-
Content Count
206,207 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka kale ee caalamka ee xusaya maalinta caalamiga ah ee isgaarsiinta oo sanad kasta la xuso maanta oo kale, si dadweynaha loogu wacyi-geliyo sida ay isgaarsiintu qiimo ugu leedahay nolosheena. Mowduuca sanadkan wuxuu ku saabsanaa sida artificial intelligence (AI) ay u dardargelin karto horumarka, iyadoo ay soo baxayaan qalab iyo adeegyo ku shaqeeya AI oo loo adeegsan karo in lagu horumariyo nolosha dadka ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha, gaadiidka, iwm. Mas’uuliyiinta farsamada ee ka socda shirkadaha isgaarsiinta, internetka, dalladaha jaamacadaha iyo dawladda, oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa ka hadlay baahida loo qabo in dhinacyada oo dhan ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa teknoolojiyada dalka. Agaasimaha Guud ee KMG ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane C/raxmaan Macallin Caddow (Foodcadde) oo soo xiray aqoon-is-weydaarsiga ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu caawin lahaa inay hal-abuuraan adeegyo casri ah oo wax ka beddela nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in maanta wax kasta oo la sameeyo inaan looga maarmin teknoolojiyad. Agaasimuhu wuxuu intaasi ku daray in fursado badan ay soo bixi doonaan haddii laga faa’iideysto aqoonta artificial intelligence, wasaaradduna ay gacan weyn ka geysaneyso sidii isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka loo sii horumarin lahaa. Ugu dambeyn, Sanad kasta 17-ka May, Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxay xustaa markii la aasaasay hay’adaas, isla markaana la saxiixay Shirweynihii Telegaraafka ee Caalamiga ah sanadkii 1865-kii. PUNTLAND POST The post Xuska Maalinta Isgaarsiinta Dunida oo looga hadlay Horumarinta Tiknoljiyadda Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Somalia on Wednesday announced plans to establish the country’s first Internet Exchange Point (IXP) in Mogadishu to help enhance digital services across the country. Abdi Ashur Hassan, the Minister of Post, Telecom and Technology, said establishing the first IXP is a very positive step forward in building Somalia’s ICT infrastructure which will enhance the digital services being offered by local institutions in business, education, health, government services. “We want this infrastructure to be owned and managed by the stakeholders. I hope you will discuss and come up with the best governance model for MogIX and form an interim committee from the community that will run the facility,” Hassan told participants at a forum in Mogadishu. He said his ministry and its partner organizations, such as World Bank and Packet Clearing House (PCH) would only help establish the facility, but noted that the government wants the local internet providers to run it in the best interest of both the sector and consumers. The minister said the IXP will allow local Internet Service Providers (ISPs) to connect their networks and exchange Internet traffic locally, providing high-bandwidth and low-latency access. Nisha Goburdhan, an IXP expert from Packet Clearing House (PCH), said a domestic IXP could serve as a catalyst for developing local content and local Internet applications. Goburdhan said MogIX would provide an incentive for entrepreneurs and innovators to create local Internet-based services that take advantage of the availability of more local bandwidth. Representatives from telecom operators, ISPs, academia, content providers, government and Somali Network Operators Group expressed their interest in joining MogIX.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadka dagan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa howgalka gaarka ah ee Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya iyo ciidamada dowladda ku eedeeyey inay beegsadaan dadka rayidka xilliyada ay beegsanayaan hoggaamiyayaasha kooxda xagjirka ah ee Shabaab. Sida ay qortay Guardian duqeyntii uu Mareykanka ka geystay Shabeelada Hoose 9 May ayaa waxaa lagu dilay beeraley xilli habeen ah oo ay ku sugnaayeen beertooda. Mohamed Sheikh Mohamud oo kamid ah beeraleyda Shabeelada Hoose ayaa Wargeyska Newspaper u sheegay in laba kamid ah dadkii lagu dilay duqeyntaas ay ahaayeen darawada Baabuurta Gacfyada ee Beelaha Mooska lagu abuuro. Sidoo kale wuxuu sheegay in seddexda kale ee lagu dilay duqeyntaas ay ahaayeen xoolo dhaqato, gaar ahaan kuwa Lo’da dhaqdo. Shaqaale ka tirsan Isbitaal Muqdisho ku yaal ee la geeyey meydadka ayaa xaqiijiyey in afar kamid ah dadkaas laga togtay gadaal halka midka kale laga toogtay Xabadka, sidoo kalana waxaa howgalkaas lagu dhaawacay shan kale oo kamid ah Beeraleyda sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal. Xubno ka tirsan sirdoonka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkaas lagu qabtay seddex xubin oo muhiim ah oo ka tirsan Shabaab halka sidoo kale lagu dilay dhawr kale oo dagaalyahano ah, wuxuuna afhayeenka Wasaaradda Amniga Abdiasis Ali Mohamed sheegay inay howlgalkaas si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka. Qof kamid ah deegaanka oo lagu magacaabo Ibrahim Ahmed ayaa Associated Press u sheegay in dadka dhintay aysan aheyn Shabaab, wuxuuna yiri ” Ma fahmi karo sababta weeraradaan loola beegsanayo dadka beeraleyda ah”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
New York (Caasimadda Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire Micheal Keating ayaa Gollaha Amaanka u gudbiyay warbixin ku saabsan xaalada guud ee dalka. Warbixinta oo ka koobneed dhowr bog ayuu diiradda ku saaran Keating arrimo kala duwan oo dhowr ah, oo ay ugu muhiimsan yihiin Amniga, Siyaasadda, iyo xaaladda Bani’aadanimo ee guud ahaan gayiga Soomaaliya. Amniga Keating ayaa wuxuu warbixinta ku sheegay in marka laga hadlo caqadda ugu wayn ee hadda ka taagan Soomaaliya inay tahay amaanka, oo uu sheegay inay halis ku yihiin Al-Shabaab, inkastoo uu qiray inay jiraan guulo la taaban oo halkaas laga gaaray. Wuxuu kusoo hadalqaaday qoraalka uu gudbiyay dagaalka dib uga soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, isagoona sheegay inay kamid tahay waxyaabaha dib u dhaca u keeni kara Soomaaliya. Keating warbixintiisa ma uusan kusoo hadalqaadin ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasoo dhowaan mar kale muddo kordhin loo sameeyay iyo sida xukuumada Soomaaliya uga go’an tahay inay ciidamada Midowga Afrika iga huleelaan dalka. Siyaasadda Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa qoraalka uu gudbiyay wuxuu ku xusay in dowlada hada talada haysa tahay midii ugu fiicneed ee taariikhda siyaasada Soomaaliya, taasoo uu Nasiib wanaag, ku tilmaamay. Wuxuu sheegay in dowladu ay ka go’an tahay sidii u xasilin lahayd siyaasadda, amniga iyo arrimo kale, oo uu hoosta ka xariiqay inay muhiim u yihiin dowladnimadda guud ahaaneed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Keating ayaa wuxuu ku caddeeyay warbixinta uu Golaha u gudbiyay in xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay hadda tahay mid “xasiloon” inkastoo uu ku nuux-nuux saday inay jiraan caqabado culus oo ku horgudban dowladda hada talada haysa. Bani’aadanimada Keating ayaa warbixintiisa wuxuu aad uga deyriyay xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya, isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay meelo ay kamid yihiin waxbarasho la’aan oo uu tilmaamay inay fara kulul ku hayso dalka. Wuxuu ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa meelahaas oo uu toosha ku ifiyay, isagoona sheegay in dhalinyarada iyo Ardayda Soomaaliya ay ka maqan yihiin adeegyadii muhiimka u ahaa. Sikastaba, warbixinta uu Keating ugudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo inta badan isku jirta amaan, dhaliin iyo bogaadin ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka dowlada Federaalka iyo maamluda qaar ee dalka. Inkastoo uusan kusoo hadalqaadin warbixinta, hadana waxay arrintaan imaaneysaa iyadoo maalintii shalay kadib kulan ay Beydhabo ku yeesheen madaxda maamulada dalka, war-murtiyeedna kasoo saareen ay eedaymo culus ugu jeediyeen dowladda. Xigasho: Radio Garoowe Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha amniga qaranka ee u dhaxeya madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa markii labaad oo is xigta dib u dhac uu ku yimid. Waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay isniintii la soo dhaafay ilaa shalay oo arbaco ahayd ka socday shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kaasi oo qorshaha ahaa inuu xigsado shirka madaxda sare ee dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ee amniga qaranka ku mideysan, sida uu Axadi aynu soo gudubnay magaalada Baydhaba uu ka sheegay Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo madaxweynaha maamulka Galmudug. Warar soo baxay Talaadii ayaa waxaa heegayeen in Arbacadi shalay ahayd uu magaalada Baydhaba ku wajahnaa Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, si uu uga qeybgalo shirka baaqday ee golaha amniga qaranka, Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa matali lahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ugu maqnaa magaalada Doha ee dalka Qadar. Ilo ku dhaw madaxweynaha dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaan inoo xaqiijiyay in shirka uu dib u dhac ku yimid, inkasta oo sababta uu ka gaabsaday. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu u baaqday khilaafka dowladda dhexe iyo maamuul goboleedyada ee xiisadda dalalka khaliijka. Dowladda dhexe ayaa go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisaddaas, halka maamul goboleedyada ay taageerayaan dowladda Imaaraadka Carabta, oo dhaqaale ay ka helaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday qiimaha sanadkaan ay ku xajin doonaan xujeeda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha wadanka. Muddo bilooyin ah ayey soo socotay muranka ku aadan qiimo dhimis lagu sameyn doono lacagta lagu xajinayo sanadkaan, balse ugu dambeyn go’aan ayaa laga gaaray kadib markii ay heshiisyeen dowladda iyo Shirkadaha heysto qandaraaska Xajka. Haddaba Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sanadkan qiimaha xajka noqon doono $3,300 (Saddex kun, sadex boqol Doolar). Lacagtaan ayaa waxay ka kooban tahay dhammaan adeegyada kala duwan sida degaanka, Gaadiidka, Nolosha 6-da maalmood xajka, Fiisaha, Diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale. Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaan kala heshiisay shirkadaha kala ah Shirkadda Jubba Airways Shirkadda Ocean Airways Shirkadda Daalo Airlines Shirkadda African Express Shirkadda Freedom Airlines Waxa la caddeeyay in Soo saaridda viisooyinka xajka ay mas’uuliyadeeda leedahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyada oo heshiis arrintaas kala saxiixan doonto shirkadaha Shirkadaha aaa lagu wargeliyay in ay la soo xiriiraan wasaaradda laga bilaabo 16-5, 2018-21-05-2018, iyada oo ciddii ka dib dhacdo laga qaadan doono go’aan ku haboon. Lama oga sida go’aankan u dhaqan geli doono, inkastoo aan wax badan laga dhimin qiimaja xajka, haddana shirkadda Jubba oo hore u heysatay Xajka iyadoo qeyb ka siisa Shirkadda kale ee Daallo oo ay mar midoobeen ayaan la ogeyn sida ay uga jawaab celin doonto arrintan. Inkastoo qiimo dhimista la sameeyey aysan noqon sidii la filayey, haddana waxaa muuqato in lasoo yareeyey xoogaa yar taasoo noqon karta tallaabo bilow ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta. “Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira. Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system. Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah. Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda” Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. The post Golaha Wasiirada oo Ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Madaxweyne Gaas ayaa ugu horreyn hambalyo u diray Ciidamada Puntland oo uu tilmaamay in mar weliba ay u taagan yihiin difaaca dhulkooda. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah Soomaaliland, waxaana uu ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi in ay u diyaar garoobaan dagaalkaasi. Xiisad u dhexeysa labada maamul ee Soomaaliland iyo Puntland ayaa weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay shalay ku dagaalameen dhinacyadaasi. The post MD Gaas Oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Soomaaliland appeared first on Shabelle. View the full article
-
The soldiers are engaging more with the population to deny al-Shabaab recruiting grounds. “There is no more shooting, we are now brothers, but have one enemy who we are determined to fight. If they come to kill AMISOM, we shall die with them,” an elder vowed. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimadda Online) – Hey’adda lacagta adduunka ee (IMF) ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay lacag soo daabacan karto, si taasi u dhacdana loo baahan yahay ilaa $41 million oo ah qorshaha wejiga 1aad. Hey’adda (IMF), waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay 2 imtixaan oo lagu sameeyay bangiga dhexe, loona yaqaano Staff-Monitored Programmes (SMPs) oo lagula socday dhammaan shaqada iyo shaqaalaha hey’adaha dowliga ah, waxaa xusid mudan in Muqdisho ay bilowday wada hadal ku aadan wareegga 3aad ee barnaamijkan. “Soomaaliya waxaa ay u baahantahay taageero iyo deeq lacageed oo gaareysa $41 million, si barnaamijkan u fulo” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay IMF u dirtay bangiga dhexe ee Soomaaliya. Bangiga dhexe ee Soomaaliya waxaa uu soo daabici-doonaa wejiga 1aad lacagta Somali shilling (SHS) oo kala noocyada: 1,000; 2,000; 5,000; iy 10,000. Sida qoraalkan lagu sheegay wejiga hore waa in la daabaco $752.5 million taas oo lagu badalayo tirada hadda shilling Somaliga ah ee dalka laga isticmaalo oo gaareysa ,750 billion SHS. Talaabbada uu Lacagta cusub ku daabacyo bangiga dhexe ee Soomaaliya waa tii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991dii, waana tillaabo kale oo horay loogu qaaday qorshaha deyn cafinta. Xigasho:Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Welsh-born Somali diplomat Abdulrahim Abby Farah who has died at home in New York worked to free Nelson Mandela Source: Hiiraan Online
-
Kinshasa (PP) ─ Dalka Congo oo ay colaado ka taagan yihiin ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dillaacay cudurka halista ah ee EBOLA, kaasoo dad aad u badan ku dilay galbeedka Afrika sannado ka hor. Wasiirka Caafimaadka DR Congo, Oly Ilunga Kalenga – ayaa xaqiijiyay in kiis oo cudurka EBOLA ah lagu arkay magaalada Mbandaka ee Waqooyi-galbeed, halkaasoo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof. Heer cusub ayay arrintaasi galinaysaa cudurka Ebola ee haatan ka dilaacay magaalooyinka, taasoo ah xaalad ay durbaba walaac ka muujisay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO. Sidoo kale, Ka hor inta Wasiirka Caafimaadka DR Congo uusan xaqiijin kiiska cusub ee xanuunka EBOLA, ayaa waxaa jiray warar sheegaya in nin kasoo laabtay aas ka dhacay miyiga oo u kusoo laabanayay magaalada ku taalla Waqooyi-galbeed ee Mbandaka, laga helay xanuunka. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay inay ka cabsi-qabaan xaalado xun oo kiisaska xanuunka halista ah ee EBOLA. Maalintii Arbacada ee shalay in ka badan afar kun oo dawooyinka talaalka tijaabada ah ee xanuunka Ebola, ayaa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gaarsiisay dalka Congo, taasi oo ah qeybtii ugu horeysay sideed kun oo dawooyin ah oo ay hay’addu horey u balan qaaday. Wasiirka Caafimaadka DR Congo ayaa sheegay in barnaamij nidaamsan oo wax looga qabanayo Xanuunka EBOLA uu billaaban doono maalmaha fooda nagu soo haya. Dhanka kale, Dawooyinka ay hay’adda WHO balan-qaaday ayaa qayb weyn ka ahaa tijaabooyiin isku day oo soconayay xiligii uu xanuunka EBOLA uu ku faafayay dalal badan oo galbeedka Afrika ah dhowr sanno ka hor. Ugu dambeyn, Shacabka Congo iyo saraakiisha caafimaadka ee WHO ayaa doonaya in la talaallo bukaanka uu soo ritay xanuunkan Ebola iyo tiro badan oo ah dadka ay la sameeyeen xiriir sida ugu dhaqsiyaha badan. PUNTLAND POST The post Cudurka halista ah ee EBOLA oo laga helay Dal Afrikaan ah oo ay Colaado halakeeyeen appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihii dagaalka Puntland iyo Somaliland, shirkii Baydhabo iyo arimo kale. Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa ugu horeyn ka hadlay shirkii Baydhabo ugu soo gabagaboobay madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo uu sheegay in uu ku soo dhamaaday guul, looga hadlay arimo ay kamid ahaayeen siyaasada, amniga iyo arimaha bani’aadantinimada ee dalka. Sidoo kale Madaxweyne Gaas oo ka hadlay colaada Tukoraq ayaa sheegay in Somaliland ay rabto in ay dhul aysan lahayn xoog ku qabsato suurtagal aysan ahayn, Puntlandna ay diyaar u tahay in ay difaacdo dhulkeeda. Shacabka Puntland ayuu Madaxweyne Gaas ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, ayna u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya. Hoos ka dhageyso codka Madaxweyne Gaas http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Madaxweyne-Gaas.mp3 PUNTLAND POST Garowe The post Madaxweyne Gaas:- “Shacabka Puntland waa in ay u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya” appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta. “Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira. Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system. Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah. Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda” Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.
-
Garoowe-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ,asagoo kasoo laabtay shirkii dowlada Goboleedyada ugu soo dhamaaday Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda aysanna aqbalayn in lagu gardaroodo. “Muuse Bixii,waxaa uu ka yimid Hargeysa,waxaana uu doonayaa in uu nabad ugu noolaado Tukarraq taasina dhici meyso shacabka Puntland waxaan u sheegayaa in ay dhulkooda difaacdaan”,ayuu yiri Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe. Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay dagaalka deegaanka Tuka-Raq ku eedeeyay dowladda federaalka in ay qeyb ka tahay isaga oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay dhinaceeda in ay is difaacdo. labada maamul ayaa guulo kakala sheegtay dagaalka waxaana muuqata in ay weli jirto saan saan colaadeed oo kataagan goobtii lagu dagaalamay. dowladda federaalka ayaa dhawaan waxa ay ugu baaqday in ay labada maamul xabad joojin sameeyaan wixii qilaaf ahna wada hadal lagu dhameeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ankara-(Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdagan ayaa qaramada midoobe kutilmaamay mid jileeceedu uu xadka dhaafay marka ay timaado laxisaabtanka yahuuda mar uu hadal ka jeedinayay Caasimadda Turkiga ee Ankara. Madaxweeyne Erdagan ayaa ku tilmaamay in la joogo dhamaadkii Hay’adda ay ku mideeysanyihiin wadamada Caalamka ee Qaramada Midoobay, madaama aysan waxba ka dhihin gabood fallada Yahuuddu ay kula kaceeyso dadka dulman ee ree Falastiin. Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid kadib markii ay in kabadan 60 qof oo Falastiiniyiin ah yahuudda ay ku xasuuqday deegaanka Gaza hal maalin oo Kaliya. Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Five Somalis have been slapped with two-year suspended jail sentences for being in Kenya illegally. Fatuma Shukri, Nalsa Mohammed, Fhati Mohammed, Kofio Hamed and Hussein Fisal faced Kericho Resident Magistrate Elizabeth Karani. Source: Hiiraan Online
-
Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka Europa League-ga 2018 Kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan dalk Spain ayaa xalay ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub ee UEFA Europa League, kadib markii ay ciyaartii kama danbeysta (Final-ka) 3-0 ugu awood sheegatay kooxda reer Farnce ee Marseille. Xidiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa labo kamid ah goolasha Atletico Madrid u dhaliyay, daqiiqadihii 21-aad iyo 49-aad ee qeybtii hore iyo tii danbe ee ciyaarta. Antoine Griezmann Halka goolka quusiyay Marseille uu dhaliyay Gabi daqiiqadii 89-aad ee dhamaadkii ciyaarta, waxayna ugu danbeyn ciyaartu ku soo dhamaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Atletico Madrid. Waa markii seddaxaad oo ay Atletico Madrid ku guuleysato koobka labaad ee kooxaha Yurub ee Europe League-ga, waxayna qaaday sanadihii 2010, 2012, iyo sanadkan 2018. Ciyaartan kama danbeysta ee tartanka Europa League-ga ayaa ka dhacday garoonka Groupama ee magaalada Lyon ee dalka France. PUNTLAND POST The post Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Jamhuuriya iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO. Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe. Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaanno ah. Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn. Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay. Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay. Ma ahan markii koobaad ee duufan ay ku dhufato dhulka Soomaalida, bishii Nofembar ee 2013kii ayay ahayd markii ay duufaan waxyeelo baaxadleh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen. PUNTLAND POST The post Duufaan halis ah oo ku soo foolleh dhul xeebeedka Soomaalida appeared first on Puntland Post.