-
Content Count
210,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhow ka bilowday dhaqdhaqaaq ciidan. Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland oo waayadan isku horfadhiyay jiidaha dagaalka Tukaraq. Xiisadan ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid culus, kadib markii ciidamada Puntland ay ilaa saaka aroortii isku fidiyeen deegaano dhowr ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen ciidamada Puntland oo saaka ku sii qulqulaya waqooyiga iyo koonfurta Tukaraq. Waxa ay sheegen in ciidamadu ay wateen Gaadiid dagaal iyo Hub kala ceyn ah isla markaana ay fariisimo ka sameysteen goobo hor leh oo ku dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. Dhaqdhaqaaqa dagaal ee hadda ka socda Tukaraq ayaa cabsi ku beertay Shacabka ku nool deegaanada gobalka Sool. Sidoo kale, Ciidamada ayaa rasaas goosgoosa ridaaya iyadoo aanu jirin sabab keeni karta in rasaasta leys weydaarsado. Dhinaca kale, bilihii ugu dambeeyey waxaa deegaka Tukaraq ee Gobolka Sool isku horfadhiyay ciidamada labada dhinac oo isku haya lahaanshiyaha Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti. Dowladu waxa ay sheegtay inay muhiim tahay in kaalin weyn laga qaato xalinta Khilaafka maadaama labada dal ay kala dhexeyso calaaqo. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowlada Somalia ay heshiisiin doonto dowladaha Eriterea iyo Jabuuti. Waxa uu sheegay in Somalia ay qaadan doonto kaalinta ugu weyn ee xalinta khilaafka, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay raali ka tahay inuu sii taagnaado khilaafka. “Dowlada Somalia waxa ay heshiisiin doontaa dowladaha Eriterea iyo Jabuuti si khilaafka daba dheeraaday looga gudbo” “Kaalinteenu waxa ay noqon doontaa mid leysugu soo dhaweynaayo labada dal, Somalia waxba uma aragto warqada halka mar kasoo baxday Jabuuti ee khuseysay dhaliisha laga muujiyay hadalka madaxweynaha” Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in Somalia ay ka go’an tahay inay xal waara u hesho khilaafka labada dal, waxa uuna rajo ka muujiyay xalinta khilaafka. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dowlada Jabuuti ay goor sii horeysay ka carootay haddal uu saxaafada la wadaagay Madaxweyne Farmaajo kaa oo adduunka looga dalbanaayay in laga shaqeeyo sida cunaqabateynta looga qaadi lahaa Eriterea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Somalia ayaa dib u habeyn ku sameyneysa Dastuurka dalka oo la sheegay inuu yahay mid aan dhameystirneen. Sixitaanka Dastuurka ayaa waxaa gacanta kula jira gudiyo dhinacyo badan ka socda oo Wasaarada Dastuurka dalka kala shaqeynaaya sida loo baabi’in lahaa qodobada caqabada ku ah dalka ee ku jira Dastuurka. Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay qodobo dhowr ah oo la sheegay inay iska horgeynayaan dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyada dalka kuwaa oo ay Dastuurka ku dartay dowladii hore. Guddiga oo la faray inay hagaajiyan Dastuurka ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia la wadaagay qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka kuwaa oo horseed u ah khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya DFS iyo maamulada. Wasaarada Dastuurka Somalia iyo Guddiyada u xilsaaran sixitaanka Dastuurka oo ka duulaya qodobada khaldan ee ku jira Dastuurka ayaa la sheegay in tirada qodobo ah ay u gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda kale ee dalka si looga saaro Dastuurka. Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isku raacay inay muhiim tahay in Dastuurka laga saxo qodobada Khilaafyada abuura maadaama aan la ogeyn inta uu KMG sii ahaan doono. Waxa ay sheegen inay muhiim tahay Dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista, iyaga oo gudiyada ku adkeeyay in xal kama danbeyn ah loo helo qodobada khilaafka dhaliyay. Qodobada la doonaayo in laga saaro Dastuurka ayaa ka hor imaanaya awooda dowlada Somalia, iyadoo awood gaara siinaaya maamul Goboleedyada ka jira dalka isla markaana hoostaga dowlada. Mid kamid ah mas’uuliyiinta qeybta ka ah guddiga ayaa sheegay in leysku raacay in qodobada qaar laga saaro Dastuurka si dowlada Somalia ay u noqoto mid Dastuur ahaan ku sareysa. Sidoo kale, Qodobada hadda ku jira Dastuurka ayaa inta badan muran iyo khilaaf Siyaasadeed ka dhex abuura dowlada Somalia iyo maamulada, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay in dowladii hore ay wax ka bedeshay dastuurka. Talaabada qodobada looga saarayo Dastuurka dalka ayaa ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan dowlada Somalia ay khilaaf iyo is hortaag kala kulanto maamulada oo iyagu aan tixgalin siin dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo fool leh uu u ambabaxo dalka Shiinaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Shiinaha, waxa ayna casuumaadan qeyb ka tahay casuumadaha kale ee uu ka helo dowladaha saaxiibada la ah Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa marka uu gaaro dalkaasi la kulmi doona dhigiisa iyo madaxda kale, waxaana lasoo sheegaya in mas’uuliyiinta wehlin doonta ay u badnaan doonaan Wasiir. Waxa uu Farmaajo inta uu dalkaasi joogo ka qeybgali doonaa shir Madaxda Africa uga furmaayo dalkaasi kaa oo looga hadli doono hormarinta ganacsi ee Africa. Waxa ay si gaara Shiinaha uga wada hadli doonaan xiriirka labada dal, Ganacsiga, Siyaasada, Ammaanka, iyadoo ay horay u jireen heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal. Booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Shiinaha ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu ku tago dalkaasi, isagoo horay u booqday dalal kale oo dhowr ah isla markaana heshiisyo ganacsi kala dhexeeya Somalia. Geesta kale, Shiinaha ayaa Somalia horay ugu ballanqaaday inuu waxbadan ka qaban doono burburka waddooyin iyo dhismooyin waaweyn ah isla markaana muhiim u ah dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
For the past two months, Ethiopians and Eritreans have been trying to make sense of their governments’ sudden declaration of peace. After 20 years of hostility, citizens on both sides of the border are waiting to see what the momentous rapprochement will mean and what the two leaders will do next. Source: Hiiraan Online
-
The Harlesden Neighbourhood Plan proposes to bring 600 new homes and 200 new jobs to the area by 2033 by redeveloping several major sites while "protecting the individuality and diversity of the neighbourhood in the face of large-scale new developments". Harlesden is home to London's second largest Jamaican population and is a melting pot of Irish, Brazilian, Polish, west African and Somali communities among many more. Source: Hiiraan Online
-
The reluctance of western and other powers to act against Djibouti’s increasing arms trafficking activities poses an existential threat to the security of the Horn of Africa and imperils ongoing efforts to end long-running conflicts in the region. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu, 12 Aug (PL) The commander of the African Union Mission in Somalia in Somalia (AMISOM), General Jim Owoyesigire, has ordered his troops to conduct permanent joint operations with the national army (SNA) against the Al Shabab group. Source: Hiiraan Online
-
Three people died on the spot and 2 others were seriously injured on Monday morning when a civilian vehicle they were travelling in stepped on a land mine. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa soo bandhigay warbixin kashiftay sir badan oo ka dhan ah xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee weerarka ku qaaday dalka Yemen. Warbixintaan ku qorneyd afka Carabiga ayaa waxaa idiin soo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online waxayna u qorneyd sidaan: Warbixin sir ah oo ceebeysay Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen Al-Jazeera ayaa heshay warbixin sir ah oo ay soo diraariyeen shakhsiyaad Militari ah oo la shaqeeyey Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen, warbixintaas oo ku saabsan Xaaladaha xabsiyada, xarumaha qarsoodiga ah iyo dadka sida qasabka ah loo wato. Warbixintaan sirta ah ee la helay ayaa wadato caddeymo isugu jiro dadka xabsiyada ku jiro iyo qaar ka tirsan ciidamada Xulafadaan ee maamulo xabsiyada, waxayna warbixintaan sirta ah xoojisay baaritaanadii hore ee Associated Press. Warbixintaan ayaa shaaca ka qaaday qaar ka mid ah dambiyada ka jiro xabsiyadan qarsoodi ah ee koonfurta Yemen taasoo ay maamusho Imaaraadka Carabta oo isku badalay Bakhaaro lagu iibiyo jirka bini’aadanka, cabsi gelinta Maxaabiista iyo dadka lasoo afduubay iyadoo loo marayo jirdil iyo Xayiraad. Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu soo bandhigay Magacyada Goobaha, Qolalka qarsoodiga ah, dadka la xiray oo la dilay kadib jirdil iyo cadaab loo geystay, magacyada dadka maqan, magacyada Mas’uuliyiinta sameeyey xadgudbkaan iyo Su’aalo la waydiiyey Maxaabiista. Kufsi Qalab loo adeegsaday Warbixintaan la helay ayaa lagu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee Cadaabka jirdil ka ah ee ka jiro xabsiyada ay maamusho Imaaraadka oo ku yaalo dalka Yemen. Xabsiyadaan ayaa waxaa ka jiro kufsi dadban oo loo adeegsaday qalab sida ulo Nimanka iyo Gabdhaha loo isticmaalo iyadoo laga gelinayo xubinta taranka halka raggana laga geliyo xubinta Saxarada, sidoo kale waxaa ka jiro kufsi toos ah oo ay sameeyaan shakhsiyaad. Sidoo kale xabsiyadaan ayaa waxaa ka jiro cadaab kii ugu xumaa oo ah in dadka maqaarka looga siibo Koronto sida Xabadka, Kilkilaha iyo xubnaha taranka. Sidoo kale waxaa maxaabiista lagu garaacaa Ulo, Fiilooyin iyadoo looga garaacayo qeybaha kala duwan ee jirka bini’aadamka si gaar ah madaxa . Cusbo iyo Suugo kulul: Sidoo kale daldalaada waa mid kamid ah waddooyinka lagu ciqaabo Maxaabiista, sidoo kalana waxaa kamid ah ciqaabta maxaabiista in cusbo iyo suugo kulul looga shubo meelaha dhaawacan ee jirka, hurdada iyo daawada oo loo diido. Sidoo kale aaladaha loo isticmaalo ciqaabta maxaabiista ayaa waxaa kamid ah Dharbaaxyo , Haraati, Biyo kulul oo lagu shubo jirka, Cay iyo aflagaado. Gubista Lafaha Xabsiyada qarsoodiga ah ee hoos yimaada Kormeeraha amniga Gobolka Aden Cali Saleh oo daacad u ah Imaaraadka Carabta, dadka maxaabiista ah ayaa waxaa lagu soo rogay ciqaab joogto ah oo ka kooban: Maqaarka oo looga siibo biro kulul iyo Koronto, Lafaha oo lagu burburiyo dhagxaan iyo gubista lafaha, Jirka oo lagu gubo Balaastiko dhalaaleyso, Maxaabiista oo la geliyo goobo lagu magac daray (Cadaadiye) sidoo kalana waxaa lagu xiraa qalab lagu dhibaateeyo xaniinyaha dhanka kalana waxaa cirbado looga mudaa ciyadaha hoostooda. Tacadiyada loo geysto maxaabiista ayaa waxaa hormuud u ah nin lagu magacaabo Cowd Rishad kaasoo lagu naaneyso (Bahal), sidoo kalana waxaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dilalka loo geysto maxaabiista. Ninkaan ayaa u qaabilsan Imaaraadka in la qariyo dadka la dilay iyo kuwa lasoo qabtay, wuxuuna inta badan howshaas u adeegsadaa in kale oo lagu magacaabo (Cali Al-Imaaraatiye). Sidoo kale waxaa cadaabta kamid ah inay maxaabiista ka cabanayaan nadaafad darro, daryeel caafimaad la’aan, iyo inaan xabsiyada laga heli karin biyo nadiif ah. Dil Jirdil ah: Warbixinta ayaa lagu xusay magacyada 47 qof oo ku dhintay xabsiyada kadib jirdil xooggan oo loo geystay, 19 kamid ah ayaa waxaa dilkooda Mas’uul ka ahaa Hoggaamiyaha Amniga u qaabilsan Imaaraadka oo lagu magacaabo Yusran Al-Maqtari. Halka isbaheysiga uu fuliyey dilka 6 qof. Sidoo kale warbixinta waxaa lagu xusay magacyada iyo meesha ay ku yaalaan Shan Qabuur oo lagu aaso dadka ay dilaan Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dhanka kale waxaa warbixinta lagu xusay magacyada 26 qof oo aan ilaa hadda la garaneyn waxa ay ku sugan yihiin, waxaana kamid ah 3 qof oo Ajnabi ah. Xabsiyo Warbixintaan ayaa waxaa lagu xusay 27 Xabsi oo isugu jiro kuwa hore iyo kuwa cusub kuwaas oo ku yaalo Aden, Hadramout, Socotra iyo Jaziirada Muyun oo ku taal Baabu Mandab. Waxaa sidoo kale jiro xabsi ku yaal dalka Eretria oo ay saldhig Militari ku leedahay Imaaradka Carabta taasoo lagu sheegay warbixinta lana geeyo qaar kamid ah dadka laga soo qabto Yemen. Daldalayaal Imaaraadka u dhashay Dadka soo diyaariyey warbixintaan ayaa soo bandhigay Magacyada iyo naaneysyada daldalayaal mas’uul ka ah ciqaabta loo geysto Maxaabiista, waxaana shakhsiyaadkaas kamid ah kuwa naaneystooda ay muujineyso inay jinsiyad ahaan kasoo jeedaan Imaaraadka sida “Al-Shaxi” iyo “ Balooshi” oo ah Naaneysyo laga isticmaalo Imaaraadka. Baarayaal Mareykan ah Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu xusay in cadaabta ka jirto xabsiyada Yemen oo ay gacanta ku hayaan Imaaraadka ay soo kormeereyn ilaa 22 baarayaal oo ka kala socday Mareykanka, Suudaan , Sacuudiga iyo kuwa kasoo jeedo Imaaraadka. Halkaan ka akhriso warbixinta oo Carabi ah oo ay qortay Al-Jazeera تقرير سري يفضح التحالف السعودي الإماراتي باليمن
-
Ex-madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu mudooyinkii dambe ku noolaa Turkiga iyo Tanzania, halkaas oo ay labadiis xaas degan yihiin. Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu waday kulamo siyaasadeed oo xoogan waxaana la hadal hayaa inuu dhowaan imaan doono Muqdisho. Waxaa la filaayay inuu Xasan Shiikh asbuucan imaan doono Muqdisho balse waxaa safarkiisa loo badalay asbuuca soo aadan. Xubno ka tirsan kooxdiisii Qabyo iyo shacab taageersan xukunkisii hore ayaa abaabul iyo diyaar garoow ka wada Muqdisho. Imaatinka Xasan ayaa kusoo aadaya iyadoo bisha soo aadan uu dib u furmi doono Baarlamaanka Somalia, sidoo kale waxaa la filaya inuu bilaabi doono olole ka dhan ah Dowlada hada jirta. Bilihii lasoo dhaafay shirar ka dhacay Nairobi iyo Ankara ayaa lagu gorfeeyay sidii loo mideyn lahaa aragtida mucaaradka Somalia. Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Xasan Shiikh uu si ku meel gaar ah u hagi doono qorshaha mucaaradka. Dadka aadka ula socda howlaha isbaheysiga mucaaradka ayaa sheegaya in Xasan uu imaanayo bilaawga kacdoon siyaasadeed oo ka dhan ah Kheyre iyo Farmaajo, sidoo kale waxaa la filaya in lasoo cusbooneysiiyo dooda maqaamka caasimada oo aad u xooganeyd xiligii uu Xasan xafiiska joogay. Kulan dhex mari doona isaga iyo odeyaasha dhaqanka ayaa laga yaabaa in arrintan lagu gorfeeyo. Waxaa la aaminsanyahay inuu duulanka Xasan Shiikh waqtigiisii kasoo hormaray marka la eego xilliga la joogo iyo qofka uu Xasan yahay. Dad badan ayaa rumeysan in Xasan ay la gudboon tahay inuu sannad kale ka aamuso taliska madaxweyne Farmaajo oo aan wali u dhaqaaqin sidii loo bahnaa. Waxey dad badan tusaaleynayan in arrintan ay sawir qaldan ka bixin karto shaqsiyada Xasan Shiikh Maxamuud. W/Q: Abdullahi Osman Farah
-
Gaza (Caasimada Online) – Suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Edy Cohen ayaa shaaca ka qaaday in duuliye u dhashay dalka Imaaraadka Carabta uu ka qeyb-galay duqeyn ay ciidamada Yahuuda u geysteen marinka Gaza, sadeex toddobaad ka hor. Suxufiga ayaa sheegay in duuliyaha duqeynta geystay uu tababar ku qaadanayey sida loo duuliyo diyaaradda F-35 ee Mareykanka uu sameeyo, balse Israel ay bareysay duuliyayaasha Imaaraadka, kadibna uu garaacay Gaza. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayaa Cohen waxa uu kula loolamaye ku xigeenka madax booliiska iyo amniga dadweynaha Imaaraadka Carabta General Dhahi Khalfan inuu beeniyo in duuliye Imaaraati uu ku jiray hawada markii ciidamada Israel ay duqeeyeen Marinka Gaza, saddex toddobaad ka hor. هل ينكر ضاحي خلفان تميم وجود طيار إماراتي شارك ضمن سلاح الجو الاسرائيلي في القصف على الإرهابيين في غزة قبل ثلاث أسابيع .. وهو يتدرب على طائرات f35 الإسرائيلية عندنا .. !؟ أتحداه أن ينكر ذلك .. @Dhahi_Khalfan — ايدي كوهين אדי כהן (@EdyCohen) August 9, 2018 Hadalka Cohen ayaa yimid maalmo kadib markii Jeneraalka Imaaraatiga ah uu Carabta ugu baaqay inay dareemaan xaqiiqda in Israel aysan dooneyn wax aan ahayn inay burburiso Carabta. Cohen ayaa u muuqday inuu muujinayey inay laba kala yihiin hadallada iyo ficillada Imaaraadka. Cohen ayaa sidoo kale tweet-kiisa shaaca uga qaaday in Jeneral Khalfan uu ku lug lahaa khaarijintii sanaddii 2010 magaalada Dubai loogu geystay hoggaamiyihii Xamas Mahmoud Mabhouh. Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa bilihii dhowaa si hoose xulufo ula ahaa Yahuudda, sida ay shaaca ka qaadee warbixinno dhowr ah. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu kusoo fool leeyahay madaxweynaha dalka Eriterea Isias Afewerki. Wararku waxa ay sheegayaan in Isias Afewerki uu casuumaad ka helay dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo waayadan siyaasad ahaan aad isugu dhow. Casuumadan ayaa la sheegay inay tahay mid asbuuci hore gaartay xafiiska madaxweyne Isias Afewerki. Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Eriterea iyo La-taliyaha Madaxweynaha Ereterea Yemane Gebreab oo safar laba cisho ah ku joogi doono Muqdisho. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in wafdiga Wasiirka ay hordhac u yihiin Madaxweynaha Eriterea Isias Afewer, wallow aan la ogeyn xaqiiqda imaanshaha madaxweynaha. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu casuumaad u fidiyay dhigiisa Eriterea ayaa ka gaabsaday inuu turxanbixiyo hadal heynta imaanshaha Isias Afewer. Sidoo kale, Wasiir Cawad, waxa uu tilmaamay in su’aashasi tahay mid uusan kasii hordhici Karin, balse wixii jiraa ay banaanka usoo bixi doonaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn xaqiiqda wararka sheegaya in magaalada Muqdisho uu kusoo fool leeyahay Madaxweynaha Eriterea Isias Afewer oo wafdi dalkiisa ka socda ay hadda ku sugan yihiin Muqdisho, waxaana xusid mudan DFS ay ka gaabsatay arrintaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
15, Agoosto 1984, ayaa la asaasay Jabhada Wadaniga xoreynta Ogadeeniya, (JWXO) (Ogaden National Liberation Front) waa ururkii ugu muddada dheera ee ka daggaalama Dhulka Soomaali Galbeed. Bishii Janaayo sannadkii 1992dii ayaa Magaalada Garbo ee Gobolka Nogob waxaa lagu qabtay Shirwenihii koobaad ee Dalka Gudihiisa ay ku yeeshan ONLF. Waxaana lagu dhisay Gole dhexe oo ka kooban 45 xubnood oo uu xog haye guud u ahaa ANH Shiikh Ibraahim Cabdalla Muxamed oo markii dambe noqday Guddoomiyaha Jabhadda JWXO. 22 Febraayo sannadkii 1994kii Ciidanka Malitariga Itoobiya ayaa weerar ku qaaday Guddoomiyihii Jabhadda ONLF Shiikh Ibraahim Cabdalla Muxamed oo socdaal ku jogay Gobolka Doollo xaruntiisa Wardheer. Lagasoo bilaabo 1994, Ururka hubaysan ee (ONLF) wuxuu bilabay daggaal hubaysan oo uu kala soo horjeeday Dawladda Itoobiya qadiyadda Jabhaddu waxay ahayd inay xornimo iyo madax Bannani garsiiyan Dhulka Soomaali Galbeed ee hada lamagac baxay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. 34,Sanno kadib Jabhadda Wadiniga Xoraynta Ogadeeniya waxay ku dhawaaqaday Xabbad joojin rasmiya taaso dhaqan gashay 12, 08/ 2018. Waxan u aragnaa in Xabbad joojintu ay Dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo (BBC) u warramayey isagoo jooga Nairobi. Xabbad joojinta ONLF) waxay kusoo aaday iyadoo siyaasaddii Dalka Itoobiya isbedel weyn ku yimid Ururka ONLF-na laga saaray liiska Ururada argagaxisada uuna furmay jawi wada hadal iyo isu soo dhawaasho dhanka Madaxda Itoobiya iyo Hoggaanka ONLIF. Xabbad joojintu waxay kusoo aaday iyadoo Gobolka Soomaalida Itoobiya laga helay Shidaal cayriin Waana mida soo dadajisay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo Albaabada u furo dhamman Jabhaddihii Dawladda Itoobiya daggaalka kula jiray. Xabbad joojinta Jabhadda (JWXO) waxay kusoo aaday iyadoo Waddamada Itoobiya iyo Eratariya oo daggaal muddo dheer socday lasoo afjaray lagana heshiiyey Itoobiyana ay ka tanaasushay Dhulkii la isku haystay, waxa xusud mudan in Jabhadda wadaniga xoraynta Ogadeniya ay Dawladda Eratariya gabbaad siin jirtay. ONLF, Daggaalka ay muddada dheer kula jiren Itoobiya wuxuu sababay in Ismaamulka Soomaalidu noqdo dhul Ciidan Milatari xarumo u ah inta badan hase yeeshee 10kii sanno , ee ugu dambeysay Ismaamulka Soomaalida waxa laga asaasay Ciidan Boolis Milatar ah loona yaqan Liyuu boolis kuwas oo si xasaasi ah ula daggaalamay Jabhadda ONLIF, wiiqayna Dhaqdhaqaqii Jabhadda ee Dalka Gudihiisa ahaa. Ugu dambayntii waxaa lasoo gaaray waqtigii ONLF ay Itoobiya la heshiin lahayd waxayna ku dhawaqeen Xabbad joojin iyo isu soo dhawaasho waxana la filaya in ONLF iyo xukumadda Itoobiya ay wada garan heshiisyo muhiima. Soomaalidu waxay ku maahmaahda, haddii (Dhayda la wayo Ciirtu waa dhadhata oo dheylo waa subagsiin) waxan ula jeeda haddii Madax bannaani la wayey waa in (ONLF ) ay qeyb ka noqoto isbedelka Bariga Afrika ee loo raadinayo xasilooni iyo degganaasho si loo cirib tiro faqriga iyo colaadaha. W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud Abdinuur02@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan baraha bulshada aad looga hadal hayo Khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Dowladaha Iran iyo Mareykanka ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei. Khamenei, ayaa sheegay inay la socdaan hadal heynta baraha bulshada ee ku aadan wadahadal dhexmaraa Iran iyo Mareykanka oo uu khilaaf u dhexeeyo. Khamenei ayaa meesha ka saaray wadahadal ay xukuumada Iran la gasho maamulka madaxweyne Donald Trump, waxa uuna tilmaamay inay aad u adkaan doonto xiriir diblumaasiyadeed oo Iran ay la gasho maamulka Trump. Khamenei ayaa sheegay in aysan dhici doonin arimaha maalmihii la soo dhaafay lagu buun buuniyay baraha bulshada oo aheyd wadahadal dhexmara labada dowladood waxa uuna hadal heyntaasi ku sheegay mid mugdi un sii galineyso rajadii laga qabay isku soo dhawaanshaha. Waxa uu sheegay hadii ay dhacdo xitaa wadahadal in ay la galaan mareykanka aysan noqon doonin waqtigan taasi oo uu ula jeeday in aysan diyaar u aheyn la macaamilka xukuumada hada Jirta. Mr Khamenei, waxaa uu sheegay in Iran muhiimada ay saari doonto oo kaliya heshiiskii ay la gaartay dowladaha caalamka oo mareykanka uu qeyb ka yahay sanadii 2015-kii kaasi o quseeyay Arimaha Nuclear-ka Iran. Sidoo kale, Khamenei waxa uu ku goodiyay in daandaansiga Trump uu sabab u noqon doono xasil darro ka dhacdo dalka Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa waxaa jawaab cad oo kama danbeys ah u yahay war horay uga so baxay madaxweyne Trump oo ahaa in uu diyaar u yahay wadahal uu la galo madaxda maamulka Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
ADDIS ABABA, Aug 13 (Reuters) - At least 40 people were killed by paramilitary forces in eastern Ethiopia over the weekend, a senior regional official said on Monday, in the latest spate of violence driven by ethnic divisions. Source: Hiiraan Online