-
Content Count
210,693 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaybtaan waxay la socotaa middi ka horraysay. Waxay dhamaystiraysaa dhibatooyinka Jabuuti ooga soo fool leh quwadaha shisheeye ee xeebaheeda laga wada kireeyay. Waxaa noo danbaysay in Jabuuti oo dhul ahaan labo jeer wax ku dhow ka yar gobalaka Mudug (Mudug waa 60,000km2 hala Jabuuti ay tahay 23,200KM2) ay xeebaheeda isugu keentay, Shiine, Maraykan, Faransiis, Japan iyo Sacuudi Carabiya. Waxaan soo sheegnay in Shiine deyn xad dhaaftay ku yeeshay Jabuuti ilaa haddana oo mid kale siinayo taasoo looga shaki qabo inuu ku doonayo la wareegidda gacan ku haynta xeebaha Jabuuti marki ay bixin waydo qaanta. Waxaan maraynay in Shiine iyo Maraykan oo Jabuuti ku leh saldhigyo ciidan oo isu jiro 6 mayl kaliya ay billaabeen isku eedayn daandaansi. Siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada Maraykanka ugu sarrayso ayaa walaac weyn ka muujiyay damaca Shiinihu kuu doonayo in gacanta ku dhigo dekadaha Jabuuti. Jananka haysto ciidamada Afrika ee Maraykanka ayaa sheegay Shiinuhu u diidi karo Maraykanka isticmaalka dakedda haddii ay sidaan howshu kusii socoto. Shiine oo la wareego gacanta ku hayn xeebaha Jabuuti waxay, sidoo kale, ka dhigan tahay inuu isagu maamulo marinka Baab-Al-Mandan oo ah meesha 5% shidaalka adduunku uu maro. Haddii taasi ay dhacdo Maraykan iyo xulufadiisu waxay marti u noqonayaan Shiinaha, oo aanan keeni doonin kaliya inuu kaga adkaado tartarnka ka dheexeeye, ee sidoo kale keeni doonto inuu isagu yeeriyo waxa meesha marayo iyo koontaroolkeeda. Arrintaas inay dhacdo Maraykan dhimasho oogama duwana. Inkastoo aysan hadda muuqan tallaabooyin u furan oo arrintaas uu ooga hortagi karo, haddana Maraykanku wuxuu ku jiifaa walwal joogta ah oo uu ka qabo is balaarinta Shiinaha ee Geeska Afrika. Xataa haddii uusan dhex marin dagaal hubaysan, mid siyaasadeed ee u dhaxeeyo labada dal ee adduunka ugu tunka weyn ku filan inay baabi’iso Jabuuti. Waddamada Carabta ee sida lama filaanka ah ugu soo biiray loollanka ayaa la tuhmayaa inay Maraykanka jaraanjaro u yihiin. Imaaraatka oo ah saaxiibka ugu dhow Maraykanka, ayay Jabuuti isfahmi waayeen. Isfahanwaagaas wuxuu keenay in Imaaraat qaado talaabooyin is xigxigo oo muuqdo kuwo uu ku doonayo inuu Jabuuti god ku rido. Tusaale, wuxuu xariir dhow la samaystay Itoobiya lacag aad u bandanna siiyay. Sidoo kale wuxuu xariir aan caadi ahayn la yeeshay Eritareeya oo ay Jabuuti dhulna isku hayaan tartan xagga badaha ahna ku jiraan. Heshiiska lama filaanka ah ee dhaxmaray Eritareeya iyo Itoobiya waxaa la sheegayaa inuu sabab u ahaa Imaaraat oo doonayo in Itoobiya isticmaasho dekadaha Eritareeya si loo wax yeelleeyo Jabuuti. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Imaaraatku ballanqaaday dayac tirka dakedaha Masawa iyo Casab ee Eritareeya, inuu dhiso jidku isku xiro Adisaba iyo Casamara iyo mid isku xiro Masawa iyo Makelle oo ah caasimadda gobalka Tikreega. Mashrrucaan oo sidaa su hirgalo Jabuuti wuxuu ku yahay dhabarjab naafeeyo dakhliga kasoo galo deledaeheeda taasoo adkayn doonto inay bixiso deynta lagu leeyahay. Laakiin fulinta mashruucaan wuxuu u baahanhay balaayiin lacag ah iyo waqti gaarayo tobannaan sano taasoo la ogayn sida Imaaraat oo ku ceyrtoobay dagaalka Yemen uu u fulin karo. Hasa yeeshee marki la fiiriyo hanka Itoobiya ee ah inay dalkeeda ka dhisto kaabayaasha dhaqaalaha kasoo u sahlayo damaceeda ah inay ka mid noqoto waddamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay sanada 2025’ta iyo sidoo kale qar iska-tuurnimada Imaaraat iyo waddamada carbeed lagu yaqaan waa mid aad ugu dhow inuu fulo. Culayskaas soo fuulay Jabuuti wuxuu u ogolaan karaa Maraykanka inay gorgortan la galaan madaxda dalkaas xalna u helaan cabsida laga qabo in Shiine la wareego xeebaha Jabuuti. Sidoo kale wuxuu sii murgin karaa xaaladda Jabuuti oo waxaa suuragal ah inay Shiine si buuxdo isugu dhiibto iyadoo u fakerayso sida Imaaraatka ee ah ‘rag iska celi’. Haddii ay ka badbaado dabinka Shiinahu u dhigay Jabuuti, waxaa adag inay ka badbaaddo midka ay dhigtay Itoobiya. Qaanta uu Shiine siiyay Jabuuti afar laabkeed ayuu siiyay Itoobiya. Lacagtaan in badan oo ka mid ah waxaa lagu maalgaliyay waddoyin iyo tareen Itoobiya ku xiro Jabuuti. Hadafka mashaariicdaan waa in la isticmaalo boqollaal sano. Heshiisyada lagu galay mashaariicdaan Jabuuti qayb ayay ka ahayd sidaa darteed kama weecan karto. Haddii ay dhacdo inay is qoomaan Itoobiya iyo Jabuuti oo howlo un isku qabtaan, Jabuutina go’aansato inay xirato xudduudkeeda, Itoobiya waa xaqiiq inay isku dayi doonto inay xoog kula wareegto Jabuuti oo dhan. Arrintaas waxay u cuskan inay difaacanayso danaheeda iyo lacagta balaayiinta ah ee ka gashay dhulka Jabuuti. Sidoo kale waxay ku doodi inay Jabuuti jabisay heshiiski lagu saleeyay mashaariicdaan Itoobiya qaameeyay. Intaas waxaa dheer in dad Itoobiyaan ahi ay buux dhaafiyeen Jabuuti. 2015’ki Itoobiyaanka ku noolaa Jabuuti wuxuu ahaa 50,000 oo qof (0.16% ayay ka ahaayeen shacabka Jabuuti) inta aan la aqoon inay yimaadeen ee iska soo galay xad ma leh. Waqtigaas waddada tareenka lama dhisan mashaariicda shaqooyinka badan laga helayo ee Jabuuti ka socdana bilow ayay ahaayeen. Sidaas awgeed hadda waxaa suuragal ah inay ilaa 80 kun gaarayaan. Dadka Itoobiyaanka ah ee galo Jabuuti waxay u badan yihiin dad dago oo ku talagala inaysan soo noqon. Waxaa caasimadda ku yaallo xaafado u gooni oo gaaray inaysan cid kale ag mari karin (arrintaan ma hubo oo sheeko ayay igu soo gaartay). Lama yaqaan in dowladda Itoobiya si ku talagal ah dadkaas ugu dirto Jabuuti inay si dabiici isaga dhacdo laakiin waxaa hubaal ah in haddii tiro xooggan oo Itoobiyaan deegaan ku yeeshaan Jabuuti ay sahlanaan doonto inay Itoobiya qabsato Jabuuti. Jabuuti waxaa ku nool Canfar 40% shacabka ah. Qowmiyaddaan waxay aaminsantahay inay iyadu Jabuuti deegaan u leedahay Ciisana kaga badan tahay ee Soomaali aan ree Jabuuti ahayn xoog ku muquunisay. Tabashadaan waxay noqon kartaa mid ay Itoobiya ka faaiidaysato marki ay u diyaar garowdo duullaan ay ku qaaddo Jabuuti. Canfartu waxay ku baahsantahay Itoobiya, Jabuuti iyo Eritareeya mana leh dal u gooni, marka inay ku fakeraan yeesha dal idiin gaar ah wax la baciidsado maahan. Waxaa kaloo meesha ku jiro in Itoobiya sida ay Soomaaligalbeed oogala wareegtay Ingriiska uu qorshuhu ahaa inay Jabuuti oogala wareegto Faransiiska. 1884’ti Faransiiska iyo Itoobiya waxay kala saxiisdeen heshiis lagu dhisayo jid tareen oo kasoo baxo Jabuuti yimaadama Adis Ababa. Waa jidka hadda dib Shiinuhu u dhisay. Heshiiskaan waxaa ka mid ahaa in Faransiisku jidkaas iyo dhulkuu maro ee Jabuuti ah uu gacanta ku haynayo muddo 99 sano. Marki muddadaas dhammaato wuxuu si otomaatik ah u noqonayaa jidka iyo dhulkuu maraba mid hoos yimaada Itoobiya. Nasiib wanaag 99 ka hor ayay Jabuuti iska rogtay heeryadi guumaystaha. Laakiin Itoobiya waxay aaminsantahay in Jabuuti tahay dhul ay iyadu leedahay oo Faransiis ka xoogay ka dibka xorriyad ka siiayay. Sheegashadaas, inkastoo aannan idaacadaha ka maqal, waa mid lagu dhigo iskoollada ilaa jaamacadaha. Ugu danbayn tartanka ka aloosan Geeska Afrika wuxuu u muuqdaa mid loogu tartamo qaybsigiisa. Waddamo horay guumayste u ahaa, kuwo hadda doonayo inay wax guumaystaan iyo kuwo dano dhaqaale kaliya leh ayaa isku eryayo gacan u haynta mandhiqadda. Deegaannada Soomaalida oo ay Jabuuti ku jirto ayaa ah ugu baylahsan ee cid walba isha ku hayso oo ay is leedahay la qaybsaye ha ka qadin. Waddamada quud-darraynayo inay qaybta wax ka helaan waxaa ka mid ah Itoobiya oo isu diyaarinayso inay isu muujiso dalka aan laga tallaabsan karin. La soco qormada xigta inshallah. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
-
Lamu (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaasheegay in Ururka Al Shabaab ay qarax Miino ay la beegsadeen ciidamada Kenya, kasoo qasaare xoog leh gaarsiiyey ciidamada Kenya oo ku sugnaa Gobolka Xeebta ee Lamu. Qarax miinada ayaa qabsaday Gaari ay la socdeen ciidamada Milateriga Kenya ee KDF, waxaana uu qaraxu ka dhacay inta u dhaxaysa degaanada Kenyatta Forest iyo Bodheey oo ka wada tirsan gobolka Lamu. Waxaa qaraxa ku dhintayn ilaa 5 askari oo ciidamada Kenya ka mida ka tirsanaa, waxaana ku dhaawacmay Lix askari oo kale. AlShabaab ayaa sheegatay inay qaraxaasi ay ku dileen Sagaal askari oo Kenyan ah, kadib markii gaari ay saarnaayeen qabsatay Miino dhulka loogu aasay. Caasimada Online Xafiiska Lamu Caasimada@live.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ee xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar uu weli ku sugan yahay magaalada Addis ababa. Warar is khilaafsan ayaa sheegaya in Cabdi Maxamuud uu xiran yahay, halka warar kale ay oronayaan in xabsi guri uu ku jiro,warar kalena waxay sheegayaan in ammni ahaan uu halkaasi ugu sugan yahay. Shabakadda Caasimadda Online waxaa soo gaaray warar ah in mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin magaalada Addis ababa oo ay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay kala tashanayaan xaaladda dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya. Warar aan helnay waxay sheegayaan in dublumaasiyiin ajaanib ay la xiriireen hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka ee Itoobiya oo ay kala hadleen xaaladda uu ku sugan yahay gobolka soomaalida ee Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online)– Xoghayihii joogtada wasaaradda gargaarka iyo maaraaynta Masiibooyinka, Maxamed Cumar Macalin ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay wasaaraddaasi, iyadoo maalmo kahor wasaaradaasi laga soo xiray agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha Daahir Maxamed Nuur oo lagu soo eedeyay in lagu helay musuq maasuq. Warqadda is casilaadda ayaa la sheegay in uu agaasimuha ku sheegay inuu isku casilay duruufo adag oo u saamixi waayey inuu sii wato shaqadii uu u hayey wasaaradda iyo khilaaf kala dhaxeeya wasiirka. Warar hoose ayaa sheegaya in xoghayaha iyo wasiirka wasaaradda Xamza Saciid Xamze uu khilaaf soo kala dhex galay iyo kala aragti duwanaansho isla markaana uu sidaasi isu casilay. Dhawaan ayaa dowladda xabsiga dhigtay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha Daahir Maxamed Nuur oo lagu eedeeyay masuqmaasuq hanti dadweyne. Hase ahaatee lama oga in xoghayaha iscasilay arrintaan dabada la gashay ama saameysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Keddib khilaafkii Khaliijka oo ay Dowladaha Soomaaliya, Suudaan, Cummaan iyo Kuweyt ay qaateen go’aan dhexdhexaad ah ayaa haatan waxaa muuqata in isbaddal dhankaas ku saabsan yimid keddib markii ay dowladahan iska diideen faragelin kasta oo lagu sameeyay dal xubin ka ah Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka. Inkasta oo ay warsaxaafadeedyada ay sii daayeen ay xoogaa ka muuqato in ay dhiirrigelinayaan wada hadal iyo in labada dal ay ka wada hadlaan khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex jira, haddana waxay gaashaanka ku dhufteen faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Suchudiga. Dad ka faallooda arrimaha siyaasadda oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan indhaha ka laaban karin faragelinta waddan kamid ah dalalka Islaamka, haddana hormuud u ah Jaamacadda Carabta. Maadaama ay dalalka bannaanka ka istaageen dulmigii lagu go’doomiyay Qatar, sidaas si lamid ahna waxay muujinayan in loo baahanyahay in dal kasta siyaasadiisa gudaha inaan lagu xadgudbin. Sucuudiga iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir qotodheer oo aysan marnaba labada dal ku kala go’I karin si kastoo mararka qaar looga gaabsado siyaasadaha arrimaha dibadda ee ay ku kacayaan dalalka reer Galbeedka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Somalia ayaa daboolka ka qaaday inay isgarabtaageyso dowlada Sacuudiga oo uu khilaaf diblumaasiyadeed kala dhexeeyo Canada. Dowlada Somalia waxa ay sheegtay inay la safan tahay dowlada Sacuudiga, waxa ayna dowlada Canada ku eedeysay inay ku xadgudbeyso madax-banaanida dalkaasi. Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia ayaa aad uga carooday go’aanka ay dowlada Somalia kula safatay dowlada Sacuudiga isla markaana kaga soo horjeesatay Canad. Waxa ay Wasiirada iyo Xildhibaanaduba sheegen in dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada arrimaha Dibadda ku fududaatay go’aanka ay ku dhex gashay khilaafka. Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka ayaa sheegtay in go’aanka ay dowlada Somalia ku taageertay Sacuudiga uu yahay mid lagu qoslo. “Waa wax lagu qoslo oo meel ka dhac ku ah guud ahaan haweenka meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed. Intii aan u doodi lahayn xuquuqdooda waxa aan dhinac istaageynaa wadan uu ka jiro dhaqanka carsi-jaahiliga, oo haweenka ula dhaqma sidii wax liita oo aan qiimo ku fadhin, waxa aan garaaceynaa durbaanka niyad-jabka” ayey tiri xildhibaan Sagal Isaaq Biixi. Qoraalkeeda ayaa intaas ku daray, “Warqaddan-Bayaanka dowladda Soomaliya-kama hadleyso waxa ka dhex jira Sacuudiga iyo Kanada balse waxa ay bidhaamineysaa heerka sida arrimaha haweenka aysan ugu jirin siyaasadeenna iyo go’aamadeenna maalinlaha ah-waa wax laga xumaado” ayey tiri xildhibaan Sagal. Dowlada Somalia waxaa xilal kala duwan ka haya Mas’uuliyiin heysta dhalashada dalka Canada xili ay dowlada Somalia ku bilowday daan-daansi Siyaasadeed iyadoo qancineysa dowlada Sacuudiga. Xubanaha dowladda ku jira ee heysta dhalashada Canada waxa ay isugu jiraan Wasiiro, Xildhibaanada labada aqal, taliyayaal, iyo agaasimayaasha wasaaradaha qaarkood. Dadka qaar ayaa tusaale u soo qaadanaya hab dhaqanka labada dowladood iyo cida Soomaaliya taageertay, kaddib burburkii dowladda Dhexe, iyadoo Canada ay ku nool yihiin Soomaali fara badan, kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, heystana dhalashada dalka, qaarkoodna xilal ka haya, sida Wasiirka Socdaalka dalkaas. Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkeeda ka soo tarxiishay muwaadiniin fara badan oo Soomaaliya. Halkaan hoose kaga bogo qaar kamid ah Wasiirada XFS ee heysta dhalashada dalka Canada:- 1-Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad. 2-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac. 3-Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil. 4-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaae. 5-Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamdd Xasan. 6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin. 7- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre. 8-Taliyaha Nabadsugida Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen. Waxaa sidoo kale jira Sagaal Senator ka tirsan Aqalka Sare iyo Xildhibaano ka tirs Golaha Shacabka oo heysta dhalashada dalka Canada. Si kastaba ha ahaatee, go’aanada degdega ah ee dowlada Somalia ayaa caqabado diblumaasiyadeed u abuureysa Somalia, waxaana lagu talinayaa inay dhex dhexaad ka noqoto arrimaha khilaafka adduunka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Musharaxiin iyo Guddooyaha baarlamaanka Puntland Musharaxiin u taagan xilka madaxtinimada Puntland ee sanadka 2019 ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi. Kulanka oo ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa waxaa Guddomiyaha la qaatay Saddexda Musharax ee kala ah Cabdi Faarax Juxa, Khaliif Ciise Mudan iyo Cali Xaaji Warsame waxayna kawada hadleen arimo la xiriira doorashada Puntland 2019, sida uu xaqiijiyay Cabdi Faarax Juxa. Cabdi Faarax Juxa waxa uu sheegay in ay kawada hadleen Guddiga khilaafaadka ee soo xulida baarlamaanka, wakhtiga doorashada ee 8-da Janaayo 2019, amniga guud ee xiliga doorashada, abuurida jawi ku haboon doorashada iyo doorka baarlamaanka. Sidoo kale Juxa wuxuu intaas ku daray in arrimaha ay kawada hadleen musharaxiinta iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ay qaar kamid ah isla garteen. Dhanka kale Juxa ayaa sheegay in kulankan qorshuhu ahaa in ay ku weheliso Jamiilo Muuse oo kamid ah musharaxiinta Puntland ee doorashada 2019 oo uga baaqatay arrin ku timid darteed, balse ay ku wehelinaysay mowqifka. Arrinta khilaafka badan ka dhalisa doorashooyinka madaxtinimada Puntland ayaa ah Guddiga khilaafaadka doorashada oo ah kuwa kala saara xubnaha baarlamaanka ee ay soo xulaan Odayaasha dhaqanku. Gudiga khilaafaadka oo ah 7 xubnood waxaa magacaaba Madaxweynaha taladda kasii degaya, taas oo ay gaashaanka u daruuri jireen murashixiintu iyadoo ku andacoonaya in ay qaar kamid ah musharaxiintu magacaabaan, balse is jiid-jiid dheer kadib waxaa lagu qanci jiray tan Madaxweynah talada ka dagaya. Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in hadda qaar kamida xubnaha baarlamaanka Puntland ay orod ugu jiraan sidii ay iyagu usoo magacaabi lahaayeen qaar kamida Gudiga khilaafaadka doorashada, iyagoo raadinaya qorshe cusub oo ay rabaan inay mar kale kusoo laabtaan. Sida ku cad dastuurka Puntland waxaa lagu wadaa in baarlamaanka hada jira ee Puntland si rasmiya loo kala diro bisha Oktoobar ee sanadkan 2018, wixii xiligaa ka danbeeyana la diyaariyo baarlamaanka cusub. Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 8 Janaayo 2019, sida uu horey dhowr jeer u sheegay Madaxweyne Gaas. PUNTLAND POST The post Musharaxiin iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kulmay, maxay kawada hadleen? appeared first on Puntland Post.
-
His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani held a telephone conversation with Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo. During the phone call, which the Amir received from the president of Somalia yesterday, they reviewed the bilateral relations and ways to enhance them, as well as issues of mutual concern. Amir sends greetings to Ivory Coast president His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, His Highness the Deputy Amir Sheikh Abdullah bin Hamad al-Thani and HE the Prime Minister and Interior Minister Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa al-Thani sent yesterday cables of congratulations to Ivory Coast President Alassane Ouattara on the anniversary his country’s Independence Day. Guidelines to raise awareness of laws The Legal and Judicial Studies Centre at the Ministry of Justice has issued a series of guidelines to raise awareness and introduce the new Qatari laws that are directly relevant to the public. The ministry said that the manuals come in the framework of the initiative launched by HE the Minister of Justice Dr Hassan Lahdan Saqr al-Muhannadi under the title “Explanation of Qatari Legislation”. Among the legal guidelines is the one related to the settlement of labour disputes which highlights Qatar’s bright record in labour rights at the international level. Source: – Gulf Times
-
Uganda’s fledgling national airline will be a candidate for an initial public offering and closer cooperation with other carriers if the launch goes as planned. Uganda Airlines, which last month signed deals for Airbus SE wide-body jets and Bombardier Inc. regional planes, is due to begin operating 19 routes in January, Transport Minister Monica Azuba Ntege said in an interview. “The first step is to get the airline up and moving,” she said. “It is owned 100 percent by the Ugandan government, but after that the plan is to work with other airlines and in future we will float shares.” Uganda is working to establish a new flag carrier after the last collapsed amid mounting debts in 2001. Ntege said the chief role for the airline, to be based at Entebbe airport outside Kampala, will be in boosting travel links and introducing competition to bring down fares. It will also have a cargo arm to serve areas of the economy such as flower exports and a growing oil sector. “Our people have been charged exorbitant prices for tickets because there was no competition,” the minister said. “We’re moving progressively, but we’re getting there. We had a national airline and it went down. We don’t want to make the same mistakes.” Possible Partners Prospective partners include airlines already operating to Entebbe, including Dubai-based Emirates, Qatar Airways, the Dutch division of Air France-KLM Group, Deutsche Lufthansa AG’s Brussels Air arm, South African Airways, Kenya Airways and Ethiopian Airways. Ethiopian, Africa’s only consistently profitable carrier, has emerged as a major consolidator, with units in Malawi and Togo and plans for equity deals or managements contracts with new carriers in Zambia, Chad, Mozambique, Guinea, Eritrea, Nigeria, Equatorial Guinea and Democratic Republic of Congo. Initial flights at Uganda Air will use four 76-seat Bombardier CRJ900 jets for regional trips. Services to cities such as Dubai and Accra, Ghana, and long-haul destinations including London and Guangzhou, China, will be possible with the delivery of two 261-seat Airbus A330neo jets from the fourth quarter of 2020. The expansion will coincide with the opening of a new international airport at Kabaale close to the Congolese border in 2021, a hub that will serve Uganda’s expanding oil industry. The carrier will also provide links to four regional airfields that are being expanded to encourage tourist visits. Further planes could be added every two years depending on the performance of the business, with profitability coming “at a later stage,” Ntege said. — With assistance by Fred Ojambo Source: – Bloomberg
-
The Republic of Djibouti has expressed its condemnation and denunciation of the Canadian interventions in the internal affairs of the Kingdom of Saudi Arabia. Djibouti affirmed its absolute solidarity and full stand with the Kingdom in countering such interventions and confronting all those who seek to infringe on its sovereignty. Djibouti Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation expressed, in a statement today its full confidence in the wise leadership of the Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz Al Saud and his government in defending the rights of Arab countries and the Islamic world. Source: – SPA
-
Authorities have shut off Internet access in eastern Ethiopia amid an outbreak of violence there, residents said on Wednesday, a sign of the challenges facing reformist Prime Minister Abiy Ahmed in containing ethnic tensions in parts of the country. The residents, one speaking from Oromia region and the other from the city of Harar, said the connection had been down for three days — the first time access has been cut off since parliament lifted a state of emergency in June. Ethiopian government spokesman Ahmed Shide did not immediately respond to a phone call and a text message seeking comment on the shutdown, which was reported on Tuesday by digital rights group Access Now. Violence broke out on Saturday in Jijiga, the capital of Ethiopia’s Somali region, with mobs looting properties owned by ethnic minorities. Security officials shot dead four people, a witness told Reuters. The government said unrest had been stoked by regional officials. The residents in Oromia and Harar said they were concerned the violence could spread from the Somali region into other parts of eastern Ethiopia, in part because tit-for-tat ethnic reprisals were one part of the unrest that roiled the country for three years until the resignation of Prime Minister Hailemariam Desalegn in February. The government had imposed emergency rule in February, a day after Hailemariam’s resignation after three years of street protests and violent unrest. Since replacing Desalegn in April, Abiy has turned politics and the economy on its head in the country of 100 million people but continuing ethnic violence poses a challenge to his reform drive. Nearly 1 million Ethiopians are currently displaced from their homes due to ethnic violence in the Somali and Oromia regions and elsewhere, according to the United Nations. The government’s move to shut down the Internet amid the latest violence over the weekend suggests a continuation of a knee-jerk reaction to unrest in recent years. Abiy, a 41-year-old former army officer, has pledged greater freedoms. In the four months since he took office, the government has released political prisoners and lifted a ban on opposition groups. During the protests before Abiy took office, the government frequently switched off the Internet, sometimes for several months at a time, in Oromia, a large region that surrounds the capital Addis Ababa and extends east all the way to the Somali region. Halting the ability of young people to organize demonstrations or strikes online or on social media, using smartphones, was a strategy used to contain protests. Ethiopia, a country of 100 million people, is one of the few countries in the world that still has a state telecoms monopoly, which makes shutting off the internet more simple than if there were multiple telecoms providers. Source: Reuters
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa amar ku bixisay in hawada laga saaro Interneedka dhamaan laga isticmaalo deegaanada Soomaalida. Dowlada ayaa sheegtay in muddo Seddex cisho ah aan deegaanada Soomaalida laga isticmaali karin wax interneed ah. Dowladu waxa ay tilmaantay in jarista Interneedka ay ula gol leedahay xasilooni kusoo dabaalida deegaanada Soomaalida oo iminka ay gacanta ku hayaan ciidamada Militeriga. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee shaqooyinkooda ay ku xiran tahay ayey dowlada Ethiopia ku wargalisay in laga doonaayo dulqaad maadaama Interneedka uu ka qeybqaadanaayo xasilooni darada ka jirta dhulka Soomaalida. Dadka dibad-baxa dhiga iyo kuwa aadka uga faa’iideysanaaya rabshadaha ayaa muuqaalo ay kasoo duuban dhibaatooyinka ka taagan deegaanada maamulka ku baahiya Facebook iyo Youtube. Dowlada oo dabacsanaan u muujineysa shacabkeeda ayaa tiri “Waxaanu ku wargalineynaa shacabka iyo shirkadaha inay muujiyaan dulqaad dheeri ah, maalmaha seddexda cisho ee aanu hawada ka saari doono Interneedka waxaanu ula gol leenahay xakameynta xaalada kacsan” Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Ethiopia ay ku dhawaaqday in maamulka cusub uu waxbadan ka duwanaan doono kii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wargeys lagu magacaabo Foreign policy ayaa warbixin uu ka qoray Somalia ku sheegay in haddii ay dalka ka baxaan ciidanka AMISOM ay Al-shabaab sida ugu dhaqsiyo badan ula wareegayso awoodda guud ee Somalia. Warbixinta ayaa lagu xusay in Soomaaliya aysan lahayn ciidammo sugi kara amniga guud ee dalka haddii ay baxaan ciidamada Midowga Afrika, waxaana sidoo kale warbixinta lagu xusay in ciidamada AMISOM oo ka socda Dalalka; Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi aysan wax la taaban karo ka qaban Soomaaliya 10-kii sano ee ay joogeen. “Soomaaliya waa sidii adigoo nadiifiniya Doofaar, waad nadiifineysaa isagana wuu sii wasaqoobayaa,” ayuu yiri sarkaal u dhashay dalka Uganda oo si gaar ah ula hadlay wargeyska Foreign Policy, wuxuuna is-bar-bar-dhigay Somalia iyo Afghanistan. Isagoo sheegay in sida Talibaan ay awoodda dalkaas sida ugu dhaqso badan ugula wareegayaan haddii ay ciidamada NATO baxaan, ayay Somalia ula wareegayaan Al-shabaab haddii ay AMISOM ka baxdo. Qoraal wargeyska ayaa lagu xusay in Somalia ay ku sugan yihiin saraakiil badan oo tababarayaal ah, kuwaasoo ka kala socda Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga iyo dalal kale, balse aan horumar laga sameyn dhismaha ciidanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in haddii si dhab ah loo dhiso ay si aad ah uga tayo badnaan lahaayeen kuwa ajaanibta ah ee dalka ku sugan. “Ciidamada Qaranka Somalia waxay noqon karaan kuwa aad wax-tar u leh,” ayuu yiri khabiir ajnabi ah oo kasoo shaqeeyay in ka badan 20 dal, haatanna la-taliye u ah Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia. Wargeyska Foreign Policy oo soo xiganaya la-taliye Wasaaradda Difaaca DF, ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidamada Somalia laga dhigi karo ciidamo wax-tar leh, balse uusan suuro-gal ahayn habka loo dhisayo. “Waa sir shaacsan in xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka ay kireystaan Al-shabab si ay u dilaan ama u cabsi-geliyaan kuwa siyaasadda kula loolama,” ayuu yiri khabiirkan, isagoo xusay in tusaalaha ugu wanaagsan uu yahay Weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Dayax Hotel halkaasoo ay ku sugnaayeen siyaasiyiin badan. Warbixintu oo soo xiganaysay C/casiis Cali Ibraahim [Xildhibaan] oo kasoo noqday afhayeen iyo la-taliye Wasaaradda Amniga Somalia ayaa isna yiri; “Shaki iigama jiro in Al-shabaab ay ku dhex-jiraan Dowladda Soomaaliya oo ay ku dhex leeyihiin ‘kula-jira kaala jirayaal.” Ugu dambeyn, Warbixnta ayaa lagu soo gunaanaday hadal uu yiri la-taliyaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia oo ahaa – Halkan hub waad ka iibsan kartaa – bulsho caalam ahaan ma aanan soo taageereeyn wax aan ahayn shabakado dambiileyaal ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la sheegay inay Qabsanayso Somalia haddii ay baxaan Ciidanka AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Gaddoon dhowe (Caasimadda Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya, diyaarado dowladda Kenya ay leedahay ayaa xalay duqeyn geystay khasaaro dhimasho duqeyntu waxay ka dhacday duleedka magaalada Beled Xaawo. Tuulada duqeeyntu ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Laan-qurac, deegaanasi ayaa waxaa uu hoos yimaada deegaanka Gaddoon dhowe. Dadka ku dhaqan deegaanakasi ayaa u sheegay warbaahinta in duqeeyntaasi uu ku dhintay nin reer miya ah oo marayay deegaanka ay Duqeeyntu ka dhacday. Goobta ay duqeeyntu ka dhacday ayaa waxaa gaaray dad ka ag dhawaa waxayna goobta kusoo arkeen meydka Ruuxaasi Shacabka ah oo halkaasi duqeeynta ku dishay . Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa si toos ah ubeegsaday dad shacab xoola dhaqata ah oo xilligaas doonayay in ay kasoo adeegtaan Gaddoon dhowe, dowladda Kenya ayaa xasuuq aan kala sooc laheyn ku heysa shacabka gobolka Gedo. Duqeymo bilo ka hor ka dhacay degmada Ceelcadde iyo deegaannada hoos yimaad ayaa sababay dhimashada tobaneeyo ruux iyo in ay bakhtiyaal boqolaal neef oo u badan Ari iyo Geel. Caasimada Online Xafiiska Baardheere Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Kooxda Al-shabaab ee ka howlgasha degaanada Puntland ayaa iska fogeysay dil xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo lagu khaarijiyey Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Cumar. Ganacsatada oo ahaa Maareeye ku-xigeenkii Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaanada Puntland ayaa dabley hubeysan xalay ku dileen agagaarka Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso, laakiin Al-shabaab-ta Gobolka Bari ayaa sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dilka Ganacsadaha. Warka kasoo baxay Xarakada Shabaabka ayaa lagu caddeeyay inaysan iyagu lahayn mas’uuliyadda dilka Ganacsade Cabdullaahi Cali Cumar, waxayna warbaahintooda u sheegeen in ciidamadoodu aysan geysan dilka lagula kacay ganacsadaha oo ay ku tilmaameen nin muslim ahaa. Shacabka magaalada Boosaaso ayaa maanta hadal haya falka dilka ah ee lagula kacay Maareeye ku xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Goolis. Waa markii ugu horeysay muddooyinkan ee Al-shabaab ay beeniso inaysan shaqo ku lahayn dil ka dhacay magaalooyinka dalka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Kuala Lumpur (Caasimadda Online) – Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia ayaa cabasho kasoo gudbiyey Safaaradda Soomaaliya ay halkaas ku leedahay. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia ayaa waxaa ka jiro musuq maasuq xoog leh oo ku saabsan bixinta Baasaboorada Soomaaliya iyo dhammaan Documentiyada ay dadka Soomaaliyeed uga soo baahdaan. Qaar ka tirdan ardayda ku nool dalka Malaysia oo lasoo xiriiray Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inay Safaaradda ka qaado ardayda iyo dadka caadiga ah lacag xad dhaaf ah marka ay usoo baahdaan Baasaboorada. Halkii Baasaboor ayey safaaradda lacag ahaan dadka uga qaadaa ku dhawaad 300 oo Dollar halka wadamada kale ee Soomaaliya safaaradaha ku leedahay laga qaado lacag u dhaxeyo 140 – 150 Dollar. Sidoo kale waraaqaha iyo Documentska ay dadka Soomaaliyeed iyo ardayda uga soo baahdaan safaaradda Malaysia ayaa laga qaadaa lacag gaareyso ilaa 80 Dollar halka Safaaradaha kale dadka Caadiga ah iyo ardayda laga qaado inta u dhaxeyso 10 – 20 Dollar iyadoo ay xusid mudan tahay in Safaarado ay kamid tahay midda Soomaaliya ee Ankara aan wax lacag ah laga qaadin ardayda uga soo baahdo waraaqaha iyo Documents-ka . Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ayaa waxaa Safiir ka ah Dr. Abukar Abdi Osman Mardadi waxaana muuqato in musuq maasuqaan uu isaga ku lug leeyahay maadaama aan safaaradda laga sameyn karin wax uusan isaga ka war qabin. Dowladda Soomaaliya oo maalmahaan xooli ku waday la dagaalanka musuq maasuq ku aadan isla markasna usoo xirtay mas’uuliyiin badan ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia iska dhaaf in tallaabo laga qaado. Qaar ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatada lagu hayo haddii ay dowladda Soomaaliya dhab ka tahay la dagaalanka musuq maasuqa. Caasimada Online Xafiiska Kuala Lumpur Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari laga helay Meydadka dhalinyaro la sheegay inay kasoo jeedan dalka Ethiopia. Meydadka Dhalinyaradani oo labo ah ayaa la sheegay inay kasoo jeedan qowmiyada Oromo waxaana Meydkooda ka muuqda dhaawacyo kala duwan. Dad dul tagay Meydadka ayaa sheegay in mid kamid ah labada ruux qoorta laga jabiyay sidaasna uu ku dhintay. Ruuxa labaad ayaa la sheegay in loo dilay qaab silac ah, waxaana oogada jirkiisa qariyay dhaawacyo kala duwan. Dad ku dhaqan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad laga helay Xafiis ay Maamulaan dadka wax tahriibiya. Labada nin ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay ilaa 20,sida ay sheegeen Saraakiisha Isbataalka Weyn ee Magalada Boosaaso oo la geeyey meydadka dadkaas u dhashay qowmiyada Oromada ee lagu dilay Magaaladaas. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in labadaasi ruux laga kaxeystay goob ay ku qayilaayen, iyadoo falkaasi ay geysteen afar ruux oo la socday gaari nooca raaxada ah. Maalin sii horaysay ayaa muuqaal nin Oromo ah oo la dilaayo lagu baahiyay Baraha Bulshadda, kaasi oo la sheegay inuu ku qeyla dhaaminaayay “Garoowe iyo Boosaaso anagaa leh”. Ciidamada Ammaanka gobolka Bari ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan dadka dilka u geysanaya Oromadda. Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka gobolka Bari uu shalay digniin adag kasoo saaray falalka lagu laynaayo dadka Oromadda ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Qarmada Midoobay iyo dalalka reer Galbeedka waxa ay marwaliba sheegaan iney ka go’antahay dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, balse waa waxba kama jiraan, sidaasi waxaa lagu yiri Maqaal lagu daabacay Wargeyska Foreign Policy Todobaad ayaa laga joogaa markii Golaha Qaramada Midoobay ay isku raaceen in muddo kordhin loo sameeyo ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ilaa bisha May sanadka 2019-ka. “ Doofaarka sidiisaba daahir ma noqdo, Soomaaliyana waa sidaas oo kale, waa nadiifinee hadane waa wasaq” waxaa sidaasi yiri Colonel Katirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale la barbar dhigay Soomaaliya dalka Afghanistan isagoo sheegay in Taalibaan ay la wareegto meel walbo oo Ciidamada Afghnaistan ay baneeyaan. Xaaladda amni ayaa sii xumaaneysa maalinba maalinka ka sii dambeysa qaraxyo iyo dilal aan kala joogsi laheyn ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo deegaano kala duwan oo dhaca Soomaaliya. Markii ugu horeysay AMISOM waxaa Soomaaliya laga howlgeliyay 2007-dii waxyna dagaal la galeen Al Shabaab oo dowladda ka soo horjeeda, wixii intaas ka dambeeyayna waxaa loo sii kordhinayay sharciga ay ku joogayaan Soomaaliya, hada waxaa lagu qiyaasaa in kabadan 22,0000 oo askar kuwaa oo ka socda dalalka kala ah Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Sierra Leone. In xiligan AMISOM loo kordhiyo howlgalka Soomaaliya waxaa laga leeyahay ujeedooyin kale iyo in la marin habaabiyo waqtiga saxda ah ee Soomaaliya ka baxeyso taa oo meesha ka saareysa rajada ah in Soomaaliya ay ku tashato ciidamadeeda. Ciidamada Soomaaliya waxaa loo aqooni jiray “Libaaxyada Africa” waxaana taageero siin jiray Midowgii Suufiyeet, waxaa aad u qalabeysnaa xarumaha Militry-ga waxaana ciidamada tababar ku qaadan jireen Taangi iyo hub culus iskaba daa iney ku dagaalamaan. Burburkii kadib ciidankii ayaa burburay mana jirin taageero ku filan oo ay heleen xitaa ma aysan heysan Fooneeyaha iyo qalabka isgaarsiinta ee ciidanka ku xeriiraan, waxey isticmaali jireen shirkado isgaar-siineed oo si qaas ah loo leeyahay, ciidanka qaarkood waxey ku howlgalaan dacas. “Reer Galbeedku waxey tababareen ciidamadii ugu xumaa aduunka waana ciidamada Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya” professor Stig Jarle oo xeriirka caalamiga ka dhiga Jaamacada Norwegian University of Life Sciences ayaa sidaasi u sheegay Wargeyska Foreign Policy. Dowlado kala duwan ayaa taageera Ciidamada Soomaaliya, saldhigyo Military ayeyna ku leeyihiin dalka ujeedo ahaan iyo siyaasad ahaan waa ay kala duwan yihiin, dal walbana xulufo gooni ah ayuu hoos ku wataa iyo Istaraatiijiyad gaar ah, waxaa kamid ahTurkiga, Mareykanka iyo Britain, Imaaradka Carabtana wuu joojiyay maadama khilaaf kala dhaxeeya dowladda wuxuu lahaa saldhig sidoo kale Mareykanka wuxuu hakiyay taageeradii cunnada iyo shidaalka uu siin jiray CXD isagoo sabab uga dhigay musuq. La-taliye ajnabi ah oo la shaqeeya wasaaradda Gaashandhigga ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda laga dhigo karo kuwo awood leh balse aan loo diyaarsaneyn, wuxuuna la taliyahan diiday in magaciisa la daabaco isagoo la soo shaqeeyay in kabadan 20 wadan. Qof walbo oo Soomaali ah wuu ogyahay in AMISOM aysan rabin iney ka tagto Soomaaliya, waxeyba noqon doonaan hay’ado amni oo si gaar ah loo leeyahay oo calooshood u shaqeysta. Jawaab cad looma hayo cida Ciidamada Xoogga dalka siisa hubka, -Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub waxey bixiyaan hub yaryar, lakiin wadamada Khaleejka iyo Masar ayaa si furan Soomaaliya ugu iibiya hubka iyagoo soo marsiiya badda ama hawada, waxaana loo diiwaan geliyaa Ciidamada Dowladda laakiin waxey u gacan galaan maleeshiyo beeleed iyo in lagu kala iibsado suuqa madoow. “ Wax shaki ah kama qabo in Al Shabaab ay xeriir leeyihiin hay’adaha Dowladda Federalka Soomaaliya sir bandanna ay og yihiin” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo ahaa La-taliyihii iyo Afayeenkii hore ee wasaaradda Amniga oo wareysi la yeeshay Wargeyska FP. Al shabaab waxey soo dhexmaraan bar-kontaroolada ciidamada Dowladda iyagoo sita Uniform-ka ciidanka , weerar iyo qaraxyo ayeey fuliyaan, maalmo ka hor xafiiska taliye ku xigeenka NISA waxaa u dhacay askar xeriir la leh Al Shabaab. “Wey iska cadahay in xubno katirsan dowladda ay sirta la wadaagaan Al Shabab xitaa kuwo beesha caalamka xiriir ayaa kala dhaxeeya Al Shabaab” waxaa sidaasi sheegay sarkaal la shaqeeya wasaaradda Gaashaandhigga . Ujeedka xiriirka loola yeelanayo Al Shabaab ayaa ah in ay khaarijiyaan cid waliba oo ka hor timaada dano siyaasadeed uu wato siyaasi ama mucaarad ku ah, waxaana tusaale kuugu filan weerarkii Hotel dayax ay ku qaadeen Al Shabaab oo siyaasiyiin kala duwan ay ku shirayeen. “Dhisidda Ciidamada Xooga Dalka waxay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee beesha caalamka marka loo eego siyaasiyiinta Soomaalida ” E.J. Hogendoorn ayaa yiri ah oo sarkaal sare oo katirsan Ururka falanqeeya xasaradaha caalamig adduunka ee ‘International Crisis Group’ (ICG) Waxaa Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com
-
The Republic of Djibouti has expressed its condemnation and denunciation of the Canadian interventions in the internal affairs of the Kingdom of Saudi Arabia. Djibouti affirmed its absolute solidarity and full stand with the Kingdom in countering such interventions and confronting all those who seek to infringe on its sovereignty. Djibouti Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation expressed, in a statement today its full confidence in the wise leadership of the Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz Al Saud and his government in defending the rights of Arab countries and the Islamic world.
-
Wararka naga soo gaaraya Magalada boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Xaafado ka tirsan Magaaladaas laga helay meydadka labada Nin oo u dhashay qowmiyada Oromada. Dad ku dhaqan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay Meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad laga helay Xafiis ay Maamulaan dadka wax tahriibiya. Labada nin ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay ilaa 20,sida ay sheegeen Saraakiisha Isbataalka Weyn ee Magalada Boosaaso oo la geeyey meydadka dadkaas u dhashay qowmiyada Oromada ee lagu dilay Magaaladaas. Dilka dadkaas ayaa ku soo aadaya xilli War ka soo baxay Maamulka gobolka Bari Shacabka gobolkaas looga digay in ay dhibaateeyaan dadka ku dhex nool gaar ahaan kuwa u dhashay qowmiyada Oromada.
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa digniin culus siisay hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tagay Magaalada Adis Ababa. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa loo soo sheegay inuu faraha kala baxo arrimaha maamulka Soomaalida Itoobiya hoos tagto. Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inuu arrimahaas faraha kala baxo haddii kale ay dowladda Itoobiya tallabo ka qaadi doonto. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno la socday Axmed Madoobe, dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay in go’aanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay leedahay dowladda Federaalka ee dalkaas isla markaasna aan lagala tashan doonin Axmed Madoobe. Axmed Madoobe oo Safar ku joogo Magaalada Adis Ababa ayaa waday olole uu ku doonayey inuu ku dhexdhexaadiyo dowlada Federaalka Itoobiya iyo Maamulka deegaanada Soomaalida ee Itoobiya kadib khalalaaso siyaasadeed oo halkaas ka taagnaa. Axmed Madoobe ayaa doonayey inuu maamulka sii hayo Cabdi Iley oo hadda ku jiro gacanta Militariga Itoobiya Balse nasiib darro si qasab ah ayaa xilka looga qaaday habeenkii uu Axmed Madoobe gaaray Adis Ababa subaxii xigay. Ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa weli gacanta ku haya Ammaanka magaalada Jigjiga waxaana intooda badan laga soo saaray xarumo muhiim ah oo laga dajiyay magaalada waxaana aad u yar isu socodkii dadka iyo gaadiidka. Qaar badan oo ka mid ah dadkii degenaa magaalada ayaa gobollada kala aaday waxa ayna ciidamadu yihiin kuwo wali xir xiraaya Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo iyagu garabsiiyay Madaxweynihii hore ee xariga loogu abaalmariyay. Saraakiisha iyo Ciidamada maamulka ee ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa gaaraya ilaa 15 kuwaasi oo loo heysto inay jabsheen sharciga ciidanka. Sidoo kale, boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada xadka ku taalla ee Wajaale ayaa u tallaabay dhanaka Somaliland, inkastoo aysan dhibaato ka dhicin halkaas haddana dadka ka cabsi qabay in rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga Sabtidii ay halkaas ku faafaan. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in xil ka qaadista Madaxweynihii hore ee maamulka ay tahay mid xasilooni u ah dhulka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Adis Adabab Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa telefoon kula xiriiray Amiirka dalka Qatar Tamin Bin Hamad Al-thani, sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka Qatar; iyagoo ka wadahadlay arrimo kala duwan. Madxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar sida gaarka ah u daneeyaan. Xiriirka labada hoggaamiye ayaa yimid, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku taageereyso mowqifka dowladda Sacuudiga ay xiriiirka ugu jartay dalka Canada iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labadaasi dal ka dhex taagan.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xaaladda magaalada Jigjiga oo saacadihii ugu danbeeyay aheyd mid kacsan kadib markii ciidamada Militeriga Ethiopia laga soo saaray xarumihii la geeyay. Ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa weli gacanta ku haya Ammaanka magaalada Jigjiga waxaana intooda badan laga soo saaray xarumo muhiim ah oo laga dajiyay magaalada waxaana aad u yar isu socodkii dadka iyo gaadiidka. Qaar badan oo ka mid ah dadkii degenaa magaalada ayaa gobollada kala aaday waxa ayna ciidamadu yihiin kuwo wali xir xiraaya Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo iyagu garabsiiyay Madaxweynihii hore ee xariga loogu abaalmariyay. Saraakiisha iyo Ciidamada maamulka ee ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa gaaraya ilaa 15 kuwaasi oo loo heysto inay jabsheen sharciga ciidanka. Sidoo kale, boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada xadka ku taalla ee Wajaale ayaa u tallaabay dhanaka Somaliland, inkastoo aysan dhibaato ka dhicin halkaas haddana dadka ka cabsi qabay in rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga Sabtidii ay halkaas ku faafaan. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in xil ka qaadista Madaxweynihii hore ee maamulka ay tahay mid xasilooni u ah dhulka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com