Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,499
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Villa Somalia waxaa dhowaan lagu wadaa in la magacaabo safiiro dhowr ah oo cusub, kadib markii xilalkii laga qaaday in ka badan 8 safiir oo Soomaaliya u fadhiyey dalal muhiim ah. Xogta ayaa sheegeysa in Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Axmed Shoole oo ah mid ka mida saaxiibada ugu waaweyn ee madaxweynaha Soomaaliya loo magacaabayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Doha ee dalka Qatar, xilkaas oo laga qaaday Cumar Idiris. Magacaabidda safiirka cusub ee Qatar loogu magacaabayo C/risaaq Shoole ayaa la sheegay inuu taageero ka heysto xubno sar sare oo ka tirsan Villa Somalia , wuxuuna qeyb ka yahay safiiro dhowr ah oo lagu wado in la buuxiyo. Illaa 12 Safaaradood ayaa laheyn wax safiir ah, tan iyo markii sanadkii hore xilalka laga qaaday Safiiradii dalalkaas joogay oo qaarkood muddo sanado hayay xilalka, waxaana lagu dhaliilayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda in aanay wali soo jeedin buuxinta safaaradaha banaan. Xilalka safiirnimo ee dalalka muhiimka ah sida: Kenya, Imaaraadka, Kuwait, Shiinaha, Mareykanka iyo Qatar ayaa bannaan iyadoo uu socdo olole olole lagu doonayo in lagu buuxiyo xilalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mid ka mida Saaxiibada ugu weyn Madaxweyne Farmaajo oo loo magacaabayo Safiirka Somalia ee Qatar appeared first on Caasimada Online.
  2. Degmada Ufayn ee gobolka bari waxaa ka furmi doona maalinta bari ah shir looga hadlayo dar dargalinta dhismaha wadada kala beer iyo Caluula. Wadada Caluula iyo kala beer ayaa dhexmari doonta ilaa iyo 11 degmo oo ay Boosaaso kamid tahay. Gobolada bari ee loo yaqaan gaari waaga ayaan lahayn wadoonyin fiican oo ay soo mariyaan dhaqaalaha ka soo baxa gobolka garda fuu ee ubadan fooxa iyo beeyada. Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgali doona Gudoomiye yaasha 11 ka degmo ee wadadan ka faaiidaysan doona waxayna ku bixindoonan dhismaha wadadan muruq iyo maalba. Gudoomiyaha degmada Ufayn ee gobolka bari Cali jaamac Jariil ayaa kawaramay ujeedada shirakan iyo xiliga uu furmi doono. Halkan hoose ka dhagayso. Codka degmada ufeen
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, kana tirsan Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay maamulaan shaqsiyaad kale, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha in aanu awoodiisa ku wareejin dad aan la dooran. Wareysi uu siiyaya Telefishinka Universal ayaa waxaa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ka mid ah weerarkii lagu qaaday hoygiisa iyo xaaladihii siyaasadeed ee dowladda ay gashay sanadkeedii u horeeyay. “Runtii Cabsida aan qabo waxa ay tahay in aan ka warhelay in la iisoo adeegsan rabo Kooxda Al-Shabaab ayna ku lug leeyihiin dowladdo Shisheeye oo aan dooneyn in Magacooda aan sheego iyo dowladda intaba ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame” Sidoo kale waxa uu sheegay in uu shaki ka qabo in dowladdo Shisheeye ay weerar ku soo yihiin iyaga oo soo maraya ama u soo adeegsanaya Al-Shabaab. Dhinaca kale Siyaasiga ayaa waxa uu ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka aamusay dhibaatoyin ka jira dalka iyo waxkasta oo madaxda qaarkood ay ku dhaqaaqeen isaga oo talo u soo jeediyay. “Talo ayaan siin lahaa, Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay Mas’uuliyadaada qaado, wax kasta dalkaan ka dhacay ama xaalado siyaasadeed waa ka aamustay, caqabadaha dhabta ah ee Qaran ahaan noo heysto asiga ka Madaxweyne ahaan laga rabaa inuu dadka u sheego oo uu dadka hor-yimaado, Madaxweynaha wuxuu noo sheegay in Shabaab labo sano dalka looga saarayo, hadana wuxuu dhahay lagama adkaan karo, wadamadaha colaadaha ka soo baxaya waxaa lagu yaqaanaa Hoggaamiyeyaashooda dadka runta ayay u sheegaan”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. “Soomaali waa ogtahay dadka aan la dooran ee saameynta leh oo awooda ku heysta Madaxtooyada ee Wasiirada kala bedelaya, taliyeyaasha ciidamada bedelaya, Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay dadka aan la dooran awoodaada haku wareejin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Tan iyo wixii ka dambeeyay 17 Bishii December ee Sanadkii tegay 2017 markii la weeraray xili habeen ah hoygiisa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxa uu dowladda ku eedeynayay in aan tallaabo sharci ah laga qaadin Saraakiishii ka dambeeyay weerarkaas. Halkaan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/02/siyaasi-Cabdiraxmaan-Cabdi-Shakuur-Warsame.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso: C/Raxmaan Cabdi Shakuur”Dowladdo Shisheeye & Dowladda ayaa ii adeegsan raba Al-Shabaab si la ii dilo” appeared first on Caasimada Online.
  4. Bosaso (Puntlandi) Degmada Ufayn ee gobolka Bari waxaa ka furmi doona maalinta bari ah shir looga hadlayo dar dargalinta dhismaha wadada kala beer iyo Caluula. Wadada Caluula iyo kala-bayr ayaa dhaxmari doonta ilaa iyo 11 degmo oo ay Boosaaso kamid tahay. Degmooyinka kuyaala gobolada Bari iyo Gardafu ee loo yaqaano gaari waaga ayaan lahayn wadooyin fiican oo ay soo mariyaan dhaqaalaha ka soo baxa ee u badan Fooxa iyo Beeyada. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgali doona Gudoomiye-yaasha 11 ka degmo ee waddadan ka faa’iidaysan doona kuwaas oo ku bixindoonan dhismaha waddadan Muruq iyo Maalba. Gudoomiyaha degmada Ufayn ee gobolka bari Cali jaamac Jibriil ayaa kawaramay ujeedada shirakan iyo xilliga uu furmi doono. Halkan hoose ka dhagayso. Codka degmada ufeen Puntlandi.com Xafiiska Wararka Bosaso
  5. Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaaday Imtixaan ay u fariisteen 80 qof oo isugu jira 20 Rag iyo 60 Dumar kuwaas oo u tartamayey boosaaska Record Management ama kaydinta xogta dawladda oo loo qaadanay 7 kamid ah hay’adaha dawladda eek a faa’iideysanaya mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland. Q0rshaha loo qaadanayo shaqaalahan cusub ayaa ah sidii loo heli lahaa shaqaale xirfad iyo aqoon u leh hannaanka kaydinta xogta ama arkiifiyada si loo tayeeyo waxna looga beddelo qaabkii hore ee loo kaydin jirey xogta dawladda. Imtixaanka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Library-ga iyadoona loosoo diyaariyey hab casri ah oo ka beddelan qaabkii hore ee loo diyaarin jirey imtixaanka si loo ilaaliyo hufnaanta imtixaanka isla markaana loo dhowro kalsoonida tartameyaasha iyo guud ahaan shacabka Puntland. Shaqaalahaan cusub ayaa markii la qaato waxa ay ka kala hawl-geleyaan xarumaha Wasaaradaha Qorshaynta, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, shaqada iyo shaqaala, Bangiga dawladda iyo hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda. Ka qayb galeyaashii imtixaanka ayaa muujiyey inay si wanaagsan ugu qanacsanyihiin habka loosoo diyaariyey imtixaanka iyo habka casriga ah ee loo qaaday taas oo ay beryihii hore ka muujin jireen tuhun ama mad-madow. The post Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaan ka qaadday shaqaale cusub appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socda Midowga Afrika iyaga oo Magaalada Muqdisho uga qeybgelaya shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya,Midowga Afrika oo ay iyaga matalayaan iyo danjirayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Wafddigan oo tiradoodu tahay 10 Qof waxaa ay Muqdisho u joogaan shirkaas iyo qiimeyn ay ku sameynayaan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya. Wafddiga ayaa sidoo kale u kuur gelaya hanaanka mas’uuliyadda amniga Soomaaliya Ciidanka AMISOM ugu wareejinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa guulaha laga gaaray howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo sanadkii 11aad gelaya Bisha March ee soo socota, caqabadaha lagala kulmay,waxyaabaha hadda taagan ee ay tahay in la wajaho, sida amniga Soomaaliya loogu wareejin karo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qodobo kale. Wafddiga oo uu hoggaaminayay madaxa qorsheynta howlgallada ee Midowga Afrika Jen. Francis Okello,waxaa ay durba kulan horudhac ah la qaateen wakiillo ka socda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Cali. Kulanka hordhaca ah oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya waxaa sidoo kale ka qeybgelay ergeyga Mudowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Dowladda, Midowga Africa iyo waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka oo ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam shaaciyey inuu ku biiray wadahadalka magaalada Nairobi uga socda dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF. Wadahadalka nabadeed ee labada dhinac uga socda magaalada Nairobi ayaa waxaa soo qabanqaabiyey oo martigelinaya dowladda Kenya oo la sheegay inay u yeertay Axmed Madoobe si uu gacan uga geysto cadaadiska la saarayo labada dhinac si heshiis loo gaaro. Qoraal la soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee facebook ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe ku guda jiro dadaalo uu ugu kala dabqaadayo ergooyinka kala matalaya Dowlada Itoobiya iyo Ururka ONLF ee ka qayb galaya wadahadallada kasocda Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Wakiilada kala metalaya labada dhinac iyo dhexdhexaadiyeyaasha ka socda Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay inay yihiin dad kasoo wada jeeda hal beel. The post Sawiro: Axmed Madoobe oo shaaciyey inuu ku biiray dhexdhexaadinta Dowladda Itoobiya iyo ONLF appeared first on Caasimada Online.
  8. Dowladda Ehiopia iyo Jabhadda ONLF oo wada-xaajood uga socdo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la sheegayaa in weli labada dhinac aysan heshiis rasmi ah ka gaarin qodobada miiska saaran. Xubno ku sugan magaalada Nairobi oo si hoose ula socda arrimaha shirkaan ayaa sheegaya in weli la isku fahmi la’yahay qaar kamid ah dalabaadka ay soo gudbisay jabhadda ONLF. Dhinaca kale Af-hayeenka Jabhadda ONLF, Cabdiqaadir Xassan Hirmooge oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada-xaajoodku si habsami leh u socdo ayna ka filayaan in wax wanaagsan ka soo baxo. Hirmooge ayaa intaasi ku daray in haddii kulankaan la isku afgarto ay shir kale u ballami doonaan,si loo dhammaystiro arrimaha harsan. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Qodobada Wada-xaajoodka Ethiopia iyo ONLF. appeared first on Puntland Post.
  9. Jaamacadda Bariga afrika xarunteeda Bosaso ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan qorshaha qofeed ee istartiijiga ah waxaana ka faa’idaysanaya dhamaan ardayda Jaamacadda. Maamulka Jaamacada Bariga Afrika, Macalimiin, tababarayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galay tababarkan oo ay Jaamacadu soo qaban qaabisay. Dr. Shaafici Cabdicasiis oo ka hadlay tababarka ayaa Ardayda u sheegay in qof kasta loo baahan yahay in uu leeyahay qorsho cad oo uu meel ku mari karo. ”Ujeedada tababarka ayaa ah in qofku dajisto qorshe cad, in uu yeesho Argti, in uu sameeyo qorshe yaal wanaagsan oo uu wax ku qabsan karo. Qorshahani wakhti badan buu u baahnaa lakiin madaama aad tihiin ardayda Jaamacada waxaan rajeynayaa in aad ka faa’idaysatan”sidaas waxa yiri Dr,Shaafici Cabdicasiis oo tababarkan bixinayey. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Maxamuud Maxamed Ciise oo ugu danban tababarka ka hadlay ayaa Ardayda u balan qaaday in sanadkiiba mar loo qaban doono tababar noocan oo kale ah waxana uu kula Dardaarmay in ka ,faaidaystan. Ugu danbayn tababarkan ayaa ku soo dhamaaday Jawi dagan ardayduna waxa ay sheegen in si wanaagsan ay uga Faa’idaysteen. Halkan hoose ka dhagayso Codadka Codadka Jaamacada Bariga Afrika
  10. Wasiirka wasaarada Dastuurka ee DFS C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay in laga wadahadlay Qaybsiga Canshuuraha iyo daqliga , Xalkagaarista is qabqabsiga kataagan Dekedaha Dalka iyo Awoodaha ay kala leeyihiin DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka. Wasiirka ayaa sheegay in shirkii Amniga uu ka soo baxay heshiis Gaaban oo kumeel gaar ah oo kaluumaysiga ah, kaas oo si kumeel Gaar ah loogu sii wada shaqayn doono inta laga gaarayo Heshiis Dhab ah . Waxa uu sheegay Wasiir Xoosh Jibriil in ay muhiin tahay in lahelo Hay,ad laguwada midaysanyahay iyo in maqaamka Muqdisho lagawadayeesho Aragti midaysan iyo in xal uraadinta arita ku saabsan goosashada maamulka Soomaaliland iyo muranka kataagan Xuduudaha ay wadaagan Puntland iyo Soomaaliland ee Gobolada Sool iyo Sanaag. Hadaba hoos ka dhagayso Wasiir Xoosh. Wasiir Xoosh
  11. Booliiska maamul goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin rasmi oo ay uga cabanayaan xuquuq la’aan haysta muddo dhowr sano ah. In ka badan 500 oo ka tirsan Booliiska Galmudug ayaa diiday in ay ka amar qaataan taliyaashoooda iyagoo sheegay in aysan helin wax mushahar ah muddo dheer sidoo kalena uu hayso dayac iyo darxumo baahsan. Saraakiisha hoggaaminaya ciidankan ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ay 48 saac u qabteen madaxda sare ee Galmudug in ay cabashadooda uga jawaabaan,haddii kalena ay sii wadayan shaqo joojinta. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Booliiska Galmudug oo shaqo joojin ku dhawaaqay. appeared first on Puntland Post.
  12. Askari Katirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhow Muqdisho ku dhaawacay masuul katirsan Dowlada Soomaaliya. Cabdullaahi Cabdikariin Maxamed Xiireey oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada iyo Ciyaaraha dowlada Soomaaliya ayaa askari si bareer ah u dhaawacay. Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga xarunta Beerta Nabadda ee Muqdisho halkaasi uu Cabdullaahi uu dhiganaya Gaarigiisa askarina uu is hor istaag kala kulmay. intaasi kadib askariga ayaa ilaa 3 xabo dhanka caloosha kaga dhuftay waxaana dhaawaciisa iminka loo qaaday isbitaalka Digfeer ee Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal ciidamada ay u geeystaan masuuliyiin dowlada ka tirsan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post MUQDISHO: Askari dhaawacay Masuul dowladeed appeared first on Puntland Post.
  13. Baarlamaanka 10 naad ee Golaha Shabka waxaa ka banaanaa ilaa iyo Afar kuri taas oo mid ka mid ah kuraastaasi Deegaan Doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Jowhar. Maagaalada kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa maanta Waxaa lagu qabanayaa Doorashada mid kamid ah sadaxda kursi ee Haatan ka banaan Golaha Shacabka . kurisagan ayaa doorashadiisa waxaa laqaban doonaa 15 bishan aynu ku guda jirno ,Waxayna Gudigu isku diyaarinayaan Diiwaangalinta Ergada ,Kor joogayaasha Diiwaangalintooda , lashirka maamulka Jubaland , iyo Sugudia Amniga goobta ay Doorashadu ka Dhacayso. Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ee DFS Xaliimo Yarey ayaa Faah faahinaysa qaabka ay Doorashadan udhici doonto iyo xiliga laqaban doono . Hoos ka Dhagayso Cidka Xaliimo Yarey. Xaliimo Yarey
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dhaqdhaqaaq dagaal oo ay wadaan Wadaadka Mukhtaar Roobow iyo Xoogaga daacada u ah ee ku sugan Gobolka Bakool. Dhaqdhaqaaqa xoogiisa ayaa la sheegayaa inuu ka socdo magaalada Xudur iyo deegaanka Abal oo saldhig u ah Xoogaga Mukhtaar Roobow. Mukhtaar Roobow, ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Gaadiid dagaal iyo ciidamo cusub oo dhawaan uu diiwaan galiyay maamulka Koonfur Galbeed kuwaa oo la xaqiijiyay inay ka garab dagaalami doonaan Roobow iyo Xoogagiisa. Gaadiidka iyo Ciidamada lagu wareejiyay Roobow ayaa la sheegay in leysugu geynaayo magaalada Xudur halkaa oo noqoneysa Saldhiga ugu weyn oo ay ka duuli doonaan Roobow iyo Xoogagiisa. Gaadiidka iyo ciidamada cusub ayaa sidoo kale la sheegay in laga raray magaalada Baydhabo ee xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed. Roobow ayaa la qorsheynayaa in dagaal uu ku qaadi doono maleeshiyaadka al-Shabaab ee ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana xusid mudan in garab weyn uu ka helaayo maleeshiyaad kale oo ugu dhex jira Shabaab. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa ka xaqiijiyay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Mukhtaar Robow uu kawado magaalada Xudur iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Koonfur Galbeed iyo Roobow ayaa goor sii horeysay ku heshiiyay in si wada jira loola dagaalamo al-Shabaab kusii faafaaya deegaanada maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Roobow oo Hubkii ugu badnaa kala tagay Baydhabo & Ciidamo cusub oo lagu wareejiyay appeared first on Caasimada Online.
  15. Lataliyaha Madaxaweeynaha jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Sheekh Abuubakar Bashiir Ee Dhinac Diinta kana mid ah Gudiga uu Madaxweeynahu u xil Saaray Dhamaystirka Qorshaha Nabadaynta Bulshada Caabudwaaq ayaa Ku Guulaystay in Xal Waara laga Gaaro Xisadii Udhaxaysay Qaar ka Mid ah beelaha Dega dagmada Caabudwaaq. Sheekh Abuubakar Bashiir C/laahi yaa sheegay in ay ku Guulaysteen Dhamaystirka Heshiis Nabadeed oo ay dhex dhigeen Dhinacyada Beelahii isku hayay Degmada Caabduq Waaq laguna Guulaystay Samaynta ciidamo Nabasugda ah oo hanta Amaanka Si ay dadku ugu wada noolaadaan magaalada si nabad ah. Talaaaaaaaaya bbbbbb
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka socda diyaar garow lagu doonaayo in lagu qabto doorashada Kursiga Xildhibaanimo ee uu ka dhintay Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji. Doorashada ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Beri ah, waxaana la filayaa in shaqsiyaadka u tartamaaya Kursiga Marxuum Cabaas Siraaji uu kamid yahay wiil la dhashay oo ka imaaday dalka dibadiisa. Xubnaha ku tartamaaya Doorashada oo ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa saaka halkaa kawada diyaar garowgii ugu danbeeyay maadaama ay maalinta Beri ah dhici doonto Doorashada. Waxaa Magaalada Kismaayo xiligaan diyaar ku ah dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay wax doortaan. Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan, ayaa saxaafada u xaqiijisay in maanta ay bilaabi doonaan in ay hubiyaan Ergooyinka, islamarkaana ay xaliyaan wixi tabasho ah ee jira si ay biri u dhacdo Doorashada. Amniga ayey sheegtay in si weyn loo adkeyn doono mudada ay socto Doorashada, islamarkaana ay ka hortagi doonaan wixii musuq iyo eedeynba ah. Sidoo kale, Guddiga doorashooyinka ayaa wadda dadaallo lagu soo buuxinaayo kuraastii ka banaanaatay Golaha Shacabka. Bishii lasoo dhaafaya ayey aheyd markii ay Guddiga ku qabteen Magaalada Jowhar Doorashada kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Goormee ayey qabsoomeysaa Doorashada Kursiga BF ee uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji? appeared first on Caasimada Online.
  17. Miraa chewers in Meru county are displeased with a KDF officer’s warning that chewing the substance leaves teeth discoloured. A Lieutenant Colonel in Lamu West said this on Monday during the military’s recruitment when many were turned away for having stained teeth. The Nyambene Miraa Traders Association has complained about the “unsubstantiated” views and demanded that Kenya Defence Forces “fully recant it”. Sakijo Munjuri, chairman of the association (Nyamita), noted those who turned up for the recruitment had been taking Mombasa’s salt water which contains fluorides. “There is no scientific basis [for the warning] and it is not based on real life experiences among miraa chewers,” he said, and termed the remarks “unfortunate and very detrimental”. “People take soft drinks like Coca-Cola, eat sweets and smoke many other substances. Teeth discolouration should not be attributed to miraa chewing. The officer’s comments are most unfortunate. We want KDF to cite the genesis of the statement or recant it because I doubt whether people were asked what they chew or ingest.” Adding that the sentiments amounted to profiling, the chairman said: “Going on air with such unsubstantiated claims is far below what we expect from our disciplined forces. “The recruitment is an ongoing exercise … we wouldn’t want anybody denied the opportunity to join the Armed Forces because of the assumption that they chew Miraa. That will be a very unfortunate occurrence. We don’t want the army to start profiling people.” A 2015 research by Moi University found that tooth problems such as discolouration arise from chewing miraa with other substances and factors such as dental hygiene. In 2010, the Dental Research Journal reported that non-chewers have better oral hygiene than chewers. It cited gingival bleeding and recession, difficulties in opening the mouth and swallowing food, a burning sensation in the soft tissues and ulcers on the oral mucosa. Munjuri further said that the Kenya Medical Research Institute (Kemri) carried out a four-month research in Meru county and did not find anything that linked tooth decay, discolouration of teeth and dental diseases to chewing miraa. He said the institute emphasised the distinction between miraa chewing and the consumption of other substances in the process.. “We have shared our sentiments with the KDF via their Twitter handle and we are hoping they are going to clarify. We are not going to leave this alone,” he told The Star by phone on Tuesday. “If they don’t reply by tomorrow, we will write to them officially and seek clarification of how this arose. We want this attended to as fast as possible.” But Munjuri thanked the military for stabilising Somalia which is a major miraa market. In July 2017, the Health ministry reported that miraa can be harmful when abused. The ministry said when chewed over several hours, khat can trigger effects such as elevated or lowered blood pressure, sweating or chills, nausea or vomiting and weight loss. Minister Cleopa Mailu said there was no contradiction between the ministry’s stand and that of Kemri, which reportedly gave miraa a clean bill of health in February. Kemri scientists had indicated they could not prove miraa was harmful to the body. Munjuri’s sentiments were echoed by Miraa trader and chewer Ismael Mwenda, 52, who said there was no proof it causes teeth to be stained. The man noted his 40 years’ experience in the trade and that his teeth got discoloured when he was 12 years old, an age at which he had not started chewing miraa. “There must be other health problems,” he said in Meru town yesterday. Police recruitments always stick to the age-old tradition of locking out candidates with missing or discoloured teeth, squint eyes, narrow chests and flat feet. The features are listed in the police recruitment manual issued to the recruiting officers. In April 2015, a senior officer explained that candidates with missing and discoloured teeth are assumed to have weak bones and will have challenges during training. Source: – The Star The post Kenya:Explain ‘baseless’ idea that miraa leaves teeth stained, chewers tell KDF appeared first on Caasimada Online.
  18. The Khat traders and consumers in breakaway Somaliland have been facing khat shortage for the last three days after the business was disrupted by Somali-Oromo clashes. Markets in Hargeisa, the administrative capital of the region and other towns have experienced low fresh deliveries of the narcotic plant which used to be transported from the neighbouring country, Ethiopia. The eager chewers have to braced themselves for higher prices for the herb due to the shortage, according to our correspondent in Hargeisa, Barkhad Ladiif M. Omar. It was reportedly that the price of the khat has increased from the usual price of Ssh200,000 per kilogramme to Ssh600,000. Khat is one of the major tax earner for Somaliland administration as Hargeisa also spends over Sh billions annually on khat exported from Ethiopian. The sector is also a key source of employment in the unrecognised state. Riots in Dire Dawe In Ethiopia, khat is largely grown in the eastern regions of Dire Dawa state and Harari region which are both about 200 kilometres from Hargeis. Depites Clashes between Somali and Oromo communities, major demonstrations across Oromia have made transportation of the khat to Somaliland worse. The demostrations have taking a toll on traders in the town two days after Oromo youths launched protests against the arrest of opposition politicians in Dire Dawe town. Youths were reportedly members of Qeeroo group which is headed by Jowhar Mohamed Shops remained closed and roads blocked for fear of looting and destruction of property. The post Somali-Oromo clashes halt Khat transport to Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  19. Afgooye (Caasimada Online)-Ciidamada Militeriga Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhaqdhaqaaq ka bilaabay qaybo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool. Ciidamadan oo boqolaal dhan ayaa la qorsheynayaa inay u dhaqaaqi doonaan deegaanada ay Goboladaasi kaga sugan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab. Talisyada ciidamada Maamulka ayaa ku hawlan sidii guluf xoogan loogu qaadi lahaa dhulka ay Shabaabku kaga sugan yihiin Deegaanada Koonfur Galbeed. Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed oo booqday Goobaha lagu diyaarinaayo Ciidamada dhaqdhaqaaqa wadda ayaa ugu baaqay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka al-Shabaab. Wasiirka ayaa ciidamada ku wargaliyay in looga fadhiyo xoreynta dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaanada maamulka oo qaarkood ku jira gacanta al-Shabaab. Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada u sheegay in laga doonaayo in ay furaan Wadooyinka ay Go’doomiyeen al-Shabaab. Dhaqdhaqaaqyadan waxay ku soo beegmayaan, xilli Ciidamada Koonfur Galbeed oo garabsanaya Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, ay toddobaadkan dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen Gobolka Shabellaha Hoose. The post Sawirro: MKG oo banaanka soo dhigay boqolaal ciidan Hubeysa oo la dagaalami doona Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  20. Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Al-shabaab ka qabsadeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo oo u dhow xadka Jubbada Hoose,sida ay baahisay Warbaahinta dowladda. Taliyaha Ururka 49 aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdifitaax Maxamed Turbac oo saaka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanka Caanaale iyo tuuloooyin badan oo hoosyimaada,islamarkaana ay ku sii jeedan degaanno hor leh oo tirsan gobolka Gedo. Ma jiro war ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo arrintaasi ku aaddan iyo sidoo kale cid ka madax-bannaan Warbaahinta dowladda oo xaqiijisay midna. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Militariga Soomaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanno ka tirsan gobolka Gedo. appeared first on Puntland Post.
  21. Somalia’s port city of Kismayo is on the spot again over suspected illegal exports after a string of photos emerged on the social media showing truckloads of charcoal being loaded onto boats. Source: Hiiraan Online
  22. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-raam oo dhaca waaqoyiga bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay Madaafiic dukun-daakun uga dhigeen Saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka. Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in halkaa ay ku dhufteen Siddeed Madfac oo intooda badan ku dhacday Saldhiga iyo Xaafadaha ku hareereysan, iyadoo uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ayaa la sheegayaa inay aad u badan tahay waxaana jira warar sheegaya in ku dhawaad Lix Askari ay kusoo gaartay waxyeelo kala duwan, halka khasaaraha soo gaaray dadka deegaanka uu gaaraya ilaa Seddex ruux oo dhaawac iyo dhimashaba leh. Saraakiisha ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa qaabilsan Saldhiga la duqeeyay ayaa qiray inuu jiro khasaaro xoogan, hase ahaatee ma aysan carab dhabin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha. Saraakiisha Saldhiga waxa ay sidoo kale sheegen inay ka war hayeen inuu kusoo fool lahaa weerar kaga imaanaya al-Shabaab, balse ay ka gaashaaman doonaan waxa xigi doona. Saldhigga Ceel-Raam ee la duqeeyay ayaa waayadan waxaa ka socday shirar u dhexeeyay Taliyayaasha iyo Saraakiisha amaanka deegaanka, waxaana xigay beegsiga Madaafiicda. Dhinaca kale, al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya Sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Somalia. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay Madaafiicda ay Shabaab ku garaaceen Saldhiga ciidamada Kenya ee.. appeared first on Caasimada Online.
  23. (Berlin, February 14, 2018) – The new German law that compels social media companies to remove hate speech and other illegal content can lead to unaccountable, overbroad censorship and should be promptly reversed, Human Rights Watch said today. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa habbeenimadii xalay magaalada Muqdisho lagu dhaawacay mid ka mid ah Agaasime Waxeedyadda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Agaasime waaxeedkan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey, oo ku magacaaban Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga. Agaasimaha ayaa la sheegay inay rasaaseeyen ciidamo ka tirsan dowlada, kadib markii ay ka shakiyeen gaari uu la socday oo isku dayay inuu si xooli ah ku dhaafo ciidamada. Agaasimaha ayaa xiliga la rasaaseynaayay maraayay agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana la xaqiijiyay in dhaawiciisa uu yahay mid aan sidaa usii buurneyn, sida ay xaqiijiyeen dad ku booqday isbitaalka lagu dabiibaayo. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa xaqiijisay dhaawaca Agaasimaha waxa ayna barteeda Facebook ku soo qortay in lagu soo wargeliyay dhaawaca Agaasime C/llaahi. Sidoo kale, Agaasimaha ayaa la sheegay inay ku dhaceen ilaa Seddex xabadood oo kaga beegnaa dhanka caloosha, hase ahaatee ciidamada rasaaseeyay ayaa ku andacoonaaya inuu isku dayay awood. Dhinaca kale, Saraakiisha ciidamada dowlada ayaan weli ka hadal dhaawaca Agaasimaha, inkastoo la sheegay in xaalkiisa uu iminka yahay mid caadi ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamada dowlada oo dhaawacay Agaasime ka tirsan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha appeared first on Caasimada Online.