Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. China on Sunday condemned fighting in Myanmar between Myanmar government troops and ethnic militants near the Chinese border , which had caused people to flee into Chinese territory. Source: Hiiraan Online
  2. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo is to make his second visit to Qatar today after receiving an official invitation. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa inuu usocdaalo Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalka ku wehlin doona tirro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dalka. Madaxweynaha oo casuumaad ka helay dhigiisa dalka Qadar ayaa waxa uu magaalada Dooxa kula kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa dalkaasi waxa uuna halkaa kusoo gali doonaa Heshiisyo uu lasoo saxiixan doono dhigiisa. Wasiirada wehlin doona ayaa sidoo kale soo gali doona Heshiisyo ay kamid yihiin ganacsiga, horumarinta iyo amniga. Sidoo kale, Warbaahinta dowladda Qadar ayaa hadal heysa Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doona Magaalada Dooxa. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waa Safarkii Labaad ee uu madaxweyne Farmaajo ku taggo qadar tan iyo Markii la doortay. Dhinaca kale, Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xumanayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafi uu hogaaminayo ayaa ku sii Jeeda Dalka Qadar. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu jiro Wasiiro Xildhibaano iyo la taliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Arimaha Dibada iyo Siyaasada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qadar kula kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Amiir Sheikh Bin Hamad Al-Thani. Labada Masuul ayaa ka wada hadli doono arimaha la xariira Taageerida Dowlada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo siyaasada. Qadar ayaa la wareegi doonto taageerada ciidamada Dowlada Soomaaliya kadib markii uu joojiyay Imaaraadka Taageerada Ciidamada Soomaaliya. Waa Safarkii Labaad ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tago Dalka Qadar waxaana ay arinta u muuqato in ay in Qadar ay xiriir wanaagsan la yeelaneeyso Soomaaliya kadib markii uu qilaaf soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Imaaraadka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku sii Jeeda Qadar appeared first on Puntland Post.
  5. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ay ku soo wajahanyihiin magaaladaasi. Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland , Hir Shabelle iyo Gal-Mudug ayaa Goordhow oo maanta ah tagi doono Magaaladaasi Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa shir uga furmi doonaa magaalada Baydhabo oo ay uga hadlayaan xaaladaha dalka Soomaaliya. Shirkaan oo ah kii labaad oo Madaxda maamul Goboleedyada si gaar ah u yeeshaan ayaa ah mid xasaasi ah. Kulankaasi ayaa ku soo beegmaya xili baryihii ugu dambeeysay ay soo ifbaxeeysay qilaaf u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo ku Wajahan Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  6. Goordhow oo maanta ah waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka furmaya Shirka Qaran ee dib u eegista dastuurka Dalka Soomaaliya. Shirkaani oo ah mid aad u heersareeya islamarkaasina muddo ay socotay qaban qaabadiisa ayaa waxaa horay u iclaamisay wasaarada Dastuurka Soomaaliya. Shirkaan ayaa socon doono muddo labo maalin ah waxaana ka qeeybgalaya ergo ku dhow 500. Xubno ka socdo Goloyaasha Dowlada, Maamul Goboleedyada,Beesha Caalaamka Qeeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa shirkaani ka qeeybgali doono. Shirka kadib ayaa lagu wadaa in si toos ah looguda galo talo bixin guud oo ku saabsan dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka. Qilaafaad badan ayuu soo maray shirkaasi ka hor inta aanu furmin iyada oo horay ay u qaadaceen shirkaan guddiga daruusta Baarlamaanka inkastoo markii dambe la xaliyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shirweynaha Dib u eegista Dastuurka Dalka oo Maanta Muqdisho ka Furmaya appeared first on Puntland Post.
  7. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta ku wajahan Magaalada Hareysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland. Micheal Keating iyo wafdigiisa ayaa Hareysa kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Keating iyo Biixi ayaa ka wada hadli doono arimaha la xariira xiisadaha colaadeed ee deegaanka Tuka Raq. Shalay Mr Keating ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland isaga oo la kulmay Madaxweyne Gaas. Gaas iyo Keating ayaa ka wada hadlay xal u raadinta xiisadaha u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland iyo Deegaanka Tuka Raq. Qaramada Midoobay ayaa ku hoowlan sidii loo joojin lahaa xiisadaha dagaal ee Soomaaliland iyo Puntland. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Micheal Keating oo ku Wajahan Magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka India, gaar ahaan magaalada Hyderbad ayaa sheegaya in halkaa uu ku sugan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif ayaa dalka India kusii nagaan doona maalmaha soo socda, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa uu ku mari doono baaritaano Caafimaad. Illo wareedyo ku sugan magaalada Hyderbad qeybna ka ahaa dadkii soo dhaweeyay, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif uu India u imaaday arrimo la xiriira caafimaadkiisa, isagoo sidoo kale la kulmi doona ardayda wax kabarata India. Illo wareedka ayaa intaa kusii daray in Sheekh Shariif uu dalka India sii joogi doono maalmahaan, waxa uuna mudada ugu badan joogitaankiisa uu noqon doona mid ku mashquula arrimo Caafimaad oo aasaasi u ah Safarkiisa India. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa ardayda u ballanqaaday inuu siin doono wakhti ku filan oo ay ku kala warqaadi doonaan, waxa uuna ka gaabsaday ujeedkiisa socdaal ee dalka India, markii laga reebo shaqsiyaad gaara oo uu la wadaagay socdaalkiisa. Sheekh Shariif ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda dalka India oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalkaasi, waxa uuna kala hadli doonaa xaalada Somalia, Ardayda iyo arrimo kale oo khaas ah. Dhinaca kale, Madaxda Soomaalida ayaa inta badan arrimo Caafimaad u aada wadamada India iyo Maleesia oo la rumeysan yahay inay ku hor mareen caafimaadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Dowlad Somalia ay dayacday dhageysiga dhinacyada kasoo horjeeda ama kuwa dhaliilsan Siyaasadeeda. Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka laga doonaayo inay furaan dhagahooda, isla markaana dhageystaan wixii dhaliila ee loo jeedinaayo. Waxa uu Cabdiweli Gaas cod dheer ku sheegay in Dowlada Somalia aysan dhageysan tallooyinka iyo dhaliilaha loo jeedinaayo, waxa uuna talaabada ceynkaasi ah ku sheegay mid ka fog Siyaasada. ‘’Wey adag tahay inuu imaado Isfahan marba haddii aanu jirin tallo kala qaadasho iyo dhageysiga haddii ay jiraan dhaliilo loo qabo Dowlada, anigu ma arag Dowlada oo qaadaneysa dhaliisheeda waxaan qabaa in dowladu ay bedesho Siyaasada ay ku dhaqeyso dalka’’ Cabdiweli Gaas, waxa uu tilmaamay in Madaxda dowlada laga doonaayo jilicsanaan iyo wada shaqeyn ay la yeeshaan dhammaan dhinacyada ku mideysan Siyaasada dalka iyo kuwa dhaliisha muujinaaya, waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro wada shaqeyn. Cabdiweli Gaas, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu magaalada Garoowe kula qaadanaayay mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxa uuna arrintaani ku keenay su’aal laga weydiiyay sida uu xiligaan yahay xiriirka dowlada Somalia kala dhexeeya dhinacyada kale ee Siyaasada qeybta ka ah. Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Cabdiweli Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili uu dowlada Somalia khilaaf kala dhexeeyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. JOHANNESBURG (AP) — The U.S. military says the head of Special Operations Command Africa has suspended a regional commander and an enlisted adviser over alleged misconduct and sent them back to the United States. Source: Hiiraan Online
  11. Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Puntland ayaa maanta si rasmiya ugu daahfuray magaalada Boosaaso Imtixaanka shahaadiga ee fasalka afaraad dugsiga sarre iyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ka dib munaasabad lagu qabtey xarunta dugsiga sarre ee Bosaso Public Secondary, waxaana kasoo qeybgalay maamulka Gobolka Bari,Maamulka Degmada Bosaso iyo Bahda Waxbarashada Gobolkaas. Guud ahaan ardeyda u fariisatey imtixaanka ayaa gaareysa 15 kun oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Iyadoona si rasmiya maanta Imtixaanku uga bilowday 100 xarumood oo ku kala yaala sagaalka gobol oo ay ka kooban tahay Puntland. Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Shamis Muuse Koonte ayaa ka warbixisay habsami u socodka waxbarashada waxayna sheegtay in tirada ugu badan ee ardeyda Puntland wax ka barato Gobolka Bari iyadoona ku sheegtay tirada guud ee maanta imtixaanka u fariisatay 1341 oo arday dhigata dugsiga sare, halka dugsi dhexena ay u fariisteen 2543, waxayna noqonaysaa guud ahaan tirada guud ee Gobolka Bari waa 3884. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa Ardayda kula dardaarmay inay Imtixaanka si degan u galaan, islamarkaana ay ku kalsoonaadan Aqoonta ay barteen. Mar uu ka hadlayay muhiimada Imtixaamka shahaadiga wuxuu sheegay inuu kaalin mug leh ka qaato tayada waxbarashada Puntland, islamarkaana uu ku abuuro jawi tartan oo dhexmara ardeyda qalinjabinaysa, tartan dhexmara goobaha waxbarashada,maamulayaasha,macalimiinta,waalidiinta iyo madaxda Gobolladda. Ugu dambeyntiina wuxuu si rasmiya u daahfurey wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland imtixaanka shahaadiga ee ka bilowday xarunta Gobolka Bari ee magaalada Bosaso. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post 3,884 ardey oo maanta Bosaso loogu daahfurey Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. Federal officials have opened criminal investigations related to the controversial attempted deportation of 92 Somali nationals last December, according to Immigration and Customs Enforcement (ICE). The Somalis are currently being held at several detention centers in South Florida as a federal court case about their attempted removal is ongoing. Source: Hiiraan Online
  13. Congolese general and former presidential candidate Jean-Marie Michel Mokoko, 71, was sentenced on Friday to 20 years for “undermining internal state security” after authorities accused him of trying to stage a coup. “The criminal court declares Jean-Marie Michel Mokoko guilty of the facts charged to him,” criminal court president Christian Oba said. Seven co-defendants — six French and a Congolese — were sentenced in absentia to the same prison term. Mokoko, 71 and a former chief of staff of the Republic of Congo’s army, has three days to appeal his conviction for undermining state security following the 2016 election in which he placed third. The defence counsel for the general, who was once an advisor of long-serving President Denis Sassou Nguesso, had said the trial was “simply a settling of political scores.” In March 2016, Mokoko won less than a 14-percent vote share as Sassou Nguesso was controversially declared a first-round winner. Sassou Nguesso, 74, has cumulatively spent almost 35 years in office since 1979. After the vote, Mokoko and other candidates called for a campaign of “civil disobedience.” But “had he wanted to stage a coup he would have done so a long time ago. General Jean-Marie Michel Mokoko never said ‘take up arms’,” one of his lawyers, Norbert Tricaud, told RFI on Thursday. “The decision of the criminal court doesn’t surprise us because (the case) all began illegally in violation of our client’s judicial immunity,” Mokoko’s lawyer, Eric Yvon Ibouanga said after the court handed down its decision. The prosecuting team had refused the defence claim that Mokoko was entitled to immunity as a “dignitary of the Republic”. French lawyer Gerard Deviller, part of the state’s prosecution team, said that punishment was merited “given the seriousness of the offence”. Source: AFP
  14. Clashes between Somali army troops backing local villagers and al-Shabab militants have left at least 13 of the militant fighters dead, witnesses and officials said. The clashes in central Somalia Saturday started after armed al-Shabab militants tried to impose taxes on residents of Halfoley, a rural village near the town of Jalalaqsi, in the Hiran region. Abdi Dahir Guure, the district commissioner of the region’s Bulabarde town, told VOA Somali that government soldiers, backing cattle herders, engaged in more than five hours of fierce battle with the militants. “The battle erupted at around 7 a.m. local time when heavily armed militants attacked the villagers after refusing an earlier order by militants in which they asked local pastoralists to hand over some of their livestock as a zakat demand, or tax,” said Guure. “Government army forces, sent there to protect the pastoralists, immediately joined the battle, killing at least 13 militants.” Somali government officials in the region said other units of the Somali national army had moved into other villages in the region to prevent militants from re-organizing and counter-attacking pastoralists. Multiple Independent witnesses contacted by VOA confirmed the government claim, saying they saw the bodies of at least 13 militants. Two local pastoralists also were injured during the battle. Clashes involving pastoralists resisting al-Shabab taxes began in Somalia’s Hiran and Middle Shabelle regions in 2013. In a separate incident, a blast in a market in the Bulomarer District, some 150 kilometers south of Mogadishu, where African Union peacekeepers from Uganda are stationed, left four civilians dead and five others injured. “An explosive device apparently planted in a livestock market went off, killing four innocent civilians and five others were injured,” Muhidiin Khalif Aliyow, a local official in the town told the VOA Somali Service. “I heard an explosion, and minutes after looked outside and saw a kiosk in flames and the dead bodies of four civilians and several cattle,” a witness told VOA on the condition of anonymity. The blast occurred in mid-afternoon, as some government forces were checking cars at a nearby military post. It was not immediately clear who was behind the blast, but local security officials blame al-Shabab, a terrorist group. On Wednesday, an explosion killed at least 10 people and wounded 15 in a market where the stimulant leaf khat is sold in the town of Wanlaweyn, in the same Lower Shabelle region, about 90 kilometers to the northwest of the capital, Mogadishu. Somali government officials have warned repeatedly this week about the possibility of increased terror attacks by militants during the Islamic holy month ofRamadan. The clashes and the al-Shabab blasts against civilians, however, came as the pastoralists and habitants in the southern regions already are struggling with heavy rain and flooding. On Friday, the U.N. Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said the heavy rain in Somalia’s Juba and Shabelle river basins continued to cause flooding, displacing an estimated 220,000 people. Source: VOA
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey, ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanu aqbali doonin in Dowlada Federaalka ah ee Somalia loogu wanqalaa ‘’Nabad iyo Nolol’’ Muudeey, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan laheyn halka ku dhigga Nabad iyo Nolol, waxa uuna tilmaamay in hal ku dhigaasi ay yeelankarto keliya Xukuumada Somalia. Muudeey, waxaa uu sheegay in marnaba aysan dowladda Soomaaliya noqon karin Nabad iyo Nolol, balse xukuumadda kaliya ay adeegsankarto hal ku dhigaasi. ‘’Ma aqbaleyno in dowlada Somalia loogu wanqalo Nabad iyo Nolol, waxaa ugu dhow oo aan dhihikarnaa Nabad iyo Nolol waa Xukuumada Somalia’’ Waxaa uu sheegay Muudeey in Magaca dowladda Somalia loo yaqaano uu yahay dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama dowladu ay tahay mid ka dhexeysa Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu mar kale kusoo celshay “Dowladda Nabad iyo Nolol ma ahan, Xukuumadda Nabad iyo Nolol iska dhaha hadaad rabtiin, laakiin dowladda waa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi ayaa isna sheegay inuu qabo in Nabad iyo Nolol aan la orankarin Dowlada Federaalka ah ee Somalia, hase ahaatee la orankaro keliya Xukuumada Somalia. Fiqi wax uu tilmaamay in Nabad iyo Nolol aan la orankarin Dowlad kawada dhexeysa Soomaalida, waxa uuna ku taliyay in magacaasi ay ka fiirsadaan Soomaalida. Waxaa jira Xildhibaano farabadan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo qaba in guud ahaan Dowlada Farmaajo iyo Xukuumada Kheyre leysku dhaho ‘’Nabad iyo Nolol’’ isla markaana dalka uu xiligaan Hogaamiyo hal xisbi. Dhinaca kale, Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u muuqda inay isku khilaafsan yihiin halka uu munaasib ku yahay hal ku dhiga Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Clashes between Somali army troops backing local villagers and al-Shabab militants have left at least 13 of the militant fighters dead, witnesses and officials said. Source: Hiiraan Online
  17. Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degaanka Buula-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax geystay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu galabta si gaara uga dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla degaanka Buula-mareer. Qaraxa oo dhacay xili uu suuqa ahaa mid aad u saxmad badan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab. Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla Degmada, waxaana ku jiray dad waayeelo ah oo suuqa ka ganacsan jiray. Qaraxa oo ka dhashay Miino lagu aasay Suuqa ayaa waxaa la xaqiijiyay in loola dan lahaa ciidamo ka tirsan dowlada oo xiliga galbihii gaara Suuqa. Qaraxaan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo laba Qarax oo hore ay ka dhaceen Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan Degmada Walaweyn. Dhinaca kale, waxaa maalmahani kordhay qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Shabeellaha Hoose, ee lagu baabi’inaayo dadka shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  18. Garowe (Caasimada Online)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 12 May 2018 waxaa uu xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Caddaalada Iyo Arrimaha Diinta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlane ee Magaalada Garoowe, ”Waxaa sharaf wayn noo ah maanta inuu halkaan nagu soo booqdo Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating oo aysan ahayn markii ugu horeysay ee uu noo yimaado, marar badan ayuu halkaan noogu yimaadey, runtii markasta oo uu nooyimaado wanaagbay noo tahay anaga, sababtoo ah waxaan ka hadalnaa arrimo muhiim u ah Puntland iyo Soomaaliyaba, waxaan maanta ka wada hadalney geedi socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaan kawada hadalanay arrimaha nabad gelyada iyo amniga dalka, waxaan kawada hadalna arimaha siyaasada, horumarinta iyo sidii Soomaaliya horey ugu socon lahayd, dabcan shaqadiisa caadiga ahayd oo dalka meela badan oo kamida uu ku tagi jirey ayey ahayd, anagana wanaag bay noo ahayd, waxaa ka soo wareegtay lix bilood markii ugu danbeysay ee uu noo yimaado, markaa wixii isbadal ahaa ee dalka ka dhacay baa ugu muhiimsanaa iyo muhiimada ay leedahay Federaalisimka iyo dastuurka, arimahaasna kuli waan kawada hadalnay, markaa guul bay noo ahayd wadahadal kayaguna wuxuu ahaa mid ku dhacay jawi wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa isla mar ahaantaan ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatey mudada kooban ee uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha Dowladda ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo taabagalinta dumuqraadiyada oo uu sheegey in waxyaabihii ay kawada hadleen kusoo dhammaadeen jawi degan. Ugu danbeyn Madaxweynha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in looga bahanyahay Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkaba inay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya, islamar’ahaantaana taakulooyinka iyo gar-gaarka binuaadanimada ee ay Soomaaliya soo gaarsiiyaan si dhex-dhexaadnimo ah loo soo gaarsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. Garowe (HOL) — UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Michael Keating, arrived in Garowe on Saturday for a meeting with Puntland President Abdiweli Mohamed Ali Gaas. Source: Hiiraan Online
  20. Ankara (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in Somalia lagu haayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka qaadatay khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka oo weli taagan. Khudbad uu u jeediyay suxufiyiin ka kala socday18 waddan oo carbeed oo shir uga socda magaalada Istanbul, ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya lagu cadaadinayo inay dhinac la safato, taasoo uu sheegay inay tahay wax aan la qaadan karin. Sidoo kale, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in la xurmeeyo midnimada iyo madax-banaanida dalalka carabta, isla markaana aan loo baahnayn in la cadaadiyo waddan ka mid ah Dunida Muslimka ama kuwa Carabta. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in aan loo baahneyn in aan Somalia looga faa’ideysan duruufaha adag ee ay ku jirto, isagoo ugu baaqay dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta inay is-kaashadaan – isna caawiyaan halkii ay is-cadaaweysan lahaayeen. Dowladda Somalia ayaa wajahaysay caqabado siyaasadeed, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jareen dalka Qatar, iyadoo dhowr jeer lagu cadaadiyay inay taageerto, hase ahaatee ay mowqif dhex-dhexaad ka qaadatay. Dhanka kale, Xiisadda siyaasadeed ee Khaliijka ayaa u muuqda mid u soo wareegtay Soomaaliya, iyadoo xilligan uu hardan ka dhex socdo, xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar iyo xulufo la ah Turkiga. Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab ay saakay weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay Dowladda Turkigu ka hir-gelisay Muqdisho, kaasoo lagu tababbaro ciidamada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post TURKIGA: Somalia waxaa lagu hayo cadaadis ka dhashay Mowqifkeedii Khilaafkii Khaliijka appeared first on Puntland Post.
  21. SOLAI, Kenya (Reuters) - A dam on a Kenyan commercial farm that burst this week, killing at least 45 people, was built illegally, the water resource regulator said on Friday, as police opened an initial investigation into the disaster. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawcmeen Qarax ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Buulo-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaada Hoose. Weerarkan oo aanay jirin weli cid sheegatay ayaa wuxuu dhacay xilli saaka uu furay suuqaas ayna joogeen xoolo fara badan, iyadoo qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ay sidoo kale kale dishay qaar ka mid ah xoolihii suuqaas lagu iibinayay. Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa qaraxan ku eedeeyay Al-shabaab, wuxuuna sheegay in khasaare badan ay kasoo gaartay xoolihii suuqaas lagu iibinayay iyo ganacsatadii ku sugnaa suuqaas. “Qaraxa wuxuu ahaa miino goobta lagu sii aasay, waxaana ku dhintay afar qof oo shacab ah, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay shan qof oo kale oo iyaguna shacab ahaa,” ayuu yiri Muxyadiin Khaliif Caliyoow oo guddoomiye ku xigeen ka ah deegaankaas. Sidoo kale, Caliyoow oo sii hadlayay ayaa sheegay in xoolihii goobtaas ku sugnaa ay dhawr neef dhinteen, halka lo’ fara badanna ay khaaare kasoo gaartay weerarkaas oo uu ku tilmaamay kuwa ay Al-shabaab deegaankaas iyo kuwa kale ee gobolka Shabeellada Hoose kawaddo. Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkaas khasaaraha ka geystay deegaanka Buulo-mareer, waxaase la sheegay in qaraxa kaddib ay xaaladdu dib ugu soo laabatay sidii caadiga ahaa, uuna ganacsiga xooluhu dib u billowday. Ugu dambeyn, Weerarkan Qaraxa ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay ay Al-shabaab weerartay degmada Qoryooley ee gobolkaas, kaasoo ay Al-shabaab ku sheegatay inay guulo ka gaartay. PUNTLAND POST The post Qarax Tiro Dad ah ku ku Laayay Deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  23. Istanbul (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Jawish Oglo,ayaa sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka. Isagoo khudbad ka jeedinayay kulanka saxafiyiin ka socday 18 dal oo carbeed oo lagu qabtay Istanbul, ayuu sheegay in Soomaaliya lagu cadaadinayo in ay dhinac la safato, taas oo uu sheegay in aan la qaadan karin ayna tahay cadaalad darro. Waxaa uu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya,waxaa kale oo uu ugu baaqay waddamada Iskaashiga Islaamka iyo Carabta in ay isku meel ka soo jeestaan islamarkaana meel iska dhigaan khilaafaadka yar yar ee u dhaxeeya. Waxaa uu ka digay in dalalka Soomaaliya ka mid tahay aan looga faa’ideysan daruufaha ay ku jiraan islamarkaana la ilaaliyo madaxbanaanida dalkasta uu leeyahay. Khilaafka u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar ayaa saameeyay Soomaaliya,waxaana go’aanka dhex dhexaadnimada leh ee ay qaadatay khubarrada dhinaca diblomaasiyadda u fasireen in ay hiillo u tahay Qadar kana soo horjeeddo waddamada diiddan. Arrintaas waxaa ay sababtay in Imaaraadka uu howlihii samafal iyo tababar Ciidan ee uu ka waday Soomaaluya uu joojiyo. Dalalka Carabta iyo Islaamkana ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan danaha istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya iyo iskaashi dhex mara halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaafaad gudahooda ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo ku taariikhaysan 12 May ee ku began maanta ayaa lagu magacaabay,wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub. Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland ayaa loo magacaabay,daahir Xaaji Khaliif,sida ku xusan wareegtada uu soo saaray madaxweyne Gaas. Wasiirki hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland,Cabdinuur Cilmi Maxammuud(Biindhe) ayaa 26-kii jennaayo ee sannadkaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho,halkaasoo uu baaritaan caafimaad u joogay. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland u magacaabay,Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud,kadib markii 2-dii bishaan May digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas xilkii looga qaaday,Wasiir ku xigeenkii hore Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda,Maxamuud Maxammed Cali(Gabbax). Gabbax iyo lix mas’uul oo ka tirsanaa Wasaaraddiisa ayaa xilalkii looga qaaday arrimo la xiriira musuq maasuq,sida lagu sheegay digreetada uu xilligaasi soo saaray madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo wasiiro cusub magacaabay. appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka ka socda Dalka Uganda eek u jira howlgalka AMISOM ayaa ka cabanaya nolol aad u liidata oo ku heysata furumaha dagaalka ee Soomaaliya. Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa wareysi la yeeshay qaar ka mid ah askarta oo si dhab ah uga sheekeeyay waxa ku heysta gudaha Soomaaliya. Nolisha adag ee ku heysata furunta hore ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ka mid ah; adeegga raashinka oo dib u dhaca,musqulo iyo Saabuun la’aan. Askari ka mid ah howlgalka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in marka ay doonayaan in ay raashin karsadaan ay qoryaha lagu karsado raashinka ka doontaan duurka,halkaas ay kala kulmaan Qatar dhinaca amaanka ah. Waxaa uu sheegay in geerida ay qof kasta sugeyso laakiin,marka aad ogtahay in aad dhimaneyso waqti dhow ay dhibkeeda iyo walwalkeeda leedahay,gaar ahaan gacanta AL-shabaab oo ay dagaal kula jiraan. “Halkan dhimashada waxaa ay kuu jirtaa kaliya hal daqiiqo,sababta oo ah ma taqaanid cidda aad la dagaaleyso,sababta oo ah cadowga iyo dadka rayidka ah ayaa isu eg”. Waxaa la joogaa qatiga cashada laakiin Odongo,kama soo boxo qolka uu ka degganyahay xerada, hoos ayuu ka xirtay,waxaa uu ka fakarayaa xusuusta qoyskiisa oo uusan ka warqabin. Saddex bilood ka hor ayaa la siiyay mushaar,kaddibna ma arag wax mushaar ah,waana la joojiyay isaga oo aan heysan sharaxaadda sababta loo joojiyay. Odongo,waxaa uu yiri “waxaan halkan joogaa lix bilood,mana sugi karo xilliga aan dib ugu laaban lahaa dalkeyga”. Waa 36 jir,waxaa dagaal ku jiray waxbadan inta uusan iman Soomaaliya,waxaa uu sheegayaa in ay Soomaaliya ka duwan tahay meelihii uu ka soo shaqeeyay. Weerarradii mataanaha ahaa ee April lagu qaaday saldhigyada AMISOM ee Buulo Mareer iyo Golwayn,waxaa ku dhintay walaalkii iyo kuwo kale,saaxiibadiina waa ay dhaawacmeen. “waxaa furay albaabka qolkeyga mise Doolli ayaa ka soo booday oo waliba ii dhaafay dhinaca sariirteyda,waxaan ka shakiyay in sheeko socoto oo qof kale dhegeysanayo”. “10 daqiiqo kaddib waxaa ii yimid saaxiibkey Jimmy,waxaa sariirta ii saaran sawirro dhowr ah” ayuu yiri Odongo. Wargeysku waxaa uu sheegayaa in mushaarka Ciidanka Uganda uu dib u dhoco,iskaba daa mushaarkee lacagaha kale ee dheeraadka ah ayey afartii bil mar qaataan,haddana uma goyso waxyaabaha aas aasiga ah ee ay u baahanyihiin. “Mushaarkeenna waxaa naloogu sheegay $828 doollar,waxaan helnaa $628 doollar,ma weydiin karno saraakiisha halka ay qabatay lacagta kale”ayuu yiri Jimmy. Waxaa uu soo bixiyay warqad yar,waxaa uu u dhiibay wariyaha ka socday wargeyska waxaana ku qornaa “hoo,waa kuwan dhibaatooyinka na heysta,cid wax ka qabata malahan,waan baxayaa”ayuu yiri qolkiina waa ka baxay. Warqadda oo ay ku qorneyd Qad Buluug ah,waxaa ku qornaa nolosha maalin laha ah ee Askarta Uganda iyo dagaalka Al-shabaab. “Somaliya waxaa ay ka mid tahay dalal yar oo Afrikaan ah oo leh dhaqan naadir ah,dhamaan waa hal Qowmiyad oo Soomaali ah,waxaa ay u kala baxaan shan qabiil oo kala” . “Qaabkaas qabiilka ayuu ku saleysan yahay nidaamka dowliga ah ee dalka,waana waxa adkeynaya in guul la gaaro.labaatan sano ka horna waxan uunba riday dowladdii hore”. “Halkani maaha Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,Congo ama Suudaan, waddamadaas dadkoodu waa ay kala duwanyihiin laakiin dadka Asalka ah waa Al-shabaab,AL-shabaabkuna waa dadka asalka ah,ma weerari kartid qof kasta ilaa aad hubiso” ayuu yiri Odongo Waxaa uu intaas ku daray “qatarta ugu weyn maha in aan ogahay cadowga ama aan ogeyn,laakiin waxaan joogaa waddan shisheeye,waxaan leeyahay qoys,waxaa ay doonayaal Biil,Carruurteydo waxaa ay doonayaan waxbarasho,waa in aysan askar noqon sida aniga oo kale,waa in aysan howlgal ku dhiman” Maj Caesar Olweny,waa afhayeenka qeybtan ee UPDF,waxaa uu sheegayaa in cabashooyinka askarta ay ka bad badis tahay ,waxaa uu yiri “mushaarka waxaa loo bixiyaa bille, mana ogin kiisaska ay ka sheeganayaan askarteenna”. Brig Karemire, waxaa uu sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu bixiyo qalab iyo agab ku filan Ciidanka AMISOM, waxaa uu intaas ku daray in aysan jirin meel uu mallatari ka howlgalo oo Soomaaliya ka wanaagsan. Brig Karemire,waxaa uu sheegay in dib u dhac dhinaca raashinka iyo sahayda kale ah uu jiri karo, taas oo ka dhalatay hanaanka gudbinta oo ay dhibaatooyinn ka jiraan. Waxaa uu sheegay in hadda xal laga gaaray iyadana sababta oo ah waxaa garoon laga dejiyo sahayda AMISOM ee Shabeellaha hoose laga furay Baraawe oo 208km u jirta Muqdisho. W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi) Isha: Daily Monitor Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com