Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,197
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Somaliland Biixi Cabdi, ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Mr Michael Keating. Waxa kulanka qeyb ka ahaa Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Cali Jaamac iyo wasiirka arrimaha dibadda, Sacad Cali Shire. Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa loogaga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta uu maamulka Somaliland la leeyahay QM iyo in xal loo raadiyo Khilaafka maamulka kala dhexeeya Dowlada Somalia. Kulanka waxa ay sidoo kale Biixi iyo Keating uga wada-hadleen arimo ay kamid tahay Abaaraha, Xaalada Roobka ee Sanadan, Nabad Galyada, Wadashaqeynta iyo Doorashooyinka Sanadka soo Socda. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey kulanka ergayga iyo Hogaamiyaha, waxaanu sheegay in laga wada hadlayey sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka UN-ta iyo Somaliland iyo arrimo khuseeya Dowlada Somalia. “Hogaamiyaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”ayuu yidhi Shire. “Hogaamiyuhu waxaanu ka wada hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka soo socda oo ay sheegeen inay ka go’an tahay in wakhtigeedii dhacaan iyo arrimaha Tuko raq oo loo baahan yahay in arrintaasi xal nabadeed lagu dhameeyo oo khilaafaadka ka jira xadka sidii loo dhameen lahaa, waana kulankii labaad ee aan la yeeshay madaxweynihii” ayuu yiri Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Keating. Sidoo kale, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Somaliya ayaa iska diiday inuu ka Jawaabo Su’aal Saxaafada ay ka weydiisay arimaha Dagaalada Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland, Maadaama uu ka Yimid Garoowe, ka hor Socdaalkiisii Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee, Kulankan dhexmaray Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah ee ay xukuumaddani jirtey.
  2. Booliska dalka Induniisiya ayaa sheegaya in xubno ka wada tirsan hal qoys ay weerarro ismiidaamin ah ku qaadeen saddex kaniisadood oo ku yaalla magaalada Surabaya. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah. Sida ay boolisku sheegayaan qoys ka kooban aabe iyo shan carruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood. Taliyaha booliska Surabaya, Tito Karnavian, ayaa sheegay in aabaha qoyska iyo saddex wiil oo uu dhalay ay isku qarxiyeen labo kaniisadood, halka xaaskiisa iyo labo carruur ah oo kale ay isku qarxiyeen kaniisad kale. Weerarradan oo ay sheegatay kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sanadkii 2005. Kal hore, madaxa laanta mukhaabaraadka dalkaasi Induniisiya, Wawan Purwanto ayaa sheegay in weerarka ay uga shakisan yihiin koox lagu magacaabo Jemaah Ansharut Daulah (JAD) oo dhiirigelin ka hesha kooxda dowladda Islaamka. Waxa uu intaasi ku daray in ay suurtagal tahay in weerarkani uu xiriir la leeyahay dhacdo kale oo kal hore bishan ay ku dhinteen shan askari kaddib markii ay isku dheceen ilaalada xabsi ku yaalla Jakarta iyo kooxo mintidiin ah oo halkaasi ku xirnaa. Madaxweynaha dalkaasi Joko Widodo oo booqday kaniisadaha la weeraray ayaa waxa uu weerarradaasi ku tilmaamay wuxushnimo. Waxa uu sheegay in booliska uu amray in ay baaritaan sameeyaan oo ay kala burburiyaan shabakadda soo abaabushay weerarradan. Weerarradan ayaa u muuqda in ay yihiin kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ay ka geystaan taageerayaasha kooxda dowladda Islamaamka. Kooxdan ayaa sanadkii 2016 sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ugu horreeyay ee ay dalkaasi ka geysatay, kaddib markii qaraxyo dhawr ah iyo toogasho ka dhcaday Jakarta ay ku dhinteen afar qof oo rayid ah. In kabadan 200 oo qof ayaa sanadkii 2002 ku dhimatay labo qarax oo kooxo xiriir la leh Al-Qaacidda ay ku qaadeen goobo lagu caweeyo oo ku yaalla Jasiiradda Bali ee isla dalkaasi Induniisiya. Isha: BBC
  3. York Regional Police have charged three men and issued arrest warrants for two others as part of an investigation into a Vaughan shooting almost two years ago. On September 21, 2016, police responded to a weapons call at a residence on Andrea Lane in the area of Pine Valley Drive and Langstaff Road. A 23-year-old Vaughan man, Silverio Feola, was pronounced dead at the scene On May 2, two Toronto men, Bouh Abdilleh, 22, and Lamar Hamilton, 27, were arrested and charged with first degree murder and conspiracy to commit murder. A third suspect, Julian Perry, 24, of Toronto was arrested on May 11 and charged with the same offences. Police are also seeking two other suspects in connection with the case. Muhumad Idow, 24, of Toronto is described as male, black, 6-foot-7 with a thin build. Hussan Ali, 28, of Toronto, is described as male, black, 6-foot tall, approximately 165 pounds with a thin build. Both men are wanted on first degree murder and conspiracy to commit murder charges. Source: – CityNews
  4. Over the past week, al Qaeda’s East African wing, Shabaab, targeted two markets in southern Somalia with deadly explosions. At least 14 civilians were killed in the attacks. On Wednesday, a suicide bomber detonated his explosives at a khat market in Wanlaweyn, a town 50 miles west of the capital city of Mogadishu. At least 10 civilians were reportedly killed and many others wounded. While today in Bulomarer, 90 miles south of Mogadishu, an improvised explosive device (IED) detonated at a livestock market inside the town. At least four people were reportedly killed in that explosion and five others were left wounded. Targeting markets or other civilian infrastructure is a common tactic of Shabaab. Last February, a Shabaab suicide car bomb targeted a busy market in Mogadishu, killing almost 40 civilians. Additionally, Shabaab also claimed responsibility for firing several rockets at the Turkish military base inside Mogadishu. Thirteen rockets were reportedly fired at the base, however, no material damage or injuries were reported. Abdul Aziz Abdul Musab, Shabaab’s military spokesman, released a statement about the incident, saying “we do not distinguish between a Turkish, American, Kenyan, Ethiopian, or British soldier, as all of them are invaders fighting against the Shari’ah, and it is an obligation to expel them and kill them.” The market attacks came just a week after Shabaab killed at least nine Kenyan soldiers in an IED blast near the Somali-Kenyan border. As a Kenyan military vehicle traveled to a military base in Somalia’s southern Jubaland region, it was destroyed in a blast amid an IED ambush. A week prior, seven Somali soldiers were killed in another IED attack near the same area as the Kenyan troops. Shabaab has been resurgent in Somalia since losing ground to a combined African Union (AU) and Somali offensive in 2011. The jihadist group has slowly but methodically retaken several towns and villages that it lost in both central and southern Somalia – often after AU or Somali forces withdrew. In addition, Shabaab remains a potent threat against both African Union and Somali military bases in central and southern Somalia. The al Qaeda branch also remains a serious danger inside northern Kenya, where it has undertaken several assaults and improvised explosive device attacks and even increased its operational tempo there last year. Source: – Long War Journal
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian. Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa Danjiraha Dowladda Shiinaha ka gudoontay deeq lacaga oo dhan Hal milyan iyo Bar oo dollarka Mareykanka ah. Dowlada Shiinaha ayaa dhaqaalahaasi ugu tallo gashay si loogu gurmado dadka ay saameysay fatahaada iyo roobabka ka da’ay Beledweyne iyo Gedo. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha iyo Dowladiisuba ku bogaadiyey dadaalka ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadda webiga Shabeelle iyo Jubba. Danjire Qin oo hadalo kooban jeediyay ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay in ay door muhiim ah ka qaadato ugu gurmashada dadka masiibooyinka dabiiciga ah ay wax yeelleeyeen. Dhawaan ayay aheyd markii Xukuumadda Soomaaliya ay guddi heer qaran ah u saartay sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaaddu barakicisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda imaaraatka Carabta ayaa qarash badan ku bixineysa shirka madaxda maamul goboleedyada dalka uga furmaaya Baydhabo berri. Safaaradda imaaraatka ay ku leeyihiin Kenya, oo kaashaneysa Axmed Madoobe, ayaa la rumeysan yahay in ay lacag dhowr milyan oo doolar ay u qeybisay madaxda maamul goboleedyada si ay xiriirka ugu jaraan dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi la filayo inuu noqdo go’anka kasoo baxaya shirkja. Madaxweyneyaasha Jubba Land iyo koofur galbeed, ayaa qorshahan kasoo dhammeeyay imaaraatka kadib markii toddobaadyadii ugu dambeeyay ay booqasho ku tageen Dubai. Madaxda ayaa loo ballan qaaday lacag dheeraad ah haddii shirkooda ay kasoo saaraan go’aamo ka dhan ah dowladda dhexe, wayna ogolaadeen, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay. Imaaraatka ayaa ku dedaalaya sidii buuq ay ugu furi lahayd dowladda Soomaaliya, maadaama xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood uu xumaaday, waxeyna u muuqataa in madaxda maamul goboleedyada la safan yihiin Imaaraatka.
  7. Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed isku magacowday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating. Kulankan ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa; Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Sacad Cali Shire. Waxaana intii uu socday looga hadlay arrimo door ah oo u ubucdoodu ahayd sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Somaliland la leedahay QM. Muuse Biixi ayaa ergayga Danjire Keating uga warramay sida ay diyaarka ugu yihiin inay beesha caalamka kala shaqayaan wax kastoo danta gobolka iyo midda guud ee caalamku ku jirto, isagoo carrabka ku dhuftay Somaliland ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee sannadka soo socda qabsoomaya ay u dhacaan waqtigii loo asteeyay. Sidoo kale, Ergayga QM u qaabilsan Somalia ayaa dhinaciisa sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay Somaliland si dhaw ula shaqeyso sid loo horumariyo wada-shaqeynta labada dhinac. “Madaxweynaha Somaliland iyo ergayga QM ee Somalia waxay kulankooda uga hadleen arrimo badan oo la xiriira bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, nabadgelyada, doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen Somaliland iyo Qaramada Midoobay,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire u sheegay qaybaha warbaahinta kaddib markii uu kulanku soo dhammaaday. Ugu dambeyn, Kulankan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo ergayga QM ee Somalia ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah, waxaana dhinacyadu ay isku af-garteen dhammaan qodobbadii looga hadlay kulanka. PUNTLAND POST The post Ergayga QM ee Somalia oo Maanta Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
  8. Baydhabo (PP) ─ Madaxweynayaasha maamullada Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. Wufuuddan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed oo uu Horkacayay Sharif Xasan Sheekh Aadan, waxaana loo gudbiyay goobihii la dajin lahaa. Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam oo ay wehliyeen mas’uuliyiin maamulkiisa ka tirsan ayaa iyaguna horay u gaaray Baydhabo, waxaana soo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Madaxda Dowlad-goboleedyada Somalia ayaa waxaa maanta berri ah uga furmi doona magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed shir looga hadlayo amniga iyo horumarinta maamul-goboleedyada Somalia ka jira. Shirkan oo socon doono dhawr casho ayaa waxaa la filayaa in madaxda ka qayb-gashay ay fikrado kala duwan isku dhaafsadaan, waxaana talaabadan ay imaanaysaa iyadoo uu jiro khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka ka jira qaarkood. Hadallo kooban oo ay jeediyeen madaxda maamullada dalka ayaa waxay ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Baydhbao isugu yimaadaan si ay shir ugu yeeshaan, waxayna ballanqaadeen inay shirkoodan kasoo saari doonaan qodobbo wax ku ool ah. Dhanka kale, Maamul-goboeedyada ayaa waxay ku mideysan yihiin urur ka dhexeeya, iyagoo dhawr jeer soo saaray warbixinno ay ku dhaliilayaan hab-dhaqanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada ayaan la ogeyn qodobbada ay kasoo saari doonaan shirkooda, balse marka uu dhammaado ayaa waxaa la filayaa inay kasoo saareen war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Puntland, Hir-Shabelle iyo Galmudug oo Maanta Gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  9. Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Madoobe iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta Ku meel gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed. Axmed Madoobe iyo Waare ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba,waxaana ka mid ahaa dadka soo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shariif Xasan waxaa uu Baydhaba ku laabtay shalay si uu u marti geliyo shirka Golaha iskaashiga oo berri ka dhacaya Magaalada Baydhaba. Waxaa kale oo shirkan lagu casuumay kana qeybgelaya Madaxweynayaasha kale ee dowlad Goboleedyada sida Puntland iyo Galmudug , waxaana Baydhabo goor dhow gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la filayaa in dhawaan magaalada ay soo gaaraan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland.
  10. Muqdisho (PP) ─ Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka ee taariikhiga ah oo ay ka qaybgalayaan in kabadan 350 qof oo isaga kala yimid gobolada iyo dalka dibadiisa. Shirka masuuliyiintii ka soo qaybgashay waxaa kamid ahaa Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaal, Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowaladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyda. Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo khudbad ka jeediyay Shir-weynaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah. “Mudanayaal iyo Marwooyin, Wasaaradda aan hogaamiyo waxay bahwadaag la noqotay Guddiyada Qaran iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada ee ay shaqo wadaagayihiin, waxaan kulamo wadatashiyo ah oo badan la qaadanay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Muddo sanad ah oo qaban-qaabo ah kadib, waxaa maanta noo suurtagashay inaan Shir-weynahan qabano, waa mid taariikhi ah; waa maalin taariikhi oo wadada u xaareysa dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta Sareynta Sharciga”. Ayuu yiri Wasiir Avv Cabdi Xoosh. Sidoo kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka iyo Ku-Simaha Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa iyagana si wadajir ah u sheegeen inay ku faraxsanyihiin qabsoomidda Shir-weynaha Qaran islamarkaana ay xoojin doonaan wadashaqeynta ay Wasaaradda la leeyihiin. Dhinaca Kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’antahay dhameeystirka Dastuurka. Dhankiisa Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in Shir-weynahan uu bilow u yahay Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka oo muddo sanad ah socon doona, islamarkaana uu muhiim u yahay dadka Soomaaliyeed. Ugu dambayn, Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa si rasmi ah u furay Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo muddo seddex maalin ah socon doona. PUNTLAND POST The post Shirweyne looga hadlayo Dastuurka Dalka oo maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Axmed Madoobe oo diyaarad gaar ah ku tagay degmada Baydhabo ayaa noqdaya Madaxweynihii ugu horreeyay oo ka socda maamullada dalka ka jira oo gaaray magaaladaas, iyadoo ay socoto qaban-qaabada shir berri u furmaya madaxda maamul-goboleedyada dalka. Axmed Madoobe iyo wafdigiisa waxaa Baydhabo kusoo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo qaybaha bulshada. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamul-goboleedyada kale sida; Galmudug iyo Hirshabeelle ay iyaguna dhawaan ku wajahan yihiin Baydhabo, iyagoo diyaarad ka raacay Muqdisho. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa isagana kusii jeeda oo noqon doona mas’uulka ugu dambeeya ee gaari doona Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed. Dhanka kale, Shirka golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyada waddanka ka jira ayaa maalinta berri ka furmaya Madaxtooyada Baydhabo, kaasoo noqon doona shirkii labaad ay yeeshaan, waxaa aad loo adkeeyay amniga guud ee Baydhabo. Ugu dambeyn, Shirkan ayaa kusoo beegmay iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu u dhoofay waddanka Qatar, sidoo kalena Dowladda Federaalka Somalia iyo maamul-goboleedyada uu ka dhexeeyo khilaaf xoog leh oo ka dhashay muranka u dhexeeya waddamada Khaliijka Carabta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo Gaaray Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  12. Afeef: qormadan ma aha mid ka hadlaysa hogaamiye gaar ah, ee waa aragti gaar ah oo qeexaysa mancaha & astaanta erayada hoggaan & hogaamiye. Hoggaan: Sida uu qeexayo qaamuuska af-soomaaliga erayga hoggaan waxaa lagu macneeyaa. Xarigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xiro oo lagu wado. 2: Maamul sare ee hay’ad dowladeed u qaabilsan arrimo gaar ah. 3:Qof howl- wadeen Qaran ama mid qoys (Hogaamiye dhaqam) ah. Hogaamiye ama Hoggaanshe: waa qof dad ama duunyo hor kaca, ama qof wax maamula. Qaabka labadaas eray ay iskula fal-gali karaan waa inuu jiro qof wax hoggaamiya oo ah (hoggaamiye) iyo kuwo la hoggaamiyo oo ah (taageerayaal) ama hayin. Dad & duunyo midkii uu doonaba ha ahaadee hogaamiyaha waxaa looga baahanyahay inuu kasbado hayinnimada dadka ama duunyada uu kolkaa hogaanka u hayo. Kolka hoggaankaasi uu kasbado dad ogol ama duunyo hayin ah, sida sawirka ka muuqata ilma saqiir ah ayaa laba awr hoggaamin kara. kolkase hoggaamiyuhu uusan kasban dad ogol ama duunyo hayin ah, oday dambe ayaan hal awr ilmaha saqiirka ee uu dhalay midkoodna hoggaamin karin. Hogaamiyaha bulsho waa inuu noqdaa geesi cod kar ah oo curin kara fikrad kicinaysa xamaasada dadkiisa, qancin kara, lana doodi kara taageerayaashiisa & kuwa kale ee isaga ka aragti duwan intaba. Kolka aad isha mariso maqaalada ama buugaagta laga qoray hoggaanka & hoggaamiyaha, intooda badan waxa ay isku waafaqsanyihiin in hoggaamiyuhu yahay sadex nooc midkood, kaligii taliye, kaligii taliye silloon & hoggaamiye talo-wadaag. 1-KALIGII TALIYE & ASTAAMAHA KALI TALISNIMADA. Dad kooban ayuu kalsooni ka haystaa & inta danwadaaga ay yihiin. Dhaqaale ayuu ku qanciyaa ama awood ayuu ku muquuniyaa inta xukunkiisa mucaaradsan Had & goor waxa uu soo saaraa uu kala tashaday kaliya inta xayn-daabkiisa ku jirta ama uusan cidna kala tashan Ma jecla in la mucaarado ama la dhaliilo, wuuna amaan jecelyahay. Waa mid kala qoqoba oo qaybiya bulshada. 2-KELIGII TALIYE SILLOON & ASTAAMA LAGU GARTO Waxa uu iska dhigaa mid dhagaysta bulshada Wuxuu iska dhigaa qof aaminsan talo-wadaaga & dimuqraadiyada Balse go’aankiisa ayaa u cad marka ay timaado fulinta. 3-HOGGAAMIYAHA TALO-WADAAGA Dadku ayuu talada la wadaagaa Wuxuu ogolyahay in la dhaliilo, la mucaarado, laguna amaano run xigmad & xaqiiq ku salaysan. Waa qof u cudur daari kara shacabkiisa hadii uu gaf galo ama hawshii laga sugayay ka gaabiyo ama ku fashilmo Dalkiisa & dadkiisa wuxuu la jecelyahay inuu ooga tago horumar iyo wanaag muuqda. Guntii & gunaanadkii anigoo ka ambaqaadaya muuqalka wiilka yar ee hogaanka awrta haya, kuna fogaanaynin wixii hoggaamiye ay ka yidhaahdeen culuumta kala duwan, waxaa iiga soo baxaya in wiilkaa yari hogaanka awrtaas ku qabtay arrimaha soo socda: Waa marka horee waa wax Ilaahay u sakhiray, taas oo aysan la’aanteed suurogal inoo ahaateen inaan hogaan iyo dabar ku xidhnaa xoolaha qaybahooda kala duwan. Midda labaad waxuu wiilkaasi ku dhiiraday adeegsiga awoodiisa raganimo iyo xaqiijinta waxa laga filayo inuu ku tallaabsado kolka laga eego duruufaha ku xeeran. Waa midda saddexaade waxaa awrta hogaanka lagu hayaa si qumman uga dhaadhacsan in wiilka yari yahay kii lahaa ayna tahay inay hayin u noqdaan. Labadaas arrimood kolka lagu dabaqo hoggaamiyaha ummadda waxaa kuu cadaanaysa in qofka hoggaanka noo qabanaya ama noo ah looga baahan yahay inuu la yimaado dhiiranaan iyo meel marin wixii laga sugayay, taas oo ay ka dhalanayso in shacabkuna hayin u noqdaan hogaanmintiisa. Taas caksigeeda waxaa ah in haddii hoggaamiyuhu talada ka tasowdo ay abuurmayso in shacabkuna tusmeysto wixii ay dantood bidaan taas oo la ogyahay waxa ka dhalan inay tahay talo ribata iyo tiih ummadeed. Hadii uu mugdi kaaga jiro nooca uu yahay hoggaankaaga dhaqan ama kan siyaasadeed astaamahaas ka dhex raadi hab-dhaqankiisa. Axmed Maxamed Xasan 13/5/2018
  13. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in amar ka soo baxay maamulka Jubaland xayiraad lagu soo rogay Shirarka Odayaasha kasoo jeeda degaannada Jubaland ku yeelan jireen degaanada maamulkaasi. Amarka ayaa lagu sheegay inaan la qaban karin shirar aanu ogeyn maamulka Jubbaland. Kulan ay yeesheen madaxda Maamulka Jubaland oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe ayaa Odayaasha looga digay inay isugu yimaadaan shirar aanay fasax uga heysan maamulka. Agaasime ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland C/raxmaan Xaaji Axmed sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay ka tirsan yihiin ayna hoostagaan Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland, sidaas darteedna aysan qaban karin shir aysan wasaaraddu la socon. C/Raxmaan waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay ka tirsanyihiin oo ay hoostagaan Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland sidaas darteedna aysan qaban karin shir aysan wasaaraddu la socon. Waxaa uu ugu baaqay in ka hor shirka ay warqad fasax ah ka qaataan Wasaaradda arrimaha gudaha iyaga oo sheegaya ujeedada kulanka iyo waxa laga damacsanyahay. Arrintan ayey Odayaasha qaar ku tilmaameen cabburin Maamulka Jubaland uu ku sameynayo Odayaasha dhaqanka ee degaanka,iyada oo hadda uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa eedeyn ba’an u jeediyey Yuhuudda, siagoo ku eedeeyey inay colaad ka hurinayso Bariga dhexe. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in duqaymihii ugu dambeeyey ee ay israaiil ka gaysatay saldhigyo ay Iiraan ku leedahay gudaha dalka Suuriya ayuu si weyn u cambaareeyay falka Israel ku kacday, isagoo sheegay inn Israel ay si joogta ah cabsi uga abuurayso gobolka Bariga Dhexe. Madaxweynaha ayaa su’aal galiyey in dhacdooyinkaan ay faraha ka bixi karaan asagoo sheegay in ay tahay su’aal meesha kujirta. Wuxuu sheegay in Israaiill ay Suuriya ku gantay in kabadan 50 gantaal. Sababtuna ay tahay kicin dagaal kaqarxa gobolka. Isagoo lagu wareystay Barnaamijka Hardtalk ee BBC-da ayuu intaas ku daray in Israaiil ay si joogto ah u cabsi galinayso bariga dhexe. Waa tallaabo kale ayuu yiri oo dowlad argagixiso ah ay u qaaday dhinaca argagixisnimada. Loomana dulqaadan karo falalka caynkaan, wuxuu is-waydiiyey sababta ay israaciil ay u adeegsatay gantaalahaan, iyo waxa uu yahay hadafka ay rabaan in ay ka gaaraan. “Waxaan la hadlay madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani, mana ay aqblayaan dhacdooyinka noocaan ah, sidaas darteed sax maahan inaad hoos u dagto. Tallaabooyin ku aaddan dhanka nabadda ayaa loo baahan in si dagdag ah loo qaado. Haddiise aan sidaas la yeelin, mustaqbalka bariga dhexe wuxuu galayaa dhibaato hor leh. Waa inaan xal u helnaa xaaladda taagan” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan ” Dalalka reer galbeedka waxaa looga baahan yahay in ay dib u eegaan habdhaqankooda u aaddan gobolka gaar ahaan Suuriya. Waxaan ka walaacsanahay hawgallada laga fulinayo gobolkaan bariga dhexe, gaar ahaan Maraykanka, iyo Britain, Jarmalka, iyo dalal kale, taas oo xaaladda uga sii dari karta” ayuu sii raaciyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. York Regional Police have charged three men and issued arrest warrants for two others as part of an investigation into a Vaughan shooting almost two years ago. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasmadda Online) – Madaxweynaha Jamhooriyadda Federaalka Soomaalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar. Mudane Maxamed C/llaali Farmaajo oo magaalada Dooxa uga bilabaneyso Booqasho rasmi ah oo qaadaneyso labo maalmood ayaa la kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa yiri” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar , waxaana uga bilaabaneysa booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, isagoo la kulmi doono Amiirka Dalka Qatar. waxaana Socdaalkiisa ku wehliya Xubno ka tirsan Golaha Wassirada oo iyagana kulan la qaadan doona dhiggooda Qadar” Xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ,Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Qorsheynta oo wafdiga Madaxweynaha uga sii horeeyay Dalka Qadar. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar ayaa ku soo aaday, iyadoo xiisada khaliijka ay saameyn ku yeelatay Soomaaliya, iyadoo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu xumaaday, waxaana muuqata in dowladda ay la kulantay cadaadisyo xooggan oo ka dhashay khilaafka Khaliijka ee kol hore ay ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah. Hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa in aysan muuqan dhex dhexaadnimadeeda, marka la eego sida Madaxtooyada ay aad ugu dhow dahay Qatar iyo kaalinta muuqata ee ay xilligan ku leedahay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo lagu xanto in doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo taageero dhaqaale ka geysatay, sidoo kale Agaasimaha Madaxyooyada Fahad Yaasiin oo xilligan lagu tilmaamo nin awood badan ku dhex leh dowladda uu yahay xiriir dhow la leeyahay Qatar. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Qatar ayaa noqonaya kii labaad oo uu ku tago dalkaas, iyadoo sanadkii hore ay aheyd markii uu booqasho rasmi ku tagay, ka hor inta uusan bilaaban khilaafka dowladaha Khaliijka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa Agaasime guud u magacaabay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyrdaadka Badda Puntland. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 13 May ee ku beegan maanta ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland loogu magacaabay,Farxaan Cali Xirsi,kadib markii todobaad ka hor xilkii laga qaaday Agaasimihii hore ee Wasaaraddaas,Cali Xirsi Faarax Maxamuud. Digreeto uu madaxweyne Gaas soo saaray oo ku taariikhaysan 2-dii bishaan May ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowladda Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa wasaaraddiisa,waxaana dhammaantood lagu eedeeyay musuq maasuq iyo maamul-xumo,sida digreetada ku xusan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo Agaasime guud u magaacabay wasaaradda kalluumeysiga appeared first on Puntland Post.
  18. Mogadishu (HOL) - Over 350 citizens from a wide array of backgrounds converged in Mogadishu on Sunday for the launch of the National Constitutional Convention. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxa uu Khilaaf Siyaasadeed xiligaani ka dhextaagan yahay Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. Khilaafkan ayaa curtay wixii ka danbeeyay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada Qadar kala dhexeysa xulafada Sacuudiga sida Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn. Khilaafka Dowlada iyo Maamul Goboleedyada aan kor kusoo xusnay ayaa xoogeystay kadib markii labada maamul Goboleed ay qaadaceen go’aan ay dowlada Somalia ku qabsatay dhaqaale xoogan oo Imaaraadka Carabta ay dooneysay in dalka ay kasoo galiso dhanka Garoonka Aadan Cadde, taa oo gashay gacanta Hay’adda NISA. Hogaamiyayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas oo ka duulaaya go’aanada Dowlada ayaa sheegay inaanu aqbaleynin in dowlada Somalia ay kaligeeda ku dhaqaaqdo go’aan latashi la’aan ah. Madoobe iyo Gaas, ayaa wixii intaa ka danbeeyay bilaabay aasaaska xulafo kasoo horjeeda Dowlada Somalia oo lagu eedeeyay inay ka weecatay la dhaqanka Dowlada Imaaraadka Carabta. Qorshaha hadda socda ee labada Hogaamiye ayaa ah in isbaheysiga uu aasaaskiisa socdo lagu biiriyo Hogaamiyayaal kale oo ka taliya maamul Goboleedyada ka jira dalka, Siyaasiyiin Mucaarad ah oo uu kamid yahay C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka balse kasoo horjeeda Dowlada Federaalka. Qorshaha cusub ee Hogaamiyayaasha ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu sabab u aheyd khilaafka Dowlada iyo maamul Goboleedyada hadda isbaheysanaaya. QODOBADA AASAASKA U AH ISBAHEYSIGA AY DHISAYAAN LABADA HOGAAMIYE AYAA KALA AH: 1-Is hortaaga qorshooyinka Dowlada Federaalka oo dhan waliba ah. 2-Khilaaf u abuurida Dowlada Federaalka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo la fulinaaya rabitaanka Dowlada Imaaraadka. 3-Kala ququbida Dowlada iyo Shacbkeeda, iyadoo laga shaqeynaayo muujinta ciladaha yaryar ee dowlada, sida uu qorshuhu yahay. 4-Adeegsiga warbaahinta xorta ah si dowlada loo dareensiiyo xiisada ay abuureyso Imaaraadka oo khilaaf kala dhexeeya. 5-In shacbiga laga jeediyo Nabadda iyo Midnimada, isla markaana loo jiheeyo jihooyin kale oo mugdi galinaaya xasiloonida dalka. Sidoo kale, dhismaha Isbaheysigaan ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadaneysa Dowlada Ethiopia oo qeyb ka ah Heshiiska lagu dhisaayo Dekada Berbera oo ay ku mideysan yihiin Imaaraadka, Ethiopia iyo Somaliland, waxaana xusid mudan inay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan BFS oo heysta dhalasho Ethiopian ah. Hogaamiyaha Jubbaland ayaa dhawaan gaaray magaalada Addis Ababa waxa uuna halkaa kula kulmay Ra’isul wasaaraha dalkaasi oo ay kawada hadleen arrimaha Dekadda Berbera iyo mowqifka ay ka qaadatay Dowlada Somalia iyo weliba sida lagu carqaladeyn lahaa Dowlada hadda jirta ee loo arko inay caqabad ku tahay danaha Imaaraadka iyo Ethiopia. Sidoo kale, Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa isna lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan uu gaaro magaalada Addis Ababa, si looga soo saxiixo qodobo hoosaad uu horay usoo saxiixay Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha danaha ka leh Somalia ee la hor istaagay ayaa u muuqanaaya inay u kala hormarayaan xoojinta xiriirka Jubbaland iyo Puntland oo iyagu u saaxiib ah damac dhaqaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. One teen arrived in the United States in 2015 seeking asylum after his father was murdered in Somalia. Another fled Afghanistan last year after the Taliban killed his father and the Islamic State group killed his brother. Source: Hiiraan Online
  21. The assailant who killed a 29-year-old man in a central Paris knife attack on Saturday night was born in 1997 in the Chechnya region of Russia, a judicial source said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  22. DJIBOUTI, (CAJ News) – THE United States and China are squaring up over military strength in Africa, but Russia may be set to upstage them both on the continent’s busiest sea lane. Source: Hiiraan Online
  23. Over the past week, al Qaeda’s East African wing, Shabaab, targeted two markets in southern Somalia with deadly explosions. At least 14 civilians were killed in the attacks. Source: Hiiraan Online
  24. Somali community customs and traditions are preventing women from taking up senior positions in the county government, Governor Ali Roba has said. Source: Hiiraan Online
  25. Iran’s foreign minister departed on a whirlwind diplomatic tour early Sunday as world leaders scramble to salvage something from the wreckage of a landmark nuclear deal in the wake of Washington’s withdrawal. Mohammad Javad Zarif’s tour began two days after unprecedented Israeli strikes in Syria which a monitor said killed at least 11 Iranian fighters, triggering fears of a broader conflict between the two arch-enemies. State news agency IRNA confirmed Zarif departed in the early hours of Sunday morning. He will visit Beijing followed by Moscow and Brussels, a spokesman said, holding meetings with all of the remaining parties to the 2015 agreement. US President Donald Trump’s decision to abandon the nuclear deal has infuriated Washington’s allies in Europe as well as China and Russia. “China is highly concerned with the direction of the Iranian nuclear issue and is willing to maintain communication with all relevant parties, including Iran,” Geng Shuang, spokesman for China’s ministry of Foreign Affairs, said ahead of Zarif’s arrival. TRADE TIES Before leaving, Zarif published a government statement on his Twitter page, slamming the “extremist administration” of US President Donald Trump for abandoning “an accord recognised as a victory of diplomacy by the international community”. It reiterated that Iran was preparing to resume “industrial-scale” uranium enrichment “without any restrictions” unless Europe provided solid guarantees that it could maintain trade ties despite renewed US sanctions. Trump hit back Saturday evening, tweeted that the accord had failed to contain Iran’s militarism. “Iran’s Military Budget is up more than 40 per cent since the Obama negotiated Nuclear Deal was reached… just another indicator that it was all a big lie,” he wrote. Zarif’s delicate diplomatic mission was complicated by reports of clashes between Iranian and Israeli forces in Syria on Thursday. The Syrian Observatory of Human Rights said Saturday that 11 Iranians were among the pro-regime fighters killed in strikes by Israel, which has vowed to prevent Iran gaining a military foothold in neighbouring Syria. ISRAEL STRIKES Tehran, which has sought to avoid an escalation in regional conflict that could alienate its European partners, has not commented on whether its forces were hit. Israel and its allies have blamed the Iranian Revolutionary Guards for initiating Thursday’s exchange by launching missiles into the occupied Golan Heights. The White House backed Israel’s claims, accusing Iran of “reckless actions” that posed a “severe threat” to stability in the Middle East. Iran denies that version of events, saying the Israeli strikes were launched on “invented pretexts”. Meanwhile, European diplomats in Tehran fumed that Trump’s decision to withdraw from the nuclear deal could undermine years of patient work to restore commercial and diplomatic ties with the Islamic Republic. “Since the signing of the JCPOA (nuclear deal), we have gone from an atmosphere like a gold rush, to one of utter depression,” a Western trade diplomat on condition of anonymity said. “We are waiting now for how the decision-makers in the European Union will react. “If the EU leans towards accommodating the US, all the progress we have made since 2015 will be lost.” SANCTIONS On Saturday evening French President Emmanuel Macron phoned Trump to “take stock of trade issues and discuss the situation in the Near and Middle East”, the Elysee said in a statement. France and other western allies have been critical of Washington’s plan to re-impose sanctions on any companies doing business with Iran. Iranian hardliners — who have long opposed President Hassan Rouhani’s moves to improve ties with the West — are already mobilising against the efforts to save the nuclear deal. “Officials shouldn’t trust France and Britain. They will never abandon the US for us,” housewife Poormoslem said at a protest rally against Trump on Friday. A photo on the official Instagram site of supreme leader Ayatollah Ali Khamenei showed him reading a Farsi translation of Michael Wolff’s scabrous account of the Trump White House, “The Fire and the Fury”, quickly picking up more than 100,000 likes. ECONOMY Khamenei said this week he is highly doubtful that Europe will provide the “real guarantees” needed for Iran to stay in the nuclear deal. But analysts said Iran was determined to maintain the moral high ground in the coming weeks. “For the first time, Iran has the chance to show the world they are not the rogue nation they are always presented as, that they negotiated in good faith and keep to their commitments,” Karim Emile Bitar of the Institute for International and Strategic Studies in Paris said. The challenge for Rouhani is to maintain his diplomatic efforts in the face of mounting challenges at home, where Iranians were already suffering high unemployment and inflation before Trump’s decision. Many say sanctions allow the government to blame outsiders for its own bad decisions. The Western trade diplomat gave the example of Iran’s recent restrictions on transferring funds to the EU — an effort to control the rapid slide of the rial — that caused huge problems for importers. “It’s really annoying that the Iranian government is never blamed for the really bad decisions they have taken lately concerning business, and only the sanctions are blamed,” she said. Source: – AFP