election. Government formation negotiations are expected to drag on for months after that as the dozens of political parties attempt to cobble together a political bloc large enough to hold a majority of seats in parliament.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay ciidamo la sheegay inay ka goosteen maamulka Puntland, kadib markii ay sheegteen dhibaatooyin badan. Ciidamadan oo tirro ahaan lagu sheegay 130 ayaa waxaa lagu soo bandhigay deegaanka lagu Magacaabo Wirwir oo ay ka taliso Somaliland. Ciidamadan ayaa inta aysan u goosan maamulka Somaliland xiriir la sameeyay Saraakiisha maamulka ee ka howlgala deegaanka Wirwir, waxaana sidaa kusoo goostay ciidamada. Ciidamada ayaa watay Hub u badan nooca AK47 iyo rasaas, waxaana sidaa ku aqbalay maamulka Somaliland, waxa ayna dhankooda ka sheegteen in xilligan ay ka mid yihiin Ciidamada Soomaaliland. Puntland ayaa dhawaan sheegtay inay qaabishay ciidamo kasoo goostay maamulka Somaliland, inkastoo aysan keenin sawiro ama muuqaalo muujinaaya ciidamada u goostay.
  16. Voting has begun in Iraq's first parliamentary election since declaring victory over Daesh, with the country hoping to shore up a fragile peace and rebuild. Source: Hiiraan Online
  17. S. President Donald Trump said on Thursday that five "most wanted" leaders of Daesh had been captured, an apparent reference to the capture of five commanders of the terrorist group by Iraq. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa goordhow lagu sheegay in duqeyn Hoobiyayaal ah ay Saaka la beegsadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay duleedka Magaalada Muqdisho. Maleeshiyada ayaa sheegtay in dhowr Hoobiyayaal ah ay ku garaaceen Saldhiga oo lagu tababaro ciidamo ka tirsan dowlada Somalia, isla markaana ay ku sugan yihiin Saraakiil Turki ah. Maleeshiyada al-Shabaab waxa ay sheegtay in tirada Hoobiyayaasha ay ku dhufteen Saldhiga ay tahay ilaa 13 Hoobiye. Maleeshiyada ayaa sheegtay in Hoobiyayaasha ay ku tuureen Saldhiga xilli heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro, waxa ayna tilmaameen in dhowr xabo ay ku dhacday gudaha Saldhiga. Shaafici Xasan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Saaka xili hore uu maqlaayay jugta Hoobiyayaasha dhowr ah, inkastoo uu sheegay in xiligaa uusan ogeyn halka ay duqeynta ku soctay. Ma cadda Khasaaraha ka dhashay duqeynta waxaana sidoo kale duqeynta aan weli ka hadal Dowladaa Federaalka iyo Saraakiisha maamusha Saldhiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Russia has refused World Cup accreditation to a journalist specializing in investigations into illegal doping whom German public television had asked to include on its team covering the upcoming soccer tournament, the broadcaster said on Friday. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay baareyso weerar ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose oo la sheegay inay ku dhinteen dad shacab ah. Saraakiisha Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in Ujeedka weerarka uu ahaa Al-Shabaab, balse ay heleen xogo muujinaaya inay ku dhinteen dad shacab ah. Saraakiisha Ciidamada Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in si dhab ah u qaadanayaan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayey weerarka ay ka geesteen Gobolka Shabellaha Hoose. Maraykanka ayaa si dhow ula shaqaynayey ciidamada Militariga Soomaaliya asagoo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah. War qoraala oo kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa waxaa lagu sheegay inay ku dhaqaaqayaan baaritaan degdeg ah oo lagu xaqiijinaayo weerarka. Waxaa lagu sheegay qoraalka in baaritaanka socda lagu eegaayo dhinacyo badan, maadaama dadka la dilay ay noqon karaan al-Shabaab loo muuqaal ekeysiiyay Shacab. Qaar kamid ah Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in dagaallamayaal ka tirsan mintidiinta Al Shabaab ay mararka qaar beertaas u isticmaali jireen saldhig ahaan, loona badinaayo in dadka dhamaaday ay iyaga ahaayen. Docda kale, Waxgaradka iyo Odoyaasha dhaqanka ee degmada Afgooye, ayaa sheegay in la dilay shan qof oo beeraleey ah intii uu socday hawlgalka oo dhacay habeenimadii arbacada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. The Somali government and the Africa Union mission (AMISOM) plan to establish communities radio stations in three regional states in June as part of efforts to foster peace in the country, officials said. Source: Hiiraan Online
  22. Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dowlad deegaanka Somalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Qabridahar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada loo yaqaan Liyuu Boolis ay halkaasi dil fool xun ugu geysteen gabar kamid ahayd dadka kunool magaaladaasi. Allaha u naxariistee gabadha oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Cumar Maxamed Salal, ayaa la sheegay in ciidamada Liyuu Booliis ay u dileen qaab naxdin leh kadib markii ay ceejiyeen iyadoona lasoo wariyay inay isla goobta ay ku ceejiyeen ay ku geeriyootay. Cabdirashiid Cali oo walaal la ah marxuumadda ayaa xaqiijiyay dilka walaashiis marxuumad Taysiir Food Cumar Maxamed Salal. Lama oga sababta ka dambeysa inay ciidamada Liyuu boolis qaabkaas arxan darrada ah u dilaan gabadhaasi,waxana dilka si weyn uga argagaxay shacabka kunool magaalada Qabridahar ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya. Ciidamada Liyuu Booliis ayaa xadgudubyo ka baxsan bini’aadminimada ka geysta qaar kamid ah gobollada dalka iyadoona aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatooyinka foosha xun ee ay ciidamadaas u geystaan dadka aanan waxba galabsan.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaalle’’, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay amar dhanka amaanka ah oo la duldhigay Mas’uuliyiinta iyo ciidamada. Wasiir Ducaalle waxa uu sheegay in dalka uu leeyahay nidaam iyo kala danbeyn sidaa aawgeed cidii u hogaansami weyday amarka lagu xaqiijinaayo amniga Muqdisho, ay u aqoonsan doonaan shaqsi lid ku ah xasiloonida dalka. Wasiir Ducaalle waxa uu carab ***** inaan amar kale la duldhigi Karin kan Wasaarada Amniga, waxa uuna cadeeyay in amniga magaalada Muqdisho looga danbeyn doono kaliya ciidamada xasilinta oo laga soo kala xulay dhammaan Hay’adaha amniga dalka. Waxa uu tilmaamay in jabinta amarka amniga lagu muteysan karo cawaaqib, sidaa aawgeed ay mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada iyo ciidamad aan qeybta ka aheyn Xasilinta la faraayo inay ilaaliyaan awaamirta. ‘’Ma dooneyno inaan ku xad gudubnaa shaqsi gaara, si aanu taa u dhicin waxaan dalbaneynaa in loo hogaansamo awaamirta amniga’’ ‘’Ciddii lagu helaa jabinta awaamirta waxa ay dusha saaran doontaa wixii caqabad ah oo ay la kulanto, waxaan askarta aan qeybta ka aheyn ciidamada xasilinta uga digeynaa in gudaha magaalada ay la dhexmaraan Hub iyo darees’’ Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay in cid waliba lagula xisaabtami doono waxa ay geysato, waxa uuna ku celcelshay inaan la dhaliilsan awaamirta kasoo baxday Wasaarada amniga. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka amniga ayaa mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowlada iyo kuwa ka tirsan ku amaanay u jilicsanaanta amarada kasoo baxa dowlada, waxa uuna faray inay la shaqeeyan isla markaana ixtiraaman ciidamada howsha wada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay wado qorsho Somalia looga qaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaran. Kheyre waxa uu sheegay in dhawaan uu Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya, waxa uuna tilmaamay in kulankooda uu kusoo dhamaaday guul. Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu tilmaamay in Xukuumadiisu ay xoog saareyso qorshaha Somalia looga qaadayo cuna-qabateynta Hubka ee saran Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in saaxiibada Somalia ay aad usoo dhaweeyen hanaanka ay dowlada Somalia ku xaqiijineyso amniga. Waxa uu sheegay in Xukuumadiisa lagu amaanay sida ay u wajaheyso amniga dalka, waxa uuna ballanqaaday in mudada uu hayo xilka ay Somalia ka xoroobi doonto cuna-qabateynta Hubka ee weli saran. ‘’Horayna waan u wadnay dadaalka hadana waanu wadnaa waxaan ku rajo weynahay aniga iyo Madaxweynuhuba inaan Somalia ka saarno liiska dalalka laga mamnuucay Hubka ee la saaray cunaqabateynta’’ ‘’Xukuumadeydu waxaa koow u ah Somalia oo heshaa Hub ay isaga difaaci karto Kooxaha xagjiriinta Shabaab, waxaana kusoo xiga dalka oo lagu faafiyaa amniga nooca ay dooneyso dowlada Somalia’’ Kheyre waxa uu sheegay inay u harsan tahay waxyar si Somalia looga qaado cunaqabateynta Hubka ee saran, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in Somalia ay heleyso Hub ay isaga xoreyso xagjirka. Sidoo kale Hubka ayuu sheegay inay isaga xoreynayaan maleeshiyaadka al-Shabaab oo uu sheegay inaan looga adkaan Karin Somalia oo cuna-qabateyn saran. Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili ay dowladihii hore ee soo maray dalka ku guul dareysteen inay Somalia ka saaran liiska wadamada la saaray Cuna-qabateynta Hubka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Somalia is losing trees at an alarming rate to an illicit charcoal trade that partly bankrolls its Islamist insurgency. Charcoal producers and traders who violate a UN ban say their livelihoods are at stake. Source: Hiiraan Online