Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Pyongyang (PP) ─ Kuuriyada Waqooyi ayaa hakisay wadahadalladii heerka sare ahaa ee ay kula jirtay Kuuriyada Koonfureed sababo ay ku sheegtay inay rumaysan tahay in dhoolatusyada milateri ee ay Koonfurta iyo Mareykanku ka wadaan xadka ay yihiin kuwo dagaal loogu diyaargaroobayo. Warbaahinta ay dowladda maamusho oo warkaasi baahisay ayaa sidoo kale uga digtay Mareykanka in shirkii la qorsheeyay inuu dhexmaro hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sidoo kale khatar ku jiro. Labada Kuuriya ayaa la filayay in maanta ay kulan ku yeeshaan soohdinta kala qeybisa si ay uga xaajoodaan dib u billaabidda isu keenidda qoysaska ku kala lumay dagaalkii dhex maray labadaasi dal, kulankaasi oo ay soo jeedisay xukuumadda Pyongyang. Dhoolatuska ay ka cabaneyso Kuuriyada Waqooyi ee ay wadajirka u wadaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ah mid loogu magac daray Max Thunder kaasoo bilowday Jimcihii, waxaana ka qeyb qaadanaya boqol diyaaradaha dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwa duqeynta culus geysta ee B52 iyo nooca F15K. Kuuriyada Waqooyi ayaa ka carootay dhoolatusyada ay sameeyaan labadaasi ciidan, balse hogaamiye Kim Jong-un ayaa dhawaan u sheegay mas’uuliyinta Seoul inuu fahansan yahay in aan la joojin doonin. Heather Nauert oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dalkeeda aanu hayn xog tilmaamaysa in kulanka Trump iyo Kim Jong-Un uu qarka u saaran yahay inuu baaqdo. Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, Kim Gye-kwan, ayaa sheegay inaan lagu qasbi karin inay dhiggaan hubkooda nukliyeerka. Wuxuu su’aal geliyay hadal uu sheegay la latilayaha Trump ee ammaanka Qaranka, John Bolton, kaas oo sheegay in hannaankii loo maray hub ka dhiggidda Libya loo adeegsan doono Kuuriyada Waqooyi, iyo in dalkaasi barwaaqo loo horseedi doono marka uu burburiyo hubkiisa nukliyeerka. Wasiirka ayaa sheegay in hadalkiisu uu yahay mid khiyaano wata, oo ay og yihiin in Libya iyo Ciraaqba la burburiyay markii la ogaaday in aanay haysan hubkaasi wax gumaada. Ugu dambeyn, Xiisaddan cusub ayaa muujinaysa inuu kala duwan yahay fahanka ay Washington iyo Pyongyang ka qabaan burburinta hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Kuuriyada Waqooyi oo hakisay wadahadaladii ay kula jirtay Kuuriyada Koonfureed appeared first on Puntland Post.
  2. Wafdi oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta ku wajahan magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay. Safarka Guddoomiye Mursal uu ku tegayo magaaladda Baydhabo ayaa lagu sheegay siduu ula kulmi lahaa madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas . Dhanka kale waxaa dib loo dhigay war-murtiyeedka shirka Madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Magaalada Baydhaba, oo la filayay in shalay lasoo saaro. Qorshaha ayaa shalay ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira waxyaabaha ay madaxda kawada hadleen labadii maalin aynu soo dhaafnay. Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex jira madaxda maamul Goboleedyada iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku wajahan Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Shir-weynaha Qaran ee dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka qayb-galeen qaybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Somalia, Xukuumadda, Garsoorka, Guddiga doorashooyinka, guddiga xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad-goboleedyada, Maamulka Banaadir iyo xubno kale ayaa laga soo saaray qodobbo muhiim ah. Shirkan oo laga soo saaray qodobbo dhawr ayaa war-saxaafadeedkii laga soo saaray wuxuu u qornaa sidan; Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa; Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed; Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta oo ku dhisan Dastuurka; Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena; Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol; Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo jiro dib-u-eegista Dastuurka; Shirweynaha wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan: Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha dib-u-eegista dastuurka; Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo hortabinnada soo socda: A) INTA LAGU GUDO JIRO 2018: Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka; Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris; III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka. In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed; Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka: Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso. Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu danbayn Diseembar 2019. Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa. U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka. Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay: In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada dib-u-eegista Dastuurka; In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna hogaaminayaan; In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan. Bogaadin: Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka. Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay. PUNTLAND POST The post Akhriso: Qodobadii laga soo saaray shir-weynihii dib u eegida Dastuurka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Moderate to heavy rains continued to fall across Somali and the Ethiopian highlands, resulting in increased river flooding, along the Juba and Shabelle rivers and localized flash flooding. Since early April, heavy rainfall has marked the end of prolonged drought across much Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha socdaalka Dooxa ku wehlinaaya Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay qorshooyinka ay Dowlada Imaaraadka carabta ku dooneysay inay ku faragaliso howlaha Dowlada. Xildhibaan Zakariya Xaaji, oo si gaara ugu waramaayay Wargeyska Asharaq ee ka soo baxa dalka Qdar, ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay is hortaagtay qorshaha uu Imaaraadka ku doonaayay inuu ku maamulo Dhammaan ciidamada iyo Xerooyinkooda. Waxa uu Xildhibaan Zakariye sheegay inay dowladda Imaaraadka Carabta ku xadgudubtay shaqooyinka gaarka ah ee dowlada Somalia, sidaa aawgeed aysan suuragal aheyn in dowlada ay muujiso dulqaad intaa ka badan. ‘’Isfahan’waaga waxa uu soo bilowday goortii uu Imaaraadka isku dayay inuu la wareego maamulka Ciidamada iyo Xerooyinkooda, waxaanu ka dowlad ahaan isla fahanay inaan diidno rabitaanka Imaaraadka eek u aadan maamulida ciidamada iyo xerooyinkooda’’. Waxa uu Xildhibaan Zakariye sheegay in dowlada Imaaraadka qudheeda aysan ka raali noqoneynin in Dowlada Somalia ay maamusho ciidamada iyo xerooyinkeeda, sidaa aawgeed aysan dooneynin in Imaaraadka uu Somalia ka maamulo taago sharci daro ah. Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi, ayaa wax laga weydiiyay xiriirka Somalia iyo Qadar, waxa uuna sheegay in iminka uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana la doonaayo inuu kasii wanaagsanaado halka uu hadda joogo. Xiriirka Somalia kala dhexeeya Qadar ayuu sheegay inuu yahay mid soo jireen ah oo aan shalay bilaaban, sidaa aawgeed ay Somalia xiligaan maslaxad u aragto inay adkeyso xiriirka. Sidoo kale, Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in Dowlada Somalia aysan ka raali noqon doonin in lagu faragaliyo howlaheeda, waxa uuna cadeeyay inay soo dhaweyneyso Dowlada dal waliba oo aan dooneynin faragalin. Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqda mid muujinaaya in Dowlada Somalia ay u go’day dalka Qadar oo xiriir kala dhexeeyo, halka ay horay u sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafyada Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Garoowe (Caasimada Online )-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in degaanka Tukaraq ay gudaha u galeen Gaadiid dagaal oo ay leedahay Somaliland kuwaa oo jihooyin kala duwan ka galay deegaanka. Gaadiidkan ayaaa la sheegay inay kor u dhaafayaan 14 gaari oo xalay ilaa saaka kasoo gudbay degaanka Tukaraq, waxaana la sheegayaa inay gudmad u yihiin ciidamada maamulka ee ku jira aaga. Gaadiidka gurmadka ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ku jira noocyada ay ku xiran yihiin Hubka culus, waxaana aad looga cabsi qabaa inay dib u ololiyaan dagaalka Tukaraq. Dagaalka xoogiisa ayaa degaanka Tukaraq waxa uu mar kale ka dhacay habbeenimadii xalay, kaasi oo la xiriiray dagaalkii shalay dhexmaray labadan dhinac. Meydadka 5 Askari ayaa saaka laga helay gudaha degaanka Tukaraq gaar ahaan goobaha xalay lagu dagaalamay kuwaa oo la sheegay in oogada jirkooda ay ku taalo rasaas dhowr ah. Meydadka Askarta ayaa laga soo kala qaaday labada dhinac waxaana qaarkood laga toogtay Madaxa kuwaa oo aan muuqaneynin wajiyadooda, sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka. Sidoo kale, ciidamada maamulka Puntland ee jiida dagaalka ayaa ku jira heegan, waxaana xusid mudan in la maqlaayo rasaas goosgoos ah oo ay isweedarsanayaan labada ciidan. Ma cadda sida uu xaalka noqon doono, waxaana aad looga cabsi qabaa in mar kale uu dhaco dagaal rogaal celin ah oo ay qaado Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  7. The Al Shabab militants have been fueling clashes between the different clans in Somalia, exploiting their confusion and disunity to recruit and wage war against the African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers. Col. Bonny Bamwiseki, the commander of Battle Group 22, which has its headquarters at Ceeljaale in Marka district, said Al Shabab had been at the helm of encouraging clans to fight and kill each other, from where they would recruit massively to fail the peace mission. Ceeljaale is located in Lower Shabelle region, about 120km South of Mogadishu. But the Uganda People’s Defense Forces (UPDF) under AMISOM have been engaging the rivaling clans with a mission of stopping the fighting and reconciling them to be able to work together in harmony. According to Bamwiseki, the different clan chiefs have discovered that Al Shabab’s mission of encouraging clashes was different and accepted to stop killing each other. On weekly basis, he said, clan chiefs and elders from the region meet at their base in Ceeljalee where they have been able to discuss for a way forward. They have also realised that their people would benefit from their reconciliations, by trading with each other for the sake of development. As a result, the local militias who operate under the command of chiefs and elders have instead joined the struggle and have turned the guns against one common enemy, Al Sbabab. The fighting amongst the clans originated from ownership of land, where for some time major clans have been clashing on who owns the fertile land for cultivation. The clan disunity, Bamwiseki said, had made it difficult for the peace keepers to win the Al Shabab since they would also mix with the population from where they hatched plans to attack their bases. In a recent meeting at the Battalion heads office, several local leaders expressed gratitude to the contribution made by AMISOM forces. It was attended by the District Commissioner for Marka, Mohammad Osuman Ali, Sheikh Yusuf Osman, the Clan Chief for Ceeljaale, elders from Marka led by Muhammad Ali Abdi Jeylani Hassan Osman and Muhammad Abdikadir Bujeti, among others. Bamwiseki said that their efforts have started bearing fruits with militias working with the Somali National Army, the chiefs and elders have control over militias who have too ceased fighting amongst themselves and instead turned guns against the Al Shabab, fighting alongside the Somali National Army (SNA) and AMISOM forces. He said as a result of the dialogues, the clans have started trading by allowing commercial vehicles to ferry goods from either sides, which he said had given an opportunity to the local communities to engage in income generating activities. “We have greatly benefited from their unification, the elders know and can easily identify Al Shabab militants and are able to follow them, and SNA and AMISOM come later to give them support,” he explained. Sheikh Ali said that stopping clan clashes had enabled them to defend themselves even without government forces. “We have started working together and trading, business is going on. Traders from one clan come and buy stones here, we also buy foodstuffs from them. We have opened our school where all children are allowed to study,” he said, adding the Al Shabab was the only enemy. The elders said they had finally abandoned killing each other and united themselves against Al Shabab, and ‘if they come we shall fight them, if they want to kill AMISOM forces, we are ready to die together’. Muhammad Abidi Ali however asked AMISOM forces to extend their stay in the area and move further to liberate more towns where Al Shabab is still controlling. He said if AMISOM withdraws, Al Shabab will gain control of the areas they already liberated and cause chaos “We have managed to ease the tensions amongst ourselves and we are united against one common enemy who are Al Shabab,” he said. He explained that their biggest worry was about the plans of for AMISOM to reduce forces and finally withdraw, yet there were still more areas in the enemy territory, which he said they needed to liberate. Source: – New Vision
  8. A UN-backed peacekeeping mission in Somalia, which faces attacks by an Al-Qaeda affiliate, received unanimous Security Council backing Tuesday until July 31. The African Union Mission in Somalia (AMISOM), with about 21,600 troops, operates with the approval of the UN and relies on international funding. By extending AMISOM’s mandate to the end of July, the United Nations Security Council allowed for a review of recommendations expected in a “joint assessment” report on Somalia to be presented by June 15. In its resolution, the Security Council recalled that it authorized the African Union to reduce AMISOM to roughly 20,600 personnel by October 30, after 1,000 troops were pulled out last year. There are plans for a full withdrawal of foreign troops by December 2020, but heads of state and ministers from the main troop contributors — including Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya and Uganda — in March warned the timeframe for the drawdown was “not realistic and would lead to a reversal of the gains made by AMISOM.” The mission was deployed in 2007 to defend the internationally-backed government against attacks by the Shabaab, a Somali-led Al-Qaeda affiliate. The Shabaab was blamed for the country’s worst ever attack, in which a truck bombing left more than 500 dead in October last year. Experts describe the bloated and largely ineffective Somali army as a collection of clan militias, with various international militaries providing poorly-coordinated training to different units. The Shabaab lost its foothold in Mogadishu in 2011 but has continued its fight. Source: AFP
  9. Somalia’s Minister of Planning, Investment and Economic Development Gamal Mohamed Hassan said the talks between His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani and Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo were constructive. Source: Hiiraan Online
  10. A three-day gathering on a new constitution for Somalia ended today with an assurance from the country’s leader, President Mohamed Abdullahi ‘Farmaajo,’ that the Horn of Africa country will have a new constitution ahead of schedule – before the end of next year. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka qaraaran ee kasocda deegaanka Tukaraq isla markaana u dhexeeya maamulada Puntland iyo Somaliland. Michael Keating, waxa uu nasiib darro ku sheegay in dad deegaan wada ah ay u bareereen daadinta dhiigooda, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka. Hogaamiyayaasha maamulada Puntland iyo Somaliland ayuu Michael Keating ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool. Michael Keating, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan. Michael Keating, waxa uu labada maamul ku booriyey inay wada hadal yeeshaan, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, waxa uuna cadeeyay in colaada ay ka dhalato in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale, Michael Keating, ayaa Hoagaamiye Muuse Biixi Cabdi iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ka dalbaday inay si deg deg ah khilaafkooda ugu raadiyaan xal nabadeed, si loo badbaadiyo dad badan. Si kastaba ha ahaatee, qeyla dhaanta Michael Keating, ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu horay ugu baaqay labada maamul in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana ilaaliyaan nabadda degaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada Golaha amaanka ee QM ayaa muddo kordhin u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee ka socda gudaha iyo daafah Somalia. Wargeysyada oo xiganaaya warbixin uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in 30-ka October ee soo socota tirada Ciidanka labisan ee AMISOM ka jooga Somalia ay noqdaan 20,626 oo Askari, halka ay hadda ka yihiin 22,126 oo Askari. Waxaa warbixinta kasoo baxday Golaha lagu sheegay in muddo dhimista Askarta Militeriga ay bar bar socoto ku beddelidda Askar Boolis ah oo gaaraya 1,040 Askari oo Booliska AMISOM ah, sida uu soo saaray Golaha. Golaha waxa uu sheegay in lamideyn doono Booliska isla markaana loo bedeli doono Boolis xirfadeysan, waxaana loo qeybin doonaa 5 Unug oo ah Boolis xirfadyahanno ah. Unugyadan la sameynaayo ayaa la sheegay inay ka qeybqaadanayaan dhismaha iyo tababarka Booliska Soomaaliya ee la doonaayo inay bedelaan kuwa AMISOM. Qorshaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu yahay in 70% laga dhigo mid rayid ah, iyada oo la dhisayo Ciidan Soomaali ah oo gaaraya 10,900, kuwaas oo xaqiijinaya amniga dalka iyaga oo kaashanaya Booliska AMISOM. Sidoo kale, Taliska iyo Ciidamada AMISOM ayaa waxaa fursad loo siinayaa in ilaa dhamaadka Bisha July ee soo socota ay Ciidamo u diri karaan Somalia kaddibna ay billaabaneyso ku beddelidda Booliska, sida uu yahay qaraarka kasoo baxay Golaha. Dhinaca kale, Golaha amaanka ee QM ayaa sheegay in qorshaha dhismaha ciidamada Somalia iyo kan bixitaanka AMISOM uu noqon doono kan ay ku qeexeen warbixintooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaca ah uu u socdaalo magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Waxaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo qaban qaabada soo dhaweynta Guddoomiye Mursal, oo ka socta Garoonka magaalada. Guddoomiye Mursal ayaa waxaa wehlin doona Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, waxaana xusid mudan in socdaalkiisa Baydhabo uu yahay mid kusoo beegmaaya xili halkaa uu ka socdo shirka Hogaamiyayaasha maamulada. Qorshaha socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo la kulmida madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas oo shirkooda dhaliilo farabadan laga muujiyey. Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaanan weli shirkoodii soo gaba gabeyn, waxaana warar soo baxayay ay sheegayen in ay jiraan qodobo ay isku mari la’yihiin taas oo waqtiga ku dheereysay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in Guddoomiye Mursal uu xal u helo tabashooyinka Hogaamiyayaasha Maamulada, iyadoo wixii intaa ka danbeeya leysla soo aadi doono magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. About 1.2 million people have been affected by flooding due to heavy rains pounding parts of Somalia, Ethiopia and Kenya, an international charity said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  15. The Al Shabab militants have been fueling clashes between the different clans in Somalia, exploiting their confusion and disunity to recruit and wage war against the African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers. Source: Hiiraan Online
  16. A UN-backed peacekeeping mission in Somalia, which faces attacks by an Al-Qaeda affiliate, received unanimous Security Council backing Tuesday until July 31. Source: Hiiraan Online
  17. Minneapolis (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa baaraya xatooyo lagu tuhmayo 10 ka mid ah goobaha carruurta lagu xanaaneeyo, oo ay leeyihiin Soomaalida halkaas degan. Chuck Johnson oo ah sii-hayaha madaxa waaxda caafimaadka iyo adeegga dadweynaha ee Minnesota, ayaa sheegaya in baaritaankan oo billowday 2014 uu horseeday in la xiro 13 goob, lix kiis dambi helis ah, iyo ganaax lacageed oo dhan 4.6 milyan oo dollar. Johnson ayaa sheegay inay soo shaac baxday qiyaano cad oo caado noqotay. “Waa xaalad aan xaqiiqdii wax daryeel la siin carruurta, hase yeeshee carruurta loo geeyo goobaha xanaanada sida daryeel kuwa u baahan. Waxaana jirta in waalidiinta carruurta mararka qaar lacagta dowladda laga xado qeyb laga siiyo, taasi oo ah heshiis ka dhaxeeya waalidka iyo milkiilayaasha goobaha” ayuu yiri Johnson. Hadalkiisa ayaa loola jeedaa inuu jiro heshiis dhex mara waalidka iyo kuwa leh goobaha xanaanada caruurta, ayada oo waalidka lacagta dowladda ay ku bixiso xanaanada caruurta qeyb laga siiyo, si ay caruurtooda u geeyaan goobaha xittaa haddii aysan u baahaneyn, ayada inta kale ee lacagtana ay qaataan dadka leh goobaha xanaanada. Waxaa la rumeysan yahay in lacag dhan 100 milyan oo dollar, laga xaday gobolka, sanadihii ugu dambeeyey. Eedayamaha noocan ah, oo Soomaali badan xabsiga loo dhigay, ayaa dadka Soomaalida magacooda gaarsiiyey dhaawac xooggan, kana carreysiiyey bulshooyinka kale oo u haysta Soomaalida tuugo dhacaya lacagtii ay canshuur ahaanta u bixiyeeen. Caasimada Online Xafiiska Minnepolis caasimada@live.com
  18. Tukaraq (Caaimada Online) – Dagaalkii ka socdey aaga Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland ayaa istaagey xiligii makhribka ee xalay, Soomaaliya, waxaana uu socdey muddo 10 saac ah. Dagaalka ayaa u qaybsanaa dhawr qaybood waxaana bilowgiisu ka dhacay hawdka u dhexeeya Boocame iyo Tukaraq, dagaalkaas oo ka dhacay laba aag ayaa waxaa uu qaboobay duhurkii kadib markii roob xooggan halkaas ka da’ay. Dagaalka labaad ayaa ka dhacay ka dhacay waddada laamiga ah. Dagaalka ayaa makhribkii istaagey iyada oo ciidanka Puntland ay ku hakadeen buundada Tukaraq dhanka xigta Garoowe, halka ciidanka Somaland ay magaalada Tukaraq ka xigeen dhanka Laascaanood. Magaaalada Tukaraq ayaa cidlo ah waxaana ka qaxay dadkii deganaa halkaas. Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal gelinkii danbe ee shalay ayaa dagaalku badnaa mid la isku garaacayo madaafiicda culus sida qoriga PM-ka. Labada ciidanba waxaa soo gaarey gurmadyo xoojin ah, waxaana aad loo saadaalinayaa in waaberiga maanta dagaalku dib u qarxi doono haddii aan isla habeenimada caawa ah, ciidanka Somaliland baneyn aaga qoraxdu ugu dhacdey. Dhimashada labada dhinac kala gaartey ayaa ku dhaw 30 qof, halka dhaawucu intaas ka badan yahay, Puntland ayaa sheegtey in ay qabsadeen ilaa 9 gaari oo tikniko ah, halka Somaliland sheegatey in ay qabsadeen 6 Tikniko ah oo Taangi ku jiro. 8 Janaayo 2018 ayey ahayd markii Ciidamada Somaliland duulaan ku qabsadeen Tukaraq oo ahayd kastamka Puntland ee gobolka Sool. Isha: HM
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho dhex qulqulaaya Gaadiid casri ah oo dhawaan ay dowladda Qadar ugu deeqday Dowlada Somalia. Gaadiidkan oo casri ah ayaa waxaa loogu tallo galay Hay’adaha amaanka, gaar ahaan Booliska, halka qaarna loo hibeeyay Madaxda ugu sareysa Dowlada, hase ahaatee waxa ay u muuqdaan kuwo aan la marin wadadii loogu tallo galay. Gaadiidkan oo u badan Landcroser ayaa waxaa si mas’uuliyad darro ah ugu dhexwata gudaha magaalada Carruur dhalinyaro ah oo u muuqda inay dhaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada oo iyagu qaabab khaldan ku helay gaadiidka. Gaadiidka qaarkood oo aanu Xabadda Karin ayaa waxaa xiliyada qaar ku arkeysaa Xeebta Liido iyo Goobo kale oo aan munaasib aheyn waxaana ka dhex muuqda Carruur qaab khaldan u isticmaala gaadiidka. Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia oo Wasiiro, Ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal isugu jira ayaan heysan Gaadiid ku haboon kuwaa oo la dayacay amnigooda, halka Gaadiidkii loogu tallo galay ay ku tamashleynayaan Carruur. Dowlada Somalia ayaa waxaa loogu deeqaa Gaadiid casri ah, hase ahaatee waxaan la ogeyn halka la mariyo, iyadoo taa loo fasirankaro inaanu jirin maamul u xilsaaran dhex u xirashada ilaalinta Hantida Qaranka. Dowlada Somalia ayaa goor sii horeysay isku xil qaantay maareynta Hantida Qaranka, waxaase xusid mudan inay jiraan shaqsiyaad qaabab khaldan u isticmaala Hantida Qaranka. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn qaabka ay Dowlada Somalia uga jawaab bixin doonto ku tagrifalka Gaadiidka casriga ah ee loogu deeqay, balse ay ku tagrifalaan carruur ay dhaleen mas’uuliyiin xilal ka haya dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa waxaa isku aroosay Lamaane aan wax maqli karin isla markaasna aan hadli karin. Waana arrin naadir ku ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo magaalada Gaarisa ee ay arrintani ka dhacday, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Bashkas Jug soo dhacay. Caruus Maxamed Cabdixamiid ayaa sheegay “in uu aad ugu faraxsan yahay arooska wuxuuna u mahadceliyay waalidkii iyo waalidka xaaskiisa”. Bashkas iyo Cabdixamiid waxa u kala turjumaanay Xaliimo Guure oo ku takhasustay luuqadda miidaarka ee dhagoole yaasha. Caadiyan dadka Soomaalida ah ayaan aad u daryeelin dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida dhagooleyaasha, haddaba BBC-da ayaa caruuska waydiisay sida ay arrintan ugu suuragashay? “Waalidkay ayaa aad iigu dadaalay waxna i baray, ina garabtaagnaa ilaa iyo heerkan, soomaaliduse aad bay u takooraan dhagoole yaasha, guryaha ayay ku hayaan, marka waa in ay ogaadaan ahmiyadda ay leedahay in wax la baro dhagooleyaasha”, yuu yiri Maxamed oo luuqadda miidaarka adeegsanaya. Hadalkaasna waxaa ku raacay Sheekh Cusmaan Cabdi oo isku meheriyay lamaanahan is caashaqay, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay in aan la dayicin dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Sheeka oo hadalka sii wata ayaa sheegay in qof dhagoole ah uu ka caqli badnaan karo dadka aan dhagooolaha ahayn. Maxamed wuxuu rajaynayaa in uu toddobo ilaa siddeed ilmood dhalo wuxuuna jeclaan lahaa in uu wiil ku curto gabadhna ku xijisiiyo. Wuxuu sheegay in uu carruurtiisa jeclaan doono haddii ay dhagoole yaal noqdaan iyo haddii kalaba. Cabdixamiid Sheekh Xasan Shiil oo ah aabaha carruurka ayaa sheegay in uu dhalay saddex wiil iyo labo gabdhood isla markaasna ay aysan dhammaantood waxba maqlin isla markaasna aysan hadlin. Cabdixamiid wuxuu sheegay in labii gabdhood laga guursaday, Maxamedna uu soo calmaday gabadh sidiisa oo kale aan waxba maqlin isla markaasna hadlin isla markaaasna uu ku taageeray. “Waxaan u dhigay aroos ay kharash badan ku baxday si uusan isu dhihin waad ka liidataa kuwa wax maqla” ayuu aabaha oo la hadlay BBC-da. Isha: BBC
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si xooli ah uga socda Howlgalo lagu baadi-Goobaayo Hub la sheegay in dhawaan laga saaray Xerada uu Imaaraadka ku tababari jiray Ciidamada Dowlada. Howlgalka Hubkaani lagu raadinaayo ayaa si xooli ah uga socda Degmooyinka Wardhiigley, Waabari, Hodan iyo Xamar-weyne oo ay ku yaalan goobo si qarsoodi ah loogu iibsho Hubka sharci darada ah. Ciidamada qaar ee Howlgalka wada ayaa si toosa u abaaraya guryaha shaqsiyaad gaara oo la sheegay inay iibiyaan Hubka sharci darada ah. Hubka ay sida aadka ah u baadi-Goobayaal ciidamada ayaa ah kuwa cusub ee dhawaan laga bililaqeystay Xerada laga eryay Imaaraadka ee lagu tababaraayay ciidamada, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Suuqyada ay hadda gaareen Hub badan oo maalmahaani la qarinaayay. Wasaarada amniga Qaranka ayaa horboodeysa qaar kamid ah Howlgalada ka socda magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ka qeybqaadanaaya ciidamada Xasilinta oo ka kooban dhammaan Hay’adaha amniga. Sidoo kale, Wasaarada amniga ayaa qeybo lagu keydiyo Hubkaasi u sameysay si aan loogu khaldin Hubka ay sida gaarka ah u leedahay Dowlada Somalia, maadaama kuwaani ay yihiin sharci darro. Ma cadda sida laga yeeli doono Hubka kale ee ku jira magaalada kuwaasi oo qaarkood gaaray maleeshiyada al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Wararka caawa naga soo gaarayo deegaanka Tukaraq oo ay maanta ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka taagan tahay Xiisad heerkii ugu sareysay ah, waxaana adag in la ogaado sidda ay xaaladu tahay. Saraakiil katirsan labada dhinacba waxay cadeeyeen in uu jiro khasaare leh, dhimasho, dhaawac iyo Hanti la kala qabsaday intii uu socday dagaaladii xooga badnaa ee maanta dhacay. Wararku waxay sheegayaan in tiradda dhimashada guud ay isku tahay 45 qof kuwaas oo ah dhinacyadii ku dagaalamay dagaalka maanta, dhaawacyada ayaa gaaraya isku dar guud in ka badan 75 Askari. Gurmadyo xoog badan ayaa u imaanaya dhinacyada Puntland iyo Somaliland, waxaana meel adag gaaray xiisadda oo dagaal rasmi ah hadda isku bedeshay. Ciidanka Somaliland ayaa hub culus ku garaacay deegaanada lagu dagaalamay.
  23. Sawirkani waa cisbatalka Garowe iyo nawaaxigiisa oo ay buux dhaafiyeen ehelada iyo qoysaska maydadka iyo dhaawacyada ciidmadii Puntland ee maanta soo weeraray ciidmada qaranka Somaliland Qaran News
  24. Chief justices from the East African Community member states want to be officially involved in the activities of the bloc so they can help coordinate legal affairs and strengthen administration of justice in the region. The chief justices said they are ready to offer legal solutions to “the controversies standing in the way of integration process.” They said that the treaty which established the EAC envisaged judiciary cooperation but felt short of giving proper elaboration on the engagements. COLLABORATION The CJs resolved to revive the East African Community Chief Justices Forum (EACJF) to enable them engage with other arms of regional governments and the regional integration body. The chief justices were in Nairobi for a consultative forum on enhancing regional collaboration in the administration of justice. Those in attendance were David Maraga (Kenya), Ibrahim Juma (Tanzania), Bart Katureebe (Uganda), Omar Makungu (Zanzibar), Chan Madut (South Sudan) and Sam Rugege (Rwanda). Somalia Chief Justice Ibrahim Suleiman attended as an observer. East African Chief Justices Forum President Emmanuel Ugirashebuja was also present. They said EACJF, where the President of East African Court of Justice will also sit, will also help enhance judiciaries’ contribution to regional and national development, protection of rule of law and promotion of East Africa citizens’ well-being. STRATEGIES “We urge EAC partner states to include the EACJF as an official actor in the EAC processes particularly on the administration of justice, make the EACJF engagements part of the calendar of EAC activities, and provide for regular and structured direct consultations between the forum and the EAC on matters relating to the judiciaries,” they said in a joint communique after a two-day meeting, Nairobi. They added: “We undertake to enhance inter-institutional dialogue by reaching out and exploring modalities for regular and continuous engagement with the executive and legislative arms.” The chief justices also agreed to collaborate in the identification, implementation and sharing of experiences on innovative strategies to improve dispensation of justice through adoption of technology, institutionalisation of performance management and strengthening integrity mechanisms. INDEPENDENCE Each judiciary in the region is grappling with case backlog which the chief justices conceded has negative impact on delivery of justice hence the decision to scale up initiatives to address the situation. “As part of strengthening judicial integrity and independence, we commit to improve mechanisms for accountability of judicial officers and staff and communication to the public on our work, “they added. They, however, observed that current judiciary budgets in their countries is a serious drawback to delivery of quality and effective service to court users. “ We resolve to continue engaging the legislative and executive arms of government to improve financial allocations and security for the judiciary, and to support the establishment and operationalisation of a Judiciary Fund or other mechanisms of ensuring financial autonomy of the judiciary,” they added Source: – Daily Nation
  25. MOGADISHU, May 15 (Xinhua) — Somalia security forces have beefed up security in major urban centers in the restive capital city, Mogadishu ahead of Islamic holy month of Ramadan which begins worldwide this week. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire who toured several districts in Mogadishu on Monday to assess the security has directed security forces to increase patrols in Mogadishu and its environments to ensure peace prevails during Ramadan. He also urged the police to remain vigilant and reinforce security by arresting any suspicious characters that may utilize the Ramadhan period to stage attacks in the country. Based on past experience, the al-Qaeda allied militant group normally stages attacks during the holy month of Ramadan and their main targets have been urban centers, military bases and other public places such as hotels, markets and busy restaurants requested by many people including military bases. Last week, African Union Mission in Somalia (AMISOM) said, in collaboration with the Somali Police Force, it will conduct patrols throughout the Ramadan period. “We have always had challenges during that month of Ramadan; we always get propping attacks from the al-Shabab but this time, we want to ensure that our brothers observe the fasting peacefully,” said Brigadier Paul L’Okech, the Uganda contingent commander in Somalia. L’Okech said the allied forces will carry out pre-emptive measures to thwart all attacks by the insurgents in Mogadishu and its environs. Source: – Xinhua