-
Content Count
206,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta. “Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira. Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system. Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah. Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda” Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. The post Golaha Wasiirada oo Ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Madaxweyne Gaas ayaa ugu horreyn hambalyo u diray Ciidamada Puntland oo uu tilmaamay in mar weliba ay u taagan yihiin difaaca dhulkooda. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah Soomaaliland, waxaana uu ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi in ay u diyaar garoobaan dagaalkaasi. Xiisad u dhexeysa labada maamul ee Soomaaliland iyo Puntland ayaa weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay shalay ku dagaalameen dhinacyadaasi. The post MD Gaas Oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Soomaaliland appeared first on Shabelle. View the full article
-
The soldiers are engaging more with the population to deny al-Shabaab recruiting grounds. “There is no more shooting, we are now brothers, but have one enemy who we are determined to fight. If they come to kill AMISOM, we shall die with them,” an elder vowed. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimadda Online) – Hey’adda lacagta adduunka ee (IMF) ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay lacag soo daabacan karto, si taasi u dhacdana loo baahan yahay ilaa $41 million oo ah qorshaha wejiga 1aad. Hey’adda (IMF), waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay 2 imtixaan oo lagu sameeyay bangiga dhexe, loona yaqaano Staff-Monitored Programmes (SMPs) oo lagula socday dhammaan shaqada iyo shaqaalaha hey’adaha dowliga ah, waxaa xusid mudan in Muqdisho ay bilowday wada hadal ku aadan wareegga 3aad ee barnaamijkan. “Soomaaliya waxaa ay u baahantahay taageero iyo deeq lacageed oo gaareysa $41 million, si barnaamijkan u fulo” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay IMF u dirtay bangiga dhexe ee Soomaaliya. Bangiga dhexe ee Soomaaliya waxaa uu soo daabici-doonaa wejiga 1aad lacagta Somali shilling (SHS) oo kala noocyada: 1,000; 2,000; 5,000; iy 10,000. Sida qoraalkan lagu sheegay wejiga hore waa in la daabaco $752.5 million taas oo lagu badalayo tirada hadda shilling Somaliga ah ee dalka laga isticmaalo oo gaareysa ,750 billion SHS. Talaabbada uu Lacagta cusub ku daabacyo bangiga dhexe ee Soomaaliya waa tii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991dii, waana tillaabo kale oo horay loogu qaaday qorshaha deyn cafinta. Xigasho:Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Welsh-born Somali diplomat Abdulrahim Abby Farah who has died at home in New York worked to free Nelson Mandela Source: Hiiraan Online
-
Kinshasa (PP) ─ Dalka Congo oo ay colaado ka taagan yihiin ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dillaacay cudurka halista ah ee EBOLA, kaasoo dad aad u badan ku dilay galbeedka Afrika sannado ka hor. Wasiirka Caafimaadka DR Congo, Oly Ilunga Kalenga – ayaa xaqiijiyay in kiis oo cudurka EBOLA ah lagu arkay magaalada Mbandaka ee Waqooyi-galbeed, halkaasoo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof. Heer cusub ayay arrintaasi galinaysaa cudurka Ebola ee haatan ka dilaacay magaalooyinka, taasoo ah xaalad ay durbaba walaac ka muujisay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO. Sidoo kale, Ka hor inta Wasiirka Caafimaadka DR Congo uusan xaqiijin kiiska cusub ee xanuunka EBOLA, ayaa waxaa jiray warar sheegaya in nin kasoo laabtay aas ka dhacay miyiga oo u kusoo laabanayay magaalada ku taalla Waqooyi-galbeed ee Mbandaka, laga helay xanuunka. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay inay ka cabsi-qabaan xaalado xun oo kiisaska xanuunka halista ah ee EBOLA. Maalintii Arbacada ee shalay in ka badan afar kun oo dawooyinka talaalka tijaabada ah ee xanuunka Ebola, ayaa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gaarsiisay dalka Congo, taasi oo ah qeybtii ugu horeysay sideed kun oo dawooyin ah oo ay hay’addu horey u balan qaaday. Wasiirka Caafimaadka DR Congo ayaa sheegay in barnaamij nidaamsan oo wax looga qabanayo Xanuunka EBOLA uu billaaban doono maalmaha fooda nagu soo haya. Dhanka kale, Dawooyinka ay hay’adda WHO balan-qaaday ayaa qayb weyn ka ahaa tijaabooyiin isku day oo soconayay xiligii uu xanuunka EBOLA uu ku faafayay dalal badan oo galbeedka Afrika ah dhowr sanno ka hor. Ugu dambeyn, Shacabka Congo iyo saraakiisha caafimaadka ee WHO ayaa doonaya in la talaallo bukaanka uu soo ritay xanuunkan Ebola iyo tiro badan oo ah dadka ay la sameeyeen xiriir sida ugu dhaqsiyaha badan. PUNTLAND POST The post Cudurka halista ah ee EBOLA oo laga helay Dal Afrikaan ah oo ay Colaado halakeeyeen appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihii dagaalka Puntland iyo Somaliland, shirkii Baydhabo iyo arimo kale. Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa ugu horeyn ka hadlay shirkii Baydhabo ugu soo gabagaboobay madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo uu sheegay in uu ku soo dhamaaday guul, looga hadlay arimo ay kamid ahaayeen siyaasada, amniga iyo arimaha bani’aadantinimada ee dalka. Sidoo kale Madaxweyne Gaas oo ka hadlay colaada Tukoraq ayaa sheegay in Somaliland ay rabto in ay dhul aysan lahayn xoog ku qabsato suurtagal aysan ahayn, Puntlandna ay diyaar u tahay in ay difaacdo dhulkeeda. Shacabka Puntland ayuu Madaxweyne Gaas ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, ayna u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya. Hoos ka dhageyso codka Madaxweyne Gaas http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Madaxweyne-Gaas.mp3 PUNTLAND POST Garowe The post Madaxweyne Gaas:- “Shacabka Puntland waa in ay u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya” appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta. “Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira. Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system. Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah. Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda” Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.
-
Garoowe-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ,asagoo kasoo laabtay shirkii dowlada Goboleedyada ugu soo dhamaaday Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda aysanna aqbalayn in lagu gardaroodo. “Muuse Bixii,waxaa uu ka yimid Hargeysa,waxaana uu doonayaa in uu nabad ugu noolaado Tukarraq taasina dhici meyso shacabka Puntland waxaan u sheegayaa in ay dhulkooda difaacdaan”,ayuu yiri Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe. Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay dagaalka deegaanka Tuka-Raq ku eedeeyay dowladda federaalka in ay qeyb ka tahay isaga oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay dhinaceeda in ay is difaacdo. labada maamul ayaa guulo kakala sheegtay dagaalka waxaana muuqata in ay weli jirto saan saan colaadeed oo kataagan goobtii lagu dagaalamay. dowladda federaalka ayaa dhawaan waxa ay ugu baaqday in ay labada maamul xabad joojin sameeyaan wixii qilaaf ahna wada hadal lagu dhameeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ankara-(Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdagan ayaa qaramada midoobe kutilmaamay mid jileeceedu uu xadka dhaafay marka ay timaado laxisaabtanka yahuuda mar uu hadal ka jeedinayay Caasimadda Turkiga ee Ankara. Madaxweeyne Erdagan ayaa ku tilmaamay in la joogo dhamaadkii Hay’adda ay ku mideeysanyihiin wadamada Caalamka ee Qaramada Midoobay, madaama aysan waxba ka dhihin gabood fallada Yahuuddu ay kula kaceeyso dadka dulman ee ree Falastiin. Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid kadib markii ay in kabadan 60 qof oo Falastiiniyiin ah yahuudda ay ku xasuuqday deegaanka Gaza hal maalin oo Kaliya. Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Five Somalis have been slapped with two-year suspended jail sentences for being in Kenya illegally. Fatuma Shukri, Nalsa Mohammed, Fhati Mohammed, Kofio Hamed and Hussein Fisal faced Kericho Resident Magistrate Elizabeth Karani. Source: Hiiraan Online
-
Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka Europa League-ga 2018 Kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan dalk Spain ayaa xalay ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub ee UEFA Europa League, kadib markii ay ciyaartii kama danbeysta (Final-ka) 3-0 ugu awood sheegatay kooxda reer Farnce ee Marseille. Xidiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa labo kamid ah goolasha Atletico Madrid u dhaliyay, daqiiqadihii 21-aad iyo 49-aad ee qeybtii hore iyo tii danbe ee ciyaarta. Antoine Griezmann Halka goolka quusiyay Marseille uu dhaliyay Gabi daqiiqadii 89-aad ee dhamaadkii ciyaarta, waxayna ugu danbeyn ciyaartu ku soo dhamaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Atletico Madrid. Waa markii seddaxaad oo ay Atletico Madrid ku guuleysato koobka labaad ee kooxaha Yurub ee Europe League-ga, waxayna qaaday sanadihii 2010, 2012, iyo sanadkan 2018. Ciyaartan kama danbeysta ee tartanka Europa League-ga ayaa ka dhacday garoonka Groupama ee magaalada Lyon ee dalka France. PUNTLAND POST The post Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Jamhuuriya iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO. Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe. Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaanno ah. Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn. Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay. Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay. Ma ahan markii koobaad ee duufan ay ku dhufato dhulka Soomaalida, bishii Nofembar ee 2013kii ayay ahayd markii ay duufaan waxyeelo baaxadleh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen. PUNTLAND POST The post Duufaan halis ah oo ku soo foolleh dhul xeebeedka Soomaalida appeared first on Puntland Post.
-
somalia-(Caasimadda online)-Hay’adda ReliefWeb ayaa digniin u dirtay dadka ku dhaqan Koofurta Dalka Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya waxa ayna sheegtay in Roob xoog leh oo dabeyl wata ay suuragal tahay in uu ka do’o degaannadaas. Roobkaasi oo la filan karo 24-ka saacadood ee soo socota ayaa laga digay inay roobabkii ugu cuslaa ee ka da’a Bariga Somalia iyo Koonfurta Yemeen. Warbixinta saadaasha hawada ah ee ay Hay’adda soo saartay ayey ku sheegtay in Roobkaas iyo duufaantuba ay saameynta ugu badan ku yeelan doonaan Bariga Soomaaliya iyo Koourta Dalka Yemen waxa ay sidookale saadaasha sheegaysa in qatarta Roobka iyo Duufaanta aysan dhibaato badan ka geysandoonin dalka Jabuuti. Hay’addan Waxaa ay ku wargelisay dadka deggan Koofurta Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya in ay u diyaar garoobaan Roobka dabeysha wata. Warbixinta Hay’adda Reliefweb ayaa lagu sheegay in sidoo kale daadka ka dhalanaya roobka uu saameyn ku yeelan karo dadka iyo duunyada degaannada uu Roobka ku hoorayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kashmiir-(caasimadda online)-War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in iyada oo ixtiraameysa dadka Muslimiinta ah ee Hindida ah ay go’aansatay in ay ku dhawaaqdo hakinta dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaridka Kashmiir. Wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Hindiya ayaa shaacisay in ay ku dhawaaqday xabad joojin bil ah oo ka billaabaneysa maalinta 1da Bisha Ramadaan. Waxaa ay sheegtay in haddii Ciidanka Hindiya la soo weeraro ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan hayeeshee aysan horseed ka noqondoonin weerar ama dagaalka dhexmara labada dhina inta lagu jiro Ramadaanka. Madaxa xukuumadda Gobolka Kashmiir qeybta raacsan Hindiya Mehbooba Mufti, ayaa soo dhaweeyay aragtida dowladda Hindiya waxaana uu ku baaqay in Muslimiinta loo oggolaado in ay nabad ku soomaan. Hindiya Gobolka Kashmiir waxaa ka jooga 500,000 oo Askari,kuwaas oo la dagaallamaya Kooxaha gooni isu taagga Gobolka Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Iyada oo Maanta ay ku beegan tahay Maalinta 1aad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay digniin kasoo saartay dadka Maqaayadaha furaya Maalintii iyada oo la sooman yahay. Xog-hayaha Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Maxamed Kheyrow oo la hadlay idaacadda Dalsan ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Maalintii iyada oo dadku ay sooman yihiin in la furo Maqaayado si dhuumaaleysi ah looga cunteynayo. Waxa uu sehegay in ay codsi u jeediyeen laamaha amniga Soomaaliya,si ay kala Shaqeeyaan in gacan adag lagu qabto dadka maqaayadaha furaya Maalmaha Bisha ramadaan. Waxa uu sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in lagala Shaqeeya kahortegida dadkaas,maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay Wadamada Islaamka. Sikastaba xilliyadaan oo kale marka la gaaro Bisha Ramadaan waxaa lafuraa Goobo maqaayado ah oo si dhuumaaleysi ah looga cunteeyo taas oo keentay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya ay digniintaan soo saarto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi-(Caasimadda Online)-Taliska Ciidamada Booliiska Dowladda Kenya ayaa xalay Shaaciyay in Ciidamo gaar ah loo diyaariyay amaanka magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya maalmaha Bisha Ramadaan kadib cabsi ay muujiyeen hay’adaha amaanka Kenya. Taliska Booliiska ayaa sheegay in Ciidan gaaraya 2,000 oo Askari ay u xil saareen sugida amniga Nairobi oo ay ku nool-yihiin dadka ka soo jeedo wadamo kale Duwan kadib markii ay Hay’adaha amaanka soo saareen walaac ah iney jiraan qorshayaal Argigixiso oo Bisha ramadaan lala damacsan yahay Kenya. Ciidankaan ayaa la sheegay in ay tagi doonaan Waddooyinka Magaalada,Hoteellada,Suuqyada waaweyn,Goobaha laga raaco gaadiidka,Goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah. Taliyaha Booliska Nairobi,Joseph Ole Tito,ayaa sheegay in Ciidamadan ay isugu jiraan kuwo xiran dharka Booliska iyo kuwo dharcad ah. Waxa uu intaas ku daray in Ciidamadaan loo diyaariyay ka hortagga falalka argagixisada la xiriira inta lagu jiro Bisha Ramadaan,amniga magaaladana ay iyaga mas’uuul ka yihiin. Joseph Ole Tito,ayaa yiri: “dhaqanka argagixisada waxaa ka mid ah marka ay imaadaan waxaa ay raadinayaan marka hore meel ay degaan,waxaa ay tagayaan Hoteel,iyaga oo iska dhigaya dad wanaagsan,sidaas ayeyna qorshahooda ku fulinayaan”. ugu danbayntii Taliyaha Booliska magaaladda Nairobi ayaa ugu baaqay milkiilayaasha Hoteellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah in ay diiwaangeliyeen dadka tagaya islamarkaana kireysanaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Unidentified gunmen killed the manager of a plant owned by Nigeria’s Dangote Industries Limited in Ethiopia on Wednesday after he was attacked in the restive Oromiya region while returning to the capital from the factory, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay qaraxyo xalay laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho. Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in jugtii iyo dhawaaqii cuslaa ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho aanay aheyn madaafiic hoobiyeyaal ah, balse ay ahaayeen waxyaabo ka dhashay baaruudda qaraxda. Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, hasse ahaatee dowladda waa ay beenisay. Wasiir Ducaale oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay inay dhawaaqa caawa fiidkii laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen bacyo lagu shubay Baaruudda Qaraxda. Wasiir Ducaale ayaa sheegay goobaha laga maqlay dhawaqyadaasi in ay u direen Hay’adaha ammaanka, oo aysan jirin qof wax ku noqotay, wuxuuna tilmaamay in ujeedada ay aheyd in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sare loo qaaday Amiga magaalada Muqdisho inta lagu guda-jiro bisha Ramadaaan oo xalay bilaabatay waxaana heegan buuxa la galiyay ciidamada amaanka si looga hortago weerarada ay kooxda shabaab magaalada gudaheeda ka geystaan bilashaan oo kale . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com