-
Content Count
206,189 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sierra Leone’s President Julius Maada Bio has declared free education effective September, in fulfilment of a campaign promise. Source: Hiiraan Online
-
There is no doubt that the United Arab Emirates has been a key ally of Somalia ever since the country descended into chaos. Since 2014, the UAE has trained and equipped thousands of forces in Somalia to help the country take control of its own security and decrease dependency on African Union peacekeepers. But the relationship between the two countries, both members of the Arab League, has deteriorated. Source: Hiiraan Online
-
A majority of schools in Mandera remain closed as the term entered the third week because of torrential rains. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
[Bosaso-Puntland Post ]-Jaamacada Bariga Afrika qeybteeda Bosaso ayaa lacag dhan ($20,000) doolara ugu deeqay dhismaha wadad xiriirisa Ceeldaahir iyo Ceergaabo oo hada dhismaheedu marayo meel wanagsan wanaa markii afarad oo ay Jaamacadu gudoonsiiso gudiga wadada Ceeldaahie-iyo Ceergaabo. Munasabad kooban oo lacagtan lagu wareejinayey ayaa waxa ay ka dhacday Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaso waxana goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka Jaamacada madax ka tirsan Jaamacada iyo gudiga wadada Ceeldaahir-iyo Ceergaabo. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Bariga Afrika Maxamuud Maxamed Ciise Awoowe ,Salwe gudoomiyaha dhinaca academic iyo Madax Maaliyada ee Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxa y aman u soo jeediyeeyn Ardayda oo kalin weyn ka qaadatay deeqadan lacageed . Aniga oo ku hadlaya afka Jaamacada Bariga Afrika waxan halkan ku wareejinaynaa taakulo lacageed oo dhan [$20,000] oo doolar oo anu ugu talagalnay in aanu ku dhiirigalino guduga gacanta ku haysa dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo si loo dhameystiro. sidaas waxa munasabada wareejinta lacagta ka sheegay Gudoomiye ku xieenka Jaamacada Bariga Afrika Maxamud Maxamed Ciise Awoowe . Gudoomiye ku xigeenka wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo Cali Ceelaayo ayaa Amaanay Jaamacada Bariga Afrika sida wanasgan ay uga qeyb qadanayso taakuleynta wadada si loo dhameystiro. Waa markii Afraad oo ay Jaamacadu ka wareejiso lacag deeq ah gudiga wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo . The post Jaamacada Bariga Afrika [ 20,000] doolar ku wareejisay Gudiga wadada Ceeldaahir-Ceergaabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Xarakada Shabaabn ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Al- Shabaab ayaa shir Jaraa’id ku sheegay in wax farqi ah uusan u dhaxeyn askariga Turkiga ah iyo Midka Yugaandheyska ah ee jooga dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladda Turkiga oo xubin ka ah isbaheysiga NATO ay duullaan gardarra ah kusoo qaadday dalka Soomaaliya sidaas daraadeed ay si isku mid ah ula dagaallamayaan ciidamada Turkiga iyo kuwa AMISOM. Sheekh Abuu Muscab wuxuu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in dhowr madfac ay laheleen gudaha saldhigga melleteriga Turkiga ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay jiraan khasaara soo gaaray ciidamadii ku sugnaa gudaha saldhigga. Saraakiil ka mid ah Somalida ku sugan saldhigga Turkiga ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in aysan jirin khasaare ka dhashay weerarkii lagu qaaday Xarunta Tababarka Turkiga ee Magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo yeeray Shabaab Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa mar kale dib usoo shaac baxay khilaaf xooggan oo ka dhaxeeyo Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda Dhexe kadib markii uu heer sare gaaray Khilaafka dowladda Federaalka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta. Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland oo dhawaan tagay dalka Imaaraadka Carabta isla markaasna kulamo kusoo yeeshay halkaas ayaa ku dhawaaqay inay taageersan yihiin Imaaraadka isla markaasna aysan dowladda dhexe ku taageersaneyn go’aanka ay ka qaatay khilaafka dowladaha Khaliijkta. Dowladda Soomaaliya ayaa gebi ahaanba wax taageero ah ka heysan Maamul Goboleedyada kuwaas oo iyagana doonayo inay qeyb aan dastuuri aheyn ka yeeshaan awoodda Debadda, waxayna taas keentay inay hakad gasho wadashaqeyntii la doonayey inay yeeshaan dowladda iyo Maamul Goboleedyada. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa Maanta kulan uga furmi doono Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo la filayo inay soo saaraan qodobo kasoo horjeedo go’aanada dowladda, maadaama ay ku doodayaan in culeys weyn lagu hayo gaar ahaan Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe. Haddaba marka ay halkaas sheeko mareyso waxaa soo baxeyso inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kaga fiicnaa la falgalka Madaxda Maamul Goboleedyada madaxweynaha hadda talada hayo ee Farmaajo inkastoo aysan dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud culeys kala kulmin dowladaha shisheeye, gaar ahaan Imaaraadka Carabta oo lacag meel ay kala geyso la’. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gacanta ku hayey laba kamid ah Maamul Goboleedyada oo kala ah Galmudug iyo Hirshabelle taasoo kala dhantaashay awoodda madaxda Maamul Goboleedyada. Sidoo kale waxay xiriir aan sidaas usii buurneyn la laheyd Maamulada kale ee kala ah Puntland, Jubbalanad iyo Koonfur Galbeed. Madaxweynaha hadda talada ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaai laa hadda ku guuleysan la’ inuu soo xiro gashto ugu yaraan hal madaxweyne Goboleed taasoo ka caawin laheyd inuu iska yareeyo culeysyada kaga imaanayo maamul Goboleedyada. Marka si kale loo fiiriyo, Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gacanta ku hayey labada Maamul Goboleed oo ay ka taliyaan Beelaha Mogadishu Clan ee Galmudug iyo Hirshabelle ee uu isaga ku abtirsado, halka Madaxweyne Farmaajo uu awoodi la’yahay ilaa hadda inuu ugu yaraan la heshiiyo labada maamul oo ay ka taliso Beeshiisa Daarood. Waxaa muuqato inuu Madaxweyne Farmaajo culeys weyn kala kulmayo Madaxda Maamul Goboleedyada kuwaas oo iyagu doonayo inay dowladda culeys ku saaraan sidii ay u taageeri laheyd Imaaraadka Carabta. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay Khilaafka dowladaha Khaliijka, taasoo keentay inay dowladda Imaaraadka Carabta culeys aan caadi aheyn ay dowladda Soomaaliya ku saarto sidii ay kaga laaban laheyd go’aankaas isla markaasna ay xiriirka ugu jari laheyd dalka Qatar. Khilaafka Dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhibaato xoogga leh u yeeshay howlaha dowladda Farmaajo, waxaana muuqato inay awoodeeda dhaafsiin la’dahay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirweynahii Qaran ee Arrimaha Dastuurka ee Shalay ka furmay Muqdisho ayaa waxaa kaftan siyaasadeed oo qosol badan kusoo bandhigay Cabdi Qeybdiid iyo Wasiir Xoosh Jabriil. Kaftankaan ayaa ku saleysnaa shirkii Bishii Oktober la baajiyey ee Shalay ka furmay Muqdisho markii uu War saxaafadeed soo saaray Cabdi Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dib eegista Dastuurka Labada Gole Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddoomiyaha Guddiga Dib eegista Dastuurka Labada Gole Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa shirkii Dastuurka ee Shalay isku dhaafsay kaftan siyaasadeed oo ka qosol siiyey dhammaan dadkii kasoo qeyb galay. Wasiir Xoosh oo kaftankan ku soo daray markii Guddiga Dastuurka ay baajiyeen shirka maanta la furay oo la qaban lahaa Bishii Oktoobar, wuxuuna tilmaamay Cabdi Qeybdiid, waxaana arrintaas ka jawaabay Senator Qeybdiid oo sheegay in Dastuur Soomaaliyeed aanu dalka yeelan doonin inta dalal shishee laga sugayo taageero dhaqaale. Haddaba halkaan hoose ka daawo Kaftankaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/32223202_973337382815995_3272137559060250624_n.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa meeshii ugu sareysay gaaray Khilaafka dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo kan Jubblanad ee uu hoggaamiyo madaxweynaha culeys maalmahaan la kulmayo ee Axmed Madoobe. Haddaba waxaa is waydiin mudan, muxuu ku saleysan yahay hardanka madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe? Arrimaha Khaliijka Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isticmaaleyso Maamul Goboleedyada dalka kadib markii ay dowladda dhexe go’aan dhex dhexaad ah ka qaartay khilaafka soo kala dhex galay dowladaha Khaliijka kaasoo keenay in la go’doomiyo Dalka Qatar. Awoodda maaliyadeed iyo mid fikir oo ay xambaarsan yihiin madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ayaa ah mid ay dabada ka riixeyso dowladda Imaaraadka Carabta oo rabto inay culeys weyn saartay dowladda dhexe si loogu fuliyo dano siyaasadeed oo ay dalka ka dooneyso. Imaaraadka Carabta ayaa maamul Goboleedyada dalka u aragtay inay yihiin wadada kaliya ee loo adeegsan karo majaxaabinta dowladnimada Soomaaliya, waxayna lacag Malaayiin Dollar ah ku siisay sidii ay uga hor imaan lahaayeen dowladda Dhexe. Lacag: Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ka waayey Budget ku filan maamuladooda, sidaas darteed waxay Imaaraadka u arkaan inay tahay dowladda kaliya oo ay ka heli karaan adduun lacageed oo waali ah si ay ugu fushadaan danahooda siyaasadeed. Arrimaha Debadda: Madaxda maamul Goboleedyada ayaa doonaya inay qeyb weyn ku yeeshaan Siyaasadda Arrimaha Debadda, waxaana arrintaas si weyn uga hor timid dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku doodeyso inay iyada leedahay go’aan ka gaarista waxyaabaha ku saabsan Arrimaha Debadda. Dastuurka Dalka u yaal ayaa qabo inaysan maamul Goboleedyada yeelan karin Wasiir Arrimo dibadeed iyo mid gaashaandhig, taasoo muujineyso inay go’aankooda kaliya ay leedahaya dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa Maanta Shir xasaasi ah ku yeelan doono Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamul Koonfur Galbeed. Madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa la filayaa inuu shir guddoomin doono shirkaan u furmayo dowlad Goboleedyada Soomaaliya, wuxuuna ka dhici doonaa Madaxtooyada cusub ee Koonfur Galbeed. Sida aan xogta ku helnay shirkaan ayaa intiisa badan looga hadli doonaa sidii laga yeeli lahaa Khilaafka ka dhaxeeyo dowladda iyo Maamul Goboleedyada ee ku saabsan Dowladaha Khaliijka. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubblanad oo dhawaan tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmsi ah ugu dhawaaqay inay Imaaraadka la safan yihiin isla markaasna ay la geli karaa heshiis kasta. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa labadaan madaxweyne kula soo heshiisay in shirka Baydhabo la dadajiyo isla markaasna laga soo saaro qodobo culeys lagu saarayo dowladda Dhexe, waxaana lasoo siiyey lacagtii lagu fangareyn lahaa shirkaas. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay shirkaas kasoo saari doonaan qodobo xasaasi ah oo ku saabsan go’aankooda ku aadan Xiisadda ka dhaxeyso dowladda dhexe iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa la doonayaa in culeyska looga yareeyo Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe oo maalmihii ugu dambeeyey la kulmayey culeys siyaasadeed kadib markii ay ku kaceyn qaar ka tirsan siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha kasoo jeedo deegaanada uu ka taliyo maamulkaas. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa horey ugu heshiiyey in la garab istaago madaxweynihii culeys kala kulmo dowladda dhexe, waxaana muuqato inuu shirkaan ka jawaabayo heshiisyadii Kismaayo lagu galay ee waqtigaas lagu garab istaagayey madaxweynaha Galmudug oo qaar ka tirsan xildhibaanadiisa ay xilka ka qaadeen iyo madaxweyne Shariif Xasan oo culeys weyn la kulmayey waqtigaas. Shirkaan ayaa laga soo saari doono qodobo gaarayo ilaa 18 qodob. sidoo kalana waxaa jiri doono qodobo aan saxaafadda lala wadaagi doonin isla markaasna ay ku heshiin doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolada dalka ayaa sheegaya in qeybo kamid ah dhufeysyada ciidamada Dowlada ee Goboladaasi ay yihiin kuwo haawinaya. Ciidamada Dowlada oo la kulmaaya dhibaatooyin isbiirsaday oo ay kamid tahay mushaar la’aan, ayaa maalinba maalinta xigta kasii baxaaya dhufeysyo hor leh. Ciidamada oo badi ka cabanaaya Hub la’aan ayaa dib ugu soo laabanaaya magaalada Muqdisho, sababo la xiriira isku filnaan la’aan iyo gurmad aanu ka helin dowlada xiliyada ay la kulmaan hujuumka. Dhufeysyada ugu badan oo ay faarujiyeen ciidamada ayaa waxa kamid ah kuwa Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan qeybo kamid ah Degmada Awdheegle oo inta badan ku jirta gacanta al-Shabaab. Maleeshiyaadka al-Shabaab oo dib u hananaaya Dhufeysyada ay horay uga qabsadeen ciidamada ayaa iminka xiliyada Habbeenkii weerar ku qaada Saldhigyada ay Gobolka kaga sugan yihiin ciidamada Dowlada. Sidoo kale, Dowlada Federaalka ayaa dhumineysa Dhufeysyadii ay ku laheyd Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana iminka intooda badan gacanta ku haya maleeshiyaadka Al-shabaab. Al-shabaab ayaa intabadan ciidamada dowlada kasoo saareysa Gobolada, iyadoo qorshaha uu yahay mid u muuqda inay gacanta ku dhigto kala bar maamulka Gobolada. Ma cadda waxa la gudboon Dowlada waxaana xusid mudan in talaabadaani ay kusoo beegmeyso xili dhawaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ay ku goodiyeen inay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo kala midab ah. Ciidamada iyo Gaadiidka ayaa waxaa lagu arkayaa Isgoosyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo qeyb ka ah ciidamada Xasilinta caasimada. Ciidamada oo Shan shan u taagan Isgoosyada magaalada ayaa baaraya dhammaan gaadiidka raaxada, BL-ka iyo Gaadiidka kale ee isticmaala waddooyinka mashquulka badan. Waxa ay sidoo kale Hubka ka xisaabinayaan Gaadiidka ay la socdaan mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidan kuwaa oo maalmo un ka hor la faray inaanu qaadan Karin 4 qori kabadan. Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada amniga ayaa Seddex maalin un ka hor sheegtay inaanu mas’uul ka noqon doonin cawaaqibta uu la kulmo mas’uulkii ama Sarkaalkii Muqdisho ku dhexqaata Afar qori iyo wixii kabadan. Si kastaba ha ahaatee, ciidamadaani ayaa loogu tallo galay inay xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah uga furmi doono shir ay isugu imaanayaan Madaxda maamul Goboleedada dalka. Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa Shalay gaaray Magaalada Baydhabo si ay uga qeyb qaataan kulanka Maanta ka furmayo madaxtooyada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed. Shirkaan ayaa imaaday kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, gaar ahaan arrinta Khaliijka. Madaxweynayaashaa Jubbalanad iyo Puntland oo dhawaan tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay heshiis la geli karaan Imaaraadka isla markaasna aysan ku qanacsaneyn go’aanka dowladda Dhexe. Haddaba Shirkaan ayaa diirada lagu saari doono khilaafkaan cusub, sidoo kalana waxaa la filayaa inay qodobo kasoo baxaan sida midkii Kismaayo ka dhacay oo kale. Dadka Falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inuusan shirkaan wax isbadal ah ku sameyn karin go’aanka dowladda dhexe. Qodobadii kasoo baxay shirkii hore ee Kismaayo ka dhacay ayaa meel cidlaa ku haray kadib markii madaxda Maamul Goboleedyada ay imaadeen Muqdisho isla markaasna la siiyey mid kasta Hal Malyan oo Dollar. Shirkii Kismaayo kadib waxaa la ogaa inay Muqdisho ku kulmeen madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana la waayey hal Madaxweyne maamul Goboleedyada oo shaaciyo go’aanka rasmiga ah ee laga gaaray waxyaabihii la isku hayey oo ay ugu horeysay Khilaafka Dowladaha Khaliijka iyo cidda leh awoodda Arrimaha Debadda. Falanqeeyaasha siyaasadeed ayaa shirkaan kaliya ku tilmaamay in lagu doonayo in lagu yareeyo culeysyada soo wajahay madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe oo la kulmayo cadaadis aad u weyn. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa horey ugu heshiiyey in la garab istaago madaxweynihii culeys kala kulmo dowladda dhexe, waxaana muuqato inuu shirkaan ka jawaabayo heshiisyadii Kismaayo lagu galay ee waqtigaas lagu garab istaagayey madaxweynaha Galmudug oo qaar ka tirsan xildhibaanadiisa ay xilka ka qaadeen iyo madaxweyne Shariif Xasan oo culeys weyn la kulmayey waqtigaas. Haddaba waxaa la sugayaa go’aanada kasoo baxo shirkaas, sida loo fullin karo iyo jawaabta ay arrintaas ka bixiso dowladda dhexe ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Mr Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Africa ay dib u eegayaan isbedelada Siyaasadeed iyo mida Amni ee ka jirta Somalia. Francisco Madeira, ayaa sheegay inay dareemayaan isbedel weyn oo ka jira Somalia, dhinacyada Amniga iyo Siyaasada, waxa uuna carab ***** in isbedelkaasi uu yahay mid muuqda. ‘’Waxaanu dooneynaa inaanu dib u daraaseyno Amniga iyo Siyaasada Somalia, waxaanu dareemeynaa isbedel ka jira Somalia’’ Francisco Madeira, waxa uu sheegay in isbedelka ugu weyn uu yahay mid ka jira dhanka amniga, waxa uuna carab ***** in taa ay tahay mid ka turjumeysa guulaha ay ciidamada Midowga Africa usoo hoyiyeen Somalia. Ciidamada Dowlada Somalia ayuu sheegay inay kasoo kabsanayaan halkii ay dhowr sano ka hortaagnaayen, isagoo taa ku sheegay iskutashiga Somalia. Saraakiisha iyo Ciidamada Midowga Africa ayuu sheegay inay isgarbtaagayaan ciidamada Somalia, inta ay Somalia kusii sugan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab ee aadka uga soo horjeeda Nabadda Somalia. ‘’Waxaa inoo harsan inaan awooda ugu badan siino ciidamada Somalia, qeybahooda kala duwan, waayo waxaa lagu jiraa xiliga ay dowlada Somalia la wareegi laheyd amniga guud ee Somalia’’ ‘’Waa xaqiiq Somalia wey heysataa ciidamo ku filan oo hanakara amniga Somalia oo idil, keliya waxaan u baahanahay inaanu tixraacno Jadwalka aan kusoo afmeeri laheyn ka bixitaankeena Somalia’’ Midowga Africa, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado dadaal dheeri ah oo dhabaha u xaari kara Somalia oo gabi ahaan ku jirta gacanta Dowlada. Sidoo kale, magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay shir looga hadlaayay qorshaha dib u habeynta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, Wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda iyo Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM. Haddalka Francisco Madeira, ayaa kusoo beegmay xili Midowga Africa uu ka shaqeynaayo sida Somalia looga dulqaadi lahaa ciidamada AMISOM isla markaana amniga loogu wareejin lahaa ciidamada dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shabaab, the terrorist and insurgency organization based in Somalia, continues to market its allegiance to al Qaeda. Shabaab’s propaganda arm, Al-Kata’ib Media, has released several videos since late April that underscore the group’s fealty to al Qaeda’s senior leadership and its adherence to al Qaeda’s ideological platform. Two of the productions featured lengthy audio messages from Shabaab’s emir, Abu Ubaydah Ahmad Umar, a shadowy figure who is not normally so chatty. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah. Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda. Madaxweyne Farmaajo inta uu ku suganyahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadli doonaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggooda ah. Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Caawa lagu soo Dhoweeyay Dooxa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Somaliland Biixi Cabdi, ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Mr Michael Keating. Waxa kulanka qeyb ka ahaa Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Cali Jaamac iyo wasiirka arrimaha dibadda, Sacad Cali Shire. Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa loogaga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta uu maamulka Somaliland la leeyahay QM iyo in xal loo raadiyo Khilaafka maamulka kala dhexeeya Dowlada Somalia. Kulanka waxa ay sidoo kale Biixi iyo Keating uga wada-hadleen arimo ay kamid tahay Abaaraha, Xaalada Roobka ee Sanadan, Nabad Galyada, Wadashaqeynta iyo Doorashooyinka Sanadka soo Socda. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey kulanka ergayga iyo Hogaamiyaha, waxaanu sheegay in laga wada hadlayey sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka UN-ta iyo Somaliland iyo arrimo khuseeya Dowlada Somalia. “Hogaamiyaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”ayuu yidhi Shire. “Hogaamiyuhu waxaanu ka wada hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka soo socda oo ay sheegeen inay ka go’an tahay in wakhtigeedii dhacaan iyo arrimaha Tuko raq oo loo baahan yahay in arrintaasi xal nabadeed lagu dhameeyo oo khilaafaadka ka jira xadka sidii loo dhameen lahaa, waana kulankii labaad ee aan la yeeshay madaxweynihii” ayuu yiri Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Keating. Sidoo kale, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Somaliya ayaa iska diiday inuu ka Jawaabo Su’aal Saxaafada ay ka weydiisay arimaha Dagaalada Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland, Maadaama uu ka Yimid Garoowe, ka hor Socdaalkiisii Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee, Kulankan dhexmaray Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah ee ay xukuumaddani jirtey.
-
Booliska dalka Induniisiya ayaa sheegaya in xubno ka wada tirsan hal qoys ay weerarro ismiidaamin ah ku qaadeen saddex kaniisadood oo ku yaalla magaalada Surabaya. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah. Sida ay boolisku sheegayaan qoys ka kooban aabe iyo shan carruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood. Taliyaha booliska Surabaya, Tito Karnavian, ayaa sheegay in aabaha qoyska iyo saddex wiil oo uu dhalay ay isku qarxiyeen labo kaniisadood, halka xaaskiisa iyo labo carruur ah oo kale ay isku qarxiyeen kaniisad kale. Weerarradan oo ay sheegatay kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sanadkii 2005. Kal hore, madaxa laanta mukhaabaraadka dalkaasi Induniisiya, Wawan Purwanto ayaa sheegay in weerarka ay uga shakisan yihiin koox lagu magacaabo Jemaah Ansharut Daulah (JAD) oo dhiirigelin ka hesha kooxda dowladda Islaamka. Waxa uu intaasi ku daray in ay suurtagal tahay in weerarkani uu xiriir la leeyahay dhacdo kale oo kal hore bishan ay ku dhinteen shan askari kaddib markii ay isku dheceen ilaalada xabsi ku yaalla Jakarta iyo kooxo mintidiin ah oo halkaasi ku xirnaa. Madaxweynaha dalkaasi Joko Widodo oo booqday kaniisadaha la weeraray ayaa waxa uu weerarradaasi ku tilmaamay wuxushnimo. Waxa uu sheegay in booliska uu amray in ay baaritaan sameeyaan oo ay kala burburiyaan shabakadda soo abaabushay weerarradan. Weerarradan ayaa u muuqda in ay yihiin kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ay ka geystaan taageerayaasha kooxda dowladda Islamaamka. Kooxdan ayaa sanadkii 2016 sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ugu horreeyay ee ay dalkaasi ka geysatay, kaddib markii qaraxyo dhawr ah iyo toogasho ka dhcaday Jakarta ay ku dhinteen afar qof oo rayid ah. In kabadan 200 oo qof ayaa sanadkii 2002 ku dhimatay labo qarax oo kooxo xiriir la leh Al-Qaacidda ay ku qaadeen goobo lagu caweeyo oo ku yaalla Jasiiradda Bali ee isla dalkaasi Induniisiya. Isha: BBC
-
York Regional Police have charged three men and issued arrest warrants for two others as part of an investigation into a Vaughan shooting almost two years ago. On September 21, 2016, police responded to a weapons call at a residence on Andrea Lane in the area of Pine Valley Drive and Langstaff Road. A 23-year-old Vaughan man, Silverio Feola, was pronounced dead at the scene On May 2, two Toronto men, Bouh Abdilleh, 22, and Lamar Hamilton, 27, were arrested and charged with first degree murder and conspiracy to commit murder. A third suspect, Julian Perry, 24, of Toronto was arrested on May 11 and charged with the same offences. Police are also seeking two other suspects in connection with the case. Muhumad Idow, 24, of Toronto is described as male, black, 6-foot-7 with a thin build. Hussan Ali, 28, of Toronto, is described as male, black, 6-foot tall, approximately 165 pounds with a thin build. Both men are wanted on first degree murder and conspiracy to commit murder charges. Source: – CityNews
-
Over the past week, al Qaeda’s East African wing, Shabaab, targeted two markets in southern Somalia with deadly explosions. At least 14 civilians were killed in the attacks. On Wednesday, a suicide bomber detonated his explosives at a khat market in Wanlaweyn, a town 50 miles west of the capital city of Mogadishu. At least 10 civilians were reportedly killed and many others wounded. While today in Bulomarer, 90 miles south of Mogadishu, an improvised explosive device (IED) detonated at a livestock market inside the town. At least four people were reportedly killed in that explosion and five others were left wounded. Targeting markets or other civilian infrastructure is a common tactic of Shabaab. Last February, a Shabaab suicide car bomb targeted a busy market in Mogadishu, killing almost 40 civilians. Additionally, Shabaab also claimed responsibility for firing several rockets at the Turkish military base inside Mogadishu. Thirteen rockets were reportedly fired at the base, however, no material damage or injuries were reported. Abdul Aziz Abdul Musab, Shabaab’s military spokesman, released a statement about the incident, saying “we do not distinguish between a Turkish, American, Kenyan, Ethiopian, or British soldier, as all of them are invaders fighting against the Shari’ah, and it is an obligation to expel them and kill them.” The market attacks came just a week after Shabaab killed at least nine Kenyan soldiers in an IED blast near the Somali-Kenyan border. As a Kenyan military vehicle traveled to a military base in Somalia’s southern Jubaland region, it was destroyed in a blast amid an IED ambush. A week prior, seven Somali soldiers were killed in another IED attack near the same area as the Kenyan troops. Shabaab has been resurgent in Somalia since losing ground to a combined African Union (AU) and Somali offensive in 2011. The jihadist group has slowly but methodically retaken several towns and villages that it lost in both central and southern Somalia – often after AU or Somali forces withdrew. In addition, Shabaab remains a potent threat against both African Union and Somali military bases in central and southern Somalia. The al Qaeda branch also remains a serious danger inside northern Kenya, where it has undertaken several assaults and improvised explosive device attacks and even increased its operational tempo there last year. Source: – Long War Journal
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian. Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa Danjiraha Dowladda Shiinaha ka gudoontay deeq lacaga oo dhan Hal milyan iyo Bar oo dollarka Mareykanka ah. Dowlada Shiinaha ayaa dhaqaalahaasi ugu tallo gashay si loogu gurmado dadka ay saameysay fatahaada iyo roobabka ka da’ay Beledweyne iyo Gedo. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha iyo Dowladiisuba ku bogaadiyey dadaalka ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadda webiga Shabeelle iyo Jubba. Danjire Qin oo hadalo kooban jeediyay ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay in ay door muhiim ah ka qaadato ugu gurmashada dadka masiibooyinka dabiiciga ah ay wax yeelleeyeen. Dhawaan ayay aheyd markii Xukuumadda Soomaaliya ay guddi heer qaran ah u saartay sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaaddu barakicisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com