Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,207
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. BAGHDAD: A political bloc led by populist cleric Moqtada al-Sadr, a long-time adversary of the United States who also opposes Iranian influence in Iraq, has won the country’s parliamentary election, the electoral commission said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Dibada ee Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma, ayaa waxay daboolka ka qaaday inuu hada soconayo wadahalo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalkeeda oo ku saabsan muranka dhanka Badda. Soomaaliya ayaa ku doodeysa in Kenya ay kusoo xad-gubtay sohdinteeda dhanka Badda, islamarkaana waxay dacwad ka geysay Maxkamada Cadaalada Aduunak ee ICJ, taasoo wajigii koowaad ee Dacwad ay soo dhamaatay, xili loo fadhiyo go’aanka maxkamada. Laakiin, kahor inta uusan soo bixin go’aanka Maxkamada ayaa waxaa wasiirka arrimaha dibada ee Kenya waxay ka dhawaajisay hadal shaki badan ku abuuraya Bulshadda Soomaaliyeed, kaasoo ah inay dooneyso inay ku xaliso arrintaan si Isfahan. Iyadoo wareysi siinaysay wargeyska New Africa islamarkaana xaalada guud ee gobolka Geeska Afrika wax laga weydiinayay ayaa waxay kaloo ka ha hashay wasiiradda ujeedka ay ciidamadooda ujoogaan Soomaaliya. “Dad badan ayaa nagu dhaleecayna joogitaanka ciidankeena ee Soomaaliya, laakiin waxaan aragnaa in halkaas ay ku jirto danaheena, maxaa yeelay in gobolka uu noqdo mid Barwaaqo iyo amaan ah, waa inay xoojino joogitaankeena Soomaaliya,” ayey tiri. Iyadoo ka hadlaysay muran Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayay hadalkeeda kusii dartay: “Waxaan mar walba doorbidi lahayn inaan udirno Muqdisho fariin ah inay haboon tahay in murankeena aan inaga xalinno oo uusan soo gelin gacan saddexaad. “Waxaan leenahay Urur goboleedka IGAD halkaasoo aan ku xalin karno murankeena. Waxaa jira heshiis is fahan oo aan xukuumada Muqdisho kula jirno, taasoo xoojinaya xiriirka Diblumaasiyadeed ee labada dal iyo macnaha wadaxaajoodka,” ayay hadalkeeda raacisay. “Dabcan wadank wuxuu haystaa ikhtiyaarro kala duwan oo ay kamid tahay inuu tago maxkamad, laakiin Soomaaliya waxaan la leenahay xiriir aan kala go’lahayn. Walina waxaan sahmineynaa dhamaan wadooyin kale,” ayay tiri Wasiiradda. “Waxaan noo socda wadahalo aan rajeynayo inaan kuwada gaarno heshiis wada ogol ah,” ayey hadalkeeda kusoo qatintay Wasiirka arrimaha Dibada ee dowladda Kenya Monica Juma. Isha: Radio Garowe
  3. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan kasoo laabtay safar shaqo oo rasmi ah oo uu ku tagay dalka Qatar, halkaas oo kulan kula qaatay amiirta dalkaas Sheekh Tamiin Binu Xamad Al Taani, heshiisyana kula soo saxiixday. Booqashadan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka dhashay khilaafka dalalka Khaliijka, kaas oo kusoo muusay Soomaaliya. Shirkii dhawaan Baydhabo ay ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada ayay ku sheegeen in ay dowladda Soomaaliya la jirsatay dhinac ka mid ah kuwa isku haya arrimaha Khaliijka, iyaga oo walaac ka muujiyay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga. Mar sii horeysay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si qayaxan dowladda federaalka ugu eedeeyey in ay ka baxday dhexdhexaadnimadii, islamarkaasna ay la safatay dowladda Qatar. Haddabe safarkan uu madaxweynaha kaga soo laabtay Qatar maxaa loo fasiran karaa? Saraakiisha Villa Soomaaliya qaarkood oo aan wax ka weeydiinay eedeymaha loosoo jeediyay ayaa iska fogeeyay, waxayna sheegeen in safarkan uusan ka duwanayn kuwii hore ee madaxweynaha uu ku tagay dalalka kale ee Khaliijka. Tusaale safarkii koowaad waxa uu madaxweynaha ku tagay dalka Sucuudiga, dalka Imaaraatka waxa uu booqday 2 jeer, halka dalka Masarna uu booqasho ku tagay labo jeer. “Soomaaliya waxa ay u furantahay cid kasta oo maalgashi iyo waxtar u haysa, mana jirto cid aan si gaar ah ula socono” ayuu yiri mas’uul sare oo Villa Soomaaliya ka tirsan, kaas oo balse magaciisa ka gaabsaday markii ay la xiriirtay BBC-da. Madaxtooyada waxa ay isweeydiinaysaa sababta dhexdhexaadnimada dalalka Suudaan iyo Moroco iyo kuwa kale aysan shaki ugu jirin, balse tan Soomaaliya tuhun loo galinayo, islamarkaasna loogu riixayo in ay dhinaca Sucuudiga iyo Imaaraatka la jirsato. Malaha jawaabtaas waxaa haya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laftiisa oo dhawr jeer oo kala duwan ka hadlay meelo fagaarayaal ah, wuxuuna sheegay in xaaladda faqrinimo iyo burburka dowladnimo ee ku dhacay Soomaaliya aysan ka dhignayn in dowladda ay iibinayso go’aanadeeda masiiriga ah iyo madaxbanaanida dalka. Sidaasi oo ay tahay waxaa jira dadaalo laga dhex wado Soomaaliya iyo Imaaraatka, kuwaas oo uu ku lug leeyahay madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi, sida ay qoraha maqaalkan u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonyahay. Maxaa laga faa’iiday safarkii Qatar ee Madaxweynaha? Sida ka muuqatay wararkii iyo muuqaaladii ay faafinayeen warbaahinta labada dal, madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmay soo dhaweyntii ugu balaarnayd. Wax kasta oo halkaas ka dhacay waxa ay muujinayeen labo dal iyo labo hoggaamiye oo isku qaba kalsoonida weyn iyo saaxiibtinimo ixtiraam ku dhisan. Lama wada oga waxyaabaha ay ka wada hadleen hoggaamiyeyaasha labada dal, balse waxyaabihii koobnaa ee warbaahinta lagu soo bandhigay waxaa ka mid ah heshiis ay kala saxiixdeen labada dumar ah ee wasiirada ka ah wasaaradaha caafimaadka labada dal, Dr Foowsiyo Abiikar Nuur iyo Dr Xannaan Maxamed Al Kuwaari. Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in Qatar ay Soomaaliya gacan ka siiso dhismaha kaabayaasha caafimaadka, kuwaas oo u kala qeybsama arrimaha ay ka mid yihiin la tacaalista masiibooyinka dabiiciga, tabobarista shaqaalaha caafimaadka, iyo waliba arrimaha cilmi-baarista caafimaadka. Waftiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka badda iyo dekedaha, waxaana jiray is faham laga gaaray arrimaha *****aasha gaadiidka kala duwan, balse ma jiraan wax la shaaciyay oo faahfaahin ah. Mid ka mid ah arrimaha Imaaraatka iyo dowladda federaalka ay isku qabteen ayaa waxaa ka mid ah heshiis dekedo ku saabsan oo ay Imaaraatku la saxiixdeen qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira iyaga oo aanan soo marin dowladda dhexe. Waxaa kale oo safarka madaxweynaha qeyb ka ahaa wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah mudane Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo la sheegay in uu gacanta ku hayo wax ka badan qorshayaasha 100 mashruuc oo laga hirgalinayo guud ahaan dalka, kuwaas oo la waafajinayo kaalmooyinka ay dalalka shisheeye u fidinayaan Soomaaliya. “Dhammaan dalalkii uu booqday madaxweynaha, Turkiga iyo Qatar kuwa kaga waxtar badan Soomaaliya wali maanan soo arag, dhammaan kuwa kale lacago caddaan ah ayay yaboohayaan, balse labadan dal mashaariic bulshada wax ku ool u ah ayay diyaar la yihiin, waxayna u arkaan in horumarka Soomaaliya iyo kooda uu isku xiranyahay” ayuu yiri mas’uulka madaxtooyada Soomaaliya. Dood taa ka duwan waxaa qaba dowlad goboleedyada Soomaaliya oo sheegay in dowladda Imaaraatka ay taalo hantidii Soomaalida oo dhan, uu ku xiranyahay ganacsiga, gaar ahaan xawaaladaha oo xarumaha ugu waaweyn ku leh Dubai, taas oo ay ku tiirsantahay nolosha malaayiin Soomaali ah. Waxa ay ku doodayaan in ay daw tahay in xiriirka loo wanaajiyo Imaaraatka. Golaha iskaashiga maamul goboleedyada waxa sidoo kale ay ay war saxaafadeedkoodii dhawaan ku sheegeen in dowladda federaalka ay tahay in ay dowladda raacdo qodobka 53aad ee dastuurka, kaas oo ka hadlaya in waxyaabaha quseeya masiirka dalka laga talo galiyo dowlad goboleedyada, balse dowladda federaalka waxa ay dhankeeda cuskanaysaa qodob kale oo siinaya awood in ay iyadu leedahay go’aanka arrimaha ku saabsan dibedda iyo difaaca iyo kuwa kale. Isha: BBC
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho lagu shirinaayo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka. Shirkaan oo ka duwanaan doona kuwii hore ayaa waxa uu qorshuhu yahay in Hogaamiyayaasha maamulada looga tiro aaminaanshiyaha Imaaraadka Carabta ee uu Khilaafka kala dhexeeyo Somalia. Qorshaha ugu weyn ee shirka ayaa ah sida maamulada ka jira dalka ay u qaadan lahaayen fakirada Dowlada isla markaana ay qeyb uga noqon lahaayen go’aanada Dowlada. Dowlada Somalia ayaa caqabado kala duwan kala kulmeysa Hogaamiyayaasha maamulada oo intooda badan garab u noqday Dowlada Imaaraadka oo si cad uga soo horjeedo hanaqaadka Somalia. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Dowlada Federaalka ay Hogaamiyayaasha maamulada gaarsiisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku qabato Shirka walow aan wali loo sameyn cayimaad. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa aad uga didsan qodobo laga soo saaray shirka Hogaamiyayaasha maamulada ugu soo xirmay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Ma cadda saameynta uu Hogaamiyayaasha iyo maamuladooda ku yeelan doono shirka ay qorsheyneyso Dowlada ee culeyska lagu saarayo Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Istanbul (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir oo ka tirsan BFS la dhigay isbitaal ku yaalla dalka Turkiga. Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir lagu sameeyay qaliin dhanka dhabarka, kadib markii uu kusoo kacay xanuun hore. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaan Faarax uu hadda yahay mid ay xaaladiisu wanaagsan tahay, hase ahaatee uu weli ku jiro isbitaalka lagu qalay. Waxa uu intaa ku daray in si gaara qaliinka loogu sameeyay Sinta, balse uu iminka caafimaad ahaan yahay mid aad u wanaagsan, sida uu haddalka u dhigay mudanaha aan xogtaani la wadaagnay. Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir, ayaa waayadaani ku sugnaa dalka Turkiga, gaar ahaan Hooyga uu dalkaasi ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay aad isugu dhow yihiin. Mas’uuliyiinta ka tirsan guud ahaan Dowlada ayaa inta badan howlahooda caafimaad u aada dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Turkiga iyo India oo Siyaasad ahaan ay isku dhow yihiin Somalia. Ma aha markii ugu horeysay oo Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir uu arrimo caafimaad u tago dalka Turkiga, hase ahaatee wareegaani uu galay qaliin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Istanbul (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka oo ku shirayay dalka Turkiga ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidammo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta. Shirkan degdega ah ee madaxdaasi yeesheen ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidammada Israa’iil ay dileen ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo maalintii Isniinta ku dibadbaxayay xadka Israa’iil ee Qasa. Bayaan ka soo baxay dhammaadkii shirka ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa lagu eedeeyay Israa’iil inay si arxandarro ah u laysay shacab Falastiiniyiin ah. Ururkan oo ay ku midoobeen 57 dal ayaa waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah waxa ayna ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya. Bayaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qeybqaatay dilalka loo gaystay Falastiiniyiinta iyo inuu dowladda Israa’iil ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus. Israa’iil ayaa ururka Xamaas oo maamula Marinka Qasa ku eedaysay inay soo abaabusho dibadbaxyada iyo dadka rayidka ahna ay u horseedayaan halis.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ka jirto cabsiyo laga qabo in bisha ramadaan ay weeraro geystaan maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in aad loo adkeeyay amniga afar Hoteel oo ku yaala magaalad Muqdisho. Hoteelada amnigooda aadka loo adkeeyay ayaa waxaa kamid ah Jazeera, Makka al-Mukarama, Hayat iyo SYL oo dhamaantooda ay degan yihiin mas’uuliyiinta ugu badan ee xilal sare ka heysa Dowlada. Hoteeladan ayaa waxaa degan Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, Ajaaniib iyo Madax kale, waana Hoteelada ugu khaalisan magaalada Muqdisho, marka la barbar dhigo kuwa kale. Afafka hore iyo Gudaha Hoteelada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo farabadan kuwaa oo bisha Ramadaan aawgii loogu kordhiyay Ilaalada Hoteelada. Qeybaha Sare iyo qeybaha dhexe ee dhismaha Hoteelada aan kor kusoo xusnay ayaa waxaa ka dhex muuqda ciidamo gaafmeer ah. Waxaa xusid mudan in amniga Hoteelada ay ka qeybqaadanayaan Ilaalada Wasiirada iyo Xildhibaanada degan Hoteelada, kuwaa oo aan horay uga qeybqaadan jirin sugida amniga Hoteelada ay degan yihiin. Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa aaminsan in Bisha Ramadaan ay uga ahmiyad badan tahay bilaha kale, waxa ayna qaadan weerarada ugu badan oo ay ku daadiyaan dhiiga dadka sooman. Maleeshiyada ayaa horay u sheegtay in Bisha Ramadaan ay geysan doonaan Weeraro hor leh, kuwaa oo ay ku qaadan Hoteelada, Baararka iyo Goobaha ay ku badan yihiin shacabka Sooman. Si kastaba ha ahaatee, inta badan Hoteelada iyo Xarumaha Dowlada kuwooda muhiimka ah ayaa aad loo adkeeyay amnigood, sababo la xiriira cabsi dhanka amaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. A young woman has made history by becoming the first female Muslim referee in the UK. Source: Hiiraan Online
  9. Tensions between Somalia and the self-proclaimed independent Somaliland have flared up following a new tripartite deal between the United Arab Emirates (UAE), Ethiopia and Somaliland over Berbera Port. This takes place against the backdrop of fragile federal unity and the Somali government’s refusal to side with the UAE in its dispute with Qatar. Source: Hiiraan Online
  10. Dubai’s state-owned DP World agreement with Somaliland and Ethiopia to manage the Berbera port for the next 30 years or more ... Source: Hiiraan Online
  11. Nairobi - Authorities in Puntland, a semi-autonomous region in Somalia, should immediately release journalist Ibrahim Obo Daud, also known as Suldan Godogodo, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
  12. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [axmed Madoobe], ayaa ku laabtay Kismaayo ayaa sheegay inuu u arko dowladda Farmaajo inay hayso waddadii dowladdii Xasan Sheekh uu hoggaamain jiray. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka madaxda maamulada dalka uu ku soo dhamaaday guul isgaoo tilmamay inuu ahaa mid laga gaaray ujeedkii laga lahaa shirka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in shirkaasi uu lahaa muhiimad gaar ah oo la xiriirta dhamaystirka madasha maamullada dalka ka jira oo ahayd arrin dastuuri ah. Mudane Axmed Madoobe, ayaa tilmaamay in ay ku dhiiri-geliyeen dowladda dhexe ee Somalia inay kasoo baxdo heshiisyadii la xiriiray hanaanka dhismaha Amniga Qaranka oo xoraynta wadanka iyo sugida amnigiisa muhiim u ah. Isagoo sii hadlaya ayuu xusay in Dowladda Soomaaliya laga doonaayo inay go’aan ka gaarto amnigeeda waxa uuna cadeeyay in maalin waliba Somalia loo qabto shirar dhanka amaanka ah, hadana ay dowladu tahay mid aan waxba ka kororsan. “Xukuumadda hadda jirta waxay ku mashquushay dowlad-goboleedyada ka jira dalka, taasina waxay keeni kartaa arbushaad dhanka siyaasadda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo. Dhanka kale, Axmed Madoobe wuxuu tusaale u soo qaatay Dowladdii Xasan Sheekh oo uu sheegay in labadii sano ee ugu horaysay ay dagaalka Dowlad-goboleedyada kaga qasaartay dowladda maantana ay waddadiaas hayso. Dowlada Federaalka ayuu uga digay in khilaafka Khaliijka oo Somalia loosoo raro ay tahay musiibo aan waligeed laga soo kaban karin loona baahan yahay in Dowladdu ay raacdo hanaan dhexdhexaad ah. Ugu dambeyn, Haddalka Axmed Madoobe ayaa mid loogu goodinayo DFS ee hadda jirta, wuxuuna haddalkiisa imaanayaa xili ay soo baxayaan mucaarad kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe, kaasoo ay taageerayso Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo sheegay in Dowladda hada jirta ay ku socoto Waddadii Dowladdii Hore appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa gacanta ku dhigay ruux weerar Bambaano ku qaaday Maqaaxi ay ka afurayeen dad shacab ah oo ku taala magaalada Baydhabo. Ruuxan gacanta lagu dhigay ayaa waxa uu weerarka Bambaano ka geystay Maqaaxi ku taala xaafada Onodka ee magaalada Baydhabo, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa lagu qabtay. Dadka ku afuraayay Maqaaxida la weeraray ayaa waxaa kamid ahaa askar ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ku dhaawacmay inkabadan Shan ruux. Ruuxa loo qabtay weerarka ayaa kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana iminka la dhigay Xabsiga weyn ee magaalada Baydhabo. Sidoo kale, Ruuxan loo qabtay weerarka ayaa tilmaamay in ujeedkiisa uusan aheyn dhibaateynta askarta balse uu beegsanayay dadka kale ee caadiga oo uu sheegay in ay ka horjoogsadeen kaarka lagu bixiyo raashiinka. Ruuxan oo markii hore looga shakiyay Shabaab ayaa wuxuu sheegay inuusan jirin urur uu ka tirsan yahay balse falkan uu geystay ay ka keentay oo keliya ciil uu isbaday, oo ku wajahan dadka u diiday kaatka. Si kastaba ha ahaatee, Ruuxaani ayaa lagu wadaa in loo dhaadhiciyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee magaalada Baydhabo, si looga abaalmariyo falka uu geystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (PP) ─ Xabsigii mudada dheer la galiyay Nelson Mandela ayaa ahaa dhacdadii ugu weyneyd Afrika qarnigii lasoo dhaafay, iyada oo maalinkii laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Cape Town uu ahaa warkii ugu weynaa ee xilligaas dhacay. Balse qisadaasi waxaa qeyb ka ahaa nin Soomaali ah oo mas’uuliyadiisa ay ahayd in xoriyadiisa uu dib u helo Mandela, islamarkaasna uu waanwaan dhexdhigo dadka madoowga iyo kuwa caddaanka ee dalka Koonfur Afrika. Cabdirixiim Caabbi Faarax, oo dhawaan geeridiisa lasoo xaqiijiyay, ma ahayn nin Soomaalida oo kaliya dhexdooda caan ka ahaa, balse waa dadka tirada yar ee Soomaaliyeed ee magaca weyn ku dhex lahaa beesha caalamka. Muddo dheer ayuu u shaqeeyay Qaramada Midoobay, isaga oo ka gaaray illaa heerka ku xigeenka Xoghayaha Guud. Waxyaabaha aadka loogu xusuusto Danjire Cabdirixiin waxaa ka mid ah markii Qaramada Midoobay u magacoowday guddoomiyaha guddigii la dagaalanka midab kala sooco, kaas oo loo xil saaray arrimihii ka taagnaa dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka jirtay dowlad ku dhisan midab takoor, wuxuuna guddiga markii dambe ku guuleystay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah ee dalkaas. Isagoo ahaa ergeygii joogtada ahaa ee Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobe, Mudane Caabbi waxa uu beesha caalamka ka dhex noqday shaqsi saamayntiisa aad u badantahay. Laga soo bilaabo sanadkii 1979-kii illaa 1990-kii waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuu noqday shir guddoonka golaha ammaanka sanadkii 1972-dii, isaga oo sidoo kale Soomaaliya wakiil uga noqday Jaamacada Carabta, halkaas oo hormuud ka ahaa dadaalo waanwaan Bariga Dhexe oo kala duwan. Danjire Cabdirixiin waxa uu ifka kaga tagay 3 carruur ah. Mudane Caabbi waxa uu dhashay sanadkii 1919-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu aabihiis degey xilligii gumeysigii Ingiriiska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka talinayeen. Isaga oo 98 jir ah ayuu ku dhintay magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaas oo uu degenaa tan iyo intii uu hawlgabka noqday sanado badan ka hor. Cali Cabdi oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa murugo iyo tiiraanyo ka muujiyay geerida Caabbi. “Kaalintii uu ka ciyaaray adduunka, gaar ahaan Koonfur Afrika wuxuu ahaa mid weyn, qof wuxuu ahaa dadka kale la shaqayn kara, carruuraha waa in iskoolka loogu dhigaa taariikhdiisa,” ayuu yiri Cali. Duqa magaalada Vale Of Glamorgan Mr. Leighton Rowland ayaa sheegay in Dr Caabbi uu gaaray guulo aad u waaweyn oo nolosha ah, waxna ka qabtay arrimo badan “Soomaalida waxaa ka baxay hoggaamiye sare” ayuu intaas raaciyay. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Maxaad ka Taqaanaa Soomaaligii Gacanta weyn ka Geystay sii-dayntii Nelson Mandela? appeared first on Puntland Post.
  15. LUSAKA, May 18 (Xinhua) -- Ministers of Justice and Attorney-Generals from the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA) on Friday adopted an agreement for accession of Somalia to the regional bloc's treaty. Source: Hiiraan Online
  16. On Aug. 30, 2012, a skinny kid walked through a gate at Dulles Airport in Virginia, emerging onto a bustling concourse dotted with ATMs and gaudily-priced restaurants. Mohamed Hussein, known almost exclusively at Amherst as “Mo,” strode out of the airport and boarded a van bound for Western Massachusetts. Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Roobab Duufaano wata oo ka da’ay deegaanada maamulka Puntland kuwaa oo geystay khasaaro dhimasho. Roobabka Duufaanada wata ee ku dhuftay Puntland ayaa waxaa ila iyo hadda la xaqiijiyay inay ku naf waayen ilaa 2 ruux oo shacab ahaa. Dadka ku naf waayay Roobabka Duufaanta wata ayaa la sheegay inay la socdeen gaari nuuca raaxada oo ay ku wateen meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Garowe, halkaa oo uu ku helay roob wata Duufaano. Guud ahaan ragga la socday Gaariga oo ahaa 5 Ruux ayaa maalinimadii shalay ka baxay magaalada Garowe, waxa ayna Roobabka ku haleeleen wadada. Seddex kamid ah dadkaasi ayaa lagu la’ yahay nolol iyo Geeri, halka labo kamid ah Meydkooda laga helay, sida uu xaqiijiyay Taliyaha saldhigga booliska degmada Carmo. Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya. Roobabka wata Duufaanada ayaa socon doona muddo Seddex cisho ah, waxaana aad looga digaya inay burburin iyo khasaaro dhimasho u geysato dadka ku nool deegaanada laga digay. Dhinaca kale, inta ugu badan dadka ku noolaa deegaanada looga digay Duufaanta ayaa ka barakacay Hooygooda, waxaana manta u bilowday Duufaan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  18. Xabsigii mudada dheer la galiyay Nelson Mandela ayaa ahaa dhacdadii ugu weyneyd Afrika qarnigii lasoo dhaafay, iyada oo maalinkii laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Cape Town uu ahaa warkii ugu weynaa ee xilligaas dhacay. Balse qisadaasi waxaa qeyb ka ahaa nin Soomaali ah oo mas’uuliyadiisa ay ahayd in xoriyadiisa uu dib u helo Mandela, islamarkaasna uu waanwaan dhexdhigo dadka madoowga iyo kuwa caddaanka ee dalka Koonfur Afrika. Cabdirixiim Caabbi Faarax, oo dhawaan geeridiisa lasoo xaqiijiyay, ma ahayn nin Soomaalida oo kaliya dhexdooda caan ka ahaa, balse waa dadka tirada yar ee Soomaaliyeed ee magaca weyn ku dhex lahaa beesha caalamka. Muddo dheer ayuu u shaqeeyay Qaramada Midoobay, isaga oo ka gaaray illaa heerka ku xigeenka Xoghayaha Guud . Waxyaabaha aadka loogu xusuusto Danjire Cabdirixiin waxaa ka mid ah markii Qaramada Midoobay u magacoowday guddoomiyaha guddigii la dagaalanka midab kala sooco, kaas oo loo xil saaray arrimihii ka taagnaa dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka jirtay dowlad ku dhisan midab takoor, wuxuuna guddiga markii dambe ku guuleystay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah ee dalkaas. Isaga oo ahaa ergeygii joogtada ahaa ee Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobe, Mudane Caabbi waxa uu beesha caalamka ka dhex noqday shaqsi saamayntiisa aad u badantahay. Laga soo bilaabo sanadkii 1979-kii illaa 1990-kii waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Waxa uu noqday shir guddoonka golaha ammaanka sanadkii 1972-dii, isaga oo sidoo kale Soomaaliya wakiil uga noqday Jaamacada Carabta, halkaas oo hormuud ka ahaa dadaalo waanwaan Bariga Dhexe oo kala duwan. Danjire Cabdirixiin waxa uu ifka kaga tagay 3 carruur ah. Mudane Caabbi waxa uu dhashay sanadkii 1919-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu aabihiis degey xilligii gumeysigii Ingiriiska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka talinayeen. Isaga oo 98 jir ah ayuu ku dhintay magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaas oo uu degenaa tan iyo intii uu hawlgabka noqday sanado badan ka hor. Cali Cabdi oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa murugo iyo tiiraanyo ka muujiyay geerida Caabbi. “Kaalintii uu ka ciyaaray adduunka, gaar ahaan Koonfur Afrika wuxuu ahaa mid weyn, qof wuxuu ahaa dadka kale la shaqayn kara, carruuraha waa in iskoolka loogu dhigaa taariikhdiisa” ayuu yiri Cali. Duqa magaalada Vale Of Glamorgan Mr. Leighton Rowland ayaa sheegay in Dr Caabbi uu gaaray guulo aad u waaweyn oo nolosha ah, waxna ka qabtay arrimo badan “Soomaalida waxaa ka baxay hoggaamiye sare” ayuu intaas raaciyay. ISHA BBC
  19. This article attempts to answer what seems to be an old age question; How to tame Somalia's political conflicts? By exploring two themes. 1- Establishing constitutional order. 2- Ending the disastrous 4.5 system? But first a brief background on the recent political conflict and small tribute to one of its victims. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool una dhaxeeyo Dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka FS ayaa ka hadlay fatahaadaha ay sameeyeen webiyada dalka iyo dar-dar gelinta howlaha kal-fadhiga golaha shacabka Soomaaliya. Maxamed Mursal ayaa magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood kuwaas oo u kuur-galaya fatahaadaha webiyada iyo saameynta ay ka geysteen iyadoo laga sugayo inay warbixin ka keenaan xaaladda shacabka goobahaas ku nool. Xubnaha Guddigan ayaa waxaa guddoomiye ka ah, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somalia, C/wali Sh. Ibraahim Muudey, kuwaasoo laga sugayo in warbixinno ay ka keenaan hawlaha loo xil-saaray. Dhanka kale, Maxamed Mursal ayaa ugu baaqay dhinacyada ku deegaanka Tukaraq ku dagaalamaya in khilaaf walba oo jira wadahadal lagu dhameeyo, loona turo shacabka korkooda lagu dagaalamayo. Haddaba, AKHRISO: Wareegtada Magacaabidda Guddiga Fatahaadaha; PUNTLAND POST The post Guddi loo Magacaabay inay u Kuur-galaan Fatahaadihii ku dhuftay Gobollada Somalia appeared first on Puntland Post.
  21. Mogadishu (HOL) - Prime Minister Hassan Ali Khaire paid a visit to the Mogadishu Port on Friday to assess the operations development. Source: Hiiraan Online
  22. Somalia’s capital has been rocked by multiple bomb attacks in the past few months, and a May 6 blast in a border town killed seven Kenyan soldiers. In recent months, a series of bombings left dozens dead or injured. Source: Hiiraan Online
  23. It's a stunning image: Thousands of life jackets piling up onto Greek beaches. They were worn by refugees who traveled by boat to escape war and poverty and finally reached safer shores. Source: Hiiraan Online
  24. Most of my friends roll their eyes these days if I mention the time I was kidnapped while reporting in Somalia. Source: Hiiraan Online
  25. Captain (Dr) Robert Tsimba wears a stethoscope, attending to patients seeking treatment at a military camp in Somalia, but still tightly holds an M4 assault rifle. Source: Hiiraan Online